Home Blog Page 18

Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka oo war muhiim ah soo saaray

0

Guddiga Madaxa-Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha(GMDQS) isaga oo gudanaya waajibaadkiisa Dastuuriga ah, fulinayana awoodihiisa uu sharcigu tilmaamayo si waafaqsan Qod. 18-aad ee Xeerka Doorashooyinka Qaranka oo ah Cayimidda muddooyinka Doorashooyinka Qaranka.

Guddiga ayaa ku wargeliyay dhammaan daneeyayaasha arrimaha doorashooyinka in guddigu ku talagalkiisu yahay inuu ku dhammeystiro dhammaan heerarka kala duwan ee doorashooyinka muddo xilleedkooda dastuuriga ah ee goleyaasha Qaranka.

Halkaan Hoose ka akhriso waraaxaafadeedka.

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo kulan la yeeshay madaxda Hay’adda SoDMA

0

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS, Cali Yuusuf Cali – Xoosh ayaa maanta qaabilay mas’uuliyiinta Hay’adda SoDMA oo uu ugu horeeyo Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle.

Kulankan ayaa looga hadlay heerka xaaladda Banii’aadnimada dalka iyda oo mas’uuliyiinta SoDMA ay soo bandhigeen warbixinno la xiriira dhibaatooyinka ka dhashay roob la’aanta, biyo iyo baad yarida iyo xalalka ugu haboon.

Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Soomaaliya mudane Cali Xoosh ayaa Bogaadiyey shaqada SoDMA, isaga oo xaqiijiyey sida Wasaaradda iyo dowladdu uga go’antahay garab istaagga dadka nugul iyo sidii xalwaara loogu heli lahaa abaaraha.

Bixinta Kaararka Doorashada Golaha Deegaanka oo Ka Bilaabatay Muqdisho

0

Soomaaliya ayaa qaaday tallaabo muhiim ah oo ku wajahan hirgelinta doorashooyin qof iyo cod ah, iyadoo si rasmi ah looga bilaabay bixinta kaararka codbixinta degmooyin ka tirsan gobolka Banaadir. Tani waxay astaan u tahay bilowga marxalad cusub oo siyaasadeed oo ku dhisan hufnaan, ka-qaybgal bulsho iyo dimuqraadiyad dhab ah.

Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka (GMDQ) ayaa shaaciyay in bixinta kaararka codbixinta laga bilaabay toddobo degmo oo ka mid ah caasimadda. Ku dhawaad hal milyan oo qof oo horey isaga diiwaangeliyay magaalada Muqdisho ayaa hadda fursad u helaya inay qaataan kaararkooda si ay u gutaan waajibaadkooda muwaadinimo ee codbixinta.

Golayaasha deegaanka—oo doorashadoodu tahay tiir-dhexaadka nidaamka dowlad-dhiska heer hoose—ayaa mas’uul ka ah adeegyada aas-aasiga ah ee bulshada, qorsheynta horumarinta degmooyinka, ilaalinta nadaafadda, amniga deegaanka iyo daryeelka xuquuqda muwaadiniinta. Doorashada ay shacabka si toos ah ugu codeynayaan mas’uuliyiintooda waxaa loo arkaa tallaabo lagu xoojinayo isla xisaabtanka iyo in maamulka loo soo dhoweeyo bulshada.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, oo booqday xarunta Guddiga Doorashooyinka, ayaa ku nuuxnuuxsaday sida ay xukuumaddu uga go’an tahay hirgelinta doorasho qof iyo cod ah.

Wuxuu yiri:

“Waxaan ku kalsoonahay shacabkeenna oo ay gacantooda ku jirto codbixinta. Qofka rumeysan Allaah kadibna ku kalsoon shacabkiisa, ma aaminsani in meel xun ay dhigayaan.”

Wuxuu intaas ku daray:

“Waxaan shacabka ka codsaneynaa inay fursaddan ka faa’iideystaan oo ay qaataan kaararkooda, si ay doorashadooda u gutaan, maadaama uu dastuurku sidaas farayo.”

Dhankiisa, Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Qaranka, Cabdikariin Axmed Xasan, ayaa shacabka gobolka Banaadir ugu baaqay inay si firfircoon uga qaybqaataan geeddi-socodka doorashada, isaga oo adkeeyay muhiimadda ay leedahay qaadashada kaarka codbixinta.

Doorashada golaha deegaanka ee ka socota caasimadda waxaa lagu tilmaamay tallaabo dhabbaha u xaareysa nidaam dowladnimo oo hufan, oo ka bilaabma heer hoose kuna dhisan xasillooni, maamul wanaag iyo horumar waara. Hirgelinta nidaamkan cusub ayaa muujinaysa in Soomaaliya ay u socoto jihada ay bulshadeedu muddo dheer sugaysay—doorasho toos ah oo codka shacabku saldhig u yahay.

Ciidanka Xoogga oo howlgallo ka dhan ah khawaarijta ka wada gobolka jubbada Hoose

0

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee Qeybta 43-aad iyo Kumaandooska Danab ayaa howlgallo qorsheysan ka dhan ah Khawaarijta ka wada deegaanno hoos taga degmada Jamaame ee gobolka Jubbada Hoose, iyadoo halkaas jab culus lagu gaarsiiyay cadowga.

Howlgallada ayaa laga fuliyay deegaannada Muuse Xaaji, Araare, Koban, Bangeeni, Maleyleey, Baladu-raxma iyo Degeyga Maam-bile, kuwaas oo dhammaantood hoos taga degmada Jamaame. Ciidamada ayaa Khawaarijta ka saaray deegaannadii ay ku dhuumaaleysanayeen, iyagoo u geystay khasaare culus.

Howlgalka dhulka ka socday waxaa barbar socday duqeymo ay fuliyeen Ciidamada Qaranka, kuwaas oo lagu burburiyay goobihii ay Khawaarijtu ka samaysteen meelo ay isku qarinin jireen. Saraakiisha Xoogga Dalka ayaa sheegay inay weli sii baacsanayaan firxadkii Khawaarijta, ayna socdaan howlgallada lagu xaqiijinayo amniga aagga degmada Jamaame.

Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee BFS oo booqasho ku tagay Xarunta Cilmibaarista iyo Daraasaadka Maqaasid

0

Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow, ayaa booqasho ku tagay Xarunta Cilmibaarista iyo Daraasaadka Maqaasid. Waxaa halkaasi ku soo dhoweeyay Guddoomiyaha xarunta, Xildhibaan Maxamed Sheekh Axmed (Maxamed Xaaji), iyo howlwadeenada xarunta.

Intii ay kulanka ku jiraan, Guddoomiye ku-xigeenka iyo maamulka xarunta waxa ay ka wada hadleen xoojinta wada-shaqeynta, doorka cilmi-baaristu ku leedahay dhismaha dowlad-wanaagga, iyo sidii loo horumarin lahaa barnaamijyada aqooneed ee xaruntu bulshada u fuliso.

Ugu dambeyn, Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha Shacabka ayaa kormeeray qaybaha kala duwan ee xarunta, isagoo bogaadiyey shaqada muuqata ee ay qabtaan. Sidoo kale, waxa uu ka guddoomay madaxda xarunta hadiyado buugaag ah iyo warbixinaha ay soo saareen.

Daraawiishta Galmudug oo weeraray goob ay ku dhuumaaleysanayeen Khawaatijta

0

Howlgal qorsheysan oo Ciidamada Daraawiishta Galmudug, gaar ahaan ururka Galayr ay caawa ka fuliyeen aagga deegaanka Ceelahelay ee gobolka Galgaduud ayaa lagu weeraray goob ay ku dhuumaaleysanayeen cadowga Khawaarijta ah.

Saraakiisha hoggaamineysa howlgalka ayaa warbaahinta Qaranka Soomaaliyeed u sheegay in meydadka ugu yaraan toddobo Khawaarij ah ay yaallaan goobtii lagu weeraray cadowga, isla markaana ay weli sii baacsanayaan firxadkooda, iyagoo ka saaray goobihii ay gabaadka ka dhiganayeen.

Xiliga oo habeen ah darteed waxay saraakiishu noo sheegeen in khasaaraha rasmiga ah ee cadowga gaaray aan la ogaa karin, balse ay filayaan in tiro inta goobta dagaalka lagu arkay ka badan ay Khawaarijta dhinasho iyo dhaawac uga noqdeen howlgalka, iyagoo balan qaaday in warbixin rasmi ah ay bulshada lasoo wadaagi doonaan.

Wixii ka soo kordha howlgalkaas la soco.

Wasiirka Kalluumeysiga XFS oo maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Turkiga u fadhiya Muqdisho

0

Wasiirka Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Xassan Aadan, oo maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Turkiga ee Soomaaliya, Mudane Alper Aktaş, ayaa waxaa ay yeesheen kulan miro-dhal ah oo lagu xoojinayay iskaashiga labada dal ee dhinaca kalluumeysiga iyo ilaha dhaqaalaha buluugga ah ee dalka.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray, Xoojinta iskaashiga labada dowladood ee ku saabsan horumarinta kalluumeysiga iyo ilaalinta kheyraadka badda, Dardargelinta iyo fulinta heshiisyada iskaashi ee horey u dhexmaray Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dowladda Turkiga, Kor u qaadidda aqoonta iyo xirfadaha kalluumeysatada Soomaaliyeed, iyadoo Dowladda Turkiga ay ballan-qaadday tababaro heer sare ah oo lagu horumarinayo adeegsiga farsamooyinka casriga ah ee dhinaca Kalluumeysiga, Waxbarasho heer jaamacadeed (Master’s Degree) oo Dowladda Turkiga ay si gaar ah uga taageeri doonto Wasaaradda, si loo helo khubaro Soomaaliyeed oo aqoon durugsan u leh dhaqaalaha buluugga ah iyo maareynta kheyraadka Badda.

Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga ee XFS Mudane Axmed Xasan Aadan ayaa safiirka Dowladda Turkiga ee Soomaaliya uga mahadceliyey sida ay dowlad ahaan diyaar ka ugu yihiin taageerada farsamo iyo garab istaagga joogtada ah ee ay siinayaan dowladda Soomaaliya gaar ahaan dhinaca horumarinta iyo ka faa’iideysiga kheyraadka kalluun ee dalka. Waxa uu intaa ku daray “in kulanku uu ahaa mid guul leh, isla markaana muhiim u ah xoojinta xiriirka labada dal, gaar ahaan dhanka horumarinta kalluumeysiga oo ka mid ah tiirarka muhiimka u ah dhaqaalaha dalka”.

Dhinaciisa, Safiir Alper Aktaş ayaa adkeeyay sida ay Dowladda Turkiga uga go’antahay taageeridda Soomaaliya, gaar ahaan dhanka tababarrada, waxbarashada iyo barnaamijyada kobcinta kheyraadka Badda, isagoo xusay in dowladdiisu diyaar u tahay inay sii ballaariso iskaashiga labada dal.

Shacabka Muqdisho oo soo dhoweeyey qaybinta kaarka codbixinta

0

Shacabka ku dhaqan gobolka Banaadir ayaa si weyn u soo dhoweeyey in ay markii u horaysay helaan kaarkooda codbixinta kaas oo ay ku dooran doonaan metelaadooda Siyaasaddeed oo ay ugu horayso doorashada golaha deegaanka caasimadda.

Warbaahinta qaranka oo tagtay xarumaha shacabku saaka ka qaadanayaan kaarka codbixinta ayaa waydiisay dareenkooda ku saabsan in ay heleen kaarkii ay ku heli lahaayeen xuquuqdooda doorasho.

Ugu horayn Cusmaan Goodax Barre oo aragtidiisa dhiibanayey ayaa yiri “Waxaan ahay muwaadin Soomaaliyeed oo 55 sano jir, saaka waxaan halkan u taaganahy in aan qaato kaarkeyga cod-bixinta si aan codkeyga ugu ciil baxo.”

Muwaadinad Safiya Shire Daahir ayaa iyana tiri “ Si aan codkeyga ugu ciil baxo ayaan kaarkeyga u soo doontay.”

Guddoomiyaha Ururka Naafada Degmada Shibis Saalax Maxamed “Waxaan ku faraxsanahay hadii aan nahay dadka baahiyaha gaarka ah qaba in aan codkeenna ku ciil baxno.”

Maxamuud Xaaji Goobe oo ka mid ah waayeelka saaka qaadanayey kaarka cod bixinta ayaa yiri “Anigoo cimrigaan jiro saaka waxaan u soo baxay inaan qaato kaarkeyga codbixinta.”

Guddoomiyaha Haweenka degmada Shibis Safiya Maxamed Cali ayaa Haweenka ugu baaqday in ay kaarka qaataan sidoo kalena ku ciil baxaan codkooda “Way soo dhamaatay qoondadii Haweenka ee la xaqiri jiray, gabareey codkaaga ku ciil bax.”

Guud ahaan jawiga kaar qaybinta ayaa ah mid ku bilowday jawi degan oo shacabka Soomaaliyeed si weyn uga qayb qaadanayaan muuniyeen na doonista ay u hayaan in ay soo doortaan metelaadooda siyaasaddeed.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo dhagax dhigay dib u dayactirka iyo dhismaha 18 xarumo caafimaad

0

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa maanta ah si rasmi ah u dhagax-dhigay dib-u-dayactirka iyo dhismaha 18 xarumo caafimaad oo casri ah, kuwaas oo lagu qalabeyn doono agab caafimaad oo dhamaystiran, si loo horumariyo adeegyada caafimaadka ee bulshada Muqdisho.

Munaasabadda dhagax-dhigga mashruuca caafimaad ayaa lagu qabtay Xarunta Hooyada iyo Dhallaanka (MCH) ee Waaberi, iyadoo ay goob-joog ahaayeen xubno ka tirsan bahda caafimaadka.

Mashruuca maanta la dhagax-dhigay waxa uu ka kooban yahay 4 isbitaallo waaweyn iyo 14 rugo MCH, kuwaas oo laga dhisayo 11 degmo oo ka tirsan Muqdisho. Ujeeddadiisu waa in la xoojiyo kaabayaasha caafimaadka, gaar ahaan adeegyada hooyada iyo dhallaanka, si loo hubiyo in dhammaan hooyooyinka iyo caruurta ay helaan adeegyo caafimaad oo tayo leh.

Dr. Muungaab ayaa carabka ku adkeeyey in dhammaan xarumaha caafimaad ee la dhisayo ay bixin doonaan adeegyo caafimaad oo lacag la’aan ah, taas oo ka dhigaysa mashruucan mid muhiim u ah bulshada danyarta ah, si looga baaqsado ku-tiirsanaanta adeegyada caafimaad ee gaarka loo leeyahay ee qaaliga ah. Mashruucan ayaa sidoo kale ka tarjumaya ballanqaadka maamulka ee ilaalinta xuquuqda caafimaad ee bulshada iyo hubinta u sinnaanta helitaanka adeegyada caafimaad.

Inta lagu guda jiray munaasabadda dhagax-dhigga mashruuca, Dr. Muungaab ayaa sidoo kale ka hadlay doorashooyinka soo socda, isaga oo ku boorriyey muwaadiniinta in ay tagaan xarumaha laga qaadanayo kaararka codeynta, maadaama qaybinta kaararku si rasmi ah u bilaabatay.

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho ayaa xusuusiyay in ka qaybgalka doorashooyinku yahay waajib muwaadinnimo iyo tallaabo muhiim ah oo dhisaysa dimuqraadiyadda iyo xasilloonida gobolka, taas oo ka tarjumaysa sida maamulka uu u dhiirrigelinayo ka qaybgalka bulshada iyo horumarinta adeegyada bulshada.

Muqdisho oo saaka laga bilaabay qaybinta kaarka codbixiyeyaasha

0

Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa saaka magaalada Muqdisho ka bilaabay qaybinta kaarka codbixiyaha muwaadiniinta Soomaaliyeed,guddida ayaa saaka subaxnimadii hore ka daahfuray kaar qaybinta ilaa 7 degmo oo ka tirsan gobolka Banaadir.

Degmooyinka Shibis, Boondheere, Xamar jajab, Shangaani, Waaberi, Xamarweyne iyo degmada Cabdi casiis ee gobolka Banaadir ayaa si toos ah looga bilaabay qaybinta Kaarka cod bixinta.

Qaybinta kaarka codbixiyaha muwaadinka soomaaliyeed ayaa maanta Shacabka uga dhigan waa cusub oo u baryay shacabka Soomaaliyeed taas oo shacabku si toos ah ugu soo dooran doonaan metelaadooda Siyaasaddeed.

Doorashadda golaha deegaanka ayaa noqon doonta doorashada ugu horaysa ee muwaadiniinta Soomaaliyeed ku soo dooran doonaan metelaadooda siyaasaddeed, iyadoo isla Caasimadda muqdisho ugu horayn doonto qabashada doorashada golaha deegaanka.