Home Blog Page 1602

Maleeshiyada Al-Shabaab oo ku jabay weerarkii Abal

0

Wararka ka imaanaya deegaanka Abal ee ka tirsan Gobolka Bakool ayaa lagu soo waramayaa in maleeshiyaadka Al-Shabaab ay ku jabeen weerarkii ay ku qaadeen deegaanka Abal, halkaasi oo ay weli ka taagantahay xiisad colaadeed.

Inta la xaqiijiyaya in ka badan 20 qof ayaa ku dhimatay oo u badan dhinacyadii ku dagaalamay deegaanka Abal, iyada oo weli uu Muktaar Roobow ku suganyahay deegaanka lagu dagaalamay.

Waxaa go’an adeegyadii Isgaarsiinta deegaanka, maadaama hawada laga saaray.

Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya ee ku sugan Gobollada Bay iyo Bakool ayaa isku dayaya inay bad baadiyaan shacabka ay ku dul dagaalamayaan maleshiyaadka is haya.

Ku-simaha Madaxweynaha Koonfur Galbeed ee Soomaaliya Maxamed Xasan Fiqi ayaa Radio Muqdisho u sheegay in dagaalka uu gesytay qasaare leh dhimasho iyo dhaawac, isagoo intaa ku daray inta uusan dagaalka bilaaban ay wada hadal la yeesheen Mukhtaar Roobow oo ah in uu isku soo dhiibo gacanta Maamulka, si ay dhankooda ugu soo wareejiyaan dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Ansixinta Xeerka Isgaarsiinta waa tallaabo horey loogu qaaday Dowlad Wanaaga Soomaaliya

0

Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa ku tilmaantay tallaabo taariikhi ah anxisintii Golaha Shacabka ay maanta ansixiyeen Xeerka Isgaarsiinta oo muhiim u ah dalka.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre oo dadaal dheer u galay sidii Xeerka Isgaarsiinta loo ansixin lahaa ayaa soo dhoweeyey go’aankii Golaha Shacabka ee maanta, sheegeyna ansixinta Xeerka Isgaarsiinta inay tahay tallaabo horey loogu qaaday Dowlad Wanaaga Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa yiri “Waxaan ku faraxsanahay dadaalkii aan u galnay in dhammaan qeybaha bulshada lala tashado, la dhageysto, laga qeybgeliyo sameynta Xeerka Isgaarsiinta in maanta aan aragno faa’iidada wadatashiga bulshada oo noo sahlay in Xeerkii la ansixiyo.”

Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa sheegay in Xeerka Isgaarsiinta uu dalka u horseedayo horumar dhan walba ah oo shirkadaha Isgaarsiinta ay helayaan maalgashi shisheeye oo kor u qaada adeegyada ay bulshada gaarsiiyaan, tanoo sahleysa in dhalinyarada Soomaaliyeed loo abuuro shaqooyin heer sare ah. Sidoo kale Xeerkan waxuu keenayaaa in dhaqaalaha dalka uu kobco oo Soomaali fara badan ay helaan fursado ay ku curiyaan ganacsi heer caalami ah.

Golaha Shacabka ayaa maanta ansixiyey Xeerka Isgaarsiinta oo 158 xildhibaan ay ansixiyeen halka hal xildhibaan uu diiday. Xeerka Isgaarsiinta ayaa loo gudbinayaa Aqalka Sare si ay u darsaan, uga doodaan ka dibna u ansixiyaan.

DHAMAAD

Gudoomiye Jawaari oo booqday Safaaradda Soomaaliyeed ee South Africa ( Sawirro )

0

Gudoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliyeed Mudane Maxamed Sheikh Cismaan Jawaari ayaa waxa uu booqasho ku tagay Safaaradda Soomaaliya ay ku leedahay magaalada Pretoria ee dalka K/Afrika.

Gudoomiyaha oo Dalka K/Afrika u joogo howlo shaqo ayaa waxa uu u kuur galay qaabka ay u shaqeyso Safaaradda  iyo howlaha ay u qabato Jaaliyadda kadibna  waxa uu kulan kula qaatay Xarunta Safaaradda Safiirka,Diblomaasiyiinta iyo Shaqaalaha waxa ayna warbixin guud ka siiyeen howlaha ay Safaaradda u qabato Jaaliyadda Soomaalida ee Wadamada Afrikada Koonfureed isagoo booqday dhamaan Xafiisyada ay Safaaradda ka koobantahay.

Danjire Jamal Barrow waxa uu warbixin ka siiyay Gudoomiyuhu xilliga la furay Safaaradda iyo marxaladaha ay soo martay iyo waliba dhibaatooyinka Soomaalida K/Afrika isagoo Barlamaanka Soomaaliya ka codsaday in arimahaas ay garab ku siiyaan Safaaradda Soomaaliya si wax looga qabta madama ay matalaan Shacabka Soomaaliyeed.

Gudoomiye Maxamed Sheikh Cismaan Jawaari ayaa isna dhankiisa ugu mahadceliyay Madaxda iyo Shaqaalaha sida ay ugu dhabar adeegaan shaqooyinka ay u qabtaan Jaaliyadda,waxa uuna ku dhiirgaliyay inay ku dadalaan jiritaanka Calankeena.

“ Maanta waxaan fursad u helay Safaaradeena Soomaaliya oo ku taalla South Africa,waxaana la kulmay diblomaasiiyin iyo madax u bisil howshooda loo igmaday u tababaran,waxaan ammaan iyo mahad ugu jeedinayaa oo ku dadaalay jiritaanka iyo furitaanka Safaaradda mudadii ay Safaaradda ay furneyd” ayuu Gudoomiyaha yiri.

Gudoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya,Mudane Maxamed Sheikh Cismaan Jawaari ayaa noqonaya mas”uulkii ugu darjarada sareeyay ee booqasho ku yimaado Xarunta Safaaradda Soomaaliya ee Pretoria,iyadoo Safaaradda ay dhibadada u aaseen qaar ka mid ah ganacsatada Soomaaliyeed ee K/Afrika sanadii 2012 ka.

WD: C/qaadir Axad Dhaqane,Pretoria.

Madaxweynaha oo ku Bogaadiyay Xildhibaannada Golaha Shacabka Ansixinta Xeerka Is-gaarsiinta

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa bogaadiyey Mudanayaasha Golaha Shacabka oo maanta anxisiyay Xeerka Is-gaarsiinta dalka.

Madaxweynaha oo booqday xarumaha Raadiyaha iyo Telefishinka dowladda ayaa wareysi toos ah oo uu bixiyay ku sheegay ahmiyadda ay leedahay meel marinta xeerkan, isaga oo ugu baaqay mudanayaasha Aqalka Sare in ay dhankooda muddo kooban ku ansixiyaan xeerkan.

Sidoo kale, Madaxwaynuhu waxa uu warbixinno ka dhagaystay madaxda warbaahinta qaranka, gaar ahaan Agaasimyaasha Radio Muqdisho, Idaacadda Codka Ciidamada iyo Telefishinka Qaranka Soomaaliyeed.

“Waxaa ii muuqda horumar fiican iyo in aad u adkaysateen duruufaha adag ee aad ku soo shaqayseen, oo laga yaabo dhaqaale xumo qalab la’aan iyo tababar la’aan in aad soo gaarsiiseen meeshaan, oo ah meel wax laga wadi karo. Waan idinku hambalyeynayaa.” Ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

Madaxweyne Farmaajo ayaa kormeerkiisa kusoo gaba-gabeeyey xarunta kaydka Radio Muqdisho halkaas uu dalacsiin hal darajo ah ku siiyay madaxa kaydka Raadiyaha Gaashaanle Dhexe Abshir Xaashi Cali oo gacanta kusoo hayey kaydka Raadiyaha tan iyo bur-burkii dowladdii dhexe.

DHAMMAAD

Dagaal u dhexeeya maleeshiyada Alshabab iyo kuwo daacad u ah Abuu Mansuur oo ka dhacay Bokool

0

Wararka ka imaanaya deegaanka Abal oo katirsan gobolka Bokool ayaa sheegaya in dagaal u dhexeey maleeshiyaad katirsan argagixisada Alshabaab iyo kuwo kale oo uu watay Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur uu ka dhacay halkaasi kaasi oo qasare geystay.

Sida ay sheegayaan dadka deegaanka oo SONNA ay laxiriirtay,dagaalka ayaa yimid markii maleeshiyaadkaAl-shabaab ay weerar ku soo gaadeen deegaanka uu kusugan yahay Abuu Mansuur oo u dhow magaalada Xudur ee xarunta gobolka Bokool.

Saraakiisha Dowladda iyo mas’uuliyiinta deegaankaasi ayaanu weli wax war ah ka soo saarain dagaalkaasi.

Warar kala duwan ayaa  kasoo baxay dagaalkaasi, Dadka deegaanka l qaar waxay sheegayaan in Mukhtaar Roobow iyo maleeshiyada daacadda u ah ay ka baxsadeen goobta weerarka lagu qaaday ayna kusuganyihiin meel aan halkaa kafogeyn , halka wararkale ay sheegayaan in maleeshiyada Abuu Mansuur ay ku gacan sareyso dagaalkaasi.

kuwo kale ayaa tilmaameya in wali mukhtaar uu kusuganyahay gabadkisa hore , walina iska hor imaadkii manta dhacayna uu isaga kugacan sareeyo .

Horjoogayaasha Alshabaab ayaa wada hadal kula jiray jorjooge Abuu Mansuur balse la isku afgaran waayay taasi oo keentey in ay duulaan ku qaadan goobta uu kusuganyahay waxaana ka goan Shabaab in ay gacanta ku dhigaan Abuu Mansuur..

Dowladda Mareykanka Ayaa 23 jun ee sanadkan  Waxay Mukhtar Roobow kasaartey  Liiska Argigixisada Caalamiga ah , Kadib Markii Dowada Mareykanku Ay Sheegtey In mukhtaar Oo hore uga tirsanaa Alshabab Sanadan Danbe Uu Gooni uga baxay Sidaa darteedna Laga Saarey Abuu Mansuur liiska argigixida .

Wixii Markaa Kadanbeyey Mukhtaar Roobow wuxuu Cadadis Aad udaran kala kulmaayey dhanka horjoogayaash Al-shabaab.

XIGASHO:SONNA

Madaxweynaha JFS oo maanta soo booqday Warbaahinta Qaranka (Daawo Muuqaal)

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa maanta kor meeray Wasaaradda Warfaafinta gaar ahaan qaybaha Warbaahinta Qaranka.

Mudane Farmaajo ayaa yimid Xarumaha Radio Muqdisho Codka Jamhuuriyadda Soomaaliya iyo Telefeshinka Qaranka Soomaaliya.

Wuxuu Madaxweynuhu ku ammaanay dhammaan howlwadeenada Warbaahinta Qaranka Howsha wanaagsan oo ay u haayaan Shacabka Soomaaliyeed.

#MADAXWEYNE MAXAMED C/LLAHI FARMAAJO OO KU SUGAN SNTV

Δημοσιεύτηκε από Telefishinka Qaranka Soomaaliyeed στις Τετάρτη, 9 Αυγούστου 2017

Somalia’s National Assembly unanimously approves telecoms bill

0

The National Assembly of Federal Parliament today unanimously approved the National Communications Act to regulate the country’s telecommunication sector. The bill, finally endorsed by 158 votes to 1, was submitted to parliament in early July 2017 after consultations with all stakeholders in the last few months.

The telecommunications bill calls for the creation of telecoms regulatory authority, development of the country with telecommunications technology, protecting corporate and consumer rights and more participation by private sectors in developing the sector.

Drafting of this bill started as early as 2004 and has been sitting in front of 7th, 8th and 9th federal parliaments. However, due to non-stop efforts and change of strategy by the Ministry leadership, who have been working on it day and night, the bill is now the first to be approved by the 10th parliament.

H.E. Abdi Ashur Hassan, minister for Posts, Telecoms and Technology, in winding up debate on the legislation, said the Bill had been allowed to remain idle for years, while technology was changing rapidly. He thanked the federal parliament for approving this bill unanimously and making a history.

“We recognise the tremendous and increasing impact that the telecoms sector has on the advancement of our economy and society. This Bill is a major breakthrough for the Somali people and the telecommunications sector in particular. It has been long promised, and we are indeed proud, to present the Bill for debate and passage by this honourable House,” Minister Ashur stated.

“The real work starts now. Let me assure this House and the nation as a whole that the Ministry’s and Government’s focus and commitment to the national resources, which the new bill explicitly states such 252 and dotSO, is absolute and unconditional,” the minister concluded.

END

Media and PR Office, 
Ministry of Posts, Telecom & Technology

Golaha Shacabka oo si aqlabiyad leh u ansixiyay Xeerka Isgaarsiinta Qaranka

0

Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta si aqlabiyad leh u ansixiyay Xeerka Isgaarsiinta Qaranka. Sharcigan ayaa loo gudbiyay baarlamaanka billowgii bishii Luulyo ee la soo dhaafay ka dib markii wada-tashiyo lala yeeshay dhinacyada ku shaqada leh isgaarsiinta.

Xeerka isgaarsiinta wuxuu ku baaqayaa in la dhiso Hay’ad sharciyo u sameysa isgaarsiinta, horumarinta isgaarsiinta dalka, ilaalinta xuquuqda shirkadaha iyo dadweynaha, iyo sidii bulshadu uga qeyb qaadan lahayd horumarinta isgaarsiinta iyo teknoolojiyada dalka.

Qabyo-qoraalka xeerkan waxaa la billaabay sanadkii 2005-tii, wuxuuna horyaallay baarlamaannadii 7aad, 8aad iyo 9aad. Hase yeeshee, dadaallo aan kala go’ lahayn oo habeen iyo maalin socday oo ay bixiyeen wasiirka, wasiiru-dawlaha iyo wasiir ku-xigeenka iyo istaraatiijiyada oo la beddelay, waxaa lagu guuleystay in sharcigan uu noqdo kii ugu horreeyay ee uu ansixiyo Baarlamaanka 10aad.

Mudane Cabdi Cashuur Xasan, wasiirka Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyada, oo soo gabagabeynayay doodda xildhibaannada ayaa sheegay in sharcigan uu muddo horyaallay 3 baarlamaan illaa 2005tii, iyadoo isgaarsiinta iyo teknooljiyada caalamka ay isbeddeleysay. Wasiirka wuxuu u mahadceliyay xildhibaannada Soomaaliyeed ee ansixiyay sharcigan.

“Waxaan dareensannahay saameynta ballaaran ee ay isgaarsiintu ku leedahay dhaqaalaha iyo bulshadaba. Sharcigan wuxuu guul weyn u yahay isgaarsiinta iyo shacabka Soomaaliyeed guud ahaanba. Marar badan baa la isku dayay, laakiin laguma guuleysan. Guusha maanta waxay ku suurtogashay dadaal aan kala go’ lahayn oo madaxda Wasaaradda ku bixisay sharcigan 4tii bilood ee la soo dhaafay” ayuu yiri wasiir Cashuur.

“Shaqada rasmiga ah hadda ayay billaabaneysaa. Waxaan doonayaa inaan shacabka Soomaaliyeed iyo xildhibaannadaba u xaqiijiyo in mas’uuliyiinta Wasaaradda iyo xukuumaddaba ay naga go’an tahay in sida sharcigan dhigayo in hantida qaran ee 252 iyo dotSO ay ka faa’iideystaan dawladda iyo shacabka Soomaaliyeed, taasna kama galeyno gorgortan” ayuu hadalkiisa ku soo gabagabeeyay.

DHAMMAAD

R/W ku xigeenka Soomaaliya “Barnaamijkan Isla xisaabtanka furan waxuu kalsooni u abuurayaa shacabka Soomaaliyeed”

0

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Xukuumadda Soomaaliya Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa maanta ka qayb galay xaflad lagu daah furayay barnaamij loogu magacdaray hab xisaabeedka Cusub ee maamulka gobolka Banaadir iyo dawladda Hoose ee Xamar.

Waxaa ka soo qayb galay Safiiro, xubno ka socday Golaha Wasiirada, Xeer ilaaliyaha Qaranka, Hanti dhowraha guud, ku xigeenka madaxa Bankiga dhaxe iyo shaqaalaha gobolka Banaadir, waxaana si wayn looga dooday faa’iidooyinka laga dhaxli karo in bulshada loo soo bandhigo waxqabadka Dawladda.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Soomaaliya oo si wayn u amaanay madaxdii soo qaban qaabisay kulan ka isla xisaabtanka furan ayaa sheegay inuu ku faraxsanahay ka qaybgalka barnaamijkan kaa soo lagu soo bandhigayay dakhliga soo gala gobolka iyo meelaha lagu bixiyo, si shacabka loogu sheego adeegyada loogu qabto miisaaniyad lacageedka gobolka Banaadir. Wuxuuna tilmaamay in uu yahay mid ku dayasho mudan.

“Barnaamij kan wuxuu ka turjumayaa in bulshada gobolka Banaadir loo cadeeyo dakhliga soo gala maamulka, sidoo kalena waxuu kalsooni u abuurayaa shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan dadka ku nool Muqdisho” ayuu yiri ku xigeenka Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaare Khadar ayaa iftiimayay in dawladdu ay diyaar u tahay in ay shacabku la xisaabtamaaan si loo yareeyo musuq maasuqa, sidoo kale waxuu tilmaamay in xukuumadu ay dardargalinayso sharuuc dhowr ah kuwaa soo ka qayb qaadanaya dib u soo celinta hanaankii dawladnimo oo ay ka mid ahaayeen in la maxkamadeeyo mas’uulkii lunsada hanti Qaran.

Gudoomiyaha gobolka Banaadir Thaabit Cabdi Maxamed ayaa dhankiisa sheegay in ujeedka kulan kan uu yahay sidii loo bari lahaa shacabka Muqdisho in ay ogaadeen dakhliga soo gala gobolka iyo goobaha lagu kharash gareeyo, uguna kalsoonaadaan dawladooda, ka dibna ay uga qayb qaataan shaqada qaranka. Ganacsatada iyo bulshada kalana ay u bixiso canshuurta ku waajibtay iyagoo dareensan waxyaabaha loogu qabanayo.

Wasiirka Warfaafinta Eng: Yariisoow oo u hambalyeeyay maamulka iyo shaqaalaha shirkadda SOSTEC

0

Waxaa xalay lagu qabtay maagalada Muqdisho munaasabad lagu xusayay sanad guuraaddii 11aad ee ka soo wareegtay aas’aaska shirkadda teknoolojiyadda ee SOSTEC.

Munaasabadda lagu xusayay sanad guuradda 11aad ee shirkadda SOSTEC ayaa waxaa ka soo qeybgalay Wassiirro, Agaasimayaal ka tirsan Dowladda federaalka Soomaaliya, ganacsato iyo marti sharafkale.

Waxaa ugu horrreyn goobta ka hadlay aasaasaha ahna madaxa shirkadda technoloojiyadda ee SOSTEC, Zahra Abdikariim Ibrahim, oo ka sheekaysay taariikdda iyo sidda ay ku bilaabatay shirkadda SOSTEC.

Maamullaha shirkadda SOSTEC Zahra Abdikariim ayaa sheegtay in 11-sano kaddib ay shirkadda SOSTEC u dabaaldegayso iyadoo ay u shaqeeyaan dhalinyaro dhawr iyo labaatan ah. Waxa ay sheegtay in shirkaddqa SOSTEC ahayd shirkaddii ugu horresay oo keentay dalka bixisana adeegga domain-ka  Soomaaliya ee .SO.

“Baahidii aan u aasaasnay shirkadda SOSTEC markii aan bilabaayy sanadkii 2006 waddanku waxa uu ku jiray xaaladdo adag, horumarka aan ilaa hadda gaarnayna, waxaa ka mid ah inaa maanta arkayno teknoolojiyadda shirkadda SOSTEC sidda ay u balaaratay, adeegyada ay bixisana waxaa ka mid ah , siddda looo sameeyo website-yadda , sidda loo register gareeyo domain-nada kala duwan, sidda loo sameeyo software solutions-ka, Search engine optimization iyo taabinta tooska ah (Live streaming”)., Ayay tiri Zahra Abdikariim, madaxa shirkadda SOSTEC.

Wasiir ku xigeenka Isgaarsiinta iyo Boostada Mudane Ibraahim Isaaq Yarrow, oo ka mid ahaa masuuliyiintii ka soo qeybgalay munaasabaadda ayaa ugu hambalyeeyay shirkadda SOSTEC sanad guuradeeda 11aad.

Wasiir ku xigeenka ayaa sheegay in ay Wasaaradda Boostaha iyo Isgaarsiinta ay dhiirgelinayso horumarka iyo guulaha ay gaartay shirkadda SOSTEC, isagoo intaa ku daray in shirkadda SOSTEEC ay waddanka ku soo kordhisay shaqooyin iyo adeegyo casri ah oo dhanka teknoolojiyadda,taasi oo muhiim u ah qeybaha horumarka bulshadda, sidda ganacsiga iyo waxbarashadda.

Waxaa ugu dambeyn goobta ka hadlay Wasiirka Warfaafinta , Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Eng.Cabdirahman Cumar Cismaan (Yarriisow) oo ugu hambalyeeyay maamulka iyo shaqaalaha shirkadda SOSTEC sanad guuradadeed 11aad ee ka soo wareegtay aasaaskeeda.

Mudane Eng. Yariisow, ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsanyahay inuu arko adeeg noocaan ah oo teknoolojiyo casri ah oo waddanka ka jirray muddo 11 sanno ah, waxa uuna booggaadiyay dadaalka iyo hal abuuurka maamulka iyo shaqaalaha shirkada SOSTEC.

Wasiir Eng.Yarriisow ayaa sheegay in shirkadda SOSTEC ay ku bilaabatay fikrad ah 1 qof,1 Qol iyo 1 Computer, taasi oo muujinaysa buu yiri in ay jiraan dad Soomaaliyeed oo leh hal abuur sareeya, wuxuna intaasi raaciyay in Dowladda ay dhiirgelinayso dadka Soomaaliyeed ee leh hal abuurka nuucaan oo kale ah.

Shirkadda SOSTEC ayaa ah shirkadda ugu wayn Soomaaliya ee bixisa adeegyadda teknoolojiyadda casriga ah, si la mid ah kuwa dunidda horumartay ka jira, waxa ayna xafiisyo ku leedahay qaar ka mid ah Gobolladda dalka, iyadooo hadda qorsheynaysa in ay dhammaan maagaaloyinka waa wayn ee Gobolladda dalka xafiisyo ka furato.