Madaxweynaha Jubaland iyo danjiraha UK oo Kismaayo ku kulmay

Date:

Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland ee Soomaaliya Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta garoonka diyaaradaha ee magaalada Kismaayo kula kulmay danjiraha dowlada Ingiriiska u jooga Soomaaliya Divid Concar.

Kulankan oo ahaa mid diirada lagu saarayay tageerada ay dowlada UK siiso Jubaland gaar ahaan adeegyada bulshada, iyo taakulaynta dhinacyada amaanka iyo horumarka.

Inta uu kulankan socday waxaa la isla soo qaaday sidii loo joogtayn lahaa xiriirka labada dhinac isla markana ay u bilaaban lahayeen waxyaabaha ka dhiman mashaariicda ay Ingiriisku ka hirgalinayaan deegaanada Jubbaland.

Madaxweynaha Jubbaland iyo danjire Divid Concar, waxaa ay booqdeen, dhul laga dhisayo xarun ay yeelanayaan sirdoonka Jubbaland oo ay maalgalinayso dowlada Ingiriiska, iyadoo safiirku uu balan qaaday in ay dadaalkooda isugu gaynayaan sidii Soomaaliya ay uga soo kaban lahayd waayahii burburka, isla markana ay mar kale cagaheeda isugu taagi lahayd.

Waxaa kale, oo mas’uuliyiintu ay si wadajir ah ula kulmeen ururada bulshada qaybahooda kala duwan, iyadoo ay isla soo qaadeen qaabka ay u socdaan mashaariicda kala duwan ee UK ay ka hirgalinayso Jubbaland.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Batroolka ayaa booqday qaar ka mid ah Geesiyaasha Macawisleyda oo ku dhaawacmay dagaalka lagu cirib tirayo khawaarijta

Wasiirka Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane...

Amb Jibriil oo xariga ka jaray bandhigga ganacsiga Islaamka oo ka furmay Nairobi

Danjiraha Dowladda Soomaaliya ee dalka Kenya, Danjire Jabriil Ibraahim...

Wasiirka shaqada iyo Arrimaha bulshada XFS oo ka qayb galay shirweynaha hal-abuurnimada Afrika

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...