Guddoomiyaha jannaale: Cadowga Khawaarijta waan dabar jaraynaa

Date:

Ciidamada kala ah Xoogga dalka iyo Sirdoonka qaranka NISA ee ku sugan gobolka Shabeellaha hoose ayaa hawlgal Amni xaqiijin ah ka sameeyey deegaanada ku hareeraysan Jannaale,iyagoo isku fidiyey deegaanno balaaran.

Guddoomiyaha deegaanka Jannaale ee gobolka Shabeellaha Hoose Cabdiraxmaan Al-Cadaala oo kula hadlay shacabka deegaanka Mushaani ayaa yiri โ€œCadowga Khawaarijta waxa ay dhaheen Saalada Ciida waxaan ku tukanaynaa Janaale balse deegaanadii ay joogeen ayaa maanta Saalada Ciida ku oognay.โ€

Ciidanka xoogga iyo kuwa difaaca deegaanka ee Macawisleyda ayaa maalmihii u dambeeyey hawlgalo xooggan ka waday gobolada Shabeellaha Dhexe,Hiiraan iyo Shabeellaha hoose halkaas oo khawaarijta loogu geystay jab xooggan.

Khawaarijta ayaa jabkii ugu cuslaa la gaarsiiyey shalay ka dib markii hawlgal si gaar ah loo qorsheeyey looga dilay in ka badan 40 horjooge iyo maleeshiyaad ka tirsan Khawaarijta howlgalkan ayaa waxa si gaar ah u qorsheeyay Ciidanka Hayโ€™adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, iyo saaxiibada caalamka, kaas oo ka dhacay deegaanka Ceelhareeri ee gobolka Hiiraan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiiru-Dowlaha Qoyska oo Muqdisho ka daahfuray mashruuc lagu taageerayo carruurta agoonta ah

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha ee XFS,...

Guddiga Maaliyadda ee BFS oo kulan ku yeeshay xarunta guddoonka ee Villa Hargeysa

Guddiga Miisaaniyadda, Maaliyadda, Qorsheynta, Iskaashiga Caalamiga ah iyo La-xisaabtanka...

Maxkamadda Sare oo laashay natiijada doorashadii Golaha Wakiillada iyo Goleyaasha Deegaanka Galmudug

Maxkamadda Sare ee Federaalka Soomaaliya ayaa maanta laashay natiijadii...