Home Blog Page 1676

Wasaaradda Arrimaha Dibada oo Waraaqaha aqoonsiga ka gudoontay Danjiraha Cusub ee Jaamacadda Carabta

0

Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga H.E. Mr. Abdulkadir Ahmed-Kheir Abdi ayaa maanta kaga guddoomay xafiiskiisa warqadaha aqoonsiga Amb. Hamoud Samaran Al Jowhary Al Huwaidi Madaxa Ergada Jaamacadda Carabta ee Soomaaliya.

Qaabilaadda Ergeyga cusub oo ay goob joog ka ahaayeen Xoghayaha joogtada Wasaaradda, Agaasimayaasha habmaamuuska iyo Carabta ayaa lagu soo dhoweeyay Danjire Xamuud Samaraan Al jowhari Al Xuweydhi oo badalay Ambassador Mohamed Abdalla Idris.

Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Mudane, Cabdulqaadir Axmed-Kheyr Cabdi ayaa u rajeeyay ergeyga cusub ee Jaamacadda Carabta guul la taaban karo inuu ka gaaro howlaha loo igmaday, sidoo kalana horseed u noqdo in dhammaan dalalka carbeed ay dib uga furtaan Safaaradahooda caasimadda Muqdisho.

Waxaa xusid mudan in Soomaaliya ay xubin ka noqotay Ururka Jaamacadda Carabta February 14, 1974 kadib afar toban sano markii dalka uu gobonnimada qaatay.

Soomaaliya ayaa lagu tiriyaa xubin muhiim u ah Ururka Jaamacadda Carabta marka laga eego dhinacyo badan oo ay ku jirto waxa loo yaqaan “Geopolitical strategy”.

Warta-nabadda oo u gudubtay wareegga saddexaad ee tartan cilmiyeedka

0

Habeenkii 15-aad wareega labaad tartan cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka ee uu maamulka gobolka Benaadir taabagelinayo, waxaa ku tartamay degmooyinka Baladweyne oo ka tirsan gobolka Hiiraan iyo Warta-nabadda oo gobolka Benaadir ah.

Labada degmo waxaa la weydiiyey qeybta hore afar su’aal mid walba oo wadarta guud ka dhigeysa siddeed su’aal, kaddib ayaa la soo gudbiyey warbixinnaddii Taariikhda labada degmo ka hadleysay.

Natiijada Baladweyne

Degmada Baladweyne oo ka tirsan gobolka Hiiraan, waxaa la weydiiyey toddoba su’aal waxa ay si sax ah uga jawaabbeen hal su’aal lix waa ay iska qaldeen, sidaas ayeey ku heleen laba dhibcood ( 2 dhibcood).

Natiijada Warta-nabadda

Degmada Warta-nabadda oo ka tirsan gobolka Benaadir, waxaa iyaduna la weydiiyey toddoba su’aal waxa ay ka jawaabbeen laba su’aal shan waa ay qaldeen, hal su’aal ayeey si ka faa’ideysi ah uga jawaabbeen, waxa ayna heleen Lix dhibcood ( 6 dhibcood), wareegga saddexaad ee tartanka waxaa u gudubtay degmada Warta-nabadda.

Habeen dambe waxaa ku tartami doona wareegga saddexaad degmooyinka Shangaani oo ka tirsan gobolka Benaadir iyo Gaalkacyo oo ka tirsan gobolka Mudug.

 

 

 

 

 

 

 

Madaxweynaha Hirshabeelle ayaa maamul cusub u magacaabay gobolka Hiiraan

0

Wareegto ka soo baxday xafiiska madaxweynaha dowladd goboleedka Hirshabelle, mudane Cali C/laahi Cosoble ayaa lagu magacaabay maamulka gobolka Hiiraan.

Halkaan ka akhriso magacyada mas’uuliyiinta cusub iyo kuwii lagu bedeley.

Waxqabadka Dawladda ee usbuucii la soo dhaafay 04 June – 09 June

0

Mogadishu, 10 June 2017 – Wasiirka Warfaafinta Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yarisow) ayaa ka warbixiyey horumarka Dowladda ee usbuucii la soo dhaafay.

Wasiirka ayaa ka hadlay arrimo ay ka mid yihiin;

Golaha Wasiirada oo ansixiyey Miisaaniyada 2017

Wasaarada Maaliyada ayaa Golaha Wasiirada 08dii June 2017 hordhigtay xisaab-xirka miisaaniyada iyo isagoo ka codsaday Golaha Wasiirada inay ansixiyaan Miisaaniyada 2017. Golaha Wasiirada ayaa ka dooday xisaab xirka miinasaaniyaddii hore iyo meel marinta miisaaniyadda 2017, waxaana goluhu isku raacay ansixinta miisaaniyadda cusub oo ka kooban $246 Malyuun oo dollar, taasi oo dawladdu ku shaqeyn doonto inta ka dhiman sanadkan.

Madaxweyne Farmajo oo dhagax-dhigay dhismaha xarunta Dowlada Federaalka ee Jubbaland

Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) oo gaaray 6dii June 2017 magaalada Kismaayo ee xarunta Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa dhagax-dhigay xarunta Dowladda Federaalka ay ku yeelaneyso Jubbaland. Safarka Madaxweynaha ayaa waxuu qeyb ka ahaa qorshaha iyo siyaasada is-gaarista dhammaan deegaanada dalka iyo u kuurgelida xaalada Jubbaland. Madaxweynaha ayaa labadii maalmood ee uu ku sugnaa Kismaayo wadahadal la yeeshay Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe, Madaxda Jubbaland, ciidamada XDS iyo shacabka Jubbaland.

Soomaaliya oo dabagal weyn ku sameyneysa hirgelinta go’aanadii Shirkii London

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre iyo Safiirka UK ayaa shir guddoomiyey 7dii Juun 2017 kulan muhiim ah oo looga hadlayay fulinta qodobadii ka soo baxay shirkii London, gaar ahaan qeybta amniga iyo sidii wadajir looga shaqeyn lahaa taabagelinta heshiiska. Qodobada muhiimka ah ee shir diiradda lagu saaray waxaa kamid ah dib-u-dhiska Ciidamada Qaranka. Shirka waxaa sidoo kale ka qeyb galay Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Federaalka iyo inta badan safiirada beesha Caalamka u fadhiya Soomaaliya.

Shirka Wadatashiga Wasiirada Arrimaha Gudaha oo lagu qabtay Jowhar

Wasaarada Arrimaha Gudaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shirweyne Qaran ku qabatay Jowhar oo ay Wasaaradaha Arrimaha Gudaha ee Dowladda Federaalka iyo kuwa Dowlad Goboleedyada uga tashanayeen hirgelinta barnaamijka Wadajir ee dardargelinta daadejinta nidaamyada dowladaha Hoose ee dalka.

Shirweynahan ansixinta siyaasadda Qaran ee Dhallinyarada oo Muqdisho lagu qabtay

Ra’iisul wasaare ku Xigeenka Mahdi Maxamed Guled (Khadar) ayaa ka qeybgalay 7dii June 2017 Shirweynaha ansixinta siyaasadda Qaran ee Dhalinyarada oo ay soo qabanqaabisey Wasaarada Dhalinyarada & Ciyaaraha. Shirkan ayaa waxaa ka qeybgalay Wasiirka Dhallinyarada, Wasiir ku xigeenka, Wasiirada dowlad Goboleedyada, Ururrada Dhalliyarada, Dhalliyarada Gobolka Banaadir, Ururrada Arrimaha bulshda iyo Dhallinyaro ka kala socotay degmooyinka Goblka Banaadir. Wasiirka Dhalliyarada xukuumadda federaalka Soomaaliya Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa sheegtay in talooyinka wanaagsan ee shirkan ka soo baxa la Uruurin doono si loo jeheeyo siyaasadda Qaran ee Dhalliyarada.

Wasaarada Gargaarka oo 40 Kontenar oo raashin ah ka guddoontay Dalka Indonesia

Hey’ada ACT ee Dalka Indensia ayaa 5tii June 2017kii 40 Konteenar oo raashin ah ku Wareejisay Wasiirka Wasaaradda Gargaarka iyo Maareenta Musiibooyinka ee Xukuumada Soomaaliya Drs Maryan Qaasim Axmed, deeqdaasi oo loogu tala galay in la gaarsiiyo dadka danta yar ee ku nool Gobollada Dalka ee ay saameeyeen abaaraha ka jiray dalka. Guddiga Gurmadka Abaaraha Qaranka, Mamaulka Gobolka Banaadir, qaar ka mid ah Gudoomiyaasha Degmooyinka Gobolka iyo mas’uuliyin kale ayaa goob joog ka ahaa deeqdan Wasaaradda Gargaarka Soomaaliya lagu wareejiyay.

Shacabka oo si buuxda u taageeray Waxqabadka Dowladda ee 100kii Maalmood

Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) iyo Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa 4tii June 2017kii shacabka kula hadlay Garoonka Ciyaaraha ee Benaadir (Conis Stadium). Shacabka Soomaaliyeed ayaa isu soo baxay iyagoo taageeraya waxqabadka Dowladda ee 100kii Maalmood ee ugu horeysey tan iyo markii Madaxweynaha la doortay. Ra’iisul Wasaaraha ayaa soo koobay waxii u qabsoomay Dowladda, halka uu Madaxweynaha uu soo xiray kulanka isla markaasna shacabka uga waramay hiigsiga dowladda iyo sida ay dowladda uga go’antahay in dalka loo gaarsiiyo doorashooyin hal cod iyo hal qof ah.

Wasaarada Boostada & Isgaarsiinta oo e-mailada .so siineysa hay’adaha Dowlada

Wasaarada Boostada, Isgaarsiinta & Teknolejiyada ee Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa 6dii June 2017 si rasmi ah ugu dhowaaqday inay hay’adaha dowlada siineyso isticmaalka e-mailada .SO oo ah astaanta internet-ka Qaranka Soomaaliya.

Howlgalka Xasilinta Caasimada Muqdisho oo si fiican u socda

Dowladda Federaalka ayaa bilowday dhaqangelinta go’aanadii Golaha Wasiirada ee 11kii May 2017 iyadoo ciidamo gaaraya 1500 oo isku dhaf ah in muddo ah u socdeen tababar iyo wacyigelin. Howlgalkan oo si fiican u socda ayaa waxaa lagu soo qabqabtay hub fara badan iyo shaqsiyaad ay baaris ku socoto. Mudada uu howlgalka socday ayaa waxaa laga hortagay falal argagaxisadu damacsanaayeen inay shacabka ku waxyeeleeyaan.

DHAMAAD

Taliyaha ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya oo digniin u jeediyey Ciidamadda Xoogga Dalka.

0

Taliyaha ciidamadda xoogga Dalka Soomaaliya oo ka hadlayey Shir Jaraa’id oo ay xalay wada qabteen taliyayaasha ciidamadda iyo Wasiirka Amniga ayaa Fariin adag u diray ciidamadda Xoogga dalka Soomaaliya.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya Sareeyo Gaas Axmed Maxamed Jimcaale ayaa ciidamadda Millitariga ku amray in aysan Magaaladda Soo gelin ayagoo aanan heysan warqad Fasax ah oo u ogolaaneyso in ay gudaha magaalada Muqdisho ku wataan Gadiidka iyo hubka Ciidanka Xoogga dalka.

Taliyaha ayaa sheegay in cidii lagu qabto Magaalada dhaxdeeda ayadoo fasax la’aan la dhax marayso gadiidka iyo hubka Ciidanka Xoogga Dalka in ay danbiile tahay isla markaana la marsiin doono ciqaabta ay mudantahay.

Magaalada Muqdisho ayaa Waxaa maalmahaan ka yaraaday Gadiidkiii ciidanka ee sida aadka ah u isticmaali jiray Wadooyinka Muqdisho , waxaana magaalada laga dareemayaa xasilooni iyo daganaan.

Taliyaha Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka oo ka hadlay Howlgalka Xasilinta Magaalada Muqdisho.

0

Taliyaha Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka ayaa sheegay in howlgalka Xasilinta Caasimadda aan cid goono ah lagu bartilmaameedsaneyn asagoo xusay in howlgalkaan lagu doonayo in Amniga Caasimadda si buuxdo loogu soo celiyo.

Taliyaha ayaa sheegay in aysan u joogsan doonin dad dano gaar ah leh oo isku dayayo in ay howlgalka carqaladeeyaan ayagoo qaar ka dhigayo mid qabiil lagu bartilmaameedsanyo waxa uuna xusay in howlgalka uu usocdo sidii ay u dajisay Dowladda Soomaaliya.

Taliyaha ayaa balan qaaday in howlgalka si sax ah uu usocon doono isla markaana ay hub aruurinta u fulin Doonaan si cadaalad ah sido kale taliyaha ayaa sheegay in qof walbo oo isku daydo in ay ka hor timaado xasilinta Magaaladda Muqdisho ay gacan bir ah ku qaban doonaan.

Howlgalka Xasilinta Caasimadda ayaa si xowli ah uga socdo Magaalada Muqdisho waxa uuna u muuqda mid wax badan ka badalay amniga iyo xaalada guud ee Magaalada Muqdisho.

Maamulka Gobolka Baay oo baaritaano ku wado isku dhicii shalay ka dhacay Magaaladda Baydhabo

0

Maamulka Gobolka Baay ayaa sheegay in ay baaritaan ku wadaan waxa sababay dagaalkii koobnaa ee shalay gudaha Magaaladda Baydhabo ku dhaxmaray Ciidamo ka wada tirsan Dowladda Goboleedka Koofur Galbeed.

Gudoomiye ku xigeenka dhanka amniga ee Gobolka Baay ayaa sheegay in ay aad uga xunyihiin waxyeelada soo gaartay dadka Shacabka ah asaga oo xusay in wax laga xumaado ay tahay in dhibkaas ay u geysteen dadkii laga doonayey in ay gargaaraan dadka shacabka ah.

Gudoomiyaha oo xusay in arinkaasi aan shil la dhihi karin ayaa sheegay in ay wadaan baaritaano adag oo lagu ogaanayo qaabka ay waxa u dhaceen iyo cidda leh masuuliyadda dadka Shacabka ee ay waxyeeladda kasoo gaartay shaqaaqadii shalay ka dhacday Magaaladda Baydhabo.

Ku dhawaad 10 qof ayaa u geeriyooday dagaalkii shalay ka dhacay Magaaladda Baydhabo halka ay in kabadan 15 ruuxna ay isbitaaladda u jiifaan dhaawacyadiii kasoo gaaray mashaqadaas.

Taliyeyaasha ciidamada oo soo saaray awaamiir dhinaca amniga iyo digniin cusub (Akhriso)

0

Taliyeyaasha Ciidamada Booliska, Nabadsugida, Milateriga iyo Wasiirka Amniga ayaa caawa soo saaray awaamiir culus oo ku aadan xasilinta Ammaanka Muqdisho, iyagoo u digay cid alla cidii ka hor-timaada in tallaabo sharci ah laga qaadi doono.

Shir jaraa’id oo ay wadajir ugu qabteen caawa Xarunta Madaxtooyada ayaa waxaa ugu horeyn hadlay Taliyaha Ciidamada Nabadsugida C/llaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe oo dareyska ciidanka xirnaa.

Taliye Sanbaloolshe ayaa sheegay in iska hor imaadkii maanta ka dhacay degmada Kaaraan aanu aheyn mid u dhaxeeya ciidamo, balse uu ahaa iska hor imaad dhex maray Ciidamada Xasilinta iyo Kooxo Burcad ah oo rabay inay raashin dhacaan, kuwaasoo uu xusay in gacanta lagu haayo.

Waxaa uu sheegay in loo baahan yahay in xakameyn fara badan la sameeyo, si looga hortago qaraxyada iyo amni darada, si buu yiri amniga u hagaago.

Sidoo kale Taliyaha Ciidamada Milateriga Jen, Cirfiid ayaa isna sheegay in laga baxo dhamaan guryihii ay lahaayeen ciidamada xoogga dalka, isla markaana lagu baneeyo illaa 1-bisha July.

Taliyaha Ciidamada Booliska Jen. C/xakiin Daahir Saacid ayaa sheegay inay wixii hada ka dambeeya ay mamnuuc tahay dareyska ciidamada oo lagu dhex sito magaalada iyo askari hubeysan oo aan fasax heysan.

Waxaa uu xusay in la sameyn doono xafiis 48-ka saac soo socda lagu diiwaan geliyo ilaalada ay wataan Mas’uuliyiinta, isla markaana lagu siiyo aqoonsi iyo dhar gaar ah, sidoo kale aan la ogolaan doonin in magaalada ay ku socdaan ciidan aan aheyn kuwa xasilinta.

Halkan Hoose ka akhriso awaamiirta Ammaanka:-

1. Askarigii Magaalada Muqdisho qori ku dhex wataa tallaabo Sharci ayaa laga qaadaya waana la xiraya.

2. In Talaabo Sharci ah laga qaadayo cidii lagu arki dharka ama Dareeska Ciidanka Xooga Dalka oo aan Taliska ka tirsaneyn.

3. In Ciidan iyo Gaadiid aan Warqad Fasax wadan in aan lagu arki karin gudaha Magaalada Muqdisho.

4. Ciidamada Xasilinta ayaa sugaya amaanka Xarumaha Dowladda iyo amaanka guud ee Caasimada ciidan kale laguma arki karo Muqdisho.

5. In la Faarujiyo oo laga baxo guryaha ay leeyihiin Ciidamada Xooga Dalka ee ku yaalla Muqdisho 1 July ka dib Shacab laguma arki karo Guryaha Ciidamada Xooga.

6. In aan Cid loogu turin Howlgalada Xasilinta Caasimada iyo Hub ka dhigista cidii ka hor timaaddo Sharciga ayaa la horgeynaya.

Degmada Baydhaba oo u gudubtay wareegga labaad ee tartan cilmiyeedka

0

Habeenkii ugu dambeeyey wareegga koobaad ee tartan cilmiyeedka warbaahinta Qaranka ee uu maamulka gobolka Benaadir taabagelinayo waxaa ku tartamay degmooyinka Baydhaba oo ka tirsan gobolka Baay iyo Yaaqshiid oo ka tirsan gobolka Benaadir.

Qeybta hore ee tartanka, waxaa labada degmo la weydiiyey min afar su’aal, iyadoo kaddib qeybta nasashada lagu soo gudbiyey warbixinnadii ka hadlayey Taariikhda labada degmo.

Labada degmo ayaa dhammaadka tartanka isku dhinac dhacay oo la yimaadey mid sideed dhibcood, guddiga tartanka ayaa sheegay in loo baahan yahay su’aallo dheeri ah, si loo kala saaro tartamayaasha.

Natiijada Yaaqshiid

Degmada Yaaqshiid ee gobolka Benaadir waxaa la weydiiyey toddoba su’aal, waxa ay si sax ah uga jawaabbeen afar su’aal, iyagoo helay siddeed dhibcood ( 8dhibcood).

Degmada Baydhaba

Degmada Baydhaba ee gobolka Baay, waxaa la weydiiyey toddoba su’aal, waxa ay iyaguna ka jawaabbeen shan su’aal oo afar ka mid ah ay toos uga jawaabbeen hal su’aalna ay si ka faa’ideysi ah  uga jawaabbeen, sidaas ayeey ku heleen toban dhibcood (10 dhibcood).

Caawa ayaa la soo gabogabeeyey wareeggii koobaad ee tartan cilmiyeedka warbaahinta Qaranka, iyadoo habeen dambe lagu bilaabi doono wareegga labaad degmooyinka Warta-nabadda oo ka tirsan gobolka Benaadir  iyo degmada Baladweyne ee gobolka Hiiraan.

 

 

 

 

 

 

 

Madaxweynaha Koonfurgalbeed oo dhagax dhigay garoon laga hirgelinayo Baraawe

0

Wafdi uu hogaaminayo Madaxweynaha Dowlad goboleedka Koonfurgalbeed ee Soomaaliya oo gaaray magaalo xeebedka Baraawe ee caasimadda u ah Dowlad goboleed KGS  ayaa waxa ka mid ahaa Xildhibaanno ka tirsan Baarlamanka Soomaaliya,  Guddoomiya Gobolka Shabellaha Hoose, Qunsulka Safaaradda Masar ee Soomaaliya, diblomaasiyin,  ganacsato iyo salaadinta ka soo jeedda KGS.

Ugu horeyn Madaxweynaha KGS iyo wafdigii uu hogaaminayay ayaa booqday goob loogu tala galay in laga dhiso garoon diyaaradeed,  xarunta Madaxtooyada KGS, isbitaalka magaaalda iyo Dekaddii  hore ee Baraawe, waxaana  Madaxweynaha KGS iyo guddoomiyaha Gobolka Shabellaha Hoose ay si Wadajir ah u dhagax dhigeen garoon KMG ah oo ay yeeleneyso magaalada Baraawe.

Dhagax dhigga kaddib ayaa Wafdiga uu hogaaminayay Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfurgalbeed ee Soomaaliya waxaa loo galbiyay xarunta Madaxtooyada, iyadoo munaasabad kooban oo lagu soo dhaweynayay wafdiga Madaxweynaha Koonfurgalbeed lagu qabtay xarunta Madaxtooyada

Suldaan Cali Ibraahim Afhayeenka Odayaasha Dhaqanka KGS iyo Suldaan Cabdulle Baana-fuusi  ayaa booqashada iyo dhagaxdhigga garoonka ugu mahadceliyay Madaxweynaha KGS Mudane Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Gudomiyaha Gobolka Shabeellaha Hoose Mudane Ibraahim Aadan Cali Najax ayaa maamulka Degmada Baraawe iyo ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ku amaanay sida ay u sugeen ammaanka magaada Baraawe ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka KGS  Mudane Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa shegay in magaalada Baraawe uu u soo guuri doono Maamulka KGS  si taasi ay u suurta gashana ay muhiim tahay in Baraawe ay yeelato Garoon ay ku soo dagaan diyaaradah, isagoo sidoo kale sheegay in dhismaha Dekadda Baraawe ay qorshenayan in goordhaw la bilaabo.

Magaalada Baraawe ayaa caasimad u ah Dowlad Goboleedka KGS, iyadoo imanka uu maamulka ku shaqeyo si KMG ah  magalada Baydhabo waaxase la qorshenaya in maamulka KGS uu u soo wareego dhanka magaalada Baraawe.

Mohamed Ali Omar Jubba