Home Blog Page 1589

SRSG Keating condemns attack on popular Mogadishu restaurant and hotel

0

The Special Representative of the UN Secretary-General (SRSG) for Somalia, Michael Keating,condemned in the strongest possible terms last night’s attack on the Pizza House restaurant and Posh Hotel in Mogadishu that reportedly killed at least 19 people.

Al-Shabaab has claimed responsibility for the attack, which was triggered by a suicide car bomber and targeted customers who frequent the restaurant and adjacent hotel. Five militants who seized control of the restaurant were subsequently killed by Somali security forces.

“Last night’s attack was clearly aimed at civilians who were breaking the fast,” said Mr. Keating. “There can be no justification for such acts of wanton bloodshed. The holy month of Ramadan is a time of peace and compassion; the attackers have shown cynical contempt for this, and set back the prospect for a peaceful solution to Somalia’s problems”.

“On behalf of the United Nations and the broader international community, I extend our heartfelt condolences to the families and victims of the deceased and wish a full and speedy recovery to those who sustained injuries in the attack.”

Security forces end the operation, 18 killed in the terrorist attack

0

Somali Security forces on Thursday morning completed the operation against Al-Shabaab militants inside Pizza house and provided details on civilians casualties, SONNA reported.

Ahmed Mohamed Mohamud ‘Arab’, Spokesman for security branches said that the operation completed successfully, but investigation still continues.

” The operation ended now, 18 people killed and 19 others injured in this terrorist attack, investigations is going on at moment”, Mr. Ahmed Arab said.

He said that Six Al-Shabaab militants took the attack against the restaurants, one of them performed the suicide car bomb attack while five others entered into Pizza house and the Security forces killed them.

The Security forces also rescued five foreigners, 2 of them Kenyans while 3 others are Ethiopians working for the bars while a Syrian man was among the dead.

SONNA reporter, Ismael Omar at the attacked restaurants saw a lot of dead bodies including three sisters while another one was injured.

Al-Shabaab militants carried out car bomb attack at Posh treats restaurant and got into Pizza house, another restaurant opposite to this where they have been fighting all night.

There are possibilities that the death toll could rise any time while new dead bodies could also be recovered from the Pizza house according to the reports.

This is the most deadliest attack since the holy month of Ramadan started.

Somali Security forces increased operations and their presence at key areas in the capital Mogadishu to ensure the security and did their best according SONNA.

By Mohamed Osman “Black Cobra”

Madaxweyne Farmaajo “Dadkaasi waxay ahaayeen dad shuhado ah oo bil Ramadaan la dilay, waliba xilli ay farxaddii afurka ku jireen”

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa si kulul uga hadlayay weerarkii ay xalay kooxda argagixisada ah ee Al Shabaab ay ku qaadeen Pizza House.

Madaxweynaha oo la hadlayay Warbaahinta dowladda ayaa yiri “Waxan ka tacsiyaynayaa dadkii xalay ku geeriyooday weerarkii naxariis darrada ahaa ee kooxda Al Shabaab ay ka geysteen goobo ay dadka shacabka ah isugu yimaadaan. Dadkaasi waxay ahaayeen dad shuhado ah oo bil Ramadaan la dilay, waliba xilli ay farxaddii afurka ku jireen.”

“Waa arrin laga murugooda in bil barakeysan, waliba 10kii dambe dad Soomaaliyeed oo aan waxba galabsan in la laayo, waliba lagu faano ayada oo shaar diimeed la huwanyahay.”

“Cadawogan waa mid noo diidan inaan faraxno, inaan nabadgalyo helno, inaan shucuubta dunida la jaanqaadno, in qoysaska Soomaaliyeed ay nabad ku soomaan, nabadna ku afuraan.”

“Goobtii ay xalay weerareen waa meel ay inta badan isugu yimaadaana dhallinyarada dugsiyada sare iyo jaamacadaha ee ay da’dooda u dhaxeyso 15 ilaa 25. Aan is waydiinno maxaa loo laynayaa dhallinyaradaas? Ma ciidan baa? Ma Dowladbaa? Jawaabtu waa maya. Waxaa loo laynayaa maxaad u faraxsantihiin. Maxay rajo dowladnimo idiin gashay. Maxaad fikirka xagjirka ah u qaadan la’dihiin!

“Waxaa jira ciidamo maalin iyo habeen dariiqyada taagan si ay amniga shacabka u sugaan. 20kii malamood ee Soonka waxaa laga hortagay falalkan noocan oo kale ah. Waxayna ku timid wada shaqeynta shacabka iyo hay’ada ammaanka. Wadashaqyentaas waa in lasii xoojiyaa. Dabar go’a Al shabaab wuxuu ku xiranyahay isku soo dhawaanshaha hay’adaha amniga iyo shacabka.”

Ciidamada Gaashaan oo Soo Gaba-gabeeyay Weerarkii xalay lagu qaaday Pizza House iyo Posh

0

Ciidammada sida gaarka ah u Tababaran ee Gaashaan ayaa ku guulestay inay soo Afjaraan weerarka Argagixisada ay ku qaadeen Maqaayadaha Pizza House iyo Posh.

Howlgal qaatay muddo saacado ah oo ay ciidamada sida gaarka ah u diyaarsan xalay ilaa iyo saakay ay wadeen ayaa lagu guuleystay in la soo gaba-gabeeyo iyadoo goobta laga soo saaray dad dhaawacya qaba  iyo kuwa dhintay.

Tirada Dhimashada ayaa la sheegayaa in ay gaareyso ku dhawaad 18 ruux  ay kujiraan Lix gabdhood oo Maleeshiyaadka cadowga ay halmeel kuwada dileen, kuwaas oo labo ka mid ah ay wada dhasheen. halka dhaawacana uu yahay 19 ruux, dadka dhintay iyo kuwa dhaawaca ah ayaa la sheegay in ay ahaayeen kuwo goobta u yimid in ay waqti nasasho ah ku qaataan.

Dableyda hubeysan ee gudaha ugashay maqaayadda Pizza House  iyo ciidamada ammaanka ayaa saacado  ku dagaallamayay gudaha maqaayadda, taas oo keentay in ay damaan leerarkii iftiinka howlgalkuna sidaa u ku dheeraado.

Saraakiil ka tirsan laamaha ammaanka ayaa sheegay in la toogtay dhamaan raggii gudaha u galay Maqaayadda Pizza House xaaladduna ay dagan tahay goobtana ay joogaan  ciidamada ammaanka.

Maleeshiyaadka Alshabaab ayaa si isku mid ah weerarkan ugu qaaday maqaayadaha Pizza House iyo  Posh hasa ahaatee waxa ay gudaha u galeen maqayadda qasaaraha badan ka dhashay ee Pizza House oo ka soo horjeedda  Posh oo labaduba ah goobo dhallintu ay ku caweeyaan.

Garbahaareey oo u gudubtay wareegga saddexaad ee tartan cillmiyeedka

0

Habeenka 19-aad tartan cilmiyeedka warbaahinta Qaranka ee uu taabagelinayo maamulka gobolka Benaadir, waxaa ku tartamay degmooyinka Wadajir oo ka tirsan gobolka Benaadir iyo Garbahaareey oo ka tirsan gobolka Gedo.

Qeybta hore ee tartanka degma walba waxaa la weydiiyey afar su’aal, sidoo kale waxaa lagu soo gudbiyey isbarasho kooban oo ku aaddan labada degmo.

Natiijada Wadajir

Degmada Wadajir ee gobolka Benaadir waxaa la weydiiyey toddoba su’aal waxa ay si sax ah uga jawaabbeen hal su’aal, waxa ay iska qaldeen Lix, wax ka faa’ideysi ahna ma helin, sidaas ayeey ku heleen laba dhibcood (2 dhibcood).

Natiijada Garbahaareey

Degmada Garbahaareey ee gobolka Gedo, waxaa iyaguna la weydiiyey toddoba su’aal waxa ay ka jawaabbeen afar su’aal, saddex ayeey iska qaldeen, su’aal dheeri ahna waa ay ka faa’ideysteen, waxa ay uruursadeen toban dhoibcood (10 dhibcood), degmada Garbahaareey ee gobolka Gedo, ayaana u gudubtay wareegga saddexaad ee tartan cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka.

Habeen dambe waxaa tatami doonaa degmooyinka Garoowe oo ka tirsan goholka  Nugaal iyo Shibis oo ka tirsan gobolka Benaadir.

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Ciidammada amniga oo dad ay ajaanib ku jiraan ka soo badbaadiyey maqaayaddii la wareeraray caawa

0

Ciidamada ammaanka Soomaaliya ayaa soo badbaadiyey  dad isugu jira ajaaniib iyo Soomaali kuwaas oo ku jiray gudaha Maqaayadda Posh Treats oo caawa fiidkii qarax xooggan uu ka dhacay agagaarkeeda.

Wararka ayaa sheegaya in in dadka la soo bad baadiyay ay isugu jiraan Itoobiyaan iyo Kenyan oo shaqaale ka ahaa Maqaayada Posh Treats.

Sidoo kale waxaa la soo bad-baadiyay dad kale oo ahaa dadkii maqaayadda ka cunteynayay, waxaana markii hore jiray xaalad hubaal la’aan.

Warar kala duwan ayaa markii hore ka soo baxaya qaraxa oo bartilmaameedkiisa la sheegay inuu ahaa maqaayada Posh, hase ahaatee waxaa muuqata in qaraxyada ay si isku mid u saameeyeen labada Maqaayadood ee Pizza House iyo Posh Treats.

Saraakiil ka tirsan laamaha ammaanka ayaa sheegaya in ugu yaraan lix ruux ay ku dhinteen qaraxa, isla markaana ay jiri karaan in khasaaraha intaan ka badan karo.

 

Maxkamadda Ciidamada oo soo gabo gabeysay dhageysiga dacwadda raggii loo heystay dilka Wasiir Cabaas

0

Maxkamada Ciidamada Qalabka sida ayaa maanta soo gaba gabeysay dhageysiga  eeydeymihii loo heystay Dable Xoogga Axmed C/llaahi Cabdi Ceydiid iyo Seddax alifle Cusmaan Salaad Barre oo isna ka tirsan ciidanka Asluubta Soomaaliyeed islamarkaana labadoodaba ilaalo u ahaa Hanta dhowrihii Guud ee Qaranka oo ku eedeysan dilka Wasiirkii Howlaha Guud iyo Dib u Dhiska  ,balse eedeysanaha koowaad oo ah Dable Xoogga Axmed Cabdullaahi Cabdi Ceydiid ayaa si gaar ah loogu heystaa  inuu dilay Wasiirka ka dambeeyay halka eedeysanaha labaad oo ah Seddax alifle Cusmaan Salaad Barre lagu soo eedeeyay waajib gudasho la’aan oo ah arinta maxakamada dooda badan ka dhex dhalisay.

Maxkamadda oo socotay muddo ka badan seddex saacadood ayaa waxaa ku sugnaa Garsoorayaasha Maxkamadda, Xafiiska xeer ilaalinta ee Maxkamada ciidamada qalabka sida abuukaatayaal ilaa sideed gaarayay oo u doodayay eedeysanayaasha iyo sidoo kale eheleda labada dhinac iyo dad weyne kale oo daawanayay, maadaamaa maxkamaddu aheyd mid furan oo dadweynuhu ay ka qeyb geli karaan.

Sida lagu balansanaa fadhigii kan maanta ka horeeyay ee Maxkamadda waxaa maanta la hor keenay cadeymo isugu jira markhaatiyaal nool iyo qoraalo laga qoray eedeysanayaasha oo ay ku jiraan eeda labaad ee loo heysto eedeysanaha koowaad Dable Xoogga Axmed Cabdullaahi Cabdi Ceydiid oo ah isku day dil sida ku cadeyd eedeymiha maxkamadda lagu soo bandhigay.

Inta ay maxkamaddu socotay ayaa Hogaanka Baarista dembiyada ee Ciidanka Booliska  Soomaaliyeed qeybtooda sheybaarka waxa ay  goobta kusoo bandhigeen cadeymo isugu jira qoraalo , sawiro muujinaya xilliga dilka Wasiirka uu dhacayay goobta uu marayay inta uu u jiray irida madaxtooyada Qaranka, goobta uu dilka ka dhcay, gaariga Wasiirka iyo gaariga hanta dhowraha inta ay isku jireen masaafo ahaan, taarigada gaariga AUN Wasiirka uu watay iyo noociisa, nooca qoriga dilka Wasiirka loo adeegsaday, qeyb ka mid ah xabadii Wasiirka ku dhacday oo jirkiisa laga soo saaray iyo sidoo kale Sawir raaja ah oo Wasiirka laga qaaday markii uu geeriyoday.

Markii Hogaanka dembi baarista ay dhameystireen cadeymihii ay dhacadadaas ka hayeen ayaa qareenada u doodayay eedeysanaha koowaad waxa ay su’aalo weydiiyeen hogaanka dembi baarista ee booliska, waxayna inta badan su’aalaha ku saabsanaayeen cadeymaha ay keeeneen noocooda iyo waxa muujinaya in lagu kalsoonaan karo, sidoo kale Sawirada lasoo bandhigay in lagu qaaday kaamirooyin ay hogaanka dembi baarista wateeen iyo in kaamirooyinka sida qarsoon wax u duuba ay qaadeen ayaa wax laga weydiiyay.

Qoraalada qiraalka ah ee labada eedeysane ayaa maxkamadda laga hor akhriyay ka dib markii eedeysanaha koowaad uu  sheegay in dacwadda loo heysto qaabka loo dhigay uusan ku qanacsaneyn.

Kabtan Muumin Xuseen Cabdullaahi oo ah ku xigeenka xafiiska xeer ilaalinta guud ee Maxkamadda ciidamada qalabka sida ayaa sheegay in dacwadda loo heysto eedeysanaha koowaad ay tahay mid cad isla markaana ay ka xafiis ahaan u cadahay in xabadda ku dhacday isla markaana uu u geeriyooday Wasiirkii howlaha guud ay ka dhacday qoriga uu watay Dable Xoogga Axmed Cabdullaahi Cabdi Ceydiid oo uu dilka Wasiirka isaga ka dambeeyay,wuxuuna maxkamadda ka codsaday in laga laabto dacwada loo heysto eedeysanaha labaad.

Qareenada u doodayay eedeysanayaasha ayaa is hor istaag ku sameeyay soo jeedinta xafiiska xeer ilaalinta, iyagoo sheegay in aysan ku qanacsaneyn oo ay dhankooda Maxkamadda ka codsanayaan in qodobka ku xusan dacwadda eedeysanaha koowaad oo uu dil ku muteysan karo loo bedelo qodobkiisa kale oo ah in uu eedeysanaha mag dhow bixiyo, maadaamaa dilka lagu eedeynayo uusan aheyn mid kas ah sida ay qareenada ku doodeen.

Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida Korneyl Xasan Cali Nuur “Shuute” ayaa sheegay in maxkamadda ay go’aan ka gaari doono dacwada labada eedeysane, isla markaana ay maxkamadda xirantahay.

Dacwadda loo heysto labadan eedeysane oo heerar kala duwaan soo martay ayaa maanta si rasmi ah loo soo gaba gabeeyay, iyadoo go’aanka ugu dambeyana maxkamadda laga sugi doono.

Ra’isul Wasaare ku-xigeenka Soomaaliya oo lagu wareejiyey sharciga la dagaalanka Musuqa

0

Muqdisho, 14 June 2017 –Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Soomaaliya Mudane Mahdi Maxamuud Guuleed ( Khader) oo maanta xafiiskiisa kula kulmey Wasiir ku xigeenka Wasaarada Cadaalada Soomaaliya Ciise Weheliye Macalin ayuu kala wareegey Hindise Sharciyeedka la dagaalanka Musuq-maasuqa kasoo la qorsheenayo in la horgeeyo maalinta beri ah Golaha Wasiirada Soomaliya si ay uga doodaan Sharcigan cusub ka dibna ay u ansixiyaan.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamuud Guuleed ayaa u mahed madaxda iyo shaqaalaha Wasaarada Cadaalada, maadaama ay wakhti badan galiyeen sidii loo dhameys tiri lahaa sharciga la dagaalanka Musuq maausaqa oo baahi badan loo qabo inuu shaqeeyo,sidoo kalena waxuu tilmamey iney turjumeen sharcigii hore ee Musuq maasuqa kasoo lagu dhaqmi jirey 1968-kii oo ku qornaa luuqada Talyaaniga.

“Waxaan bilowney inaan heshiis caalamiya la sameyno Hay’addaha ka shaqeya arimaha la dagaalanka Musuq maasuqa si aan u daba jarno musuqa”Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Soomaaliya.

Hindise Sharciyeedka la dagaalanka Musuq maasuqa ayaa beri shirka Golaha Wasiirada loogu qeybinayaa si ay uga doodaan,hadii ay ansixiyaan waxaa la horgeen doonaa Baarlamaanka Soomaaliya.Wuxuuna ka mid nqon doonaa sharciyada ay ku dhaqanto dowlada Soomaaliya.

Wasiir Xoosh iyo wafdigiisa ee ku sugan Garoowe oo la kulmay Gudoonka Baarlamaanka Puntland

0

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil iyo wafdi uu hogaaminayo oo ku sugan magaalada Garoowe ayaa maanta la kulmay Gudoomiyaha Baarlamaanka ee Puntland Mudane Axmed Cali Xaashi, Gudoomiye Ku-Xigeenka, iyo Guddiga joogtada ee Baarlamaanka puntland. Waxa ay kawada hadleen sidii ay wada shaqeyn u dhexmari laheyd Guddiga Arrimaha Dastuurka ee Baarlamaanka Puntland iyo Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee dawladda Federaalka.

Wasiir Cabdiraxmaan Xoosh ayaa uga mahadceliyay Gudoomiyaha sida wanaagsan ee uu u aqaabilay wafdiga uu hogaaminayo.

“Waan kaaga mahadcelinayaa sida quruxda badan ee aad noo qaabishay aniga iyo wafdiga aan hogaaminayo oo magaaladan u jooga in ay kulamo wadatashi la yeeshaan qaybaha kala duwan ee bulshada, waxa aan idinka rajeyneynaa in aad na la garabgashaan hawsha muhiimka ah ee dib u eegista Dastuurka ee aan Qaranka Soomaaliyeed u hayno” ayuu yiri Wasiir Xoosh.

Ugu dambeyn, Wafdiga uu hogaaminayo Wasiirka ayaa kulamo la qaadan doono dhaman masuuliyiinta sar sare ee dawlad goboleedka Puntland.

Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee XFS oo kulan wadatashi ah ku qabatay Puntland

0

Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa kulan wadatashi oo ka dhacay Xarunta Cilmibaarista ee Nabadda iyo Horumarinta Puntland u qabatay qaybaha kala duwan ee bulshada rayidka ee deegaanada Puntland, waxaana ka soo qaybgalay masuuliyiin katirsan dawlad goboleedka Puntland oo ay kamid ahaayeen Wasiirka Arrimaha Dastuurka ee Puntland iyo Gudoomiye Ku-Xigeenka Baarlamaanka Puntland.

Kulanka ayaa waxaa khudbad ka jeediyay Wasiir Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil isaga oo sheegay in uu aad ugu farxasanyahay kulanka.

“Aad ayaan ugu farxsanahay aniga iyo wafdiga ila socdo ee Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee dawladda Federaalka in aan maanta kulamadii wadatashiga ee hannaanka dib u eegista Dastuurka aan soo gaarsiino Puntland inaga oo ku sii wajahan dhamaan Dawlad Goboleedyada” ayuu yiri Wasiir Xoosh.

Qaar kamid ah dadkii ka soo qaybgalay kulanka ayaa su’aallo ku saabsanaa Qorshaha Guud ee Geedi-sicidka dib u eegista Dastuurka weydiiyay Wasiirka, sidoo kale waxa ay aragtiyo muhiim ah la wadaageen Wasaaraadda.

Kulankan maanta ka dhacay magaalada Garoowe waxaa xigi doona kulamo ceynkan oo kale ah oo ay Wasaaradda ku qaban doonto caasimadaha dawlad goboleedyada.