Xildhibaanad Maryan Cabdi Geedi oo ka mid ah xildhibaanada qaranka Soomaaliyeed oo dhawaan soo gaartay magaalada Columbus Ohio ee Dalka Mareykanka ayaa waxa ay kulan xogwaran iyo dhiirogalin isugu jira la qaadatay haweeka Soomaaliyeed ee Columbus.
Xildhibaanad Maryan Cabdi Geedi oo la kulantay qaar ka mid ah Haweenka ku nool Maraykanka
Mukhtaar Rooboow & Al-shabaab waa laba is diiddey (War-bixin)
Kooxda Al-Shabaab saddexdii sanno ee u dambeysay waxaa ku dhacay burbur siyaasadeed iyo mid hoggaaminneed ama ciidan kaddib dilkii hogggaamiyahoodii Axmed Godane oo dhacay bishii September ee sannadkii 2014-kii, kooxda ayaa qiratay dilka Mukhtaar C/raxmaan Abuu Zubeyr oo magaciisu ahaa (Axmed Godane ) isla bishii uu dilka dhacay
Godane waxaa dilkiisa ka hor uu hormuud ka ahaa ragga Al-Shabaab horjoogeyaasha ka ah ee Mareykanka uu madaxooda lacago badan dul dhgigay bishii June ee sannadkii 2012-ka, markii Milatari ahaan kooxda looga adkaadey dagaalladii ay la galeen ciidammada dowladda iyo AMISOM waxa ay bilaabeen in ay ka xeeladeystaan deegaannadii gacantooda ka baxay halka goobaha qaar xoog looga saaray.
Godane waxa uu qorsheeyey in uu khaarajiyo raggii isaga ku xigay, kuwaas oo uu u arkay in ay marin-habaabiyeen qorshihii uga degnaa dagaalladii lagu jabiyey, raggaas waxaa ka mid ahaa Ibraahim Afghan, Mukhtaar Rooboow, Xasan Daahir Aweys oo hadda ku jira gacanta dowladda Soomaaliya & Sakariye Ismaaciil Xirsi oo xiligaas ahaa madaxii Sirdoonka laakiin hadda aan ka tirsaneyn Al-Shabaab iyo kuwa kale oo badan si uu u badello ahaadiiftiisii ku aaddaneyd in uu ku sii wado dagaallada argagixiso ee Soomaaliya, maadaama awood ahaan kooxdu ku fashilantay damaceedii ahaa in Soomaaliya ay ka dhigaan dal saldhig u ah argagixisada.
Sawirka saxda ah ee Godane
Haddii aan soo qaadanno hadalkii Sakariye Ismaaciil Xirsi uu jeediyey 2014-kii markii uu la midoobey dowladda Federaalka Soomaaliya, waxa uu yiri “Al-shabaab waa koox diin laaweyaal ah oo doonaya in ay sii lumiyaan mustaqbalka dalkeenna, isla markaana ka fog siyaasad iyo Diin sax ah intaba, laakiin waxaan ugu baaqayaa in ay joojiyaan dagaalladaas fool xumada ah dadka Soomaaliyeedna waxaa looga baahan yahay in ay fahamaan oo ay meel uga soo wada jeestaan kooxdaan caaddeysatay dhibaateynta ummadda Soomaaliyeed” , waxaa ka muuqdey in uu bixiyey xogta sax ah ee ah in Al-shabaab aysan aheyn koox danaha Soomaali u socota ee ay yihiin argagixiso.
Waxaa jiray qorsheyaal ay kooxda dhexdeeda u malleegeen rag saraakiil iyaga ka tirsanaa oo si qorsheysanna loo dilay ugu dambeyn, Ibraahim Jaamac Meecaad (Ibraahim Afghan), oo kooxda dhexdeeda looga yaqaan Al-Zeylici ayaa ka mid ah raggii uu dilay Godane geeridiisii ka hor, waxaa halkaas ka muuqdey inaan kala fahamno u jeedooyinka fog ee Godane in ay ahaayeen ka takhlusidda cid walba oo fahmi karta shriqoolladiisii u degnaa.
Muddo kaddib Mukhtaar Rooboow Cali Cabdi Mareyle (Abuu Mansuur) ayaa gooni isu taag ka noqdey kooxda laga soo bilaabo sannadkii 2013-kii, laakiin ma bixin faah-faahin ku aaddaneyd sababaha keenay in uu ka dhex-marnaado kooxda, mana sheegin in uu ka laabtay fikirka Al-shabaab, xog-ogollaaleyaal ayaa xaqiijiyey in uu sii culasaadey khilaaf xooggan uu dhaxeeyey horjoogeyaasha kooxda Al-Shabaab.
Ragga ka cararay inta anan la dilin Axmed Godane waxaa ka mid ah
1-Mukhtaar Rooboow Cali Cabdi Mareyle (Abuu-mansuur)
2-Xasan Daahir Aweys
3-Fu’aad Maxamed Khalaf (Shongale)
4-Abuu-mansuur Al-amriiki oo asal ahaan ka soo jeeda Mareykanka. Al-shabaab in ay dishayna lagu sheegay
5-Ibraahim Jaamac Meecaad (Ibraahim Afghan), oo Shabaab ay dileen & rag kale oo badan
Maxay aheyd sababta Mukhtaar Rooboow uga fogaadey Al-Shabaab
Xog la helay ayaa muujineysa in uu ka war helay dil loo qorsheeyey si loo marsiiyo waddadii lagu dilay rag saaxiibadiisa ahaa oo ay Al-Shabaab ka wada tirsanaayeen, Al-shabaab waxa ay rumeysnaayeen in ay xal ka gaari doonaan arrinta Rooboow in ay gacanta ku dhigaan ama ay khaarajiyaan ugu dambeyn, laakiin umma suuragelin Rooboow waxa uu heystaa cudud ciidan oo garab u ah, isaga oo deegaan ahaan u soo carraabbay deegaanka la yiraahdo “Baan” oo ka tirsan tuulada Abal, isla markaana 18,km u jirta degmada Xudur ee xarunta gobolka Bakool.
Dadka qaar waxa ay si aad u aaminsannaayeen in Rooboow uu u muuqdey mid ka aragti duwan horjoogeyaasha Al-shabaab, suuragalna ay tahay in ugu dambeyn uu iyaga dagaal kala hortago ama uu gebi-ahaanba isaga baxo kooxda, saadaalin la sameeyey ayaa muujineysa in cel celis ahaan ay dhab ku dhowdahay arrintaas oo Mukhtaar Rooboow uu kooxda isaga bixi doono.
Mareykanka & Rooboow
Toddobaad ka hor dowladda Mareykanka ayaa shaacisay in liiska raga argagixisada laga saaray Abuu-mansuur Rooboow, Waaxda Gaashaandhigga Mareykanka faah-faahin kama bixin go’aanka ay shaaciyeen ee Rooboow lagu cafiyey
Maxaa ku soo beegay go’aanka Mareykanka xiligaan.
1-Inkastoo Mareykanka faah-faahin dheeri ah uusan bixin, waxaa la xuuraansadey in ay jiraan xiriirro aan toos aheyn oo u dhaxeeyay hey’adaha Sirdoonka Soomaaliya, Mareykanka & Rooboow, kuna aaddan sidii xal looga gaari lahaa dammaanadda amnigiisa nafeed, maadaama deegaanka uu ku sugan yahay ay in muddo ahba Al-Shabaab qorsheynayeen in ku soo dilaan, go’doonna uu ku yahay halkaasi, laakin Mareykanku uu fursad diblomaasiyaddeysan u arkay qorshaha Al-shabaab ee ku wajahan Rooboow, ayna sax tahay in laga faa’ideysto.
2-in dagaalka Argagixiso ee Soomaaliya aan lagu xallin awood Milatari oo Kaliyah, loona baahan yahay mid diblomaasiyaddeed in lagu baddelo aragtida rag Al-shabaab ka tirsan.
3-in laga faa’ideysto fursadaha saraakiisha sare ee Al-shabaab ay ula midoobi karaan dowladda Soomaaliya, taasna ay waddo muhiim ah u tahay soo afjaridda jiritaanka kooxda Al-shabaab.
Mareykanka ayaa Soomaaliya ka taageera dhinaca ciidammada iyo hey’adaha Sirdoonka, sidaa darteed waxaa suurogal ah in hey’adaha Mukhaabaraadka ay soo gudbiyeen xog ah in ay jiraan fursado qaali ah oo sheegaya rag fikradda Al-shabaab ay la dheeraatay laakiin aan si dhab ah u rumeysneyn kooxda maadaama ay gaari waayeen siyaasaddii loogu sheekeeyey ee aheyd Soomaaliya dhan ayaad xukummi doontaan, taasna aysan suuroobi karin xiligaan la joogo oo ay Soomaaliya ka jirto dowlad ciidan heysata caalamkuna uu taageersan yahay.
Macluumaadkii ugu dambeeyey ee la helay ayaa sheegaya in ciidammo ka tirsan dowladda Soomaaliya oo ku sugan deegaannada Koonfur galbeed loo diray deegaanka Baano oo ka tirsan tuulada Abal, taas oo hoostagta degmada Xudur, waa halka uu ku sugan yahay Mukhtaar Rooboow Cali Cabdi Mareyle (Abuu Mansuur), dhinaca kalena ay Al-shabaab wadaan isku dayo ay dagaal kala hortagaan Rooboow.
Sargaal ka tirsan Sirdoonka Mareykanka ayaa horey looga soo xigtay “Soomaaliya burburkeed dowlad la’aan waxaa sii xoojiyey in Al-shabaab oo argagixiso ah ay uga biiraan rag uu mid ahaa Axmed Godane sababtuna ay tahay falsafadaha hoggaaminneed ee uu dhinaca qaloocan u weeciyey haddii uu Qarannimo u baddeli lahaa guulo Soomaaliyeed bey noqon lahaayeen, laakiin rag aanan muuqan baa fikradaha khaldan iska diidi doona muddo dhow oo uu gabbalka sii dhacayo”.
Waxaan sugi doonnaa sida ugu habboon ee ay dowladda Federaalka ula mtacaamusho arrintaan taagan, amniga Soomaaliyana qeyb weyn ka quseysa. laakiin waxaan u arkay in aysan ku habbooneyn ka hor-dhicidda ama saadaalinta qorsaha dowladda Federaalka Sooamaliya ee arrintaan la xiriirta, lagana war dhowro sida soo socota.
War-bixintaan W/D Feysal Muuse
Ra’iisul Wasaare Khayre oo Xafiiskiisa ku qaabilay Wasiirka Arrimaha Dibedda Norwey.
|
Muqdisho, 29 June 2017…..Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Wasiirka Arrimaha Arrimaha Dibedda Norwey Børge Brende iyo wafdi uu horkacayo oo maanta booqasho ku yimid magaalada Muqdisho, iyagoo kawada hadlay xiriirka u dhexeeya labada dal iyo taageerada Norway ee dib-u-dhiska Soomaaliya. Waxana kulanka goob-joog ka ahaa Wasiirka Arrimaha Dibedda Soomaaliya iyo Wasiiru dawlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha. Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa soo dhoweeyay sida ay dawladda Norway xilligan ugu heelan tahay inay gacan ka gaysato dadaallada lagu xasilinayo dalka iyo sidoo kale dhismaha dawladnimada Soomaaliya oo maraya meel aad muhiim u ah. Wuxuna tilmaamay in guullo wax ku ool ah laga gaaray dhowrkii bilood ee la soo dhaafay arrimaha mudnaanta sare u leh dawladda. “Booqashada uu noogu yimid Wasiirka Arrimaha Dibedda Norwey, waxay cadeynaysaa horumarka ballaaran ee la sameeyey afartii bilood ee la soo dhaafay oo sii jiitay indhaha caalamka, waxaan isla soo qaadnay arrimo muhiim ah oo wax tar u leh dalkeena, iyaguna waxay qireen in Soomaaliya ay u heelan tahay sidii ay uga faaiideysan lahayd taageerada uu caalamku siiyo”ayuu yiri R.W Khayre. Wasiirka Arrimaha Dibedda Norwey Børge Brende ayaa dhankiisa ka mahadceliyey sidii wanaagsaneyn ee loogu soo dhoweeyay Soomaaliya iyo sidii loo sii xoojin lahaa xiriirka labada dal. Wuxuna tilmaamay in Soomaaliya ay sameysay horumar baxaad leh 4tii bilood ee la soo dhaafay, isla markaana loo baahan yahay in lasii adkeeyo. Waxana uu intaasi raaciyey in dalkiisu sii wadi doono taageerada dhinacyada kala duwan ee uu siiyo Soomaaliya, gaar ahaan arrimaha amniga dib-u-heshiisiinta iyo dhismaha hay’adaha dawladda. Dhanka kale. Wasiirka Arrimaha Dibedda Norwey ayaa kulan sharafeed la qaatay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. DHAMMAAD |
Ra’iisul Wasaaraha oo shir guddoomiyey kulanka guddiga Amniga Badaha.
Muqdisho, 28 June 2017—-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa shir guddoomiyey kulanka guddiga amniga Badaha, kaas oo looga hadlayay arrimo dhowr ah oo la xiriira badaheena. Guddigan ayaa waxaa loo sameeyey in xiriir joogto ah ay la yeeshaan hay’adaha kala duwan ee dawladda ee ka shaqeeya arrimaha badaha.
Waxana kulanka ka soo qeyb galay Wasaaradaha, Arrimaha Dibedda, Amniga, Maaliyadda, Gaashaandhigga, Kaluumeysiga, Caddaaladda iyo Xeer ilaaliyaha Qaranka oo dood dheer ka yeeshay qodobadii laga hadlayay.
Wasiirka Amniga Mudane Maxamed Abuukar Isloow (Ducaale) ayaa faah faahin ka bixiyey qaabka ugu haboon ee loo sugi karo amniga xeebaha dalkeena, isagoo tilmaamay muhiimadda ay leeyihiin ciidamadda Ilaalada xeebaha oo hadda qorshuhu yahay in la hoos geeyo Wasaaradda Amniga, maadaama ay xiligii hore ay hoostagi jireen Wasaaradda Gaashaandhigga ciidamadani.
Wasiiirka Kalluumaysiga iyo Khayraadka badda dawladda Federaalka Soomaaliya C/raxman Maxamed Cabdi Xaashi ayaa faah faahin ka bixiyey sida ay ku bilowdeen kuna dhamaadeen shirarkii looga hadlayay wadaagga kheyraadka dalka ee u dhexeeyay Wasaaradda iyo wasaaradaha maamul gobolleedyada, gaar ahaan shir saddex cisho uga socday maamullada iyo Wasaaradda oo arrimahaas looga hadlayay, wuxuna xusay in Wasaaraddu ay joogteyn doonto wada xaajoodka u dhexeya labada dhinac si loo gaaro heshiis loo dhan yahay.
Ugu danbeyn, Ra’iisul Wasaaraha ayaa kula dar-daarmay guddiga in la sameeyo qorshe cad oo loo marayo arrimaha badaheena, isla markaana cid waliba oo quseyso arrintani lala fariisto si qodobada ka soo baxaya shirarka u noqdaan kuwa leh aragti fog.
“Badda Soomaaliya Soomaaliya waxay dhacdaa goob istaraatiiji ah oo muhimad weyn ugu fadhida caalamka gaar ahaan marka laga hadlaayo ganacsiga, gaadiidka badda iyo siyaabo kale, waxaana dadka Soomaaliyeed idinka sugayaan inaad danahooda ka shaqeysaan oo tallaabo walba oo la qaadayo noqoto mid cad oo wax mugdi ah uusan ku jirin, dalkeenana loogana faaiideeyo kheyraadkaas”ayuu yiri R.Wasaare Xasan Cali Kheyre.
Kulanka ayaa waxaa sidoo kale ka hadlay Wasiirka Arrimaha Dibedda Mudane Yuusuf Garaad iyo qaar kamid ah Wasiiradda Maamul gobolleeyada qaar ee kulanka goob-joog ka ahaa oo dhamaantood ku dheeraaday muhiimadda uu dalkeena u leeyahay guddigani ka shaqeynaya Badaha Soomaaliya.
DHAMMAAD
Puntland oo Faah Faahisay Markab La Sheegay In Gantaal Lagula Qarxiyey Xeebta Caluula
Maxamed Axmed Caynab oo ah Guddoomiyaha gobolka ay ka tirsan tahay Caluula ee Puntland oo wareysi siiyey Radio Muqdisho Codka Jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa sheegay in dadka deegaanku ay kusoo war geliyeen in markab kuwa dagaalka ah oo taagnaa xeebta Caluula uu markab kale oo dagaal gantaal ku dhuftay ayaga oo taasi ka duulayana ay tageen goobta.
“waxaan tagnay goobta naloogu sheegay in markabka uu ku qarxay, dadku qaar waxeey kuu sheegayaan in markabka uu markab kale gantaal ku dhuftay oo halkaa uu ku quusay balse anagu goobta markii aan gaarnay maanta haba yaraatee kuma aynaan arag wax raad ah oo muujinaya in goobta markab lagu gubay iyo qasaaro kale toona”ayuu yiri Guddoomiye Maxamed Axmed Caynab.
“xeebta badda cas ma ahan sida xeebta badweynta India oo hadii uu markab ku quuso horey laga arkayo oo waa mool aad u dheer,markab quusayna sida alwaax horey lagama arkayo oo dusha sooma fuulayo wuu degayaa oo wuu quusayaa waxaan u baahannahay inaan si qoto dheer u baarno oo Punland ayaan ka codsanay wasaaradaheeda iney berrito soo diraan quburro quusta si hoos loo galo oo gunta loo ogaado, inta ka horeysana baaritaankaas la xaqiijin doono”ayuu hadalkiisa sii raaciyey.
Ugu dambeyntii waxa uu rajo ka muujiyey Guddoomiye Maxamed Axmed Caynab in berrito si dhab ah loo xaqiijiyo jiritaanka warkaasi balse hada aanay jirin xitaa maraakiibtii faraha badneyd ee dagaalka oo xeebaha Caluula joogi jiray in midkoodna aanay joogin.
Madaxweynaha Puntland oo Kaqayb Galay Xafladda Qalin Jebinta Ardayda Dugsida Sare Ee Ganbool
Madaxweynaha ayaa waxaa xafladda ku wehelinaayey Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Puntland Abshir Aw yuusuf Ciise iyo ku xigeenkiisa, masuuliyiin ka tirsan goloyaasha dawladda Puntland, saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland, ardayda iyo macalimiinta dugsiga Ganbool, waalidiin iyo marti sharaf kale.
Madaxweynaha Dawladda Puntland ayaa hambal iyo bogaadin u soo jeediyey ardayda qalin jebisey, maamulka iyo macalimiinta dugsiga Ganbool iyo sidoo kale waalidiinta ku soo tabcday ardaydaasi, waxaana uu ku dheeraaday muhiimadda ay leedahay waxbarashadu, Sidoo kale Madaxweynaha ayaa ardayda kula dardaarmay inay markasta ku dedaalaan sidii ay aqoon tooda usii kobcin lahaayeen, si ay mustaqbalka dhaw ugu faa’iideyaan aqoonta ay soo barteen dalkooda iyo dadkood, madaama ay yihiin jiilkii berito hogaanka u qaban lahaa dalka.
dhinaca kale Madaxweynaha oo ka hadlaya shaqooyinka iyo mihiimada ay leeyihiin yaa sheegay in shaqo kasta oo qofku qabtaa ay tahay sharaf (shariif) ama wax wanaagsan hanoqoto tan ugu liidata ee laqabto ama tan ugu mustawe saraysa.
Madaxweynaha Dawladda Puntland oo lahadlayey ardayda ayaa sheegay in qorshaha uga degan dawladda Al-shabaab uu yahay mid aan naxariisi ku jiren lana cidhib tirayo dhammaantood, isla markaana la karkarinayo lafahooda, mid midna loo ugaadhsan doono sida duurjoogta, waxaana uu hoosta ka xariiqay madaxweynuhu in ay Al-shabaab yihiin dabayl soconaysa oo dhaafaysa shacabka Soomaaliyeed.
Wasiirka Wasaaradda Waxbarasha iyo taliinta sare ee Dawladda Puntland Abshir aw. Yuusuf Ciise ayaa dhankiisa ardayda ku boqaadiyey in ay sii wataan waxbarashoododa, isla markaana ay ka midha madhilyaan himiladooda iyo tan waalinkoodaba, waxaana uu sheegay in dugsiga Ganbool uu ka qayb qaatay Gurmadkii abaara taasina ay tahay wax lagu bogaadiyo, sidoo kale wasiirka aya xusay in qofka beeralayda ahi uu ugu farxad badan yahay marka dalagu usoo go’, halka bahda waxbarashaduna ay farxadooda tahay marka ay soo baxaaan arday aqoon leh dhisan oo karti leh.
Ugu danbayn Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa Illahay uga baryey inuu ku badhitaaro dedaalka ay da’yartani ugu jirto inay ka guul gaadhan meesha ay himiladoodu tahay, waxaana uu marlabaad ugu hanbalyeyey guusha ay gaadheen.
–DHAMMAAD–
Madaxweynaha oo hambalyo u diray dowladda iyo shacabka Jabuuti
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa hambalyo ku aadan 40 guuradii ka soo wareegatay markii xornimada ay qaadatay Jabuuti u diray dowladda iyo shacabka reer Jabuuti.
Madaxweynaha ayaa sheegay in shacabka Soomaaliyeed ay farxada la qeybsanayaan walaalaha Jabuuti oo u dabaal dagayay maalintan qiimaha badan ee markii xornimada ka qaateen gumeystihii Faransiiska.
“Waxaan hambalyo u dirayaa dowladda iyo shacabka Jabuuti ee walaalaheena ah, oo u dabaal degaya maalintan qiimaha badan oo ah markii Xoriyadda ka qaateen gumeystihii Faransiiska”ayaa lagu yiri war qoraal ah oo uu soo saaray Madaxweynaha.
Sidoo kale Madaxweynaha ayaa dhambaal u diray dhiggiisa Jabuuti, isagoo ugu hambalyeeyay 40-guurada ka soo wareegatay maalinta Xornimada Jabuuti.
27 June sanadkii 1977 ayay aheyd markii Jabuuti ay xornimada ka qaadatay Gumeystihii Faransiiska, waxaana Soomaaliya ka mid aheyd wadamada ka qeyb qaatay, sidii Jabuuti ay u heli laheyd xornimada.
Shacabka Jabuuti oo maanta u dabaal dagaya sanadgurada 40-aad ee xornimada dalkaasi,
Dadka reer Jabuuti waxa ay kamid yihiin shucuubta Afrika ee halganka u soo galay sidii ay u noqon lahaayeen dad xor ah oo leh dowlad madax-bannaan,iyagoo ku guuleystay 27-kii Juun sanadkii 1977-dii in ay soo afjaraan gumeysigii Faransiiska oo dalkaasi maamulayey muddo ka badan 120-sano
Dhulka Jabuuti waxa uu kamid ahaa gobolada dhaca geeska frika ee Joqraafi ahaan iyaga iyo Soomaaliya la isku oranjiray Puntland (dhulkii udugga),waxaana dhamaadkii qarnigii 18-aad iyo bilowgii qarnigii 19-aad Faransiisku uu ula baxay magaca ah dhulka Faransiiska ee Somaliland ,halka sanadkii 1967-dii magacaasi uu u badalay dhulka Faransiiska ee Canfarta iyo Ciisaha, tobansano kadibna dadka reer Jabuuti ayaa u codeeyay madaxbanaani calaamad looga dhigay Jamhuuriyadda Jabuuti

Sanadihii 1839-1942-dii waa markii ugu horeysay ee gumeysiga Faransiiska uu sahan ku tagay dalka Jabuuti,isagoo ku andacooday in uu raadinaayo goobo uu ka fushado danahiisa ee dhinaca Xeebaha badda Cas ,wuxuuna Jabuuti ugu magac-daray dhulka Faransiiska ee Somaliland,kadib markii sanadihii 1869-1888-87-dii uu heshiis la galay odoyasha beelaha dalkaasi si ay ugu ogolaadaan in uu raaciyaddiisa ku ballaariyo gacankaTajura,halka uu gacanta ku hayey magaalooyinka Obokh,Dikhil iyo kuwo kale.
Gobolada Woqooyi iyo Koonfurta dalka Soomaaliya waxaa sidoo kale ka jiray gumeysi lamid ah kii Faransiiska ee xeebaha Jabuuti ,kaas oo ay horseed ka ahaayeen dalalka Ingiriiska iyo Talyaaniga,waxayna arimahaasi ay abuuureen in la yeeshi iska warqab .isla markaana la isu taago sidii meel looga soo wada jeesan ahaa quwadaha shisheeye ee geyiga u yimid in ay ka gurtaan kheyraadka dabiiciga ah.
Dhaq-dhaqaaqii xornimo doonka Soomaaliya ee ay garwadeenka ka ahaayeen dhallinyarada, waxaa islamarkiib ay ku baaheen dalka Jabuuti ,tallaabadaasina waxa ay sababtay in dhallinyaro.aqoonyahan iyo waxgarad kale ay u qummaan sidii looga hoo-sbixi lahaa maamulkii Faransiiska .
Sanadihii1958-dii dowladda Faransiiska oo taageero ka heysatay beelo dega dhulka Jabuuti iyo kuwo Soomaali ah oo daba-dhilif ah ,ayaa qabatay afti dadweyne oo kusaabsan in Jabuuti ay kusii jirto maamulkii Fransiiska iyo in ay qaataan madaxbannaani,waxaana arintaasi ay ku dhamaatay in dadka Jabuti ay ku sii jiraan maamulkaasi.
Codeynta aftidaasi,ayaa lagu tilmaamay in ay ku dhacday qaab kushubasho ah oo ay daneynayeen Faransiiska,waxayna arintaasi kallifatay in shacbiga Soomaaliyeed ay colaad iyo naceyb u qaadaan Dowladda ajanabiga ah ee Faransiiska.
Siyaasiyiinta badan oo uu kamid ahaa Maxamuud Xarbi ayaa
doonayey in Jabuuti ay la midowdo Soomaali,isagoo xilligaasi ahaa ku xigeenkii golaha xukuumadda ee maamulka dhulka Faransiiska,wuxuuna sanadkii 1960- ku dhintay shil diyaarad oo lagu micneeyay in uu ahaa shirqool ay maleegeen cadowga shisheeye.
Maxamuud Xarbi oo ahaa siyaasi jecel midowga dadka Soomaaliyeed,isla markaana ka horjeeday gumeysiigii caddaanka,waxaa dowladda Soomaaliya ee fadhigeedu aha magallada Muqdisho ay ku sharaftay in marxuumkaasi magaciisa loogu yeero mid kamid ah dugsiyada waxbarashada ee caasimadda Soomaaliya.
Cali Caarif Burhaan oo sanadihii 1960-1966-dii qabtay jagadaasi uu banneeyay marxuumkaasi,waxa uu ahaa nin neceb midowga dadka Soomaaliyeed,waxaana sanadahaasi magaalada Muqdisho iyo kuwo kale lagu qabtay bannaanbaxyo lid ku ah siyaasigaasi.
Walow ay jireen dhaqdhaqaaqyo ka horjeeday maamulkii Fransiiska sida Somali Pan,haddana sanadkii 1963-dii wixii ka dambeeyay waxaa xoogeystay kacdoonkii la magacbaxay xoreynta xeebaha jabuuti,taasina waxa ay dhalisay in dad badan ay naftooda,halka kuwo kale uu soo gaaray dhaawacyo naafeeyay xubno kamid ah jirkooda,waxaana intaa dheer kumanaan ruux oo laga masaafuriyay dalka Jabuuti iyo qaar kale oo laga buuxiyay xabsiyo gaar ah oo ay maamulayeen gumeysiga Faransiiska.
Inkastoo dadkaJabuuti ay jeclaayeen in ay ku soo biiraan Soomaali weyn ,haddana, Waxaaj iryay cabsi laga qabay dowladdii ay maamulka u hayeen ciidamada mileteriga e ku saleysnaa xukun keli talis ah iy arimo kale oo la xiriiray quwadaha shisheeye oo aan dooneyn in awoodda dadka Soomaaliyeed ay ku fiddo geeska Afrika,ayaa keentay in uu isbedel ku yimaado hankii ama hammigiil la doonayey in la gaaro.
Aftila qabtay 8-dii May 1977-dii dadka ree, waxa ay u codeeyay in ay doonayaan madax-bannaani,iyagoo bil kadib
27-kii June 1977-dii u dareeray doorashooyin uu ku soo baxay madaxweynihi i ugu horeeyay ee dalka Jabuuti Mudane Xasan Guuleed Abtidoon oo talada ka dagay sanadkii 1999-dii

Xafladdii caleemo saarka ee Madaxweyne Xasan Guuleed,waxaa dowladda Soomaaliya uga qeybgala Mudane Xuseen Kulmiye Afrax oo ahaa madaxweyne ku xigeenka iyo qaar kamid ah wasiradii xukuumaddii mileeriga ee dalka,waxayna shacbiga reer Jabuuti la qeybsadeen farxadda callan-saarka iyo munaasabadihii kale ee lagu maamuusay 27-ka Juun.

Sanadkii 1999-kii dalka Jabuuti waxaa lagu qabtay doorashooyin ku dhisan habka xisbiyada badan,waxaana ku soo baxay Mudame
Ismaaciil Cumar Geelle oo la tilmaamo in uu dalka gaarsiiyay horumar baaxad leh oo la taaban karo.
Haddaba maanta oo ah 27-ka Juun ee xuska sanadguurada 40-aad ee ka soo wareegatay markii dalka Jabuuti uu sandkii 19770dii xoriyaddiisa ka qaatay dalka Faransiiska,waxaa dabbaaldegyo iyo xaflado lagu maamuusaayo maalintaasi ay ka kala dhacayaan dalalka Soomaaliya iyo Jabuuti,kuwaas oo ay ka qeybgaleen madaxda iyo shacabka labada dal.
Munaasabadda 27-ka Juun oo sanadkiiba mar la qabto waxaa lagu soo bandhigaa halgankii ay dadka Jabuuti u soo galeen xoriyadda iyo sida loo sii xoojin karo howlaha ku aadan horumarka socda iyo kuwa la rajeynayo in la qabto mustaqbalka.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle ayaa dhambaal hambalyo ah oo ku aadan xuska munaasabadda sanadguurada 40-aad ee ka soowareegatay markii la helay xoriyadda dalka Jabuuti aawadeed u diray guud ahaan shacbiga Soomaaliya,gaar ahaan dadka reer Jabuuti ee ku kala nool gudaha dalka iyo dibadda.
Madaxweyne Ismaaciil oo xalay la hadlay dadka reer Jabuuti ayaa xusay halgankii dheeraa ee loo soo galay xoriyadda dalkaasi iyo guulihii ay ka soo hooyeen kacdoonadii lagu tuuray gumeysiga,wuxuuna u rajeeyay dadka reer Jabuuti in sanadkaan kiisa kale ay ku gaaraan barwaaqo iyo baraare.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/laahi Farmaajo iyo qaar kamid ah golaha xukuumadda iyo kan shacabka,ayaa iyaguna dhambaal hambalyo ah oo la mid ah kaa u diray shacabka iyo xukuumadda reer Jabuuti
DalkaJabuuti oo ah waddankii ugu dambeeyay ee xotiyad ka qaata mustacmiraddii Faransiiska ee qaaradda Afrika sanadkii 1977-dii waxa uu dhacaa Jugraafi ahaan dhul Istraatiiji ah oo kulaala badda Cas yo gacanka Cadmeed,islamarkaana xuduudo la leh dalalka Soomaaliya,Ereteriyai yo Iyoobiya

Dhowr iyo labaatankii sano ee u dambeeyay dalka Jabuuti waxa uu ku tallaabsaday horumar lixaad leh oo aysan gaarin Soomaalida kale oo lagu tilmaamo in uu ku yimid dib u dhac la mid ah sanadihii ay soo kabteen dadka reerJabuuti,waxana xilligaan ka muuqda dhismaha dekedo iyo waddooyin tareen
oo dalka soo gelin kara dhaqaalo badan oo wax ku ool ah.
WQ Shire Xasan Kulmiye
Qarax laga maqlay Markab marayay xeebaha Puntland
Wararka naga soo gaaraya xeebaha deegaanka Caluula ee Puntland ayaa sheegaya in Halkaas uu ku dagay Markab ka dib markii uu Qarax ka dhacay.
Dad goobjoogayaal ah ayaa sheegaya in Markankaan asaga oo Maraya xeebaha Puntland uu Qarax wayn ku dhacay ka dibna uu quusay Badda.
Ilaa iyo Hada lama halka laga leeyay Markabkaan iyo Waxa sababay Qaraxaan ka dhex dhacay.
Maamulka Puntland ayaanan wali wax war ah ka soo saarin arintaan.
Madaxweyne Farmaajo oo maanta Ubax dhigay Taalada Daljirka Daahsoon
Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa maanta Ubax Dhigay taalada Daljirka Daahsoon ee magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.
Ubax dhiga ka dib ayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda halkaas wuxuu kula hadlay boqolaal dadweyne ah oo isku soo baxay, wuxuuna sheegay in loo baahanyahay in Nabada iyo Midnimada laga wadashaqeeyo.
Mudane Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa sidoo kale tilmaamay in loo baahanyahay in loo midoobo sidii looga soo horjeesan lahaa dadka Nabada diidka ah ee doonaya inay kala qaybiyaan dadka Soomaaliyeed.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay in sanadkaan sanadkiisa uu rajaynayo in la gaaro Soomaaliya oo ku jirta Xaalad sidaan ka wanaagsan.



















