Home Blog Page 19

Madaxweynaha JFS “Geesiyaasha CXD waa kuwa badbaadiyey 20 milyan oo Soomaaliyeed”

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, oo ka qeyb galay munaasabadda xuska 66-aad ee sanad-guurada aasaaska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, ayaa hambalyo u diray dhammaan saraakiisha, saraakiil-xigeennada, alifleyda, dableyda iyo guud ahaan qaybaha kala duwan ee ciidanka, iyo sidoo kale qoysaskooda.

Madaxweynaha ayaa ku ammaanay Ciidanka Xoogga Dalka doorka weyn ee ay ka qaataan difaaca dalka iyo ilaalinta nabadgelyada shacabka Soomaaliyeed. Wuxuu xusay in ciidanku aysan ku ekaan in shacabka ku difaaca hubka oo keliya, balse ay door muuqda ka qaataan gurmadka iyo badbaadinta shacabka dhibaateysan.

Madaxweyne Xasan Sheekh “Geesiyaasha Ciidamada Xoogga Dalka waa kuwa badbaadiyey 20 milyan oo Soomaaliyeed. Kaliya kuma difaacaan qori, balse sidoo kale way u gargaaran. Maanta guusha ay gaareen taariikhda ayaa qori doonta, Hambalyo.”

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa tilmaamay in Ciidanka Qalabka Sida, gaar ahaan Ciidanka Xoogga Dalka, ay sameeyeen horumarro muuqda, isla markaana uu carrabka ku adkeeyay in dal aan ciidan lahayn uusan dhismi karin. Wuxuu xusay in khaladaadka ay galaan shaqsiyaad kooban aan lagu eedeyn karin guud ahaan ciidanka, isla markaana kuwa dambiyada gala la horgeeyo Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida.

Hankiisa, Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, oo goob joog ka ahaa munaasabadda, ayaa sheegay in Ciidanka Xoogga Dalka ay gaareen heerkii ugu fiicnaa, islamarkaana ay jiraan guulo la taaban karo oo ay ka gaareen howlgallada, kuwaas oo ay ka mid tahay isku furkii waddada u dhaxeysa Muqdisho iyo Baydhabo.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, S/Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, ayaa isaguna sheegay in ciidanku ay yihiin kuwo ku suntan adkaysi iyo geesinimo, isla markaana ay sharaf weyn u tahay in maanta loo dabaal-dego sanad-guurada 66-aad ee aasaaskooda.

Ugu dambeyn, masuuliyiin kala duwan oo ka qeyb galay munaasabadda ayaa hambalyo u diray Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, iyagoo ku ammaanay guulaha ay u soo hoyeen dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha JFS oo ka qeyb galay sanad-guurada 66-aad ee aasaaska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed

0

Madaxweynaha JFS, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa Wasaaradda Gaashaandhigga kaga qeyb galay xuska 66-aad ee sanad-guurada kasoo wareegtay aasaaska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Waxaa goobta lagu soo bandhigay ciidan tiro badan oo leh tayo heersare ah, kuna qalabeysan gaadiid dagaal oo casri ah, iyo diyaarado dagaal oo ka mid ah kuwa ugu horumarsan dunida xilligaan. Tani waxay muujineysaa sida loo diyaariyay awoodda, qalabka iyo tayada Ciidanka Xoogga Dalka, oo sanadihii lasoo dhaafay gaaray guulo waaweyn, laguna xoreeyay dhul ay muddo dheer argagixisadu ku dhibaateynaysay shacabka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle ayaa farriin hambalyo ah u diray ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed .

0

HAMBALYO 12-KA ABRIIL MAALINTA CIIDANKA XOOGGA DALKA SOOMAALIYEED

Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa farriin hambalyo ah u diray saraakiisha, saraakiil xigeenada, alifleyda iyo dableyda ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed oo ay ku asteysan tahay aas-aaskooda.

Taariikh kala duwan oo halgan ah ayaa lagu xasuustaa Ciidanka muddadii uu dhisnaa kaas oo cadowga ka difaacayey Soomaaliya.

Dhiiggooda ayay u hureyn sidii ay Soomaaliya u ahaan laheyd dal madax-bannaan oo nabdoon.

Sannadihii dambe Ciidamada Xoogga ayaa waqtigooda ugu badan geliyey sidii dalka looga sifeyn lahaa kooxda Khawaarijta.

Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle ayaa yiri: “Ciidamada difaaca waa awoodda Soomaaliya. Rabbi ha idinka abaalmariyo xil-guddashada aad u soo marteen waqtiyo kala duwan.”

Diiwaanka marka dib loo raaco waxay fagaaraha dagaalka ka muujiyeen adkeysi, naf-hurnimo iyo geesinimo.

Hoggaamiyaha ku-meel-gaarka ah ee Dowladda Koonfur Galbeed ayaa hambalyo iyo bogaadin u diray Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Maalinta aas-aaskooda ee 12-ka Abriil.

0

Hoggaamiyaha ku-meel-gaarka ah ee Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi ayaa hambalyo iyo bogaadin u diray Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed munaasabadda 66-aad ee ka soo wareegtay aas-aaskooda oo ku beegan 12-ka Abriil.

Mudane Jibriil ayaa ku ammaanay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed geesinimada, naf-hurnimada, iyo dadaalka joogtada ah ee ay ugu jiraan difaaca qaranka, ilaalinta midnimada shacabka Soomaaliyeed, iyo ka qeyb qaadashada sugidda amniga iyo xasilloonida dalka.

Hoggaamiye Jibriil ayaa xusay in munaasabaddan ay tahay mid xambaarsan qiimaha qaranka, isla markaana lagu xasuusto halgankii iyo taariikhdii sharafta laheyd ay soo mareen Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed tan iyo aas-aaskoodii.

“Waxaan si gaar ah ugu hambalyeynayaa dhammaan saraakiisha, saraakiil-xigeennada, iyo ciidamada kala duwan ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed dadaalkooda iyo naf-hurnimada ay u muujiyeen difaaca dalkooda. Waxaan ku dhiirrigelinayaa inay sii labanlaabaan howlaha ay ugu adeegayaan shacabka Soomaaliyeed.

Hoggaamiyaha ku-meel-gaarka ah ee Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji ayaa shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan reer Koonfur Galbeed ugu baaqay inay garab istaagaan ciidankooda si loo xaqiijiyo nabad waarta iyo horumar guud oo dalka ka hana qaada.

 

 

Madaxweynaha Dowladda Galmud ayaa hambalyo u diray ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed maalinta aasaaskooda ee 12-ka April.

0

Madaxweynaha ayaa yiri” Waxaan hambalyo iyo bogaadin u dirayaa ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ee halyeeyada ah, munaasabadda sanad-guurada 66-aad ee kasoo wareegtay aasaaskooda, oo ku beegan maanta oo kale 12-ka April.

Sanadkan, ciidanku waxay u dabaaldegayaan xuskan qiimaha leh iyagoo gudanaya waajib qaran oo muqaddas ah kaasoo ah difaaca dalka iyo sifeynta cadawga argagixisada ah ee dhibaateeya shacabka Soomaaliyeed.

Hambalyadaas waxaan si gaar ah ula wadaagayaa guud ahaan geesiyaasha ciidanka ee ku sugan furimaha hore ee dagaalka, gaar ahaan kuwa ka howlgala deegaannada Dowladda Galmudug, kuwaas oo muujinaya geesinnimo, naf-hurnimo iyo waddaniyad dhab ah. Guuleysta “ .

Taliyaha Xoogga Dalka oo Ciidanka Xoogga ugu hambalyeeyay munaasabadda sanad guuradoodii 66-aad

0

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed S/Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud ayaa Geesiyaasha Ciidanka XDS Soomaaliyeed u diray Hambalyada Sanad guuradii 66 aad ee Kasoo wareegatay Aas aaskoodii

“Ciidanka Xoogga dalka, waa laf dhabarka Ciidanka Qalabka sida ee Soomaaliyeed, waxaana sidoo kale isku hambalyeynaynaa guulaha aan kasoo hooyane Dagaalka dalka looga xoreynayo Argagixisada Arxanka darran

12-ka April, sanadkii 1960 ayey ahayd markii la aas aasay ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed, waxaana hadda laga joogaa 66 sano.

 

Wasiirka Gaashaandhigga oo Ciidanka Xoogga Dalka ugu hambalyeeyay sanad guuradoodii 66-aad

0

Wasiirka Gaashaandhigga, JFS. Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa hambalyo u diray saraakiisha, saraakiil-xigeennada, aliflayda, dableyda, dhammaan qaybaha kala duwan ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo qoysaskooda, munaasabadda 66-guurada ka soo wareegtay aasaaska Ciidanka Xoogga Dalka.

Wasiirka ayaa tilmaamay in munaasabaddan ay xambaarsan tahay qiime qaran oo weyn, maadaama ay astaan u tahay taariikhda, halganka iyo doorka ciidanka ee difaaca dalka, ilaalinta madaxbannaanida iyo midnimada ummadda Soomaaliyeed.

Wasiir Fiqi ayaa adkeeyay dadaallada Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku aaddan tayeynta, qalabaynta iyo horumarinta nolosha ciidamada, si ay u gutaan waajibaadkooda qaran si hufan.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Ra’iisul Wasaaraha Liibiya oo ka wada hadlay Xoojinta Iskaashiga Labada Dal

0

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Abdisalam Ali,ayaa kulan muhiim ah kula yeeshay magaalada Tripoli Ra’iisul Wasaaraha Dowladda Liibiya, Mudane Cabdul Xamiid Al-Dabeyba.

Intii uu kulanku socday, Wasiirku waxa uu gaarsiiyay fariin muhiim ah oo ka timid Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre, taas oo ku socotay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Liibiya, kuna saabsan adkeynta xiriirka laba geesoodka ah iyo horumarinta iskaashi nidaamsan oo u dhexeeya labada dal.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray arrimo mudnaan gaar ah leh oo ay ka mid yihiin maaraynta socdaalka, ilaalinta muwaadiniinta Soomaaliyeed, iyo xoojinta iskaashiga diblomaasiyadeed ee ku aaddan xaaladaha gobolka.

Kulankan ayaa yimid xilli xasaasi ah, iyadoo labada dal ay kordhinayaan dadaallada lagu wajahayo tahriibka sharci-darrada ah iyo caqabadaha ka gudba xuduudaha ee saameeya gobolladooda.

Labada dhinac ayaa hoosta ka xarriiqay muhiimadda ay leedahay wadashaqeyn joogto ah oo natiijo leh, waxayna isku raaceen in la sii xoojiyo isku-duwidda xiriirka diblomaasiyadeed, taasoo muujinaysa doorka firfircoon ee Soomaaliya ka qaadanayso xasilloonida gobolka iyo iskaashiga caalamiga ah ee masuuliyadda ku dhisan.

12-ka April Xuska Maalinta Qaran ee Ciidanka Xoogga Dalka

0

Umad kasta oo kamid ah bulshooyinka ku dhaqan dunida waxay si gaar ah u leeyihiin munaasabado iyo xaflado qiimo gal ah oo lagu soo bandhigo taariikhda dhaxalka ah ee ay ka tageen dadka wadaniyiinta ah iyo kuwa kale ee u soo halgamay midnimada iyo difaaca qaran kasta oo ka jira Caalamka.

12-ka April waxa ay ka mid tahay maalmaha qaran ee loo dabbaaldego aasaaska Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya,taasina waxa ay muujineysa in shacbiga iyo dowladda ay mar kasta diyaar u yihiin ka qeybqaadashda xusaska maalmaha qaran ee ku weyn dadka.

Sanadkii 1960-kii,gaar ahaan 12-kii April ayeey aheyd markii la unkay ciidamada xoogga dalka oo ah cududda koowaad ee laf-dhabarka u ah dowladnimada,isla markaana ka qeybqaadan kara ammaanka guud ee Qaaradda,kan gobolka iyo gudaha dalka Soomaaliya.

Waa dhab in dhismaha ciidamada xoogga uu ahaa mid ku yimid dadaal miro-dhal ah oo ay wada lahaayeen bulshada ka dib kolkii la dareemay baahida weyn ee loo qabo waajibaadyada shaqo iyo howlaha qaran ee horyaalla ciidamada,sida 1-ilaalinta xuduudaha dalka,2-difaaca dadka iyo dalka,3-la-dagaallanka argagixisada iyo ka qeybqaadashada howlaha lagu sugayo amniga guud ee gudaha dalka.

ka dib kolkii loo howlgalay kordhinta tayada iyo aqoonta ciidamada xoogga waxaa lagu guuleystay in la sameeyo hogaanno badan oo ka qeybqaata socodsiinta howlaha ciidamada.

Waxaa markhaati ma doonto ah sanadihii u dhexeeyey 1964- 1977-dii in Ciidamada xoogga dalka ay ahaayeen kuwo soo hooyay guullo taariikhi ah ka dib markii ay baadigoob u galeen soo celinta dhulalkii ka maqnaa dadka Soomaaliyeed,iyagoo kaashanaya dowladda iyo shacanka oo ka qeybgalay diyaarinta ciidamo xoogan oo leh tiro iyo tayo,isla markaana lagu aamini karo dadka iyo dalka.

Inkastoo dagaaladii sokeeyey ee ka dhacay dalka sanadkii 1991-dii ay saameyn ku yeesheen dhismaha qeybaha ciidamada,haddana,waxaa labaatankii sano ee u dambeeyay lagu najaxay in dib loo uruuriyo ciidamada, isla markaana la howlgaliyo qeybihii iyo talisyadii uu ka koobnaa ,iyadoo lagu kordhiyay dhallinyaro cusub oo dhiirri geliyay soo celinta amniga iyo kala dambeynta.

Marka loo eego qaabka ciidamada ay u fuliyaan howlaha kala duwan ee horyaalla iyo sida ay u socdaan dadaalada kale ee ay kaga qeybgalaan horumarka dalka,waxaa xaqiiqo ah in ay yihiin kuwo leh maamuus qaran iyo xasuus gaar ah oo ku qoran qalbiyada iyo baalasha dahabiga ah ee taariikhda Soomaaliya.

Waxaa haboon in xilligaan adage e la marayo loo howlgalo sidii loo tayeyn lahaa ciidamada, isla markaana loogu heli lahaa agab ama qalab mileteri oo ay ku hawl galaan iyo sidoo kale in la siiyo tababarro sare loogu qaadayo xirfaddoda shaqo si mustaqbalka dhow ay u hantaan difaaca iyo ammaanka guud ee dalka.

Ciidamada Xoogga waxaa xilligaan adag ee lagu jiro la gudboon in ay la yimaadaan niyad bir ah iyo karti lagu wajaho howlaha qaran ee ay u hayaan umadda Soomaaliyeed oo xilligaan sugaya ama ay u muuqdaan mustaqbal wanaagsan.

Maanta oo kale,madaxda dalka waxa ay dhambaallo hambalyo ah hawada u marinayaan dhammaan saraakiisha,saraakiil xigeenada,alifleyda,dableyda iyo guud ahaan xaasaska ciidamada xoogga dalka meel kasta oo ay ka joogaan dalka.

Guud ahaan ciidanka oo maanta u dabbaaldegaya xuska sanadguurada 66-aad waxaa loo rajeeyay in sanadkaan kiisa kale ay ku gaaraan horumar iyo barwaaqo.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo magacawday Guddiga Farsamada ee Wada-hadalka iyo Dib-u-heshiisiinta Koonfur Galbeed

0

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS ayaa magacowday Guddiga Farsamada ee Wada-hadalka iyo Dib-u-heshiisiinta Koonfur Galbeed

Wareegto ka soo baxday Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS ayaa lagu magacaabay guddigaan oo ka kooban toban ruux oo guddoomiye looga dhigay Agaasimaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS, Abdukadir Elmi Ali, halka guddoomiye ku xigeenka noqon doono Cali Cabdullaahi Isaaq.

Waajibaadka guddigaan ayaa waxaa kamid ah Qaban-qaabada iyo diyaarinta gogol nabadeed oo loo dhan yahay, Bixinta talooyin farsamo oo ku saabsan geedi-socodka dib-u-heshiisiinta, Xaqiijinta matalaad caddaalad ah iyo hufnaan inta ay socdaan wada-hadalladu iyo Xoojinta kalsoonida iyo wada-noolaanshaha bulshada dhexdeeda ah.