|
Muqdisho, Apriil 6.2017——Kulan aan caadi aheyn oo ay isugu yimaadeen Golaha Wasiirada ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya ee uu shir guddoominayay Ra’iisal Wasaaraha Xukuumada Mudane Xasan Cali Kheyre ayay ku ansixiyeen isbadal lagu sameeyey hogaanada Talisyada Ciidamada Xooga, Boliiska, Asluubta, Nabadsugida, iyo maamulka gobolka Banaadir. Ugu horeyn kulanka Golaha Wasiirada ayaa warbixin looga dhegeystay wasiirka amniga gudaha Mudane Maxamed Abuukar Islow Ducaale oo ka warbixiyay xaaladda amniga, isaga oo golaha u soo bandhigay qorsheyaal lagu sugayo amniga. Sidoo kale, kulanka ayaa warbixin looga dhegeystay Ra’iisal Wasaare kuxigeenka Mudane Mahdi Maxamed Guuleed oo madax u ahaa guddiga xil wareejinta Wasaaraddaha, waxaana uu xusay in inta badan Wasaaraddaha ay si habsami leh ugu kala wareejiyeen, isaga oo u mahadceliyay Wasiiradii hore oo si quman u wareejiyay xilalka Wasaaraddaha. Ra’iisal Wasaare Xasan Cali Kheyre oo golaha u soo bandhigay magacaabista Taliyeyaal cusub oo ciidanka Qalabka sida ay yeeshaan, waxaana dood iyo falan qeyn dheer kadib cod buuxda ku ansixiyeen Golaha Wasiiradu xubnahan hoos ku xusan. 1. Taliyaha Ciidanka Xoogga Jan. Maxamed Axmed Jimcaale Cirfiid Sidoo kale, Golaha Wasiirada ayaa ka dooday isbadal lagu sameeyo hogaanka maamulka gobolka Banaadir, dood dheer kadib waxa ay u codeeyeen in guddoomiyaha gobolka Baanaadir ahna duqa Muqdisho loo magacaabo Thaabit Cabdi Maxamed. Ansixinta kadib, ayaa waxaa shirka golaha Wasiirada ku soo biiray madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo), isaga oo uga mahadceliyay isbdalada iyo dardargelinta howlaha Qaranka ee ay wadaan golaha Xukuumada. Madaxweynaha ayaa xusay inuu kalsooni buuxda u hayo xubnahan la magacaabay ee hogaanka talisyada ciidanka, waxa uuna tilmaamay in wadanku wajahayo dagaal ka dhan ah kooxaha nabadiidka ah ee Al shabaab, Musuq maasuqa iyo Abaaraha. “Dalku waxa uu ku jiraa xaalad dagaal, waxaana dooneynaa in hadda kadib, kooxaha nabadiidka aanaan sugin inta ay shacabka Qarxinayaan oo ay dhibaateynayaan, waxaan rabnaa inaan anagu weerarno, goobaha ay joogaana ka sifeyno” ayuu yiri Madaxweynaha oo ka hadlayay kulanka golaha, waxa uuna shacabka ka codsaday inay garabsiiyaan ciidamada Qaranka. |
Golaha Wasiirada oo Ansixiyay Taliyaasha Cusub ee ciidanka Qalabka sida
Madaxweynaha oo iclaamiyay dagaal ka dhan ah argagixisada Al-Shabaab “SAWIRRO”
Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo ayaa iclamaiyay dagaal ka dhan ah kooxaha nabad diidka ah, si looga cirib tiro guud ahaan dalka.
Madaxweynaha oo Warbaahinta kula hadlayay xarunta Madaxtooyada Qaranka ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay la shaqeeyaan ciidamada amniga si looga dulqaado dhibta ay argagixisadu ku heyso shacabkeena.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo ayaa cafis u fidiyay wiilasha lagu qalday fikrika khaldan ee Al-qaacida.
Madaxweynaha ayaa hoosta ka xariiqay in dowladdu ay xoogga saareyso la dagaallanka nabad diidka, musuqmaasuqa iyo faqriga.


Golaha Wasiirrada oo isbaddel ku sameeyey hoggaanka ciidanka Qalabka sida iyo Maamulka G. Banaadir
Muqdisho, Apriil 6.2017——Kulan aan caadi aheyn oo ay isugu yimaadeen Golaha Wasiirada ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya ee uu shir guddoominayay Ra’iisal Wasaaraha Xukuumada Mudane Xasan Cali Kheyre ayay ku ansixiyeen isbadal lagu sameeyey hogaanada Talisyada Ciidamada Xooga, Boliiska, Asluubta, Nabadsugida, iyo maamulka gobolka Banaadir.
Ugu horeyn kulanka Golaha Wasiirada ayaa warbixin looga dhegeystay wasiirka amniga gudaha Mudane Maxamed Abuukar Islow Ducaale oo ka warbixiyay xaaladda amniga, isaga oo golaha u soo bandhigay qorsheyaal lagu sugayo amniga.
Sidoo kale, kulanka ayaa warbixin looga dhegeystay Ra’iisal Wasaare kuxigeenka Mudane Mahdi Maxamed Guuleed oo madax u ahaa guddiga xil wareejinta Wasaaraddaha, waxaana uu xusay in inta badan Wasaaraddaha ay si habsami leh ugu kala wareejiyeen, isaga oo u mahadceliyay Wasiiradii hore oo si quman u wareejiyay xilalka Wasaaraddaha.
Ra’iisal Wasaare Xasan Cali Kheyre oo golaha u soo bandhigay magacaabista Taliyeyaal cusub oo ciidanka Qalabka sida ay yeeshaan, waxaana dood iyo falan qeyn dheer kadib cod buuxda ku ansixiyeen Golaha Wasiiradu xubnahan hoos ku xusan.
1. Taliyaha Ciidanka Xoogga Jan. Maxamed Axmed Jimcaale Cirfiid
2. Taliyaha Hay’adda Nabadsugida C/llaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe
3. Taliyaha Ciidanka Boliiska Cabdixakiin Daahir Saciid (Saacid)
4. Taliyaha ciidanka Asluubta Jan. Xuseen Xasan Cismaan
Sidoo kale, Golaha Wasiirada ayaa ka dooday isbadal lagu sameeyo hogaanka maamulka gobolka Banaadir, dood dheer kadib waxa ay u codeeyeen in guddoomiyaha gobolka Baanaadir ahna duqa Muqdisho loo magacaabo Thaabit Cabdi Maxamed.
Ansixinta kadib, ayaa waxaa shirka golaha Wasiirada ku soo biiray madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo), isaga oo uga mahadceliyay isbdalada iyo dardargelinta howlaha Qaranka ee ay wadaan golaha Xukuumada.
Madaxweynaha ayaa xusay inuu kalsooni buuxda u hayo xubnahan la magacaabay ee hogaanka talisyada ciidanka, waxa uuna tilmaamay in wadanku wajahayo dagaal ka dhan ah kooxaha nabadiidka ah ee Al shabaab, Musuq maasuqa iyo Abaaraha.
“Dalku waxa uu ku jiraa xaalad dagaal, waxaana dooneynaa in hadda kadib, kooxaha nabadiidka aanaan sugin inta ay shacabka Qarxinayaan oo ay dhibaateynayaan, waxaan rabnaa inaan anagu weerarno, goobaha ay joogaana ka sifeyno” ayuu yiri Madaxweynaha oo ka hadlayay kulanka golaha, waxa uuna shacabka ka codsaday inay garabsiiyaan ciidamada Qaranka.
—-DHAMMAAD—-
Maalinta Ciyaartooyda Soomaaliyeed oo Muqdisho laga xusayo
Waxa ay ku began tahay labbo munaasabaddood oo aad u waa weyn, waa maalinta cayaaraha iyo nabadda adduunka, waxa kale oo maanta ay ku asteeysan tahay maalinta ciyaartooyda Soomaaliyeed, waxanna loo aqoonsan yahay 6-da bisha April.
Gellinka dambe ee maanta ayaa lagu waddaa inay muunaasabaddahan ay ka dhacaan garoonka Banaadir ee ku yaallo degmada Cabdicasiis, waxaa soo abaabulay guddiga Olympic-da Soomaaliyeed, waxanna kasoo qeyb gelli doonno wasiirka wasaarrada dhallinyarada iyo cayaaraha ee Soomaaliya Khadiijo Maxamed Diiriye, madaxda Gos iyo kuwa xiriiradda.
Waxaa garoonka imaan doonno 2,000 (Labo kun oo ciyaartooy), kuwaas oo ciyaara cayaaraha noocayadoodda kala duwan, iyagoo socod ku mari doonno wareegga garoonka.
“Waa maalin aad noogu weyn maanta, waa labbo munaasabaddood oo aad u weyn, haddaa nahay guddiga Olympic-da Soomaaliyeed waxaa farxad inoo ah inaan diyaarinay dabaal-degga qaab wanaagsan, waxaa garronka keeni doonnaa labo kun oo ciyaartooy Soomaaliyeed ah, maanta oo kale ayaan qabbanaa munaasabaddan.” Kaaliyaha xoghayaha guddiga Olympic-da Soomaaliyeed Maxamed Xuurshe Xasan Eennoow, ayaa warkan u sheegay wakaaladda wararka qaranka Soomaaliyeed ee SONNA.
Dhacdadan ayaa waxa ay kusoo aadeysaa iyadoo uu meel wanaagsan marayo Isboortiga Soomaaliya.
Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya oo deegano kala Wareegay Al-shabaab
Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya ayaa waxa ay kala wareegeen Maleeshiyaadka kooxda Alshabaab ilaa Afar Tuulo oo hoos tagto Degmada Janaale ee Gobolka Shabeellaha Hoose.
Korneyl Daahir Maxamed Faarax (Kumaandoos) oo u waramayey Radio Muqdisho ayaa sheegay in tuulooyinka ay gacanta ku dhigeen ay ka mid yihiin Kibile , waagaale iyo deegaano kale oo ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose.
Taliyaha ayaa xusay in ay weli ku daba jiraan Maleeshiyaadkii ay ka ceyriyeen deegaanadaasi asaga oo xusay in ay jiraan dagaalo yar yar oo kaga imaanayo dhanka Maleeshiyaadka Al-shabaab balse waxa uu sheegay in dhamaan xoog ku jiiri Doonaan.
Ciidamadda Xoogga Dalka Soomaaliya ayaa u muuqdo in ay durbaba bilaabeen ka jawaab celinta Dalabkii Wasiirka gaashaandhiga ee ahaa in Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya looga Fadhiyo in ay Furaan dhamaan Wadooyinka ay ku sugan yihiin Maleeshiyaadka Al-shabaab si dadka abaaraha Saameeyeen Gargaar loo gaarsiiyo.
Madaxweyne Farmaajo oo ku dhawaaqay dagaal ka dhan Al-Shabaab
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa sheegay in dowladdiisa ay cafis u fidineyso dhallinyarada ay marin habaabiyeen Kooxda AL-Shabaab.
Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ku labisan dharka ciidanka Xoogga, ayaa shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho, waxa uu ka hadlay isbadelka lagu sameeyey taliyeyaasha Xoogga, Boliiska iyo Sirdoonka iyo Nabad-Sugidda in ay ka dambeyso sidii loo soo gabogabeyn lahaa nabad-diidka, isla markaana loo istaajin lahaa xasiloonida caasimadda iyo guud ahaan gobollada dalka Soomaaliya.
“waxaan ka codsanayaa shacabka Soomaaliyeed in ay la shaqeeyaan taliyeyaasha cusub ee la magcaabay, waxaana farayaa dhammaan ciidammada Qalabka Sida in ay heegan buuxa galaan, si uga jawaabaan ficillada cadowga ugana saaraan dalka oo dhan, ayuu yiri madaxweyne Farmaajo.
Madaxweynaya ayaa sheegay in dowladdiisa ay cafis u fidineyso dhallinyarada la khaldey ee Al-shabaab ka tirsan, fursadna ay u heystaan muddo 60, maalmood ah si ay u helaan daryeel, waxbarasho iyo in ay dib mustaqbalkooda u dhistaan, iyagoo ka qeyb-qaadanaya dhismaha dalkooda.
ugu dambeyn madaxweyne Farmaajo, ayaa ka codsaday shacabka mar kale in ay dowladda kala shaqeeyaan arrimaha gargaarka, ka hortagga Faqriga iyo horumarinta dalka Soomaaliyeed.
Taliyaha Sirdoonka, Taliyaha Xoogga iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir oo goor dhow la magcaabay
Golaha Wasiirada Soomaaliya ayaa goor dhow ansixiyay magacaabista Taliyaha Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.
Kulan xasaasi ah oo u socda Golaha Wasiirada ayaa lagu horkeenay soo jeedin ku aadan magacaabis xilal, iyadoo kulanka laga akhriyay warbixin.
Taliyaha Nabadsugida ayaa loo magacaabay Xildhibaan C/llaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe oo horay xilkan u soo qabtay.
Sidoo kale Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa loo magacaabay Taabid Cabdi oo ahaa Safiir kuxigeenka Soomaaliya ee Mareykanka, horayna u soo noqday Agaasime kuxigeenka Madaxtooyada.
Waxaa kaloo la magacaabay Taliyaha Ciidanka xoogga dalka oo loo magacaabay Jen, Axmed Maxamed Jimcaale Cirfiid, halka Abaanduulaha ciidanka xoogga dalka loo magacaabay Jen, C/llaahi Cali Caanood.
Sidoo kale waxaa iyana la sheegayaa in xilka Taliyaha ciidanka Booliska loo magacaabay Jen. C/xakiin Daahir Saciid Saacid.
Kulanka Golaha Wasiirada oo wali socda ayaa ah kulankii labaad oo lagu magacaabo illaa afar Taliye, iyo Gobolka Banaadir.
Wasiirka wasaaradda Owqaafta iyo Arimaha Diinta oo xilka la wareegay
Xafladan uu xilka kula wareegay wasiirka cusub ee wasaaradda Owqaafta iyo Arimaha Diinta ee xukuumadda Soomaaliya ayaa waxaa ka qeybgalay mas’uuliyiin uu ka mid yahay ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka, wasiirka cusub ee wasaaradda, wasiirkii hore iyo mas’uuliyiin kale.
Wasiirkii hore ee wasaaradda Xildhibaan Cabdulqaadir Sheekh Cali (Baqdaadi) oo ka hadlay xafladda ayaa ku dheeraaday ka hadalak wax qabadka mudadii uu xafiiska joogay isaga iyo xubnihii kale, waxaana uu u rajeeyay madaxda cusub in horumar ay ka sameyn doonaan howlaha wasaaradda, shaqaalaha ayuuna ka codsaday in ay la shaqeeyaan.
Wasiirka Cusub ee wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta xildhibaan Iimaan Cabdulaahi Cali, oo xilka wasaaradda la wareegay ayaa sheegay in uu la imaan doono waxqabad isaga oo kaashanaya madaxda kale ee wasaaradda iyo shaqaalaha.
Ra,iisul wasaare ku xigeenka xukuumadda Soomaaliya mudane Mahdi Axmed Guuleed (Khadar) oo ka geba gabadii ka hadlay xafladda ayaa waxaa uu u mahad celiyay mas’uuliyiintii hore ee wasaaradda howshii ay ka qabteen, waxaana uu hogaanka cusub kula dar daarmay in ay ka soo dhalaalaan howshan loo igmaday.
Mudanayaasha Aqalka sare oo ka dooday xeer hoosaadka ay ku shaqeynayaan
Xubnaha aqalka sare ayaa yeeshay kalfadhigii 1aad kulankiisa 17aad waxaana soo xaadiray 31 mudane ajanduhu waxa uu ahaa akhrinta ka doodida iyo ansixinta xeer hoosaadka, waxaana kulanka shir guddoominayay guddoomiyaha aqalka sare Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi.
Mudanayaasha aqalka sare ayaa fikirkooda ka dhiibtay qodobada laga dooday iyo kuwa wax ka badalka u baahan.
Guddoomiyaha aqalka sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa tilmaamay in mudanayaasha Aqalka sare ay si fiican uga doodeen qodobada ku qoran xeer hoosaadka ay ku shaqeynayaan.
“Mudanayaal shaqo wanaagsan ayaad qabateen waxaana la doonayaa in aan dhamayno xeer hoosaadka inta aan fasaxa gelin, waana ku mahadsantihiin sida aad uga dhiibateen aaraahdiina ku aadan qodobada laga doodayay” ayuu yiri Mudane Cabdi Xaashi.
Maalinimada Sabtida ayay mudanayaasha aqalka sare ku balameen in la sii amba qaado Aqrinta, ka doodidda iyo ansixinta xeer hoosaadka aqalka sare uu ku shaqaynayo.
Wasiirka cusub ee Shaqada iyo Arrimaha bulshada oo xilka Wasaaaradda si rasmi ah ula wareegay
Wasiirkii hore ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, haatanna ah Gudoomiye ku-xigeenka koowaad ee Golaha shacabka Soomaaliya Xildhibaan C/weli Ibraahim Sheekh Muudey ayaa Xilkii Wasaaradaas ku wareejiyey Wasiirka cusub ee Wasaaradda Shaqada Xildhibaan Saalax Axmed Jaamac waxaana ka soo qaybgalay Ra’iisulwasare ku xigeenka Xumuumadda Soomaaliya iyo Mas’uuliyiin ka kala socotay Qaybaha Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, Guddiga Shaqaalaha Rayidka, uruarada Shaqaalaha gaarka ah.
Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Cabdinaasir Saalax Armaan iyo Wasiirka kuxigeenkii hore Cusmaan Libaax Ibraahim oo munaasbada ka hadlay ayaa mid waliba tilmaamay qiimaha Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ay u leedahay dowladda.
Mudane Maxamed Faarax Ciise Gaashaan oo xilal kale duduwan ka soo qabtay Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada iyo Guddiga Shaqaalaha Rayidka ayaa sheegay in maamulkii hore ay wax badan qabteen kan cusubna looga fadhiyo in uu dar dargeliyo howlaha horyaalla.
Guddoomiye ku-xigeenka kowaad ee Golaha shacabka Soomaaliya oo ahaa Wasiirkii hore ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xildhibaan C/weli Ibraahim Sheekh Muudey ayaa si rasmi ah xilka ugu wareejiyay Wasiirka cusub ee Wasaaraddaasi Mudane Saalax.
Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xildhibaan Saalax Axmed Jaamac ayaa sheegay in uu halkiisa ka sii wadi doono, isla markaana ka codsaday howlwadeenada Wasaaradda inay gacan ku siiyaan howlaha loo idmaday.
Ra’iisulwasare ku xigeenka Xumuumada Soomaaliya Mahdi Axmed Guuleed ayaa tilmaamay waxa laga sugaayo Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada iyo hogaanka Cusub.


















