Home Blog Page 161

Duqa Muqdisho oo xafiiskiisa ku qaabilay wiil 13jir ah oo la dhibaataysan DAB uu ku gudbtay

0

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Maxamed Axmed Amiir ayaa xafiiskiisa ku qaabilay dhibane Cabdisalaam Axmed Xasan oo ah wiil 13-jir oo mudo Hal-sano ah la xanuunsanayo dhibaato kasoo gaartay DAB uu ku gubtay oo saameeyay qeybo ka mid ah jirkiisa.

Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Amiir ayaa warbixin ka dhageystay Aabe Axmed Xasan Cumar oo ah Aabaha dhalay dhibane Cabdisalaam, isaga oo sheegay in xaalada caafimaad ee wiilkiisa aan wadanka gudihiisa waxba looga qaban karin, islamarkaana aysan awoodin in ay caafimaad dibada ah la raadiyaan maadaama uu sheegay in ay yihiin qoys dan’yar.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Maxamed Axmed Amiir ayaa balan qaaday in uu garab istaagi doono sidii wax looga qaban lahaa xaalada Cabdisalaam, isaga oo eebe ugu baryay in uu caafimaad deg deg ah siiyo.

Ifrah Foundation Joins Partners to Mark ZeroTolerance for FGM Day and Call for Urgent Action to End FGM in Somalia

0

On International Day of Zero Tolerance for FGMIfrahFoundation joined the Ministry of Family, and Human Rights Development (MoFHRD)UNICEFUNFPA, and other key partners, including activists, religious leaders, and survivors, to reaffirm collective efforts in ending Female Genital Mutilation (FGM) in Somalia. Ifrah Foundationremains deeply committed to eliminating FGM and ensuring the protection and rights of women and girls across the country.

Survivors Share Heartbreaking Testimonies

During the event, Ifrah Ahmed, founder of Ifrah Foundation, moderated a powerful panel discussion featuring two FGM survivors, a religious leader, a nurse, and a journalist.

The survivors shared their painful experiences, revealing how cultural and religious misconceptions shaped their understanding of FGM.

“We grew up believing that FGM was necessary for a girl’s dignity and marriage prospects. We were told that an uncircumcised girl would be rejected by society and even face divorce,” they explained.

They described the brutal procedure they underwent as children at the hands of traditional birth attendants (TBAs):

“It was excruciating. We had no anesthesia, bled for days without medical care, and were bedridden for over three months. Urination became unbearable. But we survived.”

As they grew older, the consequences worsened:

“Menstruation was painful, and intimacy in marriage was filled with discomfort and anxiety. Childbirth was the most traumatic—our labor lasted for days, putting both mother and baby at risk.”

Religious and Medical Experts Condemn FGM

prominent religious leader emphasized that FGM has no basis in Islam, stating:

“FGM has no place in our religion. Islam forbids harming any human being at any stage of life. This practice must end.”

nurse further explained the severe health complications caused by FGM, including prolonged labor, childbirth complications, and lifelong physical and psychological trauma:

“Many women and girls suffer serious medical issues because of FGM. It is time we end this harmful practice for good,” she urged.

Ifrah Ahmed Calls for Urgent Action

Speaking at the event, Ifrah Ahmed strongly urged for accelerated efforts to end FGM, highlighting the success of the Dear Daughter Campaign, which has reached over 100,000 people who pledged to protect girls from FGM.

“We need everyone to take action—parents, leaders, and policymakers. I encourage all of you to join this movement and stand up for Somali girls.”

She also called on the Ministry of Women, Family, and Human Rights Development and the Somali Parliament to pass a national law banning FGM.

“Legal action is critical. We must ensure girls are protected under the law, and those who continue this harmful practice are held accountable.”

International Community Stands in Support

George Conway, Deputy Special Representative of the Secretary-General, Resident Coordinator, and Humanitarian Coordinator (DRSG/RC/HC), reaffirmed the international community’s support for Somalia’s movement against FGM.

“We are here to support Somali citizens’ desire for change,” he stated. “We need to show solidarity with survivors and the violence faced by Somali women, including child and forced marriage. We are here to support women and girls to achieve the change that the people want.”

Government’s Commitment to Ending FGM

H.E. Amb. Khadija Mohamed Al-MakhzoumiMinister of Women, Family, and Human Rights Development, delivered a strong message on the urgent need to end FGM.

“We have overwhelming evidence proving the devastating health effects of FGM. Today, we reaffirm our commitment to eliminating this harmful practice once and for all.”

She further emphasized the need for legislative action and public support, urging all sectors of society to push for a ban on FGM:

“We must unite—teachers, youth, religious leaders, and families—to support the passage of a law that will protect our daughters.”

A Call to Action

The event concluded with a unified call to accelerate efforts to end FGM in Somalia. Participants reaffirmed their commitment to raising awareness, challenging harmful cultural beliefs, and advocating for a legal ban on FGM.

The fight against FGM continues, but with growing momentum and collective action, a future free from FGM for Somali girls is within reach.

By: Abdiaziz Hassan Ibrahim (Loyal)

Email: Loyalyare12@gmail.com

Ra’iisul Wasaare kuxigeenka XFS oo ka qaybgalay Bandhigga Suuq-weynaha Muqdisho

0

Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta ka qayb galay bandhigga Suuq-weynaha Muqdisho, oo ay isugu yimaadeen hormuudka ganacsatada Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka ayaa ku boorriyay ganacsatada Soomaaliyeed in ay xoojiyaan dadaalkooda ganacsi, horumariyaan hal-abuurka cusub, una istaagaan sidii kor loogu qaaddi lahaa kobaca dhaqaale ee dalka.

Sidoo kale, Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka ayaa sharraxay muhiimadda Qorshaha Isbedelka Qaranka (NTP) iyo doorka uu siinayo qeybaha ganacsiyada gaarka loo leeyahay, si ay hormuud ugu noqdaan horumarka iyo dib-u-dhiska dalka. Waxa uuna xusay in iskaashiga dowladda iyo ganacsatada ay fure u tahay kobcinta dhaqaalaha, abuurista fursado shaqo, iyo dhiirrigelinta maalgashiga gudaha iyo dibadda.

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaa ka go’an xoojinta xiriirka ay la leedahay ganacsatada, si loo abuuro jawi ganacsi, xasilloon oo dalka u abuuraya fursado dhaqaale.

Dowladda Soomaaliya iyo Dowladda Azerbaijan oo kala saxiixday heshiis iskaashi oo Difaaca ah

0

Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Azerbaijan ayaa maanta kala saxiixday heshiis iskaashi oo dhanka difaaca iyo warshadaha ah. Heshiiska waxaa magaalada Baku ee caasimadda Azerbaijan ku saxiixay Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur, iyo dhiggiisa Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Azerbaijan, Mudane Zakir Hasanov.

Saxiixa heshiiskaan, oo muhiimad weyn u leh labada dal, ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, iyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Azerbaijan, Mudane Ilham Aliyev. Heshiiska ayaa ujeedkiisu yahay xoojinta iskaashiga dhanka difaaca iyo warshadaha, iyadoo labada dowladood ay isku afgarteen inay wada shaqeeyaan sidii loo horumarin lahaa awoodooda difaaca iyo sidoo kale warshadaha muhiimka ah ee dalka.

Heshiiskan ayaa ka tarjumaya xiriirka sii xoogaysanaya ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Azerbaijan, waxaana lagu tilmaamay mid muujinaya go’aanada siyaasadeed ee labada madaxweyne ee ku wajahan horumarinta xiriirka labada dal ee dhinacyada kala duwan.

Wasiir-dowlaha Gaashaandhigga oo marti-galiyay Kulan looga hadlaayo illaalinta Carruurta 

0

Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumaadda Federaalka Soomaaliya,ayaa marti-gelisay kulanka seddex biloodka ah ee looga hadlayay sidii loo ilaalin lahaa carruurta ay saameeyeen colaadaha.

Wasiir-dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga XukuumaaddaFederaalkaSoomaaliya, Mudane Cumar Cali Cabdi, ayaa furay kulanka, waxaana ka soo qeybgalay xubno ka tirsan wasaaradaha kala duwan, sida Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Cadaaladda, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qoyska iyo Xaqa-u-istaagga Insaanka, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Amniga, iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaashaandhigga.

Kulanka waxaa sidoo kale ka qaybgalay wakiilada Ilaalinta Xaqa-u-istaagga Carruurta iyo Xaqa-u-istaagga Insaanka ee UNTSOM, iyo dhammaan saraakiisha ka shaqeysa arrimaha xuquuqda carruurta.

Shirkan ayaa diiradda lagu saaray sidii loo ilaalin lahaa badbaadada carruurta Soomaaliyeed iyo sidii hoos loogu dhigi lahaa waxyeellada ka dhalan karta colaadaha xilliyada dagaalka.

Ciidanka Gorgor oo howlgal qorsheysan ka fuliyay deegaanno ka tirsan Xarardheere

0

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Kumaandooska Gorgor, Qeybta 21-aad, iyo ciidamadda deegaanka, ayaa howlgallo qorsheysan ka fuliyay deegaano ka tirsan degmada Xarar-dheere ee gobolka Mudug, gaar ahaan Tuulo Xaaji iyo Tuulo Cadad.

Howlgalka, oo socday muddo saddex maalmood ah, ayaa lagu ciribtiray maleeshiyaadka Khawaarijta, kuwaas oo xogtooda la helay, xilli ay maleegayeen falal argagixiso. Ciidamadda ayaa si taxaddar leh uga hortagay kooxaha nabad-diidka ah, iyagoo beegsaday goobo ay isku uruursanayeen.

Wararka ka imanaya magaalada Xarardheere ee gobolka Mudug ayaa sheegaya in saraakiisha hoggaamineysa howlgalka ay xaqiijiyeen in cadowga lagu gaarsiiyay jab xooggan, isla markaana la burburiyay saldhigyo ay ku dhuumaaleysanayeen. Intii uu howlgalka socday, Khawaarijta waxaa laga dilay tiro maleeshiyaad ah.

Guddoomiyaha SoDMA oo ka qeyb-galay Shirka Madal-Goboleedka Carabta oo lagu qabtay Kuwait

0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka ee Soomaaliya, Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa hoggaaminaya wafti ka socda dowladda Soomaaliya oo ka qeyb-galay Shirka 6-aad ee Madal-Goboleedka Carabta ee Yareynta Khataraha Musiibooyinka (Arab Regional Platform for Disaster Risk Reduction), oo ka dhacay dalka Kuwait.

Guddoomiyaha ayaa madasha ka jeediyay khudbad iyo farriinta Soomaaliya ee ku aaddan shirka, isagoo ka hadlay xaaladaha iyo caqabadaha ka jira Soomaaliya ee la xiriira yareynta khataraha musiibooyinka. Wuxuu si faahfaahsan uga warbixiyay sidii loo xaqiijin lahaa tiirarka heshiiska Sendai Framework 2015-2030, isagoo ku booriyay ka qeyb-galayaasha in la xoojiyo dadaallada lagu yareynayo khataraha musiibooyinka.

Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle ayaa sidoo kale la wadaagay ka qeyb-galayaasha shirka waayo-aragnimada Soomaaliya ee la tacaalidda musiibooyinka, iyo dadaallada socda ee lagu xoojinayo adkeysiga bulshada Soomaaliyeed.

Guddoomiye kuxigeenka Hay’adda SoDMA, Dr. Axmed Cabdi Aadan, ayaa isna shir doceed ka gaaray heerka ay dalalka Carabtu ka marayaan fulinta heshiiska Sendai Framework for DRR 2015-2030. Shirkan ayaa lagu soo bandhigay waxqabadka dalalka Carabta ee ku aaddan yareynta khataraha masaa’ibta.

Agaasimaha Waaxda Yaraynta Khataraha Musiibooyinka ee SoDMA, Khadar Sh. Maxamed, ayaa ka qeyb-galay doodo lagu falanqeynayay arrimaha khasaaraha iyo waxyeellada ka dhalatay isbeddalka cimillada.

Sidoo kale, Madaxa Genderka ee Hay’adda SoDMA, Xaliima Yuusuf Sheekh Xasan, ayaa warbixin ka soo bandhigtay u adkaysiga bulshada u nugul musiibooyinka, iyadoo gaar ahaan diiradda saartay dumarka, carruurta, iyo dadka da’da ah.

Duqa Caasimadda oo casho sharaf u sameeyay dhallinyarada sameynta ku leh Baraha Bulshada 

0

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Maxamed Axmed Amiir, ayaa caawa xarunta aqalka Dowladda Hoose ee Xamar casha sharaf ugu sameeyay hal abuure Asad Xaajiyow iyo qaar badan oo kamid dhallinyarada saameeynta ku leh aaladaha ay bulshada kuwada xariirta ee Social Media.

Ujeedka munaasabadan ayaa aheyd mid uu Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Amiir uu ku dhiiragalinayay hal-abuure Asad Xaajiyow oo si adag oo geesinimo leh uga gudbay dhibaatada ay u geesteen Khawaarijta, sidoo kale kulankan ayaa ahaa mid lagu xogwareysanayay dhallinyarada saameynta ku leh Social Media.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Maxamed Axmed Amiir ayaa tilmaamay in dhallinyarada saameeynta ku leh aaladaha ay bulshada kuwada xariirta ee Social Media ay door weyn ku lee yihiin soo gudbinta horumarka wanaagsan ee kajira Caasimadda.

Wasiirka Shaqada XFS oo sheegay in dowladdu ay ka go’an tahay horumarinta sharciyada shaqada

0

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Yuusuf Maxamed Aadan ayaa sheegay in dowladda ay ka go’an tahay horumarinta sharciyada shaqada iyo ilaalinta xuquuqda shaqaalaha.

Wasiirka oo ka qeybgalay shirweynaha 5-aad ee Xiriirka Ururada Shaqaalaha Soomaaliyeed (FESTU), ayaa sidoo kale xusay in guulaha wasaaraddu gaadhay ay ka mid tahay meelmarinta xeerka shaqaalaha Soomaaliyeed oo uu dhawaan saxiixay Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud.

Shirka waxaa ka qeybgalay wasiirro, xildhibaanno, wakiillo ka socday 12-ka urur ee xubnaha ka ah FESTU iyo in ka badan 300 ergo, iyadoo sidoo kale ay joogeen daneeyayaal caalami ah iyo xubno ka tirsan bulshada rayidka ah.

Xafiiska hantidhowrka guud oo si rasmi ah ugu biiray shabakadda Carabta ee hufnaanta iyo la-dagaallanka musuqmaasuqa

0

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS ayaa si rasmi ah ugu biiray Shabakadda Carabta ee Hufnaanta iyo La-dagaallanka Musuqmaasuqa (ACINET), taas oo qayb ka ah dedaallada lagu xoojinayo iskaashiga gobolka, isla-xisaabtanka iyo la-dagaallanka musuqmaasuqa.

Ku biirista ACINET ayaa fursad u siinaysa Xafiiska Hantidhowrka inuu ka faa’iidaysto khibradaha iyo barnaamijyada iskaashi ee dalalka gobolka, si loo horumariyo dedaallada lagula dagaallamayo musuqmaasuqa, laguna xoojinayo isla xisaabtanka iyo dowlad wanaagga.

ACINET waxay hormuud ka tahay kor-u-qaadista daahfurnaanta iyo hufnaanta, waxaana xubin ka ah hay’ado dhowr ah oo ka kala socda dalalka Carabta iyo Bariga Afrika.

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS ayaa sii wadi doonaa dadaalladiisa ku aaddan xoojinta isla-xisaabtanka, isagoo ka faa’iidaysanaya madallada caalamiga ah ee gacan ka geysan kara horumarinta awooddiisa iyo saameyntiisa.