Wasiirka Caafimaadka oo ka warbixiyay horumarka adeegyada caafimaadka dalka

Date:

Wasiirka Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Cali XaajI oo ka qeybgalay kulanka todobaadka Waraahinta Qaranka ayaa xusay in Dowladda Soomaaliya dadaal xooggan u gashay dayactirka 8 cisbitaal oo ku yaalla Muqdisho iyo deegaanada kale ee maamul-goboleedyada dalka.

Wasiirka ayaa sheegay in dowladda ay haatan ku howlan tahay dhismaha 6 cisbitaal oo laga hirgelinayo degmooyinka ay maamulaan dowlad-goboleedyada, si sida uu yiri shacabka halkaasi degan ay u helaan adeegyo daaweyn oo ay kaga maarmayaan in ay u safraan meelaha kale.

Dr. Cali Xaaji ayaa sidoo kale caddeeyay in wasaaradda ay shaqaaleysiisay dhaqaatiir howlkar ah, isagoo intaa ku daray in cisbitaallada Banaadir iyo Martiini lagu qalabeeyay adeegyo aasaasi ah oo gacan ka geysan kara la socodka xanuunada kala duwan ee inta badan soo rida bukaanada caadiga ah.

Wasiirka Caafimaadka ayaa tilmaamay in wasaaradda ay si joogto ah uga warqabto dhaqdhaqaaqyada cisbitaallada gaarka loo leeyahay isla markaana ay leeyihiin xiriir wada-shaqeyn oo wanaagsan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Soomaaliya oo ka qayb gashay Shirweynaha 2-aad Hoggaamiyeyaasha Garsoorka Afrika

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Baashe...

Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo war kasoo saartay colaada Degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS)...

Hoggaamiyaha DG Koonfur Galbeed oo la kulmay Guddoomiyaha Hayโ€™adda SODMA

Hoggaamiyaha Dowlad goboleedka Koonfur Galbeed, Mudane Sheekh Aadan Maxamed...