Home Blog Page 1590

In kabadan 30 qof oo ku dhimatay duqeymo ka dhacay Syria

0

Muqdisho(SONNA) Ugu yeraan 34 qof oo rayid ah ayaa ku geeriyootay kuwo kalena waa ay ku dhaawacmeen kadib duqeymo la sheegay in diyaaradaha Militariga Ruushka ay ka geysteen magaalada Dier Al-Zouri ee Dalka Syria,sida ay sheegeen dadka u dhaq dhaqaaqa arrimaha Dalkaasi.

Kumanaan qoys ayaa ka barakacaya dagaalada ka socoda duleedka magaalada Dier Al-Zouri ee Syria, si ay naftooda ugala baxsadaan dagaaladaasi oo u dhexeeya ciidamada Dowladda iyo kooxaha Falaagada ah.

Dadka ku dhintay duqeymihii ugu dambeeyey waxaa kujiray caruur iyo dad da’ah waxaana lagu eedeyneyeen diyaaradaha dagaalka Syria,balse majiraan wax jawaabo ah o ay bixiyeen Militariga Ruushka.

Ciidamada militariga Syria oo garabsanaya xulufadooda ayaa dhawaan dib u qabsaday xero ay lahaayeen ciidamada circa Dalkaasi, halkaasi oo ay ku sugnaayeen kooxaha argagixisada.

Horaanti toddobaadkan, ciidamada milateriga Suuriya ee uu taageero Ruushka ayaa qabsaday qeybo kamid ah magaladaasi, waxaana halkaasi ay ku go’doomiyeen kumanaan rayid ah iyo ciidamo halkaasi ku sugnaa tan iyo sanadkii 2015-ka.

Magaalada lagu magacaabo Dier Al-Zouri ayaa ah magaalo aad u muhiimsan islamarkaana qani ku ah dhanka shidaalka,iyadoo kooxaha Daacish looga itaal roonaaday dagaaladii ugu dambeeyey

Dagaal u dhexeeya Al-Shabaab iyo Ciidamada Jubbaland oo ka dhacaya Beled Xaawo

0

Dagaalkan oo u dhexeeya ciidamada Darwiishta Jubbaland iyo maleeshiyad Alshabaab ayaa ka dhacay waaberigii saaka degmada Baladxaawo ee gobolka Gedo.

Argagixisada Shabaab ayaa la sheegay in weerar ay ku soo qaadeen saldhig ay ay ku sugnaayeen ciidamadaasi oo Ku yaalo afaafka Hore ee Magaalada laga soo galo, iyagoo ku bilaabay weerarka  qarax ,sida ay SONNA u xaqiijiyeen dadka deegaanka.

Ciidamada Darwiishta Jubbaland ayaa dagaal kala hortagay maleeshiyaadkii weerarka soo qaaday,lamana xaqiijin karo khasaaraha ka dhashey dagaalkaasi.

Dagaalka ayaa qarxay xili dadku ay jiifeen islamarkaana la isku diyaarinayay dukashada salaaddda Subax,

Waxaa weli soconaya howlgalada dagaalka, mana jirto cid ilaa iyo hadda si toos ah uga hadashey, balse dadka deegaanka ayaa sheegaya in weli ay maqlayaan rasaas.

Xigasho: SONNA

R/Wasaare Khayre oo xarigga ka jaray Xafiisyo lagu qabto Cabashooyinka dadweynaha

0

Muqdisho(SONNA) Xafiiskani oo loogu talagalay in in lagu qabto Cabashooyinka bulshada Soomaaliyeed ee laxiriira dhinacyada Cadaaladda iyo talo bixinta ayaa waxaa magaalaad Muqdisho ka hirgelisay Wasaaradda Cadaaladda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa maanta sirasmi ah xarigga uga jaray xaruntaasi,iyadoo ay goob joog ka ahaayeen Wasiiro katirsan Xukuumadda oo uu kamid ahaa Wasiirka Cadaaladda.

Xafiisyadan ayaa waxaa ka howlgalidoona sharciyaqaano,kuwaasi oo si mutadawacnimo ah bulshada ugu sameyndoona latalin dhinacyada sharciga iyo Cadaaladda, iydoo uu halkaasi imaandono muwadinkasta oo Soomaaliyeed oo qaba tabashooyin.

“Waxaad uga mahadcelinayaa Wasaaradda Cadaaladda oo hirgelisay Xafiisyadan,tani waxay qeyb ka tahay qorshaha horumarinat Cadaaladda,waxayna Xukuumaddu ay xoogga saaridoontaa sidii horumarin loogu sameyn lahaa arriamaha Cadaaladda iyo garsoorka oo muhiim u ah Dalka”, Ayuu yiri R’iisul Wasaare Khayre.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa dhanka kale waxaa uu guddoomay ilaa 18 sharciyo oo ay ku wareejisay Wasaaradda Cadaaladda,si loo hor geeyo Golaha Wasiirada,waxaana sharciyadaasi soo diyaariyay qaar kamid ah Wasaaradda Cadaadda Dalka.

Faah faahin ka soo baxaysa Qarixii Baladweyne

0

Muqdisho(SONNA) Inta la xaqiijiyay 3 qof oo uu kujiro dhagar qabihii isxaqriyay ayaa ku geeriyootay 15 kale oo ay ku jiraan ilaa 3 wariye ahna way ku dhaawacmeen kadib markii qof naftii halige ah oo isku soo xirey waxyaabaha qarxa uu isku qarxiayay maqaayada kutaala bartamaha magaalada Baladweyne Sida uu SONNA u xaqiijiyaya guddoomiyaha Gobolaka Hiiraan.

Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cumar Badiyow oo wareysi siiyaay Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed SONNA ayaa faah faahiyay Khasaaraha rasmiga ah ee halkaasi ka dhashey.

“Maanta ayaa waxaa qof naftii halige ah isku qarxiyay Biibito oo dad shacab ah ay ku sugnaayeen,waxaa ka dhashey khasaare,2 qof oo shacab ah iyo kii is haligay way ku dhimatay, 15 kalena waa ay dhaawacmeen,waxaana kujira dhaawacyada ilaa 3 wariye oo ka howlgala magaalada”, Ayuu yiri Guddoomiye Baadiyow.

Goobta qaraxaasi uu ka dhacay ayaa ahayd meel aad u mashquul badan waxaana inta badan ku qaxweeya shacabka magaalada Baladweyne.

Amaanka goobta ayaa siweyn loo adkeeyey,waxaana magaalada ka socda howlgalo,dadka dhaawacmay oo qaar kood xaaladoodi ay liidato ayaa haatan waxaa lagu dabiibayaa isbitalka guud ee magaalada Baladweyne.

Faah faahin ka soo baxaysa Qarixii ka dhacay magaalada Baladweyne

0

Inta la xaqiijiyay 3 qof oo uu kujiro dhagar qabihii isxaqriyay ayaa ku geeriyootay 15 kale oo ay ku jiraan ilaa 3 wariye ahna way ku dhaawacmeen kadib markii qof naftii halige ah oo isku soo xirey waxyaabaha qarxa uu isku qarxiayay maqaayada kutaala bartamaha magaalada Baladweyne Sida uu SONNA u xaqiijiyaya guddoomiyaha Gobolaka Hiiraan.

Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cumar Badiyow oo wareysi siiyaay Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed SONNA ayaa faah faahiyay Khasaaraha rasmiga ah ee halkaasi ka dhashey.

“Maanta ayaa waxaa qof naftii halige ah isku qarxiyay Biibito oo dad shacab ah ay ku sugnaayeen,waxaa ka dhashey khasaare,2 qof oo shacab ah iyo kii is haligay way ku dhimatay, 15 kalena waa ay dhaawacmeen,waxaana kujira dhaawacyada ilaa 3 wariye oo ka howlgala magaalada”, Ayuu yiri Guddoomiye Baadiyow.

Goobta qaraxaasi uu ka dhacay ayaa ahayd meel aad u mashquul badan waxaana inta badan ku qaxweeya shacabka magaalada Baladweyne.

Amaanka goobta ayaa siweyn loo adkeeyey,waxaana magaalada ka socda howlgalo,dadka dhaawacmay oo qaar kood xaaladoodi ay liidato ayaa haatan waxaa lagu dabiibayaa isbitalka guud ee magaalada Baladweyne.

Madaxweynaha Jubaland iyo danjiraha UK oo Kismaayo ku kulmay

0

Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland ee Soomaaliya Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta garoonka diyaaradaha ee magaalada Kismaayo kula kulmay danjiraha dowlada Ingiriiska u jooga Soomaaliya Divid Concar.

Kulankan oo ahaa mid diirada lagu saarayay tageerada ay dowlada UK siiso Jubaland gaar ahaan adeegyada bulshada, iyo taakulaynta dhinacyada amaanka iyo horumarka.

Inta uu kulankan socday waxaa la isla soo qaaday sidii loo joogtayn lahaa xiriirka labada dhinac isla markana ay u bilaaban lahayeen waxyaabaha ka dhiman mashaariicda ay Ingiriisku ka hirgalinayaan deegaanada Jubbaland.

Madaxweynaha Jubbaland iyo danjire Divid Concar, waxaa ay booqdeen, dhul laga dhisayo xarun ay yeelanayaan sirdoonka Jubbaland oo ay maalgalinayso dowlada Ingiriiska, iyadoo safiirku uu balan qaaday in ay dadaalkooda isugu gaynayaan sidii Soomaaliya ay uga soo kaban lahayd waayahii burburka, isla markana ay mar kale cagaheeda isugu taagi lahayd.

Waxaa kale, oo mas’uuliyiintu ay si wadajir ah ula kulmeen ururada bulshada qaybahooda kala duwan, iyadoo ay isla soo qaadeen qaabka ay u socdaan mashaariicda kala duwan ee UK ay ka hirgalinayso Jubbaland.

R/Wasaare Khayre oo xarigga ka jaray Xafiisyo lagu qabto Cabashooyinka dadweynaha

0

Xafiiskani oo loogu talagalay in in lagu qabto Cabashooyinka bulshada Soomaaliyeed ee laxiriira dhinacyada Cadaaladda iyo talo bixinta ayaa waxaa magaalaad Muqdisho ka hirgelisay Wasaaradda Cadaaladda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa maanta sirasmi ah xarigga uga jaray xaruntaasi,iyadoo ay goob joog ka ahaayeen Wasiiro katirsan Xukuumadda oo uu kamid ahaa Wasiirka Cadaaladda.

Xafiisyadan ayaa waxaa ka howlgalidoona sharciyaqaano,kuwaasi oo si mutadawacnimo ah bulshada ugu sameyndoona latalin dhinacyada sharciga iyo Cadaaladda, iydoo uu halkaasi imaandono muwadinkasta oo Soomaaliyeed oo qaba tabashooyin.

“Waxaad uga mahadcelinayaa Wasaaradda Cadaaladda oo hirgelisay Xafiisyadan,tani waxay qeyb ka tahay qorshaha horumarinat Cadaaladda,waxayna Xukuumaddu ay xoogga saaridoontaa sidii horumarin loogu sameyn lahaa arriamaha Cadaaladda iyo garsoorka oo muhiim u ah Dalka”, Ayuu yiri R’iisul Wasaare Khayre.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa dhanka kale waxaa uu guddoomay ilaa 18 sharciyo oo ay ku wareejisay Wasaaradda Cadaaladda,si loo hor geeyo Golaha Wasiirada,waxaana sharciyadaasi soo diyaariyay qaar kamid ah Wasaaradda Cadaadda Dalka.

Guddoomiye Jawaari oo casuumaad ka heley dhigiisa Suudaan

0

Kulanka guddoomiyaha golaha shacabka mudane Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari) uu maanta la qaatay safiirka dowadda Suudaan ee Soomaaliya Mohamed Yousir Abdelmanan ayaa waxa ay kaga hadleen dhowr arimood oo ay ka mid tahay xoojinta xiriirka labada wadan.

Ugu horeyn safiirka Suudaan ee Soomaaliya Mohamed Yousir Abdelmanan ayaa guddoomiyaha golaha shacabka Soomaaliya u keenay warqad casuumaad ah oo uu kaga siday xafiiska baarlamaanka ee dalka Suudaan taas oo guddoomiyaha golaha shacabka looga codsanaayo inuu booqasho ku tago dalka Suudaan si loo xoojiyo wada shaqeynta iyo iskaashiga labada baarlamaan.

Sidoo kale, safiirka iyo guddoomiyaha golaha shacabka ayaa ka wada hadlay xaaladaha guud ee dalalka Carabta iyo siyaasada guud ee dalalka Carabta  ,waxaana guddoomiyaha golaha shacabka mudane Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari) uu uga mahad celiyay Safiirka Suudaan ee Soomaaliya sida wanaagsan ee uu mar walba uga shaqeeyo horumarinta iyo xoojinta xiriirka labada dal.

Dowladda Suudaan ayaa waxa ay waxa ay ka mid tahay dowladaha Soomaaliya ka taageera dhinacayo kala duwan oo ay ka mid yihiin dhinacyada waxbarashada iyo tababarida ciidamada.

Xoolo ay soo dhaceen Al-shabaab oo lagu qabtay Qoryooley”Sawirro

0

20 Neef oo lo’ah oo Shabaab ay ka soo dheceen Dad Shacab ah oo Ku Nool Jubbada Hoose ayaa lagu qabtay Degmada Qoryooley,sida uu SONNA u sheegey Guddoomiye ku-xigeenka Shabeelaha Hoose Cabdifataax Xaaj Cabdulle

Labaatanka neef ayaa lasoo sheegayaa in Maleeshiyada Al-shabaab ay kasoo dhaceen meel u dhow degmada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose, waxaana ay doonayeen in ay ka iibsadaan degmada Qoryooley ee gobolka Sh/Hoose.

Guddoomiye ku xigeenka gobolka Sh/Hoose C/fitaax Xaaji Cabdulle oo lahadlay Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed ee SONNA ayaa sheegay in howlgal ciidamada Amniga ay sameeyeen lagu qab qabtay 20-ka Neef Lo’da ah.

“Maleeshiyaadka Al-shabaab Lo’da ay soo dhaceen waxey usoo dhiibteen dad masaakiin ah oo ay qasbeen, waxey qorsheeyeen in deegaanada Sh/hoose ay u iib geeyaan, Balse howlagla aan sameynay ayaan ku qabanay”ayuu yiri C/fitaax Xaaji Cabdulle.

Al-shabaab ayaa falalkaan ka sameeya deegaano ay si dhuumaaleysi ah ku tagaan, hase ahaatee ciidanka amniga ayaa masuuliyad gaar ah iska saara ilaalinta nafta iyo hantida shacabka Soomaaliyeed.

Guddoomiye Taabid oo dhagax dhigay dib u dhiska wadada Janaraal Daa’uud

0

Muqdisho(SONNA) Mudane Taabid Cabdi Maxamed Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho ayaa saaka dhagax dhigay dib u dhiska wadada Janaraal Daa’uud oo isku xirta Taaladda Daljirka iyo wadada Sodonka ee magaalada Muqdisho.

Shir jaraa’id oo uuqabtay guddoomiyaha Gobolka Banaadir waxaa uu kaga hadlay muhiimadda ay leedahay dib u dhiska goobaha danta guud sida waddooyinka burbursan.

Guddoomiye Taabid ayaa sheegay in wadadan Janaraal Daa’uud si rasmi ah ay u bilaabatay dib u dhiskeeda,isagoo intaasi ku daray in la dhisi doono dhamaan waddooyinka burbursan ee dhexmara degmooyinka magaalada Muqdisho.

Wadada Janaraal Daa’uud oo xiriirisa Taalada Daljirka iyo wadada Sodonka ayaa ka mid ahayd meelaha burburka uu ka muuqdo,waxaana ay muhiim u tahay isu socodka dadka iyo gaadiidka maadaama ay xiriiriso degmooyin dhowr ah.