Home Blog Page 181

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya oo soo baxday

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo shacabka ugu hambalyeeyay munaasabadda Ciidul Adxa, isla markaana jeediyay khudbad uu uga hadlayo xaaladda siyaasadeed ee dalka.

2- Madaxweyhe Xasan Sheekh Maxamuud oo shacabka magaalada Muqdisho kala qeyb galey tukashada Salaadda Ciidul Adxa.

3- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si rasmi ah casuumaad ugu fidiyey madax ay ka mid yihiin: madaxweynayaal hore, ra’iisul wasaareyaal hore, ku-xigeennadooda, guddoomiyeyaasha iyo ku-xigeennada hore ee baarlamaanka, iyo madaxda dowlad-goboleedyadii hore inay ka soo qeyb galaan kulan sare oo wadatashi ah oo magaalada Muqdisho ka dhici doona.

4- Madaxweynae Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan wadatashi ah la qaatay hoggaanka ururrada siyaasadeed ee is diiwaan-geliyey.

5- Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Madaxtooyada Qaranka warqadaha aqoonsiga kaga guddoomay Safiirka Cusub ee Boqortooyada Britain u fadhin doona Soomaaliya Danjire Charles King.

6- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khadka taleefanka kula hadlay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Turkiga Mudane Recep Tayyip Erdoğan,iyagoo ka wada hadlay iskaashiga dhinacyada amniga, horumarinta dhaqaalaha iyo maalgashiga ee ka dhexeeya labada dal.

7- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa ummadda Islaamka, gaar ahaan shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan ugu hambalyeeyay munaasabadda barakaysan ee Ciidul-Adxaa

8- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa booqday magaalada taariikhiga ah ee Carta ee dalka Djibouti oo ahayd halkii lagu soo dhisay Jamhuuriyadda saddexaad ee Soomaaliya, sanadkii 2000.

9- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa magaalada Djibouti kulan kula yeeshay Madaxweynaha Jamhuuriyadda ee Djibouti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle, iyagoo ka wadahadley xiriirka labada dal, arrimaha amniga, siyaasadda, dhaqaalaha iyo xaaladda gobolka.

10- Golaha Wasiirrada oo ansixiyey magaacabista Taliyaha cusub ee Agaasimaha Hey’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Mudane Mahad Maxamed Salaad.

11- Golaha wasiiradda oo yeeshay kulan diiradda lagu saaray qiimeynta amniga dalka iyo diyaar-garowga munaasabadaha ciidda, toddobaadka xorriyadda iyo imtixaanka shahaaddiga ah ee heer qaran.

12- Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa soo xiray shirweynaha Qaran ee Maareynta Hubka, Rasaasta iyo Ka Hortagga Qaraxyada Macmalka ah oo muddo labo maalmood ah ka socday magaalada Muqdisho.

13- Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa Muqdisho ka furay Shirweynaha Qaran ee Isbeddelka Cimillada oo Wasaaradda Deegaanka iyo Isbedalka Cimilada soo qaban-qaabisay.

14- Wasiirka Gaashaandhigga Axmed Macallin Fiqi ayaa la kulmay Taliyaha Ciidanka Difaaca Talyaaniga, General Luciano Portolano oo booqasho ku yimid dalka.

15- Dowladda Soomaaliya ayaa markii ugu horraysay ku guuleysatay xubinnimada Golaha Fulinta ee UN-Habitat, taasoo qaabilsan Qorsheynta Magaalooyinka & Maareynta Dhulka iyo Wax kaqabadka Cimilada.

16- Wasiirka Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare Faarax Sheekh Cabdulqaadir ayaa dhagax dhigay dugsi waxbarasho oo gaar u ah gabdhaha Soomaaliyeed oo laga dhisayo magaalada Muqdisho.

17- Wasiirka Arrimaha Guddaha, Federaalka Iyo Dib-u-Heshiisiinta Cali Yuusuf Cali Xoosh ayaa guddoomiyay kulanka guddiga qabanqaabada xuska maalmaha xorriyadda iyo midnimada ee sannad guurada 65-aad ee 26-da Juun iyo 1-da July .

18- Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Mudane Yuusuf Maxamed Aadan ayaa magaaalada Geneva ee dalka Switzerland , halkaas oo uu kula kulmay Wasiirka Shaqada ee Turkiga Prof. Dr Vedat Işıkhan.

19- Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Mudane Yusuf Mohamed Aadan ayaa magaalada Geneva uga qeybgalay Shirweynaha 113-aad ee Shaqaalaha Caalamiga ah oo looga hadlay mabaadii’da aasaasiga ah iyo xuquuqda shaqaalaha

20- Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa magaalada Moscow kulan kula yeeshay Guddoomiyaha Golaha Federaalka ee Baarlamaanka Federaalka Ruushka, Marwo Valentina Matvienkog.

21- Wasiiru Dowlaha Amniga Gudaha Maxamed Cali Xagaa ayaa kulan gaar ah la yeeshay masuuliyiin ka socotay hay’adaha amniga dowladda iyo wakiillo ka socday Hay’adda Xafiiska Hawlgalka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNTMIS).

22- Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Taliska Ciidamada Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) ayaa si’ wadajir ah u fuliyay laba duqeymo oo cirka ah oo lagu beegsaday kooxda Khawaarijta ee Daacish.

23- Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ayaa ku wareejisay seddax gaari oo cusub oo nooca gargaarka degdega ah, maamulka caafimaadka ee Gobolka Hiiraan.

24- Wasiirka Maaliyadda Biixi Iimaan Cige ayaa ku guuleeystay abaal marinta Wasiirka Maaliyadda ee Afrika 2025-KA oo ay bixiso African Leadership Magazine, kaddib, codeyn dhanka online-ka ka dhacday.

25- Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Mohamoud Adan Geesood ayaa magaaladda Arusha ee dalka Tanzania ugu qeyb-galay shirka meertada 46-aad ee Golaha Ganacsiga, Warshadaha, Maaliyadda, iyo Maalgashiga ee Ururka Bariga Afrika.

26- Wasiiru Dowlah Beeraha iyo Waraabka Mudane Asad Cabdirisaaq Maxamed ayaa ka qeyb-galay shirka ( IFAD Innovation Day 2025) uu soo qabanqaabiyeey Sanduuqa Caalamiga ah ee Horumarinta Beeraha ee IFAD oo ka dhacay Talyaaniga.

27- Danjire Cabdixakiin Maxamed Axmed (Dhoobo Daareed) ayaa warqadaha aqoonsiga danjirannimo u gudbiyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Yemen.

28- Wasiirka Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka Marwo Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi ayaa u furtay Imtixaan qoraal ah xubnaha u tartamaya Guddiga Madaxa Bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka.

29- Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Sarreeye Gaas Odawaa Yuusuf Raage, ayaa magaalada Muqdisho kulan kula qaatay Taliyaha Ciidanka Talyaaniga, General Luciano Portolano, oo booqasho rasmi ah ku yimid dalka.

30- Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo gacanta ku dhigay eedeysane Maxamed Xasan Aadan, oo ku kacay falal marin habaabin bulsho iyo sumcad xumeyn uu u geystay Ciidamada Qaranka.

Duqa Muqdisho oo Salaadda Ciidda kula tukaday Dadweynaha Degaanka Gubadley

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa boqolaal dadweyne ah Salaadda Ciidda kula oogay duleedka degmada Gubadley ee magaalada Muqdisho.

Khudbad uu jeediyay kaddib Salaadda, Guddoomiye Muungaab wuxuu bulshada ku boorriyay in la is gacan qabto, la garab istaago dadka nugul, la taageero laamaha amniga, isla markaana si mideysan looga hortago Khawaarijta.

Madaxweyne JFS oo Salaadda Ciidda Carrafo la oogay Kumannaan Shacab ah

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa Salaadda Ciidda Carafo kula oogay Kumannaan ka mid ah shacabka Soomaaliyeed, masuuliyiin iyo howlwadeenno dowladda ah, Masaajidka Isbahaysiga Islaamka ee magaalada Muqdisho.

Khudbadda uu jeediyey kadib Salaadda, Madaxweynaha ayaa ugu hambalyeeyay dhammaan Muslimiinta caalamka, gaar ahaan shacabka Soomaaliyeed, munaasabadda barakeysan ee Ciidul Adxaa oo ah astaan midnimo, is-jacayl iyo farxad leh.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa si gaar ah ugu mahadceliyay Geesiyaasha Ciidamada Qalabka Sida iyo Halyeeyada xaq u dirirka ah ee suurtageliyay in si nabad ah loogu ciido caasimadda iyo guud ahaan dalka. Wuxuu shacabka ku boorriyay inay garab istaagaan ciidamada, taageeraan dadka danyarta ah, isla markaana ka shaqeeyaan danta guud.

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa hambalyo gaar ah u diray Taliyeyaasha, Sarreeyaasha, Saraakiisha, Ciidamada iyo qoysaska Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliyeed ee ku sugan furimaha dagaalka, kuwaasi oo difaacaya Qarannimada, midnimada iyo sharafka ummadda Soomaaliyeed.

Soomaaliya oo fariin culus ka jeedisay Shirka Shaqaalaha Adduunka ee Geneva

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada XFS, Mudane Yuusuf Maxamed Aadan, ayaa khudbad ka jeediyey shirweynaha 113-aad ee Shaqaalaha Adduunka ee ka socda Geneva, Switzerland. Wasiirka ayaa ka hadlay dadaallada dowladda ee horumarinta shaqaalaha Soomaaliyeed, meelmarinta siyaasado iyo shuruuc muhiim u ah shaqaalaha, iyo qorshayaasha lagu horumarinayo fursadaha shaqo.

Sidoo kale, Xoghayaha Guud ee Xiriirka Ururrada Shaqaalaha Soomaaliyeed (FESTU), Cumar Faaruuq Cismaan, ayaa khudbad uu ka jeediyey shirka ku muujiyey dhibaatooyinka heysta shaqaalaha Soomaaliyeed, gaar ahaan shaqo la’aanta iyo duruufaha adag ee ay la kulmaan. Wuxuu bogaadiyey dadaallada dowladda ee dib-u-eegista sharciga shaqada Soomaaliya oo 52 sano kadib la cusbooneysiiyey, isagoo caalamka ka codsaday taageero buuxda si loo dhaqan geliyo sharcigaas.

Shirweynaha 113-aad ee Shaqaalaha Adduunka ayaa waxaa ka qeybgalaya wufuud ka socota 187 dowladood, hay’ado iyo ururrada shaqaalaha caalamka, iyadoo Soomaaliya sanadkan uga qeybgashay si ka duwan sidii hore, taasoo muujineysa dadaalka dowladda ee horumarinta shaqaalaha iyo shaqo abuurka dalka.

Danjiraha Cusub ee Soomaaliya ee Yemen oo Gudbiyay Warqadaha Aqoonsiga Safiirnimo

Danjiraha cusub ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u qaabilsanaan doona dalka Yemen mudane Cabdixakiin Maxamed Axmed (Dhoobo Daareed),ayaa warqadaha aqoonsiga danjirannimo u gudbiyay Madaxweynaha golaha hoggaaminta dalka Yemen Mudane Rashaad Maxamed Al-Cileemi.

Intii uu socday kulanka qaabilaadda, Danjiruhu waxa uu gudbiyay salaan uu ka siday Madaxweyne Dr Xasan Sheekh Maxamuud Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo ku socotay Madaxweynaha golaha hoggaaminta dalka Yemen.

Danjiraha iyo Madaxweynaha ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka labo geesoodka ah iskaashiga  dhinacyada dhaqaalaha iyo horumarinta ee Labada Dowladood iyo ka hortaga khataraha Amni ee ka dhallan karta xuduudaha u dhaxeeyo Labada dal.

 

Xukunka horjooge tashkiiliyay Saraakiil Ciidan oo la toogtay

Muxudiin Cabdisalaan Maxamuud “Daqare”,ayaa lagu soo eedeeyay kamid ahaanshiyaha Argagixisada iyo in uu dadka ku tashkiilin jiray inay ku biiraan kooxdaasi iyo marin habaabin Carruurta Soomaaliyeed tan iyo 2009.

Horjoogahiisa Xuseen Fiidoow ayaa u Magacaabay marin habaabinta Jufada hoose ee uu ka dhashay eedeysane horjooge (Daqare), waxaana ka mid noqoshada Khawaarijta uu ku tashiiliyey Ex Dhamme Shariif Maxamed Barqadle (Shariif Jeego)  iyo Ex Dable xoogga Maxamed Cabdulle Nuur Abkoow Biyamaaloow.

Shariif Cagaweyne oo qeybta dhagaraha ka tirsan ayaa isna ahaa horjooge uu (Daqare) ku wareejiyay Jeego iyo Biyamaloow oo markii danbe geystay Qaraxyadii Muqdisho Mall 2019, Baar Cagaweyne oo ku yaalla agagaarka Hotel Wehliye 2019 iyo weerarkii Dabley Khawaarij ah loogu dusiyay Airport-ka Aaden Cad ee 2022.

Horjooge Daqare dadkii Kale ee uu ku biiriyay Khawaarijta, oo Jufadiisa ahaa kadib tahskiilintiisa waxaa kasii mid ahaa Guddoomiye ku-xiggeenkii hore ee arrimaha Bulshadda degmadda Hodon Shariif Nuur Cali Awliyo oo lagu helay la shaqeynta Khawaarijta, unna ahaa Basaas iyo Dhagarqabe Maxamed Cali Kaahiye oo wali la shaqeesta Khawaarijta, kana tirsan duur ku jirta  ku dhuumaaleysta Gobolka Mudug.

Cabdi Xakiin Axmed Diini Cawaale (Wadne) oo Sargaal xiggeen ka ahaa xoogga dalka, ayaa isna lagu eedeeyay in uu ku biiray Khawaarijta, kadib tashkiilinta Abtigiis Hooyadii la ilma Adeera, waana horjooge Daqare.

Waxaa looga faa’iideysan jiray soo gelinta Caasimada Gawaarida Qaraxyada lagu diyaariyo iyo dhaafsiinta control-lada Ciidamada Amniga, iyagoo xitaa raran, Madaama u heestay aqoonsiga  Ciidamada.

Hay’adaha Amniga oo si hoose ula socday dhaq-dhaqaaqa dhagarqabe Daqare, ayaa gacanta ku soo dhigay.Baaris dheer kadib Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada ayaa codsaday qaadista kiiskaan, waxaana laga oggolaaday Sagaal iyo tobankii Bishii May ee Sanadkaan.

Garsoorka Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida oo waqti ku filan siiyey dhinacyada dacwadda ayaa ugu dambeyn maanta ku kala xukumay  Muxudiin Cabdisalaan Maxamuud Daqare Xabsi Daa’in, halka Cabdi Xakiin Axmed Diini Cawaale(Wadne), isna lagu xukumay Afar Sano oo xabsi Argagaxiso ah.

Sida uu warbaahinta u sheegay Gashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida.

Shirweynaha Qaran ee Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada oo ka socdo Muqdsho maalintii labaad

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Cumar Maxamed, ayaa furay maalinta labaad ee Shirweynaha Qaran ee Deegaanka iyo Isbeddelka Cimiladda oo si rasmi ah uga socda magaalada Muqdisho.

Shirkan oo ay isugu yimaadeen khubaro, mas’uuliyiin dowladeed, hay’adaha samafalka iyo daneeyayaal kale, ayaa lagu falanqeynayaa saameynta isbeddelka cimilada iyo sidii loo heli lahaa qorshayaal wax-ku-ool ah oo lagu wajahayo.

Mudane Axmed Cumar Maxamed ayaa khudbad uu ka jeediyay shirweynaha ku xusay muhiimadda maalinta deegaanka adduunka ee 5-ta Juun, isaga oo tilmaamay baahida loo qabo in si wadajir ah loo xoojiyo dadaallada ilaalinta deegaanka.

Shirweynahan ayaa la filayaa in laga soo saaro talooyin iyo qorshayaal mustaqbalka fog loogu adeegayo deegaanka Soomaaliya, lana dardargeliyo u diyaar garowga xaaladaha degdegga ah ee la xiriira cimilada.

Wasiirka Caafimaadka XFS oo qaab foggaan arag ah uga qeyb galay kulan looga hadlayay Daacuunka

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada XFS, Dr. Cali Xaaji Aaden, ayaa ka qayb galay shir heerkiisu sarreeyo oo ku saabsanaa la-dagaallanka daacuunka (cholera), kaas oo lagu qabtay habka fogaan aragga.

Shirka oo uu soo qabanqaabiyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Zambia oo kaashanaya hay’adaha Africa CDC, WHO, iyo UNICEF ayaa diiradda lagu saaray adkaynta iskaashiga gobolka iyo dadaallada wadajirka ah ee lagu yareynayo saameynta daacuunka.

Wasiirka ayaa xusay in tan iyo bilowgii 2024 la diiwaan geliyay in ka badan 21,000 oo kiis oo daacuun ah iyo 138 dhimasho, halka sanadka 2025 oo keliya, shan bilood gudahood, ay jiraan in ka badan 4,400 kiis oo laga helay 19 degmo.

Wasiirka ayaa si gaar ah u muujiyay walaaca laga qabo caruurta yaryar, isagoo sheegay in ku dhawaad laba meelood saddex meel kiisaska daacuunka ay ku dhacayaan carruur ka yar 5 sano taas oo muujinaysa baahida degdegga ah ee tallaabooyin xooggan iyo iskaashi heer qaran iyo heer caalami ah.

Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada waxa ay sii xoojin doontaa dadaallada ay ugu jirto yareynta halista daacuunka, iyadoo la kaashanaysa hay’adaha caalamiga ah iyo kuwa maxalliga ah.

Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir oo la wareegay xilka

Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa xilka u kala wareejiyay Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), iyo Guddoomiyihii hore, Mudane Maxamed Axmed Amiir.

Munaasabadda xil-wareejinta oo si heer sare ah loo agaasimay ayaa waxaa ka qeyb galay Wasiirro ka tirsan Xukuumadda, Xildhibaano, Guddoomiyeyaashii hore ee gobolka, Guddoomiye ku-xigeenada Gobolka, Xoghayaha Guud, Saraakiil ciidan, Culimaa’udiin, Ganacsato, Odayaal dhaqameed, Haween, Dhalinyaro iyo qeybaha kale ee bulshada.

Guddoomiyaha Aqalka sare oo ubax dhigay daljirka daahsoon ee darbiga Kremlin-ka

0

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo wafdigiisa oo booqasho rasmi ah ku jooga Dalka Ruushka ayaa booqday daljirka daahsoon dhigayna ubax kaas oo ku yaalla darbiga Kremlin-ka caasimadda Ruushka una taagan astaan xusuus iyo ixtiraam loo hayo askartii geeryootay.

Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa shalay kulan gaar ah la qaatay Guddoomiyaha golaha Federaalka Baarlamaanka Dowladda Federaalka Ruushka Marwo Valentino Matvienko waxayna ka wada hadleen adkaynta xidhiidhka soo jireenka ee labada dal iyo dhisidda xiriir wada shaqayneed oo dhax mara Aqalka Sare iyo Golaha Federaalka ee Baarlamaanka Dowladda Ruushka.

Guddoomiyaha iyo wafdigiisa, Inta ay ku suganyihiin dalka Ruushka waxay sii wadi doonan kulamada ay la leeyihiin madaxda ugu saraysa dowlada Ruushka iyo booqashooyinka goobaha taariikhiga ah.

Soomaaliya iyo Ruushka ayaa ah labo dowladood oo uu ka dhaxeeya xiriir wanaagsan, kaas oo soo jiray qarniyo badan.