Deprecated: Using null as an array offset is deprecated, use an empty string instead in /home/sntv/public_html/wp-includes/class-wp-date-query.php on line 516

Madaxweynaha JFS oo ka qeyb galay Xuska Sanad-guurada Aasaaska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed | Somali National Television - sntv.so

Deprecated: Using null as an array offset is deprecated, use an empty string instead in /home/sntv/public_html/wp-includes/class-wp-block-type-registry.php on line 168

Deprecated: Using null as an array offset is deprecated, use an empty string instead in /home/sntv/public_html/wp-includes/class-wp-block.php on line 257

Deprecated: Using null as an array offset is deprecated, use an empty string instead in /home/sntv/public_html/wp-includes/class-wp-block-type-registry.php on line 168

Deprecated: Using null as an array offset is deprecated, use an empty string instead in /home/sntv/public_html/wp-includes/class-wp-block-type-registry.php on line 168

Deprecated: Using null as an array offset is deprecated, use an empty string instead in /home/sntv/public_html/wp-includes/class-wp-block-type-registry.php on line 168

Deprecated: Using null as an array offset is deprecated, use an empty string instead in /home/sntv/public_html/wp-includes/class-wp-block-type-registry.php on line 168

Deprecated: Using null as an array offset is deprecated, use an empty string instead in /home/sntv/public_html/wp-includes/class-wp-block-type-registry.php on line 168

Madaxweynaha JFS oo ka qeyb galay Xuska Sanad-guurada Aasaaska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed

Date:

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo Xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga kaga qayb galay munaasabadda xuska sannad guurada 66-aad ee aas-aaska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa hambalyo u diray dhammaan Saraakiisha, Saraakiil Xigeennada, Alifleyda, Dablayda iyo qoysaska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Inta ay socotay munaasabaddu, cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa soo bandhigay dhoollatus ay ku muujinayaan cududda iyo tayada ciidanka, cir iyo dhul, iyadoo gaadiidka gaashaamaan, Halyeeyada naftood hureyaasha ah, dabaabadaha iyo diyaaradaha dagaalka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay muujiyeen sida ay ugu diyaarsan yihiin xoreynta iyo difaaca dalka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo khudbad ka jeediyey munaasabadda ayaa ka warramay muhiimadda maalintan, taariikhda iyo mabaadi’da Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo ku suntan geesinimo iyo naf-hurnimo, waxa uuna soo bandhigay dadaallada ay dowladdu ku bixisay tayeynta iyo kordhinta tirada ciidanka.

“Geesiyaasha Ciidamada Xoogga Dalka waa kuwa badbaadiyey 20 milyan oo Soomaaliyeed. Kaliya kuma difaacaan qori, balse sidoo kale way u gargaaran. Maanta guusha ay gaareen taariikhda ayaa qori doonta”.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa tilmaamay muhiimadda ay leedahay tayeynta, qalabaynta iyo dhiirrigelinta ciidanka, si loo xaqiijiyo amniga guud ee dalka iyo xoreynta deegaannada ay weli ku dhuumaaleysanayaan kooxaha argagixisada.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo billado geesinimo guddoonsiiyey saraakiil hoggaan u ah Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa ku dhiirri geliyey doorkooda geesinimada leh ee sugidda amniga dalka, difaaca xuduudaha iyo hawlgallada ka dhanka ah argagixisada, isaga oo u duceeyey dhammaan halyeeyadii u shahiiday difaaca dalka iyo kuwii ku dhaawacmay.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Sarkaal Boolis ah oo ka badbaaday weerar hubeysan oo ka dhacay Muqdisho

Muqdisho, Soomaaliya: – Sarkaal ka tirsan Ciidanka Booliska Soomaaliyeed...

2026 World Internet Conference Wuzhen Summit to Focus on AI Openness and Global Cooperation

The World Internet Conference International Organization held a press...

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...