Home Blog Page 161

Safiirka Soomaaliya u fadhin doona Yemen oo wasaaradda Arrimaha dibedda Yemen ka guddoontay warqadaha Aqoonsiga

0

Danjiraha JFS ee dalka Yemen Mudane Cabdixakiin Maxamed Axmed (Dhoobo Daareed) ayaa nuqul ka mid ah warqadaha aqoonsiga danjirannimo u gudbiyay Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda dalka Yemen Amb. Mustafa Al-nucmaan.

Danjiraha iyo wasiirka ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka labo geesoodka ah iyo iskaashiga labada dowladood ee dhinacyada amniga, dhaqaalaha, horumarinta, iyo diblomaasiyadda.

Danjire Cabdixakiin Maxamed Axmed ayaa uga mahadceliyay wasiirka soo dhoweynta uu u sameeyay isagoo u ballan qaaday in uu xoojin doono xiriirka taariikhiga ah ee u dhaxeeya labada dal.

Wasiir-dowlaha Beeraha XFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo ka qeyb-galay shirka IFAD

0

Wasiir-dowlaha Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka JFS, Mudane Asad Cabdirisaaq Maxamed, oo hoggaamiya wafdiga rasmiga ah ee dowladda Soomaaliya ee uga qeyb-galaya shirka ( IFAD Innovation Day 2025) oo ay soo agaasintay Sanduuqa Caalamiga ah ee Horumarinta Beeraha ee IFAD. Kulankaan oo sanadle ah ayaa lagu soo bandhigaa hal-abuurada guulaystay sanadkaas gaar ahaan kuwa saamaynta ku leh wax soosaarka cuntada dunida.

Qeyb ka mid ah kulanka waxaa diiradda lagu saarayaa hal-abuurka ay dowladuhu hormuud ka ka yihiin, gaar ahaan dalalka nugul, waxaana Wasiir-dawluhu furay doodda “Government-Led Innovation in Fragile Contexts” isaga oo carrabka ku adkeeyay in hogaaminta xukuumaddu, marka ay ka amba-qaaddo baahida bulshada isla markaana ay la shaqeyso, la-hawlgalayaasha iyo khubarada caalamiga ah, ay horseedi karto isbadel muuqda oo xoojiya adkeysiga nidaamyada cuntada iyo kobaca dhaqaalaha dalalkaas.

Wasaaradda Beeraha & Waraabka waxay sidoo kale kasoo muuqatay dhammaan wejiyada shirweynaha sida dood-furan la xiriirtay doorka dowladuhu ku leeyihiin kobcinta hal-abuurka xilliyada nuglaanta iyo Bandhiga Marketplace-ka IFAD oo ay Xarunta Hal-abuurka Wasaaradda ee CIAD kusoo bandhigtay hal-abuuradi iyo fikradihi guulaystay ee ay taageereen barnaamijyada iyo mashaariicda Wasaaradda sida mashruuca RLRP.

Wasiirka Qoyska XFS oo furtay Imtixaanka Guddiga Madaxa bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka

0

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka XFS Amb Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi ayaa maanta si rasmi ah magaalada Muqdisho uga furtay Imtixaanka qoraalka ee Xubnaha u tartamaya Guddiga Madaxa bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka.

Guddiga oo ay markii hore soo codsadeen shaqadiisa 302 muwaadin oo Soomaaliyeed ayaa waxaa shuruudaha buuxiyey oo kala xulidda Guddiga madaxa bannaan ee xulista kasoo gudbay 58 qof sida uu Warbaahinta u xaqiijiyey Guddoomiyaha Guddiga Madaxa bannaanaa ee soo xulayey musharaxiinta guddiga Mudane Cumar Faaruuq Cismaan oo ka socday Bulshada Rayidka.

Guddoomiyaha Guddiga soo xulista musharaxiinta ayaa la weydiiyey su’aal ku aadaneyd sharuudaha iyo habraacyada guddigooda xulista ay musharaxiinta Guddiga Madaxa bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka kusoo xusheen ayaa sheegay in ka sokow aqoonta shahaadada heerka sare uu qofka xil dowladeed haya ee xubinnimada guddigan isku soo sharaxaya uu ugu horeyn iska soo casilayo xilka ama shaqada uu ka hayo hay’ad dowladeed.

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka XFS Amb Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi oo iyana furidda imtixaanka kadib saxaafadda kula hadashay xarunta Jaamacadda ee Imtixaanka lagu qaadayey ayaa sheegtay in tallaabadan taariikhiga ah ee guddiga Madaxa bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka si daah furan imtixaanka loogu galayo, waxaana ay nasiib wacan u rajeysay ka qeybgalayaasha Imtixaanka.

Imtixaankan qoraalka ah ayaa ah tallaabada labaad ee musharaxiinta guddiga Madaxa bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka ayadoo tallaabadii koobaadna ay aheyd is diiwaan gelinta taasi oo ay isku soo diiwaan geliyeen 302 ruux, iyadoo tallaabada ugu dambeysa ay tahay imtixaanka afka ah.

 

Xildhibaan Buraale “Furinta waxaan u joogaa in aan dhinto ama aan sharaf soo hooyo.”

0

Xildhibaan Maxamed Cabdullaahi Buraale oo ka mid ah xildhibaanada golaha Shacabka ayaa warbaahinta qaranka uga waramay halka uu marayo hawlgalka lagu cirib tirayo khawaarijta,xildhibaan Buraale ayaa isagoo furimaha hore ee dagaalka ku sugan bogaadiyey doorka ay dagaalka ka qaateen Ciidamada kala duwan ee dowladda iyo ciidanka deegaanka macawisleyda gobolka Hiiraan.

Xildhibaan Buraale ayaa sheegay in khawaarijta daciifeen iyagoo hadda maraya in ay afduubtaan hablaha taas oo muujinaysa awood darida ay wajahayaan” Khawaarijta waxa nacday bulshada Soomaaliyeed si gaar ah bulshada gobolka Hiiraan” ayuu yiri xildhibaan Buraale.

Dhinaca kale Xildhibaan Buraale ayaa warbaahinta qaranka u xaqiijiyey in la fashiliyey qorshe khawaarijtu soo degtay” Khawaarijtu waxay soo dageen qorshe ay culays dagaal ku saarayaan Hiiraan siiba degmada Moqokori,damacaas waxa fashiliyey geesiyaasheena oo difaacay sharafta deegaankooda”.

Ugu dambayn Xildhibaanka ayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka uga mahadceliyey doorka garab istaaga ee uu la garab istaagay Ciidanka deegaanka macawisleyda oo door muhiim ah ka geystay dabar goynta Khawaarijta.

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya oo soo baxday

1- Madaxweyne Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xilka Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo Duqa Magaalada Muqdisho u magacaabey Dr. Xasan Maxamed Xuseen Muungaab.

2- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Madaxtooyada ku qaabilay Gudoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta ee Cameroon Samuel Eto’o iyo cayaaryahano kale oo caan ah oo ka soo jeeda qaaradda Africa.

3- Golaha Wasiirrada ayaa kulankoodii toddobaadlaha ahaa kaga dooday xaaladda amniga guud ee dalka iyo guulaha laga soo hoyay hawlgallada dalka looga xorreynayo Khawaarijta ee ay horkacayaan Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa deegaanka.

4- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa tacsi u diray qoyska ,ehellada iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed geeridii ku timid Allah ha u naxariistee S/Guuto Maxamed Siciid Xirsi Moorgan oo horay u soo noqday Wasiirkii Gaashaandhigga ee Soomaaliya.

5- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa ka qeyb-galay daawashada ciyaar saaxiibitimo oo taariikhi ah, taas oo dhex martay halyeeyadii hore ee xulka Qaranka iyo kuwa Qaaradda Afrika oo ay ka mid ahaayeen Samuel Eto’o, Jay-Jay Okocha iyo Emmanuel Adebayor.

6- Ra’iisul Wasaare Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa magacaabay guddi ka kooban Wasiirro iyo Maamulka Gobolka Banaadir, kuwaas oo ka shaqeynaya xuska toddobaadka xorriyadda dalkeenna.

7- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa kormeer ku tagay Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka, isagoo sheegay in wasaaraddani ay tusaale u tahay isku tashiga shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ee dib-u-dhiska iyo horumarinta xarumaha dowladda.

8- Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Labaad Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi ayaa ka qeyb-galay munaasabad lagu hawlgelinayey Hey’adda Sharciyeynta Adeegyada iyo Baaritaanka Beeraha ee (SARIS).

9- Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Maxamuud Cabdiraxmaan. Sheekh Faarax ayaa furay kulanka daabacaadda labaad ee warbixinta Oddoroska Dhaqaalaha Soomaaliya.

10- Wasiirka Gaashaandhigga Mudane Axmed Macallin Fiqi ayaa la kulmay Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaablisan Soomaaliya, James Swan, iyagoo ka wadahadley geeddi-socodka Hawlgalka Taageerada iyo Xasillinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM).

11- Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka ee SoDMA Maxamuud Macallin Cabdulle ayaa magaalada Muqdisho kula kulmay Danjiraha Shiinaha u fadhiya Soomaaliya, Md. Wang Yu.

12- Agaasimaha Hey’adda Nabadsugidda (NISA) Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) iyo Taliyaha Ciidanka Dhulka Xogga Dalka, S/Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar ayaa waxa ay kulamo gaar ah la yeesheen odayaasha dhaqanka ee degaanka Tardo ee gobolka Hiiraan, iyagoo kala hadlay Dardar-gelinta dagaalka.

13- Wasiirka Arrimaha Dibadda Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali ayaa nuqulka warqadaha aqoonsiga danjirenimo ka guddoomay Danjiraha cusub ee Boqortooyada Midowday (UK) u fadhin doona Soomaaliya Amb. Charles King.

14- Wasiirka Gaashaandhigga Mudane Axmed Macallin Fiqi ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Talyaaniga u fadhiya Soomaaliya, Pier Dacco Coppi, waxaana kulankaasi diiradda lagu saraay iskaashiga dhinaca difaaca iyo amniga ee labada dal.

15- Wasiirka Gaashaandhigga Mudane Axmed Macallin Fiqi ayaa shir guddoomiyey kulanka billaha ah ee Guddiga Farsamo ee Xiriirka Arrimaha Xasilinta ee Wasaaradaha iyo Hay’adaha Federaalka ah.

16- Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Mudane Xasan Macallin Maxamuud ayaa ka qayb galey shir ay bulshada kaas oo jeedda degaannada Somaliland uga doodayeen dhameystirka dastuurka.

17- Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Mudane Maxamuud Axmed Aadan Geesood ayaa kulan wadatashi ah la yeeshay aqoonyahannada iyo haldoorka ka soo jeeda gobollada Sanaag iyo Bari ee ku sugan Muqdisho.

18- Wasiirka Arrimaha Dibadda Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Madaxa Hay’adda Caalamiga ee Laanqeyrta Cas (ICRC) u qaabilsan Soomaaliya, Mudane Antoine Grand.

19- Wasiir Ku-Xigeenka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Cumar (Al Caddaala) ayaa magaalada Ankara kula kulmay Wasiir Ku-Xigeenka Arrimaha Dibadda Turkiga Mudane Burhanettin Duran

20- Wasir Dowlaha Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Dr. Maryam Maxamed Xasan Mohamed ayaa ka qayb-gashay munaasabad lagu xusayey sannad guuradii 57-aad ee ka soo wareegtay aas-aaska Isbitaalka Madiina.

21- Agaasimaha Hay’adda Nabadsugidda (NISA) Mudane Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe ayaa booqday Ciidamada Qalabka Sida iyo kuwa degaanka ee ku sugan jiidaha hore ee dagaalka ee aagga degmada Aadan Yabaal.

22- Xubno ka mid ah Guddiga Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa gaaray magaalada Baydhabo, iyadoo halkaa laga bilaabi doona diiwaan gelinta codbixiyeyaasha.

23- Wasiirka Gaashaandhigga Mudane Axmed Macallin Fiqi iyo Wasiirka Difaaca ee dalka Masar, S/Gaas Cabdulmajiid Saqar ayaa khadka teleefoonka ku wada hadlay, iyagoo ka wada hadlay ciidamada Masar ee qeybta ka ah hawgalka cusub ee AUSSOM.

24- Wasiir Dowlaha Arrimaha Dibedda Cali Maxamed Cumar (Cali Balcad) ayaa sheegay in gogosha uu iclaamiyay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ay qeyb ka yihiin madaxdii hore ee dalka soo xukuntay.

25- Wasiirka Xanaanada Xoolaha, Dhirta & Daaqa Mudane Xasan Xuseen Maxamed ayaa ka qayb galay shirweynaha 92-aad ee Ururka Caafimaadka Xoolaha Adduunka (WOAH) oo lagu qabtay magaalada Paris ee dalka Faransiiska.

26- Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa soo xiray Shariif Maxamed Axmed oo ku eedeysan in uu dilay Marxuum Cabdifitaax Cabdi Cismaan oo ahaa ciyaaryahan kubadda cagta oo horay Xulka Qaranka Soomaaliya u soo cayaaray.

27- Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed S/Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar ayaa gaaray degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan, halkaas oo Ciidamada Qalabka Sida iyo kuwa degaanka ay dagaal adag kula jiraan Khawaarijta.

28- Wasiirka Arrimaha Dibadda Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali ayaa Muqdisho ku qaabilay Madaxa Hay’adda Miino Baarista ee Qaramada Midoobay (UNMAS) ee Soomaaliya.

29- Wasiirka Arrimaha Dibadda Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali ayaa magaalada Muqdisho ku qaabilay Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya James Swan.

30- Wasiir Ku-Xigeenka Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-Heshiisiinta Cabdixakiim Ashkir ayaa si rasmi ah u furay Shirka Wadajirka Bulshada Iyo Ka Hortagga Colaadaha Soo Noq-noqda.

31- Guddoomiye Ku-Xigeenka 2aad ee Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow ayaa dalka Tanzania Ugu qeybgaley shirka madaxda baarlamanka dalalka xubnaha ka ah Urur Goboleedka Bariga Afrika.

32- Wasiir Ku-Xigeenka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Dr. Maxamed Xasan Bulaale ayaa qaabilay Wasiirka Caafimaadka ee Dawlad Goboleedka Khaatumo Dr. Yuusuf Saleebaan.

33- Wasiir Ku-Xigeenka Beeraha iyo Waraabka Marwo Sahra Yuusuf Cige ayaa dalka Brazil ugu qeyb-gashay Shirka 2-aad ee wadahadalada u dhexeeya Brazil iyo Afrika ee looga hadlayay Sugnaanta Cuntada, La Dagaalanka Gaajada iyo Horumarinta Miyiga.

Guddoomiyaha cusub ee G.Banaadir oo kulan la qaatay qaar ka mid ah Odayaasha Dhaqanka 

Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Dr. Xasan Maxamed Xuseen Muungaab ayaa kulan la qaatay qaar ka mid ah Odayaasha Dhaqanka Soomaaliyeed oo ay hoggaaminayaan Imaam Daahir Imaam Maxamuud iyo Ugaas Maxamuud Cali Ugaas.

Ugu horeyn Odayaasha dhaqanka ayaa ugu Hambalyeeyay Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Muungaab in markale loo magacaabo hogaanka Gobolka Banaadir, iyagoona ugu duceeyay in uu eebe kula garab galo mas’uuliyaddaasi.

Sidoo kale Odayaasha Dhaqanka Soomaaliyeed ayaa hoosta ka Xariiqay in Guddoomiyaha Cusub ee Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Dr. Xasan Maxamed Xuseen Muungaab ay kala shaqeyn doonnaan Dowlad-wanaaga, Amniga, dib-u-dhiska iyo horumarinta Caasimadda Muqdisho.

Taliyaha Ciidanka Booliiska oo shir guddoomiyey kulanka hoggaannada Amniga

Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi, ayaa shir guddoomiyey kulanka hoggaannada, Taliyaasha Qeybaha iyo Fadhiyada Madaxbannaan, kaasi oo looga hadlayey amniga guud ee dalka.

Kulanka ayaa warbixinno looga dhageystay saraakiisha amniga, kuwaas oo lagu faray kulamadii hore in ay dhaqan geliyaan qorshaha horumarinta amniga, si loo dardar-geliyo dadaallada lagu xoojinayo amniga una hortagaan falalka guracan ee ay wadaan kooxaha Khawaarijta.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo xafiiskiisa ku qaabilay hoggaamiyaha SSC-Khaatumo

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe),ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Hoggaamiyaha Dowlad Goboleedka SSC-Khaatumo Mudane Cabdulqaadir Axmed Aw-Cali (Firdhiye) oo ay wehliyaan masuuliyiin ka tirsan maamulkaas.

Hoggaamiyaha dowlad goboleedka SSC-Khaatumo ayaa Guddoomiyaha Golaha Shacabka warbixin kooban ka siiyay howlaha maamulka SSC-Khaatumo iyo shaqada uu u hayo bulshada ku nool deegaanadda maamulkaasi.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo ugu horreyn bogaadiyay dowlad goboleedka SSC-Khaatumo iyo shacabka deeganadaasi, ayaa kula dardaarmay hoggaamiyaha SSC-Khaatumo howlaha uu haayo maamulkiisa iyo sidoo kale sida ay muhiim u tahay dhameystirka maamulkaasi.

Kulanka waxaa ka qeyb galay habdhowre ku-xigeenka golaha shacabka Xildhibaan Sahra Bundubte , xoghayaha guud ee Golaha Shacabka Cabdiraxmaan Maxamed Cabdulle (Jaabiri) iyo sidoo kale Xildhibaanno ka tirsan golaha shacabka.

 

Golaha Wasiirrada oo yeeshay kulankoodii toddobaadlaha ah

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo yeeshay kulankoodii toddobaadlaha ahaa, ayaa looga hadlay amniga guud ee dalka iyo howlgallada lagu ciribtirayo kooxaha Khawaarijta ah oo Ciidanka xoogga dalka iyo kuwa deegaanku ay ka gaareen guulo.

Kulanka oo uu guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa lagu soo bandhigay warbixinno muhiim ah oo la xiriira badqabka diyaaradaha ka howgala dalkeenna iyo caqabadaha hortaaggan si xal loogu helo, iyada oo la ilaalinayo badqabka shacabka iyo fulinta siyaasadda jaangoynta darajooyinka iyo mushaaraadka Shaqaalaha Dowladda.

Golaha Wasiirrada, ayaa sidoo kale u dallacsiiyey darajada Safiir, Mudane  Axmed Jaamac Cumar, iyada oo la tixgalinayo Aqoonta iyo waayo-aragnimadiisa.

Wasiirka Hawlaha Guud oo Kulan miro-dhal ah la yeeshay madaxa Bangiga Adduunka ee Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, dib-u-dhiska iyo Guryeynta Dowladda Federaalka Soomaaliya, Dr. Cilmi Maxamuud Nuur, iyo wafdi uu hoggaaminayo oo kulan la yeeshay Madaxa Bangiga Adduunka ee Soomaaliya, Marwo Kristina Svensson, xilli uu safar shaqo ku joogo magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Kulanka muhiimka ah ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iyo dardargelinta iskaashiga ka dhaxeeya Wasaaradda iyo Bangiga Adduunka, iyadoo si gaar ah loo lafaguray horumarinta mashaariicda Bangiga ka taageero Soomaaliya, gaar ahaan barnaamijyada Nagaad iyo Shiib.

Intii uu kulanka socday, labada dhinac waxa ay isku raaceen in la xoojiyo hannaanka fulinta mashaariicdaas, si waafaqsan qorshayaasha iyo jadwalka sannadeedka ee horey loo dejiyey, iyadoo la dardargelinayo habraacyada hirgelinta si loo xaqiijiyo miro-dhalkooda muddada dhow iyo tan fogba.

Sidoo kale, waxaa lagu heshiiyey in la kordhiyo taageerada la xariirta dhismaha kaabayaasha dhaqaalaha ee dalka, sida waddooyinka, Biyo-mareennada, iyo mashaariicda horumarineed ee saldhigga u ah kobaca dhaqaale, horumarka bulshada, iyo kor u qaadista isku xirnaanta gudaha dalka.

Gabagabadii, kulanka oo kusoo dhammaaday is-afgarad buuxa, iyada oo la muujiyey yididiilo iyo rajo weyn oo ku aaddan sare u qaadidda iskaashiga wax ku oolka ah ee u dhexeeya Wasaaradda hawlaha guud iyo Bangiga Adduunka, taasoo horseedi karta horumar la taaban karo oo dalka ka hirgala.