Ra’iisulwasaarihii hore ee Pakistan oo maxkamad ka soo muuqday

Date:

Muqsdisho(SONNA) Ra’iisal wasaarihii hore ee dalka Bakistan Nawaz Sharif ayaa ka soo muuqday Maxkamad ka dib markii lagu eedeeyay labo dacwadood oo musuqmaasuq la xiriira.

Sida lagu sheegay war ka soo baxay Maxkamada,Nawaz Shariif iyo Xubno ka tirsan Qoyskiisa ayaa wajahaya dacwado la xiriira hanti ay ku leeyihiin magaalada London.

Dadka taageersan Ra’iisal wasaarihii hore ee Bakistan ayaa sheegay in dacwadahani ay siyaasadeysan yihiin,isaga qudhiisana eedeynta wuu iska diiday.

Sharif oo 67 jir ah ayaa banneeyay Ra’iisulwasaarenimada bishii Luulyo ka dib markii maxkamadda ugu saraysa Pakistan ay xilka ka xayuubisay, ka dib markii ay ku heshay in ay jiraan dhaqaale soo galay oo aysan caddayn meesha uu ka helay.

Maxkamadda ayaa sidoo kale amartay in waaxda qaran ee isla xisaabtanku ay baaritaan ku samayso dhaqaalaha qoyska Sharif, dacawadna ku soo oogaan.

Sharif ayaa ka soo laabtay magaalada London Khamiistii, ka dib toddobaadyo la hadalhayay.

Subaxnimadii Jimcaha ayay maxkamadda isla xisaabtanka ee Islamabad ka soo muuqdeen Ra’iisulwasaaraha, gabadhiisa Maryam iyo wiilka uu soddoga u yahay.

Wariyaal ku sugan magaalada Islamabad ayaa soo sheegaya in dhageysiga Koowaad ee Maxamadeynta Shariif si dhow loogala socon doono gudaha Pakistan iyo dibaddaba.

Qareenada u doodaya Ra’iisal wasaarihii hore ee Bakistan Nawaz Shariif iyo xubno ka tirsan Qoyskiisa ayaa sheegaya in dacwadani ay tahay mid siyaasad ka danbeyso,islamarkaana aanay mid xaqiiqda iyo cadaalada ku saleysan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda oo daahfuray Qorshaha Istaraatijiyadda WFP ee gudaha Soomaaliya ee 2026-2030

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Saalax Axmed Jaamac ayaa daahfuray...

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay magaalada Muqdisho

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay...

Wasiirka Waxbarashada oo magaalada Laascaanood ka dhagax dhigay dhismaha Dugsi Hoose/dhexe ah

Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Farah Sheikh...

Garsoore Cumar Cartan oo dhex-dhexaadin doona finalka CECAFA Cup

Garsooraha Soomaaliyeed Cumar Cabdulqaadir Cartan ayaa dhex-dhexaadin doona ciyaarta...