Home Blog Page 1674

Shirweynaha Wadatashiga Qaran ee dib u heshiisiinta oo Muqdisho ka furmay

0

Shirweynaha wadatashiga Qaran ee hannaanka dib u heshisiinta Soomaaliya, ayaa ka furmay magaalada Muqdisho, waxaana furay Ra’iisul wasaare ku xigeenka Xukuuumadda, iyadoo ay ka qeyb-galayaan, wasiirro ka kala socda dowladda Federaalka, dowlad gobolleedyada dalka, ururrada bulshada gobollada, Guddoomiyaha gobolka Benaadir iyo Culummaa’udiin Soomaaliyeed.

Shirkaan ayaa socon doona muddo shan maalmood ah, waxaana si  toos ah looga tashanayaa hannaanka dib u heshiisiinta, waxaana soo qaban-qaabisay wasaaradda ArrimahaGudaha Soomaaaliya.

Wasiirka Arrimaaha Gudaha iyo Dib u heshiisiinta Mudane Cabdi Faarax Saciid (Juxa), ayaa ugu horreyn u Mahadceliyey howl-wadeenna wasaaradda, waxa uu sheegay in shirkaan  uu ku saabsan  wadadii loo mari lahaa dib u heshiisiinta Qaranka.

“shirkaan waxyaabaha ka soo bixi doono waxaa ka mid ah tallooyin dhaxalgal ah oo ku aaddan hannaan hufan oo dib u heshiisiinneed, shirkaanna waxa uu horu-dhac u yahay shirarka dib u heshiisiinta Soomaaliyeed oo dhan, qodobbada shirka ka soo baxa waa inaan ka shaqeynnaa sidii loo dhaqangelin lahaa, khubarro badan ayaan u saarnay in ay keenaan sida looga  faa’ideysan karo hannaankaan, dadka Soomaaliyeed waxaan ugu baaqayaa in aysan tallada farahooda ka  bixin oo ay is cafiyaan” ayuu yiri wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya.

Ugu dameyn wasiirka Arrimaha Gudaha ayaa ugu baaqay cid walba oo ku howlan arrimaha dib u heshiisiinta in ay ku soo biirto shirweynahan oo ay keenaan tallooyinkooda muhiimka ah, wasaaradda Arrimaha Gudahana ayaa soo dhoweyn doonto cid walba oo tallo iyo isu keenidda ummadda Soomaaliyeed.

Guddoomiyaha gobolka Benaadir ahna Duqa Muqdisho, ayaa u rajeeyey dadka Soomaaliyeed in shirkaan ka qeyb-galay uu noqdo kii soo gabo-gabeeya khilaafaaadka dadweynaha Soomaaliyeed ka dhaxeeya, dib u heshiisiinta waxa ay aas-aas u tahay nabadda, horumarka, Caddaaladda iyo Iskaashiga bulshada oo dhan, marnaba inaan laga harin arrimaha dib u heshiisiinta ayaan ku talinayaa,  waxa uu sidoo kale ku baaqay in laga qeyb-galo dardargelinta howlgallada nabadda ee ka socda magaalad Muqdisho.

“Caasmadaha dunida waxaa ku nool celis celis ahaan 10% Muqdisho waxaa ku nool in ka badan 25%, taas oo daliil ah in ay ku  wada nool yihiin bulsada Soomaaliyeed oo dhan, waxaan ugu baaqayaa dadweynaha Soomaaliyeed ee caasimadda ku nool  in ay isa-saamaxaan oo ay is cafiyaan, maadaama bil Barakeysan ee Ramadaan lagu gudo jir, shirweynahanna guul ayaan u rjeynayaa” ayuu yiri  Duqa Muqdisho.

.

 

 

 

 

 

Ra’iisul wasaare Kheyre oo Addis Ababa lagu soo dhoweeyey

0

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa goor dhow gaaray magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, halkaasoo uu kaga qeyb galayo shir madaxeedka Urur Goboleedka IGAD.

Wafdi uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaaraha oo saaka ka ambabaxay magaalada Muqdisho ayaa Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda ku soo dhoweeyeen Garoonka diyaaradaha Bole International Air Port.

Ka qeyb galka Ra’iisul Wasaaraha ee Shirka IGAD ayaa timid, markii Madaxweynaha uu ka cudur daartay inuu shirka ka qeyb galo, sababo ku aadan howlo shaqo oo u yaala.

Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa inta uu joogo Addis Ababa ayaa waxaa uu la kulmi doonaa Madaxda wadamada IGAD ee shika ka qeyb galaya.

Shirka Urur goboleedka IGAD ayaa looga hadlayaa colaadaha iyo xaaladaha bani’aadanimo ee ka jira dalka Koofurta Sudan, iyadoo shirkan uu todobaadkii hore ku baaqay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya oo shir guddoonka shirka ah.

Socdaalka Ra’iisul Wasaaraha ku tagay Itoobiya ayaa ah kii u horeeyay ee wadamada deriska ku tago, sidoo kale waa safarkii labaad ee uu dibadda ugu ambabaxo.

Degmada Dhahar oo u gudubtay wareegga saddexaad ee tartan cilmiyeedka

0

Habeenka  17-aad tartan cilmiyeedka warbaahinta Qaranka ee uu maamulka gobolka Benaadir taabagelinayo, waxaa ku tartamay degmooyinka X/weyne oo ka tirsan gobolka Benaadir iyo Dhahar oo ka tirsan gobolka Sanaag.

Tartamayaasha labada degmo qeybta hore waxaa la weydiiyey afar su’aal mid walba, iyadoo kadidb qeybta nasashada lagu soo gudbiyey warbixinnadii joogtada ahaa ee ka hadlayey taariikhda labada degmo ay dalka ku leeyihiin.

Natiijada X/weyne

Degmada X/weyne ee gobolka Benaadir waxaa la weydiiyey toddoba su’aal, midna kama jawaabbin, hal su’aal ayeey si ka faa’ideysi ah uga jawaabbeen, waxa ayna heleen laba dhibcood (2 dhibcood).

Natiijada degmada Dhahar

Degmada Dhahar ee gobolka Sanaag, waxaa la weydiiyey toddoba su’aal waxa ay ka jawaabeen laba ka mid ah, shan waa ay qaldeen, sidoo kale laba su’aal ayeey si ka faa’ideysi ah uga jawaabbeen, waxa ayna uruursadeen siddeed dhibcood (8 dhibcood), degmada Dhahar ee gobolka Sanaag ayaa u gudubtay wareegga saddexaad ee tartan cilmiyeedka warbaahinta Qaranka.

Habeen dambe waxa uu tartan xiiso leh ka dhaxeyn doonaa degmooyinka Dharkeynley iyo Kaaraan oo ka wada tirsan gobolka Benaadir.

 

 

 

 

 

 

(Faallo) Xukuumadu weey ku shaqeyn kartaa miisaaniyad ku saleysan dakhliga gudaha

0

Waa qasab in dowlad kasta ay ku dhaqaaqdo barnaamijyo Maaliyadeed oo aasaas u ah keydinta  dhaqaalaha ka soo xerooda bulshada ay maamusho iyo kuwo kale oo ay ka helaan hirgalinta mashaariicyo horumarineed oo ay la wadaagaan dalalka kale ee daneeya dowladahaasi.

Inkatoo dowladda  Soomaaliya ay ka soo kabanaya dhibaatooyinkii dowlad la’aaneed,haddana maamulka xilligaan oo  ku yimid rabitaanka bulshada,waxay ku guuleysteen in ay diyaariyaan isla markaana soo bandhigaan barnaamij maaliyadeed oo keeni kara in dadku ay la ocdaan dhaqalaha dowladda ee dhinaca gudaha iyo dibadda ,si ay meesha uga baxdo tuhunada la xiriira wax isdaba-marin iyo lunsasho habti umadeed.

Golaha Wasiirada ayaa shirkoodii caadiga ahaa  kaga  dooday xisaab xirka miinasaaniyaddii hore iyo meel marinta miisaaniyadda 2017, waxana goluhu isku raacay ansixinta miisaaniyadda cusub oo ka kooban $246 Milyan oo dollar, taasi oo dawladdu ku shaqeyn doonto inta ka dhiman sanadkan.

Lacagahaasi ayaa lagu saleeyay in ay yihiin kuwo laga soo uruurinaayo goobaha laga maamulo ilaha dhaqaale ee dalka sida dekedda,garoonka diyaaeadaha iyo meelaha kale,waxaana miisaaniyadda sanadkaan laga ilaaliyay  in lagu daro  dhaqaalaha ay bixiyaan dalalka daneeya Soomaaliya,kuwaas oo loo arkay in uu ku imaan karo dib u dhac ama arimo kale.

Tallaabadaan oo ah dhaqdhaqaaq ay xukuumaddu ku bixineyso kalsooni raadinta  ayaa timid kadib markii maamulka wasaaradda maaliyadda ay kashifeen in sadex laab iyo afar laab la helay lacagihii ka soo xeroon jiray dekedda iyo garoonka diyaaradaha Muqdisho,taasina ay ku timid hagaajinta nidaamka loo qaado dakhliga.

Waxaa dhab ah in aysan jirin wax farqi ah oo u dhexeeya miisaaniyaddii hore iyo tan maanta ee la ansixiyay ,hasa yeeshee waxaa muuqda in xukuumaddaan ay xil iska saartay sidii loo heli lahaa dakhli sax ah oo salka ku haya caafimaad-qabka ururinta canshuuraha dalka, sidaa daraadeed dowladda Soomaaliya waxa ay heysataa fursad qaali ah oo aan soo marin kuwii ka horeeyay

Hadii dakhliga gudaha loo maamulo si daacad ah oo ay ku dheehan taahay alla ka cabsi waxaa goor dhow dalka Soomaaliya uu ku tallaabsan doonaa horumar la mid ah kuwa ay gaareen  dalalka Afrika qaarkood.

Dadaalka baaxadda leh ee ay wadaan dowladda,gaar ahaan wasaaradda maaliyadda,ayaa u muuqda mid suuragalinaya in dalku uu iska ilaalin doono lacago deyn ah oo ka yimaada dibadda,waxaaana la rajeynayaa in la bilaabo qaadista canshuuro badan oo hoos tagi jiray maamulka gobolka,wasaaradaha maaliyadda iyo lacagta,sida berrigga.

Mudada dhow dakhliga ka soo xerooda caasimadda dalka ayaa la filayaa in lagu dhiso goobaha laga fuliyo adeegyada bulshada ,isla markaana lagu bixin doono  mushaarooyinka shaqaalaha iyo ciidamada,iyadoo si gaar ah lacagaha ay is-dhaafsanayaan maamulka Maaliyayadda ,kan Bangiga iyo madaxda uu yahay mid cad oo aan keeneyn  in gacan kaliya ay maamusho hantida umadda.

Dalal badan oo isugu jira Carab,Yurub iyo kuwo kale  ayaa bilaabay bixinta lacago dhiirigelin ah oo la siinayo dowladda,kadib kolkii ay arkeen xirfadaha dhabta ah ee ay ku shaqeynayaan xukuumadda cusub,waxayna ballan qaadeen in ay cafin doonaan deymaha lagu leeyahay Soomaaliya,haddii ay ka miro dhaliyaan hiigsiga dowlad wanaaga.

Xukuumad daacad  ah oo diyaar u ah in lala qeybsado dhaq-dhaqaaqyada Maaliyadeed ee loogu adeegayo umadda,waxa ay dhiirigelin kartaa isla Xisaabtan dhab ah oo salka ku haya ogaanshaha hannaanka Maaliyadeed ee dalka ,iyadoo ay lama huraan tahay in dadweynuhu  ay helaan  ama la socdaan halka ay ku baxayaan lacagaha canshuuraha ah ee laga qaado iyo in la mariyay dhaqaalahaasi meeshii saxda aheyd ee loogu talagalay

W/qoray Shire Xasan Kulmiye

Pics: Security improvement in Mogadishu now !

0

Security situation in the capital has improved during the holy month of Ramadan after of Somali government’s Stabilizing joint forces ensured the safety and security of people, SONNA reported.

There are heavy security presence at key areas and continues operations to disarm militias and government’s military soldiers carrying guns inside the town illegally.

” We don’t want the capital to be bloodshed zone with terror but with mercy and fearless town where people come, we want the town to be zero gun, let armed vehicles be out of the capital, we are complying with the order of the cabinet and will fulfill our duties and carry out as it is”, Head of National Intelligence and Security Agency, Abdulahi Mohamed Ali ‘San-balolshe’ said this week.

Mr. San-balolshe added that Mogadishu residents felt relief of security achievements and would be maintained.

Mogadishu residents welcomed the Somali Government’s Stabilization Plan which is aimed to ensure the security and to have a Iftar (Breakfast) in Peace.

“We had a great problem with military soldiers and vehicles earlier, they used to knock us down and destroy our taxes, but now we feel peace and free from disturbance,let this normality exist and we are happy to this change in our life”, a taxi driver(Bajajle) told SONNA Sunday.

People are also expressing their views on the support for the on-going operations through the social media, in particular, on Facebook and Twitter.

SONNA team observed the security forces checking vehicles and treating people in a very disciplined way, they(forces) ask correct documents like identity cards or check through efficiently.

I paid visits and went for walks to many districts in Benadir region and key areas including the city center and Liido beach during the holy month of Ramadan to see security improvements in the capital so far.

Everything was normal, children were only playing rubber bullets which I was not pleased to see, but people were in their routine jobs without security threats.

I was at Liido beach last night, a night that Al-Shabaab militants often say it is Beder battle (17th of the holy Month of Ramadan) and used to wage attacks in the capital earlier years, but the situation was stable.

There were young boys and girls in a group to group or two by two having conversations at the bars, restaurants and along the beach while some others were taking photos near the sea during the night time.

It is better for all Somali community to support the raising light of hope of peace here in Mogadishu and this will spread through the rest of the country. “No terrorist deadly attack happened this month, security efforts should be commended”.

I thank Allah who provided us his mercy of peace and stability during the holy month of Ramadan and wish people to worship peacefully.

By Mohamed Osman Abdi “Black Cobra”
SONNA-Chief Editor
E-Mail: Cobrasonna@gmail.com

Ra’iisul wasaare Kheyre yo wefdi la socda oo tagay Addis Ababa

0

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa goor dhow gaaray magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, halkaasoo uu kaga qeyb galayo shir madaxeedka Urur Goboleedka IGAD.

Wafdi uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaaraha oo saaka ka ambabaxay magaalada Muqdisho ayaa Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda ku soo dhoweeyeen Garoonka diyaaradaha Bole International Air Port.

Ka qeyb galka Ra’iisul Wasaaraha ee Shirka IGAD ayaa timid, markii Madaxweynaha uu ka cudur daartay inuu shirka ka qeyb galo, sababo ku aadan howlo shaqo oo u yaala.

Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa inta uu joogo Addis Ababa ayaa waxaa uu la kulmi doonaa Madaxda wadamada IGAD ee shika ka qeyb galaya.

 

Shir looga hadlayo kobcinta dhaqaalaha oo Muqdisho ka furmey

0

Shirkan uu maanta magaalada Muqdisho ka furey wasiirka wasaaradda maaaliyadda ee xukuumadda Soomaaliya Dr. C/raxmaan Ducaale Beyle, ayaa waxaa ka qeygalaya wasiirada maamulada xubnaha ka ah dowldda federaalka Soomaaliya kaas oo looga hadlayo wada shaqeynta iyo iskaashiga dhexmaraya wasaaradaha dowlad goboleedyada iyo tan wasiirka.

Wasiirka Maaliyadda ee dowladda federalka Soomaaliya Dr. C/raxmaan Ducaale Beyle oo ka hadlay furintaanka shirka ayaa sheegay in mudadii xilka wasaaraddu uu hayay ay u suurtagashay in ay ku guuleystaan bixinta kharashaadka dowladda; sida bixinta mushaaraadka shaqaalaha dowladda, ciidanka qalabka sida iyo lacagaha lagu wada shaqada xafiisyada hey’adda dowladda.

Wasiirka Beyle, ayaa sidoo kale, xusay in dowladda Soomaaliya ay xooga saartay kordhinta dakhliga soo gala taasina ay wax badan ugu suurtagaleen.

Dr. C/raxmaan Ducaale Beyle, wasiirka maaliyadda dalka ayaa wasiirada iyo xubnihii kale ee shirka ka qeybgalay u sheegay in mas’uuliyad weyn ka saaran tahay sidii loo dalkan isku filaansho dhaqaale u gaari lahaa, waxaana uu tilmaamay in sida dahliga dalka uu maanta yahay aan lagu fiirsan Karin.

Ka qeybgaliyaasha shirka ayuu wasiirka ku adkeeyay in ay ka shaqeeyaan sidii dalkeenu u noqon lahaa amaano leh isla markaana canshuur bixiyeyaasha ay ku kalsoonaan karaan si taa loo helona ay tahay in la sameeyo isla xisaabtan joogto ah.

Wasiirka maaliyadda xukuumadda Soomaaliya Dr. C/raxmaan Ducaale Beyle, ayaa sheegay in loo baahan yahay in muwaafaqo laga gaaro mashaariicda dalka ay ka fulineyaan hey’adaha iyo dalalka kale si ay u noqdaan kuwo ka turjameya baahida dalka Soomaaliyeed.

Ugu dambeyntii wasiirka, ayaa sheegay in ay lagama maarmaan ay tahay in wada shaqeyn joogto ay dhex marto wasaaraddaha maaliyadda ee dowlad goboleedyada iyo tan dowladda federaalka isla markaana arintaas xooga la saaro.

Shirkan ayaa kamid ah qorshaha dowladda ay ku dooneyso in ay ku mideyso hanaanka canshuuraha dalka guud ahaan, iyadoo gebagebada shirkan maanta gelinka dambe laga soo saari doono war-murtiyeed ku saabsan qodobadii isku afgarteen qeybaha uu shirkan khuseeyo.

Wafdi uu hogaaminayo Ra’iisul wasaare Kheyre oo u duulay Dalka Itoobiya

0

Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo Wafdi uu hoggaaminayo ayaa goordhow ka duulay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde.

Wafdiga uu horkacayo Ra’iisul wasaaraha ayaa ku sii jeeda Magaalada Adis Ababa ee dalka Itoobiya, Halkaas oo ay kaga qeyb gali doonaan Shir Madaxeedka IGAD oo maanta furmaya.

Safarka Ra’iisul Wasaaraha uu ku tagayo Addis Ababa ayaa noqonaya kii u horeeyay ee uu ku tago, sidoo kale waa safarkii labaad oo uu dalka dibaddiisa uga ambabaxo.

Shirka IGAD ayaa diirada lagu saarayaa xaalada colaadeed iyo mida bani’aadanimo ee ka jirta Koofurta Sudan.

Xigasho : SONNA

Shirka Golaha Wasiiradda ee Maamul Goboleedka Hirshabeelle oo markii ugu horeysay lagu qabanayo Degmada Balcad.

0

Golaha Wasiiradda Maamul Goboleedka Hirshabeelle ayaa maanta Shirkoodii caadiga ah ku yeelanayo Magaaladda Balcad ee Gobolka Shabeelada Dhaxe waxaana shirgudoomin doono Madaxweynaha Maamul Goboleedka Hirshabeelle.

Kulankan ayaa diiradda lagu saari doonaa baahinta nidaamka dowliga ah ayadoo warbixino looga dhageysan doono qaarkamid ah Golaha Wasiiradda uu ka midyahay wasiirka Cadaaladda Mudane C/qaadir Cusmaan C/salaan oo ka warbixin doono waxyaabihii u qabsoomay mudadiii uu xilka haayey.

Sidoo kale waxaa kulan kasoo qeyb geli doono Gudoomiyaha Cusub ee dhawaan loo magacaabay Maamulka Degmadda Balcad asagaa warbixin guud ka bixin doono Xaaladda Magaaladda Balcad iyo waxa u qabsoomay mudada kooban ee uu joogay.

Waa markii ugu Horeeysay ee shirka Golaha Wasiiradda Maamul Goboleedka Hirshabeelle lagu qabanaayo Magaaladda Balcad ee Gobolka Shabeelaha Dhaxe.

 

Madaxweyne Farmaajo “Waxaa la burburiyay Saldhig ay maleeshiyada Al-Shabaab ku lahaayeen Saakow”

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi ayaa war qoraal ah oo ka soo baxay xafiiskiisa lagu sheegay in la bur buriyay, isla markaana weerar lagu qaaday saldhig tababar oo Argagixisada Al-Shabaab ku lahaayeen meel u dhow Degmada Saakow ee gobolka Jubbada Dhexe.

Qoraalka ka soo baxay Madaxtooyada Soomaaliya ayaa lagu sheegay in hawlgalkan ay fuliyeen ciidadanka sida gaarka ah u tababaran ee Soomaaliya  oo taageero ka helaya ciidamada kale ee caalamiga ah.

“Weerarkan oo ahaa mid guul ku dhammaaday ayaa lagu burburiyay xarun tababar oo muhiim u ahayd hawlaha amni darro ee ay kooxdan soo abaabusho. Tani waxay wiiqaysaa awoodda cadowga uu kusoo abaabulo weerarro cusub”ayuu yiri Madaxweynaha.

Sidoo kale Warkaan ayaa lagu sheegay in howlgalkaan uu guuleystay oo la burburiyay dhammaan Saldhigii ay argagixisada ku lahayd Degmada Saakow.

“Tan iyo markii aan la wareegay Xafiiskaan waxaan balan qaaday in Muhiimadda koowaad ay u tahay dowladayda Ammaanka,” ayuu yiri Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya.