Home Blog Page 1602

Golaha Wasiirada oo maanta bilaabay kulan 2 cisho oo wadatashi (Retreat) ah oo lagu dar-dargelinayo waxqabadka xukuumadda

0

Muqdisho, 02 May 2017 – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa maanta daah-furay kulan wadatashi (Retreat) labo cisho ah oo ay xubnaha Golaha Wasiirada ku dar-dargelinayaan waxqabadka Xukuumadda.

Ujeedada kulankan labada cisho ah oo ay wasiiradu ku gorfeynayaan qorshe-howlleedka xukuumada ayaa ah sidii qorsheyaasha wasaaradaha ay u noqon lahaayeen kuwo mideysan oo ka tarjumeysa barnaamijka xukuumadda.

Sidoo kale ujeedada kulankan wadatashiga ah ayaa ah dhaqangelinta barnaamijyada isku xirka bulshada iyo daawladda, loogana hadli doonaa sidii loo dhaqangelin lahaa dawlad wanaag, isla xisaabtan, furfurnaan iyo u-adeegidda bulshada Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre oo daahfuray kulankan wadatashiga ah ayaa ka hadlay muhiimada wadatashiga oo uu sheegay in Wasiirada looga fadhiyo inay u adeegaan shacabka Soomaaliyeed.

Ra’iisul wasaaraha ayaa yiri “Xukuumaddu waa inay horumuud ka noqotaa dardargelinta waxqabadka dowladda si loo kordhiyo kalsoonida shacabka oo muhiim u ah hirgelinta barnaamijka xukuumada.

“Aniga ka Ra’iisul Wasaare ahaan waxaan diyaar u ahay inaan furumaha dagaalka tago oo aan ciidanka geesiyaasha la wadaago daruufaha adag oo ay ku howlgalayaan, waxaana diyaar u ahay inaan nafteyda ku waayo oo aan u huro difaaca shacabka.”ayuu yiri R/wasaaraha

Kulankan wadatashiga ah ee labada cisho ayaa lagu lafa gurayaa arrimaha ay dowladdu siisay mudnaanta sida ka hortaga abaaraha, soo celinta amniga & nabadeynta, kobcinta dhaqaalaha, la dagaalanka musuqmaasuqa, gaarsiinta doorashooyin hal cod iyo hal qof ah, dib-u-heshiisiinta, midnimada ummadda Soomaaliyeed iyo xiriirka caalamiga ah.

Khubaro ku xeel dheer arrimaha mudnaanta leh ayaa jeedin doona casharo wasiirada loogu sharaxayo xaalada dalka iyo sida loo gaari karo in waxqabad dhab ah lala yimaado.

Sidoo kale, kulanka ayaa intii uu socday waxaa laga dhageystay cabashooyin qaar kamid ah shacabka oo iyagu ku biiriniyey tallooyinkooda Xukuumadda, waxana ay soo bandhigeen caqabadooyin kala duwan oo ay la kulmeen.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa ugu danbeyntii kula dardaarmay Wasiirada inay waqtigooda ka faa’iideystaan oo labadan cisho ay ku soo saaraan barnaamij dhameystiran oo ay ku mideysan-yihiin si shacabka Soomaaliyeed loogu adeego.

Wasiirada ayaa laga sugayaa inay soo saaraan siyaasad cad oo dalka u horseeda horumar iyo in howlaha loo igmaday dowladda ay hirgeliso iyadoo laga duulayo hadalkii Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) ee ahaa Nabad & Nolol.

Ra’iisul Wasaaraha oo ka qaybgalay Madal looga hadlayo Dar-dargelinta waxqabadka Xukuumadda

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa ka qeyb galay Madal looga hadlayo dar-dar galinta Waxqabadka Xakuumadda Federaalka Soomaaliya iyo diyaarinta qorshaha Xukumadda ee wax qabadka 90-ka maaalmood.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ka jeediyey qudbad uu kaga hadlayo qorshaha Xukumaddu ay doonayso inay dalka ku horumariso, gaar ahaan dhinacyada Siyaasadda, Arrimaha gudaha,  Dhaqalaha, Waxbarashada, Caafimaadka  Midnimada Ummadda, Siyaasad midaysan oo Soomaaliya kula macaamilayso Caalamka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa yiri: “Waa inaan shacabka dhexgalnaa  oo an dhageysanaa tallooyinkooda, waa inaan aqbalnaa isla xisaabtanka, waa  inan ciidankeena dhiiri gelinaa, ciidankeena aniga xitaa waxaa ii qorsheysan inaan ugu tego  meesha ay jogaan xitaa hadii aan naftayda ku waynayo”.

Ra’iisul Wasaaraha oo la hadlayey Wasiirada madasha ka soo qeybgalay ayaa hadalkiisa ku daray “Maanta waxaad haysataan fursad Wanaagsan oo aad dalkiina uga saartaan dhibaatada, isla markaana aad samaysaan tariikh lagu xasuusto Xukumadda, taana waxaad ku samayn karaysaan in aad wada shaqayn wanaagsan yeelataan dhexdiina”.

Shirka waxaa ka qeyb galay Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka iyo xubno ka tirsan golaha Wasiirada ee Xukuumadda Soomaaliya.

Nasra Bashiir Cali

Ururka Xamaas oo aqbashay dhismaha Dowlad Falastiin oo ku salaysan Xudduudii 1967.

0

Ururka  Xamaas ee u halgama Xoriyadda dadka falastiin oo ay Israel gumaysato ayaa sheegay inuu ogol yahay in la dhiso Dowlad Xur ah ee falastiin  leedahay oo Xuduudeeda tahay tii sanadkii 1967-dii, isla markaana caasimadeedu tahay magaalada Qudus.

Khaalid Mashcal oo ah madaxa xafiiska siyaasadda ee Ururka Xamaas  oo shir  jaraa’id ku qabtay  caasimadda dalka Qadar  ee Dooxa goob joogna ay ka ahaayeen masuliyiin badan oo ka tirsan hoggaanka Xamaas waxa u  soo hadal qaaday hesshiis hore oo dhigayay in dhamaan Qaxootiga Falastiin ee qurbaha ku nool  ay xaq u leeyihiin inay ku soo noqdaan degaanadooda xoogga ay ku haysato Israel  ayna dhistaan dowlad  xor ah.

Dhanka kale  Afhayeenka R/wasaaraha Israel ayaa isna sheegay in qorshaha ay Xamaas waddo uu yahay mid dhagar ah oo ay caalamka ku khiyaamaynayso balse ay ku guul daraysanayso.

Wuxuuna Afhayeenku ku tilmaamay Ururka xamaas Urur argagixiso waxayna dhanka Marinka Gaza  Israel kaga soo tuurayaan malaayiin sawaariikh ah oo ay dhibaato badan ka soo gaartay dadka rayidka ah ee Israel ayuu yiri

Barakacayaal codsaday in kaalmo lala soo gaaro oo ay heysato xaalado nololeed

0

Xeerada  Daryeel  ee  Degmada Kaxda waxaa ku nool qoysas ka soo barakacay qaar ka mid ah gobollada dalka abaarta darteed, halkaasi oo ay ka jirto daruufo adag oo xagga nolosha ah.

Waxaa xusid mudan inay jiraan haween umul ah oo qaarkood  mataano dhalay,  kuwaasi  oo  aan haysan daryeel  caafimaad iyo mid nololeed   toona,  ayadoo ay usii dheertahay qabaw  iyo  dhaxanta dushooda ku dhacaysa oo ay usii dheertahay dhibicda roobka oo aysan haysan hooy ay gabaad ka dhigtaan.

Maamulka  Degmada  Kaxda oo kaa shanaya qaybaha bulshada  ayaa waxaa  uu hirgaliyay  kushiin ay ka cunteeyaan qoysaska barakacayaasha ah, waxaana gabaabsi maraya raashinkii loo karin lahaa qoysaska oo awalba hal waqti  heli jiray 24  saac kaddib  oo loo kariyo bariis aan iidaan lahayn oo timir korka looga daray.

Hooyooyinka iyo carruurta  oo ah dad unugul dhibaatada iyo gaajada       ayaa safaf dhaadheer ugu jiray raashinka qaar kood ayaaba waxaa  Ka go’ay raashinkii  la qaybinayay, waayo waxa la kariyo iyo dadka oo marba marka ka dambaysa si habqan usoo gaaraya xerada ayaan  isku dhigmin.

Dadka qaarkood ayaa ah kuwa aan waxba qabsan karin  sida kuwa naafada ah iyo kuwa ay nafaqa darida haysato.

Cudurada faafa  oo ka dhasha nadaafadda darida ayaa fara ba’an ku haya dadka  xeradaas ku nool, sida  ay horjoogayaasha xeradaasi inoo sheegeen inta la xaqiijiyay tira dad ah ayaa u geeriyooday cudurka shuban biyoodka, halka kuwa kale ay la jiifaan Xerada Daryeel ee Dagmada Kaxda.

Guddoomiyaha Degmada Kaxda ee Gobolka Banaadir Maxamed Ismaaciil Cabdullaahi oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in xaaladda nololeed barakacayaasha ay ka sii darayso, isla markaana aysan dadku helin gurmad ku filan, waxaana  Dowladda  Federaalka ah ee Soomaaliya Guddig gurmad abaaraha heer Qaran ugu baaqay inay iska xilsaaraan sidii Dadkaasi loogu gurman lahaa.

Webiga Shabeelle oo fatahaad ka sameeyay deegaanno ka tirsan gobolka Sh/dhexe

0

Webiga Shabeelle ayaa lagu soo warramaaya in uu fatahaad ka sameeyay deegaanka Buur Bishaar oo 8km dhinaca Waqooyi Bari kaga beegan magaalada Jowhar ee xarunta Gobolka Shabeelaha Dhexe, iyadoo fatahaadda ay waxyeelo gaarsiisay dhul beereed ay ku yaaleen dalagyo kala duwan.

Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in wabiga uu fatahay, iyadoo roobab ay ka da’ayaan gobolka Shabeellaha dhexe, waxaana laga cabsi qabaa in fatahaadda ay saameyn ku yeelato deegaanno kale oo hoostaga demada Jowhar.

Dadweynaha ku nool deegaanada ku dhow tuulada Buur Bishaar ayaa qorsheynayo sidii biyo xireen loogu sameyn lahaa meelaha uu webiga ka sameeyay fatahaadda.

Wariyaha Warbaahinta Qaranka ee Gobolka Shabeellaha Dhexe Abuukar Maxamed Bacadle ayaa ku soo waramaya in tuulooyinka uu fatahaadda ka sameeyay webiga ay isaga barakaceen dadkii deganaa.

Wasiirka Ganacsiga ee Soomaaliya oo Turkiga uga qeyb gashay shir muhiim ah

0

Wefdigan oo ay horkaceysay Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha ee Xukuumadda Federelka Soomaaliya Khadra Axmed Ducaale oo malmahaan Booqosho ku joogay Dalka Turkiga isla markaane Ka Qayb galayay Shirka Beeraha ee Wasiirada Africa ee Magaalada Antalya ayaa waxey Booqdeen Xarunta Bandhig Carweedka Antalya ee Dalka Turkiga.

Wafdigan ayaa si gaar ah waxey u kormeereen goobta Ganacsiga Soomaaliya ee ku leedahay Bandhig Carweedka Antalya, waxaane halkaasi Warbaahinta Qaranka kula hadlay Madaxa Xafiiska Ganacsiga Safaaradda Soomaaliya ee Dalka Turkiga Yuusuf Axmed Xasan

“Waxaan aad ugu Faraxsanhay in Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha ee Xukuumadda Federelka Soomaaliya Khadra Axmed Ducaale ay soo booqatay Xarunta Soomaaliya ee ku leedahay Bandhiga Carweedka Antalya, sido kale waxaa Sharaf weyn ii ah inaan ku soo dhaweeyo Xarunta.” ayuu yiri Yuusuf Axmed Xasan.

Sidoo Kale Madaxa Xafiiska Ganacsiga Safaardda Soomaaliya ee Dalka Turkiga ayaa Suurta galiyay in Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha ee DFS Khadra Axmed Ducaale kulamo gaar gaar ah la qaadatay Wasiirka Beeraha Cuntada iyo xoolaha ee Dalka Turkiga, iyadoo kala hadashay Sidii ay gacan uga geeysan lahaayeen horumarinta Beeraha Soomaaliya iyo Xoolaha.

Dhanka kale Wasiirka Ganacsiga ayaa Kulamo la yeelatay qaar ka mid ah Shirkadaha Ganacsiga ee Dalka Turkiga, kuwaa oo doonayo inay Maalgashi ku Samaytaan gudaha Soomaaliya.

War murtiyeed laga soo saaray shirka doorka qurbajooga

0

Tan iyo wixii ka danbeeyay Dagaaladdii sokeeye ee ka dhacay dalka Soomaaliya,  waxaa  lagu  qiyaasayaa dadka  Qurbajoogta  ah inay gaarayaan  1.5 Milyan  oo ruux, kuwaas oo  ku  kala  nool Qaaradaha kala gedisan ee dunida, waxa ayna dhaqaale  ahaan wadanka Soomaaliya u diraan in ka badan 2 bilyan oo dollar sanadkiiba, si ay ugu gargaaran dadka ay wadanka uga soo tageen.

Sidoo kale dadka qurbajoogta ah waxay qayb wayn oo aan la iskaindho tiri karin ka yihiin Harumarinta Siyaasaddda, Dhaqaalaha,

Nabadeyta iyo dib u heshiisiinta wadanka, balse waxaan jirin qorshe midaysan oo ku aadan doorka qurba joogta.

Hadabba sidaa diraadeed ayay Hay’adda HIRDA oo ah ha’yad ay Aasaaskeeda leeyihiin qurbajoog Soomaliyeed ay soo qabanqaabisay 29 April 2017  kulan looga  hadlayay  doorka rasmiga ah oo  ay  qurbajoogta  ku  leeyihiin  dib  u  dhiska  iyo nabadeyta wadanka.

Shirka waxaa uu ka dhacay aqalka Dimoqoradiyada Magaaladda Denhaag ee dalka Holland, waxaana ka soo qayb galay Danjiraha Soomaliya u fadhiya EU iyo wadamada la isku yiraahdo Benelux, Dr. Ali Said Faqi, Ra’iisal wasaarihii hore ee Soomaliya Mohamed Abdi Yususf, Gudoomiyihii hore ee Jaamcadda umadda Soomaliyeed Prof. Abdi Farah Hassan, Fanaanka weyn ee Soomaaliyeed Al-Ustaad Ahmed Naji Sacad iyo Marti Sharaf kale oo lagu Casuumay Shirka.

Shirka waxaa si rasmi ah u furay Agaasimaha guud ee Hay’adda HIRDA Fatumo Farah, iyadoo si koobanna uga hadashay doorka qurbajooga iyo ujeedooyinka shirka oo kala ah:-

In la helo cudud midaysan oo qurbajooga ah
In la helo wada shaqayn qorshaysan oo dawladda iyo qurba joogta Soomaaliyeed.
In laga qaybqaato sugidda amniga wadanka iyo midnimadda Waddanka.
In la helo fursaddo lugu maalgashado wadanka
iyo In la helo wadashaqayn.

Ra’iisul wasaare Kheyre oo Muqdisho uga qeyb galay munaasabadda Maalinta Shaqaalaha Aduunka

0

Munaasabadda lagu xusayey maalinta shaqaalaha Aduunka oo lagu qabtay Muqdisho waxaa ka qeyb galay Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya mudane Xasan Cali Kheyre, wasiirka iyo wasiir ku xigeenka wasaaradda shaqada iyo arimaha bulshada, agaasimeyaasha wasaaradda xubno ka kala socday ururada madaxa banaan ee shaqaalaha iyo masuuliyiinta gudiga qaranka ee shaqaalaha Rayidka dowladda.

Agaasimaha wasaaradda shaqada iyo arimaha Bulshada Maxamed Cadde Muuse iyo xoghayaha joogtada ah ee wasaaradda mudane Xasan Shariif ayaa bilowga munaasabadda sheegay in ahmiyadda maalintan iyaga oo kahadlay qorshaha wasaaradda ee shaqaalaha Soomaaliyeed.

Gudoomiyaha guddiga Qaranka ee shaqaalaha Rayidka mudane Xasan Abshirow ayaa raiisul wasaaraha iyo madaxda kale ee ka qeyb galay munaasabadda u sharaxay qorshaha guddiga ee ku wajahan shaqaalaha dowladda oo uu sheegay in ay ku shaqeeyaan duruufo adag.

Wasiir ku xigeenka wasaaradda shaqada iyo arimaha Bulshada Soomaaliya Xildhibaan C/casiis Saalax “Armaan” ayaa tilmaamay in wasaaraddu ay ku howlantahay sidii dhalinyarada Soomaaliyeed shaqo abuur loogu sameyn lahaa si looga badbaadiyo falalka Tahriibku uu kamidka yahay.

Wasiirka shaqada iyo arrimaha Bulshada Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa hambalyo kadib sheegay in shaqooyin ay qaban karaan dadka Soomaaliyeed aanu ka shqeyn doonin qof ajnabi ah.

“Shaqo uu qaban karo qof Soomaaliyeed uma ogolaan doono qof ajnabi ah”ayuu yiri wasiirku.

Ugu dambeyn Raiisul wasaaraha JFS Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa hambalyo u diray dhamaan shaqaalaha Soomaaliyeed,  dhinaca kalena waxa uu kula dardaarmay shaqaalaha dowladda in si wanaagsan ay u gutaan waajibaadkooda, iyaguna ay ka shaqeyn doonaan in la helo xuquuqda shaqaalaha.

“Dowladdu waxey balan qaadeysaa mushaaraadka shaqaalaha, iyagana waxaan ka rabnaa iney nagala shaqeeyaan sidii aan u heli laheyn xuquuqdooda”ayuu yiri ra’iisul wasaaraha.

Dowladda Jarmalka oo Soomaaliya ugu deeqday 70 Milyan oo Yuuro

0

R/wasaaraha dowladda JFS Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa magaalada Muqdisho kula  kulmay Ra’iisul-wasaare ku-xigeenka ahna Wasiirka Arimaha Dibadda Dalka Jarmalka Mr Sigmar Gabriel oo maanta soo gaaray dalka,

Labada dhinac ayaa kulankoodii uga hadlay xoojinta xiriirka labada dal ,gaar ahaan iskaashiga labada dowladood  iyo wax ka qabashada dhinacyada amniga iyo xaaladaha abaaraha

Ra’iisul-wasaare ku-xigeenka ahna Wasiirka Arimaha Dibadda Dalka Jarmalka Mr SignarGabriel ,ayaa sheegay in dowladda Jarmalka ugu deeqday Soomaaliya lacag dhan 70-milyan oo Yuuro

R/wasaaraha dowladda JFS Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa ka mahadceliyay lacagahaasi deeqda ah,isagoo ku booriyay in dowladda Jarmalka ay halkaasi ka sii wadaaan taageeridda dadka Soomaaliyeed

Booqashada R/wasaare ku-xegeenka ahna Wasiirka Arimaha Dibadda Jarmalka ayaa qeyb ka dadaalka beesha caalamka ugu jirto garab istaaga Dowaladda Federaalka Soomaaliya iyo wax ka qabashada xaaladaha Abaareed ee kajira Dalka .

Baarlamaanka Federaalka Oo Abaal Marinno Guddoon Siiyey Wasaaradda Warfaafinta “SAWIRRO”

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/laahi Farmaajo, Ra’isulwasaaraha Xukuumadda Mudane Xasan Cali Kheyre, Guddoonka Golaha Shacabka, Wasiirro, Xildhibaanno ka kala socday labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo marti sharaf kale ayaa ka qeybgalay xaflad lagu xirayey Kalfadhiga koobaad ee Golaha Shacabka.

Munaasabadda waxaa abaal marinno lagu guddoon siiyey Wasaaradda Waraafinta iyo Hanuuninta dadweynaha Soomaaliya waxaana abaal marinta koobaad ee Wasaaradda la guddoon siiyey Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Mudane Eng C/raxmaan Cumar Cusmaan “Yariisoow” ,sidoo kalena waxaa shahaaddo sharafeedyo la guddoon siiyey ku simaha Agaasimaha guud C/raxmaan Yuusuf Cumar Al-cadaala, Agaasimeyaasha Telefishinka Qaranka, Radio Mudisho iyo SONNA.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan “Jawaari” ayaa sheegay in Wasaaradda Warfaafinta iyo qeybaheeda Warbaahinta ay door muhiim ah oo muuqda ku leeyihiin in shacabka Soomaaliyeed ay xog ogaal u noqdaan howlaha Baarlamaanka oo ay ugu horeeyeen doorashooyinkii dalka ka dhacay sidaasi darteedna uu Golaha Shacabka u gartay Abaal marinno iyo shahaado sharafeedyo.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta iyo Hanuuninta dadweynaha Mudane Eng C/raxmaan Cumar Cusmaan “Yariisoow” oo xafladda hadal kooban ka jeediyey ayaa uga mahad celiyey Guddoonka Golaha Shacabka abaal marinnada iyo shahaadooyinka ay Wasaaradda u garteen waxaana uu ballan qaaday in Wasaaraddu ay diyaar u tahay iney sii wado howlaheeda ayadoo muhiimad la siinayo sare u qaadida wacyi gelinta bulshada.