Maleeshiyada Al-Shabaab oo badeeco ganacsi ku gubey duledka degmada Waajid ee gobolka Bokool.

Date:

Wararka ka imaanaya gobolka Bokool ayaa sheegaya in maleeshiyaad katirsan argigixisada Alshabaab ay gubeen badeeco u rarneyd ganacsato Soomaaliyeed taasi oo loo waday degmada Waajid ee gobolka Bokool.

Badeecadan ganacsi oo ay debka qabad siiyeen koxda Shabaab ayaa laga keeney magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay waxaana loo wadey deegaanada gobolka Bokool.

Wariyaha warbaahinta qaranka ee gobolka Bokool Max’ed Xasan C/raxmaan ayaa ku soo waramaya in falkaasi uu ka dhacay deegaanka Doon-Fuul oo qayaas ahaantii 25 ilaa 30 KM dhanka Galbeed kaga beegan magaalada Waajid ee gobolka Bokool.

Argigixisada Shabaab ayaa jir dil u geystay mid kamid ah dadkii la socoday badeecadaasi agancsi oo saarneyd kareetooyin kaasi oo weli gacanta ugu jira maleeshiaydaasi Shabaab, waxaana halkaasi ka baxsaday ganacsatadii kale oo la socotay.

Wakaaladda wararka Soomaaliyeed ee SONNA ayaa xiriir kala sameysay maamulka gobolka iyo saraakiisha balse, weli wax war ah kama helin.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Safiirka JFS ee Shiinaha oo la kulantay howlwadeeno ka tirsan DF

Danjiraha Soomaaliya ee Shiinaha oo Qaabishay Saraakiil Dowladeed ayaa...

Soomaaliya oo saxiixday heshiisyo caalami ah

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa saxiixday heshiisyo Caalami ah kuwaas...

Arday Soomaaliyeed oo ka qalin jabisay Jaamacadda Turkiye ee Ostim Teknik

U qeybsanaha Wasaaradda Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta sare ee...

Sidee buu iskaashiga BRICS u qaabeynayaa Mustaqbalka Afrika? (WARBIXIN)

Qormadaani waxa aan si qoto dheer ah ugu hadli...