Madaxweynaha JFS iyo RW Itoobiya oo ka wada hadlay dabargoynta argagixisada Al Shabaab(sawirro)

Date:

 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo socdaal ku maraya qaar ka mid ah dalalka ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya ayaa gaaray magaalaa Addis Ababa.

Madaxweynuhu ayaa halkaas kula kulmay Raiisul Wasaaraha dalka Itoobiya Mudane Haile Mariam Desaglen oo ay ka wada hadleen iskaashiga dhinacyada amniga ee wadamada gobolka iyo la dagaalanka kooxda argagixisada ah ee Al Shabaab.

Madaxweyne Farmaajo ayaa uga mahadceliyay Ra’iisul Wasaare Desaglen dadaalka ay dowladdiisu ku bixineyso nabadeynta Soomaaliya oo ciidamada Itoobiya ay qeyb ka yihiin hawlgalka nabad ilaalinta ee AMISOM.

“Mudane Raiisul Wasaare, waxaan si wayn u wada ogsoonahy in uu sii xoogeysanayo iskaashiga dhinaca amniga ee ka dhaxeeya labada dal. Waxaana rajeynayaa inaan sii xoojinno dadaallada aan ku bixineyno xasilloonida gobolka iyo horumarkiisa.”

Ra’iisul Wasaare Itoobiya ayaa uga tacsiyeeyo Madaxweyne Farmaajo dadkii shacabka ahaa ee lagu laayay Qaraxii Soobe, waxa uuna ballan qaaday in uu garab istaagayo Dowladda Soomaaliya oo dhawaan bilaabeyso hawlgallo military oo dalka looga sifeynayo Al Shabaab.

Ra’iisul Wasaare Desaglen ayaa ugu baaqay dalalka kale ee ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya in ay sii labo-laabaan dadaallada lagu dabargoynayo argagixisada.

Ra’iisul Wasaaraha Ethiopia, Haile Mariam Desalegn, ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay horumarka Soomaaliya, dalkiisuna uu doonayo inuu arko Soomaaliya oo ka guulaystay argagixisada, xasilooni darrada siyaasadeed iyo tan amni.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya oo ka qeyb galay TRIPOLI MEDIA DAYS.

Tripoli, 11  December 2025: Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska...

Taliyaha CXDS oo dhagax-dhigay Saldhigga degmada Howlwadaag.

Taliyaha ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Gen. Sulub Axmed Firin ayaa...

Guddiyada Maaliyadda iyo Haweenka Hirshabeelle oo Jowhar ku qabtay kulan dadweyne.

Qaar ka mid ah Guddiyada Maaliyadda iyo Haweenka Baarlamaanka...

Ciidanka Xoogga oo toogtay naftii hallige khawaarij ah

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa afaafka hore ee xeradda...