Wasiirka Waxbarashada oo kormeeray dugsiyo ay wax ku bartaan gabdho da’yar ah

Date:

Wasiirka wasaaradda waxbarashadda, Hidaha iyo Tacliinta saree e Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta konmeer ku tagay dhowr xarumood oo ay wax ku bartaan Gabdhaha Agoonta ah iyo kuwa danyarta ah.

Goobaha uu wasiirku tagay waxaa ka mid ah xarunta Agoonta Gabdhaha ee Boondheer, Schoolka Agoonta ee Banaadir oo ay ku jiraan ku dhawaad 1,000 arday ah oo isugu jira wiilal iyo gabdho, Schoolka Yaasiin Cismaan iyo xarunta ay wax ku bartaan Ardayda Indhoolayaasha ah ee Al Bashiir.

Wasiir C/raxmaanDaahir Cismaan ayaa sheegay in ujeedkiisu ahaa in uu soo arko qaabka ay wax u bartaan gabdhaha da’yarta ah maadaama ay maanta ku beegantahay 11 October oo loo asteeyey maalinta gabdhaha yar-yar.

Waxaa kale oo uu wasiirku sheegay in loo bahanyahay in la garabgalo dadka danyarta ah gaar ahaan dadka baahiyaha gaarka ah qaba, sidoo kalena uu qorsha sanadka soo socda uu wasaaradda waxbarashadda yahay in la dhiso School weyn oo ay wax ku bartaan Ardayda aan araga laheyn.

Wasiirka oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri  “Qorshaha wasaaradda ayaa waxaa ku jira in Miisaaniyadda Dowladda lagu daro 500 oo Macalin kuwaasoo xitaa loo dirayo Goboladda Dalka haddii loo baahdo”.

Magaaaladda Muqdisho waxaa ku yaala xarumo badan oo ay wax ka bartaan ardayda danyarta ah iyo sidoo kale kuwa qaba baahiyaha gaarka ah waxaana intooda badan yihiin kuwo lacag la’aan ah.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Kulan ku aadan xoojinta adeegyada gurmadka oo Muqdisho ka dhacay

Guddiga Qaran ee gurmadka ayaa maanta shir ku yeeshay...

Wasiirka amniga oo qaabilay wafdi ka socda Qaramada Midoobay

Wasiirka wasaaradda amniga gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane...

Ciidanka Danab oo howlgallo ka fuliyay Shabeellada hoose

Ciidamada Kumaandooska Danab ee CXD ayaa xalay fuliyay hawlgal...

Duqa muqdisho oo la kulmay laamaha ammaanka ee gobolka Banaadir

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada muqdisho mudane Dr....