Home Blog Page 1675

Degmada Shangaani oo u gudubtay wareegga saddexaad ee tartan cilmiyeedka

0

Habeenka 16-aad tartan cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka ee uu maamulka gobolka Benaadir taabagelinayo, waxaa ku tartamay degmooyinka Gaalkacyo oo ka tirsan gobolka Mudug iyo Shangaani oo ka tirsan gobolka Benaadir.

Tartamayaasha labada degmo qeybta hore waxaa la weydiiyey degma kasta afar su’aal, iyadoo kaddib qeybta nasashada lagu soo bandhigay warbixinnadii taariikhda labada degmo ka hadlayey, qeybta labaad ee tartan cilmiyeedka markii uu dhammaadey guddiga ayaa shaaciyey in labada degmo ay bar-bar dhac noqdeen oo ay la yimaadeen min Lix dhibcood, sidaa darteedna loo baahan yahay su’aallo dheeri ah, guddiga ayaa ku daray su’aallahaas.

 Natiijada Gaalkacyo

Degmada Gaalkacyo ee gobolka Mudug waxaa la weydiiyey toddobo su’aal, waxa ay guud ahaan su’aallaha tantanka ka jawaabbeen saddex su’aal iyagoo helay  Lix dhibcood (6 dhibcood).

Natiijada Shangaani

Degmada Shangaani ee gobolka Benaadir, waxaa iyaguna la weydiiyey toddoba su’aal waxa ay si sax ah  uga jawaabbeen su’aallaha guud ee tartanka afar su’aal, waxa ay heleen Siddeed dhibcood (8 dhibcood), degmada Shangaani ayaana u gudubtay wareegga saddexaad ee tartan cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka ee bisha Ramadaan

Habeen dambe waxaa tartami doona degmooyinka Dhahar oo ka tirsan gobolka Sanaag iyo degmada X/weyne oo ka tirsan gobolka Benaadir.

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Wasaaradda Haweenka oo tababar la xiriira fahamka xaquuqda carruurta u qabatay qeybaha bulshada

0

Tababar wacyi galin ah oo la xiriirta Fahamka Xuquuqda Carruurta, diyaarinta warbixinta  heshiiska Caalamiga ee Axdiga Carruurta ayaa loo qabtay qaar  ka mid ah Xildhibaanada Golaha  Shacabka, Saraakiisha hay’adaha Dowladda iyo  Bulshada Rayidka.

Siminaarka oo ay soo agaasintay Wasaaradda Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa socday muddo hal cisho ah, waxaana diiradda lagu saaray inta uu socday wacyigelinta fahamka xuquuqda carruurta.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Haweenka iyo Xuquuqda Insaanka ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Deeq  Suleyman Yuusuf  oo si rasmi ah u furay siminaarka ayaa sheegay in u jeedka tababarka uu yahay in si fiican qeybaha bulshada looga fahamsiiyo xaquuqda carruurta, isagoo intaa ku daray inay joogteyn doonaan tabbabarada nuucaani oo kale ah.

Madaxa barnaamijyada xaquuqda carruurta ee Wasaaradda Haweenka Maxamed Cabdi Cali oo siminaarka bixinayay ayaa si wacan u sharxay hanaanka ku aadan fahamka xaquuqda carruuurta iyo diyaarinta warbixinta heshiiska caalamiga ah ee xaquuqda carruurta, iyadoo ka qeyb galayaasha ay ka dhiibteen aaraah kala duwan.

Agaasimaha Waaxda Horumarinta Qoyska iyo Xaquuqda carruurta Marwo Faadumo Maxamed Macalin oo soo xirtay siminaarka ayaa sheegtay in tabbarada nuucaani oo kale ah ay  yihiin kuwa lagu baraarujinayo qeybaha bulshada, si ay door uga qaataan ilaalinta xaquuqda carruurta.

Xildhibaan Dahabo Suusow oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha shacabka ayaa ka hadashay muhiimadda ay leedahay in la ilaaliyo xaquuqda carruurta, waxaana ay hoosta ka xariiqday in ka Xildhibaan ahaan ay door ka qaadan doonaan sidii bulshada loogu wacyi gelin lahaa ilaalinta xaquuqda carruurta.

Ra’iisul wasaare ku-xigeenka oo shir gudoomiyay shir heer sare ah oo looga hadlayey arrimaha Gargaarka

0

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumada JFS Mudane Mahdi Mohamed Guled (Khadar) ayaa maanta guddoomiyey Shir heer sare ah.

Wafdi heer sare ah oo ka kala socda Qaramada Midoobey, Midowga Africa, Ururka Caalamka Islaamka (OIC), xubno ka kala socday wadamada Sacuudiga, Kuwait, Qatar ayaa soo gaaray Muqdisho iyagoo u kuurgalaya xaalada Geeska Afrika ee Abaaraha.

Dhanka Dawlada Federaalka waxaa kulankan muhiimka ah uga qeybgalay Ra’iisul Wasaare ku xigeenka, Wasiirka Qorsheynta, Wasiirka Warfaafinta, Wasiiru Dawlaha Arrimaha Dibedda, Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Gargaarka & Maareynta Masiibooyinka, La taliyeyaal ka kala socday xafiisyada Ra’iisul Wasaaraha iyo Madaxtooyada.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka oo hadal kooban u jeediyey wafdigan caalamiga ah ee soo gaaray dalka ayaa ugu horeyn uga mahadceliyey booqashadooda iyo sida beesha caalamku ugu soo gurmaday Soomaaliya, hase yeeshee wuxuu hoosta ka xariiqay in weli loo baahanyahay gurmad deg-deg ah iyo in mashaariic horumarineed laga fuliyo dalka si loo baajiyo abaaraha soo noqnoqday, isla markaasna shacabka loogu abuuro shaqooyin ay howlahooda ku maareystaan.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka ayaa sheegay in Dawladu ay mudnaan gaar ah siisey arrimaha Garagaarka oo Wasaarada Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka la sameeyey oo dadaal weyn ku bixisey xiriirka iyo iskudubaridka arrimaha gargaarka. Sidoo kale RW ku xigeenka ayaa sheegay in Guddiga Qaranka ee Abaaraha uu dadaal fara badan ku bixiyey in shacabku is gargaaro isla markaasna ku guuleystay in lacag ka badan 6 milyan oo dollar ay shacabka Soomaaliyeed iska soo ururiyeen.

Mudane Mahdi Maxamed Guled (Khadar) ayaa wafidga heerka caalami ah ee soo gaaray Muqdisho ugu baaqay inay booqdaan xerooyinka barakacayaasha ah isla markaasna u rajeeyey inay waqtigooda ay joogaan Soomaaliya ay si wanaagsan uga xog wareystaan Wasaaradaha Gargaarka iyo Qorsheynta si mashaariicda horumarineed ay u noqdaan kuwo waafaqsan Qorshaha Horumarinta Qaranka.

Wafdiga heerka sare ee ka kala scoday QM, Midowga Afrika, Ururka Caalamka Islaamka, wadamada Sacuudiga, Kuwait, Qatar iyo hay’adaha gargaarka ayaa ku ammaanay Dowlada Federaalka dadaalka ay ku bixisey sidii abaaraha loo yareyn lahaa oo suurtogalisey in laga hortagay in abaarahu noqdaan macluul.

—-DHAMMAAD—-

Dowladda Iran oo diyaarado raashiin sida u dirtay Qatar

0

Dolwadda Iran ayaa sheegtay in ay dalka Qatar u dirtay shan diyaradood oo sida cuno iyo Khudaar kala duwan, xilli dalka Qatar uu la daalaadhacayso cuni yari soo food saartay kadib go’doomintii wadamada Khaliijka ay ku soo rogeen.

Afhayeen u hadlay shirkada diyaaradaha ee Iran Air, ninka lagu magacaabo Shahrokh Noushabadi, ayaa wakaalada wararka ee dalka France ee AFP  u sheegay in Axaddan maanta ah ay Qatar u direen diyaarado sida cuno iyo Khudaar noocyo badan leh.

“Ilaa iyo hadda waxaan dirtay shan diyaaradood oo sida cuno iyo Khudaar kuwaas oo gaaraya  90 tan , iyadoo sidoo kale la direyo mid kale,” ayuu yiri Noushabadi.

Afhayeenka ayaa sidoo kale, sheegay in daabulidda raashiinka ay geenayaan dalka Qatar.

Dowladda Qatar, ayaa 40% cunada laga isticmaalo dalkeeda waxaa ay ka heli jirtay boqortooyada Sacuudiga oo xadkeeda xirtay.

Wakaalada wararka ee AFP oo soo xiganaysa wakaaladda ee Tasnim ayaa soo warisay in sadex Markab oo wada 350 tan oo raashiin ah ay aadi doonaan dalka Qatar.

Dowaldda Iran ayaa sidoo kale, Qatar  u furtay hawadeeda si ay diayaaradaha Qatar u istcimaalaan maadaama dalalka jaarka lahaa ay dhan kasta ka xirteen xuduudahooda; sida badda, dhulka iyo cirka.

Dhowaan, ayaa dowladaha Khaliijka; sida Sacuudiga, Imaaraadka, Masar iyo kuwo kale waxaa ay xiriirka u jareen dalka Qatar ayagoo ku eedeeyay in ay taageerto kooxaha argagaxisada, hase ahaatee Qatar gaashaanka ayay u daruurtay eedeyntaas.

Dadka ka faalooda siyasadda bariga dhexe, ayaa aaminsan in xiriirka ay Qatar la yeelatay dalka Iran oo kamid ahaa waxyaabihii keeney khilaaftan, iyadoo raashiinka Iran ay Qatar geysay uusan aheyn mid qaboojinaya xiisada taagan.

Qatar ayaa dhankeeda sheegtay in aysan ka aar goosan doonin dalalka xiriirka u jaray isla markaana muwaadiniinteeda u qabtay 14 cisho gudahood isga baxaan wadamadooda.

Ku dhowaad 11,000 oo ruux ayaa ku nool wadanka Qatar kuwaas oo ka soo kala jeeda dalalka Sacuudiga, Baxreyn iyo Imaaraadka

Somali Special Forces Strike Destroys Alshabab Training Base in Middle Jubba

0

President Mohamed Abdullahi Farmajo’s statement on the dawn strike on Alshabab training base near Sakow.

“Earlier today, I authorized our special forces with the support of our international partners to conduct a strike against an al-Shabaab training camp near Sakow, Middle Juba region. This was a successful strike which destroyed a key al-Shabaab command and supply hub. This will ultimately disrupt the enemy’s ability to conduct new attacks within Somalia.”

“I said when I took office that security will be top priority for my administration. This strike will enhance security and reduce the threats of Alshabab.”

“We have long suffered at the hands of Alshabab which is supported by global terror networks. We and our international partners will take every possible precaution to protect our civilian population from harm during these operations while targeting terrorists.”

“All of us know somebody from our youth, our village, our families, who has been killed or injured by the senseless violence of al-Shabaab. I have personally met the families and the victims of several Alshabab attacks. For those who have suffered under al-Shabaab, and for the rest of Somalia, I want you to know that we are committed to defeating al-Shabaab and uniting our people.”

“To the members of al-Shabaab, I tell you that we are bringing the fight to you. If you, however take advantage of my amnesty offer and denounce violence, we will integrate you into our reform program. You have no future with the terrorists, but you can still be a part of Somalia’s future; a peaceful and prosperous future.”

Taliska Ciidanka Xoogga oo amray in la baneeyo xarumaha taliska ee la daganyahay

0

Taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed Gen: Axmed Maxamed Jimcaale Cifiid oo lahadlay warbaahinta ayaa ku amray dadka Soomaaliyeed ee degan xarumaha ciidanka xoogga ee ku yaala Muqdisho iney baneeyaan si dib u dhis loogu sameeyo.

Taliyaha ayaa sheegay in talisku uu u baahan yahay xarumahaasi oo dad Soomaaliyeed mudo dheer ay degenaayeen.

Waxa uu tilmaamay in wixii bishaan ka dambeeya ay bilaabi doonaan in dadka aan ka bixin xarumahaasi ay ka saaraan, iyaga oo kaashanaya maamulada degmooyinka gobolka Banaadir.

Faarax Qare oo sheegay in ay yar yihiin dadka Soomaaliyeed ee aqoonta u leh cilmiga badda

0

Akadeemiyadda Culuumta baddda iyo qawaaniinta caalamiga ah ee Khaliif Macow Xasan ayaa hoos timaada hey’adda cilmi baarista badaha Soomaaliyeed, waxaa dhigta arday boqol ku dhow oo barta cilmiga badda iyo shuruucda caalamka ee badaha ku saabsan.

Ardayda Akadeemiyadda, Khaliif Macow Xasan, ayaa maanta u fadhiistay imtixaanka Semister-ka 3 aad, sida uu warbaahinta u sheegay madaxa Akadeemiyadda C/nuur C/qaadir.

“Akadeemiyadda waxaa ay ka kooban tahay labo kuliyadood oo kala ah; kuliyadda culuumta badda iyo kuliyadda Qawaaniinta badda, waxayna maanta ardayda u fadhiyaan semisterkii sadaxaad,” ayuu yiri madaxa Akadeemiyadda.

Guddoomiyaha hey’adda cilmi baarista badaha Soomaaliyeed Admiral Gaas Faarax Axmed Cumar (Faarax Qare) ayaa ka hadlay ahmiyadda loo aas aasay Akadeemiyadda.

“Baahida loo qabo aqoonta badaha aad iyo aad u weyn tahay  aqoonta dalka badda uu u leeyahayna waa ay kooban tahay, sidaa awgeed shaqo kale ayaa nagu soo baxday oo ah cilmi baaristii aad wadnay waxaa ku darnay cilmi faafin,” ayuu yiri Faarax Qare.

Admiral Gaas Faarax Axmed Cumar (Faarax Qare) Guddoomiyaha hey’adda cilmi baarista badda, ayaa sidoo kale sheegay in ay qorsheynayaan in ay kuliyado kale ku soo kordhin doonaan sanadka soo socoda.

“Waxaa noo dhiman oo muhiim ah oo sanadkan furi rabnaa, sida uu Ractor-ka tilmaamay kuliyadii badda maridda (Navigation) maraakiibta sida loo wado iyo Injineeriyadda sida loo farsameeyo matoorada maraakiibta,” ayuu mar kale sheegay Faarax Qare.

Soomaaliya ayaa ah dalka ugu xeebta dheer qaaradda Afrika, hase ahaatee Xeer dheeriyaasha ayaa sheegaya in tirada dadka Soomaaliyeed ee yaqaano cilmiga badaha iyo Qawaaniinteed ay aad u yar yihiin.

 

Jaamacada Plasma oo ka mid noqotay Hogaanka Midowga Jaamacadaha Afrika  (AAU)

0

Gudoomiyaha Jaamacada Plasma Prof. Hassan Kaafi ayaa loo doortay inuu noqdo wakiil Goboleedka Bariga afrika ee golaha sare ee hogaanka Midowga Jaamacadaha Qaarada Africaka ( Association of African Universities(AAU) .

 

Ururkan oo ay ku midaysan yihiin 381 Jamacadood oo ku yaala qaarada Africa ayaa waxaa hogaamiya gole sare oo ka ka kooban 10 wakiil goboleed oo matalaya shan gobol ee dhaca Bariga, Galbeedka, Koofurta, Waqooyiga & Bartamaha qaarada Afrika.

 

Plasma waxaa loo doortay 4 sano ee soo socota (2017-2021) wakiil Gabaleedka Bariga Afrika oo ay hoos imanayaan dhamaan jaamacadaha ku yaala in ka badan 10 dal oo kala ah ; Somaaliya, Kenya, Tansaniya, Uganda, Rwanda, Burundi, Sudan ,South Sudan , Ethopiya , Eretereya, Jabuuti .

Urarkan ayaa sanadkan u dabaal degay sanad guuradiisii 50-tanaad ( 1967-2017) taas oo kusoo beegantay Shirweynihiisii 14-naad ee afartiisanaba mar lagu qabto dal ka mid ah dalalka qaarada afrika  waxaana sanadkan lagu qabtay 05- 08 June 2017 Caasimadda dalka Ghana Accra oo ay ku taalo Xarunta weyn ee Ururka midowga jaamacadaha afrika (AAU).

 

Jamacada Plasma ayaa noqonaysa Jaamacadii ugu horeysay ee guushaas usoo hoysay Jaamacadaha dalka soomaaliya taas oo albaabka ufuraysa xiriir dhexmara Jamacadaha dalka iyo jaamacadaha qaarada gaar ahaan kuwa gobolka bariga afrika sidoo kale ka caawinaysaa Jaamacadaha raba inay xubin buuxda ka noqdaan Midowga Jaamacadaha Afrika (AAU) .

 

Jaamacada Plasma ayaa shanti sano ee lasoo dhaafay ahayd wakiil sharafeedka Jamacadaha Soomaliya xaga xariirka urarruda caalamiga ee Jamacadaha dunida, iyadoo doorashada kursigan cusub ee afarta sano ee soo socata uu keeni doono in uu sii xogaysto xiriirka caalamiga ah ee jamaacadaha somaliya iyo jamaacadaha dunida , lana ixtiraamo Jaamacadaha dalka soomaliya.

 

Wasaaradda Arrimaha Dastuurka oo soo bandhigtay waxqabadkeedii ee labadii bil ee la soo dhaafay.

0

Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta soo bandhigtay waxqabadkeedii labadii bil ee la soo dhaafay ee April iyo May, Wasiir Cabdi Xoosh oo saxaafadda xafiiskiisa kula hadlay ayaa uga jawaabay su’aallo dhawr ah oo ay weeydiiyeen waxa uuna u ballanqaaday in bil walba ay Wasaaradda u soo bandhigi doonto waxqabadkeeda saxaafadda si ay u gaarsiiyaan bulshada Soomaaliyeed, Wasiirka ayaa shirka jaraa’id waxaa ku wehliyay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maxamed Abuukar Zubeyr.

La taliyaha Wasaaradda ee Arrimaha Warfaafinta, Xiriirka, iyo Wacyigelinta dadweynaha Cabdicasiis Cabdi Xaaji Gobdoon ayaa saxaafadda u aqriyay waxqabadka Wasaaradda oo ahaa sida hoos ku qoran:-

1. April 17, Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa kulan muhiim ahaa oo ku saabsan geeddi socodka dib u eegista Dastuurka layeelatay hogaanka xisbiyada siyaasadda abuurmaya ee dalka.
2. April 29, Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa shir ku saabsan ololaha geedi socodka dib u eegista Dastuurka la qaadatay ururada haweenka Soomaaliyeed.

3. May 4, Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa kulan wadatashi ah la yeelatay ururada bulshada rayidka ee SOSECENSA iyo PUNSAA oo ka kala howlgala Koofurta, Bartamaha, iyo deegaanada Puntland iyo hay’adda IIDA.
4. May 8, Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ayaa shir wadatashi ah la yeelatay ururada dadka Naafada oo ku saabsanaa sidii loo dhageeysan lahaa taladooda ku qotonta dhameeystirka Dastuurka.

5. May 9, Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ayaa kulan wadatashi ah la qaadatay dhalinyarada Soomaaliyeed oo ay talooyinkooda ugu gudbinayeen Wasaaradda, dhalinyarada ayaa waqti fiican u helay in ay su’aallo weydiiyaan Wasiirka iyo masuuliyiinta ugu sareeysa Wasaaradda.
6. May 11, Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa kulan wadatashi ah la qaadatay Culumada Soomaaliyeed oo ay kamid ahaayeen kuwo magac iyo maamuus ku leh bulshada dhexdeeda.
7. May 14, Shirka Madasha Wasaaradaha Arrimaha Dastuurka ee Dowladda Dhexe iyo Maamul Goboleedyada oo socday 3 maalin ayaa ka furmay Muqdisho, shirka ayaa waxaa looga hadlay Geedi-socodka dib u eegista Dastuurka oo ay Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka ay horkaceyso.

8. May 16, Shirka Madasha Wasaaradaha Arrimaha Dastuurka ee DF iyo M/Goboleedyada ayaa laga soo saaray War-murtiyeed 10 qodob ah oo ka hadlayay xoojinta wadashaqqeynta Wasaaradaha iyo in la abuuro Madal ay ku mideysanyihiin Wasaradaha oo 3dii bilba mar shirta iyo markii ay jiraan arrimo deg-deg ah.

9. May 17, Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane AVV Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil iyo wafdi uu hogaaminayay ayaa magaalada Nairobi kula kulmay saaxiibada Beesha Caalamka ee dowladda Soomaaliya taageera.
—–DHAMAAD—–

 

Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo Agaasinka Iskaashiga Caalamiga dib ugala wareegtay Wasaaradda Qorsheynta

0

Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ayaa maana si rasmi ah dib ugala wareegtay Agaasinka Iskaashiga Caalamiga Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaallaha kadib munaasabad kooban oo ka dhacday xarunta Wasaaradda.

Agaasinka Iskaashiga Caalamiga ayaa ka qeyb aheyd howlaha Wasaaradda Qorsheynta intii u dhexeysay 2014-2017, hayeeshee mudadaasi kahor waxaa loo tirinayay mid ka mid ah afarta tiir ee ay cuskato Wasaaradda Arrimaha Dibadda.

Mudnae Jamaal Maxamed Xasan Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaallaha ayaa ku wareejiyay dukumintiyo la xiriira Agaasinka Iskaashiga Caalamiga, Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Mudane Cabdulqaadir Axmed Kheyr Cabdi.

Fadhi kooban oo dukumintiyo kala wareegidda ka horeysay ayaa mas’uuliyiinta sare ee labada Wasaaradood ay ka wada hadleen xoojinta wadashaqeynta ka wada dhexeysa iyo sidii loogu saldhigi lahaa hannaan hiigsi sare leh.

Munaasabadan oo ku dhammaatay jawi guul leh ayaa waxaa goob joog ka ahaa Xoghayayaasha joogtada labada Wasaaradood iyo mas’uuliyiin kale.