Home Blog Page 1658

R/Wasaare Khayre “Calanku ma taagnaan karo oo cirka kama babban karo haddaanu ciidan ku tiirsanayn”

0

 

Muqdisho, 09 July 2017….Madaxda ugu sareysa dalka ayaa si wadajir ah uga qeyb qaatay barnaamij lagu taageereyey Ciidanka Qaranka oo soo qaban-qaabiyey Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, isla markaana dhaqaale loogu uruurineyey ciidamadda qalabka-sida, waxana munaasabadda ka hadlay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed C/laahi Farmaajo, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Mudane Xasan Cali Khayre, Guddoomiyaha Aqalka Sare Mudane Cabdi Xaashi C/laahi iyo masuuliyiin kale oo dhamaantood qiray sida ay lagama maarmaan u tahay in bulshada Soomaaliyeed ay gacantooda ku dhistaan ciidamadda qaranka, si looga baxo baahida uu dalkeenu u qabo ciidan difaaciisa u taagan.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre oo khudbad dhinacyo badan taabanaysa ka jeediyey munaasabadda ayaa tilmaamay in maanta ay tahay maalin qaali ah oo dadkeenu ka shaqeynayaan dhismaha ciidankooda, isagoo soo xiganaya taariikhda ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed ayuu Ra’iisul Wasaaruhu sheegay in ciidamadda Afrika ugu tayada iyo tirada fiican ay kamid ahaayeen ciidankeenu, hadana wadajir iyo isku tashi lagu gaari karo in dib loo yagleelo ciidamadaasi.

“Ciidankeenu wuxuu lahaa cudud adag, wuxuu lahaa tababar fiican, wuxuu lahaa niyad fiican, wuxuu lahaa waxyaabo aanay laheyn ciidamada afirika oo ah geesinimo iyo dhiiranaan adag oo ilaalhay siiyey. Wuxuu kaalin ka geystay olohihii hirgelinta AfSoomaaliga ee sanadkii 1974-kii, sidoo kale waxay gurmad u fidiyeen dadkii ay ku dhacday abaartii dabadheer oo ciidankeenu muujiyey qiimaha ay shacabkiisu leeyihiin”ayuu yiri R/Wasaaraha oo intaas raaciyey.

“Maanta waxaan nahay dal dhan oo aan lahayn ciidan dhisan oo hadduu cadowgu ku soo duulo markuu rabo qabsan karo. Waxaanu nahay dal idil oo difaaciisa cirka, badda iyo berigaba ay ka dayacan yihiin. Calanku ma taagnaan karo oo cirka kama babban karo haddaanu ciidan ku tiirsanayn, kalsoonida bulshadu ma dhismayso haddii ayan ku hurdin ciidan difaaca, cadowgu ma soo hunguriyeysanayo ciidda dal leh ciidan daryeelan oo cudud iyo tayo leh. Ayuu raaciyey.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in ummadi aysan gaari karin midnimo iyo horumar haddii aanay leheyn ciidan ay u baxsato waqtiyada adag, isla markaana uusan dal nabadgelyo iyo xasillooni sugan ku naaloon karin haddii aanu lahayn ciidan heegan ah. Sida kaliya ee dhibkaas looga bixi karana ay tahay isku tashi, dhamaanteenna loo baahan yahay inaan u istaagno dhismaha ciidankeena, si aan ula tartanno wadamada nalamidka ah.Wuxuna ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in lagu taageero ciidanka qof walba wixii uu awoodo.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Maxamed C/laahi Farmaajo oo gunaanadkii munaasabadda ka hadlay ayaa ugu baaqay bulsho weynta Soomaaliyeed in ay ka soo qeyb qaataan dhismaha ciidanka qaranka, wuxuna hoosta ka xariiqay in dhaqaalaha ay soo uruuriyaan uu geli doono gacan aamin ah oo gaarsiin doonta ciidamadda u taagan difaaca dalkooda.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa digreeto ku magacaabay guddiga Taakuleynta Ciidamadda Qaranka, kuwaas oo madax u yihiin dad bulshada dhexdeeda sumcad ku leh, la aamini karo, isla markaana horey loo tijaabiyey.

Munaasabadda ayaa intii ay socotay waxaa lagu soo bandhigay dad Soomaaliyeed oo dhaqaale ugu yaboohay difaaca dalkooda, waxana hadallo ka jeediyey xafladda intii ay socotay Guddoomiyaha Gobolka Benaadir, Culimo,udiin, saraakiil iyo haween Soomaaliyeed oo dhamaantood ku dheeraaday taageerada ay u baahan yihiin ciidanka qaranku iyo in arrintaa meel looga soo wadajeesto, iyadoo fannaaniinta Qurba-joogtu ay soo bandhigeen heeso ka turjumayey munaasabadda.

DHAMMAAD

Madaxweynaha oo magacaabay Guddiga taakuleynta ciidammada Xoogga dalka

0

Muqdisho, 9 Luulyo 2017: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa magacaabay guddi maamula sanduuqa taakulaynta ciidamada.

Sanduuqaan oo ah mid madaxbannaan ayaa waxa uu Madaxwaynuhu u magacaabay Guddoomiye Mudane Janaraal Jaamac Maxamed Qaalib, waxaana Guddoomiye K/Xigeen loo magacaabay Sheekh Nuur Baaruud Gurxan.

Madaxweynaha oo khudbad ka jeediyay munaasabadda daahfurka sanduuqa taakulaynta ciidamada ayaa yiri “Maanta waa maalin baal dahab ah ka galaysa taariikhda ummadda Soomaaliyeed maxaa yeelay waxay tilmaamaysaa wada jirka Shacabka Soomaaliyeed iyo Ciidanka, wada jirka Dowladda iyo Shacabka,”
Madaxwaynaha ayaa ummadda Soomaaliyeed u diray baaq ku aaddan taakulaynta iyo taageerada Ciidamada qaranka si ay dib ugu soo laabato sharafta muwaadinka Soomaaliyeed.

“Difaaca dalka ma ahan masuuliyad u gaar ah Ciidamada oo kaliya. Waa masuuliyadda u taala qof kasta oo Soomaali ah, haddii aad doonaysaan in aad ku noolaataan dal sharaf leh.”
Madaxwayne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa xusay geesiyaasha Ciidamada qaranka ee dadaalka dheer u galay sidii ay uga xorayn lahaayeen Al Shabaab dalka oo idil, isaga oo faray shacabka Soomaaliyeed in ay gacan ku siiyaan ciidamada sidii loo cirib tiri lahaa kooxdan.


->DHAMMAAD<- 

 

Daawo Muuqaal Madaxda dowladda oo ka qeyb galay Barnaamijka Taakuleynta Ciidamada

0

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed iyo Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa xalay ka qeyb galay  Xafladda Furitaanka Ciidamada Qalabka Sida.

Xafladdaan oo aheyd mid si weyn loo soo agaasimay ayaa waxaa halkaasi khudbado kala duwan ka jeediyay dhammaan Madaxdii ka qeyb gashay.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa sheegay in ay muhiim tahay in Shacabka Soomaaliyeed ay garab istaagan Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed oo uu ku tilmaamay in ay yihiin geesiyaal Naftooda u huray badbaadinta Shacabka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha Soomaaliya oo soo xiray Xafladda ayaa Shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay ka qeyb qaataan Barnaamijka Taakuleynta Ciidamada xoogga .

Waxaa uu sidoo kale Magacaabay guddi ka shaqeeya arintaasi , iyadoona gudoomiye looga dhigay Generaal Qaalib , halka Gudoomiye ku xigeenkana laga dhigay Sheekh Nuur Baaruud Gurxan.

XAFLADDA DAAHFURKA GUDDIGA QARANKA EE TAAKULEENTA CIIDAMADA #NABADIYO NOLOLBANKIGA DHEXE ACCOUNT.N. 1346 DAHABSHIIL A/C N. 104106355 IBS A/C N. 0013000 PREMIER A/C N. 020700019001 SALAAM A/C N. 40252229

Δημοσιεύτηκε από Telefishinka Qaranka Soomaaliyeed στις Σάββατο, 8 Ιουλίου 2017

Dagaalyahanada Daacish oo laga saaray Magaaladda Mosul

0

Dowlada ciidamada Ciraaq ayaa dagaalo goos goos ah kula jirra dagaalyahanada Daacish oo goobo kooban kaga sii haray magaaladda Mosul, Taliye ciidan ayaa sheegey in ay ciidamada ammaanku howlgalkoodii uu ka dhamaaday qaybta duuga ah ee magaalada oo ah goobtii ugu danbeysey ee ay haysteen kooxda isugu yeerta Dowladda Islaamka.

Ciiddamada ayaa ku dabaaldegaya wadooyinka galbeedka magaalada oo burbursan laakiin wali waxa jira iska hor imaadyo, halka kooxda Daacishna ay sheegeen in ay dagaalami doonaan ilaa dhamaadka..

Goor sii horeysey ayey warbaahinta Ciraaq sheegtay in ay ciidamadu ku dhawaaqi doonaan guusha rasmiga ah.

Magaalada Mosul ayaa ahayd goob ay ku xoogan yihiin kooxda isugu yeerta Dowladda Islaamka tan iyo sanadkii 2014-kii iyadoo ciidamada Ciraaq ay wadeen guluf ka dhan ah kooxdan iyo sidii ay magalaadaasi gacanta ugu dhigi lahayeen tan iyo bishi Oktoobar ee sanadkii tagay.

President Farmaajo Opens The Second Parliamentary Session of The House Of The People

0

Mogadishu, 8th July, 2017: The President of the Federal Republic of Somalia H.E Mohamed Abdullahi Farmaajo has officially opened the second parliamentary plenary session of the 10th Parliament after two months of recess.

President Farmaajo while giving his constitutional address to both houses of parliament emphasized on the need to have the separate organs of the government to work closely together to achieve development goals.

In his address, the president shared with the parliamentarians highlights of the government’s progress include consistency in paying salaries and wages for all government employees, efforts in controlling the free flow of illegal arms, operationalizing an integrated special stabilization force for the capital and strengthening of cooperation between the central government and the federal states.

The government has as well been successful in finalizing regaining control of the Somali airspace, has made huge progress in negotiating for agreements to free Somali prisoners in foreign countries and reclaiming Somalia’s cosignatory status for aid funds earmarked for development in Somalia.

President Farmaajo confessed that a lot is expected from the government including ensuring security and stability, justice sector reform, recreating sound economic infrastructure, strengthening foreign policies and relations, upgrading government institutions and public reconciliation.

The president then requested parliament to approve 15 bills that the administration plans to table before the house in this parliamentary session to fast track delivery efforts.

President Farmaajo while addressing the pertinent issue of the Berbera port deal underscored that it is clear in article 7, sub-article 2, 4 and 5 of the constitution of Somalia that it is of paramount importance to safeguard the sovereignty and unity of the republic, adding that the administration would soon bring before the house a full report on the same.

END

Khudbada Furitaanka Kalfadhiga 2aad ee Golaha Shacabka Mudane Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo) Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya

0

Bismillaahi Raxmaani Raxiim

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari
Guddoomiye ku-xigeennada iyo Xildhibaannada sharafta leh ee Golaha Shacabka
Xubnaha Golaha Aqalka Sare
Madaxweynayaasha Dowlad-goboleedyada 
Danjireyaasha martida inoo ah
iyo dhammaan marti-sharafta kale

Assalaamu Caleykum Waraxma Tullaahi Wa Barakaatuhu

Guddoonka Golaha Shacabka iyo Xildhibaannada Sharafta Leh

Marka hore, waxaa mahad leh EEBBE oo noo suurto-geliyey inaan maanta oo ah Sabti, 8dii Luuliyo 2017-ka, isugu nimaadno kulanka furitaanka Kalfadhiga 2aad ee Baarlamankii 10aad ee Juhmuuriyadda Federaalka Soomaaliyeed.

Marka labaad, waxaan u mahad-naqayaa Guddoonka iyo Xildhibaannada Golaha Shacabka oo fursaddaan qaaIiga ah i siiyey, si aan u furo kalfadhigaan, taas oo ka mid ah waajibaadkeyga Madaxweyne ee dastuuriga ah.

Waxaan ummadda Soomaaliyeed uga tacsiyeynayaa geeridii naxdinta laheyd ee Xilldhibaan Siciid Xasan Geeddi iyo Xildhibaan Cabbaas Cabdullahi Shiikh Siraaji oo inagala qeybgalay Kalfidhigii 1aad ee Golaha Shacabka. Ilaahay ha u naxariisto, ehelladoodiina samir iyo imaan haka siiyo.

Kalfadhigii hore, labada gole ee Baarlamaanku waxay si habsami leh u dhameystireen nidaamkii doorashada dalka iyo isbedelkii dowladda oo ay ku soo gunaanadeen Doorashadii madaxweynaha dalka iyo ansixintii Ra’iisul Wasaarraha iyo Golaha Wasiirrada. Waxaan kaloo u mahad-celinayaa Madaxweynayaasha Dowlad-goboleedyada oo kaalin lama illaawaan ah ka qaatay suurto-gelinta isbadelkaas taariikhiga ah. Waxaa ilaahay mahaddiisa in si nabad iyo xasillooni ah uu noogu dhammaaday isbadelkaas.

Guddoonka Golaha Shacabka iyo Xildhibaannada Sharafta Leh

Si aan uga mira-dhalinno balanqaadyadii aan u sameyney shacabka Soomaaliyeed iyo dareenkii ay muujiyeen bulshadu kadib doorashadii 8dii bisha feberaayo 2017 ka, waa inaan wada-shaqeyneynaa innagoo gacmaha isheysanna, una badalnaa taageerada iyo guubaabada shacabka wax-qabad mug leh. Waa inaan guulo la taaban karo ka soo hoyinnaa himilooyinka iyo rajooyinka shacabka, si dalka iyo dadku uga baxaan dhibaatooyinka raagaadiyay oo ay ugu horreeyaan nabad la’aanta, cadaalad-darrada, musuq-maasuqa iyo saboolnimada.

Dhibaatooyinkaan, waxaa looga bixi karaa inaan la nimaadno daacadnimo, firfir-cooni, wada-shaqeyn, daah-furnaan iyo isla-xisaabtan dhab ah oo dhexmara hay’adaha kala duwan ee dowladda.

Guddoonka Golaha Shacabka iyo Xildhibaannada Sharafta Leh

In kastoo ay jiraan caqabado cul-culus, haddana waxaa hubaal ah in horumar la gaaray tan iyo markii ay dib-u-soo-laabatay dowladnimadii Soomaaliyeed. Balse, waqtigaan, hammiga iyo himilada shacabku wey ka duwan tahay middii hore. Wax-qabadka iyo horumarka nalaka filayo wuu ka baaxad weyn yahay midkii hore. Sidaa daraadeed, waa in dadaalkeenna iyo wax-qabadkeennu ka sii badnaadaan kuwii dowladihii iyo Baarlamaannadii naga horreeyey, si aan guul uga gaarno himilooyinka shacabka Soomaaliyeed nooga fadhiyaan.

Guddoonka Golaha Shacabka iyo Xildhibaannada Sharafta Leh

Waxaan fursad u helnay in aan hoggaanka dalka qabanno. Waa mas’uuliyad aad u baaxad weyn oo ay nagu aamineen dadka Soomaaliyeed, kuwaas, oo innaga sugaya inaan ka dhabeyno ballan-qaadyadii aan si wadajir ah dusha u saaranay. Waxaa taariikhdu qori doontaa, isla markaasna shacabku nagu qiimeyn doonaan waxqabad-wadareedkeenna iyo guulaha si wadajir ah aynu uga soo hoyno xallinta dhibaatooyinka ragaadiyay ee dalkeenna iyo dadkeenna.

Guddoonka Golaha Shacabka iyo Xildhibaannada Sharafta Leh

Muddadii koobneyd ee dowladdu jirtay, waxaa noo qabsoomay howlo dowladnimada muhiim u ah sida:
• Joogteynta mushaaraadka iyo gunnoooyinka hay’adaha kala duwan ee dowladda sida Barlamaanka, xukuukamdda, hay’adaha amniga iyo shaqaalaha rayidka ah
• Ka guul gaaridda xakameynta hubka sharci-darrada ah
• Howl-gelinta ciidammo gaar u ah nabadeynta Caasimadda
• Xoojinta wada-shaqeynta dowladda federaalka ah iyo dowlado-goboleedyada.
• Qaadidda jid-gooyooyin sharci-darro ah oo lagu waxyeeleyn jiray shacabka
• Ka soo hoyinta guulo shirkii caalamiga ahaa ee ka dhacay London. Guulahaas oo ay ka mid yihiin in Qorshaha Horumarinta Qaranka lagu saleeyo mashaariicda ay maal-galiyaan deeq-bixiyayaasha
• Dib-u-hanashada saxiixa deeqaha ku baxa magaca Soomaaliya. Awooddaas oo muddo dheer gacanteenna ka maqneyd.
• Dhameystirka heshiiskii duullimaadyada tooska ah ee Muqdisho iyo Nairobi.
• Dib-u-soo-celinta duulimaadkii habeennimo ee garoonka Muqdisho.

• Dhameystirka dib-u-hanashada maamulka hawada Soomaaliyeed ka hor dhammaadka sanadka.
• Guul ka gaarista in aan heshiis la galno dhowr waddan oo ay ku dhibaataysnaayeen maxaabiis Soomaaliyeed si xurriyadoodii loogu soo celiyo. Dufcadii koowaad waxaan dib ugu soo celinaynaa maalmaha soo socda Insha Allaah.
• Dib u habeynta qaabka loo maareeyo bixinta kharashaadka dowladda.
• Qabsoomidda shirar gogol xaar u ah dib-u-heshiisiin dhab ah.

Guddoonka Golaha Shacabka iyo Xildhibaannada Sharafta Leh

Waxaa kale oo na horyaalla howlo aad iyo aad u baaxad weyn. Howlahaasi, waa kuwa naga wada-dhaxeeya oo aan Golaha Shacabka la’aantiis horumar laga gaari karin. Howlahaas waxaa ka mid ah:
1) Dib-u-eegista iyo afti-u-qaadidda dastuurka,
2) Dhameystirka federaalaynta iyo dimuqaraadiyeynta dalka,
3) Hirgelinta Xisbiyo Siyaasadeed iyo gaaritaanka qof iyo cod 2021,
4) Dhisidda guddiyada madaxa-bannaan ee dastuuriga ah ee dhimman,
5) Go’aan ka gaaridda maqaamka Caasimadda,
6) Isla meel-dhigidda habka loo wadaagayo khayraadka dalka,
7) Dib-u-habeynta hay’adaha garsoorka, iyo
8) Ansixinta shuruucda hortabinta u leh Xukuumadda

Guddoonka Golaha Shacabka iyo Xildhibaannada Sharafta Leh

Dowladdu waxay xoogga saareysaa toddobada qodob ee soo socda:

1) Dib-u-xasilinta dalka;
2) Dib-u-habeynta garsoorka;
3) Dib-u-dhiska kaabayaasha dhaqaalaha;
4) Dhameystirka federaaleynta & Dimuqaraadiyeynta dalka;
5) Xoojinta Xiriirka Caalamiga;
6) Dib-u-habeynta iyo tayenta hay’adaha dowladda;
7) Dib-u-heshiisiinta dadka Soomaliyeed.

Si aan higsigaas uga mira-dhalinno, waxaa lagama maarmaan ah in aan u abbaarno si wadajir ah. Waxaa xusid mudan in lixdaas qodob ay leeyihin ahmiyad siman, loona baahan yahay in dhammaantood laga gaaro natijooyin wax-ku-ool ah.

Guddoonka Golaha Shacabka iyo Xildhibaannada Sharafta Leh

Nabad La’aani waa Nolol-la’aan. Sidaa daraadeed, aan ku hormaro hiigsiga dib-u-xasilinta dalka.

Si aan u gaarno, waxaan ku guda jirnaa ka howlgalka:
1) Dejinta shuruucda iyo qorshayaasha hay’adaha amniga
2) Wacyigelinta iyo dhaqan-celinta dhalinyarada marin-habaabsan iyo soo dhaweynta xubnaha ka soo laabta fikirka gurracan ee argagixisinimada;
3) Dardar-gelinta olalaha la dagaalanka argagixisada iyo fikirkooda gurracaan ee ay ku marin-habaabinayaan dadkeenna;
4) Dib-u-dhiska, isku-dhafka, tayeynta iyo qalabeynta ciidanka qaranka iyo hay’adaha amniga, si aan u gaarno isku filnaansho ugana kaaftoonno ciidamada AMISOM ee hadda ina taakuleeya
5) Ka-hortagga maalgalinta iyo gacansiinta fikirka argagaxnimada.

Guddoonka Golaha Shacabka iyo Xildhibaannada Sharafta Leh

In amniga wax laga qabto waxay u baahan tahay istiraatijiyad ku saleysan geesinnimo, dhiirranaan iyo go’aan adeyg, si loo badbaadiyo qaranka. Annagoo taas ka duuleyna, waxaan abbaari doonnaa wadadii lagu heli lahaa hay’ado amni iyo ciidan wax-ku-ool ah, kuwaas oo kasban kara taageerada shacabka Soomaaliyeed.

Hay’adaha amniga iyo saraakiishooda, waxaa looga fadhiyaa sidii ay u dejin lahaayeen siyaasado iyo qorsheyaal shaqo oo waxtar leh, diiradana saara helista xog looga hortegi karo falalka amni darro ee lidka ku ah shacabka. Sidoo kale, fikirka cusub ee aan dooneyno wuxuu salka ku hayaa mabda’a ah in amnigu uu yahay danta guud, qof walbana laga doonayo in uu ka qeyb qaato. Si taas looga miro-dhaliyo, waxaa lagama-maarmaan ah sameynta dadaaal baaxad leh oo lagu abaabulayo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Guddoonka Golaha Shacabka iyo Xildhibaannada Sharafta Leh

Dhismaha gaarsoor loo siman yahay waa hiigsiga labaad lamana gaari karo haddii aan la helin cadaalad iyo garsoor baahsan, kalsooni lagu qabo, dhowrana xuquuqda muwaadinka goob walba iyo goor kasta. Si hiigsigaas loo gaaro, waxaan bilownay qorshe ballaaran oo aan wax uga badaleyno garsoorka iyo cadaaladda. Waxaa xaqiiqa ah in ummadi gaari karin horumar, haddaysan lahayn nidaam cadaaladeed oo suga xuquuqda muwaadinka ilaaliyana naftiisa iyo hantidiisa. Waxaa kaloo hubaal ah in cadaalad-darradu ay qeyb weyn ka aheyd sababaha keenay burburka iyo is-aamin la’aanta aafesay midnimada iyo amniga ummadda Soomaaliyeed.

Si aan u gaarno waxaan ka howl-galeynaa:
1) Dhameystirka sharciyada iyo habraacyada khuseeya hay’adaha garsoorka
2) Dib-u-habeynta iyo tayeynta hay’adaha iyo howl-wadeenndada garsoorka
3) Hirgelinta nidaam garsoor oo baahsan, kaas oo saldhig u ah sarreynta sharicga
4) Isla-xisaabtanka iyo ciribtirka dhaqanka musuq-maasuqa iyo eexda

Guddoonka Golaha Shacabka iyo Xildhibaannada Sharafta Leh

Cadaaladda ma hormarin karno haddii aynaan si adag ula dagaalamin musuq-maasuqa iyo wax-isdaba-marinta. Sidoo kale, dowladdu ma gudan karto waajibaadkii loo idmaday inta uu musuq-maasuq ka jiro hay’adaha dowladda gaar ahaan kuwa garsoorka. Waxaan bilwonay in aan dib u habeyn ku sameyno hay’adaha garsoorka dalka si aan dib ugu hanano kalsoonida shacabka. Waxaa naga go’an ciribtirka dhaqanka musuq-maasuqa nuuc walba, heer walba iyo goob walba, si dib loogu hanto garsoor loo siman yahay, loona gaaro dowlad-wanaag iyo daahfurnaan.

Guddoonka Golaha Shacabka iyo Xildhibaannada Sharafta Leh

Dib-u-dhiska kaabayaasha dhaqaalaha oo ah qodobka saddexaad, wuxuu u udub-dhexaad u yahay dabargoynta saboolnimada, iyada oo loo marayo kobcinta dhaqaalaha, shaqo-abuurka, wax-soo-saarka, horumarinta tacliinta iyo caafimaadka iyo ka faa’ideysiga khayraadka dalka.

Saboolnimada ka jirta Soomaaliya ma’ahan mid dabiici ah ee waxaa abuuray colaadaha, iyo xasilooni-darrada ragaaday oo rajo-beel iyo darxumo ku noqday ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaan dhalinyarada iyo danyarta.

Si aan uga mira-dhalinno dib-u-dhiska kaabayaasha dhaqaalaha, waxaan ku howlannahay:
1) Hirgelinta Qorshaha Horumarinta Qaranka
2) Dhiiri-gelinta maalgashiga iyo abuuridda jawi kordhiya dhaqdhaqaaqa ganacsiga
3) Dib-u-dhiska tiirarka dhaqaalaha gaar ahaan kuwa loo isticmalo wax-soo-saarka
4) Kobcinta iyo suuq-geynta khayraadka dalka, sida xoolaha, beeraha, kalluumeysiga iyo khayraadka dabiiciga ah

Guddoonka Golaha Shacabka iyo Xildhibaannada Sharafta Leh

Federaaleynta iyo dimuqaraadiyeynta waxaa udub-dhexaad u yahay hirgelinta hannaanka doorashada qof iyo cod sanadka 2021, si loo gaaro dimuquraadiyad ku saleysan rabitaanka iyo awoodda-doorasho ee shacabka Soomaaliyeed.

Waxaa ka soo wareegay 50 sano ku dhawaad doorasho xor ah oo dalka ka dhacda. Intii ka dambeysay waqtigaas, dalku wuxuu soo maray caqabado iyo dhibaatooyin badan oo wali saameyn ku leh dalka iyo dadkaba. Nasiib wanaag, sanadihii la soo dhaafay, Soomaaliya waxay gaartay horumar la taaban karo dhanka doorashada xubnaha Baarlamanka iyo hoggaanka sare ee dalka. Doorashadii bilowga sanadkan, waxaa suurtogal noqday in Xildhibaanada intooda badan laga soo doorto dowlad-goboleedyadii iyo degaanadii ay wakiilka ka ahaayeen, si doorasho dadban ah.

Si aan u dardar-galinno howlaha federaaleynta iyo dimuqaraadiyeynta, waxaan ku howlannahay:
1) Isla meel-dhiggidda qorshaha lagu fulinayo geeddi socodka dib-u-eegista dastuurka
2) Dhameystirka sharciyada iyo Guddiyada dhimman ee doorashooyinka Qof iyo Cod
3) Habka & Geeddi socodka loo hirgelinayo Nidaam Siyaasadeedka Xisbiyada badan
4) Go’aan ka gaaridda maqaamka Caasimadda
5) U diyaar-garowga tirakoobka, afti u qaadidda dastuurka, si loo gaaro doorashada qof iyo cod 2021

Waxaa xaqiiqa ah in howlo iyo dadaallo culusi ka horeeyaan gaaridda hiigsiga federaaaleynta iyo dimuqaraadiyeynta dalka. Si aan uga gudubno caqabadaas, waa inaan u wajahno si wadaninimo iyo geesinimo leh.

Guddoonka Golaha Shacabka iyo Xildhibaannada Sharafta Leh

Xoojinta xiriirka caalamiga waxaa saldhig u ah xiriir caalamiya oo miisaaman, ku saleysan isqadarin iyo isfaham, innaggoo mar walba horumarineyna danta dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

Sidaa awgeed, waxaan xoojinay xiriirka aynu la leenahay caalamka, gaar ahaan waddamada aan deriska nahay, dowladaha Carabta, caalamka Islaamka, iyo wadamadda aan xiriirka dhow leenahay, dhanka iskaashiga nabadgalyada iyo dhaqaalaha, xiriirkaasi oo ah mid miisaaman, hormarinayana danta dalka iyo dadka.

Anigoo tixraacaya qoraalkii iga soo gaaray Guddoonka Golaha Shacabka 3dii bisha May 2017, kaas oo ku saabsanaa Heshiiska Barbara, waxaan caddeynayaa qodobadaan:

1) Sida ku cad dastuurka Jumhuuriyadda Federaalka Soomaaliyeed qodobkiisa 7aad, faqradiisa 2aad, 4aad iyo 5aad, waxaa waajib nagu ah illaalinta madax-banaanida iyo midnimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya
2) Waxaan caddeynayaa in bilowga howlshaas ay ka horreysay 8dii feberaayo, 2017 kii. Sidaa awgeed, dowladdu waxay ku howlan tahay sidii ay u heli lahayd xog dhameystiran oo la xiriirta arrintaan.
3) Marka aan helno xog dhameystiran, waxaan la wadaagi doonnaa Golaha Shacabka iyo dhammaan hay’adaha ay khuseyso.

Guddoonka Golaha Shacabka iyo Xildhibaannada Sharafta Leh

Dib-u-habeynta iyo tayenta hay’adaha dowladda oo ah hiigsiga lixaad, waxaa udub-dhexaad u ah helitaanka hay’ado dowladeed oo ku shaqeeya nidaamka iyo sharciga dalka, si hufanna u guta waajibaadkooda shaqo. Hay’adaha dowladda waxaa saamayn baahsan ku yeeshay burburkii muddadii dheereyd ee dowlad la’aanta aan aheyn.

Si loo meel-mariyo barnaamijyada iyo qorshe-howleedyada dowladda, waxaa lama huraan ah in dib loo yagleelo haykalkii hay’adaha dowladda.

Si aan u gaarno higsigaas, waxaa lagama maaraan ah:
1) In qiimeyn baaxad leh lagu sameeyo tayada, baahida iyo caqabadaha horyaal Hay’adaha Dowladda;
2) In la hirgeliyo habraac & hannaan saldhig u noqda maamulka iyo maareynta shaqaalaha iyo hay’adaha dowladda;
3) In la kordhiyo tayada shaqaalaha rayidka ah, laguna kabo xirfadley iyo xeel-dheerayaal;
4) In la dayac-tiro xarumaha Wasaarradaha lana howl-geliyo aaladaha teknoolajiyada.

Guddoonka Golaha Shacabka iyo Xildhibaannada Sharafta Leh

Guddoonka Golaha Shacabka iyo Xildhibaannada Sharafta Leh
Haddaba, si aan u xaqiijinno ballan qaadyadeennii, waxaan ka codsanaya Golaha Shacabka ee sharafta leh in ay ansixiyaan 15ka hindise-sharciyeed oo ay dhawaan Xukuumaddu idin hor keeni doonto. Waxaan kalsooni weyn ku qabaa in haddii hay’adaha dastuuriga ahi ay ka wada ambaqaadan hadaf mideysan aynu gaarneyo natiijooyinka waxqabad ee shacabku naga filayaan.

Ugu dambeyntii, waxaan ku dhawaaqayaa in uu si rasmi ah u furan yahay Kalfadhiga 2aad ee Baarlamankii 10aad ee Juhmuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

SOOMAALIYA HANOOLAATO

Guddoomiye Taabid oo Barlamaanka ka hor sheegay In la Cadeeyo Maqaamka Muqdisho

0

Guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir  Ahna duqa magaalada Muqdisho Taabit Cabdi Maxamed  oo manta ka qayb galay kalfadhiga 2aad ee baarlamaanka jamhuuriyadda federaalka soomaaliya ayaa khudbad uu halkaasi ka jeediyay waxa uu uga hadlay arrimo badan oo ay ugu muhiim saneyd  arrinta maqaamka caasimadda.

Guddoomiye Taabid Cabdi Maxamed ayaa baarlamaanka Federaalka soomaaliya iyo Madaxda kale ee Dowladda waxa uu ka codsaday in ay ka qayb qaataan  sidii bulshada kunool caasimadda ay u yeeshaan maqaam gaar ah, maadaama muddo badan Arrinta maqaamka caasimadda laysku qilaafsanaa.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo Furay Kalfadhigii 2aad ee Golaha Shacabka

0

Muqdisho, 8 Luulyo 2017: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa furay kal-fadhiga 2aad ee Baarlamaanka 10aad ee Jamhuuriyadda.

Madaxwaynaha oo jeedinayay khudbadda dastuuriga ah ee furitaanka kalfadhiga ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay in laamaha kala duwan ee dowladda ay si wada jir ah uga mira dhaliyaan hawlaha horyaalla si loo xaqiijiyo himilada shacabka Soomaaliyeed.

Madaxwayne Farmaajo ayaa Golaha Shacabka uga warbixiyey waxqabadkii dowladda, isagoo sheegay in ay xukuumadda ku guuleysatay joogteynta mushaaraadka iyo gunnooyinka shaqaalaha dowladda, xakamaynta hubka sharci darrada ah, hawl galinta ciidamo u gaar ah nabadaynta Caasimadda iyo xoojinta wada shaqaynta dowladda Federaalka ah iyo dowlad goboleedyada.

Dowladdu waxay sidoo kale ku guulaysatay dhameystirka dib u hanashada maamulka Hawada Soomaaliya oo ay hawsheeda meel fiican mareyso, heshiisyo ku saabsan xal u helista maxaabiis Soomaaliyeed ee ku dhibaataysan dalka dibaddiisa iyo dib-u-hanashada saxiixa deeqaha loogu talagalay Soomaaliya.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa qiray in hawlo aad u culus ay horyaallaan, ayna dowladda xoogga saari doonto sidii loo xaqiijin lahaa xasilinta amniga dalka, dib u habeynta garsoorka, dib-u-dhiska kaabayaasha dhaqaalaha, xoojinta xiriirka caalamiga ah, tayeynta hay’adaha dowladda iyo dib-u-heshiisiinta.
Madaxaweynaha Jamhuuriyadda ayaa ka codsaday Golaha Shacabka in ay meel mariyaan 15 hindise sharciyeed oo ay Xukuumadda hor keeni doonto Golaha inta uu socdo kalfadhigan si loo dardargeliyo hawlaha qaranka.

Madaxweynaha oo ka hadlaya heshiiskii Dekedda Berbera ayaa sheegay in dastuurka dalka qodobkiisa 7aad, Faqrooyinkiisa 2aad, 4aad iyo 5aad uu dhigayo ilaalinta madax bannaanida iyo midnimada Jamhuuriyadda.

Waxa uu tilmaamay in heshiiska Dekedda Berbera uu ka horreeyey doorashadii 8da Febraayo ee sanadkan, isaga oo intaas raaciyay in xog dhameytiran lala wadaagi doono Golaha Shacabka iyo hay’adaha kale ee ay khuseyso.

DHAMMAAD

Eng Cabdi Canshuur Xasan “maalin walba 10 Milyan oo khasaare ah ayaa ka dhasha maqnaashaha Internet-ka”

0

Dowladda Soomaaliya ayaa xaqiijiyey in khasaare lixaad leh uu ka dhashay maqnaanshaha Internet-ka Soomaaliya.

muddo ka badan laba toddobaad ayuu guud ahaan gobollada Koonfurta Soomaaliya ka maqan yahay adeegga Internet-ka Viper Optic kaddib markii uu markab jiiray xargaha soo qaada adeeggaas.

adeegga Viper Optic-ga ayaa ka qeyb-qaata dhammaan howlaha hey’adaha dowladda, shirkadaha gaarka ah iyo isku xirka Soomaalida iyo dunida inteeda kale.

Wasiirka Boostada Isgaarsiinta & Tiknoolajiyada Soomaaliya, mudane  Eng Cabdi Canshuur Xasan oo wareysi siiyey SNTV, ayaa yiri “khasaaraha ka dhashay maqnaanshaha Internet-ka waxa uu uu gaarayaa cel celis ahaan maalin walba in la khasaaro 10 Milyan oo Dollar, mudada uu  maqan yahayna ay kor u dhaafeyso 130, Milyan waa musoobo  weyn arrintaas waxaana ku howlanahay inaan soo gaabinno mudada  uu adeegga Internet-ka sii maqnaan karo”.

Wasiirka Boostada  Eng Cabdi Canshuur Xasan ayaa sheegay in uu Viper Optic isku xiro laga soo bilaabo Gaalkacyo ilaa Dhoobleey Soomaaliya, sidoo kale waxa uu tilmamay in hal Xarig oo kaliyah uu yimaado dalka, taasna ay tahay sababta xaaladdaan keentay, laakiin shirkadda Dalcom oo masuul ka ah adeegga Viper Optic-ga ay kala hadleen sidii looga gaashaaman lahaa in sidaan oo kale ay dib u dhacdo, taas oo keeni karta khasaare ka weyn midka hadda ka dhashay.

“sababaha xoojiyey in xitaa la waayey back-up in ay tahay sharci la’aanta dalka ka jirta, waxaan  22-kii bishii June golaha wasiirrada geynay sharciga Isgaarsiinta oo ay si akhbaliyad leh ku ogollaadeen, Barlamaanka Soomaaliyeed ee labada aqal waxaan si sharaf leh uga codsanayaa  in deg deg ah ay noogu ansixiyaan sharcigan oo meesha ka saari doona wax walba oo ka fog danaha bulshada Soomaaliyeed, isla markaana ogollaanaya ganacsiga xalaasha ah oo ay shirkadaha Soomaaliyeed dhan ku tartami  karaan, sidoo kale in meesha laga saaro sida sharci darrada ah ee oo dhaco mar walba hantida shacabka gaar ahaan arrimaga Isgaarsiinta, wasaaradduna ay sii wadi doonto dedaalladeeda” ayuu yiri wasiirka Boostada, Isgaarsiinta & Tiknoolajiyada Soomaaliya.

ugu dambeyn  Eng Cabdi Canshuur Xasan ayaa xaqiijiyey in toddobaadkaan lagu guuleysan doono cillad bixinta Interter-ka oo uu yimid markabkii ka shaqeyn lahaa, rajo weynna ay ka qabaan in ugu dambeyn Jimcaha soo socda si dhammeystiran loogu guuleyto  xallinta Internet-ka.

 

 

Mareykanka: Xaflad loo qabtay arday dhameysatay Waxbarashada Dugsiyada sare

0

Sanad walba xilligan oo kale waxaa magaalada Columbus Ohio ee dalkan Mareykanka lagu qabtaa xaflad loogu tala galay ardayda dhammaysatay dugsiyada Sare iyo kulliyadaha kala geddisan ee gobolka Ohio.

Xafladdan oo ay qeybaha bulashada, madaxda gobolka iyo ardayda intuba ka soo qeybgaleen waxaa soo abaabulay isla markaana soo waday mudo 9 sano ah Hay’ada SomaliCAN, oo ah hay’ad u adeegta bulshada, waxaana laf dhabar u ah Prof. Jibril Mohamed iyo Wasiirkii hore ee waxbarashada Soomaaliya Dr. Abdinur Sh. Mohamed.

Intii ay socotay xafladan dhiirigalinta ah waxaa ka hadlay mas,uuliyiin, waalidiin, Macallimiin, Aqoonyahanno, culumo, iyo dad waxbadan ku soo jiray waxbarashada kuwaas oo ardayda Soomaaliyeed ku dhiirri-galinayay in ay sii laba jibbaaraan dadaalkooda isla markaana ay gaaraan yoolka noloshooda oo ku xiran ka mira dhalinta dadaalka ay soo billaabeen.

Waxaa goobta ka hadlay  qaar ka mid ah madaxda dowladda gobolka Ohio, iyo madax ka socotay  heer qaran  Waxana markii ay tilmaamayeen Ahmiyadda Aqoonta ay muujiyeen in aqoonta lagu gaaro himilo walba oo aad ku taamayso.

Doorka waliidiinta Soomaaliyeed ayaa lagu tilmaamay mid aan qarsoomi karin iyada oo loo mahad celiyay waalid walba oo ubadkiisa gaarsiiyay meel uu ka sii soconkaro.Waxaana Hadiyado muhiim ah la guddoonsiiyay walidiinta ardaydoodu dhammaysatay waxbarashada.

Dhallinyarada Soomaaliyeed ee ka soo qeyb gasha xafladan sanad walba la qabto  waxa ay ka helaan deeqo waxbarasho iyo dhiiranaan ay ku sii wataan waxbarashadooda. Deeqaha waxbarasho waxaa gacan weyn ka geysta qareennada Flickinger Legal Group oo muddo dheer la shaqaynayay bulshada Soomaaliyeed.

Taageerada iyo deeqaha waxbarasho ee ardaydan la siiyay waxaa gacan ka geystan meherado Soomaaliyeed iyo kuwo Soomaalida la shaqeeya oo ay ka mid yihiin:

Flickinger Legal Group, Fifth Third Bank, Focus, FCCS, CareSource, Columbus CRC, OSU AAAS, the Buckeye Ranch, Zenith Academy, OSU Social Work, Denison University, Hiiraan Online, Midnimo Middle, Columbus Zoo, United Way, MAS, Twinkle Star, Enhanced, Khadra, Soofe, Abdinur, SomaliCAN, SSA, OSU Somali Studies Program.

Barnaamijka qalinjebinta iyo deeqaha waxbarashada Ohio ayaa loogu talagalay in lagu muujiyo dedaalka dheeriga ah ee ardayda iyo waaliddiinta Soomaaliyeed ka sameeyaan dhanka waxbarashada.

Xafladda qalinv jebinta ayaa ku soo dhammaatay farxad iyo rayrayn iyada oo waaliddiinta iyo madaxda bulshadu hambalyo iyo bogaadin u jeediyeen ardayda ku guulaysatay deeqaha waxbarasho iyo dhammaan ardayda ka baxday dugsiyada sare iyo jaamacadaha Ohio sannadkan 2017