Wasiiro ka tirsan Galmudug oo soo booqay xarunta SONNA, dhiiro geliyayna howlaha ay hayso

Date:

Muqdisho(SONNA) Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Biyaha Dowlad Goboleedka Galmudug  Mudane Cawil  Xirsi  Xasan (Goladiid) iyo Wasiir ku xigeenka Shaqada iyo arrimaha Bulshada Mudane Daahir Faarax Fiidow oo safar shaqo ku jooga magaalada Muqdisho, ayaa soo booqday Wasaaradda Warfaafinta Gaar ahaan Wakaaladad Wararka SONNA,iyagoo bogaadiyay horumarada ka socoda Wakaaladda.

Mas’uuliyiintani ayaa la kulmay maamulka iyo shaqaalaha Wakaaladda SONNA,waxaana ku sugnaa kulankaasi Agaasimaha Wakaaladda Filimada Qaranka Soomaaliyeed Saalax Shire,Taifaftiraha Guud ee Wakaaladda SONNA C/araxmaan C/llaahi Maxamed (Kanafa) iyo Madaxa wararka SONNA Cali C/qaadir Cali iyo qaar kamid ah shaqaalaha, oo warbixin ka siiyay mas’uuliyiintaasi howlaha ay bulshada  u hayso Wakaaladda SONNA.

Wasiir ku xigeenka Shaqada iyo arrimaha Bulshada Mudane Daahir Faarax Fiidow ayaa ku amaanay maamulka iyo shaqaalaha Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee SONNA doorka ay ka qaataan had iyo jeer Hormarka Dalka iyo sida ay ugu heelanyihiin Baahinta Xaqiiqooyinka ka Jira Guud ahaan Dalka.

“Marka hore waan idinkaga hambalyaynayaa dadaalka horumarineed oo ay sameynayso Wakaaladda’Wakaaladdu dowr muhiim ah ayay ku leedahay horumarka dalka,qofkii ka shaqeeyana waxaan aaminsanahay in uu dhaqsi horumar gaarayo,anaka muddoayaan ka soo howlgalnay warbaahintan,waana soo dhaweynaynaa isbedelada maamul ee dhacay,waxaan u soo jeedinayaa SONNA in ay nagala shaqeyso horumarka Galmudug.Ayuu yiri Wasiir Fiidow.

Ugu dambeyn Wasiirka Tamarta iyo Biyaha Dowlad Goboleedka Galmudug Mudane Cawil Xirsi Xasan (Goladiid) ayaa sheegay in warbaahinta Qaranka ay dowr muhiim ah ku leedahay horumarka dalka,gaar ahaan Wakaaladda SONNa, wuxuuna sheega in muhiim ay tahay in dib loo soo celiyo xafiisyadii Gobolada ay ku lahayd Wakaaladad SONNA si loo soo celiyo dowrkii ay ku lahayd u adeegista bulshada.

Wasiiradan ayaa ka mid ahaa howlwadeenadii soo maray warbaahinta qaranka Soomaaliyeed gaar ahaan Wakaaladda SONNA ,iyagoo ku bogaadiyay shaqaalaha in ay sii kordhiyaan dadaalkooda,ayna ka faa’idaystaan Tiknolojiyada casriga ah ee xiligan jirta.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Dab ka kacay buurta Daalo ee gobolka Sanaag

Dab xooggan ayaa ka kacay Buurta Daalo ee gobolka...

Hawlgal ka dhacay Jubada hoose oo lagu dilay maleeshiyaad ka tirsan Khawaarijta

Ciidanka Kumaandoosta Danab ee CXDS iyo Darawiishta Jubaland oo...

Wasiirka hawlaha guud oo la kulmay wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda ee Netherlands

Wasiirka Wasaaradda hawlaha guud, dib-u-dhiska, iyo guriyeynta ee Jamhuuriyadda...

Maareeyaha NIRA oo ka qeyb galay Meertada 7-aad ee Madasha Horumarinta Aqoonsiga Dhijitaalka ah

Maareeyaha Guud ee Hay’adda NIRA, Mudane Cabdiweli Cali Cabdulle...