Wadajir oo u gudubtay wareegga labaad ee tartan cilmiyeedka warbaahinta Qaranka

Date:

Kulankii sagaallaad ee tartan cilmiyeedka warbaahinta Qaran, isla markaana uu taabgelinayo maamulka gobolka Benaadir, waxaa ku tartamay degmooyinka X/jajab iyo Wadajir oo ka wada tirsan gobolka Benaadir.

Labada degmo waxaa loo gudbiyey toddobada su’aal ee degma walba xaqa u leeyahay in la weydiiyo, waxaa qeybta koobaad ee tartanka lagu hakiyey afar su’aal oo wadarta guud ka dhigeysa siddeed su’aal, iyadoo intii nasashada lagu guda jiray la soo bandhigay warbixinnadii ka hadlayey taariikha fog ee ay degmooyinkaasi leeyihiin.

Dhammaadka tartanka iyo Natiijada Guddiga

Degmada X/jajab waxaa la weydiiyey toddoba su’aal waxa ay si sax ah uga jawaabbeen hal su’aal,  Lix waa ay iska qaldeen, wax ka faa’ideysi ahna ma helin, sidaa darteed guddiga waxa uu sheegay in degmada X/jajab ay uruursadeen laba dhibcood oo Kaliyah.

Natiijada Wadajir

Degmada Wadajir waxaa la weydiiyey iyaduna toddoba su’aal, si sax ah waxa ay uga jawaabbeen laba, shan waa ay iska qaldeen, hal su’aal si ka faa’ideysi ah ayeey uga jawaabbeen, sidaa darteed waxa ay heleen Lix Dhibcood (6 dhibcood), degmada Wadajir ayaana nasiib u yeelatay in ay u gudubto wareegga labaad ee tartan Cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka ee bisha Ramadaan.

Habeen dambe kulan tobnaad ee tartan cilmiyeedka waxa uu u dhaxeyn doonaa, degmooyinka Garbahaareey oo ah xarunta gobolka Gedo iyo degmada Hodan ee gobolka Benaadir.

 

Habeen dambe

Garbahaareey VS Hodan

 

 

 

 

 

 

 

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Agaasimaha Guud ee Xarunta Qaran ee Tubsan oo shir kaga qaybgalaya Switzerland

Agaasimaha Guud ee Xarunta Qaran ee Tubsan, Md. Cali...

Wasiirka Amniga Gudaha iyo EUCAP oo ka wadahadlay xoojinta iskaashiga iyo taageerada Hay’adaha Amniga Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Gen....

DFS oo ka qeyb gashay kulanka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka Afrika ay la yeesheen Madaxweynaha K/Koonfureed

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda...

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo Daahfurtay Ereybixinta Amniga Saaybarka ee Af-Soomaaliga

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka (HIQ), oo kaashanaysa Akademiyada Cilmiga, Dhaqanka...