Xarun lagu daryeelayo agoonta oo la dhagax dhigay magaalada Kismaayo

Date:

Guddoomiyahaย  Gobolka Jubbada Hoose iyo Guddoomiyaha Degmada Kismaayo ayaa waxa ay maanta si wada jir ah u dhgax dhigay xarun lagu xanaaneen doono carruurta agoonta ah ee ku nool degaanada Jubbaland, waxaan xaruntaasi dhismaheeda iska kaashanayo dowlad goboleedka Jubaland iyo hayโ€™adda agoonta ee Al-Saqaayaa.

Dhulka laga dhisaayo xarunta xanaanada carruurta ayaa waxaa horey bixiyay Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland Axmed Maxmed Islaam, dhulkaas ayaa waxaa uu ku yaala duleedka waqooyi ee Degmada Kismaayo.

Ugu horeen waxaa goobta dhagax dhigay, isla markaana ka hadalay Deeq Sheekh Xasan oo ka mida ah masuuliyiinta Hayโ€™adda Al-Saqaaya ayaa sheegay in xarunta loogu adeegi doono bulshada, gaar ahaan carruurta agoonta ah.

Guddoomiyha Degmada Kismaayo mudane Maxamed Ibaraahin Yuusuf Timo Jilicย  ayaa sheegay in maamulka Degmada Kismaayo uu ahmiyad siinayo daryeelka carruurta agoonta ee ku nool magaalada Kismaayo.

Guddoomiyaha gobalka Jubbada Hoose Mudane Cabdirashiid Cabdullaahi Cali ayaa sheegay in Jubbaland ay kamid tahay meelaha ugu agoontaa badan maadaam dagaladii sokeeye ay dhibatooyin ku reebeen dadka iyo deegaanada Jubbaland.

ย ย ย ย ย 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo kala hadlay Safiirka Talyaaniga xoojinta xiriirka labada dal

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdisalaan Cabdi...

Raโ€™iisul Wasaaraha XFS oo xafiikiisa ku qaabilay danjiraha Ururka Jaamicadda Carabta u qaabilsan Soomaaliya

Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo furay shirka wadamada xubnaha ka ah Ciidanka Heeganka Afrikada Bari

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...