Home Blog Page 168

Madaxweynaha Hirshabeelle oo Raagge-Ceelle u tagay dardargelinta la dagaallanka Khawaarijta

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle, Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe), ayaa maanta gaaray degmada Raagge-Ceelle ee gobolka Shabeellaha Dhexe, si uu u dardargeliyo abaabulka gulufka mideysan ee ka dhanka ah Khawaarijta. Kormeerkan ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu mideynayo howlgallada lagu ciribtirayo Khawaarijta ee ka socda deegaannada Hirshabeelle.

Intii uu ku sugnaa Raagge-Ceelle, Madaxweynaha ayaa kulan la qaatay guddoomiyaha degmada, saraakiisha ciidamada qalabka sida iyo kuwa deegaanka, isagoo dhiirrigeliyay isku-duubnida iyo adkeynta diyaar-garowga. Wuxuu tilmaamay in gulufka cusub uu ka bilaaban doono deegaanno badan oo muhiim ah, isagoo xusay in kulanka xiga lagu qaban doono deeganada ku jira gacanta Khawaarijta.

Madaxweyne Guudlaawe ayaa sidoo kale ku booriyay bulshada deegaanka in ay ka qeyb qaataan dadaallada lagu ciribtirayo Khawaarijta, isagoo carabka ku adkeeyay in la joogo xilligii la xoojin lahaa iskaashiga u dhexeeya dowladda iyo shacabka si loo xaqiijiyo nabadgelyo waarta.

Kormeerka Madaxweynaha ee Raagge-Ceelle ayaa muujinaya sida ay dowladda Hirshabeelle uga go’an tahay in ay sii waddo dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta, iyadoo la isku duuban yahay si loo xaqiijiyo amniga iyo horumarka deegaannada maamulka.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Sweden

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Boqortooyada Sweden u fadhiya Soomaaliya, Mudane Joachim Waern. Kulankan ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka laba geesoodka ah iyo ballaarinta iskaashiga dhinacyada badan ee labada dal.

Intii lagu guda jiray kulanka, labada mas’uul waxay ka wada hadleen arrimo ay ka mid yihiin iskaashiga istiraatiijiyadeed, isuduwidda dhinacyada badan, iyo dadaallada lagu taageerayo nabadda, xasilloonida, iyo horumarka Soomaaliya. Wasiirka iyo Safiirka ayaa caddeeyay sida ay uga go’an tahay in la sii ambaqaado wadahadallada mugga weyn leh ee lagu xoojinayo xiriirka labada dal.

Safiirka Sweden, Mudane Joachim Waern, ayaa sidoo kale muujiyay sida ay dowladdiisu uga go’an tahay taageerada Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada nabadda iyo horumarka. Waxa uu bogaadiyay dadaallada ay dowladda Soomaaliya ku bixisay dib-u-habaynta dastuurka, horumarka laga sameeyay Golaha Wada-tashiga Qaranka (NCC), iyo hirgelinta nidaamka doorashada qof iyo cod ah, oo guulo waaweyn oo dhanka dimuqraadiyadda ah.

Kulankan ayaa qeyb ka ah dadaallada joogtada ah ee lagu xoojinayo xiriirka saaxiibtinimo iyo iskaashi ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Sweden, iyadoo la isla gartay in la dardar geliyo wadashaqeynta ku dhisan danaha labada shacab.

Xujeyda Soomaaliyeed oo markii ugu horreysay heli doonaan Adeeg Caafimaad oo casri ah

Sanadkan, Xujeyda Soomaaliyeed waxay heli doonaan adeeg caafimaad oo ka duwan kii hore. Dowladda Soomaaliya, iyada oo ka duuleysa daryeelka iyo mas’uuliyadda ka saaran muwaadiniinteeda, ayaa qaaday tallaabo lagu xoojinayo adeegyada caafimaad ee Xajka.

Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka, gaar ahaan Xafiiska Arrimaha Xajka, ayaa sanadkan u diyaarisay Xujeyda Soomaaliyeed afar (4) gaari ambalaas ah oo si buuxda u qalabeysan, looguna talagalay in ay u adeegsadaan xaaladaha caafimaad ee degdegga ah.

Madaxa Xafiiska Arrimaha Xajka, Dr. Khadar Daahir Suleymaan, ayaa sheegay in qorshahan uu qeyb ka yahay dadaallada lagu xaqiijinayo in Xujeyda Soomaaliyeed helaan daryeel caafimaad oo degdeg ah, si ay si nabadgelyo iyo xasillooni leh u gutaan acmaasha Xajka.

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad oo furay Shirweynaha dhaqaale ee Dastuurka

Shirweynaha lagu falanqeynayo saameynta dhaqaale ee qaab-dhismeedka Dastuurka ayaa lagu qabtay Muqdisho, waxaana si rasmi ah u furay Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Jabriil Cabdirashiid.

Shirka oo ay soo qabanqaabisay Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ayaa waxaa looga hadlay sida qaab-dhismeedka Dastuurka Federaalka uu u saameyn karo koboca dhaqaalaha, qeybsiga kheyraadka, maareynta dakhliga, iyo horumarinta adeegyada dadweynaha.

Waxaa madasha ka qeybgalay Wasiirka Dastuurka Xasan Macallin, Wasiirka Qorsheynta Maxamuud Beene Beene, khubaro, iyo wakiillo ka socday hay’adaha dowladda iyo daneeyeyaasha arrimaha dastuurka.

Shirkan ayaa qeyb ka ah dadaallada dowladdu ay ugu jirto hirgelinta Dastuur dhammeystiran oo suurtagal ka dhigaya nidaam dawladnimo oo hufan oo dhaqaale ahaan u adeegaya danaha shacabka Soomaaliyeed.

NISA oo howlgallo qorsheysan ku dishay horjoogayaal ka tirsan Khawaarijta 

Ciidanka gaarka ah ee Gaashaan ee Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka ee NISA, ayaa howlgal qorsheysan oo xalay ay ka fuliyeen deegaanka Sabiid ee Gobolka Shabellaha Hoose, waxa ay ku dileen Horjooge sare oo Khawaarijta u qaabilsanaa qorsheynta weerarradii Hoobiyeyaasha ahaa ee ka dhacay magaalada Muqdisho tan iyo, sanadkii 2023.

Ciidanka NISA oo si dhow ula socday dhaqdhaqaaqa Horjoogahan ayaa Howlgalka fuliyay, kadib markii la hubiyay xogta ku saabsan Horjoogaha, iyada oo la xaqiijiyay in isla goobta lagu khaarijiyay dhammaan Maleeshiyaadkii ilaalada u ahaa.

Dhinaca kale, ilaa 6 howlgal oo duqeyn ah oo shalay galab ilaa xalay ay ciidanka NISA ka fuliyeen deegaanka Ceel-hareeri ee Gobolka Hiiraan, ayaa lagu dilay 46 Khawaarij ah oo isugu jiray Horjoogeyaal iyo Maleeshiyaad, kuwaas oo lagu beegsaday goob ay gabbaad ka dhiganayeen.

Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka ee NISA, ayaa kor u qaadday howlgallada qorsheysan ee lagu beegsanayo Khawaarijta, xili Taliyaha guud ee Hay’adda uu ku sugan yahay deegaannada hawlgalladu ay ka socdaan.

Wasiirka Maaliyadda XFS oo ka qeybgalay Shirweynaha Bangiga horumarinta Islaamka 

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Biixi Imaan Cige, iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa ka qaybgalaya Shirweynaha Sanadlaha ah ee Bangiga Horumarinta Islaamka (IsDB) oo ka socda magaalada Algiers, Algeria, laga bilaabo 19 ilaa 22 May 2025. Shirkan, oo ah kii 50-aad ee noociisa ah, ayaa lagu qabanayaa Xarunta Caalamiga ah ee Shirarka “Abdelatif Rahal” waxaana uu socon doonaa muddo afar maalmood ah.

Shirka waxaa si rasmi ah u furay Ra’iisul Wasaaraha Algeria, Mudane Nadir Larbaoui, waxaana ka soo qaybgalay Wasiirrada Maaliyadda, Safiirrada, iyo wakiillo ka kala socda 57 dal oo xubno ka ah IsDB, iyo sidoo kale hay’ado caalami ah iyo kuwa goboleed. Kulankan ayaa diiradda saaraya horumarinta iskaashiga dhaqaale, is-dhaafsiga aqoonta, iyo xoojinta maalgashiga si loo gaaro koboc dhaqaale oo waara.

Wafdiga Soomaaliya ayaa sidoo kale ka qaybgalaya Madasha 13-aad ee Qaybta Gaarka ah (Private Sector Forum), oo diiradda saaraya xoojinta iskaashiga ganacsiga, maalgashiga, iyo horumarinta ganacsiyada yaryar iyo kuwa dhexe ee dalalka xubnaha ka ah IsDB.

Shirkan ayaa muhiimad gaar ah u leh Soomaaliya, maadaama uu fursad u yahay in la helo taageero dheeraad ah oo lagu horumarinayo dhaqaalaha dalka, lana xoojiyo iskaashiga caalamiga ah ee dhinacyada horumarinta iyo maalgashiga.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya iyo wafdigiisa ayaa la filayaa inay ka qaybqaataan shirarka guud ee IsDB, iyo sidoo kale kulamo gaar ah oo looga hadlayo arrimaha Soomaaliya, gaar ahaan sidii loo heli lahaa mashaariic horumarineed oo dhinacyo badan leh. Dowladda Soomaaliya ayaa dadaal xooggan ku bixisay sidii loo heli lahaa taageero dhaqaale oo lagu horumarinayo kaabayaasha dhaqaalaha, waxbarashada, caafimaadka, iyo adeegyada bulshada.

Bangiga Horumarinta Islaamka ayaa ka mid ah saaxiibada dhow ee taageera Soomaaliya, iyadoo la filayo in gabagabada shirkan laga soo saaro go’aanno muhiim ah oo ku saabsan dib-u-habaynta dhaqaalaha iyo maalgelinta mashaariic horumarineed oo dalka ka hirgala. Sidoo kale, shirkan ayaa fursad u ah Soomaaliya inay xoojiso xiriirka ay la leedahay dalalka kale ee xubnaha ka ah IsDB iyo hay’adaha maalgashiga caalamiga ah.

Shirka sanadkan ayaa lagu qabtay cinwaanka “Kala-duwanaanta Dhaqaalaha, Kobcinta Nolosha,” taasoo muujinaysa sida IsDB uga go’an tahay in la horumariyo dhaqaalaha dalalka xubnaha ka ah, lana wanaajiyo tayada nolosha dadka.

𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐨𝐨 k𝐮𝐥𝐚𝐧 l𝐚 q𝐚𝐚𝐭𝐚𝐲 d𝐡𝐢𝐠𝐠𝐢𝐢𝐬𝐚 d𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐓𝐮𝐫𝐤𝐢𝐠𝐚

0

Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Cali Xaaji Aadam, ayaa kulan muhiim ah magaalada Geneva ee dalka Switzerland kulan kula yeeshay Wasiirka Caafimaadka Turkiga, Dr. Kemal Memişoğlu.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga laba geesoodka ah ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga, gaar ahaan dhanka horumarinta adeegyada caafimaadka, tayeynta kaabeyaasha caafimaadka iyo dhisidda awoodda shaqaalaha caafimaadka Soomaaliyeed.

Wasiirka ayaa uga mahadceliyay dowladda Turkiga taageerada hagar la’aanta ah ee ay siiso Soomaaliya, isagoo muujiyay sida ay uga go’an tahay Wasaaradda in ay sii dardargeliso iskaashiga caafimaad si loo gaaro natiijooyin wax ku ool ah oo shacabka Soomaaliyeed anfaca.

𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐮𝐫𝐮𝐤𝐚 𝐝𝐡𝐚𝐪𝐚𝐚𝐭𝐢𝐢𝐫𝐭𝐚 𝐜𝐮𝐝𝐮r𝐫𝐚𝐝𝐚 h𝐚𝐰𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐝𝐡𝐚l𝐥𝐚𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 m𝐮𝐪𝐝𝐢𝐚𝐡𝐨 𝐤𝐚 furmay

0

Ku simaha Wasiirka ahna Wasir dowlaha wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada XFS, Dr Maryama Mohamed Hussein, ayaa Daahfurka kulanka Ururka Dhakhaatiirta Cudurrada Haweenka iyo Dhalmada Soomaaliyeed ”SOGA”.

kulanka ayaa waxaa qayb ka ahaa xubno ka tirsan Xildhibaannada labada aqal, wakiillada xarumaha caafimaadka guud iyo kuwa gaarka loo leeyahay, hay’adaha Qaramada Midoobay, Ururka dhaqaatiirta Soomaliyeed, uruka Umulisooyinka Soomaliyeed, Golaha Mihnadlayaasha Caafimaadka Qaranka, Bahda Jaamacadda Banaadir iyo marti sharaf kale.

Wasiru-dowlaha ahna Ku Simaha Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Drs Maryama Maxamed Xuseen ayaa ku amaantay xubnaha uruka wax qabadkooda kuna boorrisay in ay dedaalkooda halkaa kasii wadaan.

Dr. Maryama ayaa ugu dambayn ballan qaadday in ay diyaar u tahay gacan siinta iyo is-garab taagga urukan u taagan wax ka qabashada qataraha buktada haweena iyo carruurta Soomaliyeed waxayna sheegtay in wasaaraddu ay garab istaag diyaar ula tahay mar walba.

Madaxweynaha Hirshabeelle oo booqday difaaca deegaanka Geel-gub

0

Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa maalmahan booqonayo xaq-u-dirirka deegaanka iyo Ciidamada Qalabka Sida ee ku sugan difaacyada kala duwan waxana uu maanta kormeeray deegaanka Geel-gub.

Sarakiisha ayaa warbixin ku siiyay Madaxweynaha in dhammaan ciidamada kala duwan ay ku jiraan heegan buuxo. Madaxweynaha ayaa sameynayo isku-xir guud oo dagaalka xilli la mideeyay gulufka lagu dabar-goynayo Khawaarijta.

“Culeyska argagixisada ay ku heyso Hirshabeelle ayaan soo af-jareynaa, waxaan ku baaqayaa awood mid ah inaan ku wajahno dagaalka oo laga fogaado midnimo la’aan.” Sidaasi waxaa yiri Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle.

Khawaarijta, ayaa dagaallamayaashii ugu badnaa waxaa looga dilay Hirshabeelle welina waxaa ku socdo beegsi xooggan.

𝗪𝗮𝘀𝗶𝗶𝗿𝗸𝗮 𝗖𝗮𝗮𝗳𝗶𝗺𝗮𝗮𝗱𝗸𝗮 𝗼𝗼 𝗸𝗮 𝗾𝗮𝘆𝗯𝗴𝗮𝗹𝗮𝘆 𝗦𝗵𝗶𝗿𝗸𝗮 𝗪𝗮𝘀𝗶𝗶r𝗿𝗮𝗱𝗮 𝗖𝗮𝗮𝗳𝗶𝗺𝗮𝗮𝗱𝗸𝗮 𝗲𝗲 𝗖𝗮𝗿𝗮𝗯𝘁𝗮

0

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr. Cali Xaaji Aadam ayaa ka qaybgalay Shirka 62-aad ee Wasiirrada Caafimaadka Carabta oo dhinac socday Shirweynaha Guud ee Ururka Caafimaadka Adduunka (WHO).

Shirka waxaa Wasiirka Caafimaadka ku wehlinayey Agaasimaha guud ee Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr Guled Abdijalil iyo Agaasime waaxeedyo ka tirsan Wasaaradda Caafimaadka.

Shirka oo ay ka qayb galeen Wasiirrada Caafimaadka Carabta iyo wufuudda diblomaasiyadeed ayaa lagu ansixiyey go’aammo muhiim ah oo ku saabsan, taageerada Caafimaad ee dalalka ay ka jiraan xaalado bini’aadantinimo iyo Caafimaad, xoojinta iskaashiga gobolka, taageeridda Golaha Carabta ee takhasusaadka Caafimaadka, dhiirrigelinta dalalka ku tallaabsaday warshadaynta dawooyinka iyo booqashooyinka Caafimaadka iyo la dagaallanka faafista cudurrada dilaaga ah.

Ka qaybgalka Wasiirka Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr. Cali Xaaji Aadan wuxuu muujinayaa doorka firfircoon ee Soomaaliya ku leedahay wada-shaqaynta gobolka iyo horumarinta nidaamka Caafimaad ee dalka.