Home Blog Page 1428

Ra’iisul Wasaare Khayre oo balan-qaaday in Xukuumaddiisu ay kaalin mug leh siineyso culimada si loo jebiyo fikirka qalafsan ee Al-shabaab.

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa kulan la qaatay qaar kamid ah culima’udiinka Soomaaliyeed iyo guddigii dhaqaale uruurinta ka waday dalalka Kenya iyo Uganda. Kulankan ayaa waxaa sidoo kale goob-joog ka ahaayeen xubno ka mid ah Golaha Wasiiradda iyo guddiga gurmad Qaran.

Sheekh Maxamed Cabdi Umal oo hoggaaminayey guddigan Culimada ah ee dhaqaalaha ka soo aruuriyay Soomaalida ku nool dalalka Kenya iyo Uganda ayaa sheegay iney ka xun yihiin dhibaatadii ka soo gaartay dadka Soomaaliyeed weerarkii 14-kii Octobar, isla-markaana ay garab taagan yihiin walaalahooda ay kooxaha argagixisadu dhibka u geysteen, lacagtanina ay tahay mid ay iska soo aruuriyeen Soomaalida ku nool Kenya iyo Uganda.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa mahadcelin kadib, ku dhiirrigeliyey hoggaamiyayaasha diinta iyo dhammaan dadka Soomaaliyeed in ay gacan ku siiyaan dawladda halganka iyo dagaalka ay kula jirto kooxda xanbaarsan fikirka xagjirka ah ee Al-shabaab.

“Waxaan idin kaga mahadcelinayaa garab istaagiina, maadaama culimada diinta ay meel sare kaga jiraan bulshada waa in dadaalkooda ay ku biiriyaan halgankan dalka lagaga xoreynayo kooxaha nabad-diidka ah. Waa in aynu u midownaa dagaalkan oo laga wada qaybgalo, waxana muhiim ah in culimadu ay qaataan kaalintooda oo ah mid hoggaamineed” Sidaasi ayuu Ra’iisul Wasaare Khayre ka sheegay kulanka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa balan-qaaday in Xukuumaddiisu ay kaalin mug leh siineyso culimada si loo jebiyo fikirka qalafsan ee kooxda Al-shabab. Kaalinta culimaduna ay noqoneyso mid laf-dhabar u ah talada dalka iyo go’aamada la gaarayo. Wuxuuna ku baaqay in la qabto shir ay culimada Soomaaliyeed uga doodayaan fekerka qaldan ee kooxdan ay ku marin habaabineyso dhalinyarada Soomaaliyeed.

“Kooxda Al-shabaab waa koox luntay oo baadi ah, kamana turjumaan micnaha, ujeedooyinka iyo sareynta diinta Islaamka, waxay bartilmaameedsanayaan dadka rayidka ah ee waxba galabsan, Dawladda Soomaaliya waxa ay dadaalkeeda ugu badan ku bixinaysaa sidii kooxdaasi looga sifayn lahaa dalka”. Ayuu hadalkiisa raaciyey Ra’iisul Wasaaruhu.

Ugu danbeyn, Guddigii howlaha dhaqaale uruurinta ka waday dalalka Kenya iyo Uganda ayaa ku wareejiyey Guddiga Gurmadka Qaran $350-kun oo laga soo uruuriyey Soomaalida Kenya iyo $53-kun oo laga soo uruuriyey Soomaalida ku nool Uganda, si loo gaarsiiyo dadkii wax yeeladu ay ka soo gaartay qaraxii Zoobe ee bishii la soo dhaafay lagu gumaaday dad aan waxba galabsan.

—DHAMMAAD—-

Wasiirka arrimaha dibadda oo hortagay xubnaha Aqalka sare+Sawirro

0

Muqdisho(SONNA) Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Yuusuf Garaad Cumar ayaa ugu horreyn mudaneyaasha Aqalka sare warbixin guud ka siiyey howl-qabadka wasaaradda ee dhinacyaa horumarka iyo dedaallada ay hadda ku howlan tahay oo uu si dheelitiran u uga warbixiyey, iyadoo kaddib mudaneyaasha golaha Aqalka sare ay u gudbeen su’aallo weydiin toos aheyd oo ku socotay wasiirka Arrimaha Dibedda, waxaana kulanka guddoominayey guddoomiye ku xigeenka Koowaad Abshir Bukhaari.

Mudaneyaasha Aqalka sare ayaa su”aalo ay weydiiyeen wasiirka Arrimaha DIbedda  xoogga ku saaray arrimaha Maxabiista weli dalka dibeddiisa ku xiran, Safaaradaha dalalka Caalamka noogu yaalla iyo sida ay u shaqeeyaa, xiriirka Caalamiga ah, Baasaboorka Diblomaasiga iyo Arrimo kale.

Wasiirka Arrimaha Dibedda Soomaaliya Yuusuf Garaad ayaa  uga mahadceliyey mudaneyaasha Aqalka sare Su’aallaha ay weydiiyeen, waxa uu tilaammooyin ka bixiyey dhammaan su’aalihi la weydiiyey.

Guddoomiye ku xigeenka Koowaad ee Golaha aqalka sare ahna ku simaha guddoomiyaha Abshir Maxamed Axmed (Bukhaari) in kulan kale la isugi imaan doono si loo dhammeystiro su’aallo weydiinta wasiirka Arrimaha Dibedda Soomaaliya.

 

Ra’iisul Wasaare Khayre oo balan-qaaday in Xukuumaddiisu ay kaalin mug leh siineyso culimada si loo jebiyo fikirka qalafsan ee Al-shabaab+(SAWIRRO)

0

Muqdisho, November 14, 2017– Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa kulan la qaatay qaar kamid ah culima’udiinka Soomaaliyeed iyo guddigii dhaqaale uruurinta ka waday dalalka Kenya iyo Uganda. Kulankan ayaa waxaa sidoo kale goob-joog ka ahaayeen xubno ka mid ah Golaha Wasiiradda iyo guddiga gurmad Qaran.

Sheekh Maxamed Cabdi Umal oo hoggaaminayey guddigan Culimada ah ee dhaqaalaha ka soo aruuriyay Soomaalida ku nool dalalka Kenya iyo Uganda ayaa sheegay iney ka xun yihiin dhibaatadii ka soo gaartay dadka Soomaaliyeed weerarkii 14-kii Octobar, isla-markaana ay garab taagan yihiin walaalahooda ay kooxaha argagixisadu dhibka u geysteen, lacagtanina ay tahay mid ay iska soo aruuriyeen Soomaalida ku nool Kenya iyo Uganda.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa mahadcelin kadib, ku dhiirrigeliyey hoggaamiyayaasha diinta iyo dhammaan dadka Soomaaliyeed in ay gacan ku siiyaan dawladda halganka iyo dagaalka ay kula jirto kooxda xanbaarsan fikirka xagjirka ah ee Al-shabaab.

“Waxaan idin kaga mahadcelinayaa garab istaagiina, maadaama culimada diinta ay meel sare kaga jiraan bulshada waa in dadaalkooda ay ku biiriyaan halgankan dalka lagaga xoreynayo kooxaha nabad-diidka ah. Waa in aynu u midownaa dagaalkan oo laga wada qaybgalo, waxana muhiim ah in culimadu ay qaataan kaalintooda oo ah mid hoggaamineed” Sidaasi ayuu Ra’iisul Wasaare Khayre ka sheegay kulanka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa balan-qaaday in Xukuumaddiisu ay kaalin mug leh siineyso culimada si loo jebiyo fikirka qalafsan ee kooxda Al-shabab. Kaalinta culimaduna ay noqoneyso mid laf-dhabar u ah talada dalka iyo go’aamada la gaarayo. Wuxuuna ku baaqay in la qabto shir ay culimada Soomaaliyeed uga doodayaan fekerka qaldan ee kooxdan ay ku marin habaabineyso dhalinyarada Soomaaliyeed.

“Kooxda Al-shabaab waa koox luntay oo baadi ah, kamana turjumaan micnaha, ujeedooyinka iyo sareynta diinta Islaamka, waxay bartilmaameedsanayaan dadka rayidka ah ee waxba galabsan, Dawladda Soomaaliya waxa ay dadaalkeeda ugu badan ku bixinaysaa sidii kooxdaasi looga sifayn lahaa dalka”. Ayuu hadalkiisa raaciyey Ra’iisul Wasaaruhu.

Ugu danbeyn, Guddigii howlaha dhaqaale uruurinta ka waday dalalka Kenya iyo Uganda ayaa ku wareejiyey Guddiga Gurmadka Qaran $350-kun oo laga soo uruuriyey Soomaalida Kenya iyo $53-kun oo laga soo uruuriyey Soomaalida ku nool Uganda, si loo gaarsiiyo dadkii wax yeeladu ay ka soo gaartay qaraxii Zoobe ee bishii la soo dhaafay lagu gumaaday dad aan waxba galabsan.

Taliska Booliska Soomaaliyeed oo soo Bandhigay Sanaadiiq loogu tala galay Cabashada dadweynaha

0

Muqdisho (SONNA) Qorshahan ayaa waxaa soo hindisay sii haya Taliska Ciidamada Booliska Soomaaliyeed Generaal Muqtaar Xuseen Afrax waxaana loogu talagalay sanduuqyadan in ay cabashadooda ku soo gudbiyaan shacabka Soomaaliyeed ee ku nool gobolka Banaadir  loogana jaawaabi doono cid walbo oo ay qusayso.

Afhayeenka ciidanka Booliska Soomaaliyeed Korneel Qaasim Axmed Rooble oo shir jaraa’id ku qabtay xarunta ciidanka booliska ayaa warbaahinta u faahfaahiyay muuhimada ay leeyihiin sanaadiiqdaan iyo meelaha la dhigi doono.

’’Sanaadiiqdaan waxaa la dhigaa afar goobood,gobolka ,jaamacada umada, taliska ciidanka maxkamada, iyo meeshii loo arko in ay muuhiim tahay’’

Waa markii ugu horeysay oo talaabo nuucaan oo kale u qaado booliska Soomaaliyeed waxa ayna cadeyn u tahay howlaha dar dargalinta leh ee Booliska Soomaaliyeed uu wado.

 

Maamulka Degmada Luuq oo meel Fagaare ah ku soo bandhigay Al shabaab shacabka qarxin rabay+Sawirro

0

Muqdisho (SONNA) Maamulka Degmada Luuq ee Gobolka Gedo ayaa maanta meel fagaare ah shacabka ku nool degmadaasi ugu soo bandhigay Maleeshiyo ka tirsan Argagaxisada Al shabaab oo doonayay in qaraxyo ay ku halaagaan nolosha shacabka aan waxba galansan.

Ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa Jubbaland ayaa howlgalo ay ka sameeyeen degmada Luuq iyo deegaanada ku dhow dhow waxay dhawaan kusoo qabteen ragan Al shabaab ka tirsan oo ku guda jira diyaarinta weeraro qaraxyo ah oo ay doonayaan inay ku xasuuqaan shacabka.

Maleeshiyadii la soo bandhigay oo kala ahaa Cali Cabdi Mursal iyo Maxamed Cabdi Saalax ayaa shacabka hortooda ka qirtay in ay ka tirsan yihiin Al shabaab, isla markaana ay qorsheynayeen inay dhibaato geystaan.

Maamulka degmada Luuq iyo Saraakiil kale oo goobta ka hadlay ayaa u mahad celiyay ciidamadii howlgalada ku soo qabtay ragan doonayay inay qarxiyaan shacabka, waxayna balanqaadeen in cadaalada la marsiin doono.

Tan iyo markii madaxda dalka ay ku dhawaaqeen in Nabad diidka guud ahaan dalka laga ciribtiro, waxaa sii kordhay howlgalada iyo dagaalada lagu burburiyay Saldhigyo Al shabaab leeyihiin, sidoo kalena gacanta lagu dhigay Dagaalyahano dhowr ah, iyadoo la dilay qaar kale oo badan, waxayna talaabooyinkan farxad galineysaa shacabka Soomaaliyeed oo fahmay dhagarta argagaxisada, isla markaana kaalin weyn ka qaata sidii loo burburin lahaa iyagoo wada shaqeyn dhow la yeeshay ciidamada amaanka.

Warbixin:-Bil kadib Qaraxii Zoope, Maxay Bulshadu ka baratay ?

0

Muqdisho(SONNA):–Qaraxii Zoobe oo maanta laga joogo muddo bil ah wuxuu ahaa musiibo qaran oo ku dhacday Umada soomaaliyeed, iyadoo dad kor u dhaafay 642 oo qof ay dhimasho iyo dhaawac kasoo gaareen.qaraxa ayaa  sidoo kale qasaara hantiyadeed oo aad u balaaran uu geystay  , wuxuuna ahaa qaraxii ugu khasaaraha badnaa ee ka dhaca Soomaaliya.

Dhanka kale dhacdadan xanuunka badan waxay midaysay umadda soomaliyeed ,waxaan la arkayay dal iyo dibad soomalida meel kasta ay joogaanba inay si isku mid ah uga damqadeen iyagoo sameeyay dibad baxyo waawayn oo ay ku muujinayeen sida ay ugu xunyihiin dhibaatada soo gaartay walaalahooda.

 

Ugurmashada dadkii ku waxyeeloobay qaraxii  isgoyska Zoobe ayaa ahayd mid dal iyo dibadba si weyn loogu istaagay, iyadoona dhaqaalo aad u fara badan laga soo ururiyay, shacabka soomaaliyeed, waxaa la arkayay dhallinyaro iskood isu abaabulay, si ay gurmad ay ugu fidiyaan walaalahooda ku waxyeeloobay masiibadaasi, Waxaana ay dhalinyaradan ka shaqeyneynayeen habeen iyo maalin caawinta dadka dhibta soo gaartay, sida dadka eheladooda ku waayay dhacdadan  ka caawinayay sidii ay ugu xaqiijin lahaayeen nolol iyo geeri waxa ay ku suganyahiin, sidoo kale dhallinyaradau waxay qeyb libaax leh ka qaateen dib u soo celinta bilicda wadada Zoobe iyo kaalmeynta dhaawacyada isbitaalada ku jiray.

Madaxweynaha Soomaaliya md, Max’ed C/llaahi Farmaajo iyo raiisulwasaare  Kheyre ayaa si aad ah u ammaanay doorka dhalinyarada Gurmad ka qaateen taakulaynta dadkii ku waxyeeloobay mashaqadii Zoope, Waxaana halkaasi laga dareemayay in dhalinyarada soomaaliyeed yihiin kuwa karti badan oo wax qabsan kara.

Hadaba si aan u ogaano sida ay tahay xaalada isgoyska Zoobe mudo bil ah kadib ayaan waxaan socdaal shaqo ku tagnay isgooska Soobe, waxaan halkaasi ka muuqanaya in ay dib u soo laabteen goobahii ganacsiga qaar ee uu qaraxu saameeyay, sidoo kale isgooska soobe ayaa waxaa uu la soo noqday mashquulkiisii waxaana xaalada ay hada tahay mid caadi ah.

Waxaan noo suurtagashay in aan halkaasi aan kula kulano qaar kamid ah ganacsatadii halkaasi goobaha ganasi ku lahaa iyo sidoo kale dadka isticmaalayay wadada waxaana wax ka weydiiyay dareenkooda bil ka dib qaraxii waxuush nimada ahaa ee kooxda nabadiidka ay ku xasuuqeen dadkii  shacabka ah.

Waxaana muuqaneysa sida ay dadka soomaaliyeed uga go’antahay horumarka wadanka ka curtay inay sii wadaan oo aysan marnaba niyad jabin doonin qaraxyada, inkastoo qaraxii Zoobe uu ahaa musiibo qaran hadana shacabka soomaliyeed waa kuwa adkeysi badan.

Wali waxaa si isdaba joog ah dalka iyi dibaddaba uga socda gurmad ay bulshada Soomaaliyeed ugu soo gurmanayso dadkii dhibaatada ka soo gaartay dhibaatadii xanuunka badnayd ee wada saamaysay Quluubta Bulshada Soomaaliyeed, waxaana maanta dalka soo gaaray guddigii howlaha dhaqaale uruurinta ka waday dalka Kenya, iyadoo ay soo dhaweeyeen Wasiiro, Xildhibaano iyo Culimo ka mid ah guddiga Gurmadka Qaran ee Musiibadii Zoobe.

Sheekh Maxamed Cabdi Umal ayaa hoggaaminayay guddigan Culimada ah ee dhaqaalaha ka soo aruuriyay Soomaalida ku nool dalka Kenya, waxayna kulamo la qaadan doonaan Masuuliyiin ka tirsan Dowlada Federaalka Soomaaliya.

Shacabka Soomaaliyeed ee ku kala sugan dalka iyo dibada ayaa si weyn ugu gurmaday dadkii waxyeelada ka soo gaartay Qaraxii Soobe, iyadoo sidoo kale dowlada Saaxiibka dhow la ah Soomaaliya ay kaalin weyn ka qaateen sidii wax loogu qaban lahaa dadkii dhaawacyada culus ay soo gaareen.

Ciidamada soo majeestayaasha xoogga dalka oo ka jawaabayo ficilka xun ee kooxda Argagixisada ayaa sii balaariyay dagaalada ay kaga sifeynayaan cadowga umadda Soomaaliyeed ee Al shabaab deegaanada ay kaga dhuumeeleysanayaan Dalka, iyagoo la wareegay deegaano Balaaran oo katirsan Gobolada Soomaaliya, waxeyna ku dileeen tiro badan oo ka tirsan kooxda Alshabaab.

Maanta oo ah Bil-guuradii ka soo wareegtay  Masiibadii Qaran ee 14kii Octoobar, waxaa muuqata in Bulshada Soomaaliyeed ay ka baratay dhacdadaasi  in iskaashi wadajir looga hortago kooxaha arxanlaawayaasha ah iyo in bulshadu ay isku tashato, si buuxdana loo garab istaago Ciidamada qaranka ee habeen iyo maalinba heeganka u ah in shacbiga ka xoreeyaan kooxda argagixisada.

Wakaaladda Wararka Qararka Soomaaliyeed ee SONNA

Wasiirka Warfaafinta oo Hortagay Guddiga Warfaafinta ee Aqalka sare+Sawirro

0

Muqdisho (SONNA) Wasiirka Warfaafinta, dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Soomaaliya Eng, Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisow ayaa maanta hortagay Guddiga Warfaafinta, arimaha bulshada iyo Dhaqanka ee aqalka sare.

Wasiirka oo kulanka ka dib Saxaafada la hadlay ayaa sheegay in waxyaabaha wax laga weydiiyay ay ka mid ahaayeen, Qorshaha guud ee Wasaaradda, Xeerka Saxaafada Soomaaliya, Xiriirka wasaaradda kala dhaxeeya kuwa warfaafinta ee Dowlad Goboleedyada iyo waxyaabaha u qabsoomay mudada uu xilka hayo, wuxuuna sheegay in dhamaan uu ka jawaabay su’aalaha la weydiiyay.

Eng, Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisow waxaa kulanka ku wehlinayay Lataliyahiisa Mudane Xuseen Jaabiri iyo Agaasimaha Telefishinka Qaranka Soomaaliya Liibaan Cabdi Cali.

Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Soomaaliya ayaa maalmihii ugu dambeeyay hortagay Xildhibaanada Aqalka Sare iyadoo wax laga weydiiyay Wasaaradahooda waxyaabaha u qabsoomay.

Madaxweyne Erdogan oo booqasho ku jooga dalka Kuwait

0

Muqdisho (SONNA) Madaxwaynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa booqasho rasmiya ku tagay wadanka kuwait kadib martiqaad uu ka helay amiirka wadankaasi Sheekh Sabah Al – Ahmad Al-Jaber Al- Sabah.

Recep Tayyip Erdogan markii uu soo gaarey garoonka diyaaradaha waxaa halkaa ku qaabiley Ra’iisul wasaare ku xigeenka ahna wasiirka arimaha dibada wadanka kuwait Sheekh Sabah Al-Khalid Al-Hamad.

Madaxwayne Erdogan ayaa sheegay inta uu ku guda jiro safarkan inuu kala hadlayo dawlada kuwait xiisada ka dhex aloosan dawladaha khaliifka waxaanu ugu baaqay madaxda gobolka inay ka sheqeeyaan sidii la iskugu soo dhaween lahaa dadka walaalaha loogana shaqeyn lahaa isku duubnaanta iyo midnimada khaliijka.

Afhayeenka Madaxtooyada Turkiga Ibraahim Kalan ayaa sheegay in madaxwayne Erdogan intuu ku sugan yahay wadanka Kuwait inuu kala hadli doono arimaha xiriirka labada wadan sidii loo xoojin lahaa sdioo kale ganacsiga, Maalgashiga, dalxiiska, warshadaha ,Militariga iyo Waxbarashada, Afhayeenku wuxuu intaasi ku daray in Mr Erdogan marka uu dhameysto booqashadiisa wadanka kuwait inuu uga sii gudbi doono wadanka Qatar halkaasuu kaga qayb gali doono shirka Guddiga Istaraatiijiga Turkiga iyo Qatari.

Ciidamada Xoogga dalka oo la wareegay deegaano ku dhow magaalada Baraawe

0

Baraawe (SONNA) Ciidamada xoogga dalka ayaa sii balaariyay dagaalada ay kaga sifeynayaan cadowga umadda Soomaaliyeed ee Al shabaab deegaanada ay kaga dhuumeeleysanayaan Gobolka Shabeelaha hoose, iyagoo la wareegay deegaano ku dhow degmada Baraawe oo xarun u ah Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed.

Saraakiisha hogaamineysa dagaalka ka socda Shabeelaha hoose ayaa sheegay in la dardar galiyay dagaalka lagula jiro Argagaxisada Al shabaab, iyadoo guulo laga gaaray Howlgaladii ugu dambeeyay, waxaana deegaanada ay gacanta ku dhigeen ciidamada xoogga dalka si weyn ugu soo dhaweeyay shacabka ku nool deeganaadaaasi oo sheegay in Nabad diidka Al shabaab ay dhibaato ku hayeen.

Dhinaca kale Guddoomiyaha Gobolka Shabeelaha Hoose Ibraahim Aadan Cali Najax ayaa kulan looga hadlayay xoojinta Amniga waxa uu magaalada Baraawe kula yeeshay Saraakiil ka tirsan Ciidamada Xooggga dalka iyo kuwa AMISOM.

Si kastaba ha ahaatee Gobolka Shabeelaha hoose waxaa ka socda dagaal xoogan oo Maleeshiyada Al shabaab looga ciribtirayo guud ahaan deegaanada ay kaga sugan yihiin, waxaana ciidamada xoogga dalka maalinba maalinta ka dambeysa ay la wareegayaan deegaano ay ku dhuumaaleynsayeen cadowga, iyadoo hore uu u sheegay Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdulaahi Farmaajo in dagaalkan uu socon doono inta guud ahaan dalka laga sifeynayo Aragagaxisada Al shabaab.

Guddigii Dhaqaalaha ka soo uruuriyay Soomaalida Kenya oo Muqdisho soo gaaray+Sawirro

0

Muqdisho (SONNA) Guddigii howlaha dhaqaale uruurinta ka waday dalka Kenya ayaa goordhow soo gaaray magaalada Muqdisho, iyadoo ay soo dhaweeyeen Wasiiro, Xildhibaano iyo Culimo ka mid ah guddiga Gurmadka Qaran ee Musiibadii Zoobe.

Sheekh Maxamed Cabdi Umal ayaa hoggaaminayay guddigan Culimada ah ee dhaqaalaha ka soo aruuriyay Soomaalida ku nool dalka Kenya, waxayna kulamo la qaadan doonaan Masuuliyiin ka tirsan Dowlada Federaalka Soomaaliya.

Lacagtan ayaa lagu wareejin doonaa Guddiga Gurmadka Qaran si loo gaarsiiyo dadkii waxyeelada ay ka soo gaartay qaraxii Soobe ee bishii la soo dhaafay lagu gumaaday shacab aan waxbo galabsan.

Shacabka Soomaaliyeed ee ku kala sugan dalka iyo dibada ayaa si weyn ugu gurmaday dadkii waxyeelada ka soo gaartay Qaraxii Soobe, iyadoo sidoo kale dowlada Saaxiibka dhow la ah Soomaaliya ay kaalin weyn ka qaateen sidii wax loogu qaban lahaa dadkii dhaawacyada culus ay soo gaareen.