Agaasimaha NISA oo dardargelinaya howlgallada ka dhanka ah Khawaarijta ee Gobolka Hiiraan

Date:

Agaasimaha Hayโ€™adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka (NISA), Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe, ayaa kulan muhiim ah la yeeshay saraakiisha Ciidamada Qaranka, kuwa deegaanka, iyo maamulka gobolka Hiiraan. Kulankaas oo ay sidoo kale ka qeyb galeen masโ€™uuliyiin ka tirsan dowladda, ayaa diiradda lagu saaray dardargelinta howlgallada ka dhanka ah Khawaarijta iyo xoojinta wadashaqeynta hayโ€™adaha amniga.

Intii uu ku sugnaa gobolka Hiiraan, Agaasimaha NISA ayaa booqday furimaha dagaalka, isagoo bogaadiyay guulaha ay ciidamada ka gaareen la dagaallanka kooxaha nabad-diidka. Wuxuu sidoo kale kula dardaarmay saraakiisha inay sii xoojiyaan howlgallada ka socda gobolka Hiiraan iyo deegaannada kale.

Kulanka waxaa sidoo kale ka qeyb galay Wasiirka Arrimaha Gudaha Hirshabeelle, Cabdi Daahir Guure; Taliyaha Ciidanka Xoogga ee Gobolka Hiiraan, Maxamuud Xasan Ibraahim (Baakaa); ku-simaha Taliyaha Qeybta 27-aad, Cabdullaahi Barre Cilmi; Taliyaha Qeybta Booliiska Hiiraan, Isaaq Cali Cabdulle; iyo Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan, Muuse Salaad Weheliye. Sidoo kale, qaar ka mid ah odayaasha dhaqanka iyo waxgaradka bulshada ayaa ka qeyb galay kulanka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiiru-Dowlaha Qoyska oo Muqdisho ka daahfuray mashruuc lagu taageerayo carruurta agoonta ah

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha ee XFS,...

Guddiga Maaliyadda ee BFS oo kulan ku yeeshay xarunta guddoonka ee Villa Hargeysa

Guddiga Miisaaniyadda, Maaliyadda, Qorsheynta, Iskaashiga Caalamiga ah iyo La-xisaabtanka...

Maxkamadda Sare oo laashay natiijada doorashadii Golaha Wakiillada iyo Goleyaasha Deegaanka Galmudug

Maxkamadda Sare ee Federaalka Soomaaliya ayaa maanta laashay natiijadii...