Qalbi Dhagax… Qaranka iyo Dano siyaasadeed

Date:

Maalmahan waxay bulshada Soomaaliyeed aad u hadal hayaan arrinta Cabdikariin Qalbi Dhagax oo dhowaan loo dhiibay dowladda Ethiopia. Arrinta Qalbi Dhagax waxaa la siiyay xajmi ka weyn midka ay leedahay, waxaana la isku dayay in loo muujiyo khiyaano Qaranka laga galay.

Hadal haynta iyo hurinta arrinta Qalbi dhagax waxaa hormuud ka ah rag siyaasiyiin ah oo wada olole xoog leh oo loo fasiri karo iska hor keen shacabka iyo dowladdooda.

Aamusnaan usbuuc qaadatay  iyo rog rogid ka dib xukuumaddu shalay ayay hadashay oo diirka ka caddeysay sababihii ay Qalbi Dhagax u dhiibtay.

Waxayna sheegtay in Qalbi dhagax uu ka tirsanaa ONLF oo ah Jabhad dagaal kula jirta dowladda Ethiopia, isla markaana xiriir leh Alshabaab.

Heshiis Iskaashi Amni

Labada dal ee Soomaaliya iyo Ethiopia, waxay horay ugu heshiiyeen in ay iska kaashadaan la dagaallanka argagixisada iyo Jabhadaha hubeysan ee khatarta ku ah amniga labada dal.

Heshiiskan oo dhacay sanadklii 2016 waxaa dhanka Soomaaliya u saxiixay  Xildhibaan Mahad Salaad oo ahaa Wasiiru dowlihii hore ee Madaxtooyada Soomaaliya, halka dhanka Ethiopiana uu u saxiixay  danjire Shamsudiin Axmed.

Qodobka saddexaad ee heshiiskan ayaa dhigayay in labada dal galeen waxa uu dhigayaa in ay si buuxda isaga kaashadaan la dagaallanka iyo cirib tirka kooxaha xag-jirka ah sida Alshabaab iyo UBO oo ay Ethiopia u taqaan ONLF.

Waxaa muuqata in mas’uuliyiintii  heshiiskaas saxiixay qaarkood ay hadda aad uga soo horjeedaan fulintiisa. Heshiis kasta oo labo dal galaan waa in la fuliyaa.

Wasiirkii saxiixay heshiiskaas waxaa laga doonayaa in uu fulintiisa difaaco, mowqif kasta oo kaas ka duwan ee uu qaato waa mid aan laga aqbali Karin.

Markii la saxiixayay heshiiskan wasiirkii dowladda Soomaaliya matalayay wuu ka dheregsanaa in Alshabaab ay tahay koox argagixiso, sidoo kale wuu ogaa in UBO loola jeedo ONLF. Sidaas darteed bulshada iyo dadka wax gartaa kama gadanayaan isla mas’uulkii heshiiska saxiixay in uu iska bari yeelo ama uu fasiraad khaldan siiyo.

Dowladnimo iy Beelnimo

Curfiga diplomaasiyadda kuma jirto in beeli ay heshiis la gasho dal shisheeye. Sidaas oo kale wasiir xil qaran haya beeshiisa kuma matali karo heshiis lala galayo dal kale.

Sidaas darteed doodda ah in heshiiskii May 2016-dii uu saxiixay Wasiir Mahad Salaad uu ahaa mid uu beel ku matalayay waa mid aan xujo laga dhigan Karin.

Qodobka 102 ee dustuurka dalka ayaa qeexaya shaqada wasiirka, wasiir ku xigeenka iyo Wasiiru dowlaha  Hoos ka eeg.

In uu beel matalo isagoo qaranka xil u haya ama uu hadda ku doodo in uu beel matalayay ayaaba khalad kale ah

Mar haddii aan ogaannay nuxurka heshiiskii labada dal galeen. Mar haddii aan ogaannay in heshiisku uu la xiriiray Alshabaab iyo UBO oo loola jeedo ONLF. Mar haddii ay labada dal u saxiixeen labo mas’uul oo idman. Waxaa hubaal ah in labada dal looga baahan yahay fulinta wixii ay ku heshiiyeen.

Su’aasha isweydiinta leh ayaa ah maxaa keenay isla mas’uuliyiintii heshiiska saxiixay ay iska bari yeelaan ama ay fasiraad kale ka bixiyaan? Maxaase keenay inay  dowladda ku qaadaan olole dadka looga hor keenayo.

Jawaabtu waa sahlan tahay; waa xaqiijinta dan siyaasadeed. Waxaa doc khaldan loo duwayaa dareenka shacabka , si loo wiiqo dowladnimada.

Laakiin shacabka Soomaaliyeed way ka qaan gaarsan yihiin in marba niman dan lihi ku owr kacsadaan.

W.Q: Saadaq Xuseen Jeeri

 

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka cadaaladda XFS oo qaabbilay 𝐒𝐚𝐟𝐢𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐒𝐰𝐞𝐝𝐞𝐧 𝐮 𝐟𝐚𝐝𝐡𝐢𝐲𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐝𝐚𝐚𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐀𝐫𝐫𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐃𝐚𝐬𝐭𝐮𝐮𝐫𝐤𝐚 XFS 𝐌𝐮𝐝𝐚𝐧𝐞 𝐗𝐚𝐬𝐚𝐧...

Wasiirka Arrimaha Dibedda XFS oo kulan la yeeshay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Masar

Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Amb. Axmed...

Wasiirka Amniga XFS oo booqday xarunta taliska ciidanka xudduudaha ee dowladda Ciraaq

Wasiirka Amniga Gudaha Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag)...

Dekadda Muqdisho oo yeelatay khad toos ah oo isku xiraya Soomaaliya iyo Shiinaha

-Dekadda Magaalada Muqdisho waxaa shalay si toos ah ugu...