Home Blog Page 1573

Taliska militariga Mareykanka ee Africa”Sedex Al-Shabaab ah ayaan ku dilnay weerar ka dhacday Bay

0

Muqdisho(SONNA) Ilaa sedex katirsan Maleeshiyada Shabaab ayaa lagu dilay Weerar ay geysatay diyaarad Drone ah oo uu Mareykanku leeyahay oo ka dhacay meel ka mid ah gobolka sida ay sheegeen saraakiil katirsan Militariga Mareykanka.

Taliska Ciidamada Mareykanka ee Africa oo War ka soosaaray dhacdadaasi ayaa sheegay in weerarkaasi oo qorsheysnaa uu dhacay aroornimadii talaadada ahayd.

Afhayeen u hadlay AFRICOM, Anthony Falvo, ayaa u sheegay wakaaladda wararka Mareykanak ee( AP) in meesha la duqeeyey aysan ka ag dhaweyn dad rayid ah – wuxuuna sheegay in weli aysan heyn magacyada ragga ka tirsan Al-Shabaab ee ku dhintay iyo darajadooda.

Waxa uu sheegay in maleeshiyada la beegsaday ay halis ku hayeen ciidamada Soomaaliya iyo kuwa Midowga Africa ee gobolkaas ka howlgalaya kana dhowaa meesha ay duqeyntu ka dhacday.

Militariga Mareykanka Mareykanka ayaa fuliyay weeraro dhowr ah oo ka dhan ah Al-Shabaab tan iyo markii madaxweyne Donald Trump uu ansixiyay ballaarinta howlgallada Mareykanka ee Somalia ee ka dhanka ah Al-Shabaab kuwaasi oo lagu taageerayo Dowladda Soomaaliya.

Duufaan hor leh oo ku dhufatay Jasiiradda Puerto Rico oo Mareykanka hoostagta

0

Muqdisho(SONNA) Wakaaladda Mareykanka u qaabilsan dhanka saadaasha cimilada ayaa sheegay in Duufaanta Irma ay gaartay heerka ugu sareeya ee cabirka duufannada, taasi oo haatan lasheegay in ay  ku wajahantahay jasiiradaha Virgin,

Roobab xoogan oo dabeylo wata oo duufaataanta Duufaantan qeyb ka ah ayaa geystay burbur iyo saameyn xoogan oo dhanka korantada ah, iyo biyaha, waxaana Duufaantaasi la sheeegay in saacadiiba jarayso masaafo ah 295 km, jasiiradda Puerto Rico ee hoos timaada Maraykanka ayay duufaantaasi ku dhufatay.

Mas’uuliyiinta jasiiradaasi ayaa sheegay in dhowr maalmood ay dadka halkaa ku nool koronto la’aan noqon doonaan.

Madaxweynaha Dalka Mareykanka Donal Trump ayaa ku dhawaaqey xaalada deg deg ah oo lagu soo rogay goobihii ugu dambeeyey oo duufaantaasi ku dhufatay,waxaana soconaya dadaalo ku aadan sidii loogu gurman lahaa dadka duufaantu ay saameysay.

Dhanka kale Duufaanta Irma ayaa ugu horayn ku dhufatay waddanka labada jasiiradood ka kooban ee Antigua iyo Barbuda taasi oo qasaare naf iyo maalba geysatay.

Ra’iisul wasaaraha dalkaas, Gaston Brown ayaa sheegay in Irma ay waxyeelaysay boqolkiiba 95 dhismayaasha jasiiradahaasi, 1 qof ayaana lagu soo waramayaa in uu ku dhintay,

Kumanaan qoys oo kunool Jasiiraddaasi ayaa bilaabay in ay ka qaxaan guriyohooda,sida ay sheegeen mas’uuliyiinta Dalkaasi Antigua iyo Barbuda..

Magaalada Gaalkacyo ayaa lagu wadaa in lagu soo gaba gabeeyo shir amniga looga hadlayey oo u dhaxeeyey Maamulada Puntland iyo Galmudug.

0

Magaalada Gaalkacyo ayaa lagu wadaa in lagu soo gaba gabeeyo shir amniga looga hadlayey oo u dhaxeeyey Maamulada Puntland iyo Galmudug.

Shirkan ku saabsanaa arrimaha amniga ee Gobolka Mudug oo Gaalkacyo ka socday labadii cisho ee la soo dhaafay ayaa diiradda lagu saaray sidii bulshada gobolka ay uga wada qeyb qaadan lahaayeen sugidda amniga iyo ka hortagidda waxkasta oo abuuri kara colaad.

Shirka ayaa lagu wadaa in maanta laga soo saaro warmurtiyeed ku saabsan dhaqan galka waxyaabihii la isku raacay, iyadoo shirkan uu dabo sacdo heshiiski 22-kii  June labada dhinac ay kala saxiixdeen oo ka koobnaa todobo qodob, kaasi oo uu goob joog ka ahaa Wasiirka arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Juxa.

Taliska militariga Mareykanka ee Africa”Sedex Al-Shabaab ah ayaan ku dilnay weerar ka dhacday Bay

0

Ilaa sedex katirsan Maleeshiyada Shabaab ayaa lagu dilay Weerar ay geysatay diyaarad Drone ah oo uu Mareykanku leeyahay oo ka dhacay meel ka mid ah gobolka sida ay sheegeen saraakiil katirsan Militariga Mareykanka.

Taliska Ciidamada Mareykanka ee Africa oo War ka soosaaray dhacdadaasi ayaa sheegay in weerarkaasi oo qorsheysnaa uu dhacay aroornimadii talaadada ahayd.

Afhayeen u hadlay AFRICOM, Anthony Falvo, ayaa u sheegay wakaaladda wararka Mareykanak ee( AP) in meesha la duqeeyey aysan ka ag dhaweyn dad rayid ah – wuxuuna sheegay in weli aysan heyn magacyada ragga ka tirsan Al-Shabaab ee ku dhintay iyo darajadooda.

Waxa uu sheegay in maleeshiyada la beegsaday ay halis ku hayeen ciidamada Soomaaliya iyo kuwa Midowga Africa ee gobolkaas ka howlgalaya kana dhowaa meesha ay duqeyntu ka dhacday.

Militariga Mareykanka Mareykanka ayaa fuliyay weeraro dhowr ah oo ka dhan ah Al-Shabaab tan iyo markii madaxweyne Donald Trump uu ansixiyay ballaarinta howlgallada Mareykanka ee Somalia ee ka dhanka ah Al-Shabaab kuwaasi oo lagu taageerayo Dowladda Soomaaliya.

Wasaaradda Arrimaha Dastuurka oo qiimayn dhanka Maamulka iyo Maaliyadda lagu sameeynayo

0

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Dastuurka Mudane Maxamed Abuukar Zubeyr iyo dhamaan Agaasime Waaxeedyada ee Wasaaradda ayaa la kulmay Benson Mutiso oo ka socday hay’adda Baker Tilly Merali’s oo ah hay’ad ay UNDP u xilsaaratay in ay qiimayn ku sameeyso dhamaan hay’adaha dawladda iyada oo la ogaanayo awoodda hay’adaha dawladda ee dhanka tayada maamulka iyo shaqaalaha. Qiimeynta Wasaaradda lagu sameeynayo ayaa socon doonta 3 maalin.

Agaasimaha Guud oo warbixin siinayay Benson ayaa u sheegay in Wasaaradda ay soo martay marxalado kala duwan, iyada oo ka soo gudubtay heer aysan lahayn wax xafiisyo ah iyo shaqaale tayo leh, markaa oo ay ahayd waqtigii la kala gooyay Wasaaradda Dastuurka iyo Wasaaradda Cadaaladda ee horaantii 2015.

Barnaamijkan oo lagu magacaabo HACT Assessment ayaa sadax sano ka hor laga sameeyay dalka, waxaana hadda lagu ogaanayaa heerka ay gaarsiinsantahay awoodda maamul iyo shaqaale ee dawladda.

Ugu dambayn, Wasaaradda ayaa waqtigan waxaa laga dareemayaa in ay sameeysay horumar dhanka maamulka iyo shaqalaha kadib hawlo baaxad leh oo bilooyinkii la soo dhaafay ay ka fulisay dalka iyadoo salka u dhigtay nidaam ku dhisan hufnaan, daah-furnaan, iyo islaxisaabtan.

-DHAMAAD- 

Wasaaradda Arrimaha Dastuurka oo qiimayn dhanka Maamulka iyo Maaliyadda lagu sameeynayo

0

Muqdisho(SONNA) Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Dastuurka Mudane Maxamed Abuukar Zubeyr iyo dhamaan Agaasime Waaxeedyada ee Wasaaradda ayaa la kulmay Benson Mutiso oo ka socday hay’adda Baker Tilly Merali’s oo ah hay’ad ay UNDP u xilsaaratay in ay qiimayn ku sameeyso dhamaan hay’adaha dawladda iyada oo la ogaanayo awoodda hay’adaha dawladda ee dhanka tayada maamulka iyo shaqaalaha. Qiimeynta Wasaaradda lagu sameeynayo ayaa socon doonta 3 maalin.

Agaasimaha Guud oo warbixin siinayay Benson ayaa u sheegay in Wasaaradda ay soo martay marxalado kala duwan iyada oo ka soo gudabtay heer aysan lahayn wax xafiisyo ah iyo shaqaale tayo leh markaa oo ay ahayd waqtigii la kala gooyay Wasaaradda Dastuurka iyo Wasaaradda Cadaaladda ee horaantii 2015.

Barnaamijkan oo lagu magacaabo HACT Assessment ayaa sadax sano ka hor laga sameeyay dalka, waxaana hadda lagu ogaanayaa heerka ay gaarsiinsantahay awoodda maamul iyo shaqaale ee dawladda.

Ugu dambayn, Wasaaradda ayaa waqtigan waxaa laga dareemayaa in ay sameeysay horumar dhanka maamulka iyo shaqalaha kadib hawlo baaxad leh oo bilooyinkii la soo dhaafay ay ka fulisay dalka iyadoo salka u dhigtay nidaam ku dhisan hufnaan, daah-furnaan, iyo islaxisaabtan.

—–DHAMAAD—–

Saaxiibada beesha caalamka oo walaac ka muujiyay qorshah la sheegay in dowlad goboleed cusub laga sameynayo gobolka Hiiraan

0

Muqdisho, 6 September 2017 – Qaramada Midoobay, Midowga Afrika, Midowga Yurub, Urur-Goboleedka IGAD, Dowladaha Ethiopia, Talyaaniga, Sweden, Boqortooday Midowday ee Ingiriiska iyo Maraykanka ayaa si dhow ula socda arrimaha ka dhacaya HirShabelle ka dib markii Golaha Baarlamaanka Dowlad Goboleedku ku dhawaaqay inuu xilka ka xayuubiyay Madaxweyne Cali Cabdullaahi Cosoble 14kii bishii Agoosto.

Iyagoo garowsan in Md. Cosoble uu diiday hanaanka xil ka qaadidda, saaxibada Soomaaliya ee caalamka waxay dhammaan dhinacyada ugu baaqayaan inay sii wadaan dadaallada wax lagaga qabanayo arrintan muhimka ah iyadoo la raacayo hababka dastuuriga ah iyo kuwa sharciga ah ee u degsan, kana fogaadaan falalka wax u dhimi kara xoojinta hanaanka dhisidda dowlad goboleedyada.

Iyadoo la eegayo maalgashiga weyn ee dhanka siyaasadda iyo dhaqaalaha ee lagu bixiyay hanaanka dhisidda dowlad goboleedyada iyo dadaallada tayo dhiska ee hadda socda, saaxiibada caalamku waxay si gaar ah uga walaacsanyihiin iskudayga la sheegay in dowlad goboleed gooni ah lagu sameynayo gobolka Hiiraan.

Tallaabooyinka ay dhinacyadu iskood ugu dhawaaqaan oo aan asaas sharci lahayn, oo isla markaasna waxyeelleynaya dadaallada dhisidda dowlad goboleedyada iyo xasilinta ee hadda socda waxay keenayaan dhibaato waxayna abuurayaan welwel.

Saaxiibada caalamku waxay dhammaan dhinacyada ugu baaqayaan inay raacaan hanaanka sharci ee loo dejiyan in lagu dhaqmo, dastuurka HirShabelle iyo habraaca baarlamaanka ee u degsan. Saaxiibadu waxay ku adkeynayaan muhimadda ay leedahay in la ilaaliyo xasilloonida siyaasadeed ee lagama maarmaanka u ah in horumar dheeraad ah laga gaaro hanaanka dhisidda dowlad goboleedyada iyo sii xoojinta habka federaalka ka jira Soomaaliya.

Arday dhan 50 oo deeq waxbarasho ka helay Shiinaha oo la sagootiyey

0

Muqdisho(SONNA)-Waxaa maanta oo Arbaca ah xaflad sagootin ah loo sameeyey arday gaaraysa 50, oo deeq waxbarasho ka helashay dalka aan saaxiibka nahay ee Shiinaha,kuwaasi oo maalmaha na soo aadan u ambabixi doona waddankaasi.

Agaasimaha Guud ee Wasaaarada Waxbarashada Soomaaliya, Ismaciil Yusuf Cisman ayaa sheegay in ay deeqdani tahay tii 2-aad ee ay Wasaarada maamusho, si wanaagsana ay u maareeyeen.

“Deeqdan waxbarasha waxaa nasiib u helay arday ka kala socota maamulada dalka ka jira sida Somaliland, Puntland, Galmudug, Hirshabelle, K/galbeed, Jubbaland iyo gobalka Benadir, waxana ardada u sheegaya in qabiil aysan ku helin ee ay Somaliya ku heleen, ayna jiri karto arday ka mudnaa,balse iyaga nasiib  u helay, sidoo kale waxan u sheegayaa in daruufaha ay u adkaystaan waxna bartaan oo aysan khasaarin ama tahriib ku fekerin”, Agasime Cisman ayaa sidaa yiri.

Shirwac Ibrahim, agaasimaha waxda Asiya ee W/Arrimaha Dibbada ayaa sheegay in Shiinaha iyo Somaliya ay wadaagaan xiriir saaxiibtinimo oo fog soona bilawday 14 bishii December, 1960-kii, wuxuna intaasi ku daray in Somaliya ay kamid ahayd dawladihii doonayey in Shiinaha uu kamid noqdo Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay.

” Waa deeqdii uga badnayd ee Waxbarasho heer sare ah oo ka helno Shiinaha, dawlada kale baa jira balse waxbarashada sare Shiinaha ayaa uga horeeya, waxaa nahay laba dal oo saaxiib ah”, Shirwac ayaa sidaa yiri.

Qin Jian, Safiirka Shinaha uga fadhiya dalkeena Soomaaliya ayaa carabka ku adkeeyey in deeqaha waxbarasho ee ay siiyaan Soomaaliya laba laabi doonaan, isagoo xusay in ardada ay wax ku kala baran doonaan jaamacadaha waaweyn ee ku kala yaala magaalooyinka dalkaasi oo ay caasimada Beijing ku jirto.

Wasiirka Waxbarashada Dawladdda Federal-ka ah ee Soomaaliya, Mudane Cabdi Daahir Cisman ayaa uga mahad naqay dawlada Shiinaha yabooha waxbarasho, wuxuna ka codsaday in ay kordhiyaan deeqaha waxbarasho ee ay siiyaan Soomaaliya.

“Kuliyado Muhiim ah oo ay kamid tahay caafimaad-ka(Medicine), Engineeriyada, iyo Beeraha ayaa kamida waxa ay ardadan fursada u heleen, waxan kula dar-daarmayaa in ay ka faa’idaystaan, wixii ay bartaana ay beri dalkooda kula soo noqdaan”, Wasiirka  ayaa sidaas aradada kula taliyey.

Waxaa sidoo kale xaflada sagootinta ka hadlay ardada iyo waalidiinta oo dareen farxad leh ku soo dhaweeyey fursadan waxbarashada iyadoo mahad balaaran ay u jeediyeen dawladda Soomaaliya, sigaar ah wasaaradaha Waxbarshada iyo arrimaha dibbadda iyo dawlada Shiinaha oo ay deeqdani ka heleen.

42 arday ayaa dawlada maamushay halka, 8-deeda kalena ay ardada ku heleen qaab Online ah oo ay safaaradana u ogalaatay sida ay mas’uuliyiinta safaarada ka heshay Wakaaladda SONNA.

W/D: Maxamed Cisman Cabdi “Black Cobra”

Daawo Sawirada Xaflada sagootinta maanta

ama guji English www.sonna.so/en

Maamulka Gobolka oo daah furay mashruuc dib u dejin loogu sameynayo barakacayaasha

0

Guddoomiyaha gobolka Benaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Mudane Thaabit Cabdi Maxamed ayaa maanta daah furay Mashruuc dib u dajin loogu sameenayo Barakacayaasha ku nool magaalada Muqdisho.

Kulanka lagu daah fureyay mashruucan waxaa maamulka gobolka Banaadir ka sokow sidoo kale goob joog ka ahaa mas’uuliyiin ka tirsan Midowga Yurub iyo Qaramada Midoobay.

Mashruucaan oo ku kacaya 12,Milyan oo Euro oo ay ku deeqeen Midowga Yurub ayaa waxaa iska kaashanaya maamulka gobolka Benaadir iyo Midowga Yurub, waxaana dhawaan mashruucaan laga fulinayaa magaalada Muqdisho.

Guddoomiyaha ayaa sidoo kale sheegay in mashruucan uu qeyb ka yahay shan marshruuc oo waa weyn iyadoo barnaaamijkan loogu talagalay in ay ku baxdo lacag dhan 50 milyan oo Euro.

“Waa kii ugu weynaa oo lagu taageero dadka barakacyaasha ee magaalada Muqdisho ku nool waan u mahadcelinaynaa  Midowga Yurub iyo kuwa kale oo qeyb ka ah mashruucan taabagelintiisa,” ayuu yiri Thaabit.

Mudane Thaabit Cabdi, duqa Muqdisho ayaa sheegay in maamulka gobolka Benaadir dadaal badan ku bixiyay qorshan, hadana lagaaray xiligii wax laga qab lahaa dhibaatooyinka heeysta barakacaayasha Magaalada ku nool.

Akhriso go’aanadii ka soo baxay kulankii aan caadiga aheyn ee Golaha Wasiirrada

0
Muqdisho, 06 September 2017 – Golaha Wasiirrada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulan aan caadi aheyn oo uu shir-guddoominayay Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Mudane Xasan Cali Kheyre. Arrimaha kulanka looga hadlay ayaa ahaa arrimaha amniga Qaranka iyo dhacdadii sarkaalka Jabhadda hubeysan ee ONLF.

Golaha ayaa ugu horeyn warbixin ka dhageystay hay’adaha amniga ee la xiriira xaaladaha amni ee dalka guud ahaan, gaar ahaan dhacdadii sarkaalka Jabhada hubeysan ee ONLF, waxeyna sheegeen in uu abaabulayey falal lid ku ah amniga dalka oo uu in muddo ah ka dhexwaday dalka gudahiisa, xiriirna uu la lahaa kooxaha argagaxisada ah ee Al-Shabaab.

Warbixinta amniga qaranka ka dib ayaa Ra’iisul Wasaaraha wuxuu ka codsaday xubnaha golaha wasiirrada in ay ka doodaan, falanqeeyaan, eegaana dhanka siyaasada iyo dhanka sharciga guud ahaan.

Wasaaradda Cadaaladda ayaa warbixin dhanka sharciga ah ka siisay golaha wasiirrada ee ku aadan habraacyada muhiimka ah ee Sharciga dalka iyo Heshiisyadii hore oo ay wada galeen Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dowladda Federaalka Ethiopia.

Golaha waxaa la horkeenay nuqulka Heshiisyo ay Dowladda Federaalka Soomaaliya la gashay Dowladda Ethiopia ee 07dii Juun 2015kii kaas oo dhanka Soomaaliya uu u saxiixay Wasiirru Dowlihii Madaxtooyada JFS Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad ee dawladdii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Heshiiskan ayaa u aqoonsanaya kooxaha hubaysan oo ay ka mid yihiin Al-Shabaab iyo Jabhadda ONLF in ey khatar ku yihiin amniga labada dal, meelna looga soo wada jeesto oo labada dal ay iska kaashadaan si wada jir ah.

Waxaa sidoo kale la horkeenay Golaha Wasiirrada heshiis la saxiixay 2dii May 2016 oo ay Dawladda Federaalka Soomaaliya iyo Dawladda Federaalka Ethiopia ku heshiiyeen in ay si wada jir ah isaga kaashadaan la dagaallanka nabad-diidka iyo argagixisada si loo xaqiijiyo sugidda amniga iyo xasilloonida labada dal. Heshiiskan waxaa Dowladda Federaalka u wada saxiixay Wasiirkii hore ee Boostada & Isgaarsiinta Mudane Maxamed Jaamac Mursal (Geele) iyo Mudane Cabdikarin Xuseen Guuleed.

Qodobbada Heshiiskaas oo kuwa ugu muhimsan ay ahaayeen “In si buuxda aan isaga kaashanno la dagaallanka iyo cirib tirka kooxaha argagixisada ah gaar ahaan Alshabaab iyo ONLF”.

Dood dheer ka dib, golaha wasiirradu waxey go’aamiyeen arrimahan:

1) In Siyaasada Dowladda Federaalku ay tahay mid ku qotonta iskaashi dalalka geeska Afrika ah, xoojineysana nabad ku-wada-noolaanshaha mandaqadda, xoojinta dhaqaalaha, iskaashiga iyo amniga, isla markaasna aan Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya loo oggoleyn in jabhado hubeysan ama kooxo argagaxiso ah ay gabbaad ka dhigtaan.

2) Golaha Wasiirradu waxey hoosta ka xarriiqeen in shaqsigani uu ahaa sarkaal sare 00 ka tirsan Jabhadda hubeysan ee ONLF, isla markaasna uu falal lid ku ah amniga dalka uu ka dhexwaday geyiga Soomaaliya iyo mandaqadda, iskaashi dhowna la lahaa kooxaha araga-gixisada ee Al-Shabaab.

3) Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay diyaar u tahay in ay kaalin firfircoon ka ciyaarto wax walba oo ka qeybqaadanaya nabadeynta mandaqada si waafaqsan Dastuurka iyo Shuruucda dalka. Dawladda Federaalka Soomaaliya waxey garowsan tahay doorka ciidamada waddamada deriska ah ee Djibouti, Kenya, Ethiopia, Burundi iyo Uganda ay si hagar la’aan ah uga garab-dagaalamayeen ciidamada Qaranka Soomaaliyeed si dalka loogu soo dabaalo xasilooni waarta.

4) Golahu waxuu mar kale hoosta ka xarriiqay heshiiyadii iskaashi ee ay Dawladda Federaalka Soomaaliya iyo Dawladda Federaalka Ethiopia ay kala saxiixdeen sida heshiiskii 07dii Juun 2015kii iyo heshiikii 2dii May ee 2016 oo tilmaamaya in dhan looga soo wada jeesto arrimaha amniga iyo nabad ku wada noolaanshaha mandaqadda. Heshiisyadan waxey si cad u qeexayaan “In cadowga labada dhinac ee Al-Shabaab iyo Jabhada ONLF ay khatar ku yihiin amniga labada dal, meelna looga soo wada jeesto oo labada dal ay iska kaashadaan si wada jir ahna ula dagaalamaan”.

5) Waxaa reebban isla markaasna mamnuuc ah in Jamhuuriyadda Soomaaliya gudaheeda ay kooxaha argagaxisada iyo kooxaha hubeysanba ka dhigtaan gabbaad ay dagaallada iyo collaadaha ka huriyaan oo ay kaga duulaan wadammada jaarka ah.

6) Dawladda Federaalka Soomaaliya waxa ay ka qaadi doontaa tallaabooyin cad-cad oo Sharciga waafaqsan cid kasta oo isku dayda in ay jabhado hubeysan ka dhex abuurto dalka gudihiisa ama ay taageeraan kooxo argagaxiso ah iyagoo maleegaya falal lid ku ah dalka gudihiisa ama/iyo waddamada jaarka ah.

7) Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxa ay dib-u-eegis ku samaynaysaa Heshiisyadii ay dawladdii hore gashay si qabyo-tir loogu sameeyo wixii galdaloolooyin ah ee ku jira (haddii ay jiraan) loona waafajiyo habraac-yada Sharci ee dalka.

DHAMMAAD