Home Blog Page 188

Kulan dib-u-eegis loogu sameynayo Qorshaha Horumarinta Waxbarashada (2022-2026) oo Muqdisho ka furmay

0

Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha & Tacliinta Sare ayaa maanta magaalada Muqdisho ka daahfurtay kulan labo cisho soconaya oo dib-u-eegis loogu sameynayo Qorshaha Horumarinta Waxbarashada (2022-2026).

Kulanka waxaa ka soo qayb galay masuuliyiin ka tirsan Wasaaradaha Waxbarashada Heer Federal, Dawlad Goboleed iyo Gobolka Banaadir, saamileyda waxbarashada, hayโ€™adaha waxbarashada gaarka loo leeyahay, hayโ€™adaha caalamiga iyo kuwa maxalliga ah ee ka shaqeeya horumarinta Waxbarashada iyo ururada Bulshada Rayidka ah.

Kulanka oo ay si rasmi ah u furtay Wasiiru Dawlaha Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha & Tacliinta Sare Xildhibaan Nuura Mustaf Mukhtaar ayaa inta uu socdo waxaa diiradda lagu saarayaa waxyaabaha qabsoomay muddadii 2da sano iyo barka ahayd iyo caqabadaha lala kulmay, waxaana ka filayaa in ay ka soo baxaan talooyin wax ku ool ah oo waddada u xaaraya in dib-u-qaabeyn lagu sameeyo Qorshaha Horumarinta Waxbarashada, ulana jaanqaado Qorshaha Isbeddelka Qaranka (2025-2029).

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo kulan la qaatay guddiga Madabanaan ee doorashooyinka

0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa xafiiskiisa kulan kula qaatay Guddiga Madaxa Banaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha, waxaanna Guddoomiyaha Guddiga Cabdikariin Axmed Xasan uu Guddoomiyaha Golaha Shacabka u faahfaahiyay shaqooyinka guddiga gaar ahaan waxyaabihii u qabsoomay tan iyo markii la magacaabay iyo sidoo kale qorshayaasha u degsan.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Dalka ayaa xubnaha guddiga ku bogaadiyay shaqada adag ee ay qaranka u hayaan, waxaana uu xubnaha guddiga u sheegay in shacabka Soomaaliyeed ay ka sugayaan in ay dalka hirgeliyaan doorasho qof iyo cod ah si ay dadka Soomaaliyeed codkooda ugu doortaan hogaanka wadanka.

Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe ayaa ugu dambeyn xubnaha Guddiga Madaxa Banaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha kula dardaarmay in ay dardargeliyaan shaqada qaran ee loo igmaday.

Danjiraha JFS ee Shiinaha oo kulan la qaadatay jaaliyada Soomaaliyeed ee Magaalada Yiwu

0

Danjiraha jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya ee dalka shiinaha Dr Hodan Cismaan Cabdi ayaa kulan booqasho iyo is-xog wareysi la yeeletay Ganacstada iyo Jaaliyada Soomaliyeed ee ku nool magaalada Yiwu ee dalka Shiinaha.

Danjire Hodan ayaa Jaaliyadda Magaalada Yiwu ka dhagaystay Xaalada iyo daruufaha haysto gaar ahaan Ardayda,Ganacsatada Waxay la wadaageen Caqabadaha Ka haysta Sharciyada dal ku galka Shiinaha iyo ku dal ku jooga.

Waxa ayna u ballana qaaday in ay Tabashadooda ay kulamo kala yeelan doonto Hay,adaha ay quseyso waxay jaaliyadda ugu baaqday wadajir iyo isku duubni

Safarkani danjiraha dowladda Soomaaliya ee Shiinaha Hodan Cismaan ayaa qeyb ka ah boqashooyin ay ku mareysay gobolada kala duwan ee dalka shiinaha, Si looga ogaado xaaladaha ganacsatada iyo Guud jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool jamhuuriyadaa shacabka Shiinaha.

Shirka Amniga Qaranka oo warbixin la xiriirta caqabadaha Beeraleyda looga dhageystay Wasiir Maareeye

0

La taliyaha Amniga Qaranka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Xuseen Macalin Maxamuud oo la hadlay warbaahinta qaranka ayaa sheegay in qodobadii lagu soo bandhigay shirka Amniga Qaranka ay qeyb ka ahayd caqabado heysta Beeraleyda Soomaaliyeed ay kamid tahay isbaarooyin sharci darro ah oo lacaga looga qaado.

Mudane Xuseen Macalin la taliyaha ayaa intaa ku daray in warbixinno muhiim ah looga dhageystay shirka oo lagu casuumay Wasiirka Beeraha XFS mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye, kaas oo soo bandhigay xaaladda dhibta ah oo ay ku jiraan beeraleyda Shabeelooyinka, isagoo sidoo kale la wadaagay Golaha Amniga Qaranka sidii xal loogu heli lahaa caqabadaha haysta beeraleyda Soomaaliyeed, gaar ahaan isbaarooyinka iyo lacaga sharci darrada ah.

Lataliyaha ayaa sheegay in Wasiirka uu soo bandhigay saameynta dhaqaale ee wax-soo-saarka dalka ku yeelan karto hadaan xal loo helin caqabadaha haysta beeraleyda Soomaaliyeed ee ku dhaqan Shabeellaha Hoose iyo Shabeellaha Dhexe.

Mudane Xuseen Macalin La taliyaha Amniga Qaranka,ayaa tilmaamay in madaxweynaha JFS uu ku adkeeyey hayโ€™adaha ku shaqada leh in ay si deg-deg ah uga shaqeeyaan xallinta caqabadahaas, si beeraleydu u helaan fursado ay ku horumariyaan wax-soosaarkooda, dadka Soomaaliyeedna ay uga faaโ€™iideystaan khayraadka beeraha uu hodonka ku yahay dalkeenna.

Shirweynaha 15-aad ee Daraasaadka Soomaaliyeed oo xoogga lagu saarayo Islaamka iyo Dowlad dhiska-Casriga

0

Shirweynaha meertada 15-aad ee Ururka caalamiga ah ee Daraasaadka Soomaaliyeed oo maalintiisa labaad galay ayaa maanta xoogga lagu soo saari doodo la xiriira hanaanka dowlad dhiska casriga ah iyo Waxbarashada.

Shirka ayaa maanta xoogga lagu soo saari doonaa dood la xiriirta Islaamka iyo Dowlad dhiska-Casriga ah, taas oo ay ka qeyb-gali doonaan Ambassador Daahir Maxamuud Geelle, Dr Maxamed Xuseen Ciise, Dr Saciimo Cabdullaahi, Dr Cabdiqaadir Macallin Nuur, Dr Maxamed Xaaji iyo Sheekh Ibraahim Maxamed kuwaas oo dhammaan ah aqoonyahanno dhanka Diinta Islaamka.

Dhanka kale waxaa isla maanta jiri doono dood kale oo la xiriirta Doorka ay waxbarashada kuleedahay dibudhiska Ummadda Soomaaliyeed, taas oo ay ka qeyb qaadan doonaan aqoonyahanno ka socda bahda Waxbarashada dalka iyo kuwa kale oo ka yimid dalka dibadiisa.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo shalay furay Shirkan ayaa dul istaagay ahmiyadda ay dowlad-dhiska iyo sookabashada Qaranka Soomaaliyeed ay u leedahay, in hab cilmiyeysan loo darso caqabadaha ku gudban horumarka dowladnimo, dhaqaale iyo aqoon ee Ummadda Soomaaliyeed, isaga oo tilmaamay in ay dowladda ka goโ€™an tahay, garab istaagga Aqoonyahannada iyo cilmi baarayaasha Soomaaliyeed, si xal waara loogu helo mushkiladaha hortaagan isku filnaanshaha dadka Soomaaliyeed.

Shirkan oo markiisii ugu horreysay la qabtay sanadkii 1979-kii ayaa sanadkan waxaa ka qayb galaya, in ka badan 400 oo ergo ah, kuwaasi oo isugu jira aqoonyahanno Soomaaliyeed, cilmi baarayaal caalami ah iyo qaar kamid ah masโ€™uuliyiinta Jaamacadaha geeska Afrika, waxaana gabagabada Shirkan laga soo saaridoona, Daraasado ku saabsan horumarinta Mujtamaca Soomaaliyeed.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulan la qaatay Guddiga Dib u Eegsita Iyo La-socodka Hirgelinta Dastuurka

0

:-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa kulan la qaatay Guddiga Dib u Eegsita Iyo La-socodka Hirgelinta Dastuurka ee Baarlamaanka labadiisa aqal iyo Guddiga Madaxa-banaan ee Dib u Eegista iyo Hirgelinta Dastuurka.

Xubnaha labada guddi ayaa Guddoomiyaha Golaha Shacabka warbixin ka siiyay arrimaha dib u eegista Dastuurka gaar ahaan cutubta 5-aad ilaa cutubta 9-aad oo uu guddiga gacanta ku haayo iyo sida loo wajahayo marka uu furmo kalfadhiga lixaad ee Baarlamaanka iyo sidoo kale guud ahaan hanaanka dib u eegista dastuurka iyo qodobada ka harsan.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa labada guddi uga mahadceliyay shaqada wanaagsan ee ay ka qabteen dib u eegista dastuurka isaga oo ku bogaadiyay habka ay u wadaan ka shaqeynta cutubyada harsan.

shirweynaha meertada 15-aad ee Ururka Caalamiga ah ee Daraasaadka Soomaaliyeed

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Muqdisho ka furay shirweynaha meertada 15-aad ee Ururka Caalamiga ah ee Daraasaadka Soomaaliyeed kaas oo dalka lagu qabanayo muddo 35 sanno kadib ah.

Shirweynahan waxaa ka qeyb galaya in ka badan 400 oo ergo oo isugu jira aqoonyahanno Soomaaliyeed, cilmi baarayaal caalami ah iyo qaar kamid ah masโ€™uuliyiinta Jaamacadaha geeska Afrika.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta sare Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Cabdalla Axmed oo ka hadlay madasha ayaa sheegay wasaaraddu ay hormar weyn ka gaartay, tusalana ay u tahay qabashada shirkan.

Guddoomiyaha Midowga Jaamacadaha dalka Prof. Maxamed Maxamuud Bidey ayaa yiri โ€œDoorka Jaamacadaha ee shirkan waxa uu yahay in ay xoojiyaan cilmi baarisyada laga sameeyey tacliinta dalka.โ€

Shirkan waxaa ka qeybgalaya dhamaan qeybaha kale duwan Bahda Waxbarashada, Aqoonyahanno isaga kala yimid guud ahaan dalka iyo dibadiisa, iyadoo Shirkan laga filayaa in laga soo saaro Daraasaado la xiriira waxbarashada sare ee dalka iyo Cilmibaarisyo laga sameeyay waxbarashada sare dalka.

Shirweynaha Meertada 15-aad ee Ururka Daraasaadka Caalamiga ah oo goor Muqdisho ka furmaya

0

-Shirweynaha Meertada 15-aad ee Ururka Daraasaadka Caalamiga ah ayaa maanta ka furmayay Muqdisho,waxana soo qaban qaabiyay jaamacadda umadda.

Shirka ayaa lagu wadaa in uu daah furo Madaxweynaha JFS Dr Xasan Sheekh Maxamuud,waxaana ka qeyb galaya Masโ€™uuliyiin katirsan dowladda aqoon yahanno iyo marti sharaf kale.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda waxbarashada Hiddaha

Iyo Tacliinta sare xukuumadda federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdalla Axmed oo ka hadlay furitaanka Shirka ayaa sheegay in wasaaraddu ay hormar weyn ka gaartay tayeenta waxbarashada,tusaalana ay u tahay qabashada shirkan

โ€œIn shirkan dalka lagu qabto waxa ay tusaale u tahay horumarka aan ka gaarnay wwaxbarashada.ayuu yri Agaasimaha Guuda

Guddoomiyaha Midowga Jaamacadaha dalka Prof. Maxamed Maxamuud Bidey ayaa yiri โ€œDoorka Jaamacadaha ee shirkan waxa uu yahay in ay xoojiyaan cilmi baarisyada laga sameeyey tacliinta dalka.โ€

Aqoonyahanada kale ee shirka ka hadlay ayaa dhammantood bogaadiyay shirkan iyagoo sheegay in ahmiyad weyn uu u leeyahay waxbarashadda.

๐–๐š๐ฌ๐ข๐ข๐ซ ๐Š๐ฎ๐ฑ๐ข๐ ๐ž๐ž๐ง๐ค๐š ๐‚๐š๐š๐Ÿ๐ข๐ฆ๐š๐š๐๐ค๐š ๐จ๐จ ๐Š๐š ๐๐š๐ฒ๐›๐ ๐š๐ฅ๐š๐ฒ ๐ƒ๐จ๐จ๐ ๐ค๐ฎ ๐’๐š๐š๐›๐ฌ๐š๐ง ๐๐จ๐ซ๐ฌ๐ก๐š๐ก๐š ๐‚๐š๐š๐Ÿ๐ข๐ฆ๐š๐š๐๐ค๐š ๐๐š๐ซ๐š๐ง๐ค๐š.

0

-Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada, Mudane Maxamed Xassan Maxamed Bulaale, ayaa ka qaybgalay dood cilmiyeed muhiim ah oo looga hadlayay Qorshaha Caafimaadka Qaranka Dooda oo lagu qabtay Isbitaalka Ordogan ex-Digfeee waxaana ka soo qaybgalay khubaro caafimaad, masโ€™uuliyiin ka tirsan dowladda iyo wakiillo ka socda ururada aan dowliga ahayn.

Wasika ayaa doodda ka jeediyay hadal diiradda saaraya muhiimadda Qorshaha Caafimaadka Qaranka gaar ahaan sidii loo hubin lahaa helitaanka adeegyo caafimaad oo tayo leh iyada oo la hirgelinayo caymis caafimaad oo guud Wuxuu sidoo kale sheegay in qorshuhu diiradda saarayo sidii loo fududeyn lahaa adeegyada caafimaadka meelaha fogfog iyo sidii bulshada loogu wacyigelin lahaa ka hortagga cudurrada.

Doodda ayaa isku keentay khubaro caafimaad iyo wakiillo ka socda hayโ€™ado badan oo iska kaashaday falanqeynta caqabadaha haysta nidaamka caafimaadka dalka sida kheyraadka oo kooban, baahida loo qabo shaqaale caafimaad oo ku filan iyo sidii loo xoojin lahaa iskaashiga u dhexeeya dowladda, ururada aan dowliga ahayn iyo bulshada rayidka ah.

Wasiir Bulaale ayaa ugu dambeyn ku boorriyay bulshada iyo hayโ€™adaha kala duwan inay iska kaashadaan hirgelinta qorshahan isaga oo adkeeyay in wadajir lagu dhisi karo nidaam caafimaad oo horumarsan. Isaga oo gunaanadaya ayuu yiri Wadajir, waxaan ku dhisi karnaa qaran caafimaad leh ayadoona Wasaaradda Caafimaadku ay ka goโ€™antahay inay horumariso caafimaadka dhammaan muwaadiniinta.

Golaha Wasiirrada oo loo soo bandhigay qaar kamid ah qodobbada Dastuurka ee dib-u-eegista lagu sameynayo

0

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo yeeshay kulan gaar ah, oo uu guddoominayey Raโ€™iisul Wasaare ku-xigeenka dalka, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa lagu soo bandhigay qaar kamid ah qodobbada Dastuurka ee dib-u-eegista lagu sameynayo iyo kuwii horey loogu sameeyey.

Guddiga madaxa bannaan ee dib-u-eegista iyo hirgelinta dastuurka iyo guddiga arrimaha Dastuurka u qaabilsan Baarlamaanka, ayaa golaha warbixin ka siiyey halka ay marayaan wadatashiyada ku aaddan dib-u-eegista dastuurka, gaar ahaan qodobbada 5-aad iyo 9-aad oo la bilaabay wadatashiyadooda.

Golaha Wasiirrada XFS ayaa suโ€™aallo ka weydiiyey guddiga isla markaana aragtidooda ku biiriyey cutubyada la soo bandhigay ee dib-u-eegista lagu sameynayo.