Home Blog Page 1509

Mareykanka oo faah faahiyay duqeyn lagu dilay horjooge ka tirsan Shabaab

0

Muqdisho(SONNA) War saxaafadeed uu soo saaray taliska Ciidamda Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) gelinkii dambe ee Jimcihii ayaa lagu sheegey in iyadoo iskaashi lala yeelanayo Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ay Ciidamada Mareykanka qaadeen weerar xagga Cirka ah oo qorsheysanaa, kaas oo lagu beegsaday Al-Shabaab Khamiistii abbaaro 2:45 Duhurnimo xilliga Soomaaliya.

Waxana weerarkaasi ku dhintay mid kamid ah kooxaha argagixisada, sida lagu sheegey war saxafaadeedka,Howl-galka ayaa ka dhacay meel u dhow magaalada Baraawe oo 270 KM u jirta caasimadda Muqdisho.

Mareykanka ayaa holwgalkani fuliyay iyadoo la raacayo awaamiirtii madaxweynaha Mareykanka uu bishii March sanadkan soo saaray, kuwaas oo u ogolaanaya ciidamada inay ku beegsan karaan al-Shabaab iyadoo taageero laga helayao ciidamada Soomaaliyeed deegaannada ay ku xooggan yihiin kooxdaasi.

War-saxaafadeedka oo aan lagu sheegin magaca xubinta ay ciidamada Mareykanka beegsadeen, ayaa waxa sidoo kale lagu xaqiijiyay in ciidamada Maraykanka ay sii wadi doonaan inay adeegsadaan wax kaste oo macquul ah si  looga taqalluso halista kooxdaas.

Xigasho: VOA

 

Waaberi oo ku guuleysatay tartanka ciyaaraha degmooyinka Gobolka Banaadir

0

Muqdisho(SONNA) Waxaa Caawa lagu soo gabagabeeyay garoonka Banaadir ee degmada C/casiisee magaalada Muqdisho,tartankaasi oo muddooyinkii dambe si xiiso leh uga soconayey magaalada Muqdisho.

Tartankan oo ay final-kiisa wada ciyaareen labada degmo ee  Waaberi iyo Hodan, ayaa wareegii 1-aad ayaa ciyaarta waxay ku soo dhamaatay Waaberi 2-0 Hodan.

Ciyaarta oo ahayd mid aad u xiiso badnayd ayaa waxaa u soo daawasho tagay boqolaal dadweyne ah oo ka kala socoda degmooyinka Gobolka Banaadir.

Markii la isku soo laabtay ayaa kooxda Waaberi waxay dhalisay koolkii 3-aad, balse daqiiqado kadib ayaa kooxda Hodan la timid 1 goal waxaana gebi ahaanba ciyaartaasi ay ku soo dhamaatay Waaberi 3-1 Hodan.

Waaberi ayaa kulankii ugu dambeeyay ee Sami final-ka waxay soo reebtay Degmada Hilliwaa halka Hodan  ay soo garaacday Kaaraan.

Kooxda kubadda cagta ee Waaberi ayaa caawa loo caleema saaray horyaalka degmooyinka gobolka Banaadir, waxaana sanadkii hore tartanka degmooyinka gobolka Banaadir ku guuleysatay degmada Boondheere, oo ka qaatay Waabari.

Sikastaba 28-kii Agoosto  2014  ayey aheyd markii degmada Waabari ay finalka la ciyaartay Xamar Weyne,  iyadoo Waabari loogu adkaaday 2-0, si lamid ah sanadkii xigay 2015 ayaa waxaa Wabari 1-0 ugu qaaday Boondheere,waana markii saddexaad oo xiriir ah.

Faah faahin ka soo baxaysa qarixii ka dhacay Baydhabo

0

Muqdisho(SONNA)  Inta la ogyahay 3 qof uu ku jiro dhagar qabihii is qarxiyay  ayaa ku dhimatay, 2 kalena waa ay ku dhaawacmeen ,qaraxaasi oo gabal dhicii maanta ka dhacay magaalada Baydhabo,sida uu SONNA u sheegay wasiirka Amniga maamulka Koonfur Galbeed Xasan Xuseen Maxamed.

“Qaraxan waxaa uu ka dhacay goob maqaayad lagu magacaabo Barwaaqo oo kutaala bartamaha magaalada,waxaana ku shaahayay Dad shacab ah,waxaa ku dhimatay 3 qof 2 kalana waa ay ku dhaawacmeen”ayuu yiri Wasiirka Amniga Koonfur Galbeed

dhanka kale wariyeheena Baydhabo Siraaji SHeekh Isxaaq ayaa sheegay in Qaraxaasi uu ka dambeeyey markii qof naftii halige ah oo isku soo xirey waxyaabaha qarxa uu isku qarxiyay maqaayad lagu magacaabo Barwaaqo oo ku taala bartamaha magaaladaasi.

Goobta waxaa  gaarey mas’uuliyiin iyo saraakiil, ammaanka goobta ayaa si weyn loo adkeeyey waxaana dadkii dhaawacmay loola cararay isbitalka magaaladaasi.

Qarax naftii halignimo ah oo sababay dhimasho iyo dhaawac oo goor dhowy Baydhabo ka dhacay

0

Muqdisho(SONNA)  War goor dhow inaga soo gaaray magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in qarax sababay qasaare dhimasho iyo dhaawac uu ka dhacay bartamaha magaaladaasi.

Sida uu ku soo waramayo wariyeheena Baydhabo Siraaji SHeekh Isxaaq,Qaraxaasi ayaa ka dambeeyey markii qof naftii halige ah oo isku soo xirey waxyaabaha qarxa uu isku qarxiyay maqaayad lagu magacaabo Barwaaqo oo ku taala bartamaha magaaladaasi.

Dhanka kale Wasiirka Warfaafinta Koonfur Galbeed Soomaaliya Ugaas Xasan ayaa SONNA u sheegay in qaraxaasi uu dhacay balse aan qasaaraha la ogaan karin weli, dibna ay ka soo sheegi doonaan.

Goobtaasi ayaa waxaa ku sugnaa dad badan oo shacab ah, lamina xaqiijin karo khasaaraha rasmiga ah oo qaraxaasi geystay.

Goobta waxaa soo gaarey mas’uuliyiin iyo saraakiil,ammaanka ayaa isweyn loo adkeeyey waxaana dadkii dhaawacmay loola cararay isbitalka magaaladaasi.

Wixii soo kordho kala socoSONNA.SO

Marwada 1-aad ee Turkiga oo booqatay Qoxootiga Rohinga

0

Marwada Kowaad ee dalka Turkiga Emine Erdogan ayaa gargaar bin’aadananimo gaarsiisay qaxootiga Muslimiinta Rohingya oo safar ku tegtay xero qaxooti oo ku taala xadka Myanmar shalay oo Khamiis aheyd.

Marwada Kowaad ee Turkiga, oo ay weheliyaan wiilkeeda Bilal iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Mevlut Cavusoglu, ayaa ugu yeeray beesha caalamka inay joojiso rabshadaha, taas oo ay ku tilmaamtay musiibo aan la rumaysan karin xilligan.

Emine Erdogan ayaa sheegtay in aysan macquul aheyn in sidaa loo daawado Dad tabaaleysan, iyadoo markaasi wareejineysay gargaarkii ay u waday Dadkaasi Qaxootiga ah oo markaasi ku sugnaa xerada Kutupalong, oo ku taala xudduuda.

“Waxaan rajeynayaa in dunidu ay fikrad ka bixiso mawduucaan ayna ka caawisaa iyaga labada gargaar bini’aadanimo iyo siyaasad ahaanba,” ayay tiri Emine Erdogan.

Sida laga soo xigtay he’yadda Qaxootiga Qaramada Midoobay u qaabilsan ee UNHCR, 164,000 Rohingya ayaa ka soo tallaabay xudduudaha ilaa iyo 25-kii Agoosto, markii ciidamada amniga Myanmar ay bilaabeen howlgallo ammaanka ah oo ka dhan ah maleeshiyada Rohingya.

Myanmar ayaa aqbashay inay u oggolaadaan in Hay’adda Turkiga ee Iskaashatada iyo Isuduwidda ay gasho gobolka Rakhine si ay u bixiyaan 1,000 tan oo gargaar ah.

Tallabadaan ayaana ka dambeeysay kadib markii uu Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan uu Talaadadii la soo dhaafay khadka Teleefoonka kula hadlay hoggaamiyaha dalka Myanmar Aung San Suu Kyi dhibbaatooyinka ka dhanka ah xuquuqul iinsaanka ee Muslimiinta Rohingya iyo sidii gargaar Bini’aandnimo loo gaarsiin lahaa dadkaasi dhibbaataysan, wuxuuna ballan-qaaday taageerada Turkiga ee ku aadadadkaasi Muslimiinta ah.

Duqeymo diyaaradeed oo ka dhacay Gobolka Shabeelaha hoose

0

Wararka Maanta ka Imaanaaya Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa kusoo waramaaya  in Duqeymo Diyaaradeed ay ka dhaceen Deegaanada Tooratoorow iyo Kuunyo Barow oo ka wada tirsan Gobolka Shabeelaha Hoose.

Weerarkaan oo ay geysteen Diyaarado Dagaal  ayaa lala Beegsaday  Hortjoogayaal iyo Maleeshiyaad u Dagaalama Nabad diidka Alshabaab ee ku sugnaa Deegaano yar yar oo ka tirsan Gobolka Shabeelaha hoose.

Bashiir Maxamed Yuusuf  oo ah Gudoomiye ku xigeenka Dhanka Amniga Degmada Baraawe ee Gobolka Shabeelaha Hoose oo la Hadlay Radio Muqdisho Codka Jahmuuriyada Soomaaliya  ayaa sheegay Inay Duqeymahaan oo ay gaysteen Diyaarado Dagaal lala Beegsaday Saraakiil ka tirsan Maleeshiyaadka Nabad diidka ah Al shabaab.

Dhanka kale Bashiir Maxamed yuusuf   oo hadalkisa sii wata ayaa tilmaamay inay Maleeshiyaadka Al shabaab ay ku badan yihiin Gobolka Shabeelaha Hoose taasina ay soo celcelinayso Duqeymaha joogtada ah eee Gobolka Shabeelaha Hoose.

Maleeshiyaadka Nabad didka ah ee Alshabaab ayaa wali haraadigoodu ku harsan yihiin Deegaano hoos yimaada maamulka koonfur galbeed Soomaaaliya ee Fadhigiisu yahay Magaalada Baydhabo ee Xaruunta Gobolka Baay.

Weerarkaan Shabeelaha hoose ayaa ka mid noqonaya Gulufka Dagaal ee Dowladda Federaalka Soomaaliya kula jirto Maleeshiyaadka Nabad diidka ah ee Al shabaab.

Ciidamada Gaarka ah ee Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Ciidamo maraykan ah ayaa inta Badan waxaa Weeraro qorshaysan oo lala Beegsado Xaruumaha Maleeshiyaadka Al shabaab ku leeyihiin Deegaano fara ku  tirisa oo dhaca Koonfurta  iyo Bartamaha Soomaaliya waxaana ka mid ah Weerarkaan ka dhacay Gobolka Shabeelaha hoose kaasoo lagu qaaday gaadiid ay la socdeen Saraakiil Ciidan oo ka tirsanaa Maleshiyada Al shabaab.

Wasiirka wasaradda caafimaadka oo booqaneysa magalada Helsinki

0

Wasiirka wasaradda caafimaadka oo uu wehliyo la taliyaha wasarrada xagga caafimaadka taranka iyo dhalaanka Dr Abdulqadir Wehliye ayaa safar 2 casho ah oo shaqo u tgay magalada Helsinki ee dalka Filand.

Waxay ka qeybgaleen shir looga hadlayay caafimaadka haweenka waddamada burburka soo maray.

Waxaa ay booqdeen hay’ado badan oo ay igu horreyso Natonal Institute for Health and Welfare. Waxay kulan ay la qaateen jaalliyadda kaga hadashay wasiirka. xaaladda caafimaad  ee waddanka , sidii laysaga kaashan lahaa.

Waxay kala qeyb gashay casho sharaf aad loo soo abaabulay laguna wada falanqeeyay kaalinta ay ka qadan karto qurbajoogta Finland kor u qaadidda dareyeelka caafimaad ee Soomaaliya.

Wasiirku waxay ay shir gooni gooni ah la yeelatay  wasiiradda wasaradaha Ganacsiga Dibadda iyo Horumarinta Mr Kai Mykkänen iyo wasiirka Arrimaha Qoyska iyo Adeegyada Bulshada  Ms Annika Saarikko.

Wasiirka waxay la kulantay Hay’ada IOM MIDA FINNSOM kalana hadadhay baahidda loo qabo in qurbajoogta Somaliyeed  ka qeyb qaadato dib u dhiska waddankooda hooyo.

FAALLO: Safarkii Xag-jirnimada

0

Muqdisho(SONNA)- Warbixin ay Hey’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan dhinaca Horumarinta ee UNDP soo saartay ayay ku sheegtay in sababaha ugu weyn ee dhallinyarada Afrika ku riixaya in ay ku biiraan kooxaha xagjiriinta ah ay ugu wacan tahay saboolnimada, shaqo la’aanta iyo fursadaha nolosha oo aan soo gaarin.

Warbixintan oo ah tii ugu horreysay ee nooceeda ah oo ay soo saarto Hey’adda UNDP ee QM u qaabislan dhanka mashaariicda horumarinta, ayaa lagu soo bandhigay kulan ka dhacay magaalada Newyork ee xarunta QM, taasoo ay ku tilmaanatayXog uruurin iyo wareysi lala yeeshey ,ilaa 495 dhallinyaro ah oo ku biiray UIrurada Alshabaab oo jooga Soomaaliya iyo Boko Haram oo iagu ka howgala Dalka Nayjeeriya, taasi oo hey’adda UNDP wadday muddo ku dhow 2 sano, ayaa muujinaysa in sababaha ugu badan ay ka mid yihiin duruufo badan, sida iyagoo ka baqaya in loo awood sheegto ama dhibaatooyin kale.

Warbixinta ayaa sheegtay in ilaa 6 wadan oo ka mid ah Africa ay saameeyeen rabshadaha argagixisanimada ku dhisan, waxaana ka mid ah, Burkina Faso, Cameroon, Côte d’Ivoire, Nigeria, Somalia iyo Uganda sida daraasaadkaasi lagu sheegay, waxayna Warbixintu baaq loogu soo jeediyay Dowladaha in ay dib u eegis ku sameeyaan howlgalada millitary ee dhacaya, si looga gaashaanto, xad gudubyo ka dhan ah xuquuqda aadanaha.

Warbixinta ayaa aad loogu xusay in Dhallinyarodu helin fursado wax barasho, islmarkaana ay jiraan dhibaatooyin kale oo ka dhashey dhaqaale la’aan qoysaska, taasi oo u sahlaysa in dhallinyarada looga faa’idaysto arrimahaasi oo is biirsaday.

Agaasimaha hay’dda UNDP Abdoulaye Mar Dieye oo warbixintaasi ka jeediyay xarunta QM ee magaalada Newyork ayaa sheegay inta badan bulshooyinka ku nool Qaaradda Africa ay ku nool yihiin nolol aad u hooseysa, wuxuuna si toos u ah u sheegay in ay bar bar socdaan sida uu sheegay shaqo la’aan baahsan oo heysata dhallinyaradda wadamada Afrika intooda badan.

Warbaxinta ayaa loogu magic daray Safarkii Xagjirnimada ayaa xog ururinta ayaa saldhig u ahaa su’aalaha ku aadan, duruufaha qoysaskooda,fursadaha koriimada iyo Waxbarashada iyo aqoontoodi diimeed iyo fikrad ahaan wax ay aaminsan yihiin, kuwaasi oo qeyb ka ah wax yaabaha horseeda in dhallinta ku nool wadamada Aftica ay kooxaha hubaysan ay ku biiraan.

Hey’adda UNDP ayaa sheegtay in dad lagu qayaasayo 33,300 qof ay naftoodi ku waayen rabshadaha Argagixisanimo, intii u dhexeysay 2011 ilaa 2016 ,weerarada Bokoharaam kaliya ayaa waxaa ay sababeen dhimashada 17,000 iyo barakacaya 2.8 milyen kuwaasi oo u qaxay waddamada deriska ah, iyadoo dhinaca kalena ku xustay Warbixintu Wadamada Kenya iyo Nigeria ayaa la sheegay in sidoo kale rabshadahaasi hubeysan ay saameeyeen dalxiiskii iyo maalgashigii tooska ahaa ee Wadamada dibadda uga imaanayay.

Haddaba maxaa laga dhaxli karaa Warbixintaa ay soo saartay UNDP-da?, waxaa dhab ah in Dhallinyarada qaarkood ay u galaan Xag-jirnimada duruufo kala gadisan oo ay ka mid yihiin Waxbarasho la’aan, shaqo la’aan, nolosha oo ay la qabsan waayeen iyo kuwa kale, waxaa looga fadhiyaa Dowladda dhexe iyo Maamul-goboleedyada in ay dhallinta u abuuraan Waxbarasho lacag la’aan ah, siiyaanna fursado shaqo iyo waliba dhinaca diinta oo laga wacyi galiyo, waana socotaa oo waa tii uu Raiisul-wasaaraha Dalka ku amray Guddoomiyaha Gobolka banaadir inuu shaqo siiyo in ka badan Kun Dhallinyado ah.

Waa dhab in haddii dhallinta loo abuuro furasdahaasi ay kooxaha xag-jiriintu aysan duufsan Karin dhallinta, kuwa hadda ku jiraana ay ka soo bixi lahaayeen, tani ayaa haddii ay suurogasho waxaana so af-jarmaya lahaa Safarkii Xag-jirnimada iyo tahriibta, taasi oo ay og yihiin khatarta ay ku jiraan iyo dhibta ka soo gaari karta intaba.

W.D: C/laahi Ruush

Mas’uuliyiin ka tirsan Galmudug oo booqday deegaanka Xeraale

0

Wasiirro iyo Xildhibaanno ka tirsan Dawlad Goboleedka Galmudug iyo Maamullada Caabudwaaq iyo Xeraale ayaa ka wada hadlay Xaaladda nololeed ee dadka ku barakacay Dagaalladii dhawaan ka dhacay Magaalada xeraale.

Maamullada Magaalooyinka Caabudwaaq iyo Xeraale ee waqooyiga Gobolka Galgaduud ee Galmudug ayaa yeeshay kulan looga hadlayay xoojinta xiriirka Nabadgalyada iyo isdhexgalka Bulshada kaasi oo ka dhacay magaalada xeraale.

Kulankaasi waxaa ka qayb galay Wasiiro iyo Xildhibaano ka tirsan Dawlad Goboleedka Galmudug iyo qaybaha kala duwan ee Bulshada, iyadoo looga hadlay saamaynta dagaalladii dhacay ay ku yeesheen dadkii daganaa Magaalada Xeraale kuwaasi oo intooda badan waqtigaan wali dibad joog ku ah Deegaannadii ay ku  barakaceen.

Gudoomiyaha Magaalada Xeraale Bashiir  Daahir Yuusuf ayaa ku soo dhaweeyay Xeraale wafdigan oo isugu jiray Xubno ka tirsan labada Gole ee Dawlad Goboleedka Galmudug iyo Maamulka degmada Caabudwaaq.

Nabadoon Maxamuud Macalin Xasan iyo Xaawo Xuseen Abiikar oo ka mid ah Bulshada Xeraale ayaa ka hadlay Saamaynta uu ku yeeshay Dagaalkii Xeeraale  ee  dhex maray Shacabka deegaanka iyo Maamulka Ahlusunna

Gudoomiyaha degmada Caabudwaaq Mahad Cumar Cilmi  ayaa ku baaqay in laga qayb laga qaato wax u qabashada dadka ku barakacay Colaadii ka dhacday magaalada Xeraale.

Ugu dambayn ayaa waxaa  soo xiray Kulankan Xildhibaan Cabdiqani Aadan gargaar oo ka tirsan Baarlamaanka galmudug iyo Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Ee Dawlada Galmudug Mudane Mursal Cabdiraxmaan.

Marwada 1-aad ee Turkiga oo booqatay Qoxootiga Rohinga

0

Muqdisho(SONNA)–Marwada Kowaad ee dalka Turkiga Emine Erdogan ayaa gargaar bin’aadananimo gaarsiisay qaxootiga Muslimiinta Rohingya oo safar ku tegtay xero qaxooti oo ku taala xadka Myanmar shalay oo Khamiis aheyd.

Marwada Kowaad ee Turkiga, oo ay weheliyaan wiilkeeda Bilal iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Mevlut Cavusoglu, ayaa ugu yeeray beesha caalamka inay joojiso rabshadaha, taas oo ay ku tilmaamtay musiibo aan la rumaysan karin xilligan.

Emine Erdogan ayaa sheegtay in aysan macquul aheyn in sidaa loo daawado Dad tabaaleysan, iyadoo markaasi wareejineysay gargaarkii ay u waday Dadkaasi Qaxootiga ah oo markaasi ku sugnaa xerada Kutupalong, oo ku taala xudduuda.

“Waxaan rajeynayaa in dunidu ay fikrad ka bixiso mawduucaan ayna ka caawisaa iyaga labada gargaar bini’aadanimo iyo siyaasad ahaanba,” ayay tiri Emine Erdogan.

Sida laga soo xigtay he’yadda Qaxootiga Qaramada Midoobay u qaabilsan ee UNHCR, 164,000 Rohingya ayaa ka soo tallaabay xudduudaha ilaa iyo 25-kii Agoosto, markii ciidamada amniga Myanmar ay bilaabeen howlgallo ammaanka ah oo ka dhan ah maleeshiyada Rohingya.

Myanmar ayaa aqbashay inay u oggolaadaan in Hay’adda Turkiga ee Iskaashatada iyo Isuduwidda ay gasho gobolka Rakhine si ay u bixiyaan 1,000 tan oo gargaar ah.

Tallabadaan ayaana ka dambeeysay kadib markii uu Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan uu Talaadadii la soo dhaafay khadka Teleefoonka kula hadlay hoggaamiyaha dalka Myanmar Aung San Suu Kyi dhibbaatooyinka ka dhanka ah xuquuqul iinsaanka ee Muslimiinta Rohingya iyo sidii gargaar Bini’aandnimo loo gaarsiin lahaa dadkaasi dhibbaataysan, wuxuuna ballan-qaaday taageerada Turkiga ee ku aadadadkaasi Muslimiinta ah.