Home Blog Page 1635

Madaxda Qaranka oo ka qaybgalay Xuska 26-ka June oo ka dhacday Muqdisho

0

Munaasabad Balaaran oo loogu dabaal dagayay Xuska 26-ka June ayaa ka dhacday Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar, waxaana ka qaybgalay qaar ka mid ah Madaxda Qaran iyo Marti sharaf badan,

Qaar ka mid ah dadka Soomaaliyeed ee Waaya jooga ah oo ka hadlay Munaasabadda ayaa sheekeeyay Taariikhada Halganka Soomaaliya, iyaga oo aad u xasuusiyay dadka ka soo qaybgalay munaasabadaan dadaalka dheer ee laga soo maray in la gaaro Soomaaliya oo xor ah.

Wasiirka Warfaafinta iyo Hanuuninta Dadweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Eng. C/rixmaan Cumar Cusmaan “Yariisow” ayaa ku hadlay Afka Guddiga Qaban qaabada Munaasabadaha Qaranka ayaa sheegay in shacabka iyo madaxda Qaranka oo isla socda ay u soo baxeen xuska 26-ka June oo ah markii xoriyada ay qaateen Gobalada Waqooyi ee dalka.

Wasiirka Warfaafinta Jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa sidoo kale si aad ah ugu mahadceliyay hay’adaha Ammaanka iyo Warbaahinta oo si wayn isaga xilsaaray Xuskaan oo aad ugu wayn Umadda Soomaaliyeed.

Guddoomiyaha Gobalka Banaadir Taabit Cabdi Maxamed ayaa asna 26-kii June Sanadkii 1960-kii inay ahayd maalin wayn oo dadka Soomaaliyeed ay ka hoos baxeen gumaystihii heestay Dalka.

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Soomaaliya Mudane Cabdi Xaashi Cabdulaahi ayaa tilmaamay in 26-June ay tahay maalintii Calan Soomaaliyeed ee Xor ah laga taago wadan Soomaaliyeed oo Xor ah.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaaliya Mudane Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa asna dhankiisa xusay Guushii la gaaray 26-kii June 1960-kii ay ku timid Halgan dheer oo Soomaaliya oo dhan ay ka qayb qaadatay.

“Halgankaasi dheer waxaan ka dhaxalnay labo Arrimood oo kala ah Farxad iyo Dhib, Farxadu waxay ahayd inaan helnay Xornimo weyn, laakiin Guul darada ayaa ah Barakac, Qaxooti iyo Burbur ay sababeen dagaaladii Sokeeye.” ayuu yiri Madaxweynaha jamhuuriyadda Soomaaliya.

Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa sheegay in maalintaan oo kale ay tahay maalin ku wayn dhammaan shacabka Soomaaliyeed wuxuuna Hambalyo u diray dhammaan umadda Soomaaliyeed Meel kasta oo ay joogaan.

Ugu danbayntii Calanka Quruxda Badan ee Jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa la saaray Xarunta Dowladda Hoose ee magaalada Muqdisho.

Madaxweyne Farmaajo oo maanta Ubax dhigay Taalada Daljirka Daahsoon

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa maanta Ubax Dhigay taalada Daljirka Daahsoon ee magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Ubax dhiga ka dib ayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda halkaas wuxuu kula hadlay boqolaal dadweyne ah oo isku soo baxay, wuxuuna sheegay in loo baahanyahay in Nabada iyo Midnimada laga wadashaqeeyo.

Mudane Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa sidoo kale tilmaamay in loo baahanyahay in loo midoobo sidii looga soo horjeesan lahaa dadka Nabada diidka ah ee doonaya inay kala qaybiyaan dadka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay in sanadkaan sanadkiisa uu rajaynayo in la gaaro Soomaaliya oo ku jirta Xaalad sidaan ka wanaagsan.

TOOS u Daawo Dabaaldaga Xuska 26-June oo hadda ka socda Muqdisho

0

Munaasabadda 26-ka June, markii ay xorriyadda qaateen gobllada waqooyi ee Soomaaliya

Δημοσιεύτηκε από Telefishinka Qaranka Soomaaliyeed στις Κυριακή, 25 Ιουνίου 2017

Madaxda Qaranka iyo boqollaal shacab ah oo salaadda ciidda Muqdisho ku wada dukaday

0

Madaxweynaha, Ra’iisul wasaaraha Duqa Muqdisho, wasiirro, saraakiil ka tirsan dowladd iyo boqollaal dadweynaha ayaa salaadda Ciidda maanta ku wada dukaday Masjidka Isbaheysiga Islaamka ee magaalada Muqdisho.

Dukadashada salaadda Ciidda kaddib madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa dadweynihii Masjidka yimid u jeediyey khubad, waxa uu ugu horreyn ugu hambalyeeyey  munaasabadda Ciidda guud ahaan shacabka Soomaaliyeed, waxa uu yiri madaxweynaha “dadka Soomaaliyeed waxaan ka codsanayaa in ay is caawiyaan maalmahan oo kale, gaar  ahaan dadka masaakiinta ah laga farxiyo oo ay nagala qeyb-qaataan farxadda ciidda, waxaan ku dedaaleynaa sidii aan u  xooin lahayn midnimada ummadda Soomaaliyeed”.

Sidoo kale madaxwyenaha ayaa shacabka Soomaaliyeed u jeediyey in ay xoojiyaan sidii ay u laba-laabi lahaayeen garab siinta ciidammada ammaanka maalmaha ciidda iyo maalmaha xorriyadda Qarankeenna, ciidanka ayuu kula dardaarmay in iyagana ay u naxariistaan shacabka oo si akhlaakh leh ula dhaqmaan meel walba oo ay joogaan.

 

Ra’iisul wasaare Kheyre oo wasaaradda Warfaafinta kula kulmay Fannaaniin Qurbaha ka timid

0

Ujeedada kulankaan ayaa ahaa sidii uu Raisul wasaaraha ugu dhiiri gelin lahaa iney xoojinyaan wacgalinta bulshada ee ku aadan fahansiinta qiimaha ay leedahay dowlnimada iyo nabada.

 Kulankaan oo mudo sacaado ah socoday ayaa raisul wasaaraha iyo faaniinta waxa ay isdhaafsadaan fikradaha ku aadan sida ay uga wada shaqeyn karaan dowlada iyo fanaaninta iyo dibo u dhiska tiyaaradka qaranka ee Magaaladda  Muqdisho  iyo qodob kale oo muhiim ah.

Mudane Xasan Cali kheyr Ra’isul Wasaaraha Xukuumadda Faderaalka Soomaaliya  ayaa  kulanka ka jeediya qudbad dheer uu kaga hadleyay ahmiyada ay u leeyihiin bulshaba Faniinta isaga oo xusay in ay shacabka Muqdisho aad ugu farxeen imaashaha faniinta ee Magaalada.

Faniinta la kulmay Ra’isul Wasaaraha Dalka ayaa muujiyey dareenkooda ku aadan sida ay ugu faraxsan yihiin kulanka ay la qaatay Ra’isul Wasaare Kheyre ayagoo u balanqaaday in ay taageero la garab istaagi doonaan Xukuumada Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaare Xasan Khayre “Waxaan rajaynayaa in farxadda ciiddu ay adkayso midnimada iyo walaaltinimada dadka Soomaaliyeed”

0

Muqdisho, 24 June 2017…..Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa dadka Soomaaliyeed iyo dhammaan shucuubta kale ee Muslimiinta adduunka ugu hambalyeeyey munaasibadda Islaamiga ah ee Ciidul Fidri. Mudane Xasan ayaa farriintan hambalyada ah ugu rajeeyey dadka Soomaaliyeed iney nabad ku ciidaan, kuna gaaraan ciidan ciideeda horumar, nabad, barwaaqo iyo midnimo.

“Waxaan halkaan hambalyo ku aaddan CiiddaFidriga uga soo jeedinayaa shacabka Soomalaiyeed meel kasta oo ay joogaan iyo dhammaan Muslimiinta adduunka. Waxaan dadka Soomaaliyeed ku leeyahay ku ciida nabad iyo farxad. Waxaan Illaah ka baryayaa in aynu ciiddan ciideeda ku gaarno, nabad iyo horumar.ayuu yiri R.Wasaare Khayre.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in Ciidan ay ku soo beegmeyso xilli horumar laga sameeyey amniga dalka gaar ahaan magaalada Caasimadda, Isla-markaana dadaalada geedi-socodka dawlad-dhisidda iyo nabad-dhisidda Soomaaliya ay marayaan meeshii ugu wanaagsanayd, iyadoo sannadba sannadka ka danbeeya uu dalku ka soo hagaagayo oo aan marna dib loo noqon doonin..

Mudane Xasan ayaa ugu baaqay dadka Soomaaliyeed inay Dawladda ku garab istaagaan dadaalka ay ugu jirto suggidda ammaanka Caasimadda isla markaana ay muujiyaan dulqaad lana shaqeeyaan ciidamadda u taagan sugidda amnigooda. Waxana uu dadkiisa xusuusiyey in danaha ummadeed ee aynu leenahay oo ay ugu muhiimsan yihiin adkaynta dawladnimadeena iyo midnimadeena ay u adeegayaan danaha dhammaan dadka Soomaaliyeed oo dhan, isla-markaana ay dadku qaataan nabadda, wax-wada-yeelashada iyo wada-noolaanshaha.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale ugu baaqay dadka nabadda diidan inay ka waantoobaan rabshadaha iyo daadinta dhiigga dadka Soomaaliyeed ee Muslimiinta ah, damacoodana ku raadiyaan jidka nabadda, wadahadalka iyo is-dhegeysiga. Mudane Xasan Cali Khayre waxa uu si gaar ah ula hadlay dhalinyarada Soomaaliyeed ee ay marin habaabiyeen kooxaha hubaysan ee baalmarsan qiyamka nabadeed ee diinta Islaamka, waxana uu ku boorriyey inay ka faa’iideystaan waqtiga ka haray cafiska ay Dawladdu u fidisay.

Ciid Mubaarak

DHAMMAAD

Sacuudiga oo fashiliyay weerar lala damacsanaa Masjidka Barakeysan ee Makka

0

Wasaaradda arrimaha gudaha ee dalka Sacuudi Carabiya ayaa sheegtay in ciidamada ammaanka ee dalkaasi ay fashiliyeen waxa ay ku tilmaameen argagixiso qorshaynaysay in ay bartilmaameedsadaan misaajidka barakaysan ee Makka.

Wasaarada arrimaha gudaha ee Sacuudi Carabiya ayaa sheegtay in dhisma uu ku jiray qofka weerarka fulin rabay ay ciidammada isku gadaameen kadibna uu is qarxiyay.

Dhismaha ayaa burburay waxaana ku dhaawacmay 11 qof oo ay ka mid yiihiin askar booliiska ka tirsan .

Shan qof oo mintidiin ah oo looga shakisan yahay weerarka ayaa xabsiga loo taxaabay sida ay sheegeen saraakiisha .

Malaayiin qof oo muslimiin ah oo ka kala yimid daafaha caalamka ayaa isgu soo uruuray magaalada Makka dhamaadka bisha Ramadan si ay u cumreystaan.

Saraakiisha Sacuudiga ma bixin faahfaahin ku aadan weerarkan la fashiliyay.

Sacuudi Carabiya ayaa sanooyiinkii u danbeeyay waxa soo maray weeraro is xig-xiga oo ay dad ku dhinteen , qaar badan oo ka mid ah weeraradan waxaa sheegtaay kooxda isku magacaawda Dowlada Islaamka.

Weerarada ayaa waxa inta badan lala bartilmaameedsaday dadka Shiicada ah ee looga tirda badan yahay dalkaasi iyo ciidammada ammaanka.

Bishii July 2016,afar ka tirsan ciidamada ammaanka ayaa lagu dilay weerar ismiidaamin ahaa oo lagu qaaday meel u dhaw masaajidka barakaysan ee Madiina.

XIGASHO:- BBC

Qaraxyo ay ku dhinteen dad ka badan 50 Qof oo ka dhacay Dalka Pakistan

0

Laba Qarax oo khasaare xoogan geystay ayaa ka dhacay laba gobol oo ka tirsan dalka Pakistan, sida ay sheegeen saraakiisha ammaanka dalkaasi.

Qaraxyadan ayaa ka kala dhacay gobol ku yaalla Koonfur Galbeed Pakistan oo lagu magacaabo Quetta, iyo gobolka kale ee Balochistan, waxaana loo adeegsaday Gawaari waxyaabaha Qarxa laga soo buuxiyay.

Inta la ogyahay Qaraxyadan ayaa waxaa ku dhimatay dad ka badan 50 Qof, halka dhaawucuna uu ka badan yahay 100 Qof, sida ay sheegeen saraakiisha caafimaadka ee tagay goobta uu Qaraxa ka dhacay.

Qaraxa labaad ayaa ka dhacay goob mashquul badan oo dadka ay ka iibsanayeen waxyaabaha loogu diyaar garoobo Ciida, taasi oo sababtay in dadweynaha ay dhigaan banaanbaxyo ay kaga soo horjeedaan weerarkan.

Dadka ku waxyeeloobay Qaraxydan oo aad u badan ayaa sababtay in Helicopter-o lagu daabulo dadka dhaawacyadooda halista ay yihiin, si loo gaarsiiyo isbitaalada waa weyn.

Saraakiisha laamaha ammaanka ayaa waxa ay sheegeen in ay wadaan baaritaano lagu raadinayo kooxdii ka dambeysay weerarkan, iyaga oo sidoo kale sheegay in ay ka cabsi qabaan khasaaraha ka dhashay Qaraxyadan in ay sii kordhaan.

Madaxweyne Farmaajo iyo Yoweri Museveni oo kulan gaar ah wada yeeshay

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo dhiggiisa dalka Uganda Mudane Yoweri Kaguta Museveni ayaa xalay kulan ku yeeshay magaalada Kampala. Madaxweynayaasha ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dal iyo iskaashiga dhinacyada amniga iyo dhaqaalaha.

Madaxweyne Farmaajo ayaa uga mahadceliyay dowladda iyo shacabka Uganda sida wanaagsan ee ay usoo dhaweeyeen qaxootiga Soomaaliyeed. Waxa uu sidoo kale xusay kaalinta aan marnaba la ilaawi karin ee ay Uganda ka geysatay nabad ilaalinta Soomaaliya.

Madaxweynaha Uganda ayaa dhankiisa bogaadiyay hoggaanka cusub ee Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dadaalka dheeriga ee ay kula dagaallamayaan musuqmaasuqa, nabadgalyo xumada iyo faqriga. Wuxuu ballan qaaday in dowladdiisu ay taageero walaaltinimo la garab taagantahay Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Waxyaabaha lagu lafo guray kulankan ayaa waxaa kamid ahaa in dowladda Uganda ay taageerto qorshaha ay dowladda Soomaaliya ku dooneyso in ay ku biirto Bulshada Bariga Afrika, oo uu haatan Guddoomiye u yahay Madaxweyne Museveni.

Waxaa la isla soo qaaday maxaabiista Soomaaliyeed ee ku jirtaa xabsiyada dalkan iyo sidii ay dowladda Uganda dib ugu eegi lahayd kiisaska loo haysto maxaabiistaas, xaaladaha cakiran ee ka jira gobolka, gaar ahaan Koonfurta Sudan iyo muran xuduudeedka soo cusboonaaday ee dowladaha Jabuuti iyo Eriteriya.

Labada Madaxweyne ayaa isku afgartay dhammaan qodobadii ay isla soo qaadeen.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda waxaa kulankan ku wehliyay Wasiirka Gaashaandhigga Mudane Cabdirashiid Cabdullaahi Maxamed, Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda Mudane Cabdulqaadir Axmed-Khayr Cabdi iyo Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Uganda Mudane Sayid Axmed Sheekh Daahir.

Duqa Muqdisho & wasiirka Warfaafinta oo soo xiray tartan cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka

0

Munaasabadda Xiritaanka Tartan Cilmiyeedka waxaa ka soo qeyb-galay wasiirka, Warfaafinta, Guddoomiyaha gobolka Benaadir ahna Duqa Muqdisho, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta, agaasimaha Radio Muqdisho & agaasimaha SNTV.

C/fataax Daahir Jeyte agaasimaha Radio Muqdisho, ayaa sheegay in guddiga tartanka ay masuuliyiinta wasaaradda iyo maamulka gobolka Benaadir u soo jeedinayaan in aqoontii lagu tartamay laga diyaariyo Buug, maadaama uu yahay Taariikh ayna wax badan  ka faa’idi doonan dhallinyarada Soomaaliyeed iyo Jiilka berri.

agaasimaha Telefishinka Qaranka Liibaan Cabdi Cali, ayaa boggaadiyey degmada Warta-nabadda ee tartankaan markii labaad oo xigta ku guuleysatay, sidoo kale degmada Dhahar ee gobolka Sanaag ayuu sheegay in ay muujiyeen dedaal aad u badan, isla markaana ay uga mahadcelinayaan sidii hamsamida lahayd ee ay tatranka uga qeybteen, kuna ammaanay natiijada ay kaalinta labaad ku galeen.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta, C/raxmaan Yuusuf Cumar Al-Cadaala ayaa labada degmo ee tartankii dhammaadka caawa ku ammaanay isdhexgalka iyo shaqada adag ee  ay u soo dhabar adeeggeen, waxa uu sheegay in tartrankaan uu socda sannadkii Toddobaad isla markaana uu qeyb weyn ka qaato isdhexgalka bulshada Soomaaliyeed ee ku nool gobollada dalka oo dhan, taasina ay tahay shaqada dhabta ah ee wasaaradsa Warfaafinta ayna sii wadi doonaan doorka Wacyigelinta ee bulshada gudaha iyo dibedda ku dhaqan.

Wasiirka Warfaafinta & Hannuunta Dadweyne Eng C/raxmaan Cumar Cismaan (Yariisow), ayaa hambalyo u jeediyey degmada Warta-nabadda ee ku guuleysatay tartan Cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka sannadkii labaad.

Wasiirka ayaa yiri “doorka wacyigelinta ee wasaaradda Warfaafinta waa midka isku keenna bulshada Soomaaliyeed, waxaan boggaadinayaa dhammaan degmooyinkii tartanka ka qeyb-galay, sidoo kale howl-wadeenna warbaahinta Qaranka ee u soo dhabar adeegay soddonkii maalmood & habeen  iyo diyaarintii ka horreysay ee tartanka, waxaan maamulka gobolka Benaadir uga mahadcelinayaa sida uu mar walba  u garab taagan yahay warbaahinta Soomaaliyeed gaar ahaan warbaahinta Qaranka, annagana waxa  naga go’an inaan si joogta ah u soo bandhigno horumarka iyo guulaha gobolka Benaadir.

ugu dambeyn munaasabadda waxaa soo xiray guddoomiyaha gobolka Benaadir ahna Duqa Muqdisho Thabit Cabdi Maxamed oo yiri ” waxaan hambalyo leeyahay degmada Warta-nabadda oo guul lagu faani karo soo hoydey, sidoo kale walaalahood degmada Dhahar waxa ay iyaguna muujiyeen dedaal iyo fir-fircooni Soomaalinimo ay ku jirto, halkaas in ay ka sii wadaan dedaalkooda ayaan ku dhiiragelinayaa”.

Duqa Muqdisho ayaa uga tacsiyeeyey shacabka Soomaaliyeed dhacdooyinkii Amni darro ee Muqdisho ka dhacay toddbaadkaan dhibaatadii ka soo gaartay, waxa uu mar kale ugu baaqay shacabka caasimadda in ay sii laba-laabaan garab istaagidda ciidammada ku howlan sugidda amnigooda, maamulka gobolka Benaadirna uusan ka daali doonin sidii loo dardargelin lahaa nabadda iyo xasillinta Muqdisho.

Guddoomiye Thabit, ayaa sheegay in uu xiran yahay tartan cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka ee uu maamulka gobolka Benaadir taabagalinayey sannadkii Lixaad oo is xiga.