Wasiirka Warfaafinta XFS  oo la kulmay Wakiilka cusub ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya

Date:

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Wakiilka cusub ee Guddoomiyaha Guddiga Sare ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya, ahna Madaxa Hawlgalka Midowga Afrika (AUSSOM), Mudane El Hadji Ibrahima Diene.

Wasiirka iyo Wakiilka Midowga Afrika ayaa ka wada hadlay xaaladda guud ee dalka, gaar ahaan dhinacyada siyaasadda, amniga, xasillinta, wacyigelinta bulshada, la dagaallanka argagixisada iyo ka hortagga wararka been abuurka ah.

Labada mas’uul ayaa si gaar ah diiradda u saaray guulaha laga gaaray hawlgallada ka dhanka ah argagixisada, kuwaas oo horseeday in cadowga lagu wiiqo goobaha dagaalka. Sidoo kale, waxaa la isla gartay in la dardargeliyo iskaashiga labada dhinac si loo sii xoojiyo dadaallada nabadeynta iyo xoreynta dalka.

Wasiir Daa’uud Aweys ayaa Midowga Afrika uga mahadceliyay taageerada joogtada ah ee ay siiyaan Dowladda Federaalka Soomaaliya, isaga oo xusay muhiimadda ay leedahay wadashaqeynta dhinacyada warbaahinta, wacyigelinta iyo la dagaallanka argagixisada.

Ergeyga Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya, Mudane El Hadji Ibrahima Diene, ayaa dhankiisa ballan qaaday in Midowga Afrika uu sii laba jibbaarayo kaalintiisa, isagoo xusay in Soomaaliya ay horumar muuqda ka samaysay dhinacyo badan, taasoo ka tarjumeysa rabitaanka shacabka Soomaaliyeed.

Kulanka waxaa sidoo kale ka qeybgalay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, Mudane Cabdullaahi Xayir Ducaale, Ku-Xigeenka Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya, Mudane Mukhtar Osman Kariye, Taliyaha Guud ee Ciidamada AUSSOM, General Samuel Kavuma, iyo mas’uuliyiin kale.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo xafiiskiisa ku qaabilay Abwaan Mustafa Sheekh Cilmi

-Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr....

Ra’iisul wasaare ku-xigeenka dalka oo daahfuray madasha labaad ee Istiraatiijiyadda warbaahinta 2026

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Jibriil...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo ka hadlay horumarinta Warbaahinta Dowladda iyo tayeynta wariyaasha

-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS, Mudane Cabdulfataax...

WAFDI UU HOGGAAMINAYO GUDDOOMIYAHA HAY’ADDA SODMA OO GAARAY MAGAALADA BELEDWEYNE

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin...