UNHCR oo walaac ka muujisay sharciga magangalyo-doonka Giriigga

Date:

Hayโ€™adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga (UNHCR) ayaa Khamiistii si weyn uga walaacday wax ka beddel sharciyeed loo gudbiyay baarlamaanka Giriigga, kaas oo hakad gelinaya codsiyada magangalyo-doonka.

โ€œSharciga cusub ee wax ka beddelka ayaa joojinaya gudbinta codsiyada magangalyo-doonka muddo saddex bilood ah, gaar ahaan kuwa ka imanaya Waqooyiga Afrika iyo dalal kale, iyadoo dadkaas dib loo celinayo iyada oo aan la diiwaangelin,โ€ ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay UNHCR.

Hayโ€™addu waxay ka digtay in tallaabadani keeni karto in dad lagu celiyo meelaha ay khatar ugu jiraan nolol iyo badbaado darro. Sidoo kale, waxay dowladaha xasuusisay in aysan ka leexan karin mabdaโ€™a sharciyada caalamiga ah ee ilaalinaya xuquuqda magangalyo-doonka.

UNHCR waxay qiratay in qulqulka qaxootiga ee dhawaan gaaray deegaanka Gavdos iyo jasiiradda Crete uu sababay cadaadis, balse ay muhiim tahay in la xakameeyo xuduudaha si waafaqsan sharciga caalamiga ah iyo kan Yurub.

Ugu dambeyntii, hayโ€™addu waxay ku baaqday in Midowga Yurub yeesho isku-duubni iyo qorshe mideysan oo taageeraya waddamada safka hore sida Giriigga oo ay si joogto ah u saameeyaan qulqulka dadka magangalyo-doonka ah.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiiru-Dowlaha Qoyska oo Muqdisho ka daahfuray mashruuc lagu taageerayo carruurta agoonta ah

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha ee XFS,...

Guddiga Maaliyadda ee BFS oo kulan ku yeeshay xarunta guddoonka ee Villa Hargeysa

Guddiga Miisaaniyadda, Maaliyadda, Qorsheynta, Iskaashiga Caalamiga ah iyo La-xisaabtanka...

Maxkamadda Sare oo laashay natiijada doorashadii Golaha Wakiillada iyo Goleyaasha Deegaanka Galmudug

Maxkamadda Sare ee Federaalka Soomaaliya ayaa maanta laashay natiijadii...