Guddoomiyaha SoDMA oo kulan la qaatay wafdi ka socday hay’adda UNDP

Date:

Guddoomiyaha Hay’adda Maareeynta Masiibooyinka Somaaliyeed Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa Xarunta dhexe ee hay’adda SoDMA kula kulmay wafdi ka socday hay’adda UNDP oo uu hoggaaminayo Titus Kuuyuor .

Labada hay’adood ayaa ka wada hadlay sidii loo xoojin lahaa wada-shaqeynta iyo iskaashiga labada hay’addood, iyo ka wada shaqeeynta xog aruurinta arrimaha gargaarka.

Guddoomiyaha ayaa aad ugu mahadceliyay hay’adda UNDP dadaalka aan hagarta laheyn oo ay dalka ka waddo.Ugu danbeeyn dhinacyada ayaa ku ballamay in kulan Farsamo la isku soo laabto si loo dhammeeystiro wax yaalaha ka dhiman wada shaqeeynta hay’adaha.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

2026 World Internet Conference Wuzhen Summit to Focus on AI Openness and Global Cooperation

The World Internet Conference International Organization held a press...

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...