Home Blog Page 1680

Soomaaliya oo hirgelinaysa Warbaahinta Bulshada isla markaana TV-yada dalka oo dhanka Digital looga dhigi lahaa Warbaahinta

0

Wasiirka Warfaafinta iyo Hanuuninta Dadweynaha ee Xukuumadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yarisow) iyo wafdi uu hogaaminayo oo socdaal shaqo ku jooga magaalada Kampala ee xarunta Dalka Uganda ayaa halkaasi kula kulmay Wasiirka Warfaafinta, Isgaariinta iyo Teknoloojiyada ee Uganda Frank Tumwebaze.

Labada Wasiir ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dal iyo sidii ay isaga kaashan lahaayeen xagga xirfada, aqoonta, tababarsiinta shaqaalaha dowladda, isla markaana ay isdhaafsadaan macluumaadka xagga wararka.

Wasiirka Warfaafinta, Isgaariinta iyo Teknoloojiyada ee Uganda Frank Tumwebaze ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsanyahay kulanka uu la qaatay dhigiisa Soomaaliya, isagoo xusay in labada dal Soomaaliya iyo Uganda ay ka dhexeyso xiriir soo jireen ah.

Wasiirka Warfaafinta iyo Hanuuninta Dadweynaha ee Xukuumadda Soomaaliya Eng, Yarisow ayaa sheegay in kulanka uu la qaatay dhigiisa Uganda Mr Frank Tumwebaze ay kaga wada hadleen arrimo ay ka midtahay xoojinta xiriirka labada Wasaaradood, hirgelinta Warbaahinta Bulshada (Public Broadcaster), sidii TV-yada dalka looga wada dhigi laha Digital iyo sidii ay Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya uga caawin lahaayeen xagga tababbarada.

Wasiir Eng. Yarisow ayaa u jooga Uganda si uu u indhadheeyo sida ay Warbaahinta Bulshada (Uganda Broadcasting Coorperation) u shaqeyso iyo sidii ay ku hirgeliyeen mashruuca u guurista digitalka
DHAMAAD

Wasaarada Warfaafinta
media@moi.gov.so

(Faallo) Maku dhiiran laheyd in aad ku Dagaal gasho Hub bilaa Rasaas ah, taageerana laheyn!?

0

Way adagtahay Dal in ka badan rubac Qarni burbursanaa, oo dagaallo Sokeeye ay ka socdeen muddo gaaban gudahood Dowladnimo iyo Maamul wanaag in lagu hoggaamiyo, waxaana Sababaya Labo Arrimood oo kala ah:-

1- Shaqsiyaad ka faa’iiday Dowlad la’aantii jirtay, oo caqabad weyn u arka in Dowlad Dalka uu yeesho, waxayna Shaqsiyaadkan iyaguna ay u kala baxaan Labo Kooxood.

(A) Qabqable dagaal oo Heysta Hub iyo Maleeshiyaad Daacad u ah, Dadka ayey dhacaan, Jidgooyooyin Lacago badan kasoo xaroota ayaa u taala, Qofkii iyaga Siyaasad ahaan Ama Ficilka ay sameynayaan kasoo horjeestana qurka ayey ka jaraan, ileen Dowlad iyo Cid la xisaabtameysa ma jirtee, mana rabaan in ay dhalato, Maxaa yeelay Howshii ay wadeen ayaa soo afjarmeysa.

(B) Ganacsato Lacago badan heysata oo Dalka soo geliya Badeeco dhacsan, kana Macaasha, iyagoo aan u tureyn Dadka Shacabka, Qiimaha Badeecooyinka iyo Lacagta ayey marna kor u qaadaan marna Hoos u dhigaan, mana Doonayaan in Dowlad la helo Sababtoo ah haddii Dowlad ay Dhalato waa lala xisaabtamayaa, Canshuur Dalka iyo Dadka loogu Adeegana waa laga qaadayaa.

2-Jiilkii Dhashay Burburkii Dowladdii Kacaanka kadib, oo Saameyn weyn ku leh dhisadad Dowladda ayaa Caqabad ah, Maxaa yeelay weli ma aysan arag Nidaam Dowladeed iyo kala dambeyn, oo waxa ay kusoo indha qaadeyn xabad socota, waxaana dhallintan ka faa’iideysta Kooxo Nabad diid ah oo u Adeegsanaya hurinta colaadaha Dalka ka socda, waxaa jira dhallinyaro Dalka wax ku bartay oo ku hoolan in Isbadal Nabadeed ay sameeyaan, laakiin waxaa yar fursadda ay heli karaan, sababtoo ah ma heystaan meelo fikradahooda ay kusoo bandhigaan ama ficil ahaan ay ugu howlgalaan, darruufo is aruursaday Owgeed.

Shantii sano ee lasoo dhaafay rajada Dalka aad bay u fiican tahay, Madaxdeenunu waxa ay isku dayayaan in wax la qabto, iyadoo ay sheegid mudan tahay in Hoggaamiyeyaashii ugu dambeeyey ay dalka soo maray shaqo wanaagsan ay qabteyn, islamarkaana ay ku shaqeeyeen Xaalad Adag, oo aan lagu dhiiran karin.

08 Febaraayo ee Sanadkan 2017 Doorasho Dalka ka dhacday waxaa ku guuleystay Madaxweynaha Iminka Talada Dalka haya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ah Hoggaamiye waxqabadkiisa horey loo soo arkay Dowladii Madaxweyne Sheekh Shariif markii R/wasaare uu ka ahaa, habeenkii uu guuleystay Farmaajo Shacabka Soomaaliyeed Dal iyo Dibadba Niyad wanaag iyo Farxad diiran ayey ku soo dhowweeyeen, waxaana ay qabteen isu baxyo waaweyn oo aan horey loo arkin, taasi oo keentay in Caalamka Soomaaliya baal kale oo cusub in uu u furo.

Waxaan Aamisanahay in Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llahi Farmaajo loo dhiibay Hub bilaa Rasaas ah lana yiri ku dagaal gal, taasi oo ah Xaalad aad u adag, waxaa nalaga rabaa in aan garab istaagno Dowladeena si aan u gaarno halka ay hiigsanayaan Dowladaha Adduunka ee asaageena ah.

Dowladda Federalka ah ee Soomaaliya ayaa wado ficilo wanaagsan oo rajo gelanaya Shacabka, waxaana ay la timid Qorshayaal iyo ficilo ka duwan kuwii Dowladihii hore Kuwaasi oo u muuqdi haddii la dhaqan geliyo aana garab galno Shacab ahaan in aan dib usoo cashaneyno Maqaamkii iyo Sharfkii aan ku laheyn Adduunka.

Waxaa jira Shaqsiyaad yar, oo caado ka dhigtay in borobogaando aan jirin Dowladda ay ka faafiyaan si Shacabka ay u niyad jabiyaan, Ummada sideedaba lagama dhex waayo Shaqsiyaad qalafsan oo si xun wax u arag ah, Shacabka Soomaaliyeed waxaan u sheegayaa in Dowladan cusub ay tahay tii Dalkeena iyo Dadkeena samata bixin laheyd, waxaana waajib innagu ah in aan kala shaqeyno dhan walbo oo aan ka jawaabno Ficilada ka imaanaya Cadowga jiritaanka Soomaaliya aan ogoleyn.

Waxaan qoraalkeyga ku gunaanadayaa tix yar oo ka hadleysa qofka Muwaadinka ah ee ka gaabiyey Howshii qaranka ka rabay iyo kan Nabad diidka ah, waxaana leeyahay

“Qofka dhuuman doonna Maanta Taariikhdu way dhigi, Waxaad iga dhaheysaan Dhiig laawahaagoow Diirka naga dhaxeeyiyo Dhaxal qeybsan meynee Dhaqaaq oo hasoo noqon”

 

W/Q C/raxmaan Maxamed Gacan

Email:- Gacan449@gmail.com

Madaxweynah Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya oo maanta booqanayo Magaaladda Kismaayo.

0

Wafdi uu hogaaminayo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa Maanta booqan doono Xarunta kumeel gaarka ah ee  Maamul Goboleedka Jubbaland.

Amaanka Magaaladda Kisamaayo ayaa aad loo adkeeyey waxaana Magaalada laga dareemayaa dhaqdhaqaaqa xoogan oo loogu diyaar garoowayo Soo dhaweynta Madaxweynaha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed C/llahi Farmaajo.

Madaxweyanaha ayaa la filayaa markii uu magaalada Kismaayo tago in uu booqan doono xirada Ciidamada Xooga Dalka Soomaaliyeed ee lagu diyaariyey ciidamadda isku dhafka ah ee loogu talagalay howlgalka Sifeeynta Goboladda Jubooyinka iyo guud ahaan Dalka Soomaaliya.

Wixii Warar ah ee kusoo kordho booqashadda Madaxweynaha Dowladda Federaalka ee Soomaaliya Mudane Maxamed C/llahi Farmaajo Si faahfaahsan ayaan dib idinkuugu soo gudbin doonaa.

Garbahaareey oo u gudubtay wareegga labaad ee tartan cilmiyeedka

0

Habeenkii Tobnaad ee tartan cilmiyeedka Warbaabinta Qaranka ee uu taabagelinayo maamulka gobolka Benaadir, waxaa ku tartamay degmooyinka Hodan oo ka tirsan gobolka Benaadir iyo Garbahaareey oo ka tirsan Gedo.

Degmooyinka Hodan iyo Garbahaareey, waxaa la weydiiyey toddobadii su’aal ee xaqa ay u lahaayeen, iyadoo qeybta hore lagu  kala nastay bar-bar dhac afar, dhibcood ah, waxaana kaddib la soo gudbiyey warbixinnadii ka hadlayey taariikhda labada degmo., guddiga ayaa sheegay in natiijada ka hor loo baahan yahay su’aallo dheeri ah si ay u kala baxaan labada degmo.

Natiijada Guddiga ee Hodan

Degmada Hodan ee gobolka Benaadir, waxaa la weydiiyey toddoba su’aal waxa ay si sax ah uga jawaabbeen laba su’aal shan waa ay iska qaldeen, iyagoo uruursadey afar dhbcood (4 dhibcood).

Natiijada Garbahaareey

Degmada Garbahaareey ee gobolka Gedo, waxaa la weydiiyey toddoba iyaguna, six ah wax ay uga jawaabbeen saddex su’aal, sidaas ayeey ku heleen Lix dhibcood (6 dhibcood), Garbahaareey ayaana u gudubtay wareegga labaad ee tartan Cilmiyeedka warbaahinta Qaranka.

Habeen dambe waxaa tartami doona degmooyinka Garoowe caasimadda gobolka Nugaal iyo degmada Hiliwaa ee gobolka Benaadir.

 

 

Wasiir Yariisoow oo heshiis la gaaray dhiggiisa Uganda

0

Wasiirrada Warfaafinta Soomaaliya iyo Uganda ayaa magaalada Kampala ku kala saxiixdey heshiis iskaashi oo dhinaca Warfaafinta ah.

Wasiirka Warfaafinta & Hannuuninta Dadweynaha Xukuumadda Soomaaliya, Eng C/raxmaan Cumar Cusmaan (Yariisow)  iyo wefdi uu hoggaaminayey oo tagey caasimadda dalka Uganda ayaa kulan la qaatay wasiirka Warfaafinta, Isgaarsiinta & Tiknoolajiyadda dalka Uganda . waxa ay kulankooda diiradda ku saareen, is dhaafsiga shaqooyinka warbaahinta labada dal, iyo sidii dowladda Uganda ay gacan uga geysan lahayd tababaridda wariyeyaasha Warbaahinta Qaranka.

Labada Wasiir ayaa kala saxiixdey heshiis iskaashi ah kaas oo   sida ugu dhaqsiyaha badan u dhaqangeli doona.

Wasiirka wasiirka Warfaafinta, Isgaarsiinta & Tiknoolajiyadda Uganda, ayaa soo dhoweeyey heshiiska uu la gaaray dhiggiisa Soomaaliya, isla markaana ay labada wasaaradood kala faa’ideysan doonaan, iyadoo si toos ah la isu dhaafsan doono shaqaalaha iyo barnaamijyada muhiimka ah.

Wasiirka Warfaafinta & Hannuuninta Dadweynaha Mudane C/raxmaan Cumar Cusmaan (Yariisoow), ayaa Telefishinka Qaranka u sheegay in u jeedada ugu weyn ee socdaalkiisa Kampala iyo heshiiska uu la gaaray dhiggiisa uu la xiriiro sidii Warbaahinta Qaranka ay  isugu diyaarin lahayd Warbaahinta Bulshada (Public Broadcast).

Sidoo kale wasiir Yariisoow, ayaa sheegay in labada dal ay iska kaashan doonaan arrimaha wacyigelinta bulshada ee dhinacyada horumarka, isagoo ugu dambeyn sheegay in warbaahinta Soomaaliyeed oo dhan mustaqbalka dhow laga badeli doono sida ay hadda yihiin isla markaana  la gaari doono warbaahin Soomaaliyeed oo aqoon iyo Tiknoolajiyadda wanaagsan ku shaqeysa.

 

 

 

 

 

 

Ra’iisul Wasaare Kheyre oo kormeerey Wasaarada Arrimaha Dibeda Soomaaliya.

0

Muqdisho, 05 June 2017…Ra’iisul Wasaaraha XFD Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa maanta kormeer ku tagey Wasaaradda Arrimaha Dibeda iyo Xariirka Caalamka waxuuna kulan layeeshey shaqaalaha iyo madaxda Wasaarada,isagoona kala hadley arimaha shaqada iyo sida ay howshu usocto. Sidoo kalena waxuuu warbxino ka dhageystey qaar kamid ah Agaasimayaasha Wasaarada oo uga warbixiyey isbedelka shaqada.

Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa kormeerey xafiisyada ay ku howlgalaan shaqaalaha waxuuna aad u bogaadiyey sida qurxda badan ee xafiisyada Wasaarada loo nidaamiyey,waxuuna ku amaaney arintaas shaqaalaha iyo maamulka Wasaarada Arrimaha Debidda ee Soomaaliya.

“Waxaan aad ugu farxsanahey sida quruxda badan ee shaqada usocoto iyo isbedelka ka muuqda Wasaarada, waxaana aad ugu bogaa dinayaa madaxda wasaarada in loo baahan yahey iney si balaariyaan shaqada ay u hayaan qaranka”ayuu yiri R/W Soomaaliya Xasan Cali Kheyre.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa kulan gaar ah la qaatey Agaasimayaasha shaqada iyo Wasiirka Arrimaha Debida Yuusuf Garaad Cumer waxuuna weydiiyey arimaha loo bahanyahey in wax laga badelo iyo qorshaha waxqabed ee u degsan Wasaarada inta ka dhiman Sanadka.

Waxey booqashadan qeyb ka tahey koormeerka uu Ra’iisul Wasaare Kheyre ku booqdo xafiisyada Hay’addaha dolwada Soomaaliya..

—-DHAMMAAD—-

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka oo la kulmay Madax ka socotay UNDP.

0

Muqdisho, 05 June 2017….Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Mahdi Maxamed Guleed ayaa kulan la yeeshay Madax ka tirsan Barnaamijka Horumarinta ee Qaramada Midoobay (UNDP), waxana ay ka wada hadleen sidii dawladda gacan looga siin lahaa la dagaalanka Muqus-maasuqa iyo sidii Ciidanka Booliska looga caawin lahaa tababarada iyo qalabka ay u baahan yihiin.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka ayaa sheegay in Dawladda Federaalka Soomaaliya, muhimadda kowaad ay siineyso baahinta adeegyada aasaasiga ee bulshada, isla markaana ay la dagaalamayso musuqa, loona baahan yahay in laga taageero dawladda wax walba oo ay ku xakameyn karto.

“Waxyaabaha muhiimadda inoo leh waxaa ka mid ah inaan la dagaalano musuq-maasuqa oo mudnaan sare u leh dawlada, Dagaalka aan kula jirno waa mid u baahan guud ahaan hay’adaha gacanta na siiya in kaalin mug leh ay ka qaataan.”ayuu yiri R.Wasaare ku xigeenka.

Sidoo kale, waxa arrimaha shirka looga hadlay kamid ahaa in gacan laga siiyo tababarka iyo qalabaka ay u baahan yihiin ciidanka Booliska Soomaaliyeed, si door kooda ay uga qaataan dhismaha bulsho hufan oo sharcigu hago.

Kulanka ayaa waxaa ka qeyb galay, Wasiirka Caddaaladda, Xeer Ilaaliyaha guud ee Qaranka, Saraakiil ka socotay Ciidanka Booliska iyo Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.

—-DHAMMAAD—-

Afar dawladood oo xiriirka u jaray Qatar

0

Shan dawlad carbeed ayaa xiriirka u jaray dawladda Qatar kaddib markii ay ku eedeeyeen in ay taageerto argagixisada gobolka.

Dawladda Sacuudiga oo ah dawladda ugu weyn gobolka Carabta ayaa sheegtay in xiriirka ay toos ugu jartay Dawladda Qatar, warkaan ayaa lagu shaaciyey telefishinka dawladda Sacuudiga iyo wakaaladda wararka dalkaas.

Dawladaha, Imaaraadka, Maser iyo Baxreyn, ayaa iyaguna sheegay in xiriirka ay u jareyn dawladda Qatar.

Dawladda Imaaraadka Carabta, ayaa muddo 48-saacadood u qabatay in diblomaasiyiinta Qatar ee jooga dalkaas ay uga baxaan guud ahaan Imaaraadka Carabta

Laba Toddoobaad ka hor, waxaa la sheegay in la jabsadey Wakaaladda Wararka dalka Qatar, dadka qaar waxa ay rumeysan yihiin in xogta la helay ay arrintaas la xiriirto, iyadoo dawladaha ku dhaawaqay in xiriirka u jareyn Qatar ay ku andacoonayaan in gobolka ay Khatar ku tahay dawladda Qatar, isla markaana ay taageero buuxdo siiso argagixsada.

 

 

Madaxweyne Farmaajo oo Shaaciyey waxa ugu muhiimsan ee ay DF Xooga saari doonto seddexda bil ee soo socoto.

0

Madaxweynaha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed C/llahi Farmaajo oo ka hadlayey banaan bax balaaran oo shalay lagu qabtay garoonka Kubadda cagta Banaadir isla markaana lagu taageerayey howlgalka Xasilinta Caasimadda ayaa sheegay Arinka ay DF xooga saari doonto Seddexda Bil ee soo socoto.

Mudane Farmaajo ayaa sheegay in ay uu mudnaanta Kowaad siin doono isla markaana si adag uga shaqeyn doonaan Seddexda Bil ee soo socoto sidii ay bulshadda Soomaaliyeed u heli lahaayeen Cadaalad ay kuwada Qanacsan yihiin.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale fariin adag u diray garsoorayaasha maxkamadaha asaga oo ku adkeyey in ay cadaaladda ka shaqeeyaan , qofkii cadaaladda dhinac marana waxa uu sheegay in uusan dowladda iyo shacabka toona Matalin isla markaana uu mudan doono in la  ciqaab.

Shacabka Soomaaliyeed ayaa baahi weyn u qabo in ay helaan Cadaalad loo siman yahay oo aan kala saareyn bulshadda qeybaheeda kala duwan.

(Faalo)100-ka maalin maxaa u qabsoomay dawladda Soomaaliya ?

0

Waxaa 100 beri laga joogaa mudada talada madaxtinimo uu hayo Madaxweynaha Jamhuuriyada Federal-ka Soomaaliya, Maxamed Cabdulahi Farmajo, waxaan qormadan ku fiirinayaa waxa u qabsoomay dawladda uu isaga hormuudka u yahay iyo waxa aan u qabsoomin si gaara guulaha la taaban karo.

Mudada aan ka hadlaynaa waa wax kooban oo aan hal beeg wax qabad iyo wax qabad la’aan midna lagu xukumani Karin balse rajada la qabo ayaa ah in ay ka miro dhaliso waxa laga filayo.

Maxaa u qabsoomay Madaxweynaha iyo Xukuumadaba

Waxaa u qabsoomay oo ay heshay wax la helo waxa uga wanaagsan oo ah taageero Shacbiga Soomaaliyeed gudaha iyo dibbaddaba iyo tan beesha caalamka ah, waxaana si gaar ah Madaxweynaha u helay hal-hayskii ahaa “Ar Farmaajo ii geeyo”, taaso wiil reer Jowhar ka timid una dhaadhacday bulshada qaybaheeda kala duwan.

Safarkiisa Kenya waxaa meesha lagu soo afmeeray dhibaato Shacbiga Soomaaliyeed ku qabeen safarka oo hore loo mari jiray Wajeer, balse hadda duulimaad toos ah Mogadishu-Nairobi shaqaynayo, waxaa sidoo kale ay labada dawladood is faham badan iyo heshiis ku gaareen danaha labada dal iyo xiriirkooda, waxaana xusid mudan in Madaxweyne Kenyatta uu sheegay in shaqaalaha dawladda Soomaaliya ay bilaa Visa- la’aan ay geli karaan waddankaas.

Safarada Sacudiga, Emirate-ka, Turkiga, London, iyo dhamaan-ba dalalka kaleba waxa ay ahaayeen kuwa muhiim ahaa dawladda Cusub ee Soomaaliya, si gaar ah in Madaxweynaha, waayo waxa ay ahaayeen kuwa heer Madaxweyne ah oo aan marna looga maarmin in heshiishyada qaar ee lagu kala saxiixanaya, Dawladahan badidooda waxa la filayaa in ay dalka ka fuliyaan mashaariicyo hurumarineed, dhismaha Ciidanka Qalabka sida, is kashiga dhinaca amniga iyo la dagaalanka argagixisada sida.

Qaadista Is-baarooyin caqabad ku ahaa bulshada, Madaxweyne Farmajo safarkiisa uu bishii May 8-deedii uu ku tagay degmada Afgoye ee gobalka Shabeelada hoose, waxaa uu amar ku bixiyey in la qaado dhamaan is-baarooyin daad sanaa inta u dhaxaysa degmadaas iyo magaalada Muqdisho, waxaana amarkaasi uu noqday mid miro dhalay, waxaa la qaaday dhamaan is baarooyinka.

“Dhibaato weyn ayaan ku qabnay is baarooyinka yaalay inta u dhaxaysa Muqdisho iyo Afgoye, waxaa nalooga qaadan jiray lacag badan, waxaa sidoo kale nooga lumi jiray wakhti, kuwii uga darnaa jawaano lacagta lagu guri jiray waa la qaaday, hadda laba is-baaro oo midna Ex-control Afgoye ah iyo mid duleedka Afgoye ayaa soo haray oo kaliya, dawladda wax muuqda ayey qabatay”, sidaas  waxaa SONNA u sheegay nin baabuurey iyo beeralayn ka ah Muqdisho iyo Shabeelada hoose.

Xasilinta magaalada Muqdisho- Waxaa magaalada caasimada ah dibbadda looga saaray in ka badan 3000 oo kamida ciidanka Xooga dalka, waxaana la geeyey Jiidaha hore ee dagaalka si gaara Xerada Bali doogle, waxaa magaalada Muqdisho ka socda hawl-gal la mahdiyey laguna xaqiijinayo amniga caasimada.

Ciidamada amaanka waxa ay fashiliyeen dhawr iyo toban fal argagixiso, waxaa sidoo kale ay qarxiyeen gaadiid laga soo buuxiyey walxaxa qarxa oo qaarkood laftooda ku waayeen sida qaraxii degmada Wadajir bishii ina soo dhaaftay ee May, waxay gaari kale ku fashiliyeen oo aan khasaaro ka dhalan 15-May, waxa ay asbuucan si nabbad gelyo u ku qarxiyeen qaraxyo la dhigay degmada Waberi ee gobalka Benaadir.

Ciidamada amaanka waxa ay ku guulaysteen in ay soo ururiyaan hub, waxa ay sidoo kale hub ka dhigis ay ku sameeyey ciidamo si sharci daro ah hub uga dhex haystay magaalada Muqdisho.

Intii ay hawl-galadan ay socdeen waxaa sidoo kale lagu soo qab-qabtay maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab.

Shacabka ku dhaqan magaalada Muqdisho ayaa aad u soo dhaweeyey barnaamijka xasilinta magaalada caasimada ah ee Muqdisho, waxaase xusid mudan in ay jireen shaqsiyaad si qaldan u fahmay barnaamijka.

“Aad baan uga farax-sanahay qorshaha xasilinta magaalada Muqdisho iyo hawl-galada amaanka lagu xaqiijinayo, wixii hub ah oo sharci daro ah hala guro, dawladda waa in aysan gor-gortan ka gelin mas’uuliyadeeda shaqo, waan ku taageer sanahay”, Saxiga Salaad Geedi Cali ayaa SONNA u sheegay.

Dakhliga dawladda oo kordhay :- Wasiirka Maaliyada dawladda Soomaaliya, C/raxman Ducale Beyle ayaa shaaca ka qaaday in dawladda dakhliga soo gala uu kordhay 60-kii casha ee ina soo dhaaftay, wax wayna laga qabtay musuqa, Mushaaradka Shaqaalaha dawladda iyo ciidankaba ay bixiyaan.

Su’aalaha ama dhaliilaha wax dhisaya ee la muujiyey  

Inkasta oo maalmaha yihiin 100 beri, haddana dad qaar oo bulshadeena ah waxa ay dawladda ka filayaan in ay ka sii dheerayso sida ay hadda tahay marka ay noqoto u adeegida bulshada, lana helo adeeg caafimaad, waxbarasho oo lacag la’aan ah, iyo biyo nadiif ah,  in dawladda awoodeeda isugu gayso xaqiijinta amaanka, waxaa sidoo kale ay jecel yihiin in wax laga qabto shaqa la’aanta, taasoo keentay in dhalinta qaar ay tiriyaan inta jeer ee Madaxweynaha uu safar ku aaday dibbadda, waxan filayaa in dawladda ay ka jawaabi doonto arrimahan.

Madaxda maamul-gobaleedyada:- Shirkii London waxaa ay madaxda maamulada gobalada ay balan qaaday in ay dawladda si buuxda u wada taageersan yihiin ayna la shaqaynayaan, taasi oo ah guul kale oo macno wayn u leh wada jirka, midnimada iyo wadashaqaynta.

Gunaanud

Waxaan ku soo gunaanuda qormadayda in aan Rome laguma dhisin maalin, 100 beri aan hal beeg kaga dhigi Karin dawlad curdun ah oo u baahan garab is-taaga shacabkeeda mar walba, waxaa sidoo kale muhiim ah in aan madaxda dawladda u gudbino talooyinka wax dhisaya, dhaliilaha waa ay wanaagsan yihiin haddii ay yihiin kuwa wax dhisayo, waxaa talo iga ah Madaxda ay tix gelisa dhaliilah loo soo jeediyo ay fuliso balamada ay ku qaadaan fagaarayaasha, waxan rajeynayaa in dawladnimada ay na deeqdo way nagu wada filan tahaye’.

Waxa Qoray: Ustaad Maxamed Cismaan Cabdi “ Black Cobra”

E-mail: Cobrasonna@gmail.com