Wasiir Xoosh iyo wafdigiisa oo la kulmay Madaxweyne Shariif Xasan

Date:

Wafdiga uu hogaaminayo Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiraxamaan Xoosh Jibriil ee ku sugan magaalada Baydhabo ayaa maanta la kulmay Madaxweynaha Dawlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Shariif Xasan Sheekh Aadan iyaga oo uga warbixiyay hawlgalka ay u joogaan Baydhabo.

AVV Cabdi Xoosh ayaa ugu horeeyn uga mahadceliyay Madaxweynaha sida wanaagsan ee loogu soo dhaweeyay Baydhabo kadibna warbixin ka siiyay hawsha ay u imaadeen Koonfur Galbeed.

“Aad ayaan Mudane Madaxweyne kaaga mahadcelinayaa sida aad noogu soo dhaweeyseen Baydhabo, hawsha aan u nimid waxa ay ahayd in aan madaxda iyo shacabka Koonfur Galbeed aan ka talo gelino Qorshaha Guud ee hannaanka dib-u-eegsita Dastuurka; runtii aad ayaan ugu qanacnay talooyinkii wanaagsanaa ee ay na la wadaageen bulshadii iyo madaxdii kale ee aan la kulannay” ayuu yiri Wasiir Xoosh.

Dhanka kale Madaxweyne Shariif Xasan ayaa soo dhaweeyay hawsha ay Wasaaradda wado isaga oo u ballanqaaday in maamulkiisu ay ka shaqeyn doonaan sidii Geedi-socodka taariikhiga ah ee dib-u-eegsita Dastuurka uu guul ugu soo dhamaan lahaa.

Ugu dambeyn, safar howleedkii Wafdiga Wasiir Cabdi Xoosh ee Baydhabo ayaa guul ku soo dhamaaday, iyaga oo maalmaha soo socda u safri doona caasimadaha kale ee dawlad goboleedyada.

—–DHAMAAD—–

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Jaamacadda Ummadda iyo Jaamacadda Ruwaanda oo kala saxiixday heshiis lagu xoojinayo dhinacyada waxbarashada

Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed (JUS) iyo Jaamacadda Ruwaanda (University of...

TALIYAHA CIIDANKA XDS OO SHIR GUDDOOMIYAY SHIRKA SUBAXLAHA EE TALISKA GUUD EE CIIDANKA

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), S/Guuto Ibraahim Maxamed...

Safiirka JFS ee Dalka Liibiya oo laga guddoomay warqadaha aqoonsiga danjirenimo

Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Liibiya, Mudane Cabdifataax...

Madaxweynaha Hirshabeelle oo Jowhar Casho Sharaf ugu Sameeyay Saxafiyiinta iyo Hobollada Qaranka Waaberi

Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle, Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe),...