Home Blog Page 1521

Shil sababay geerida gabar Soomaaliyeed iyo dhaawaca Wariye Axmed Jaaket oo ka dhacay Mareykanka.

0

Muqdisho(SONNA) Dhacdadani ayaa timid markii ay isku dheceen gaari nuuca raaxadda ah oo ay saarnaayeen Wariye Jaakad iyo gabadhaasi iyo gaari Tareen ahaa kaasi oo wadada si xowli ah u marayay, waxaana Jaaket uu sheegay in sababta keentay ay tahay in ay jiraan waddooyin Tareen iyo kuwa caadiga ah oo isdhexmara meelaha qaar, taasi oo shilkaasi keentay.

Wariye Axmed C/raxmaan Jaaket ayaa faah faahiyaya sida shilkaasi uu u dhacay isagoo kujira isbitaal ku yaala Gobolkaasi Wisconsin ee Mareykanka.

“Gabdha waxaan isku baranay meel lagu barto shuruucda qaadashada kaararka muwaadinimada, waxay I aragtay anigoo socoda, waxaan u sheegay in aan u socdo Banggi, markaasi ayaay is oo qaaday,inta aan soconay ayaa wadada waxa soo galay Tareen oo ku dhacay gaarigeena dhankak gabadha,waxaan isku dayay in aan gaariga ka boodo balse waan awoodi waayay, madaama aan dhaawacmay,waxyar ka dibna waxan arkay gabadhii gaariga igu wadday oo Meyd ah”, Ayuu yiri wariye Axmed Jaaket.

Wariye Axmed C/raxmaan Jaaket ayaa sheegay in goobtaasi ay soo gaareen Boolis iyo dadweyne kale,kuwaasi oo meesha ka qaaday dhaawaciisa,waxaana uu haatan kujiraa isbitaal ku yaala Gobolkaasi Wisconsin.

Shilalka ka dhacay dalka Mareykanka ayaa ah kuwo halistoodi leh,iyadoo aysan ahayn markii ugu horeysay oo shil ay waxyeelo ka soo gaarto muwaadiniin Soomaaliyeed uu ka dhoco Mareykanka,waxaana loo aanaynayaa wadooyinka qaar oo ah labo waddo oo isdhexmara ayna wada isticmaalaan Tareenada iyo kuwa kale ee caadiga ah.

XiGasho:VOA

Guddiga doorashad Kenya”Uhuru iyo Railla keliya ayaa ku tartamaya dorashada 17 October dhacayso”

0

Muqdisho(SONNA) Saameyntii ka dhalatay go’aankii maxakamadda sare ee dalka Kenya ka qaadaya natiijada doorashadii uu ku guuleystay Uhuru Kenya ayaa noqotay mid gilgishay dareenka shacabka reer Kenya iyo guud ahaan caalamka.

Hadal haynta ugu badan ayaa noqotay in dalka Kenya uu noqdo wadankii ugu horeeyey oo katirsan Qaaardda Africa oo uu qaato go’aan kaasi lamid ah, taasi oo horey uga dhacday qura wadamo fara ku tiris ah oo katirsan Qaaradaha kale ee Dunida.

Madxweyne Uhuuru Kenyata iyo Railla Odinge ayaa labaduba isku diyaarinayaa in ay galaan doorasho mar kale laqabta, kadib markii guddiga doorashada dalka Kenya uu soo saarey jadwalka doorashada, oo loo iclaamiyay in la qabto 17 bisha October.

War qoraal ah oo kasoo baxay IEBC ayaa lagu sheegay in musharixiinta kala ah Raila Odinga ee isbahaysiga NASA ee mucaaradka ah iyo Madaxweyne Uhuru Kenyatta ee xisbiga Jubilee oo kaliya ay u tartami karaan doorashada, maadaamaa labadoodu ahaayeen kuwii go’aanka maxkamadda lagu saleeyay.

Xisbiyada ayaa durba bilaabay ololaha doorashada, iyada oo uu dastuurka qabo in muddo 60 maalmood ah gudahood doorasho lagu qabto laga bilaabo maalinta ay maxkamad laasho natiijada.

Arrinta ugu weyn oo weli taagan murankeedi ayaa ah in madaxweyne Uhuru Kenyata uu diiday in isbedel lagu sameeyo guddiga doorashada, halka Railla Odinge uu aaminsanyahay in uusan la jaanqaadi Karin guddigaasi marxaladda siyaasadeed ee taagan.

Malaayiin taageerayaasha labada dhinac ayaa bilaabay olole uu midkasta ku doonayo in uu ku helo gusha doorashada mar kale la go’aamiyay doonin.

Puntland iyo Galmudug”Waxaan u baahanahay nabad waarta”+Sawirro

0

Muqdisho(SONNA) Shirkani oo ujeedkiisu yahay amba qaadista xoojinta nabadeynta bulshada ku dhaqan magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug,iyo deegaanada hoosyimaada oo ay ka jireen dhibaatooyin soo noq noqday ayaa ka soconaya magaalada Gaalkacy.

Waxaaa goob joog ah madasha shirkan dib u heshiisiineed madaxweyen ku xigeenka Galmudug Max’ed Xaashi Cabdi iyo Madaxweyne ku xigeenka Puntland C/xakiin Xaaji C/llaahi Cumar Camey,kaasi oo la filayo in laga soo saaro go’aano ku aadan nabad ku wada noolaanshaha bulshooyinka Galmudug iyo Puntland ee deegaanadaasi wada dega.

Shir Jaraa’id oo ay ku wada qabteen Garoonka diyaaradaha magaalada Gaalkacyo gelinkii dambe ee Isniintii ayay labada madaxweyne ku xigeen waxay ku faah faahiyeen ujeedada shirkaasi.

“Maxmed Xaashi Cabdi , Waxaan halkani u nimid aniga iyo madaxweyen kuxigenka Pntlan, in aan amba qaadno hehsiisyadii nabadda ee Gaalkacyo, sida aad la socotaan Gaalkacyo waa magaalo soomaaliyeed oo labada shacab ay ku wada noolyihiin,waxaana ka wada hadlaynaa dib u eegista wixii ka qabsoomay heshiisyadii hore, runtii magaaladu nabad ayay u baahantahay,waxaa jiray arqalado soo laa laabtay, diyaar ayaan u nahay nabadda waxaan ka codsanaynaa Qurba joogta in ay kaalintooda ka qaataan nabadda.” Ayuu yiri madaxwyen kuxigeenka Galmudug.

“Waxaanu ka sii wada hadlaynay waxyaabaha loo baahanyahay ee nabadda hirgelinteeda ah,siida uu sheegay Maxamed Xaashi Cabdi, intaasi ayan isla soo hadal qaadnay, waan isku afgaranay,waxaa loo baahanyahay mas’uuliyada waxyaabihii la isla gartay ah,wadashaqeyn ayaa loo baahanyahay qofkaska wuxuu u baahanyahay nabadda,wadadii ayaanu haynaa,waxaana ugu baaqeynaa shacabka labada maamul ee walaalaha ah in ay nabadda ka wada shaqeeyaan”, Sidaasina waxaa yiri madaxweyne ku xigeenka Puntland.

Waxaa muuqanaysa ifi faalo nabadeed oo ay ku wada noolan karaan bulshada ku nool magaalada Gaalkacyo iyo deegaanada kale,islamarkaana la soo afjaro rabshadaha soo laalaabtay,horey waxaa u jirey heshiisyo nabadeed, kuwaasi oo waxtar u noqday bulshada labadda dhinac.

Wasaaradda Xanaanada Xoolaha ee Puntland oo talaalaysa saddex Milyan oo Neef

0

Muqdisho(SONNA) Kooxahaani dhakhaatiirta ah ee ay dirtay Wasaaradda Xanaanada Xoolaha ee dowlad goboleedka Puntland ayaa dawayn iyo tallaalid u samayn doona malaayin xoolo ah oo ku dhaqan deegaanada Puntland, laga dawayn doono cuduro kala duwan oo ay jadeecadu gu horayso.

Agaasimaha Caafimaadka Xoolaha ee Puntland Dr C/rixman Maxamed Xaji {Xunbul} ayaa tilmaamay in talaalkan uu faa’ido badan u leeyahay xoolaha madaama ay jiraan xanuun xoolaha ku dhaca, kuawasoo looga dabiibayo tallaal iyo daawayn wada socda.

Dr. Abshir Siciid Yusuf oo ka socday Hay’ada FOA oo iyada barnaamijkaan si gaar ah uga taageerta Puntland wuxuu  sheegay in sanooyinkii  ugu dambeeyay ay talaaleen malaayiin Xoola ah, iyagoo bartilmaamedkoodu yahay Cudurada faafa.

Dr Abshir ayaa xusay in kooxahan Wasaaraddu dirayso in ay talaali doonaan sedex Milyan oo neef, ayna ka talaali doonaan laba cudur oo ah kuwa faafa waxaana xanuunada laga talaalayo xoolaha uu sheegay in ay yihiin jadeecada iyo xanuunada kale ee faafa.

Wasiirka Xananada Xoolaha ee dowlad goboleedka Puntland  C/laahi Shiikh Axmed waxa u dardaaran u jeediyay dhakhaatirta Xananada xoolaha kuna booriyay in loo naxariisto reer guuraaga xilliga ay ku guda jiraan dawaynta xoolaha.

Xoolaha waa laf dhabarta dhaqaalaha guud ee Soomaalida, iyadoo sanooyinkii u dambeeyay ay dhaceen abaaro saameeyay nolasha xoolo badan oo ay nooli ka heli jireen reer guuraaag Soomaaliyeed.

Arday ka qalin jebisay Jaamacadda Jamhuuriya oo xaflad loogu qabtay Muqdisho

0

Munaasabad loogu dabaaldagayay qalinjabinta arday tiradoodu gaareyso 281 arday oo ka qalin jabiyay Jaamacada Jamhuuriya ee culuumta iyo Teknoolajiyada ayaa maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho.

Munaasabada waxaa kasoo qeyb galay mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya, Maamulka sare ee Jaamacadda Jamhuuriya, Waalidiin, Bahda waxbarashada iyo marti sharaf kale.

Guddoomiye ku-xigeenka golaha sare ee Jaamacadda Jamhuuriya Cusmaan Cali Xalane ayaa ugu hambalyeeyay ardada qalinjabineysay, maamulka, macalimiinta iyo howlwadeennada Jaamacadda guusha weyn ee la gaaray, isaga oo hoosta ka xariiqay in ujeeddada loo aasaasay Jaamacadda ay tahay soo saaridda Arday tayadoodu sareyso.

Guddoomiyaha Jaamacadda Jamhuuriya Maxamuud Axmed Jimcaale oo la dardaarmay ardayda qalinjabineysay ayaa u sheegay in guusha dhabta ah la gaari doono marka waxa ay ardaydu barteen ay uga faa’ideeyaan mujtamaca Soomaaliyeed.

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hidaha iyo Tacliinta Sare ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Daahir Cusmaan oo ka hadlay munaasabada ayaa tilmaamay in ay tahay guul weyn oo usoo hooyatay Ummadda Soomaaliyeed, isaga oo kula dardaarmay bahda Waxbarashada in ay ku dadaalaan sare u qaadista tayada tacliinta sare ee dalka.

Qaar ka mid ah ardadii qalin jabineysay oo dareenkooda cabiray ayaa muujiyay in ay ku faraxsanyihiin miradhalka go’aankii ay gaareen afar sano kahor.

Maxaa ka soo baxay kulankii R’iisul Wasaare Khayre iyo mas’uuliyiinta Wasaaradda Warfaafinta?

0

Muqdisho(SONNA) Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa maanta kormeer shaqo ku yimid Xarunta Wasaaradda Warfaafinta, dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Soomaaliya.

Mudane Xasan Cali Kheyre oo uu wehliyay Wasiirka Cadaaladda Xukuumadda Soomaaliya Mudane Xasan Xuseen Xaaji ayaa kulamo la qaatay masuuliyiinta Wasaaradda, uu ugu horeeyo Wasiirka warfaafinta Mudane Cabdi raxmaan Cumar Cismaan Eng: Yariisow ku xigeenka C/raxmaan Iidan Yoonis iyo qaar kamid ah Agaasimahaasha Waaxyaha ee Wasaaradda.

Wasiirka Warfaafinta, dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Soomaaliya Eng, Cabdiraxmaan Cumar  Cismaan Yariisow ayaa warbixin ka siiyay Ra’iisul Wasaaraha hawlaha ka socda Wasaaradda, Waaxyaha kala duwan sida ay u shaqeynayaan iyo dowr ka Wacyi galinta ee Warbaahinta Qaranka Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa aad u amaanay hawlaha ka socda Wasaaradda Warfaafinta, isagoona bogadiyay in la sii dardar galiyo Wacyi galinta bulshada, Mudane Xasan Cali Kahyre ayaa sheegay in Xukuumadda ay si weyn u garab taagan tahay Warbaahinta Dowladda oo kaalin muhiim  ah ka qaadaneysa Horumarka Dalka.

Ugu dambeyn Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa sidoo kale kormeer ku tagay Wasaaradda Haweenka & Horumarinta Xaquuqul Insaanka oo xarunteeda ay ku dhex taalo Wasaaradda Warfaafinta, wuxuuna warbixin ku saabsan sida ay u socdaan howlaha Wasaardaasi ka dhageystay Wasiirka Haweenka, Marwo Deeqa Yaasiin, Raiisul Wasaaraha ayaa ku booriyay mas’uuliyiinta iyo shaqaaalaha Wasaaradahan in ay sii xoojiyaan howlaha ay u hayaan bulshada.

 

Jabuuti oo cambaaraysay Tijaabadii Gantaalka Nugliyeerka ee Kuuriyada Waqooyi.

0

Jabuuti-(SONNA)- Jamhuuriyadda Jabuuti ayaa si kulul u cambaareysay tijaabadii Gantaalka Nugliyeerka aheyd oo ay dhawaan tijaabisay Kuuriyada Waqooyi,taasoo beesha caalamka ay si kulul uga hadashay.

Bayaan ay soo saartay wasaaradda arrimaha Dibadda ee Dowladda Jabuuti ayaa lagu sheegay in Tijaabadan Nugliyeerka ah ay ka horimanayso Qaraarkii Golaha amaanka, liddina ay ku tahay nabadgelyada dowladaha Gobolka iyo kan caalamka guud ahaanba.

Sida ay soo warisay wakaaladda Wararka ee jabuuti,ayaa waxaa kaloo bayaankan ay soo saartay wasaaradda Arrimaha Dibadda jabuuti loogu baaqay Kuuriyada waqooyi inay ixtiraamto heshiiskii mamnuucidda  tijaabooyinka nugliyeerka ee Caalamka.

Ra’iisal wasaare Xasan Cali Khayre oo kormeer shaqo ku yimid Xarunta Wasaaradda Warfaafinta

0

Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa maanta kormeer shaqo ku yimid Xarunta Wasaaradda Warfaafinta, dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Soomaaliya.

Mudane Xasan Cali Khayre oo uu wehliyay Wasiirka Cadaaladda Xukuumadda Soomaaliya Mudane Xasan Xuseen Xaaji ayaa kulamo la qaatay masuuliyiinta Wasaaradda, uu ugu horeeyo Wasiirka warfaafinta Mudane Cabdi raxmaan Cumar Cismaan Eng: Yariisow ku xigeenka C/raxmaan Iidan Yoonis iyo qaar kamid ah Agaasimahaasha Waaxyaha ee Wasaaradda.

Wasiirka Warfaafinta, dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Soomaaliya Eng, Cabdiraxmaan Cumar  Cismaan Yariisow ayaa warbixin ka siiyay Ra’iisul Wasaaraha hawlaha ka socda Wasaaradda, Waaxyaha kala duwan sida ay u shaqeynayaan iyo dowr ka Wacyi galinta ee Warbaahinta Qaranka Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa aad u amaanay hawlaha ka socda Wasaaradda Warfaafinta, isagoona bogadiyay in la sii dardar galiyo Wacyi galinta bulshada, Mudane Xasan Cali Kahyre ayaa sheegay in Xukuumadda ay si weyn u garab taagan tahay Warbaahinta Dowladda oo kaalin muhiim  ah ka qaadaneysa Horumarka Dalka.

Ugu dambeyn Mudane Xasan Cali Khayre ayaa sidoo kale kormeer ku tagay Wasaaradda Haweenka & Horumarinta Xaquuqul Insaanka oo xarunteeda ay ku dhex taalo Wasaaradda Warfaafinta, wuxuuna warbixin ku saabsan sida ay u socdaan howlaha Wasaardaasi ka dhageystay Wasiirka Haweenka, Marwo Deeqa Yaasiin, Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku booriyay mas’uuliyiinta iyo shaqaaalaha Wasaaradahan in ay sii xoojiyaan howlaha ay u hayaan bulshada.

Angela Merkel “Turkiga Meelna ugama banaana Midowga Yurub”

0

Berliin-(SONNA)- Ra’iisalwasaaraha Jarmalka Angela Merkel oo ka qaybgashay dood Telifishinka oo dhex martay iyada iyo ninka loollanka adag kala dhexeeyo doorashooyinka soo socda ee xisbiga Hantiwadaagga, Martin Schulz ayaa ballan qaaday inay joojin doonto sii socoshada wadahadalada Turkiga iyo Midowga Yurub.

Merkel waxay ku adkaysatay in haddii ay doorashada soo socota ku guulaysato ay ku shaqayn doonto  waajibnimada in aan turkiga waligii xubin ka noqon midowga Yurub, arinkaasna kala hadli doonto saaxiibadeeda midowga yurub si mowqif midaysan looga qaato, loona xadido mudada kama danbaysta ah ee wadahadalada Turkiga iyo Midowga Yurub.

Illaa haddaMa jirto wax jawaab ah  ee dhinaca Turkiga oo ku saabsan Mowqifka Cusub ee Angela Merkel oo u muuqda hanjabaad sii kala fogayn karta Berliin iyo Ankara.

Xiriirka labadan dal ka dhexeeya ayaa mugdi sii galayay, waxayna muddooyinkaan danbe is dhaafsanayeen hadallo qallafsan oo dhinacba dhinaca kale ku eedaynayay.

Madaxwaynaha dalka Turkiga Rajab dayib Ordogan ayaa bishii tagtay ku timaamay madaxda Xisbiga xukuma jarmalka ee CDU inay yihiin Cadowga Turkiga, isagoo ugu baaqay codbixiyayaasha Jarmalka ee asalkoodu turkiga yahay in aysan u codayn Xisbiga Angela Merkel.

Doorashadaan ka dhici doonta dalka Jarmalka ayaa dadka codaynta xaqa u leh waxaa ka mid ah afar Milyan oo qof oo asalkoodu Turki yahay, kuwaasi oo natiijada doorashada saamayn ku yeelan kara.

Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka Soomaaliyeed oo Kulan la qaatay Jaaliyadda Minneapolis

0

Muqdisho(SONNA)Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka Soomaaliyeed Mudane Axmed Cali Daahir iyo Xog-hayaha guud ee Guddiga Difaaca ee Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Jamhuuriyadda Soomaaliya, Xildhibaan Sadiiq Warfaa ayaa Kulan wada tashi iyo xog waran ah la yeeshey  Jaaliyadda Soomaaliyeed ee kunool magaalada Minneapolis ee Gobolka  Minnesota ee Dalka Mareykanka.

Kulankan oo ay soo qaban qaabiyeen Jaaliyadda Soomaaliyeed ayaa waxaa lagu qabtay Hoolka shirarka ee Abuubakar Al Sadiiq ee Magaalada Minneapolis, iyadoo su’aalo lagu waydiiyey mas’uuliyiinta ka socotay Dowladda Soomaaliya.

Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliyeed Mudane Axmed Cali Daahir ayaa ka warbixiyay xaaladda Dalka Soomaaliya uu marayo, isagoo u sheegay Qurba Joogta Soomaaliyeed in laga doonayo  in ay si weyn uga dhex muuqdaan Horumarka dalka.

“Dalka Soomaaliya haatan waxaa kajirta Dowlad u taagan sidii loo horumarin lahaa dalka,isbedelo badan ayaa jira iyo rajoouin,balse waxaa looga baahanyahay Qurba Joogta Soomaaliyeed sidii kaalin mug leh ay uga qaadan lahaayeen dib u dhiska iyo Horumarka Dalkooda Hooyo”, Ayuu Yir DR Axmed CAli Daahir.

Xildhibaan Sadiiq warfaa oo ah Xog-hayaha Guddiga Difaaca ee Golaha Shacabka ee Baarlmaanka Federaalka Jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa ka codsaday Jaaliyadda Soomaaliyeed sidii ay ugu qeyb qaadan lahaayeen dib u dhiska Dalka Soomaaliya, gaar ahaan arrimaha dhismaha iyo horumarinta Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed,si loogu guuleysto xaqiijinta Amniga iyo ka hortaga dhagaraha Caddowga Umadda Soomaaliyeed ee Alshabaab.

Wariyaheena Minnesota ee Mareykanka Liibaan Xuseen.