Home Blog Page 1623

Kulan looga hadlayay horumarinta adeega Garsoorka dalka oo lagu qabtay Muqdisho

0

Kulankani oo looga hadlayay Dardargelinta Gargsoorka Dalka ayaa waxaa ka soo qeygalay Wasiirka Cadaaladda, Wasiir ku-xigeenka Amniga, Xeer Illaaliyaha Qaranka, Guddoomiyeyaasha Maxakamadaha dalka, qaar ka mid ah taliyeyaasha ciidamada qalabka sida, Aqoonyahanno dhanka sharciga iyo mas’uulyiin kale ayaa waxaa furay Guddoomiyaha Maxkadda Sare ee dalka.

Kulanka oo lagu qabtay Xarunta maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa looga hadlayay sidii ay Bulshada Soomaaliyeed u heli lahayd Cadaalad iyo sinaan dhinaca adeega Garsoorka.

Wasiir ku xigeenka Amniga Cabdinaasir Siciid Muuse iyo Wasiirka Cadaaladda Abuukaate Xasan Xuseen oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in loobahanyahay in la helo cadaalad ay bulshada ku qanacsanyihiin iyo waliba wadshaqeeyn dhaxmarta Garsoorka, Waasaradaha Amniga iyo Cadaaladda ee dowladda Soomaaliya.

Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa sheegay in kulani uu yahay mid muhiim ah lana xoojiyo dhanka cadaaladda.

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee dalka Ibraahim Iikar Sameeleen oo kulanka soo xiray ayaa ugu horeeyn u mahad ciliyay mas’uulyiinta ka soo qeybgashay, isagoo tilmaamay in kulani uu yahay mid bile ah oo ay talada iyo tusaalo ka heleen oo ku adan xoojinta garsoorka dalka.

Dowladda Soomaaliya ayaa dadaal xoogan ugu jirto sidii loo tayayn lahaa adeega Garsoorka dalka.

Dowlada oo ku dhawaaqday in Madaxii Al-Shabaab ee Shabeelaha Hoose la dilay

0

Ciidanka Xooga Dalka ayaa dilay Hogaamiyihii Al-shabaab ee gobolka Shabeelaha Hoose iyo maleeshiyaad kale oo la socday, sida uu sheegay Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Eng: C/raxmaan Cumar Cismaan “Yariisow”

Hogaamiyaha la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Macalin Cismaan Cabdi Badil, waxaana Al-shabaab uu wakiil uga ahaa gobolka Shabeelaha Hoose.

“5tii May 2017 ayey Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed ay dileen Hoggaamiyahii Al-Shabaab Macalin Cismaan Cabdi Badil iyo seddex maleeshiyaadka kooxdaas ah. Dhimashada hoggaamiyaha waxey wiiqeysaa awoodda kooxda argagaxisada ah ee ka howlgasha Shabeelaha Hoose, tasoo ah guul weyn oo u soo hoyatay ciidanka iyo nabadeynta gobolkaas” ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta.

Howlgalkan ciidanka waa mid dib loogu xoojinayo dagaalka lagula jiro kooxaha argagaxisada ee Al-Shabaab iiyo cabsida joogtada ah ee kooxdani ay ku cabsigeliyaan shacabka Soomaaliyeed.

Maleeshiyaadka Al-Shabaab waxaa u furan fursad ay kooxdaas argagaxisada ah uga soo baxaan bacdamaa ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed, iyagoo kaashanaya saaxiibada Soomaaliya waxey xoojinayaan dagaalka lagula jiro argagaxisada ah.

Dhallinyaro fara badan ayaa Dowladda ku soo biiray ee inta ay goori goor tahay fadlan ka soo carar kooxdaas argagaxisada ah. Waana fursad qaali ah oo aad dib-u-dhiska dalkaaga uga qeybqaadan karto, kuna hagaajin karto mustaqbalkaaga, kan qoyskaaga iyo kan dalkaaga.

DHAMMAAD

Ra’iisul Wasaare Kheyre “’Dhallinyaradu waa udub dhexaadka dawladnimada Soomaaliya”

0

Muqdisho, May 7, 2017——Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa ka qeyb Kulan looga wada tashanayey sidii loo sameyn lahaa siyaasad mideysan oo dhallinyarada hagta, kaas oo soo qaban qaabisay Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha.

Ra’iisul Wasaare Kheyre oo munaasabadda ka hadlay ayaa iftiimiyey muhiimadda uu dhalinyarada u leeyahay barnaamijkani, isagoo xusay Xukuumadda uu hoggaamiyo muhiimad gaar ah ay siineyso horumarinta dhalinyarada Soomaaliyeed.

‘’Dhalinyaradu waa udub dhexaadka dawladnimada Soomaaliyeed. Horumar kasta oo aan hiigsaneyno waxaa hormuud u ah dhalinyarada, maanta waxaan haysanaa fursado dahabi ah oo aan gacan uga geysan karno dib-u-dhiska iyo soo celinta sharaftii iyo karaamadii ay Soomaaliya lahayd’’,ayuu yiri R/Wasaare Kheyre.

Waxaa uu Ra’iisul Wasaaruhu xusey in caqabadaha ugu weyn ee dhalinyarada Soomaalida soo wajahey muddooyinkan dambe ay ka mid ahaayeen falalka argagixisada iyo dhibaatooyinka kale ee soo biiray, kadib, dawlad burburkii Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha ka hor waxaa Iyana halkaasi hadal ka jeedisey Wasiirka Dhalinyarada iyo Cayaaraha ee Xukuumadda Federaalka , Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye. Munaasabadda ayaa waxaa kale oo ka soo qeyb galey xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada, Baarlamanka, diblomaasiyiin iyo mas’uuliyiin kale.

–DHAMMAAD–

Ururka Boko Xaraam oo sii daayey 82-kamid ah gabdhihii Iskuuleyda ahaa

0

Sideetan iyo laba ka mid ah gabdhihii iskuulayda ahaa ee sanadkii 2014 laga afduubtay magaalada Chibok, ayaa waxaa soo daayay ururka Boko Xaraam, waxaana hadda gacanta ku haya milateriga Nigeria, sida ay  sheegeen ila wareedyo.

Sii deyntan gabdhahan ayaa ka dhalatay wadaxaajood dhex maray dowladda Nigeria iyo ururka Boko Xaraam.

Wararka ayaa intaa ku daraya in gabdhaha gawaari looga soo qaaday deegaan go’doon ah, ka dibna la geeyay saldhig ciidan oo ku yaalla Banki, taasoo u dhaw soohdinta ay Nigeria la leedahay Cameroon.

Waa markii labaad oo ay dowladda Nigeria ku guulaysato soo celinta qaar ka mid ah gabdhihii laga qafaashay Chibok.

Bishii Oktoobar ee sanadkii hore ayaa waxaa wadahadal dheer ka dib ay Boko Xaraam soo daysay 21 gabdhood.

Qaar badan oo ka mid qoysaska Chibok ayaa ku farxi doona warka soo daynta gabdhaha, balse waxaa weli maqan in ka badan boqol gabdhood.

Inkastoo ay arrinta gabdhaha Chibok soo jiidatay indhaha caalamka, aya haddana waxaa jira kumannaan qof oo ay Boko Xaraam afduubatay sideedii sano ee ay dagaalka waday.

Xigasho: BBC Somali

Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda oo sagootiyay Ergeyga Jaamacadda Carabta oo muddo xileedkiisa shaqo ay dhammaatay

0

Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya H.E. Mr. Abdulkadir Ahmed-Kheir Abdi ayaa maanta si rasmi ah u sagootiyay Madaxa Ergada Ururka Jaamacadda Carabta ee Soomaaliya Danjire Maxamed Cabdalla Idriis oo muddo xileedkiisa shaqo ay ka idlaatay.

Xafladda oo qado sharaf aheyd, laguna sagootinayay Ambassador Mohamed Abdalla Idris ayaa waxaa ka qeybgalay Safiirrada dalalka carbeed iyo Danjiraha Jamhuuriyadda Turkey ee Soomaaliya.

Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdulqaadir Axmed-Kheyr Cabdi ayaa bogaadiyay howlqabadkii Danjire Idris iyo kaalinta Jaamacadda Carabta ay ka qaadatay iskuduwidda taageerada Carbeed ee Soomaaliya.

Mudane, Cabdulqaadir Axmed-Kheyr ayaa muujiyay baahida dowladdiisu u qabto xoojinta iyo dardargelinta dadaalada Jaamacadda Carabta ay ku dooneyso in dhammaan dalalka carbeed ay dib uga furtaan Safaaradihii ay Caasimadda Muqdisho ku lahaayeen muddo 26 sano kahor.

Xafladda sagootinta oo ku dhacday jawi heerkiisu sarreeyo ayaa waxaa goob joog ka ahaa Wasiir kuxigeenka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya H.E. Mr. Mukhtar Mahad Daud, Xoghayaha joogtada Wasaaradda Ambassador Ali Mohamed Ali, Agaasimeyeyaasha iyo saraakiisha Waaxyaha Carabta iyo Habmaamuuska ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga.

Howlgal Amaan xaqiijin ah oo xalay laga sameeyey qeybo kamid ah Muqdisho

0

Taliska qeybta guud ee  ciidanka Booliska gobalka Benaadir ayaa howgalko ka fuliyay isgoysyada magaalada Muqdisho iyo degmada kaxda ee gobalka Benaadir.

Ujeedada howgalkan ayaa waxuuu ahaa xaqiijinta amaanka caasimada iyo hanaanka ay u sugaan ciidamada amniga muqdisho.

Taliyaha qeybta Guud ee ciidanka Booliska,  saraakiisha amaanka  iyo gudoomiyaha Kaxda ayaa ku gaaf wareegay Wadooyinka Degmadaasi iyadoo ka sameyay howgal kooban ay ku xaqiininayen amaanka degmada.

Taliyaha Qeybta Galbeed ee ciidanka Booliska gobalka Benaadir Gaashanle Sare Maxamed Daahir Cabdule ayaa ka warbaxiyay amaanka qeybta Galbeed iyo sida ay iskula shaqeeyaan maamulka degmada  iyo ciidamada amanaka.

“taliye ciidamada iyo degmooyinka si wanagsan aye u wada shaqeeyaan, waxaana sameynaa howgalo joogta ah, gudoomiyaha degmada kaxda waa shaqsi habeen iyo maalin u taagan xaqiijinta amaanka degmada si wanaagsan ayuuna noola shaqeyaa” ayii yiri

Gudoomiyaha degmada Kaxda ee gobalaka Benaadir ayaa sheegay in talaabo wanaagsan oo lagu xaqiijin karo amaanka ay tahay in saraakiisha ciidamada amaanka ay habeen walbo  kormeer ka wadaan degmooyinka gobaka Benaadir.

“Taliye waan kuu mahadceliayaa in xiligan aad nagu soo booqato degmada kaxda waxaa ay natusineysaa sida ay kaaga go”antahay sugida amniga gobalka” ayuu yiri gudoomiyaha Kaxda.

Ganeral Axmed Xasan Maalin taliyaha qeybta guud ee ciidaanka Booliska gobalka Benaadir ayaa tilmaamay in ay wadaan qorsheyaal ku aadan sugida amniga si loo xaqiijiyo amaanka gobalka.

“Habeen walbo ayaan wadnaa  howgalkan habeen hore waxaan ka wadnay degmooyin kale oo gobalka Benaadir ah, caawana waxaan joognaa degmada kaxda taasi sababteeda waxey tahay sugida amaanka Muqdisho, Booliska iyo shacabka  waa saxiib waxaana laga doonayaa in ay waa shaqeeyaan taasi waxey horseed ka noqan kartaa xaqiijinta amniga”ayuu yiri

Kulan loogu duceynayey Allaha u naxariistee wasiirkii Howlaha Guud oo lagu qabtay gobolka Columbus

0

Qaar ka mid ah dhalinyarada iyo waxgaradka Jaaliyadda Columbus ayaa ka tacsiyeeyay geeridii Wasiir Cabaas Siraaji isla markaana fariin u diray dhalinyarada iyo dowladda Soomaaliyeed.

Waxay dhalinyarada ugu baaqeen in ay ku xisaabtamaan in dalka uu yahay dalkoodii isla markaana xaalado adag uu ka soo baxay oo isbadal la soo gaaray iyada oo lagu dhiiro galiyay in aysan ku niyad jabin dhimashada Cabaas oo ka mid noqonaya malayiin Soomaali ah oo dalka ku geeriyootay mudadii ay jirtay xaalada ka dhalatay dowlad la’aantii soo martay Soomaaliya.
“Mar hadii wadan inka badan 20 sano dagaalo ku soo jiray uu ka soo kabanayo xaaladihii murugsanaa walina aysan xaalada Nabadgalyadu ahayn 100/100 waxa marwalba la filan karaa in ay dhacaan dhacdooyin na xanuujin kara isla markaana damqi kara Maskaxdeena, waxaase muhiim ah in aan dib u milicsano halkii aan ka nimi oo maalin walba boqolaal Dhalinyaraa aya dhimanayeen manta waxaan ku jirnaa Marxalad aan Rajo fiican qabno ee yaan dib loo noqon” sidaa waxa yiri mid ka mid ah dhalinyaradii kulankan baroordiiqdaa ka hadlay.
Dowlada Soomaaliya ayay dhalinyaradii iyo waxgaradkii meesha ka hadlay ugu baaqeen in ay guntiga dhiisha isaga dhigto sidii loo sugu lahaa amanka magaalada Caasimadaa ee Muqdisho si loo yareeyo halista ka imaan karta dadka hubaysan, iyo in lagu dadaalo in ilaalo sharciyaysan loo sameeyo dadka adaxdaa ee wasiiradu ay ka midyihiin.
Dhalinyaradii ka soo qeybgashay kulankan Tacsidaa waxa ay intooda badan mudooyinkii la soo dhaafay ku mashquulsanaayeen ka qeyb qaadashada caawinta dadkii ay abaaruhu wax yeeleeyeen, waxayna rajo wanaagsan iyo hami sare ka leeyihiin dalkooda in ay dib ugu laabtaan Haddana dhacdadan waa ay xanuujisay.
Ugu danbayn shacabka Soomaaliyeed iyo dowladooda ayay ka codsadeen in ay gacmaha is qabsadaan si loo gaaro halka loo socdo oo ah dal iyo dad Nabad ku naalooda.
 
Deeqo SONNA

Prime Minister opens National Consultation Conference on ICT

0

The Prime of Somalia, H.E. Hassan Ali Kheyre, has officially inaugurated a national consultation conference on telecommunications and technology for ICT stakeholders in Mogadishu from 6th to 8th May 2017.

More than 70 delegates from the ICT stakeholders, including the Parliamentary Committee on Information and Telecommunications, communications ministers from federal states, telecom operators, ISPs, and university associations, are attending the conference.

The Minister of Posts, Telecommunications, and Technology, H.E. Eng Abdi Ashur Hassan, said this consultation was chosen as part of Ministry’s keenness to build confidence, exchange information and ideas through direct communication, and share Ministry’s annual plans for the sector.

“In line with Government’s vision for new Somalia, we want to draw a new path for the sector because we want to achieve more and better results. And this starts with building the confidence of the stakeholders and everything else will follow,” said the Minister.

Addressing the ceremony, The Prime Minister stressed the significance of the sector and highlighted the development and contributions of the ICT sector in the local economy.

“ICT is an integral part of every economy. I urge the delegates to discuss sector priorities in the future, focusing on cooperation among the sector to ensure that all citizens have better access to quality and cost effective ICT solutions to bring socio-economic development,” said the Prime Minister.

END

Madaxweynaha oo kormeeray goobaha lagu keydiyo raashinka ciidamada

0

Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta kormeeray goobaha lagu keydiyo raashinka ciidamada dowladda Soomaaliya ee ku yaala magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha ayaa kormeer ku sameeyey baqaarada lagu keydiyo raashinka ciidamada dowladda, isagoo dhinaca kalena hubiyey tayada raashinkaasi.

Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo madaxweynaha JFS ayaa sidoo kale hubinayey in ciidamada dowladda ay helaan ama lasiiyo raashinka ay xaqa u leeyihiin.

 

 

Xildhibaanadda Aqalka Sare oo maanta yeeshay kulankoodii 28 aad

0

Kulanka ayaa ajandahiisa waxa uu ahaa dhagaysiga warbixin gudiga madaxa banaan ee dastuurka iyo xeritaanka kalfadhigii 1aad ee aqalka sare ee baarlamaanka soomaaliya.

kalfadhiga ayaa ahaa kii 1aad kulankiisa 28aad waxaana soo xaadiray 38 mudane kulanka waxaa shir gudoominayay cabdi xaashi cabdulaahi.

Maxamed daahir afrax gudoomiyaha gudiga madaxa banaan ee dastuurka ayaa ugu horayn warbixin ku aadan howlaha gudiga iyo shaqooyinka ay soo qabteen siiyay mudanayaasha aqalka sare.

Gudiga howl ayay soo qabteen intii ay shaqaynayeen wax badana way u dhiman yihiin waxaana ka codsanaynaa dowlada iyo shacabka soomaaliyeed in ay gacan naga siiyaan sidii waajibaadkeena u gudan lahayn,,

prof, xasan mahad alle oo ka mid ah gudiga madaxa banaan ee dastuurka ayaa isaguna mudanayaasha u sharxay dastuur waxa uu yahay.

Dhinaca kale gudoomiyaha aqalka sare baarlamaanka soomaaliya cabdi xaashi cabdulaahi ayaa  ka hadlaya kulamadii ay yeesheen iyo shaqooyinkii ay soo qabteen oo gudoomiyaha ku sheegay in ay tahay guul u soo hoyatay aqalka sare.