Home Blog Page 160

Madaxweynaha JFS oo ka qeygalaya meertada 38aad ee shir-madaxeedka Africa 

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr.Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo gaaray magaalada Adis Ababa ee dalka Itoobiya, halkan oo uu kaga qeyb galayo Shir-madaxeedka 38-aad ee Midowga Afrika oo lagaga arrinsanayo mustaqbalka iyo danaha guud ee qaaradda.

Madaxda Afrika ayaa u ballansan doorashada hoggaanka cusub ee Midowga Afrika iyo ku-xigeennadiisa, xoojinta nabadda, midnimada iyo madaxbannaanida dalalka qaaradda iyo ajendayaal kale oo laf-dhabar u ah jihaynta Midowga Afrika, sanadaha soo socda.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa inta uu ku sugan yahay Adis Ababa, waxa uu kulan-doceedyo la yeelan doonaa Madaxda ka soo qeyb galaya shirka, si loo xoojiyo xiriirka dalkeennu la leeyahay dalalka xubnaha ka ah Midowga Afrika.

Waftiga Madaxweynaha ee ku wehelinayey safarkan shaqo ayaa waxaa ka mid ah, Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee Arrimaha Dibadda Mudane Axmed Macallin Fiqi, Gaashaandhigga Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur, Agaasimaha Madaxtooyada Cabdixakiim Maxamed Yuusuf.

Wasiirka Caafimaadka XFS oo kulan la qaatay Agaasimaha Guud ee AFRICA CDC

0

Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, H.E Dr. Ali Haji Adam, ayaa kulan muhiim ah kula qaatay magaalada Addis Ababa, Agaasimaha Guud ee Hay’adda Caafimaadka ee Midowga Afrika (Africa CDC), Dr. Jean Kaseya.

Kulankan ayaa diiradda lagu saaray xoojinta hannaanka caafimaadka ee Soomaaliya, iyadoo wasiirku uu soo jeediyay in Africa CDC ay kor u qaaddo kaalinta qubarada Soomaaliyeed ee jihaynta siyaasadda caafimaad ee qaaradda Afrika. Sidoo kale, waxaa la falanqeeyay xoojinta mashaariicda caafimaad ee Africa CDC iyo kor u qaadista tababarada howl-wadeenada caafimaadka ee Soomaaliya.

Dhanka kale, Agaasimaha Guud ee Africa CDC ayaa bogaadiyay dadaallada Soomaaliya ee kor u qaadista tayada caafimaadka, isagoo xaqiijiyay in Africa CDC ay sii wadi doonto taageerada iyo xoojinta kaalinteeda ee horumarinta caafimaadka Soomaaliya.

Wasiirka Warfaafinta XFS oo ka qeyb-galay kulanka Wasiirrada Warfaafinta Carabta ee Kuwait

0

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Daa’uud Aweys Jaamac, ayaa magaalada Kuwait ee dalka Boqortooyada Kuwait kaga qeybgaley munaasabadda daahfurka Caasimadda Warbaahinta iyo Dhaqanka ee Jaamacadda Carabta oo sannadkan loo aqoonsaday magaalada Kuwait.

Kulanka daahfurka oo ay ka soo qeybgaleen Wasiirrada Warfaafinta iyo Dhaqanka ee waddamada xubnaha ka ah Jaamacadda Carabta, ayaa waxaa si rasmi ah u furay Wakiilka Boqorka, ahna Wasiirka Warfaafinta iyo Dhqanka ee Boqortooyada Kuwait, Mudane Cabdulraxmaan Al Mutairi.

Kulankaasi daahfurka ah waxaa looga hadlay sida ay madaxda Jaamacadda Carabta uga go’an tahay horumarintooda iyo iskaashiga,gaar ahaan ee dhinacyada warfaafinta ee dalalka ku jira Ururka Jaamacadda Carabta.

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Mudane Daa’uud Aweys Jaamaca ayaa kulamo gaar gaar ah la qaatay qaar ka mid ah Wasiirrada Warfaafinta iyo Dhaqanka ee Jaamacadda Carabta, isagoo u sharaxay siyaasadda Dowladda Federaalka Soomaaliya ee dhinacyada warbaahinta iyo dhaqanka.

Wasiirka Caafimaadka XFS oo ka qeyb-galay Madasha Wasiirrada Caafimaadka Afrika 

0

Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Ali Haji Adam, ayaa magaalada Addis Ababa ee dalka EThiopia kaga qayb galay Madasha Sanadlaha ee Wasiirada Caafimaadka Afrika, oo qayb ka ah Shir Madaxeedka Afrika, Wasiirku wuxuu ka mid yahay in ka badan 30 wasiir caafimaad oo ka qayb galaya barnaamijkan.

Madashan oo ah mid sanadle ah waxay u oggolaanaysaa Wasiirada Caafimaadka dalalka Afrika inay isugu yimaadaan si ay diiradda u saaraan horumarinta Caafimaadka qaaradda, sanadkan xoogga waxaa la saaray adkaynta nidaamka caafimaadka iyadoo laga faa’ideysanayo balanqaadyada siyaasadeed, Wasiirka ayaa muujiyay muhiimada ay hoggaaminta Caafimaadka u leedahay bulshada Afrika.

Intii lagu guda jiray kulanka, wasiirka ayaa Kulamo doceed la qaatay qaar ka mid ah Wasiirada Caafimaadka Afrika ee ka qayb galay madasha iyo madaxda Hay’adda Africa CDC, oo kulankan sanadlaha ah qabanaya.

Caafimaadka Soomaaliya ayaa si macno leh uga muuqda madalaha Caafimaad ee caalamka, iyadoo wasiirku xoogga saaray horumarinta ajandayaasha caafimaadka ee Soomaaliya, iyadoo la kaashanayo saaxiibada caafimaadka.

Guddoomiyaha SoDMA oo ka qeyb-galay Shirka Carabta ee yareynta Khataraha Musiibooyinka

0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka (SoDMA) Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, oo hoggaaminaya wafdiga Dowladda Federaalka Soomaaliya, ayaa ku sugnaa dalka Kuwait ee martigeliyay meertadii 6-aad ee Shirka Madal-goboleedka Carabta ee Yareynta Khataraha Musiibooyinka.

Kulanka uu la qaatay Madaxa Ciidanka Dabdamiska Guud ee Kuwait, Major General Talal Mohammed Al-Roumi, ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga labada dal ee dhinacyada tababarka, qalabaynta, iyo horumarinta adeegyada dabdamiska iyo gurmadka degdegga ah, iyo isdhaafsiga aqoonta ku saabsan maareynta musiibooyinka.

Shirkan, oo ay martigelisay Dowladda Kuwait iyadoo kaashaneysa Xafiiska Qaramada Midoobay ee Yareynta Khatarta Musiibooyinka (UNDRR) iyo Ururka Jaamacadda Carabta, ayaa ka qayb galay in ka badan 600 oo ka socday dowladaha, ururrada bulshada rayidka ah, jaamacadaha, iyo hay’adaha caalamiga ah.

Guddoomiyaha SoDMA ayaa uga mahadceliyay Dowladda Kuwait martigelinta shirkaan iyo taageerada ay siiso shacabka Soomaaliyeed.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo booqday Xaruumaha Adeegyadda Casriga ah ee Azerbaijan

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa booqday xarummo muhiim ah oo ku yaalla magaalada Baku ee caasimadda Azerbaijan, kuwaas oo iskugu jira xarummaha tamarta, difaaca, iyo hormarinta adeegyada dowliga ah.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa booqday Xarunta BP Sangachal Terminal oo ka mid ah xarumaha ugu weyn ee caalamka ee qaabilsan soo saarista shidaalka iyo habeynta gaaska dabiiciga ah, isagoo uga gollahaa in uu dul istaago awoodda dalkan Azebaijan ee dhanka tamarta, maadaama ay dhawaan labada dowladood kala saxiixdeen heshiis iskaashi oo ku saabsan arrimaha shidaalka iyo tamarta.

Intii booqashada uu ku jiray Madaxweynuhu, waxa uu warbixin ka dhageystay khubarada farsamada oo la wadaagay sida ay xaruntu uga shaqeyso amniga tamarta ee gobolka iyo suuqyada caalamka, iyadoo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu tilmaamay in booqashadan ay fursad weyn u ahayd is-dhaafsi khibradeed, maadaama Soomaaliya ay haatan waddo sahanno lagu baarayo shidaalka oo la qorsheynayo in la soo gabagabeeyo sannadkan.

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa booqday Kumaandooska Ciidanka Qaranka Azerbaijan, halkaas oo uu kusoo dhaweeyay Wasiirka Gaashaandhigga Azerbaijan, Mudane Zakir Hasanov. Madaxweynaha waxaa loo soo bandhigay qalab casri ah oo ciidan oo lagu sameeyay gudaha Azerbaijan.

Dhanka kale, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo booqday Xarunta Adeegyada Casriga ah ee ASAN, isagoo ku bogaadiyey dowladda dalkan hannaanka horumarsan ee casriyeynta adeegyada dadweynaha, waxa uuna xusay in Soomaaliya ay ka faa’iidaysan karto khibraddan, si loo horumariyo addeegyada dowliga ah ee danabeysan (E-Governance)

Golaha Wasiirrada oo ansixiyey xeer-nidaamiyaha Xukuumadda 

0

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay kulankoodii caadiga ahaa, ayaa ansixiyey Xeer-Nidaamiyaha Xukuumadda, kaas oo hagaya howlaha waaweyn ay xukuumaddu u hayso bulshada Soomaaliyeed.

Kulanka Golaha oo uu guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa lagu soo bandhigay warbixinno ka hadlayey xaaladihii ugu dambeeyay ee dalka, gaar ahaan dhinacyada amniga, dhaqaalaha iyo horumarinta adeegyada bulshada.

Sidoo kale, Golaha ayaa meelmariyey heshiis iskaashi amni, kaas oo ay wada gaareen dalalka Soomaaliya iyo Ciraaq.

Golaha Wasiirrada ayaa dul istaaggay dagaallada ka socda dalka ee lagu ciribtirayo kooxaha Khawaarijta ah ee Al-shabaab iyo Daacish, kuwaas oo jab-xoog leh ay gaarsiiyeen ciidanka Qaranka, kana saareen degaanno iyo goobo kala duwan oo ay ku dhibaatayn jireen shacabka­­, iyada oo laga dilay horjoogeyaal u badan ajaaniib, qaar kalena gacanta lagu dhigay.

Bandhigga Suuq-weynaha Muqdisho oo galay maalintii labaad

0

Bandhigga oo sanadkii 6-aad ka qabdoomay magaalada Muqdisho wayaa galay maalinkii labaad ka dib markii uu shalay daah furay Ra’iisul Wasaare ku xigeenka xukuummadda federaalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac, iyadoo madasha furitaanka ay sidoo kale kasoo qeybgaleen masuuliyiin ka tirsan goleyaasha Dowladda iyo guddoomiyaha Rugta Ganasiga Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa furitaanka Bandhigga Suuqweynaha Ganacsiga Muqdisho ku sheegay in Qorshaha Qaranka dowladda Soomaaliya ay qeb mihiim ah kaga jirto horumarinta iyo dhiirrigalinta Ganacsiga si ay fursad u helaan dhallinta Soomaalieed loona yareeyo faqriga iyo shaqo la’aanta.

Bandhigga oo socon doona 3 maalin ayaa waxaa lagu soo bandhigi doonaa Halabuur Ganacsi oo kala duwan, waxaana bulshada kasoo qebgaleysa loogu talagalay qiima dhimis mudada uu socondoono Bandhigga Suuqweynaha Muqdisho.

Soomaaliya iyo muritaaniya oo iska kaashanaya ka hortagga musiiboyinka 

0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka, Mudane.Maxamuud Macallin Cabdulle, oo hoggaaminaya wafdiga Dowladda Soomaaliya ee ka qeyb-galaya Madasha 6-aad ee Dalalka Carabta ee Yaraynta Khataraha Masiibooyinka ee ka socda dalka Kuwait, ayaa kulan wax-ku-ool ah la qaatay wafdiga matalaya dowladda Muritaaniya oo ay hoggaaminayso Wasiirka Deegaanka iyo Horumarka Waara, Mrs. Messouda Mint Baham.

Kulankan labada wafdi ayaa diiradda lagu saaray iskaashiga labada dal ee la xiriira khibrad-wadaagga iyo horumarinta hababka digniinta ee ka hortagga musiibooyinka, halka Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA uu xusay in dowladda Soomaaliya ay diyaar u tahay in ay gacan ka geysato kobcinta awoodaha farsamo ee ku aaddan hirgalinta xarunta digniinta hore ee ay qorshaynayso Wasaaradda Deegaanka ee Muritaaniya.

Wafdiga Dowladda Soomaaliya ayaa mar kale muujiyay sida ay uga go’an tahay in iskaashi dhow iyo wada-shaqeyn lala yeesho dalalka gobolka si loo xoojiyo dadaallada yareynta khataraha musiibooyinka iyo ka hortagga saameyntooda.

Soomaaliya iyo Azerbaijan oo kala saxiixday heshiisyo Iskaashi

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Azerbaijan Mudane Ilham Aliyev, ayaa maanta ku kulmay magaalada Baku, halkaas oo ay ku kala saxiixdeen heshiisyo muhiim ah oo lagu xoojinayo iskaashiga labada dal.

Labada Madaxweyne ayaa ka arrinsaday horumarinta xiriirka Labada dal, iyada oo diiradda la saaray dhinacyada waxbarashada, tamarta, amniga, iyo khibradaha dhanka maamul.

Soomaaliya iyo Azerbaijan ayaa kala saxiixday heshiisyo dhaxalgal ah oo ay ka mid yihiin kobcinta iskaashiga waxbarasho, siinta deeqo waxbarasho ardayda Soomaaliyeed, horumarinta cilmi-baarista iyo hal-abuurka. Sidoo kale, waxaa la isla qaatay in Azerbaijan ay Soomaaliya ka taageerto horumarinta tamarta, gaar ahaan dhinacyada shidaalka, gaaska, iyo tamarta la cusboonaysiin karo.

Dhinaca amniga iyo difaaca, labada dal ayaa ku heshiiyay wada-shaqeyn dhow oo ku aaddan tababarada ciidamada, la-dagaallanka argagixisada iyo tayeynta Hay’adaha Amniga, waxaana la isku afgartay in la casriyeeyo maamulka dowliga ah, iyadoo la dardargelinayo adeegyada dadweynaha iyo dowlad wanaagga.

Madaxweyne Dr. Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweyne Ilham Aliyev waxay hoosta ka xariiqeen muhiimadda ay leedahay in la dhiso madal joogto ah oo lagu xoojiyo xiriirka labada dal, taasoo fududeyn doonta fulinta heshiisyada la saxiixay.

Ugu danbayntii, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa casuumay dhiggiisa Azerbaijan Mudane Ilham Aliyev in uu booqasho rasmi ah ku yimaado Soomaaliya, si loo sii xoojiyo iskaashiga labada dhinac.