Home Blog Page 1588

Degmada C/casiis oo u gudubtay wareegga saddexaad ee tartan cilmiyeedka

0

Habeenkii 21-aad tartan cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka ee uu maamulka gobolka Benaadir taabagelinayo, waxaa ku tartamay degmooyinka Baydhaba oo ka tirsan gobolka Baay iyo C/casiis oo ka tirsan gobolka Benaadir.

Tartamayaasha labada degmo qeybta hore ee tartanka waxaa la weydiiyey afar su’aal degmada walba, iyadoo qeybta nasashada lagu abaalmariyey Daawadeyaal iyo Dhageysteyaal ka jawaabay su’aallo ay garan waayeen degmooyinkii tartamay habeen ka hor, sidoo kale isbarasho kooban oo labada degmo u dhaxeysa ayaa lagu soo gudbiyey qeybtaasi.

Natiijada Baydhaba

Degmada Baydhaba ee gobolka Baay, waxaa la weydiiyey toddoba su’aal midna kama jawaabin, waxa ay si ka faa’ideysi ah uga jawaabbeen laba su’aal oo C/casiis soo hareer martay, sidaas ayeey ku heleen afar dhibcood ( 4 dhibcood).

Natiijada C/casiis

Degmada C/casiis ee gobolka Benaadir, waxaa la weydiiyey toddoba su’aal waxa ay ka jawaabbeen hal su’aal lix waa ay iska qaldeen, si ka faa’ideysi ah ayeey saddex su’aal oo Baydhaba soo hareer martay uga jawaabbeen waxa ayna uruursadeen siddeed dhibcood (8 dhibcood), degmada C/casiis ee gobolka Benaadir ayaana u gudubtay wareegga saddexaad ee tartan Cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka

habeen dambe waxaa tartami doona degmooyin Shangaani iyo Warta-nabadda oo ka wada tirsan gobolka Benaadir.

 

 

 

Dowladda Soomaaliya oo Qorsheyneysa Soo Nooleynta Dalxiiska Dalka

0

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka & Dalxiiska Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yarisow) iyo La-Taliyaha Dalxiiska Yasir Baffo ayaa gaaray magaalada Madrid ee dalka Spain oo si heer sare ah loogu soo dhoweeyey.

Wasiir Eng. Yarisow ayaa kulamo la qaadan doona Xoghayaha Guud ee Hay’ada Dalxiiska Caalamiga ah (Word Tourism Orgnanization) Mr Taleb D. Rifai iyo mas’uuliyiin ka tirsan Dowlada Spain. Ujeedada booqashada Wasiirka ayaa ah dardargelinta Qorshaha dib u soo nooleynta Dalxiiska Soomaaliya iyo sii xoojinta xiriirka Spain iyo Soomaaliya.

Wasiir Yarisow ayaa yiri “Wasaarada Warfaafinta, Dhaqanka & Dalxiiska waxey wadaa qorshihii dib u soo nooleynta Dalxiiska Soomaaliya si bushada caalamka ay ugu soo dalxiis tagaan dalka, tanoo keeneysa maalgashi caalami ah iyo shaqo-abuur ay dhalinyaradu ka helayaan. Bacdamaa uu amniga soo roonaanayo ma aha in la sugo inta wax walba ka hagaagayaan ee waa inaan jiilka cusub u sii diyaarinaa jawi dalku uu kula tartami karo caalamka intiisa kale. Kulanka Xoghayaha Guud ee WTO waa fursad aan dooneyno in Soomaaliya ay door ku yeelato Hay’ada Dalxiiska Caalamiga bacdamaa dalkeenu uu leeyahay fursad qaali ah oo ku habboon dalxiiska.”

Wasiir Eng. Yarisow ayaa inta uu joogo Madrid, Spain waxuu kulamo la qaadan doonaa mas’uuliyiin ka socota dalka Spain si xiriirka labada dal loo sii xoojiyo.
DHAMAAD

Wasaarada Warfaafinta, Dhaqanka & Dalxiiska
media@moi.gov.so

Ma kuu muuqdaan waddooyin loo isticmaalay bullaacado iyo qashin-qub?

0

Dadnimo wanaagsan waxaa la helaa ama ay imaan kartaa marka  qof , qoys ama umad ay garato in la dhowro deegaanka ,lagana hortago wax kasta oo dhibaato u keeni kara goobaha laga fuliyo adegyada bulshada sida waddooyinka,suuqyada iyo wixii kale oo la mid ah.

Nadaafada waa aasaaska nolosha ,waana iimaanka barkii,taasoo macnaheedu yahay in dadku  ay waxmaqlaan kuna xisaabtamaan in mar kasta oo qashin uu deris la yahay in uu u dhow yahay cudurku.

Wadooyin kamid ah kuwa  magaalada Muqdisho waxaa muddooyinkaan  ku soo badanaya qashinka faraha badan iyo biyaha wasaqda ah ee ka hara waxyaabaha daruuriyaadka ah ee lagu  isticmaalo xaafadaha ay ka kooban tahay degmooyika gobolka,kaas oo ay ku soo dhaqaajiyaan ama ay cadeysteen dad waxmagarad ah.

Waxaa jira waddooyin dhowr ah  oo ay la dageen qashin iyo kuwa la caadeystay in lagu daadiyo biyaha wasaqda ah,gaar ahaan wadooyinkii ugu dambeeyay ee lagu dayactiray boqolaal kun oo doolar oo ay inta badan soo uruuriyeen dadweynaha .

Wadada gasha madaxtooyad iyo tan kale ee isku xirta  Ceelgaab iyo Afisiyooni oo dhowaan ay ku baxday howlo dib u habeyn ah oo lacagteeda ay dhiibeen Imaaraadka Carabta,maamulka gobolka iyo degmooyika waaberi iyo Xamar jajab ayaa la daalaa dhacaya dhibaatooyin kaga yimid dadweynaha ku nool dhismaha dugsigii Allaahida iyo xaafadaha buuraha ah ee Xamar Jajab,kuwaas oo caado ka dhigtay in ay ku soo shubaan biyaha wasaqda ah, kuwa musqulaha iyo qashinka.

Labada gallin ee maalin kasta waxaa kuu muuqanaya biyo wasaq ah oo ku qulqulaya inta u dhaxeysa buundada koowaad iyo isgoyska Ceelgaab oo isugu taga isgoyska bacadlaha iyo agagaarka shaneemo Afrika, kuwaas oo sababa ur qurmuun iyo niicyo kamod ah dullinka dad ku noolka ah oo ka dhasha halkaasi.

Aaway howshii loo idmaday ciidamada ilaalada  deegaanka dowladda hoose ee Muqdisho,yaase  looga fadhiyaa in ay ku dhaqaaqaan wax ka qabashada arimahaasi oo ay ka dhalan karaan  cudurro ay kamid yihiin daacuun calool,Maleeriyada ama kaneecada iyo kuwo kale oo ka sii qatar badan.

Howsha ugu weyn ee uu xil ka saaran yahay maamulka dowladda hoose,gaar ahaan ciidamada ilaalada deegaanka waa xakameynta iyo qabashada dadka biyaha wasaqda ah iyo qashinkaba ku daadiya waddooyinka  magaalada iyo la socodka wax kasta oo keeni kara nadaafad darri ku soo kordha gobolka,waxaana qasab ah in ay jiraan goobo loogu talagalay in la dhigo qashinka iyo diyaarintii gawaari ka qaadda haraaga wasaqda.

Maamul wanaagsan ayaa xil iska saara sidii mudnaanta loo siin lahaa fayo qabka deegaaanka ,iyadoo mar kasta xoogga la saarayo haamankii iyo booyadihii loogu talagaly in lagu shubo qashinka yaalla inta badasn xaafadaha magaalada Muqdisho.

Waa  in la sameeyo wacyigelin joogto oo dadka loogu sheegayo lacagaha ku baxay sameynta wadooyinka iyo sida fudud ee ay qashinka iyo biyaha ugu shubayaan waddooyinkaasi oo ku laaban kara burb urkii hore.

Olole nadaafadee waa qasab in la sameeyo isbuuc kasta ,isla markaana loo hogaansamo amarada dowlladda hoose,iyadoo cid kasta oo lagu helo in ay wadada ku shubeyso qashin iyo biyo wasaq ah ay waajib tahay in la duldhogo ganaax culus.

Ka hortaggu waxa uu ka wanaagsan yahay daaweynta,sidaa daadeed in waddo laami ah oo lagu dhisay lacago fara badan oo doolar ah in aad ku shubto biyo wasaq ah oo ay burburto waxaa ka wanaagsan in aad ka ilaaliso wax kasta oo dhaawacaya wadadaasi.

Maamulka gobolka ayaa laga sugayaa in uu dib u eegis ku sameeyo arimahaasi, isla markaana  ka hortago burburka soo gaaraya waddoooyinka lagu sameeyay dib u habeynta ,iyadoo ay lama huraan tahay in la ilaaliyo faafidda cudurada qatarta ah ee ka dhasha biyaha wasaqda ah ee lagu daadiyo wadada.

 

W/qoray Shire Xasan Kulmiye

Guddoonka Golaha Shacabka oo Bogaadiyey Hawlgallada Xasilinta Amniga Caasimadda

0

Guddoonka Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa bogaadiyey hawlgallada ay Ciidammada Qalabka Sida ee Soomaaliyeed ku xasilanayaan amniga Caasimadda.

Ku simaha Guddoomiyaha Golaha Shacabka ahna Guddoomiye ku xigeenka Labaad ee Golaha Mudane Mahad Cabdalla Cawad oo kormeer u kuurgelid ah ku tagay xarunta dembi baarista Ciidammada Booliiska ee CID ayadoo kormeerkana ay ku wehlinayeen Guddiyada Amniga iyo Difaaca ee Golaha Shacabka waxaana halkaasi ay warbixinno kaga dhageysteen Taliyaha Ciidammada Booliiska Soomaaliyeed iyo ku xigeenka Xeer Ilaaliyaha guud ee Qaranka.

Kulammada iyo kormeerka kadib hadal uu Warbaahinta siiyey Ku simaha Guddoomiyaha Golaha Shacabka ahna Guddoomiye ku xigeenka Labaad Mudane Mahad Cabdalla Cawad waxa uu ugu horeyn tacsi ugu diray shacabka Soomaaliyeed ee ku waxyeeloobay weerarkii argigixiso ee lagu qaaday maqaayadaha Posh iyo Pizza House ee magaalada Muqdisho waxaana uu caadimaad u rajeeyey dadkii falkaasi ku dhaawacmay isaga oo inta dhimatayna Alle uga baryey in naxariistiisa jano uu siiyo.

Mudane Mahad Cabdalla Cawad Ku simaha Guddoomiyaha Golaha Shacabka waxa uu bogaadiyey hawlgallada ay magaalada Muqdisho ka wadeen Ciidammada Qalabka Sida ee Soomaaliyeed kuwaasi oo lagu xasilinayo Caasimadda dalka waxaana uu ballan qaaday ka Gole Shacab ahaan iney garab taagan yihiin Ciidammada Qaranka si ay waajibaadkooda u gutaan,

Ugu dambeyntii Xukuumadda Fedraalka Soomaaliya ayuu ugu baaqay iney soo nooleyso nidaamka xaq siinta ciidammada ee u naafoobay difaaca Qaranka iyo daryeelidda carruurta agoonta taasi oo ku cad sharci no 8 ee soo baxay 30kii Maarso 1965.

Hoos Ka Daawo Shirka Jaraa’id Ee Ku Simaha Guddoomiyaha Golaha Shacabka

Shibis oo u gudubtay wareegga saddexaad ee tartan cilmiyeedka

0

Habeenka 19-aad tartan cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka ee uu maamulka gobolka Benaadir taabagelinayo, waxaa ku tartamay degmooyin Shibis oo ka tirsan gobolka Benaadir iyo Garoowe oo ah caasimadda gobolka Nugaal.

Tartamayaasha labada degmo waxaa la weydiiyey afar su’aal degma walba, iyadoo kaddib lagu soo gudbiyey inta aanan qeybta labaad la gelin warbixinnadii ka hadlayey taariikhda labadaas degmo ay dalka ku leeyihiin.

Natiijada Garoowe

Degmada Garoowe ee gobolka Nugaal waxaa la weydiiyey toddoba su’aal waxa ay ka jawaabbeen laba shan waa ay qaldeen wax ka faaideysi ahna ma helin, Garoowe waxa ay heshay afar Dhibcood (4 dhibcood).

Natiijada Shibis

Degmada Shibis ee gobolka Benaadir, waxaa la weydiiyey toddoba su’aal iyaguna waxa ay si sax ah uga jawaabbeen saddex su’aal afar waa ay iska qaldeen halka su’aal ka faa’ideysi ahna ay ka jawaabbeen waxa ay uruursadeen Siddeed dhibcood ( 8 dhibcood) degmada Shibis ee gobolka Benaadir ayaa u gudubtay wareegga saddexaad ee tartan cilmiyeedka warbaahinta Qaranka

Habeen dambe waxaa tartan adag uu dhexmari doonaa degmooyinka C/casiis oo ka tirsan gobolka Benaadir iyo Baydhaba oo ka tirsan gobolka Baay.

 

 

 

 

 

 

Wasiirka Arrimaha Dastuurka ee XFS oo booqday xarunta Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee Puntland

0

Wasiirka Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil iyo wafdi uu hogaaminayo oo maalintii sedexaad ku sugan magaalada Garoowe ee caasimadda dawlad goboleedka Puntland ayaa booqday xarunta Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee Puntland, wafdiga uu hoogaminayay Wasiir Xoosh waxaa Wasaaradda Puntland ku soo dhaweeyay Wasiir Mudane Cali Ciise Oog iyo Wasiir Ku-Xigeenka Mudane Cabdiraxmaan Ismaaciil Filibiin.

Wasiir Cabdiraxman Xoosh ayaa sheegay in uu ku faraxsanyahay booqashadiisa, sidoo kale waxuu sheegay in Puntland looga fadhiyo in kaalin weyn ay ka qaadato Geedi-socodka dib u eegista Dastuurka.

“Farxad weyn bay ii tahay aniga iyo wafdigeyga inaan imaano Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee Puntland kuna argano dhalinyaro firfircoon, Puntland waxa ay door weyn ka qaadatay Geedi-socodkii hore ee Dastuurka ee 2011-2012, sidaa awgeed waxa aan hada ka rajeyneynaa in ay doorkii shalay mid ka fiican ay maanta ka qaataan Geedi-socodka dib u eegista Dastuurka” ayuu yiri Wasiir Xoosh.

Ugu dambeyn, wafdiga uu hogaaminayo Wasiir Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil ayaa kulamo kale oo muhiim ah la qaadan doona madaxdaugu sareeysa Puntland si loo xoojiyo wadashaqaynta Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee dawladda Federaalka iyo dawlad goboleedka Puntland.

—–DHAMAAD—–

Golaha Wasiirada oo maanta ka dooday qodobo ay ka mid yihiin Qaraxii Pizza House.

0

Muqdisho, 15 June 2017—Golaha Wasiirada ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankoodii joogtada ahaa kaasoo uu shir guddoominayay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Mudane Xasan Cali Kheyre, iyadoo kulankan looga hadlay qodobo ay ka mid yihiin Amniga dalka iyo weerarkii kooxaha argagixsadu ay ku qaadeen maqaayadda Pizza House oo kamid ah goobaha ay ku caweeyaan shacabka Muqdisho.

Ugu horeyn Wasiirka Amniga ayaa golaha warbixin ka siiyey khasaaraha ka dhashay weerarkii Pizza House, wuxuna tilmaamay in falkaasi ay ku dhinteen dad gaaraya 20 ruux oo kamid yihiin kooxihii weerarka geystay, isagoo tilmaamay in 7 kamid ah dadkaas ay yihiin haween ku sugnaa halkaas waqtigii uu qaraxu dhacayay.

“Falkaas argagixiso wuxuu cadeeyey sida cadowga ummadeenu ugu heelan yahay daadinta dhiiggooda, waxaa cad in Shabaab ay yihiin koox ka fog diinteena marka loo eego dhacdooyinkooda, gaar ahaan midii xalay oo ay ku dileen shacab aan waxba galabsan”ayuu yiri Wasiirka Amniga Gudaha Maxamed Abuukar Isloow (DUCAALE) .

Golaha Wasiirrada ayaa cambaareeyey weerarka, waxana ay tacsi u direen shacabka Soomaaliyeed iyo cid walba oo dhibaato ka soo gaartay, weerarka argagixiso.

Dhanka kale, Shirka golaha ayaa looga hadlay qodobo ay kamid yihiin soo bandhigidda dakhliga soo xarooday oo golaha uu warbixin ka siiyey Wasiirka Maaliyadda Mudane C/rixmaan Ducaale Bayle.

 

R.W Kheyre oo la dar-daarmay Ergooyinka Shirweynaha Wadatashiga qaran ee hannaanka dib-u-heshiinta.

0

Muqdisho, 15 June 2017…..Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa khudbad dheer oo dhinacyo badan taabanaysa u jeediyey ergooyinka ka qeyb galaya Shirweynaha Wadatashiga qaran ee hannaanka dib-u-heshiinta oo soo qaban qaabisay Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo dib-u-heshiisiinta, kaas ay ka soo qeyb galeen dad weyne isaga kala yimid gobollada dalka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay inuu rajo wanaagsan ka qabo in shirkaan uu noqdo mid u horseeda horumar dhamaan shacabka ku nool Jamhuuriyadda Soomaaliya oo sanado badan ay haysteen dhibaatooyin kala duwan, isla markaana loo baahan yahay in la joogteeyo dib-u-heshiisiinta.

‘’Dib u heshiisiinta waa inaaney halkan ku joogsan, ee waa in la joogteeyaa, si loo adkeeyo midnimada dadka. Dawladda iyo hay’adaha kale ee waddanka ka jira diyaar bay u yihiin inay idin la shaqeeyaan, isla markaana idin fidiyaan taageerada aad u baahan tihiin.’’ayuu yiri Kheyre oo dhanka kale sheegay in tiirarka asaaska u ah dawladda Soomaaliya uu yahay hirgalinta nidaam dib-u-heshiin baahsan oo gaarta guud ahaan dadka Soomaaliyeed.

“Waxaa xaqiiqo ah in dadkeena ay ka go’antahay nabad iyo iskaashiga, waxaana idiin sheegayaa dadku waxa ay go’aansadaan wey gaaraan, waxaan rajeynayaa in Soomaali meel kasta oo ay joogto ka gudubto dagaalka iyo khilaafka ayna u gudbaan nabad, iskaashi iyo wadajir” ayuu yiri raaciyey Ra’iisul Wasaare Xasan Kheyre oo hadal dheer ka jeediyay shirka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay dadka ugu badan ee khilaafaadku ka dhexeeyo ay kamid yihiin siyaasiyiinta, wuxuna kula dar-daarmay in midnimada dadkeena la xoojiyo. Shirkan ayaa marka uu dhamaado waxaa laga soo saari doono qodobo waxtar u leh bulshada Soomaaliyeed. Gaar ahaan arrimaha dib-u-heshiisiinta.

—–DHAMMAAD—

 

 

AMISOM commends Somali national security forces for swift response to terrorist attack in Mogadishu

0

The Special Representative of the Chairperson of African Union Commission (SRCC) for Somalia, Ambassador Francisco Madeira, commends the swift response by Somali National Security Forces to the attack by Al-Shabaab terrorists on a restaurant in Mogadishu on Wednesday evening.

Once again, the terrorists, in the same cowardly manner, targeted civilians at a popular restaurant with a vehicle improvised explosive device, killing and injuring innocent people. However, the rapid and quick response of the security forces prevented further destruction and loss of life.

The act of bravery exhibited by the security forces must be commended and is proof that the reforms being undertaken by the government under the new National Security Architecture Agreement are taking shape and beginning to show positive results.

“The attack on civilians last evening was a desperate attempt by the terrorists seeking public attention, after having suffered serious losses from recent operations by Somali Government Forces. The ongoing security operation under the stabilization campaign in Mogadishu and others targeting Al-Shabaab camps have left the militants severely weakened. AMISOM commends the government forces for their courage and pledges its continued support towards ensuring total pacification of Somalia,” Amb. Madeira stated.

AMISOM commends President Mohamed Abdullahi Mohamed Farmaajo for the ongoing operations to seize illegal firearms in Mogadishu and other major towns to help secure the country.

The AMISOM Head of Mission commiserates with the bereaved families and wishes the injured a quick recovery.

The unity and resilience of the people of Somalia shall win over those that seek to spread terror by disregarding the sanctity of human life.

SRSG Keating condemns attack on popular Mogadishu restaurant and hotel

0

The Special Representative of the UN Secretary-General (SRSG) for Somalia, Michael Keating,condemned in the strongest possible terms last night’s attack on the Pizza House restaurant and Posh Hotel in Mogadishu that reportedly killed at least 19 people.

Al-Shabaab has claimed responsibility for the attack, which was triggered by a suicide car bomber and targeted customers who frequent the restaurant and adjacent hotel. Five militants who seized control of the restaurant were subsequently killed by Somali security forces.

“Last night’s attack was clearly aimed at civilians who were breaking the fast,” said Mr. Keating. “There can be no justification for such acts of wanton bloodshed. The holy month of Ramadan is a time of peace and compassion; the attackers have shown cynical contempt for this, and set back the prospect for a peaceful solution to Somalia’s problems”.

“On behalf of the United Nations and the broader international community, I extend our heartfelt condolences to the families and victims of the deceased and wish a full and speedy recovery to those who sustained injuries in the attack.”