Agaasimaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda oo gaaray Dalka Cumaan+Sawirro

Date:

Muqdisho (SONNA) Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Col. Mohamed Aadan Koofi ayaa gaaray dalka Cumaan, iyadoona halkaasi ay ku soo dhaweeyeen masuuliyiinta safaaradda Soomaaliya ee dalkaasi.

Koofi ayaa kormeer ku tagay xarunta ay ku shaqeyso safaaradda Soomaaliya ee dalka Cumaan, isagoona si gaara ugu kuur galay howlaha ka socda xafiiska bixinta Baasaboorka iyo Kaarka Aqoonsiga.

Agaasimaha ayaa kulan gaar ah la qaatay Safiirka Soomaliya u fadhiya Cumaan Wardheere, waxaana ay ka wada hadleen howlaha Hay’adda ka heyso safaaradda iyo dhowrista sharciga qaadashada Baasaboorka iyo kaarka Aqoonsiga.

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ayaa dadaal ugu jirta sidii loo hormarin lahaa Baasaboorka Soomaaliya, si loo gaaro in Muwaadin kasta oo Soomaali ah uu ku tagi karo halkii uu doonayo.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Golaha Wasiirrada oo ansixiyey xeer-nidaamiyaha Xukuumadda 

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay...

Bandhigga Suuq-weynaha Muqdisho oo galay maalintii labaad

Bandhigga oo sanadkii 6-aad ka qabdoomay magaalada Muqdisho wayaa...

Soomaaliya iyo muritaaniya oo iska kaashanaya ka hortagga musiiboyinka 

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka, Mudane.Maxamuud Macallin Cabdulle, oo hoggaaminaya...

Soomaaliya iyo Azerbaijan oo kala saxiixday heshiisyo Iskaashi

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud...