Home Blog Page 18

Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya oo gaaray Maraykanka

0

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige iyo Wafdi uu hoggaaminayo ayaa dhawaan gaaray magaalada Washington DC oo lagu qabanayo shirarka xiliga Gu’ga (Spring Meetings) ee Bangiga Adduunka iyo IMF ayaa waxa uu kulan miro-dhal ah la yeeshay Mr. Ndiame Diop oo Madaxweyne Ku-xigeenka Bangiga Adduunka ee dalalka Bariga iyo Koonfurta Afrika.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray saameynta dhaqaale ee ka dhalatay xaaladaha cakiran ee caalamiga ah, oo ay ka mid yihiin arrimaha amniga, isbeddelada juqraafiyeed (geopolitical) iyo saameynta isbeddelka cimilada, kuwaas oo si toos ah u taabanaya dhaqaalaha Soomaaliya.

Sidoo kale, waxaa laga wada hadlay dadaallada Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ugu jirto xoojinta dakhliga gudaha horumarinta maamulka maaliyadda guud iyo kobcinta dhaqaalaha dalka si loo gaaro horumar waara.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS oo kulan muhiim ah ka qeyb galay

0

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta, Mudane Cabdulqaadir Cilmi, ayaa maanta ka qaybgalay kulan ku saabsan doorka haweenka Soomaaliyeed ee dowlad-dhiska, nabad-dhisidda iyo horumarinta dalka.

Munaasabadda waxaa ka qaybgalay danjiraha Dowladda UK ee Soomaaliya, Charles King, iyo Danjiraha Midowga Yurub ee Soomaaliya, Marwo Francesca di Mauro, iyadoo ay sidoo kale ka qayb galeen wakiillo ka socday ururrada haweenka, dowladaha hoose iyo saaxiibada kale ee dalka.

Agaasimaha Guud ayaa xusay in haweenka Soomaaliyeed ay yihiin laf-dhabarta bulshada, isla markaana ay door muuqda ka qaataan xasilloonida, ka qaybgalka siyaasadda iyo horumarinta guud ee dalka.

Sidoo kale, Agaasimaha Guud, Mudane Cabdulqaadir, ayaa carrabka ku adkeeyey baahida loo qabo siyaasado loo dhan yahay oo taageera kobcinta xirfadaha haweenka Soomaaliyeed, isla markaana wax ka qabta caqabadaha dhaqan iyo dhaqaale ee hortaagan, si loo xaqiijiyo ka qaybgal buuxa iyo cadaalad bulsho.

“Wasaaraddu waxay mar kale xaqiijinaysaa sida ay uga go’an tahay xoojinta ka qaybgalka haweenka ee dhammaan heerarka dowladnimo, iyada oo la ballaarinayo guulaha la gaaray lana waafajinayo hortabinnada qaranka.” Agaasimaha Guud ayaa hadalkiisa ku soo gabagabeeyey.

 

Diiwaangelinta Codbixiyeyaasha Doorashooyinka oo laga Daah-furay degmada Galcad

0

Maamulka iyo shacabka magaalada Masagawaay ee degmada Galcad ayaa si weyn ugu qulqulaya goobaha laga wado diiwaangelinta codbixiyeyaasha doorashooyinka dadweynaha.

Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa maanta si rasmi ah uga daah-furay magaalada Masagawaay diiwaangelinta codbixiyeyaasha doorashada qof iyo codka ah, taas oo qeyb ka ah dadaallada lagu hirgelinayo nidaamka dimuqraadiyadeed ee dalka.

Munaasabadda daah-furka waxaa si rasmi ah u furay Guddoomiyaha degmada Galcad, Cismaan Cariif, oo ay wehliyaan masuuliyiinta maamulka Masagawaay. Masuuliyiintan ayaa iyaguna iska diiwaangeliyay xarumaha diiwaangelinta, iyagoo bulshada ku dhiirrigeliyay ka qeyb qaadashada howlaha doorashooyinka.

Qeybaha kala duwan ee bulshada deegaanka ayaa si weyn uga qeyb qaadanaya isdiiwaangelinta, iyagoo muujinaya farxad iyo diyaar garow ku aaddan ka qeybgalka doorashooyinka tooska ah ee qof iyo codka ah.

Maamulka degmada Galcad ayaa ugu baaqay shacabka in ay si firfircoon isu diiwaangeliyaan, si ay uga qeyb qaataan doorashada cidda hoggaamniyasana ay iyaga soo doortaan, si loo xoojiyaan hannaanka dimuqraadiyadeed ee dalka.

 

Ololaha todobaadka dhir beerista oo ka billaawday xarumaha dowladda

0

Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka ee JFS, Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye), ayaa maanta xarunta Wasaaradda ku soo dhaweeyay dhigiisa Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada Bashir Mohamed Jama (Bashiir Goobe), Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Jamal Mohamed Hassan iyo Xildhibaano kuwaas oo si wadajir ah uga qeyb qaatay beerista dhir lagu talaalay xarunta Wasaaradda.

Beerista dhirtaan ayaa qeyb ka ah ololaha qaran ee dhir beerista, kaas oo lagu dhiirigelinaayo ilaalinta deegaanka, yareynta xaalufinta dhirta, iyo dib u soo celinta bilicda cagaaran ee dalka.

Mas’uuliyiintaan ayaa xusay in beerista dhirta ay door muhiim ah ka qaadato ilaalinta deegaanka iyo la qabsiga isbeddelka cimilada, iyagoo bulshada ku boorriyay inay ka qeyb qaataan dadaallada lagu kordhinaayo dhirta iyo cagaarnaanta dalka.

Ololahaan ayaa muujinayo sida ay dowladda uga go’an tahay xoojinta wada shaqeynta Wasaaradaha si loo ilaaliyo deegaanka, loona abuuro mustaqbal cagaaran.

 

𝐌𝐀𝐀𝐌𝐔𝐋𝐊𝐀 𝐆𝐎𝐁𝐎𝐋𝐊𝐀 𝐁𝐀𝐍𝐀𝐀𝐃𝐈𝐑 𝐎𝐎 𝐃𝐀𝐀𝐇-𝐅𝐔𝐑𝐀𝐘 𝐌𝐀𝐒𝐇𝐑𝐔𝐔𝐂𝐀 𝐒𝐈𝐍𝐍𝐀𝐀𝐍

0

Guddoomiye Kuxigeenka Howlaha Guud ee Maamulka Gobolka Banaadir Mudane Cabdimajiid Daahir Aadan, ayaa maanta si rasmi ah u daah-furay mashruuca SINNAAN, oo ah mashruuc diiradda saaraya xoojinta kaabayaasha aasaasiga ah, horumarinta qorsheynta magaalada, iyo tayeynta waaxaha injineeriyadda ee Gobolka Banaadir, si loo dhiso nidaam casri ah oo waara.

Mashruucan ayaa sidoo kale waxa uu fursad u yahay in la dardargeliyo adeegyada bulshada, islammarkaana kor loo qaado tayada dhismayaasha, lana xoojiyo iskaashiga hay’adaha kala duwan ee ka shaqeeya horumarinta caasimadda iyo in loo guuro nidaam digital ah oo casri ah, si loo soo jiito maalgashi caalami ah oo kor u qaada kobaca iyo horumarka magaalada.

Guddoomiye Kuxigeenka Howlaha Guud ee Maamulka Gobolka Banaadir Mudane Cabdimajiid Daahir Aadan, ayaa sheegay in mashruucan uu door muuqda ka qaadan doono dhismaha Muqdisho casri ah oo ammaan ah, qurux badan, isla markaana u adkeysan karta caqabadaha mustaqbalka.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo qaabilay Xildhibaan Faarax Macallin iyo wafdi la socday

0

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa caawa hoygiisa ku qaabilay Faarax Macallin oo ka tirsan Baarlamaanka dalka Kenya iyo wafdi uu hoggaaminayo oo booqasho ku jooga Soomaaliya.

Munaasabadda casho-sharafta oo si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa waxaa ka soo qaybgalay xildhibaanno ka tirsan labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, wasiirro heer federaal ah, Guddoomiye Ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasadda Maamulka Gobolka Banaadir Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh), siyaasiyiin iyo odayaal dhaqan.

Kulanka ayaa ujeeddadiisu ahayd soo-dhoweyn sharafeed iyo is-xogwaraysi, iyadoo intii uu socday ay ka qaybgalayaashu si guud isaga wareysteen xaaladda dalka Soomaaliya iyo arrimo la xiriira xiriirka mandiqadda Geeska Afrika iyo Bariga Afrika. Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa munaasabadda ka xusay muhiimadda ay leedahay xoojinta wadashaqeynta iyo is-dhexgalka bulshada.

Ugu dambeyn, mas’uuliyiinta uu hoggaaminayay Xildhibaan Faarax Macallin ayaa bogaadiyay doorka hoggaanka Gobolka Banaadir ee horumarinta caasimadda iyo xoojinta cilaaqaadka bulshada Soomaaliyeed.

RW Xamsa “Maanta shuruucdii adduunka waa dhammaatay,dalna ma jiri karo haddii uusan lahayn awood ciidan oo looga cabsado”

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa caawa ka qayb galay munaasabad lagu maamuusayay sanadguurada 66-aad ee ka soo wareegtay aas-aaska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, taas oo lagu qabtay Taliska Taakuleynta Ciidanka XDS ee Villa Baydhabo.

Ra’iisul Wasaaruhu, waxa uu hoosta ka xarriiqay in dal aan lahayn ciidan awood leh uusan yeelan karin sharaf iyo karaamo, isaga oo carrabka ku adkeeyay baahida loo qabo dhismaha ciidan leh awood iyo caqiido wanaagsan oo ilaaliya diinta, dadka iyo dalka.

Ra’iisul Wasaaraha waxa uu hambalyo ku aaddan munaasabaddan u diray saraakiisha, saraakiil-xigeennada, alifleyda, dableyda Ciidanka iyo qoysaskooda. Isaga oo xusay in sugidda amniga xudduudaha dalka ay tahay tiirka koowaad ee amniga, isla markaana dal aan xudduudihiisa la ilaalin uu la mid yahay guri furan oo alaab qaali ah taallo cid walbana hunguri ka galayo.

Mudane Xamsa, ayaa bogaadiyay guulaha ay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ka gaareen dagaalka ka dhanka ah cadowga Khawaarijta ah, gaar ahaan gobollada Bay, Bakool, Shabeellaha Hoose, Shabeellaha Dhexe iyo Jubbada Hoose, halkaas oo lagu gaarsiiyay jab weyn. Waxa uu sidoo kale mahadcelin u jeediyay taageerada caalamiga ah ee saaxiibbada Soomaaliya ay siiyaan ciidanka.

Ugu dambeyn, Ra’iisul Wasaaraha ayaa tilmaamay muhiimadda daryeelka agoonta, naafada iyo howlgabka ciidanka, isaga oo xusay in maanta la dhagax-dhigay xarun lagu daryeelayo, isla markaana la aas-aasay hay’ad u adeegta, si loo xaqiijiyo xuquuqdooda iyo daryeelkooda, taas oo mudnaanta koowaad u leh Xukuumadda DanQaran.

Munaasabadda oo ay si weyn uga soo qeybgaleen wasiiradda xukuumadda Dan Qaran ayaa abaalmarinno lagu guddoonsiiyay saraakiisha ciidanka, kuwaas oo ku muteystay sababo kale duwan, iyada si gaar ah loo maamuusay kooxda ciidanka ee Heegan oo goobta kusoo bandhigtay suugaan waddani ah.

Hoggaamiyaha KMG ah ee maamulka K/Galbeed oo la kulmay saraakiisha amniga

0

Hoggaamiyaha ku-meel gaarka ah ee Dowlad Goboleedka Koonfur galbeed Soomaaliya Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi, ayaa Aqalka Madaxtooyada iskugu yeeray Saraakiisha amniga ee ka howlgala Deegaanada Maamulka DKGS, Isagoo Faray inay dib uga howlgalaan Amaniga Nabadeynta Koonfur Galbeed.

Shirkaan waxaa ka soo qeybgalay Agaasimaha hay’adda sirdoonka iyo nabad sugidda qaranka Soomaaliyeed ee (NISA) Mahad Maxamed Salaad, Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi,, Wasiirka Wasaarada amniga ee (DGKS) Maxamed Xuseen Xasan, Guddoomiyaha degmada Baydhabo ahna duqa Magaalada Cabdullahi Cali Watiin, Ciidanka Daraawiishta iyo Booliska Maamulka Koofur galbeed, iyagoo isla gartay in si deg-deg ah looga wada shaqeeyo Xaalada guud ee Amniga dalka.

Hoggaamiyaha KMG Jibriil Cabdirashiid oo ku dheeraaday dhageesiga iyo Guulaha laga gaaray Kooxaha Nabad-diidka ee Khawaarinta, ayaa boggaadiyey Ciidamada Qaranka iyo Kuwa deegaanka oo dadaal Adag ku bixiyay sidee ay Shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan Bulshada ku dhaqan Koofur galbeed u heli lahaayeen Nabad iyo Xasillooni Warta.

GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA OO SHIR GUDDOOMIYEY KULANKA AAN CAADIGA AHEYN EE GUDDIGA JOOGADA

0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa shir guddoomiyey kulanka aan caadiga aheyn ee Guddiga Joogtada oo ka dhacay xarunta guddoonka iyo guddiyada ee Villa Hargeysa.

Ugu horreyn, Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo kulanka furay ayaa xubnaha Guddiga Joogtada warbixin ka siiyey safar uu ku tagay Magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ka Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, isbedelkii dhowaan ka dhacay dowlad goboleedka iyo sidoo kale dadaalada dowladda ee ku aadan doorashada hogaanka dowlad goboleedka Koonfur Galbeed.

Intaasi ka dib Habdhowraha Guud ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xildhibaan Maxamed Cabdullaahi Xasan (Nuux) ayaa dhaariyey Xildhibaan Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) oo si rasmi ah uga mid noqday Mudanayaasha Golaba Shacabka ee Baarlamaanka 11-aad, Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarrinta Dhaqaalaha Mudane Ismaaciil Ciid Maxamed, Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Mudane Xasan Maxamed Cali iyo sidoo kale Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha Nadiifo Aadan Isaaq.

Madaxweynaha JFS oo ka qeyb galay Xuska Sanad-guurada Aasaaska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo Xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga kaga qayb galay munaasabadda xuska sannad guurada 66-aad ee aas-aaska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa hambalyo u diray dhammaan Saraakiisha, Saraakiil Xigeennada, Alifleyda, Dablayda iyo qoysaska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Inta ay socotay munaasabaddu, cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa soo bandhigay dhoollatus ay ku muujinayaan cududda iyo tayada ciidanka, cir iyo dhul, iyadoo gaadiidka gaashaamaan, Halyeeyada naftood hureyaasha ah, dabaabadaha iyo diyaaradaha dagaalka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay muujiyeen sida ay ugu diyaarsan yihiin xoreynta iyo difaaca dalka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo khudbad ka jeediyey munaasabadda ayaa ka warramay muhiimadda maalintan, taariikhda iyo mabaadi’da Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo ku suntan geesinimo iyo naf-hurnimo, waxa uuna soo bandhigay dadaallada ay dowladdu ku bixisay tayeynta iyo kordhinta tirada ciidanka.

“Geesiyaasha Ciidamada Xoogga Dalka waa kuwa badbaadiyey 20 milyan oo Soomaaliyeed. Kaliya kuma difaacaan qori, balse sidoo kale way u gargaaran. Maanta guusha ay gaareen taariikhda ayaa qori doonta”.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa tilmaamay muhiimadda ay leedahay tayeynta, qalabaynta iyo dhiirrigelinta ciidanka, si loo xaqiijiyo amniga guud ee dalka iyo xoreynta deegaannada ay weli ku dhuumaaleysanayaan kooxaha argagixisada.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo billado geesinimo guddoonsiiyey saraakiil hoggaan u ah Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa ku dhiirri geliyey doorkooda geesinimada leh ee sugidda amniga dalka, difaaca xuduudaha iyo hawlgallada ka dhanka ah argagixisada, isaga oo u duceeyey dhammaan halyeeyadii u shahiiday difaaca dalka iyo kuwii ku dhaawacmay.