Home Blog Page 1590

50 dhallinyaro ah oo Al-Shabaab ka soo goosatay

0

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in 50 dhalinyaro ka tirsanaa Al-Shabaab ay isku soo dhiibeen, iyagoo ka faa’ideysanaya cafiskii uu Madaxweyne Farmaajo u fidiyay.

Wasiirka Gaashaandhigga C/rashiid C/llaahi Maxamed ayaa sheegay in dhalinyarada ay bilaabeen inay isa soo dhiibaan labadii bilood ee u dambeysay.

“50 dhalinyaro oo ka tirsanaa Al-Shabaab ayaa labadii bilood ee la soo dhaafay isku soo dhiibay dowladda Soomaaliya, waxay ka faa’ideysteen cafiska uu Madaxweynaha Jamhuuriyada u fidiyay”ayuu yiri Wasiirka Gaashaandhigga.

Madaxweyne Farmaajo ayaa 6-dii bishii April ee sanadkan ugu baaqay dhalinyarada la qalday ee ka tirsan Al-Shabaab inay isku soo dhiibeen dowladda Soomaaliya, isla markaana uu cafis u fidiyay muddo 60 cisho gudahood.

Dowladda Federaalka ayaa gacanta ku heysa xarun dhaqan celin ku taalla magaalada Muqdisho, halkaasoo ay ku jiraan boqolaal dhalinyaro oo horay uga soo goostay Al-Shabaab.

 

Madaxweyne Faladamiir Putin oo sheegay in khilaafka dalalka Khaliijka uu caqabad ku yahay la dagaalanka argagixisada

0

Hadalkaan ayuu sheegay kadib markii Wadahadallo uu qadka Taleefanka kula yeeshay Boqorka Sacuudiga Salmaan Bin Cabdi-casiis

Bayaanka kasoo baxay Aqalka Karmaliinka ayaa lagu sheegay in Ruushka uu u cadeeyay Sacuudiga in uu ka xun yahay khilaafka isaga oo u sababeeyay in dhibaatada Qadar aysan xal u aheyn nabadda Siiriya.

Sidoo kale waxa uu Madaxweyne Putin ay sidoo kale taleefanka kuwada hadleen Sheekh Maxamed Binu Zaayd, waxana ay ka wada hadleen sidii xal diblumaasiyadeed loogu heli lahaa khilaafka labada dhinac.

Dhanka Wasiirka arrimaha dibadda Qadar Maxamed Bin Cabdiraxmaan Aala Thaani ayaa ka dalbaday Dowladaha Khaliifka in ay keenaan Cadeyn sugan oo la xiriirta in ay faragalin ku sameeyeen danaha Dalalkooda.

Waxa uu tilmaamay in cidna aysan xaq u laheyn in ay is hortaagto siyaasadaha arrimaha dibadda ee Dowlad madax banaan, mar kale ayuuna beeniyay in ay maalgaliyaan argagixisada.

“waa baadil in  Qadar ay taageerto argagixisada. sababtoo ah waxa ay qeyb ka tahay isbaheysiga caalamiga ah ee ka dhanka ah Daacish, waxa ay ku bixisay malaayiin dollar ladagaalanka argagixisada iyada oo loo marayo dhinac waxbarashada, xoojinta wadahallada iyo shaqo abuurka dhallinyarada.” ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Dibadda Qadar.

Sacuudiga, Imaaraatka, Baxreyn iyo Masar ayaa hawada iyo bariga dalalkooda ka xirtay qadar kadib markii ay xiriirka u jareen toddobaadkii hore iyaga oo ku eedeynaya in ay taageero Argagixisada.

Dab qabsaday dhisme  ku yaalla London

0

Dab xoogan ayaa qabsaday dhisme 27 dabaq ka kooban oo ku taala galbeedka magaalada London ee dalka UK saaka aroortii hore xilliga dalkaas.

Muuqaalo argagax leh ayaa la soo dhigay baraha bulshada kuwaas oo muujinaya olol ka baxay dhismahaGrenfell ee xaafadda White City.

Duqa magaalada London Sadiq Khan  ayaa yiri ” In lagu dhawaaqay in dhibaato weyn dhacday”.

Booliiska ayaa sheegay in ay wali socoto daad gureynta dadka Sadex saacadood kadib markii dabka uu bilowday

Dhimsaha ayaa sida la sheegay waxaa deganaa in ka badan 600 oo ruux oo shacab ah kuwaas oo halkaas naftooda kala baxsaday.

Kooxaha gurmadka deg dega oo ay ku jiraan kuwa dab damiska ayaa goobta ku sugan, iyadoo la soo sheegayo in qof laga cabsi qabo in uu ku geeriyooday.

200 oo shaqaalaha dab damiska ah ayaa ku howlan in ay dabkaas bakhtiyaan, adeega Ambulance ee magaalada London waxaa ay sheegeen in 30 ruux oo dhaawacyo kala duwan qaba ay geeyeen xarumaha caafimaadka.

Booliiska ayaa dadka ka soo daadgureeyay dhismaha dabka qabsaday, ilaa iyo hadda si rasmi ah looga xaqiijin sababta keentay dabkan waxaana la sheegay in dabka uu ka bilowday dabaqa koowaad isla markaana kuwo kale ku fidey.

Kooxaha dab damiska ayaa la sheegayaa in ay mararka qaar ku adkaato in ay u dhowaadaan dabka kuleelka ka imaanaya dartiis.

 

Xigasho: Daily Mall

Wasaaradda Amniga oo soo saartay awaamiir ku saabsan amniga mas’uuliyiinta dowladda

0

Wareegto ka soo baxday xafiika wasiirka wasaaradda Amniga gudaha ee xukuumadda Soomaaliya Mudane Maxamed Abuukar Ducaale Islow ayaa lagu faahfaahiyay go’aanada ku saabsan sugidda amniga mas’uuliyiinta dowladda.

Wsiirka Amniga gudaha ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Maxamed Abuukar Ducaale Islow ayaa sheegay in muddo afar iyo toban cisho gudahood ay mas’uuliyiinta dowladda ku soo diiwaan geliyaan ilaaladooda gaarka ah, waxaana uu xusay in tani ay qeyb ka tahay go’aankii Golaha Wasiirada ee Xukuumadda Soomaaliya ee ku aadanaa sugitaanka Amniga iyo Xasalinta Amniga caasimadda, go’aankasi oo ku taariikheysnaa 11 May ee 2017.

Go’aanka Golaha Wasiirada faqradda 7-aad oo uu dhigan sidan. “Waxaa laga mamnuucay dhammaan qofkasta oo ay ku jiraan Mas’uuliyinta dowladda in magaalada Muqdisho aysan ku dhex wadan karin ilaalo ka badan 4 askari iyo ugu badnaan 2 gaari, mana qaadan karaan qori ka wayn AK47”.

Si loo dhaqangeliyo go’aankaasi ayuu Wasiirka Amniga ugu qabtay Xildhibaananda labada aqal, Xubnaha Golaha Wasiirada iyo dhammaan Mas’uuliyiinta kale ee dowladda in muddo afar iyo toban maalmood (14) gudahooda ay ku soo diiwaan geliyaan ilaalada gaarka ah iyo Hubka ay sitaan, waxayna diiwaan gelinta ka bilaabaneysaa xarunta Hogaanka Dambi baarista (C.I.D)

Ra’iisul Wasaare Kheyre “Soomaaliya iyo Suudaan waa laba dal oo walaalo ah oo wax badan ay ka dhexeeyaan“

0

Muqdisho, 11 June 2017 – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda F. Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa magaalada Addis Ababa kula kulmay Madaxweynaha Sudan Mudane Cumar Xasan Albashiir, waxana ay ka wada hadleen cilaaqaadka qotada dheer ee ka dhexeeya labada bulsho ee walaalaha ah iyo sidii ay Sudan iyo Soomaaliya u yeelan lahaayeen iskaashi dhinacyo badan leh.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in Soomaaliya muddo dheer oo ay colaad ku jirtay kadib, ay haatan hayso dhabbada dib-u.soo kabashada iyo wax wada qeybsiga dalalka gobolka iyo caalamka intiisa kale. Waxana uu intaasi raaciyey in Sudan ay kamid ahayd dalalkii garab taagnaa mudadaa dheer dalkeena isla markaana ay Soomaaliya diyaar u tahay in iskaashiga labada dal ay xoojinayaan.

“Soomaaliya iyo Sudan waa laba dal oo walaalo ah, wax badana ay ka dhexeeyaan, xiriirkooduna uu yahay mid qotada dheer oo mar walba wanaagsan. Suudaan waxay naga taageertay hadana ay diyaar u tahay, dhinacyada waxbarashada, dhaqaalaha, tababarka ciidammada booliska iyo amniga. Ayuu yiri R.W Xasan Kheyre.

Madaxweynaha Sudan Mudane Cumar Xasan Albashiir ayaa dhankiisa balan qaadey inuu sii xoojin doono cilaaqaadka labada dawladood, isagoo casuumaad u fidiyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo si loo sii xoojiyo xiriirka labada dal.

Kaaraan oo u gudubtay wareegga saddexaad ee tartan cilmiyeedka

0

Habeenka 18-aad ee tartan cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka, isla markaana uu taabagelinayo maamulka gobolka Benaadir, waxa ku tartamay degmooyinka Kaaraan iyo Dharkiinleey oo ka wada tirsan gobolka Benaadir.

Tartamayaasha labada degmo qeybta hore waxaa la hordhigay afar su’aal degmada walba, waxaana kaddib la soo gudbiyey warbixinnadii taariikhda degmooyinkaas ka hadlayey,  kuwaas oo fududeeya isbarashada dadweynaha deggan labada degmo

Natiijada Dharkiileey

Degmada Dharkiileey ee gobolka Benaadir, waxaa la weydiiyey toddoba su’aal midna kama  jawaabbin, waxa ayna keenen eber (0 ), degmada Dharkiinleey

Natiijada Kaaraan

Degmada Kaaraan ee gobolka Benaadir iyaguna waxaa la weydiiyey toddoba su’aal waxa u suurogashay in ay ka jawaabbaan laba ka mid ah, halka su’aal saddexaadna ay si ka faa’ideysi ah uga jawaabbeen, iyagoo uruursadey Lix dhibcood ( 6 dhibcood), degmada kaaraan ayaa u gudubtay wareegga saddexaad ee tartan cilmiyeedka warbaahinta Qaranka

Habeen dambe waxaa tartami doono degmooyinka Garbahaareey oo ka tirsan gobolka Gedo iyo degmada Wadajir oo ka tirsan gobolka Benaadir.

 

 

 

 

R.Wasaareyaasha Soomaaliya iyo Itoobiya oo yeeshay kulan looga hadlayey Xoojinta xiriirka labada dal.

0

Muqdisho, 11 June 2017 –Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa magaalada Addis Ababa kula kulmay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Mudane Hailemariam Dessalegn. Waxay labada Ra’iisul Wasaare ka wada hadleen dadaallada Soomaaliya ugu jirto xasilinta dalka, iskaashiga labada dal, Dhaqaalaha iyo horumarka.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya wuxuu dhiggiisa Itoobiya kala hadlay sidii uu dalka Itoobiya u kordhin lahaa taageerada uu siiyo Soomaaliya . Mudane Hailemariam Dessalegn ayaana ballan qaaday inuu dalkiisu diyaar u yahay sidii mar walba loo xoojin lahaa iskaashiga labo geesoodka ah ee ka dhexeeya labada wadan.

“Waxaan leenahay dalka Itoobiya iskaashi iyo xiriir qoto dheer. Waxaan uga mahad celinaynaa dalka Itoobiya sida wanaagsan oo uu mar walba noogu garab taagan yahay dadaalka aan ugu jirno xasilinta iyo nabadeeynta Soomaliya. Ayuu yiri R.W Kheyre.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa sidoo kale sheegey in ey isla garteen dhiggiisa Itoobiya sidii looga wada shaqayn lahaa xoojinta arrimaha dhaqaalaha isla markaana labada dal xiriirkoodu ku koobnaan doonin Amniga oo kaliya, sidoo kalena ay bilaabayaan xiriir cusub oo dan u ah labada dawladood.

R-Wasaaraha Itoobiya ayaa ammaanay sida wanaagsan ee ay Dawladda federaalku ula macaamilaan maamul goboleedyada iyo xoojinta iskaashiga dhex mara dhinacyda Soomaalida. Waxana ay labada R.Wasaare isla qaateen in la dhiso guddi heer wasiir ah oo ay hoggaaminayaan Wasiirada Arrimaha dibadda ee labada dal, si loo dardar geliyo xiriirka cusub ee Soomaaliya iyo Itoobiya.

Raiisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa sidoo kale uga qeyb galay Addis Ababa shir deg deg ah oo isugu yimaadeen madaxda IGAD kaas oo loog hadlayey xiisadaha ka aloosan Koonfurta Sudan.

Dowladda Federaalka wey ka go’antahay wax u qabashada Muwaadiniinteeda

0

Muqdisho, 13 June 2017 – Dowlada Federaalka Soomaaliya wey ka go’antahay wax u qabashada muwaadiniinta Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan.

Dowladda Federaalka Soomaaliya iyadoo ka duuleysa muhiimada wargelinta shacabka marwalba si ay xaalada ula socdaan ayaa Dowladu waxey baaq u direysaa shacabka ee ku aadan dhibaatooyinka tahriibka si loo yareeyo khasaaraha shacabka ka soo gaara iyagoo u tahriibaya dalal kale. Dowladu waxey si joogta ah ula socotaa dhaqdhaqaaqyada iyo xaaladaha muragada leh ee ka soo yeereysa tahriibka badaha oo shacab fara badan ay waxyeelo ka soo gaartay.

Sidaas daraadeed, Dowlada Federaalku waxey shacabka u xaqiijineysaa inay wado dadaal walba oo lagu badbaadinayo muwaadiniinta Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan. Dhowaan ayey aheyd markii ay Dowladu heshiis la gashay Dalka India si maxaabiista Soomaaliyeed dib dalkooda loogu soo celiyo.

Dowladda Federaalku waxey sameysey Guddiyo Heer Wasiir iyo Heer farsamo oo wax ka qaban doono Tahriibka iyo sida loo badbaadin lahaa Muwaadiniinta Soomaliyeed ee dhibaatada heysata.

Sidoo kale Dowlada Federaalku waxey wadaa shirar wada tashi oo ay la yeelaneyso Hay’ado Caalami oo ku lug leh arrimaha tahriibka kana shaqeeya wadamada ay ka mid yihiin Libiya iyadoo kala hadashay sidii xal loogu heli lahaa dhibaatada taagan.

 

DHAMAAD

Wasiirka Amniga iyo xubno Wasiiro ah oo xalay kormeeray baraha ciidamada ee ku yaala caasimadda

0

Wasiirka Amniga, Wasiirka Warfaafinta, Wasiir ku-xigeenka Gaadiidka iyo Afhayeenka Wasaaradda Amniga Gudaha ayaa kormeer howleed ku tegay goobaha ay ku suganyihiin ciidamada xasilinta amniga caasimadda, waxaana wafdiga hogaaminayay Wasiirka Amniga Xukuumadda Soomaaliya Mudane Maxamed Abuukar Isloow Ducaale.

Kormeerka ayey mas’uuliyiinta ku tageen baraha koontaroolada ee laga soo galo caasimadda iyo kuwa kale ee yaala faras magaalaha Muqdisho.

Ugu horeyn qaar ka mid ah saraakiishii iyo askartii ku sugnaa koontaroolada ay kormeereen Wasiirada ayaa mas’uuliyinta uga warbixiyay sida ay u socoto howlaha lagu xaqiijinayo Nabadgelyada Caasimadda

Wasiirka Amniga Xukuumadda Soomaaliya Mudane Maxamed Abuukar Isloow Ducaale ayaa tilmaamay in ujeedka socdaalka ay ku tegeen baraha ay ku suganyihiin ciidamada ay tahay sidii loo dhiiri gelin lahaa ciidamada ku shaqada leh xaqiijinta Nabadgelyada caasimadda.

Wafdi uu hogaaminayo Wasiirka Dastuurka oo lagu soo dhaweeeyay Garoowe

0

Wafdi uu hogaaminayo Wasiirka Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya AVV Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil ayaa maanta gaaray magaalada Garoowe ee caasimadda dawlad goboleedka Puntland. Wafdiga Wasiirka waxaa kamid ahaa Agaasimaha Guud ee Wasaaradda iyo qaar kamid ah La-taliyayaasha Wasaaradda.

Ujeedada booqashada ayeey tahay in wadatashi ku saabsan hannaanka dib u eegista Dastuurka la la yeesho madaxda iyo shacabka dawlad goboleedka Puntland.

Wafdiga Wasiir Cabdiraxmaan Xoosh waxaa Garoonka diyaaradaha ee Garoowe ku soo dhaweeyay Xubno ka tirsan Aqalka Sare, Wasiirka Arrimaha Dastuurka ee Puntland Mudane Cali Siciid Oogle, iyo masuuliyiin kale, kadibna waxaa wafdiga loo galbiyay Madaxtooyada Puntland iyaga oo salaan ugu tagay Madaxweyne Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.

AVV. Xoosh oo la hadlay warbaahinta ayaa uga mahadceliyay madaxda Puntland sida diiran ee ay u soo dhaweeyeen wafdigiisa isaga oo sheegay in kulamo wadatashi ah la qaadan doonaan dhamaan qaybaha kala duwan ee bulshada, waxaa kale oo uu sheegay Wasiirka in Wasaaraddu ay si rasmi ah ay maanta u biloowday safaro ay ku tegi doonaan dhamaan dawlad goboleedyada dalka ka jiro si ay madaxda iyo shacabka uga la tashtaan Qorshaha Guud ee hannaanka dib u eegista Dastuurka oo ay Wasaaradda diyaarisay.