Home Blog Page 1521

Somalia attends ITU conference with full voting rights for the first time in decades

0

The Minister of Posts, Telecom and Technology has told that Somalia is no longer the only country in the world with no telecom regulation after the president signed the communications bill into law on October 2nd.

The Minister was speaking at ITU conference in Buenos Aires, Argentina, where Somalia is attending the conference – for the first in three decades – with full voting rights after the Ministry has recently managed to start the process of paying the dues, which have been outstanding since 1983.

H. E. Abdi Ashur Hassan told that this step would not only help the Ministry become a meaningful member of ITU but also pave the way for full partnership with ITU in the development of Somalia’s ICT sector.

“I would like to thank the prime minister and his deputy, telecom operators and ITU leadership for their commitment and understanding; we would not have done this without their efforts given the current financial constraints of the government,” added the minister.

“Somalia’s telecom industry is currently driven by the business sector with no tangible contribution by the government in terms of building infrastructure that would add value to their operations and increase government revenues. We want to fill that gap and help investors to move to the next level so that government can generate more taxes from the sector” concluded the minister.

END

PRESIDENT FARMAJO CALLS FOR UNITY AND COOPERATION

0

The President of the Federal Republic of Somalia, H.E Mohamed Abdullahi Mohamed Farmajo has been keenly following the concerns of the leaders of the federal member states, and in effect underscores the need for closer cooperation between the Federal Government and the Federal Members States to achieve the hope of peace and prosperity for our country.

“I want to remind you all that we must acknowledge that our country is on the path of recovery, and the only way we can achieve full recovery is through cooperation. We must therefore all strive for the greater good of this country and be true to the oath that we all took to put the country first.”

President Farmajo acknowledges that in a nascent federal system, there would be challenges and that must always be solved amicably through dialogue while remaining faithful to the constitution.

The president remains confident that all concerns will be resolved, and that leaders would remain true to the pledge of putting the interest of our country before anything else.

End

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Soomaaliya oo is casilay

0

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Cabdi rashiid Cabdullaahi Maxamed ayaa maanta Kulankii Golaha Wasiiradda Xukuumadda Soomaaliya khamiislaha ahaa geeyey Waraaq Istiqaalo ah oo Xilka isaga Casilayo, Isagoo Golaha ka codsaday in ay ka aqbalaan Iscasilaada uu dalbaday, waxaana wararka ay sheegayaan in Golaha uu ka aqbalay iscasilaada uu sameeyey Wasiir Cabdi rashiid Cabdullahi.

Golaha Wasiiradda XFS oo Taliyaha Ciidanka Xoogga u magacaabay Gen Cabdi Jaamac Xuseen (Gorod)

0

Golaha Wasiirada ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankoodii caadiga ahaa oo uu shir-guddoominayay Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumada Mudane Mahdi Maxamed Guled (Khadar). Arrimaha kulanka looga hadlay ayaa waxaa ka mid ahaa magacaabista Taliyaha Xoogga Dalka Soomaaliyeed, xoojinta xiriirka iyo wadashaqeynta hay’adaha dawliga ah iyo arrimo kale.

Golaha Wasiirada ayaa warbixin ka dhageystay hay’adaha amniga oo ku aadan arrimaha xasilinta iyo howlgallada sugidda amniga dalka. Hay’adaha ammaanka ayaa xaqiijiyey in la dardargelin doono howlgalada lagu sugayo amniga iyo nabadeynta.

Wasaarada Gaashaandhiga ayaa golaha wasiirada u sheegay in Axmed Jimcaale Cirfiid uu iska casilay xilkii Taliyaha Xooga Dalka Soomaaliyeed. Wasaaradda Gaashaandhiga ayaa Golaha Wasiirada u soo gudbisey talo soo jeedin in S/Gaas Cabdiweli Jaamac Xuseen (Gorod) uu noqdo taliyaha cusub. Dood dheer ka dib, ayey galaha wasiiradu u codeeyeen oo aqbaleen talo-soojeedintii aheyd in S/Gaas Cabdiweli Jaamac Xuseen (Gorod) uu noqdo Taliyaha Xooga Dalka Soomaaliyeed, tanoo loo gudibn doono Madaxweynaha si uu dikreeto uga soo saaro. Wasiirka Gaashaandhiga Rashiid Cabdullaahi Maxamed ayaa isna iska casilay xilkii wasiirka Gaashaandhiga.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka ayaa golaha ka codsaday inay ka warbixiyaan xaalada xiriirka iyo wadashaqeynta wasaaradahooda iyo wasaaradaha dawlad goboleedyada. Ugu yaraan 12 wasiir ayaa sheegay in wasaaradahooda ay xiriir wanaagsan la leeyihiin wasaaradaha dawlad goboleedyada oo kulamo wadatashi iyo xoojinta xiriirka ay ka dhaxeyso, kulamadaas oo ka kala dhacayey Muqdisho iyo xarumaha dawlad goboleedyada. Wasiirada warbixinada laga dhageystay ayaa kala ahaa Wasiirada Arrimaha Gudaha, Boostada & Isgaarsiinta, Qorsheynta, Maaliyada, Warfaafinta, Waxbarashada, Dastuurka, Biyaha, Diinta & Awqaafta, Gargaarka, Garsoorka, Dhalinyarada & Ciyaaraha, Ganacsiga, amniga, iyo kuwo kale.

Golaha Wasiirada ayaa soo dhoweeyey baaqii Madaxweyne Farmaajo ee midnimada iyo wadashaqeynta hay’adaha dawliga ah ee heer Federaal iyo heer dawlad Goboleed. Golaha ayaa hoosta ka xariiqay in Xukuumadda ay ka go’antahay xoojinta xiriirka iyo wadashaqeynta dawlad goboleedyada, qirayna inuu heerkii ugu sareeyey marayo iyadoo golaha wasiirada ay shirkooda caadiga ah ku qabsadeen 13kii July 2017 Kismaayo, una qorsheysneyd inay Baydhabo ku qabsadaan shirkooda kale hase yeeshee Maamulka Koofur-Galbeed uu dib u dhigay, lana rajeynayo in dhowaan shirkaas ka dhaco dhammaan dawlad goboleedyada dalka.

Ugu danbeyntii Golaha Wasiirada ayaa warbixin ka dhagesytay Wasiirka Arrimaha Dibedda ee ku aadan booqashadii Madaxweyne Faramaajo ku tagey Sacuudiga, Sudan iyo Masar, sheegeyna in xiriirka dalalkaas la sii xoojiyey iyadoo awalba ay Soomaaliya iyo dalalkaas leeyihiin xiriir qoto dheer oo taariikhi ah. Sidoo kale waxaa warbixin laga dhageystey Wasiirka Arrimaha Gudaha oo safar uu ku tagey Finland ka warbixiyey.

—DHAMMAAD—- 

Soomaaliya oo 34 sano kadib soo ceshatay xuquuqda codeynta ee urur caalami ah

0

Wasiirka Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknooloojiyada ayaa ka qeybgalaya shir-weynaha Ururka Isgaarsiinta Caalamiga ah (ITU) oo 9-kii Sebteembar ka furmay caasimadda dalka Argentina ee Buenos Aires, ka dib markii wasaaraddu ku guuleysatay inay dib u soo ceshato xubinnimada buuxda ee ururkaas oo maqneyd tan iyo 1983-dii, kolkaas oo ay joogsatay bixinta qaaraanka sanadlaha ah.

Qaaraanka lagu yeeshay Wasaaradda muddadaas wuxuu gaarayay in ku dhow 2 milyan iyo bar, taas oo sababtay in wixii markaas ka dambeeyay ay Wasaaraddu si kor-joogto ah kaga qeybgasho shirarka, iyada oo aan lahayn wax cod ah.

Hase yeeshee, dadaal ay mas’uuliyiinta Wasaaraddu bixiyeen bilihii u dambeeyay waxaa lagu guuleystay in Soomaaliya laga cafiyo lacag ku dhow 1 milyan iyo bar doolar, waxaana la dajiyay qorshe soconaya muddo sanado ah oo lagu bixinayo baaqiga, iyadoo qeybtii 1aad oo dhan in ku dhow 80 kun doolar ay Wasaaraddu bixisay dhammaadka bishii hore.

Wasiir Cabdi Cashuur oo ka hadlayay shirkaas ayaa sheegay in xubinnimada ITU ay Wasaaradda ka caawin doonto sidii ay dib ugu heli lahayd adeegyada ay wasaaradaha dalalka caalamku ay ku leeyihiin ururkaas. Wuxuu sidoo kale sheegay in tallaabadani ay fududeyn doonto sidii ITU ay dalka Soomaaliya uga kaalmeyn lahayd dhismaha kaabayaasha isgaarsiinta dalka oo aysan shirkaduhu si gooni gooni ah u maalgashan karin.

“Sharaf bay noo tahay inaan dib u soo ceshanay xubinnimada buuxda ee ITU-da. Ma dooneyno inaan korjoogto kaliya ka noqono ururka ITU-da oo hawlo badan ay nooga xiran yihiin, inagoo awoodna inaan cod yeelano. Waxaan u mahadcelinayaa Ra’iisul Wasaaraha iyo ku-xigeenkiisa iyo shirkadaha isgaarsiinta iyo internetka Soomaaliya oo Wasaaradda ka caawiyay inay qaaraankaas bixiso, iyadoo nidaamka lagu bixinayo uu ahaa mid daahfuran,” ayuu Wasiirku intaasi raaciyay.

DHAMMAAD

Ra’iisul Wasaare Khayre “Calanku qiimo yeelan maayo haddii midnimo la waayo”

0

Munaasabad ballaaran oo lagu xusayay sanad guurada 63-aad ee kasoo wareegtay maalinta calanka Soomaaliyeed ayaa lagu qabtay xarunta Dawladda hoose ee Xamar, iyadoo ay ka qeyb galeen, Ra’isul Wasaare Xasan Cali Khayre, gudoomiyaha Barlamaanka Soomaaliya Maxamed Cusmaan “Jawaari”, Gudoomiyaha gobalka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho iyo qeybaha bulshada.

Xafladda oo si weyn loo agaasimay ayaa waxaa khudbado ka jeediyay Madaxda Dawladda oo ka hadlay qiimaha maalintaan ay leedahay iyo dhibaatooyinkii loo soo maray hindisidda in calan Soomaaliyeed laga taago dhulka Soomaalida.

Ra’isul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa munaasabadda ka sheegay in halgan badan loo soo maray calankan maanta xuskiisa la jooga, isla markaana loo baahan in laga ilaaliyo wax walba oo sharafkiisa wax u dhimaya.

“Calanku wuxuu astaan u yahay qaranimadeena, jiritaankeena, wadajirkeena, wuxuu astaan u yahay inaan nahay dal xor ah. Calanku qiimo yeelan maayo haddii midnimo la waayo” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Khayre.

Mudane Xasan Cali Khayre ayaa xusuusiyey dadka Soomaaliyeed wax lagu waayey midnimo iyo wadajir in cidina aysan colaad iyo dhibaato ku keeni karin, sidaas daraadeedna loo baahan yahay gacmaha in la is qabsado oo laga wada shaqeeyo nabadda iyo horumarka dalka.

“Waxaa dhamaaday waqtigii la niyad jabi jiray, caawa madaxda idin hor-taagan ma ahan kuwii niyad jabi lahaa, dadka iyo dawladda Soomaaliyeed horay ayay u soconayaan, gadaal uma noqonayaan” ayuu raaciyey Ra’iisul Wasaare Khayre.

Gudoomiyaha Barlamaanka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheikh Cusmaan (Jawaari) oo hadal kooban munaasbada ka jeediyay ayaa shacabka Soomaaliyed ku bogaadiyay in la isku baraarujiyo ahmiyada uu calanka leeyahay.

Munaasabad Lagu xusayay Maalinta Calanka Soomaaliya oo xalay lagu qabtay Muqdisho

0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Ra’iisul Wasaraha Xukumadda Fedaraalka Soomaaliya, Xubno ka tirsan goleyaasha dowladda, guddoomiyaha gobalka Banaadir, fanaaniin iyo boqolaal dadweyne ah ayaa xalay ka qayb galay munasbad lagu soo bandhigayey Golaha Dhalinyaradda Qaranka isla markaana lagu  xusaya maalinta Calanka Soomaaliya oo lagu qabtay garoonka kubadda Kolayga Aadan Xaaji Yabaroow Wiish ee degmada Cabdalcasiis ee gobalka Banaadir.

Munaasibadda oo ay si wadajir u soo qabanqaabiyeen Wasaradda dhalinyaradda iyo Cayaaraha xukumadda Fedaraalka Soomaaliya iyo maamulka gobalka Banaadir ayaa lagu soo bandhigay halgankii iyo taariikhdii calanka Soomaaliya.

Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Cayaaraha Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye oo hadal ka jeedisay munaasibadda ayaa soo bandhigtey magacyada 9 xubnood oo noqon doona Golaha KMG ah ee dhalinyaradda Soomaaliyeed oo uu ka mid yahay  Wiil naafo ah.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo ka hadlay Munaasibadda ayaa bogaadiyay kaalinta dhallinyarada Soomaaliyeed, isagoo u duceeyay dhallinyaradii halgalnka u soo martay xorriyadda Soomaaliya

Guuddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya Maxamed Sh. Cismaan oo qudbad ka jeediyay munaasibadda ayaa hambalyo u diray ummadda Soomaaliyeed, isagoo si gaar ah dardaaran iyo bogaadin u diray dhallinyarada Soomaaliyeed.

Guddoomiye Jawaari ayaa sheegay in xalay ay aheyd habeen aad ugu qiimo badan Shucuubta Soomaaliyeed meelwalba oo ay joogaan.

Gabagabadii Xafladda ayaa Ra’sul Wasaaraha Soomaaliya iyo Guuddomiyaha Golaha Shacabka waxa ay si wadajir ah shahaado Sharaf u guddoonsiiyay Qaar ka mid ah Dhallinyarada Soomaaliyeed ee muujiyay dadaalka iyo howl karnimida.

Xalay oo kale, Sanad walba waxaa dalka laga xusaa maalinta Calanka, waa maalin ka tarjumeysa Qarannimo, Midnimo iyo gumeysi naceyb, 63-sano ayaa ka soo wareegatay markii la sameeyay Calanka Soomaaliyeed, kaasoo leh Sooyaal qiimo badan oo dal iyo dibadba Qowmiyadda Soomaalidu ku faanto.

Xiddigta cad ee shanta gees leh waxaa ay ka tarjumeysaa Shanta qeybood ee dhulka Soomaalidu degto.

Midabka buluugga khafiifka ah waxaa uu ka tarjumayaa Cirka iyo badda dhulka Somaalida oo mar walba midabkoodu buluug yahay.

Calankan Buluugga ah ee xidigta ka tarjumeysa Soomaliweyn dhexda uga xardhantahay waxaa la sameeyay 12 October, 1954.

Maalintaas wixii ka dambeeyay Soomaalida waxaa ka tarjumayey calankaas, oo ah astaan ka hadleysa Somaliweyn iyo Midnimo Qaran.

Guddiyada joogtada ee Golaha Shacabka Soomaaliya oo Kulan yeeshay

0

Muqdisho (SONNA) Kulanka 13-aad ee Guddiyada joogtada ah ee Golaha shacabka oo ka dhacay xarunta Guddoonka iyo guddiyada ee Villa Hargeysa ayaa waxaa shir guddoominayay guddoomiyaha golaha shacabka ,waxaana ugu horeyn warbixin laga dhageystay guddoomiyeyaasha guddiyada, iyadoo guddiga horumarinta adeegga bulshada uu faah faahin ka bixiyay hindise sharciyeedyadda waxbarashada iyo caafimaadka.

sidoo kale guddiyada  garsoorka Awqaafta iyo arrimaha diinta  iyo sidoo kale warfaafina iyo isgaarsiinta ayaa laga dhageystay hindise sharciyeedyadda  la dagaalanka musuq maasuqa iyo Saxaafadda.

kulanka gudiyada joogtada ah ayaa sidoo kale waxaa looga hadlay howlaha golaha horyaala iyo sidoo kale xilliga ugu habboon ee qorshe howleedka guddiyada la horgeynayo kulanka guud ee golaha shacabka sida uu warbaahinta qaranka u sheegay C/kariin Xaaji Cabdi Buux oo ah xoghayaha guud ee golaha shacabka.

 

 

 

Ciidamada amaanka Maamulka Puntland oo Gubay lacago  Been abuur ah  “Sawirro”

0

Garoowe (SONNA)  Wasaaradda Maaliyadda Dowlad goboleedka Puntland ayaa Magaaladda Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari ku gubtay Lacago shallin Soomaali oo faalso ah, islamarkaana ay Ciidamada Amaanka Maamulkaasi dhowaan gacanta ay ku dhigeen.

Wasiirka Maaliyadda Maamulka Puntland Mudane Cabdullaahi Saciid Carshe  ayaa goob joog ka ahaa Gubista Lacagta Shillin Soomaaliga faalsada ah, Waxaana uu sheegay in Lacagta Ciidamada amaanka ay gubeen ay gaareyso 600,500,000 (Lix boqol oo Milyan iyo Shan boqol oo kun).

Wasiirka ayaa xusay in aysan oggolaan doonin lacago faalso ah in lasoo galiyo Suuqyada, isagoo sheegay in qofkii talaabadaasi lagu qabtaa  Sharciga lasoo taagi doono.

 

In ka badan 37 qof oo ku dhintay daadad ku fatahay dalka Viyetnam

0

Muqdisho (SONNA) Tirada dadkii ku dhintay daadad ku fatahay dalka Viyetnam oo wata dhoobo ayaa korortay,taasoo ka dhalatay roobab ka da’ay Waqooyiga dalkaasi Viyetnam.

Warbaahinada  kala duwan ee dalkaasi ayaa sheegaya in Roobab maalmihii la soo dhaafay ka da’ay dalkaasi ay sababeen mashaqadaasi ku habsatay dadka dhintay,welina ay Ciidamada gurmadka deg degga ah ay wadaan baadi goobka dad nool oo weli ku hoos jira burburka Guryaha.

Warka wuxuu intaa ku daray in musiibadaasi ay ku burbureen in ka badan 1000 Guri halka in ka badan 17 kun Gurina  ay biyaha ka hoos mareen.

Masuuliyiinta dalka Viyetnam ayaa amray in laga daadgureeyo degaanadooda dhibaatada ku habsatay 200 kun oo qof.

Sida laga warqabo bishii Agusto ee tagtay musiibo noocan ah oo ku habsatay  waqooyiga dalkaasi  ayaa  waxaa  ku dhintay 26 qof  iyadoo guryo badan ay daadadku qaadeen.