Home Blog Page 1615

Agaasimaha hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha oo marti ku ahaa barnaamijka kulanka (Daawo Muuqaal)

0

Agaasimaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiga Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Max’ed Aadan Jimcaale Koofi ayaa faah faahin ka bixiyay waxyaabihii u qabsoomay muddadii uu xilkaasi hayay.

Mr Koofi oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegey in maamulkiisu uu ku guuleystay horumarinta adeegyada dhinaca socdaalka iyo Jinsiyada,iyo sidii wadamada caalamku ay u aqoonsan lahaayeen Bassporka Soomaaliya oo haatan rajadiisu ay meel fiican mareyso.

“Intii aan joogay xafiiska waxaan bixinayay tababaro ku dhow ilaa 100, waxaan isku furnay xuduudaha Soomaaliya,Kenya iyo Itoobiya ee dhinaca socdaalka,Bassporka Soomaaliya siweyn ayaa haatan looga aqoonsanyahay dunida”,Ayuu yiri Mr Koofi.

Agaasimaha hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadah oo Wareysi siinayay Tvga Qarnka Soomaaliyeed Max’ed Aadan Jimcaale Koofi ayaa sheegey Bassporka Soomaaliya haatan laga aqoonsanyahay wadamada Assia, Africa,Yurub iyo AMeerika, isagoo intaasi ku daray inkuwo harsan ay dhawaan qorsheynayaan sidii loogu guuleysan lahaa.

Waxyaabaha suura geliyay in Bassporka Soomaaliya ay aqoonsadaan Dolwadaha dunida intoodi badan ayuu ku tilmaamay in ay tahay tayadiisa oo ay ku qanceen isagoo xusay in inta dhimana ay ku dadaali doonaan sida qaar kamid ah wadamada Dhaca Waqooyiga Ameerica.

W/Q Cali C/qaadir Cali

 

Mareykanka oo soo dhaweeyay gabar Soomaaliyeed oo ku guuleysatay xil muhiim ah

0

War qoraal ah oo ka soo baxay waaxda Arrimaha dibadda ee Mareykanka ayaa lagu faah faahiyaya waxyaabaha loo doortay gabadhaasi Soomaaliyeed oo ay ka guuleysatay tartamayaal badan.

Waxaa lagu sheegey qoraalkan in Munira Khalif oo ah Gabar Soomaaliyeed ee wax ka barata dalka Mareykanaka ay ku guuleysatay in ay xil ka qabato hay’adda Q. M. u qaabilsan Barnaamijka Youth Observer to United Nations oo ah horumarinta dahlinyarada ee UNA_USA oo la aas aasy sanadkii 2012kii si Dhalinyaradu ay uga qeybgalaan arrimaha Caalamiga ah.

Waaxda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka ayaa iyadoo la kaashaneysa Ururka Hay’addan Qaramada Midoobay qaybteeda Mareykanka ku faraxsan shaaca ka qaadista in Munira Khalif loo doortay inay noqoto qofka dhallinyarada ah ee sannadkan Mareykanka korjooge ahaan u metalaya Barnaamijka horumarinta dhalinyarad ee QM qeybta Mareykanka.

Munira Khalif oo ah gabar Soomaaliyeed oo reer Minnesota ah waxaa laga soo dhex xushay tartamayaal aad u badan kuwaasi oo kor u dhaafayaa ilaa 300 boqol oo qof waxayna ka kala socodeen Jaamacadaha kuyaala dalkaasi Mareykanak.

Munira waxay Jaamacadda Harvard ka barataa maadooyinka dhaqaalaha iyo maamulka dawladda,Waxay hore u aasaastay urur ka shaqeeya sidii gabdhaha Bariga Afrika u heli lahaayeen waxbarasho loo siman yahay.

Sidoo kale waxay si weyn Hay’adda Qaramada Midoobay uga ololeysay arrimaha dumarka iyo gabdhaha iyo in dhallinyarada la siiyo door xooggan oo ay uga qaybqaataan danaha guud.

Waxay ka geybgalaysaa Muniiro shirka 72aad ee Hay’adda UNA-USA oo magalaaad Newyorka ka dhacaya bishai September ee soo socota,ayadoo matalaysa Dhalinyarada Mareyakanka.

Xigasho SONNA

Ra’iisul Wasaaraha oo Xafiiskiisa ku qaabilay Ergeyga Gaarka ah ee IGAD Dr. Maxamed Cali Guyo

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Ergeyga Gaarka ah ee IGAD u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Danjire Dr. Maxamed Cali Guyo oo dhawaan loo magacaabay xilkan, kaas oo badalay danjirihii hore Mudane Maxamed Cabdi Afey. Sidoo kale Kulanka waxaa goob-joog ka ahaa Xoghayaha guud ee Urur Gobolleedka mudane Maxbuub Macalin iyo madax kale oo ka socotay IGAD.

Danjiraha Cusub ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsanyahay in maanta uu ku soo booqdo xafiiskiisa Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, isla markaana cadeeyey sida ay uga go’antahay in Xukuumadda Soomaaliya kala shaqeeyo arrimaha mudnaanta sare u leh dawladda.

Ra’iisul Wasaare Khayre oo ugu hambalyeeyey danjire Dr. Maxamed Cali Guyo xilkan cusub, wuxuu cadeeyey in dawladda Soomaaliya iyo IGAD ay wax badan ka soo wada shaqeeyeen, haddana la doonayo in la xoojiyo wada shaqeynta qotada dheer ee ka dhaxeysa labada dhinac, isla markaana aragtida waqtiga fog iyo kan dhow ee dawladda laga shaqeeyo sidii loo fulin lahaa oo dalka Soomaaliya loo gaarsiin lahaa marxalad uu shacabku ku faani karo.

DHAMMAAD

Xildhibaan Shaacir oo deeq Lacageed gaarsiiyay Dad ku soo dhaawacmay Duqayn ka dhacday J/Hoose

0

Xildhibaan C/laahi Maxamed Aadan Shaacir oo ka mid ah xubnaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta deeq Lacageed gaarsiiyay Bukaano ku jira Isbitalka Rajab Dayib Ordogaan kuwaas oo ku soo waxyeeloobay Duqayn ka dhacday Deegaanka Qabri Shariif oo ka tirsan Gobalka Jubbada Hoose.

C/laahi Maxamed Aadan Shaacira ayaa sheegay in deeqdaan Lacageed ay ka timid R/wasaaraha Soomaaliya isla markaana uu wakiil kaga yahay inuu gaarsiiyo Bukaanadaan.

Sidoo kale xildhibaanka ayaa sheegay inay jiraan Bukaano kale oo lagu dabiibayo isbitaalada ku yaala Magaalada Kismaayo kuwaas oo iyana ku soo waxyeeloobay Duqaynta, wuxuuna tilmaamay iyagana in la gaarsiin doono Lacago.

Ugu Danbayntii Xildhibaan C/laahi Maxamed Aadan ayaa sheegay inuu aad ugu mahadcelinayo Madaxda dowladda oo uu sheegay inay ka war haayaan dadkaan dhibka uu soo gaaray.

Wasiirka Difaaca XS oo Tababar u soo xiray Ciidamo ka tirsan xoogga Dalka

0

Ciidamada katirsan militariga Soomaaliya ayaa tababara kor loogu qaadayay aqoontooda loogu soo geba gebeeyey magaalada Muqdisho kuaasi oo isugu jiray sarakiil, saraakiil xigeen iyo kuwo kale.

Waxaa goob joog ka ahaa Wasiirka Difaaca Soomaaliya,saraakiil katirsan ayadoo tababarkasi oo muddo bil ah ka socoday magaalada Muqdisho ay bixinayeen saraakiil Mareykan ah.

General Bile Ibraahim Aadan oo ah madaxa taakulaynta ciidanka xoogga dalka ayaa uga mahadceliyay saraakiisha Mareykanka ah tababarkan ay siiyen cutubyo katirsan ciidanka xoogga dalka, oo la barayay sidii ay dalkoodi u difaaci lahaayeen.

Mudane C/rashiid C/laahi oo ah wasiirka Gaashaaindhiga Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ciidankaasi katirsan xoogga dalka u soo xiray tababarka ayaa bogaadiyay in waxyaaboihii ay barteen ay dalka ugu adeegaan.

“Waxaan aaminsanahay in howsha la idin tababaray ay tahay mid dhaxalgal ah,islamarkaana anficidoonta ciidamada xoogga dalka,anficidoonto dalka,looguna talagalay wax alaale wixii diwaangelin ah,oo laxisaabtan ah eek u saabsan wax alaale wixii ciidamadu ay leeyihiin in la helidoono xisaab waafi ah, oo boqolka sano ee soo socota qofkii idinka dambeeya uu helikaro recordkaasi, jiilka soo socoda ee soo koraya waa in ay helaan”, Ayuu yiri wasiirka Difaaca Soomaaliya.

Mareykanka ayaa kamid ah wadamada taageera Soomaaliya aydoo ay soo wehliyaan wadamo kale sida Turkiga Midowga Yurub iyo qaar kamid ah dalalka saaxiibada la ah Soomaaliya waxayna ka caawiyaan dhinacyada amniga, dhaqaalaha iyo dib u dhiska ciidamada.

Ra’iisul Wasaare Khayre oo Shacab iyo madax kala qeyb galay Maalinta Ololaha Nadaafadda

0

Muqdisho,27 July 2017….. Maalinta Ololaha Nadaafadda ee khamiista ugu dambeysa bil walba oo uu horey Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre u go’aamiyey, ayaa maanta si weyn looga xusay Caasimadda dalka, waxaana isu soo baxyo lagu nadiifinaayo magaalada laysugu soo baxay xaafadaha iyo goobaha qashinka lagu aruuriyo ee kala duwan.

Ololaha nadaafadda waxaa hormuud ka ahaa Ra’iisul Wasaaraha dalka Mudane Xasan Cali Khayre, ku-xigeenkiisa Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Mudane Taabid Cabdi Maxamed, Xildhibaanno iyo dadweyne tiro badan, waxana ay hawshan nadiifinta ka bilaabeen degmada Wadajir, gaar ahaan xaafadda Taleex halka ay Wasiirada Xukuumadda ka bilaabeen xarumaha Wasaaradahooda.

Ra’iisul Wasaaraha oo gacantiisa ku waday gaadiidka gashinka xaaqayay, isla markaana dhex socday haweenka olalaha nadaafadda sameynayay, ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan in ay u istaagaan ka shaqeynta nadaafadda dalkooda.

“Maanta waa xiligii aynu u astaynay nadaafadda oo dalka dhan laga fulindoono, waxaana muhiima in yar iyo wayn madax iyo shacaba aynu ka wada qeyb qaadano ololaha nadaafadda. Inaan iska nadiifin wayno qashinka si aan u noolaano ceeb ayay nagu tahay, maanta waxaan u taagan nahay inaan nadiifino dalkeena madaxdii qaranka oo dhan ayaa u soo baxay arrintan”, ayuu yiri R/Wasaare Khayre.

“Tani waxay ka turjumaysaa in Soomaalidu ay dalkeeda dib-u-dhisato, haddii aynaan anagu qashinka iska xaaqin oo aynaan nadiifin jidadka, ma jirto cid noo keenaysa dal bilicsan, haddii aad ka qeyb qaadato nadaafadda guud iyo barnaamijyada iskaa wax u qabso, waxay tusaale u tahay in aad dalkaaga dib-u-dhisatid. Waa in qof walba oo Soomaali ah ogaadaa dalka kaliya ee naga dhexeeya inuu yahay kan”.ayuu Ra’iisul Wasaaraha hadalkisa ku daray.

Maalinta nadaafadda ayaa si weyn waxaa uga dhex muuqday qaar ka mid ah haya’daha dawladda, kuwaas oo ka hawl galaayey goobo kala duwan, isla markaana dadweynaha kala qayb qaatay.

Wasaaradaha uu Ra’iisul Wasaaruhu tagey ee ololaha nadaafaddu ka socday ayaa waxaa kamid ahaa wasaarada Kaluumeysiga iyo Khayraadka Badda, Madaxtooyada dalka, Wasaaradda Warfaafinta, Wasaaradda Waxbarashada iyo qaar kale, kuwaas oo ay hor kacaayeen wasiirada iyo maamulada kala duwan.

Madaxweynaha Puntland oo la kulmay guddi qaabilsan dhismaha waddooyinka

0

Madaxweynaha Dawlad Goboleedka Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta  kulan kula  yeeshay Madaxtooyada Garoowe guddiga dhismaha waddada Ceeldaahir-Ceerigaabo.

Kulankani ayaa waxa ay guddigu uga xog-bixiyeen xogo ku saabsan meesha ay marayso shaqada dhismaha waddada Ceeldaahir-Ceerigaabo, isla mar’ahaantaana waxa ay kulanku intii uu socdey soo bandhigeen muuqaalo muujinaya sida ay shaqadu u socoto iyo meesha ay marayso dhismaha waddadu.

Xubnaha Giddiga Ceeldaahir-Ceerigaabo ee Madaxweynaha Puntland layeeshay kulanka ayaa waxa ay u cadeeyeen inay waddada dhismaheedu marayo magaalada Middigale oo Ceeldaahir u jirta 50km, taas oo micnaheedu yahay  in waddada la dhamaystiray intii ugu adkayd dhulka, una baahnayd khibrad iyo dedaal dheeraadda.

Sidoo kale Gudddiga ayaa waxa ay Madaxweynaha Puntland faah-faahin kasiiyeen qaabka loo waajihi doono dhismaha waddada wejiga labaad ee daamurka iyo jayga, iyagoo sheegay in waddada loo dhisi doona si casriya oo la mida kuwa ay hirgashadaan waddamada horumaray, sidoo kale guddiga ayaa cadeeye inay qaadan doonaan 11 Engineer oo  dhallinyaro muwaadiniin ah.

Dhinaca kale guddiga ayaa sheegay in waddada balaceedu ahaan doono ”9m” taasi oo u jeedkeedu yahay in labada gaari ee waddada isku dhaafaya u dhexeeyso masaafo ku filan, tayo ahaan iyo qorshe ahaanba dhismaha waddadu waa mid ka fajacin doonta shacabka Soomaaliyeed  iyo indhaha beesha caalamkaba, waxaana ay guddigu Madaxweynaha Puntland uga Mahad celiyeen fekerka saliimka ah ee dhismaha waddada Ceeldaahir-Ceerigaabo oo uu isagu iskalahaa muhandiska iyo fekredda dhismaha waddadaasi.

Madaxweynaah Dawlad goboleedka Puntland  Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa dhankiisa guddiga ku amaanay shaqadda wanaagsan ee ay ka qabteen hirgelinta waddadaasi iyo sida micnaha leh ee ay uga soo baxeen dardaarankii shacabka ay u hayaan shaqadani, sidoo kale Dr Cabdiweli ayaa hoosta ka xariiqay in shaqaalaha waddadani yihiin kuwo xirfad u leh shaqada ay qabanayaan, isla markaana waxa uu wax lagu farxo ku timaamay talada ay guddigu qaateen ee ah in ay shaqaalaysiiyaan dhallinyaro muwaadiniin ah, taasina ay dhiiri gelinayso dhallinta Soomaaliyeed ee dalkooda wax u soo bartay.

Ugu danabaytii, Madaxweynaha Puntland ayaa sheegay in waddada qalabka lagu dhisaya yahay kuwo tayo leh, dhaxalna unoqon doona qorshayaasha mustaqbalka dhaw iyo kan fogba ee Puntland, sidoo kale waxa uu cadeeyey in wadda kharashka lagu dhisayo uu ku yimid iskaashiga shacabka iyo dawlad Goboleedka Puntland, kuna hirgalay halkudhigii ”Puntland ha isku tashato”, isla markaana aanay wax gacan ah kulahayn cid ka baxsan intaasi, waxaana uu xusay in dhismaha waddada loo gudbi doono dhowaan wejigii labaad.

Madaxweyne Shariif Xasan oo la kulmay madaxa Hay’adda FAO

0

Madaxa hay’adda QM u qaabilsan cunada iyo Beeraha ee FAO Daniel Danotti   waxaa ugu horeyn Aqalka madaxatooyada K/Galbeed kulan kula qaatay Madaxaweynaha maamulkaasi  Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Kulanka oo ay goob joog ka ahaayeen Wasiiro iyo Guddoomiyaha Maamulka G/Bay waxaa looga mahadcelinayey Hay’adda FAO  dowrkii ay ka qaadatay Badbaadinta Dadkii ay abaaruhu  ay saameyeen ee ku sugnaa deegaanada K/Galbeed.

Madahaweynaha K/Galbeed  Shariif Xasan Sheekh Aadan wuxuu  ka codsaday Madaxdaa hay’dda Cunada iyo Beeraha QM u qaabilsan Soomaaliya FAO Mr Danotti in ay kala Shaqeyaan sidii Dib loogu celin lahaa Qoysaska ka soo barakacay abaaraha ku dhiuftay deegaanadooda kuwaasi oo haatan ku sugan xeryaha magaalada Baydhabo.

“Waxaan uga mahadcelinaynaa Hay’adda FAO, dowrkii ay ka qaadatay u gurmashada dadka ay abaaruhu saameeyeen ee kunool deegaanadan, iyio mashaariicda horumarineed, waxaana ka codsanaynaa in ay ka qeybqaataan sidii dib loogu celin lahaa qoysaska soo barakacay” ayuu yiri madaxweyune Shariif Xasan.

in taasi kadib Wakiilka Hay’adda FAO ee  QM u qaabilsan Soomaaliya Cunada iyo Beeraha ee Daniel Danotti ayaa waxaa kulan uu laqaatey wasiirada Wasaaradaha Beeraha Xanaanada Xoolaha iyo waliba  Qorsheynta ayagoo ka wada hadlay sidii mashaariic lagu horumarinayo wax soo saarka beeraha iyo xanaanada xoolaha ay deegaanadaasi uga fulin lahayd Hay’adda.

W/Q Cali C/qaadir Cali 

Xog-hayaha Guud ee QM oo warqadihii aqoonsiga ka guddoomay safiirka Soomaaliya ee QM

0

Safiirka cusub ee Soomaliya u qaabilsan Jimciyadda Qurumaha ka dhexeysa ayaa magaalada Newyorka ee xarunta QM kula kulmay Xog-hayaha guud ee QM Antonio Guterres  maalintii Arbacada ayagoo ka wada hadlay xiriirka QM iyo Dowladda Soomaaliya.

Abuukar Max’ed Cismaan Danjiraha cusub ee Dowladda Soomaaliya u magacowday Qaramada Midoobay ayaa warqadihii aqoonsiga Danjirenimo guddoonsiyay Xog-hayaha guud ee QM fadhiya Qaramada Midoobay Antonio Guterres .

Danjire Abuukar Max’ed Cismaan ayaa sheegy in uu xoojin doono xiriirka dib lomaasiyadeed ee u dhaxeeya Qaramada Midoobay iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya.

“Waxaa warqadihii aqoonsiga safiirnimo iga guddoomay Antonio Guterres Xog-hayaha guud ee QM’ waan ku faraxsanahay xilkani in aan Soomaaliya u qabto, horey waxaan xilal kaladuwan uga soo qabtay Dowladihii dalka Soomaaliya soo maray.

W/Q Cali C/qaadir Cali 

Guddoomiyaha Bankiga Dhexe : Dowladda FS iyo Dowlad Goboleedyada waa in ay wax ka qabtaan lacagaha been abuurka ah

0

Kadib shir jaraa’d uu maanta ku qabtay xafiiskiisa,Guddoomiyaha Bangiga Dhexe ee Soomaaliya Mudane Bashiir Ciise Cali ayaa wuxuu kaga hadlay dhibaatooyinka ka dhashey lacago been abuur ah oo la soo geliyay qaar kamid ah suuqyada dalka.

Wuxuu ka dalbaday Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowlad goboleedyada in ay ku dadaalaan sidii ay wax uga qaban lahaayeen lacagaasi oo been abuurka ah.

“Waxaa jira lacago been abuur ah oo dhawaan la soo geliyay suuqyada magaalooyinka dalka, lacagtaasi saameyn ayay ku yeelatay nolosha bulshada, marka waxaan  ugu baaqayaa Dowladda Soomaaliya iyo dowladd goboleedyada in ay wax ka qabtaan lacagasi”, Ayuu yiri Guddoomiyaha Bankiga Dhexe ee Soomaaliya.

Mudane Bashiir Ciise Cali ayaa dhanka kale sheegey in uu socdo qorshe ku aadan sidii lacago cusub oo shillin Soomaali ah loo soo daabici lahaa si looga gudbo dhibaatooyinka ka taagan dhanka lacagaha shillionka ah.

Hadalka ka soo baxay guddoomiyaha ayaa imaanaya xili muddooyinkii ugu dambeeyey suuqyada qaar kamid ah magaalooyinka gobolada dalka lagu arkayay lacago been abuur ah kuwaasi oo saameeyey nolosha bulshada.

Magaalada Beledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan ayaa kamid ah meelaha ay dhibaatooyinkaasi ay ka tagnaayeen ayadoo maamulka iyo ganacsatadu ay ka shireen sidii xal looga gaari lahaa arrintaasi, oo saameyn xoogan ay ku yeelatay nolosha dadka.

W/Q Cali C/qaadir Cali