Home Blog Page 188

Duqa Muqdisho “Waxaan wax ka qaban doonnaa sababaha keena dabka”.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Mudane Maxamed Axmed Amiir, ayaa sheegay in maamulka uu si dhab ah uga shaqeyn doono sidii wax looga qaban lahaa sababaha keena kacista dabka, isagoo ka hadlayay dhibaatooyinka ka dhasha dababka soo noqnoqda ee magaalada.

Hadalkan ayuu jeediyay xilli uu kormeerayay waaxyaha dab-damiska iyo shaqaalaha la tacaala xaaladaha degdegga ah ee Caasimadda. Wuxuu sidoo kale xusay in muhiim ay tahay in kor loo qaado wacyiga bulshada si looga hortago khataraha dabka.

Duqa Muqdisho ayaa horey u muujiyay sida uu uga go’an yahay in la xakameeyo arrimaha saameeya nolosha shacabka, isagoo horey amarro uga soo saaray arrimo la xiriira maqaayadaha, hoteelada, iyo goobaha lagu caweeyo.

Amarka cusub ee uu Duqa Muqdisho soo saari doono ayaa la filayaa inuu wax ka beddelo habka ay shirkadaha korontada u shaqeeyaan, si loo hubiyo in adeegga korontada uu noqdo mid la awoodi karo oo aan culeys dheeraad ah ku keenin shacabka.

Duqeyn Cirka ah oo lagu burburiyay Doomo Hub u Siday Khawaarijta 

Taliska Mareykanka ee Afrika (AFRICOM), iyagoo kaashanaya Dowladda Federaalka Soomaaliya, ayaa duqeyn cirka ah ku burburiyay doomo sida hub iyo saanad ciidan oo loo waday kooxda Khawaarijta Al-Shabaab. Duqeyntan ayaa ka dhacday biyaha gudaha ee Soomaaliya, iyadoo lagu burburiyay dooni aan calan wadan iyo dooni kale oo yar oo taageero siinaysay.

Hubka la burburiyay ayaa loogu talagalay kooxda Khawaarijta Al-Shabaab, waxaana la rumeysan yahay in burburintooda ay ka hortagtay isku-day weyn oo kooxdaasi damacsanayd inay hub iyo agab militari ku soo geliyaan gudaha dalka si ay uga fuliyaan falal argagixiso.

Qiimeynta hore ee AFRICOM ayaa muujinaysa in duqeyntan lagu dilay dhammaan argagixisadii saarnaa labada doon, iyadoo aanay jirin wax khasaare ah oo soo gaaray shacabka. Taliska Mareykanka ee Afrika ayaa xusay in ay si dhow ula shaqeynayaan Dowladda Federaalka Soomaaliya si loo xoojiyo amniga iyo la dagaallanka argagixisada.

Tallaabadan ayaa qeyb ka ah dadaallada joogtada ah ee lagu xoojinayo iskaashiga amniga ee u dhexeeya Soomaaliya iyo saaxiibada caalamiga ah, si loo helo xasillooni waarta iyo horumar guud.

Wasiirka Amniga Gudaha Soomaaliya oo Nairobi kula kulmay dhiggiisa Kenya

Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya kulan muhiim ah kula yeeshay Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Dowladda Kenya, Mudane Onesimus Kipchumba Murkomen. Kulankan ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga amniga iyo nabadgelyada ee labada dal.

Kulanka waxaa sidoo kale ka qeyb galay Taliye Ku-xigeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed iyo Agaasimaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda, kuwaas oo ka wada hadlay sidii loo horumarin lahaa iskaashiga dhinacyada ammaanka, la-dagaallanka dambiyada abaabulan, iyo xoojinta xiriirka labada dal.

Wasiir Fartaag ayaa uga mahadceliyey Dowladda Kenya taageerada ay siiso Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada amniga iyo la-dagaallanka argagixisada. Dhankiisa, Wasiir Murkomen ayaa xusay sida ay Dowladda Kenya uga go’an tahay in ay sii xoojiso xiriirka iyo iskaashiga ay la leedahay Soomaaliya, si loo xaqiijiyo nabadgelyada gobolka.

Kulankan ayaa qeyb ka ah dadaallada joogtada ah ee lagu xoojinayo iskaashiga amniga ee u dhexeeya Soomaaliya iyo dalalka deriska ah, si loo helo xasillooni waarta iyo horumar guud.

Howlgalka qorshaysan oo lagu laayay Khawaarijta oo ka dhacay degaanka Deynuunaay G.Baay

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed), gaar ahaan Guutada 8-aad ee Qeybta 60-aad, ayaa saaka howlgallo qorsheysan ka fuliyay deegaanka Deynuunay ee gobolka Baay, halkaas oo ay ku dileen in ka badan 35 xubnood oo ka tirsan Khawaarijta, tiro ka badan 60 kalena ay dhaawacyo ka soo gaareen.

Taliyaha Guutada 8-aad, Xasan Cali Sanweyne, oo hoggaaminayay howlgalka, ayaa sheegay in ciidamada ay sidoo kale burburiyeen xarumo ay Khawaarijtu ku lahaayeen deegaanka, isla markaana ay sii wadaan baacsiga firxadkii ka haray.

Sidoo kale, warar kale oo la xiriira howlgalka ayaa sheegaya in horjooge sare oo ka tirsanaa Khawaarijta, una qaabilsanaa baadda shacabka ee gobollada Baay, Bakool, iyo Gedo, lagu dilay howlgalka. Horjoogahan oo magaciisa lagu sheegay Xuseen Caddoow Jilib-gaab, ayaa la sheegay inuu ahaa mas’uulka ugu weyn ee baadda laga qaado dadka shacabka ah ee ku dhaqan gobolladaasi.

Howlgalladan ayaa qayb ka ah dadaalka joogtada ah ee dowladda Soomaaliya iyo Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay ku wiiqayeen awoodda Khawaarijta, gaar ahaan deegaanada ay ku dhuumaaleysanayaan.

Ciidamada Qalabka Sida iyo Saaxiibada AFRICOM oo duqeymo ka fuliyeen Aadan Yabaal 

Xalay fiidkii, waxaa degmada Aadan Yabaal ee gobolka Shabeellaha Dhexe laga fuliyay howlgal qorsheysan oo ay iska kaashadeen Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya iyo Ciidamada Mareykanka ee Afrika (AFRICOM), si loo ciribtiro khatarta kooxda Khawaarijta Al-Shabaab.

Duqeyntan oo lagu beegsaday goob ay Khawaarijtu isku uruursanayeen si ay uga dhigtaan gabbaad, ayaa xogta hordhaca ah muujinaysa in lagu dilay 12 xubnood oo isugu jira maleeshiyaad iyo horjoogayaal ka tirsan kooxda Khawaarijta ah. Waxaa xusid mudan in uusan jirin wax khasaare ah oo soo gaaray shacabka.

Howlgalladan ayaa qeyb ka ah dadaallada isdaba joogga ah ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ay wado, iyadoo kaashaneysa saaxiibadeeda caalamiga ah sida Mareykanka, si loo labo jibaaro gulufka ka dhanka ah cadowga Khawaarijta ee isku dayaya in ay carqaladeeyaan deegaanada laga xoreeyay.

Ciidamada Qaranka iyo howlgalka AFRICOM waxa ay wali wadaan qiimeynta khasaaraha gaaray cadowga. wixii faahfaahin dheeraad ah oo kasoo kordha howlgalada oo si xowli ah ku socda, waa idiin soo gudbin doonaa mar walba.

Madaxweynaha JFS oo soo xiray Shirweynaha Qaran ee Xuquuqul Insaanka Soomaaliya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta si rasmi ah uga soo qayb galay madasha xiritaanka Shirweynaha Qaran ee Xuquuqul Insaanka Soomaaliya. Shirkan oo ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka soo qayb galay mas’uuliyiin heer federaal iyo kuwa dowlad goboleedyo, hay’ado caalami ah, iyo xubno ka tirsan bulshada rayidka ah.

Madaxweynaha ayaa khudbad uu halkaas ka jeediyay ku adkeeyay muhiimadda xuquuqda aadanaha ee Soomaaliya, isagoo xusay in dowladdu ay ka go’an tahay ilaalinta iyo horumarinta xuquuqda muwaadiniinta, gaar ahaan haweenka, carruurta, iyo dadka naafada ah. Wuxuu sidoo kale sheegay in dowladdu ay sii wadi doonto dadaallada lagu xoojinayo hay’adaha garsoorka iyo kuwa ilaalinta xuquuqda aadanaha.

Shirweynahan ayaa sidoo kale fursad u ahaa in la is dhaafsado fikradaha iyo talooyinka ku saabsan sidii loo horumarin lahaa xuquuqda aadanaha ee dalka, iyadoo la tixgelinayo dhaqanka, diinta, iyo xaaladaha gaarka ah ee Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa ugu dambeyn bogaadiyay dhammaan ka qeybgalayaasha iyo hay’adaha taageeray shirkan, isagoo ku dhiirrigeliyay inay sii wadaan wada shaqeynta iyo iskaashiga si loo gaaro himilooyinka la hiigsanaayo ee ku aaddan xuquuqda aadanaha ee Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaare Xamse “Doorashadu waa xuquuq dastuuri ah oo uu qof kasto leeyahay”.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa si firfircoon uga qeyb qaadanaya diiwaangelinta codbixiyeyaasha dalka, isagoo muujinaya sida ay muhiimka u tahay in shacabka Soomaaliyeed ay helaan fursad ay ku doortaan hoggaamiyeyashooda si xor ah oo dimoqraadi ah.

Mudane Xamsa ayaa ku booriyay dhammaan muwaadiniinta inay ka qeyb qaataan geeddi-socodka diiwaangelinta, taasoo qeyb ka ah qorshaha dowladdu ku doonayso inay xaqiijiso doorashooyin qof iyo cod ah oo dalka ka dhacda. Wuxuu sidoo kale sheegay in tallaabadan ay muhiim u tahay xoojinta dimoqraadiyadda iyo matalaadda shacabka Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu sidoo kale tilmaamay in diiwaangelinta codbixiyeyaashu ay tahay mid ka mid ah tiirarka muhiimka ah ee lagu gaari karo horumar siyaasadeed iyo bulsho ee dalka, isagoo xusay in dowladdu ay ka go’an tahay inay taageerto hawlahaas si loo xaqiijiyo doorashooyin hufan oo lagu kalsoonaan karo.

Mudane Xamsa ayaa ugu dambeyntii ku booriyay dhammaan qeybaha bulshada inay ka qeyb qaataan hawsha diiwaangelinta, si loo xaqiijiyo in codkooda la maqlo loona tixgeliyo go’aamada siyaasadeed ee dalka.

Safiirka Soomaaliya ee Switzerland oo Waraaqaha Aqoonsiga u gudbiyay Agaasimaha UNOV

Safiirka Soomaaliya ee dalalka Switzerland iyo Austria, Khadra Axmed Ducaale, ayaa maanta si rasmi ah waraaqaha aqoonsiga ugu gudbisay Ms. Ghada Waly, oo ah Agaasimaha Guud ee Xafiiska Qaramada Midoobay ee Vienna (UNOV). Kulankaasi muhiimka ah ayaa diiradda lagu saaray xiriirka iskaashi ee xafiiska iyo dadaallada horumarineed mustaqbalka ee Soomaaliya.

Intii kulanka lagu jiray, labada dhinac waxa ay si qoto dheer uga wadahadleen taageerada muuqata ee ay Qaramada Midoobey siiso hawlaha horumarinta, iyadoo Safiir Khadra ay muujisay sida ay uga go’an tahay in la sii xoojiyo iskaashiga, isla markaana la sahmiyo mashaariic cusub oo lagu xoojinayo xiriirka labada dhinac.

Kulankan ayaa muujinaya sida Soomaaliya ay uga go’an tahay xoojinta xiriirka caalamiga ah iyo horumarinta iskaashiga dhinacyada muhiimka ah ee dalka.

Ra’iisul wasaare ku xigeenka 2-aad oo daah-furay hindise sare loogu qaadayo waxtarka xoolaha

0

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka 2-aad ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Cabdisalaam Cabdi Cali Dhaay ayaa ka qeyb galay munaasabadda daahfurka Hindisaha Mustaqbalka Dhaqashada Xoolaha oo lagu qabtay Muqdisho.

Hindisahan waa hal-abuur cusub oo muhiim u ah horumarinta nolosha bulshada xoola-dhaqatada Soomaaliyeed, ujeedkiisana yahay in la helo isbeddel waara oo wax-ku-ool ah, kaas oo kor u qaadaya tayada nololeed ee xoola-dhaqatada, isla markaana la jaanqaadaya xaaladaha isbeddelka cimilada.

Hindisaha wuxuu diiradda saaraya dhowr qodob oo asaas u ah kobaca dhaqaalaha xoolaha, oo ay ka mid yihiin, Xoojinta awoodda bulshada xoola-dhaqatada, si ay ula qabsadaan dhibaatooyinka ka dhasha isbeddelka cimilada, Helitaanka suuqyo waara oo fursado cusub u fura ganacsatada iyo xoolo-dhaqatada, Maareynta hufan ee kheyraadka dabiiciga ah, si loo ilaaliyo deegaanka iyo sii jiritaanka dhaqashada xoolaha.

Munaasabaddan ayaa qeyb ka ah dadaallada dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku dooneyso inay ku horumariso dhaqaalaha miyiga iyo faya-qabka bulshada reer guuraaga ah.

 

Wasiirka Dhalinyarada XFS oo iska diiwaan geliyay degmada Shangaani

0

Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Cabdulqaadir Cali ayaa iska diiwaangeliyay maanta degmada Shangaani asaga oo qaatay kaarka codbiyaha.

Diiwaan gelinta dadweynaha ka qaybgalaya Doorashada Qof iyo Codka ah ee lagu wado inay dalka ka dhacdo ayaa maanta si rasmi ah uga bilaabatay magaalada Muqdisho.