Home Blog Page 17

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya

0

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo magaalada Istanbul kulan kula yeeshay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Turkiga, Recep Tayyip Erdogan.

2- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo magaalada Antalya ee dalka Turkiga kaga qeybgelaya Madasha Diblomaasiyadda Caalamiga ah.

3- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo xarigga ka jaray dhismaha cusub ee Taliska Taakuleynta iyo Hoggaanka War isgaarsiinta Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya.

4- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qeyb galay xuska sannad guurada 66-aad ee aas-aaska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya oo ku beegneyd 12-ka April.

5- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qayb galay soo dhoweynta Markabka Cagri Bay oo dhowaan billaabaya qodista shidaalka Soomaaliya.

6- Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo shir guddoomiyey kulanka aan caadiga aheyn ee Guddiga Joogtada oo ka dhacay xarunta guddoonka iyo guddiyada ee Villa Hargeysa.

7- Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya ugu hambalyeeyey xuska munaasabadda sanadka guurada 66-aad ee ka soo wareegatay markii la aas-aasay.

8- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa magaalada Muqdisho ku qaabilay qaar ka mid ah isimada Puntland oo booqasho ku joogay caasimadda dalka si ay u xoojiyaan isku xirka bulshada iyo dowladoodda.

9- Golaha Wasiiradda Soomaaliya ayaa ansixiyay magacaabista Mudane Nuur Maxamuud Sheekh oo loo dalacsiiyay darajada Danjire.

10- Golaha Wasiirrada Soomaaliya ayaa ansixiyey magacaabista Agaasimaha Guud ee ee cusub ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda, oo loo magacaabay Mudane Xuseen Qaasim Yuusuf.

11- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa geed ku beeray Xarunta Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha , taas oo qeyb ka ah toddobaadka dhir beerista dalka oo ay hormuud ka tahay Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada.

12- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa ka qeybgaley munaasabad lagu maamuusayay sannad-guurada 66-aad ee ka soo wareegtay aas-aaska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya oo lagu qabtay Villa Baydhabo.

13- Guddoomiye Ku-Xigeenka 2aad ee Golaha Shacabka ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow i ayaa magaalada Istanbul ee Turkiga uga qeyb galay kulanka Kooxaha Siyaasadda Afrika iyo Carabta ee ku jira Midowga Baarlamaannada Adduunka (IPU).

14- Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya oo si adag u cambaaraysay ugana soo horjeesatay xad gudubka Israa’iil oo wakiil diblomaasiyadeed u soo magacowday gobollada Waqooyi ee Soomaaliya.

15- Wasiirka Maaliyadda ee Soomaaliya, Mudane Biixi Imaan Cige oo shir-guddoomiyay kulankii 28-aad ee Wasiirrada Maaliyadda Madasha Iskaashiga Dalalka Geeska Afrika, xili Magaalada Washington DC uu ka soconayo shirka Xiliga Gu’ga ee IMF iyo Bangiga Adduunka oo sannad waliba la qabto.

16- Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee J Soomaaliya Mudane Cabdisalaan Cali ayaa kulan la qaatay Ergayga Gaarka ah ee Shiinaha u qaabilsan Geeska Afrika, Mudane Hu Changchun.

17- Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Soomaaliya, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac, ayaa hambalyo u diray guud ahaan farshaxan-yahannada Soomaaliyeed munaasabadda 15-ka Abril oo ku began Maalinta Farshaxanka Adduunka.

18- Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Soomaaliya, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac ayaa kulan la yeeshay Sii-Hayaha Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya, Danjire Justin Davis, iyagoo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga labada dal.

19- Wasiirka Warfaafinta, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac, oo uu wehliyo Wasiirka Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada, Mudane Bashiir Maxamed Jaamac, ayaa xarunta Wasaaradda Warfaafinta, ka sameeyay geed beeris qayb ka ah Toddobaadka Dhir-beerista Qaranka Soomaaliyeed.

20- Wasiirka Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka Marwo Khadiija Maxamed Al-Makhsuumi ayaa si rasmi ah u gudbisay nuqulka Axdiga Afrika ee Xuquuqda iyo Daryeelka Carruurta, kaasi oo ay Soomaaliya horey u meel marisay.

21- Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya iyo Ciidamada Amniga Jubbaland, ayaa dilay 17 ka tirsan argagaxisada Al-Shabab kadib hawlgal ballaaran oo ka dhacay Gobollada Jubbada Hoose iyo Jubbada Dhexe.

22- Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, S/Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar, oo ay wehliyaan saraakiil ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka, ayaa kormeer shaqo iyo dhiirrigelin ugu tagay geesiyaasha ciidanka ee ku sugan Gobolka Shabeellaha Hoose.

23- Wasiir Ku-Xigeenka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf ayaa ka qeybgaley kulan lagu soo bandhigay Barnaamijka Farshaxanka Soomaaliya ee (Somalia National Pavilion).

24- Xafiiska Hantidhowrka Guud ee Qaranka iyo Maxkamadda Xisaabaadka Turkiga ayaa si wadajir ah magaalada Ankara ee dalka Turkiga uga furay tababar aqoon is-weydaarsi ah oo ku saabsan baarista u hoggaansanaanta sharciga.

25- Wasiiro ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya oo kulan gaar ah la yeeshay Diblomaasiyiinta caalamka ee ka hawlgala Soomaaliya.

26- Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya Azerbaijan, Mudane Cabdinuur Daahir Fiidow, ayaa si rasmi ah waraaqihiisa aqoonsiga safiirnimo ugu gudbiyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Azerbaijan, Mudane Ilham Aliyev.

Wasiirka Maaliyadda XFS oo Shir-guddoomiyay Kulanka 28-aad ee Wasiirrada Maaliyadda Geeska Afrika

Washington, DC: Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Biixi Imaan Cige, ayaa maanta shir-guddoomiyay kulankii 28-aad ee Wasiirrada Maaliyadda Madasha Iskaashiga Dalalka Geeska Afrika. Kulankan ayaa ka qabsoomay magaalada Washington, DC, xilli uu halkaas ka socdo shirka xilliga gu’ga ee IMF iyo Bangiga Adduunka, oo sanad kasta la qabto waqtigan oo kale.

Shirkan oo leh muhiimad gaar ah ayaa diiradda lagu saaray horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha ee laf-dhabarta u ah kobaca dhaqaale ee dalalka gobolka, kuwaas oo door weyn ka qaata xoojinta is-dhexgalka ganacsiga iyo iskaashiga dalalka Geeska Afrika.

Intii uu shirku socday, Wasiirrada Maaliyadda ee ku mideysan madashan ayaa si qoto dheer u falanqeeyay fursadaha iyo caqabadaha horyaalla maalgelinta kaabayaasha muhiimka ah. Waxay sidoo kale carrabka ku adkeeyeen baahida loo qabo iskaashi dhow si loo horumariyo isku xirnaanta ganacsiga, gaadiidka iyo adeegyada kale ee dhaqaalaha.

Wasiir Ku-xigeenka Warfaafinta oo Muqdisho uga qeyb galay Bandhigga Farshaxanka Soomaaliya

Muqdisho, 16 April, 2026: Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala ayaa Muqdisho uga qeyb galay kulan lagu soo bandhigay Barnaamijka Farshaxanka Soomaaliya ee (Somalia National Pavilion).

Kulankaan oo ay martigelisay Safaaradda Talyaaniga ee Soomaaliya waxaa ka qeybgalay masuuliyiin ka tirsan dowladda, diplomaasiyiin, bahda dhaqanka, waxbarashada, farshaxamiistayaal iyo marti sharaf kale, kuwaas oo goobjoog ahaa Bandhigga Barnaamijka Farshaxanka Soomaaliya.

Farshaxamiistayaal Soomaaliyeed ayaa markii ugu horeysay sanadkaan ka qeyb geli doona Bandhigga Caalamiga ah ee Farshaxanka ee Vince Biennale, kaas oo ka dhici doona magaalada Vince ee dalka Talyaaniga.

Bandhiggaas ayaa soca doona inta u dhexeysa bilaha May ilaa November ee 2026, waxaana la qorsheeyey in Soomaaliya ay ku metelaan seddax gabdhood oo soo bandhigi doona dhaqanka Soomaaliya, Farshaxanka, Fooxa iyo Suugaanta. In ka badan 90 dowladood oo 13 kamid ah ay Afrikaan yihiin ayaa ka qeyb gelaya bandhiggaas.

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala oo kulanka ka hadlay ayaa sheegay in bandhigaas uu Soomaaliya u yahay fursad u sahleysa in dhaqankeenu uu caalamka gaaro oo loo sharaxo noocyadiisa.

Badhigga Vince biennale waa soo jireen lasoo dhigayey muddo Qarni ka badan, waana caalamiga ah oo lagu soo bandhigo dhaqanka umad kasta ay ku faanto, xubnaha metelaya Soomaaliya ayaa la siinayaa goob u gaar ah oo dhaqankeena ay ku soo bandhigi doonaan.

Soomaaliya oo si cad u diidday faragalinta Israa’iil

WAR SAXAAFADED.

FAAFIN DEG DEG AH Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo Diidday Tallaabo Israa’iil Ku Wajahan oo Wax u Dhimaysa Madaxbannaanideeda iyo Midnimadeeda Dhuleed ee Soomaaliya.

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay si adag u cambaaraynaysaa dhawaaqii ugu dambeeyay ee ka soo yeeray Wasaaradda Arrimaha Dibadda Israa’iil ee ku saabsan magacaabista wakiil diblomaasiyadeed oo loo diraayo gobolka waqooyi ee Soomaaliya, Somaliland.

Tallaabadan waxay si toos ah u jebinaysaa madax-bannaanida, midnimada, iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya.

Waxay si cad uga hor imaanaysaa sharciga caalamiga ah, oo ay ku jiraan Axdiga Qaramada Midoobay iyo mabaadi’da aasaasiga ah ee Midowga Afrika, kuwaas oo si aan mugdi lahayn u aqoonsan Soomaaliya inay tahay hal dal oo madax-bannaan, midaysan, oo aan la kala qaybin karin gudaha xuduudaheeda caalamku aqoonsan yahay.

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay si buuxda u diiddan tahay isku day kasta oo lagu siinayo aqoonsi diblomaasiyadeed ama siyaasadeed qayb kasta oo ka mid ah dhulkeeda oo ka baxsan awoodda Dowladda Federaalka.

Somaliland waa qayb ka mid ah Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Qorshe kasta oo lagu muujinayo inay tahay maamul gaar ah oo ka madax-bannaan Soomaaliya ma laha wax sal sharci ah, wuxuuna wiiqayaa is-afgaradka caalamiga ah ee jira.

Xilli ay Soomaaliya si dhow ula shaqaynayso saaxiibadeeda caalamiga ah si ay u xoojiso hay’adaha dowladeed, u ballaariso dimuqraadiyadda, u horumariso dib-uheshiisiinta qaran, isla markaana ula dagaallanto argagixisada, tallaabooyinka noocan ah waxay halis gelinayaan horumarka gobolka waxayna dhiirrigelinayaan fikrado kala qaybin ah.

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay ugu baaqaysaa Dowladda Israa’iil inay dib u eegto oo ay ka noqoto go’aankan, isla markaana si buuxda u ixtiraamto madax-bannaanida, wadajirka dhuleed, iyo madax bannaanida siyaasadeed ee Soomaaliya.

Soomaaliya waxay sidoo kale ugu baaqaysaa Midowga Afrika, Qaramada Midoobay, Jaamacadda Carabta, Ururka Iskaashiga Islaamka, Midowga Yurub, iyo guud ahaan beesha caalamka inay ilaaliyaan sharciga caalamiga ah, kana hortagaan tallaabo kasta oo wiiqaysa midnimada Soomaaliya ama sharciyeynaysa sheegashooyinka gooni-goosadka.

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay weli ku adkaysanaysaa go’aankeeda ah ilaalinta midnimadeeda qaran iyo xuquuqdeeda madax bannaan iyadoo adeegsanaysa dhammaan waddooyinka diblomaasiyadeed, siyaasadeed, iyo sharci ee la jaanqaadaya sharciga caalamiga ah.

Wasaaradda Gaashaandhigga oo faahfaahin ka bixisay Howlgallo lagu dilay 60 Khawaarij ah

WAR-SAXAAFADEED

Ciidanka Qaranka, oo kaashanaya saaxiibbada caalamka, ayaa howlgallo duqeyn ah ka fuliyay deegaannada Tardho ee gobolka Hiiraan, Ugunji ee gobolka Shabeellaha Hoose, Daynuunaay ee gobolka Baay, iyo Qumbi ee gobolka Jubbada Hoose.

Howlgalladan oo gaarayay lix duqeyn ayaa lagu bartilmaameedsaday maleeshiyaadka Khawaarijta Al-Shabaab, iyadoo lagu burburiyay bartilmaameedyo muhiim ah oo ay kooxdaasi ku lahaayeen goobahaas, kuwaas oo maalmihii u dambeeyay lagu hayay kormeer joogto ah, kadib dhaqdhaqaaqyo laga arkay deegaannadaas.

Duqeymahan ayaa sababay dhimashada 54 ka tirsan maleeshiyaadka Khawaarijta iyo dhaawaca tiro kale, waxaana sidoo kale si guul leh loo beegsaday keyd sahay, iyada oo si weyn loo wiiqay awooddooda dhinaca sahayda, isku socodka iyo abaabulka weerarro ay ku dhibaateyn lahaayeen shacabka Soomaaliyeed.

Howlgalladan waxay qayb ka yihiin dadaallada joogtada ah ee lagu burburinayo awoodda hawlgal ee Khawaarijta Al-Shabaab, isla markaana looga hortagayo in ay deegaannadan u adeegsadaan qorsheynta iyo fulinta weerarro ay ku dhibaateeyaan shacabka Soomaaliyeed.

Wasiirka Hawlaha Guud XFS oo Dalladda SORECA kala hadashay horumarinta kaabayaasha iyo magaalooyinka

MUQDISHO | 15 Abriil 2026 – Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib u Dhiska iyo Guriyeynta XFS, Mudane Xildhibaan Ayuub Ismaaciil Yuusuf, ayaa maanta ka qayb galay kulan wadatashi ah oo ku saabsan horumarinta kaabayaasha iyo magaalooyinka, kaas oo uu la yeeshay Dalladda SORECA oo ay ku midaysan yihiin shirkadaha dhismaha dalka.

Ujeeddada kulanka ayaa ahayd xoojinta iskaashiga u dhexeeya Wasaaradda iyo Dalladda SORECA, si loo mideeyo mudnaanta horumarinta kaabayaasha iyo magaalooyinka, loona abuuro hannaan wada-shaqeyn oo wax ku ool ah oo taageera kobaca iyo nidaaminta qaybta dhismaha dalka.

Kulanka waxaa si rasmi ah u furay Maamulka Guud ee SORECA, Mudane Khaalid Axmed Cali, oo sharaxay doorka iyo muhiimadda ay Dalladdu ku leedahay horumarinta dhismaha iyo kaabayaasha dalka.

Intii uu socday kulanka, waxaa diiradda la saaray is-weydaarsiga aragtiyo iyo wadatashi dhex maray Wasaaradda iyo xubnaha Dalladda SORECA. Sidoo kale, xubnaha Dalladdu waxay soo bandhigeen waxqabadkooda iyo kaalinta ay ku leeyihiin horumarinta dhismaha iyo kobcinta magaalooyinka.

Ugu dambayn, kulanka waxaa soo xiray Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib u Dhiska iyo Guriyeynta XFS, Mudane Xildhibaan Ayuub Ismaaciil Yuusuf, oo tilmaamay in dhawaan la daahfuri doono dhismaha waddooyin halbowle u ah isku socodka iyo kaabayaasha, kuwaas oo maraya heer gabagabo ah.

Sidoo kale, Wasiirka ayaa adkeeyay muhiimadda iskaashi joogto ah oo horseeda horumar waara, si loo dardargeliyo kobaca iyo tayeynta kaabayaasha dalka.

Guddoomiye Ku-xigeenka 1aad ee BJFS oo la kulantay Xildhibaanada Haweenka Soomaaliya u matala EAC

Xildhibaanada haweenka ah ee ka tirsan labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya (JFS), oo ay hoggaamineyso Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad ee Golaha Shacabka, Xildhibaan Sacdiya Yaasiin Samatar, ayaa xalay magaalada Muqdisho kulan is-xogwareysi iyo isbarasho ah kula yeeshay xubnaha haweenka ah ee ka tirsan xildhibaanada Soomaaliya ku metela Baarlamaanka Urur-Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika (EAC).

Kulankan ayaa diiradda lagu saaray xoojinta wada shaqeynta, isdhaafsiga khibradaha sharci-dejinta, iyo doorka haweenka ee horumarinta siyaasadda iyo dhaqaalaha gobolka. Intii uu socday kulanka, waxaa sidoo kale lagu falanqeeyay caqabadaha hortaagan ka-qaybgalka haweenka ee hoggaaminta, iyo sidii loo dardargelin lahaa matalaaddooda heer qaran iyo heer gobol.

Xildhibaanadu waxay carrabka ku adkeeyeen muhiimadda ay leedahay in haweenku door muuqda ka qaataan go’aan-qaadashada, si loo xaqiijiyo bulsho caddaalad iyo sinaan ku dhisan. Kulanka ayaa ku soo dhammaaday is-afgarad ku saabsan in la sii xoojiyo wada shaqeynta iyo xiriirka u dhexeeya haweenka Baarlamaanka Soomaaliya iyo kuwa EAC.

𝐆𝐔𝐃𝐃𝐎𝐎𝐌𝐈𝐘𝐀𝐇𝐀 𝐆𝐎𝐁𝐎𝐋𝐊𝐀 𝐁𝐀𝐍𝐀𝐀𝐃𝐈𝐑 𝐀𝐇𝐍𝐀 𝐃𝐔𝐐𝐀 𝐌𝐀𝐆𝐀𝐀𝐋𝐀𝐃𝐀 𝐌𝐔𝐐𝐃𝐈𝐒𝐇𝐎 𝐎𝐎 𝐌𝐀𝐀𝐌𝐔𝐋𝐋𝐀𝐃𝐀 𝐃𝐄𝐆𝐌𝐎𝐎𝐘𝐈𝐍𝐊𝐀 𝐅𝐀𝐑𝐀𝐘 𝐃𝐀𝐑𝐃𝐀𝐑𝐆𝐄𝐋𝐈𝐍𝐓𝐀 𝐁𝐈𝐋𝐈𝐂𝐃𝐀 𝐂𝐀𝐀𝐒𝐈𝐌𝐀𝐃𝐃𝐀 𝐈𝐘𝐎 𝐈𝐍 𝐋𝐎𝐎 𝐃𝐈𝐘𝐀𝐀𝐑-𝐆𝐀𝐑𝐎𝐎𝐁𝐎 𝐑𝐎𝐎𝐁𝐀𝐁𝐊𝐀 𝐆𝐔𝐆𝐀

0

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa maanta shir-guddoomiyay kulan muhiim ah oo ay Maamulka Gobolka Banaadir iyo Maamullada Degmooyinka uga arrinsanayeen dardargalinta dadaallada nadaafadda, bilic-soo-celinta, adkeynta amniga, dhireynta caasimadda iyo in loo diyaar garowbo xilli-roobaadka nagu soo food saaran.

Duqa Muqdisho ayaa guddoomiyeyaasha degmooyinka iyo mas’uuliyiinta heer gobol faray in maanta laga billaabo loo jiheysto olole ballaaran oo isugu jira dhireynta Caasimadda, hagaajinta waddooyinka, ka-war-qabka biyo-qabadyada, biyo-mareennada iyo bullaacadaha si loogu diyaar-garoobo roobka guga oo la filayo in uu dhawaan ka curto Muqdisho, isla markaana la xoojiyo wada-shaqaynta iyo iskaashiga Waaxyaha Maamulka Gobolka iyo Maamullada Degmooyinka si loo xaqiijiyo bedqabka dadka iyo deegaanka.

Shirka ayaa sidoo kale loogu hadlay ardargelinta adeegyada maamulka iyo kordhinta dakhliga Dawladda Hoose, taas oo suurtogelinaysa in la laba-jibbaaro awoodda iyo itaalka uu Maamulka Gobolku wax uga qabanayo baahida bulshada ee dhinacyada dib-u-dhiska kaabayaasha, nadaafadda iyo ka-hortagga musiibooyinka dabiiciga ah.

 

Wasiirka Wasaaradda Qoyska oo maanta si rasmi ah u gudbisay Axdiga Afrika ee Xuquuqda iyo Daryeelka Carruurta.

0

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka XFS Amb Khadiija Maxamed Al-Makhsuumi ayaa maanta si rasmi ah u gudbisay nuqulka Axdiga Afrika ee Xuquuqda iyo Daryeelka Carruurta, kaasi oo ay Soomaaliya horey u meel marisay.

Munaasabadda oo ka dhacday xarunta Midowga Afrika ee magaalada Addis Ababa waxaa si rasmi ah nuqulka loogu wareejiyey Mudane Moussa Mohamed Omar ku xigeenka Madaxa xafiiska Guddoonka, ayadoo sidoo kalena ay goobjoog aheyd Prof. Hajer Gueldich, Agaasimaha arrimaha Sharciga ee Midowga Afrika iyo Safiirka Soomaaliya u fadhiya Midowga Afrika Danjre Warfaa.

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka XFS Amb Khadiija Maxamed Al-Makhsuumi oo Munaasabadda wareejinta ka hadashay ayaa sheegtay in tallaabadani ka turjumeyso sida ay Soomaaliya uga go’an tahay dhaqan gelinta Axdigan ayadoo tani ay tahay tallaabo muhiim ah oo lagu xoojinayo ilaalinta iyo kor u qaadista xuquuqda carruurta.

Soomaaliya ayaa horey u ansixisay Axdiga Afrika ee Xuquuqda iyo Daryeelka Carruurta, ayadoo wareejinta nuqulka Axdigan ay ka marqaati kaceyso sida ay Soomaaliya uga go’an tahay hormarinta iyo ilaalinta Xaquuqda Carruurteeda.

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed & Ciidamada Amniga Jubbaland oo howlgal ballaaran ka wada deegaanno ka tirsan Jubbooyinka

0

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo Ciidamada Amniga Jubbaland, ayaa howlgal ballaaran ka wada deegaanno ka tirsan gobollada Jubbada Hoose iyo Jubbada Dhexe. Howlgalladan ayaa si gaar ah uga socda deegaanno hoostaga degmooyinka Jilib, Xagar iyo Afmadow, waxaana ka mid ah goobaha ay ciidamadu cagta mariyeen deegaannada Waraha Qalley, Farshabeel, Jigees, Qaawiley iyo Weelmaarow.

Intii ay socdeen howlgaladan dhulka ah, waxaa barbar socday duqeymo dhanka cirka ah oo ay taageerayeen saaxiibbada caalamka, kuwaas oo si wax ku ool ah u xoojiyay beegsiga maleeshiyaadka Al-Shabaab ee ku dhuumaaleysanayay deegaannadaas.

Howlgalka ayaa lagu gaarsiiyay Al-Shabaab jab xooggan, iyadoo la dilay 27 dhagarqabe, oo ay ku jiraan xubno muhiim u ahaa kooxda argagixisada.

Sidoo kale, ciidamadu waxay gacanta ku dhigeen hub iyo saanad ciidan oo ay ka mid yihiin qoryaha BKM, RPG iyo AK-47, iyo miinooyin ay argagixisadu damacsanaayeen inay ku dhibaateeyaan shacabka Soomaaliyeed.

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed waxay sii wadaan howlgallada lagu baacsanayo haraadiga Al-Shabaab, si loo xaqiijiyo amniga, xasilloonida iyo badbaadada shacabka ku nool deegaannada Jubbooyinka.