Home Blog Page 1615

Wasiirka Maaliyadda oo qado sharaf u sameeyey shaqaalaha Wasaaradda

0

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Cabdiraxmaan Ducaale Bayle ayaa  qado sharaf ugu sameeyey shaqaalaha Wasaaradda Hotel City Palace ee Magaalada muqdisho, waxaana ka soo qayb galay Wasiiru dowlaha Wasaaradda, Xooghayaha Joogtada ah, dhamaan Agaasimayaasha Wasaaradda, iyo La taliyayaasha.

Ugu horayntii Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Maxamuud Xayir Ibraahim ayaa sheegay in maanta ay qiimo weyn ugu fadhido wasaarada, maadaama hal meel lagu wada qadeeyey, u jeedka laga leeyahayna ay tahay is xog waraysi iyo isbrasho.

“Waa arin lagu farxo, maxaa yeelay waa markii kowaad ee shaqaalaha wasaaradu ay isugu yimaadaan dhamanatood kulan noocaan ah, wuxuuna kulankaan ku saabsan yahay isbarashada shaqaalaha dhexdooda iyo Wasiiradda. In ay maanta is bartaan waaxyaha dhexdooda ayaa leh muhiimad gooniya, madaama ay ka shaqeeyaan shaqaalaha qaarkood meel ka baxsan Wasaaradda, waxaa intaas dheer in lagu iclaamiyo kulankaan inuu bilowday isla xisaabtan dhab ah oo shaqaaluhu wajahayaan, cidii shaqaadeeda ka soo bixi weydana si adag loola xisaabtamayo cidi shaqo wacan la timaadana la abaal marin doono” ayuu yiri Wasiiru dowluhu.

Sidoo kale Wasiirka Maaliyadda Bayle ayaa dhankiisa sheegay inuu ku faraxsan yahay in maanta Madaxdii Wasaarada Maaliyadda oo dhaqaalaha dalka gacanta ku haysay hal meel ku wada qadeeyaan kuna sheekaystaan, si ay isu bartaan si wacana isula shaqeeyaan.

“Waxaan isugu kiin yeeray inaan is barano, in aan la socdo dhibaatoyinka mar kasta idinka hor imanaya, waxaan idinka mahad celinayaa  sida aad ugu dhabar adeegteen dhibaatooyinka amnni iyo nololeed ee dalka ka jira, qaarkiin ayaa iyagoo  xabadu meel kasta ka dhacayso jaamcado dhiganayey, waana ku farax sanahay  sida diiran oo aad isoo dhaweyseen, waana idinla shaqaynayaa, waajibka layga rabo waa in idinka iyo shaqaalaha kale ee dowladda ay helaan mushaarkooda si joogta ah”.

Wasiirka oo sii hadlayey ayaa yiri “Inaan la soo noqono xornimadeena waxay u baahan tahay inaan isku tashano, qof walbana masuuliyadiisa oo dhab ah ka soo baxo, wadana kuma hormaro inuu haysto Macdan, Dahab, Shidaal iyo Dheeman, ee waa dadka iyo sida ay uga fa’iidaysataan maskaxdooda ayaa abura horumarka, una fakaraan horumarka dalkooda. Hadaa nahay Soomaali inta caalamku shaqeeyo laba jibarkeed waa in la shaqeeyo, si dalkaan meesha uu joogo looga hormariyo, waxaa jira wadamo aan khayraad lahayn, lakiin dadkooda ay ka go’an tahay in ay wax qasadaan” ayuu yiri wasiir Bayle oo dhanka kale xusay in miisaaniyadda dalka ay tahay 260 milyan,  120 milyan oo kamid ah ahna laga sugo deeq bixiyayaasha caalamka, sidaas daraadeena uu qof walba dareemi karo culayska dhaqaale ee dowladda haysta.

Wasiirka ayaa ugu danbayn sheegay in dalkeena uu aad uga hooseeyo wadamada Africa, sidaas daraadeedna looga baahan yahay shaqaalaha dowladda in ay xooga saaran sidii dalku dib ugu soo kaban lahaa. Sanadka aakhirkiisana laysla xisaabtamo si dhaqaalaheenu u noqdo mid horumar sameeya.

Aftida Turkiga ee birri maxaa laga filan karaa? Warbixin

0

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan,ayaa jeediyey khudbaddii gabagabada isu soo baxyadii ugu dambeeyey ee ku aadan aftida Axada dhacaysa ee ku aadan in isbaddal ballaaran lagu sameeyo dastuurka taasi oo isaga siinaysa awoodo cusub.

Wuxuu u sheegay taageerayaasha in isbaddalka uu keeni doono in Turkigu uga wareegayo Jamhuuriyada Baarlamaniga ah mid madaxtooyo , taasi oo uu sheegay inay wadanka ka dhigayso mid xoogan.

Wuxuu saadaaliyey in codeynta “Haa” ay Turkiga siinayso isku kalsooni Yurub dhexdeedda ah, kuwa isaga [Erdogan] ka soo horjeeda ayaa iyaguna qabanaya dibadbaxyo inta aanay soo gabagaboobin dhacdooyinka ugu dambeeyaa, waxayse ka digeen isbadal yimaada kaasi oo horseed ka dhigaya xukun nin kaliya ah, iyadoo saadaashu tilmaamayso codbixin isku dhow.

Madaxweyne Farmaajo oo warqadaha aqoonsiga ka guddoomay safirika cusub ee Shiinaha Mudane Qin Jian.

0

Madaxwaynaha dowladda Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdilaahi Farmaajo ayaa maanta warqaddaha aqoonsiga safiirnimo ka gudoomay Safiirka dowladda Shiinaha u fadhiisan doonna Soomaaliya.

Mudane Qin Jian ayaa dhowaan dowladda Shiinaha u soo magacowday Danjiraheeda Soomaaliya, iyadoo labada dolwadood uu ka dhaxeeyo cilaaqaad wanaagsan.

Daawo Sawirro” Shirka maanta furmay iyo Arimaha looga hadlay

0

Shirkan ayaa waxaa arimaha ugu muhiimsan waxaa kamid ah Xoojinta  xiriirka wada shaqeyneed ee dowladda federaalka iyo Maamul Goboleedyada, xasilinta amniga dalka iyo shir dhawaan la filayo in uu ka dhaco dalka Ingiriiska oo looga hadalayo horumarinta iyo taageeridda Soomaaliya, kaas oo ay dowladda Soomaaliya doonayso in ay la tagto qorshe mid ah isla markaana loo dhan yahay.

Madaxwaynaha jamhuuriyadda federaalka, mudane Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo ayaa furitaanka shirkan ka sheegay in waxa ugu weyn ee lagaga wada hadlayo ay tahay sugidda amniga qaranka, wuxuu madaxwayne Farmaajo cadeeyay muhiimadda ay leedahay in Soomaaliya ay yeelato hagista hawlaha ammaanka dalka.

Madaxwaynaha oo ka hadlayay qorshaha shirka London ayaa tilmaamay in dowladda dhexe iyo Maamulada xubnaha ka ah ay la tagayaan shirkaas wax ay ku midaysan yihiin, caalamkana ay tusayaan sida dadka Soomaaliyeed isugu duubanyihiin.

Shirka waxaa goob joog ka ahaa guddoomiyaha golaha shacabka, guddoomiyaha aqalka sare, Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ,waxaana lagu wadaa in maalinta barri ah la soo gabagabeey.

Dhanka kale, madaxweynaha jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya mudane Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa maanta waraaqaha aqoonsiga danjirenimo ka gudoomay danjiraha cusub ee dowladda China u soo magacowday Soomaaliya.

Madaxweynaha oo xafiiskiisa ku qaabiley safiirka cusub ee China QIN JIAN ayaa kala hadlay xoojinta xiriirka labada dhinac iyadoo madaxweynuhu warbixin ka sii yaya xaaladda dalka uu marayo.

Dowlada China, oo kamid ah dalalka dhaqaalahooda uu aadka u xoogan yahay ayaa kamid ah dowladaha gacanta siiya Soomaaliya.

 

Qaar ka mid ah Guddoomiyeyaasha Guddiyada joogtada ah ee Baarlamaanka oo la doortay

0

Mudanayaasha Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya oo kulan ku yeeshay xarunta Villa Hargeysa ee magaalada Muqdisho ayaa doortay qaar ka mid ah Guddoomiyeyaasha Guddiyada joogta ah ee golaha Shacabka.

Kulanka oo ay goob joog ka ahaayeen Guddoomiye ku-xigeenka Koowaad ee golaha Shacabka Cabdiweli Sheekh Ibraahim Muudeey iyo Guddoomiye ku-xigenka labaad ee golaha Mahad Cabdalla Cawad ayaa waxaa lagu doortay ilaa iyo shan guddi iyo ku-xigeenadooda.

Cabdifataax Ismaaciil Daahir ayaa waxaa loo doortay Guddoomiyaha Guddiga Howlaha guud, Dekadaha iyo Gaadiidka, Xildhibaan Maxamuud Macalin Yaxye waxaa loo doortay Guddoomiyaha Guddiga Xeer Hoosaadka ee Baarlamaanka, Gudoomiyaha guddiga xaqiiqo raadinta, dib u heshisiinta iyo Hanti isu celinta waxaa loo doortay Xildhibaan Maxamed Cabdi Maxamed Gaandi, Xildhibaan Cabdiqaadir Cosoble waxaa loo doortay Guddoomiyaha Guddiga arrimaha dibadda iyo XIldhibaan Sacdiyo Yaasiin Xaaji Samatar oo loo doortay Guddoomiyaha guddiga arrimaha gudaha iyo Federaalka, iyadoo sidoo kale la doortay shan guddoomiye ku-xigeen iyo xoghayeyaal oo hoostagaya Guddoomiyeyaasha la doortay.

Qaar ka mid ah guddoomiyeyaasha guddiyada maanta la doortay ayaa Warbaahinta Qaranka u sharxay waxbaaha u qorsheysan iyo sidii loo xoojin lahaa isla xisaabtan dhex mara guddiyada iyo hay;adaha kale ee ay ka dhexeyso wada shaqeynta.

13-kii bishan ayay ahayd markii mudanayaasha ay iska dhex doorteen ilaa iyo saddex guddoomiye, kuwaasi oo loo doortay inay qabtaan xilalka Guddiyada Kheyraadka dabiiciga, Xuquuqul Insaanka iyo Guddiga Beeraha,

Wasiirka Gaashaandhigga oo guddiga abaaraha ku wareejiyay kaalmo lacag ah

0

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Soomaaliya Mudane Cabdirashiid Cabdullaahi Maxamed ayaa maanta Guddiga Qaran ee gurmadka Abaaraha ku wareejiyay lacag dhan $51,000 (Konton iyo kow kun) oo dollarka Mareykanka ah, si loogu caawiyo dadka ay abaarta saameysay.

Wasiirka Gaashaandhigga ayaa sheegay in lacagtan laga soo uruuriyay ciidamada xoogga dalka oo laga jaray mushaarkii ay qaadanayeen,  isagoo intaa ku daray inay diyaar u yihiin inay is garab taagaan shacabka Soomaaliyeed ee abaarta saameysay,

Guddiga Qaran ee gurmadka Abaaraha ayaa Wasiirka Difaaca uga mahad celiyay lacagta uu Guddiga ku wareejiyay,  waxaana Guddiga ay tilmaameen inay tahay wax lagu farxo tallaabada Ciidamada Xoogga dalka ay lacagtan isaga soo uruuriyeen.

Dhawaan ayay ahayd markii Ciidamada Booliska iyo Nabadsugida lacago ay iska soo uruuriyeen oo laga jaray mushaaraadkooda ay ugu deeqeen dadka Soomaaliyeed ee abaaraha saameeyay.

Madaxweyne Farmaajo oo furay shir u dhexeeya dowlada dhexe iyo maamul goboleedyada

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullahi Maxamed Farmaajo ayaa furey shir u dhexeeya Dowladda Federaalka iyo Maamul Goboleedyada qeybta ka ah dowladda Federaalka.

Shirka waxaa goob joog ka ah Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre, waxaana inta uu socda looga hadli doonaa sidii loo xoojin lahaa xiriirka wada shaqeyneed ee u dhexe dowladda Federaalka iyo Maamul goboleedyada, xoojinta amniga.

Sidoo kale waxyaabaha kulanka looga hadlayo waxaa ka mid ah shir dhawaan la filayo in uu ka dhaco dalka Ingiriiska, kaasi oo ay dowladda qorsheyneyso inay la tegto ajende mid ah oo ka turjumaya xaaladda dalka.

shirka ayaa la filayaa marka uu dhamaado in laga soo saaro warmurtiyeed qeexaya waxyaabihii looga hadlay.

Qoysas ku nool tuulooyin ka tirsan Jowhar oo ka cabanaya dhibaatooyinka Al-Shabaab

0

Qaar ka mid ah qoysas ku nool tuulooyin hoostaga degmada Jowhar ee xarunta Gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa ka cabanaya dhibaatooyin ay ku hayaan haraadiga Al-Shabaab, kuwaasi oo dalbaday in laga dulqaado argagixisada Al-Shabaab.

Qaar ka mid ah qoysaskan oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa codsaday in maamulka Gobolka uu gacan ka geysto sidii looga dulqaadi laaha dhibaatada ay u geysanayaan Al-Shabaab, maadaama ay ka qaataan lacago baad ah.

Sidoo kale Al-shabaab ayaa qaar ka mid ah waddooyinka gala tuulooyinka ay ku dhuumaaleysanayaan ku aasay waxyaabaha qarxa.

Dhagarqabayaasha Al-Shabaab ayaa dadka ku nool tuulooyinka ku cabsi gelinaya in haddii ay ka baxaan tuulooyinka ay gacanta ku hayaan ay la kulmi doonaan dhibaatooyin.

Dhawaan ayay ahayd markii ay dabqabadsiiyeen Tuulo lagu magacaabao Gaal-leef oo ka tirsan gobolka Shabeelaha Dhexe.

Taliyaha ciidanka Xoogga dalka oo booqday askar qaba dhaawacyo kala duwan

0

Booqoshada uu Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Sareeyo Gaas Axmed Maxamed Jimcaale uu ku tagey isbitaalka Madiin ee maqaalada Muqdisho oo ay ku jiraan qaar kamid ah Askartii Ciidanka Xoogga oo dhaawacya kala  duwan ka soo gaaray difaaca Dalka iyo qaar kale oo ku soo dhaawacmay qarax dhawaan ka dhacay Warshadda Nacnaca Degmada Wadajir ee maqalada Muqdisho.

Ujeedka booqoshada Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka ayaa ahaa sidii askarta loogu dhiira gelin lahaay in ay sii xoojiyaan difaaca dalka looga xoreynayo Cadowga iyo ka warqabka xaaladahood Caafimaad, waxuuna Taliyaha Deeq lacag ah ku doon siiyay askarta dhaawacyada qaba ee lagu dabiibayo Isbitaalka.

Taliyaha Xoogga dalka Sareeyo Gaas Axmed Maxamed Jimcaale oo kbooqashada kaddib  la hadley Warbaahinta Qaranka ayaa  sheegay in dalka dibadiisa loo qaadi doono askarta qaar ee qaba dhaawacyada culus ee aan dalka waxba looga qaban karin.

Taliyaha ayaa qorsheynayo sidii loo xoojin lahaa tayada Ciidanka Xoogga Dalka iyo sidii ay u heli lahaayen Xaquuqdooda, waana booqshadii ugu horeysay uu taliyaha ku tego mid ka mid xarumaha caafimaadka ee magaalada Muqdisho oo ay ku jireen askar dhaawacyo kala duwan qaba.

Guddoomiyaha cusub ee gobolka Banaadir oo kormeeraya Aqalka dowladda Hoose

0

Guddoomiyaha  Gobalka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Mudane Taabit Cabdi Maxamed oo ay wehliyaan Guddoomiyihii hore ee Gobalka Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale Madaale, qaar ka mid ah guddoomiye ku-xigeennada gobolka iyo mas’uuliyiin kale ayaa maanta kormeer howleed ku tegay Xarunta Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar iyo qeybaheeda kala duwan ay ka kooabantahay, Xarunta gaadiidka dabdamiska, Xarunta Taliska Ciidanka ilaalada Deegaanka Xamar, Xarunta lagu sameeyo Kaarka aqoonsiga iyo Warqadda  dhalashada  ee Dowladda Hoose ee Xamar iyo sidoo kale Xarunta gaadidka Bisha cas iyo Warshadda soo saarta qalabka dhismaha.

Guddoomiyaha cusub ee Gobalka Banaadir ayaa intii uu kormeer ku guda jiray  xarumaha kala duwan ee dowladda Hoose ee Xamar  waxa uu la kulmay howlwadeenada Dowladda Hoose oo uu ka dhageystay warbxin ku aadan sida ay u shaqeeyaan iyo baahiyaha gaarka ah ee ay qabaan.

Sidoo kale  Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Taabit ayaa xarunta Bisha Cas kula kulmay ingineera ka tirsan Dalka Turkiga isagoo kala hadlay sidii loo xoojin lahaa horumarinta Caasimadda.

Afhayeenka Maamulka Gobalka Banaadir Cabdifitaax Cumar Xalane oo kormeerka kaddib la hadlay Warbaahinta ayaa tilmaamay in ujeedka kormeerka guddoomiyaha cusub ee gobolka uu la xiriiro sidii u ogaan lahaa xaaladaha ay ku shaqeeyaan howlwadeenada iyo hantida ma guurtada ah ee taallo xarumaha uu kormeerka ku tegay.