Home Blog Page 1428

Xubin katirsan guddiga doorashada Kenya oo is casishey iyo shaki ku yimid qabsoomidda doorashada

0

Kenya (SONNA) Jahwareer siyaasadeed ayaa kataagan Dalka Kenya,Masuul sare oo ka tirsan guddiga doorashada ee Kenya ayaa is casishay kadib markii shaki uu ka galay  in dalku uu doorasho xalaal ah qaban karo toddobaadka soo socda taasi oo caqabada ku noqonaysa hanaanka doorashadii la qorsheynayay.

Roselyn Akombe ayaa sheegtay in guddigu ay ahaayeen lahaysteyaal siyaasadeed oo aysan waxba isku waafaqikarin ama qaadan karin wax go’aan ah,waxaana ay intaasi ku dartay in is casilaadeedi ay salka ku haysao arrimahaasi.

Dr Akombe  oo ku sugan magaalada New York ayaa sheegtay in markii ay ku sugnayd Kenya ay xataa u baqday nafteeda ka dib markii ay hanjabaado badan la kulantay.

Raila Odinga oo ah madaxa xisbiga mucaaradka ah ee dalka Kenya ayaa toddobaadkii hore ka haray doorashadadii ku celiska ahayd isaga oo sheegay in uusan rumaysnayn in doorasho caddaalad ah ay dhici doonto.

Lama oga halka uu ku dambeyn doono mustaqbalka siyaasadeed ee dalkaasi Kenya,balse haatan waxaa soconaya dadaalo ku aadan sidii ay doorashooyinkaasi u qabsoomi lahaayeen wallow muran badan uu jiro.

 

Culumada Soomaaliyeed ee Gobolka Minnesota oo Cambaareeyay Qaraxii Soobe

0

Muqdisho (SONNA) Culumada Soomaaliyeed ee Gobolka Minnesota oo kulan  ku yeesheen Masjidka Umatul Islam ayaa waxay soo saareen Baaq ku aadan Qaraxii ka dhacay Muqdisho.

1-Waxaa ugu tacsiyeynayaan guud ahaan shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan eheledii iyo qaraabadii dadkii ku geeriyooday iyo kuwii ku dhaawacmay qaraxii ka dhacay Magaalada Muqdisho maalintii Sabtida ee 14 ka bisha Oktoober.waxaan ilaahey uguabaryey intii dhimatay inuu ilaahey u naxariisto inta dhaawaca ahana uu caafimaad deg deg ah siiyo.

2-Waxaan si adag u cambaaraynaynaa cidii ka danbaysay dhacadadaan murugada iyo xanuunka badan,waxa aan shaki ku jirin fal dembiyeedkaan in uu yahay mid ay xarimayso si buuxdan uga soo hor jeeda tacaaliimta diinteena suuban ee Islaamka.waxaa sidoo kale uu soo hor jeeda Caaqaliga(Fekerka” kasaar kalmadan) dhaqanka suuban iyo bani aadanimada.

3-waxaa aan ku adkeynaynaa Dawlada Federaalka ee Soomaaliya in baaritaan deg deg ah ku samayso cidii ka danbeysay falkan waxushnimada ah sidoo kale ay la xisaabtanto cidii si uun ugu lug eh abaabulka,ama fulinta fal dambiyeedkan iyadoo la kaashaneysto hay adaha barista caalamiga dhacadadaad oo kale ku takhasuday hay ado dhedhexaad ah.

4- Waxa aan ugu baaqeynaa shacabka Soomaaliyeed meel kastaba ay joogaan in ay umidoobaan cadowgooda u gurmadaan walaalohooda dhibaatadu ku dhacady,ilaalyaan midnimada dhexdooda kana foogaadaan wa kasta oo keeni kara in shasheeye ama cadow uu ka dhex faa iideysto.waxa aan si gaar aha u bogaadineynaa dadja Soomaaliyeed ee taageerada iyo dareenka fiican u muujiyaya walaalahoodo.

5-waxaan ugu baaqeynaa dowladaha saaxiibka la ah Soomaaliya kuwa carabta hey adaha caalamiga ah iyo dhamaanba bulshada caalamka in ay kaalmo deg deg ah la gaaraan shacabka ay dhibaatadani ku dhacadey.

6- waxaan u mahad celinaynaa dhanaan dowladaha gurmadka ufidiyey dadka qaraxa ku waxyeeloobay si gaar ah waxaan ugu mahad cilineynaa dowladahii u soo gurmaday shacabka Soomaaliyeed sida turkiga ,jaabuuti iyo maraykanka.

7-Culummada Soomaaliyeed ee Gobolka MN waxa ay go,aan ku gaarnay in Jimcaha soo socota oo ku beegan 20 ka bishan October aan olole dhaqaale urunis ka bilowno dhamaan Masaajida ku yaala Gobolka Minnesota Sidoo kale waxa aan samaynay xisaab GoFundMe oo aan ugu talo galnay in lagu taakuleeyo dhanaan dadkii ku tabaaloobey fal dambiyeedkan.

Mar labaad ilaahay waxaanu ka bariyeynaa in uu umada soomaaliyeed xifdiyo shar dhamaantood Amiin..

XIldhibaan Bootaan Ciise Caalin oo Dalka India ku geeriyooday

0

India(SONNA) Allaha unaxriistee waxaa Dalka Hindiya ku geeriyooday Xildhibaan Bootaan Ciise Caalin oo ka tirsanaa Mudanayaasha Barlamaanka Federaalka Soomaaliya kaasi oo in muddo ah xanuunsanayay.

Geeridiisa ayaa timid markii lagu sameeyey qaliin loogu talagalay in lagu bad baadiyo nolosha xildhibaankaasi oo muddooyinkii ugu dambeyeey xanuunsanaa.

Balse  Alla ha u naxriistee Xildhibaanka wuxuu Xalay galinkii dambe ku dhintay Isbitaalkan ku yaala Dalkaasi Hindia.

Xildhibaana Prof Maxamed Cumar Dalxa oo katirsan Guddiga arrimaha dibadda ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa Wakaaladda SONNA u xaqiijiyay geerida xildhibaanka.

“Allaha u naxriisto Xildhibaan Bootaan Ciise Caalin way ina soo gaartay geeridiisa in uu dalka Hindiya uu ku geeriyooday waa uu xanuunsanayay muddooyinkan,runtii marxuumka wuxuu kamid ahaa xildhibaanada lagu soo doortay magaalada Imbagaati ee Dalka Kenya ilaa waqtigan Dowladda ayuu kujiray”. Ayuu yiri Xildhibaan Dalxa.

Meydka Xildhibaan Bootaan Ciise Caalin ayaa haatan ku jira isbitaalkii uu ku geeriyooday,waxaana la filayaa in dhawaan meydkiisa dib loogu soo celiyo dalka.

Qaar kamid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka oo Deeq lacageed gaarsiiyey Bukaanada Qaraxii Zoobe

0

Qaar kamid ah Xildhibaanadda Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya, ayaa Maanat booqday Qaar kamid ah Isbitaalada ay ku jiraan Bukaanaddii dhowaan kusoo dhaawacmay Qaraxii Kooxda Argagixisada ah ee Alshabaab ay ka geeysteen Isgooyska Zoobe ee Gobolka Banaadir.

 

XIldhibaanadda oo kala ah Xil Farxiyo Xasan Axmed, Xil Xiisa Xasan Aadan, Xildhibaan Maryan Axmed Haaruun iyo Xildhibaan Xabiibo Axmed Haaruun, ayaa  booqday Isbitaalada Madina, Digfeer, Daarulshifa iyo kuwa kale, iyaggoo Bukaanadii Isbitaaladaasi ku jiray Gaarsiiyey Deeq lacageed oo ay iska soo arruuriyeen dhexdooda.

Waxaa sii kordhaya Deeqaha kala duwan ee la gaarsiinayo Dadkii ku dhaawacmay Qaraxii aadka u cusluu ee Kooxda Argagixisada ah ee Alshabaab ay ka geeysteen Isgooyska Zoobe ee Magaaladda Muqdisho, qaraxaas oo ay ku dhinteen dad ku dhow 300 oo qof.

Tirada Shaqaalaha Dowladda ee ku dhintay Qaraxii Zoobe oo la shaaciyey

0

Kulan ay isugu yimaadeen Xiriirka guud ee Shaqaalaha Dowladda, ayaa lagu soo bandhigay tirada shaqaalaha Dowladda ee ku geeriyooday kuna dhaawacmay masiibadii ka dhacday Magaaladda Muqdisho iyo kaaalinta ay ka qaateen Xiriirka Guud ee Shaqaalaha Dowladda.

Kulanka ayaa lagu sheegay in Shaqaalaha Dowadda ee ku dhintay Qaraxii Zoobe uu yahay  Lix qof, halka ay ku dhaawacmeen 20 qof sida ay sheegeen Xiriirka guud ee Shaqaalaha Dowladda Soomaaliya.

Xoghayaha Xiriirka Goboladda Maamul goboleedyada ee Xiriirka guud ee Shaqaalaha Dowladda Maxamed Macallin Iimaan, ayaa waxaa uu tilmaamay kaalintii ay ka qaateen gurmadkii loo fidinayey dadkii waxyeelada ay soo gaartay dhacdadii KM5.

Guddoomiye Ku xiggeenka Xiriirka guud ee Shaqaalaha Dowladda Nuur Axmed Diiriye oo ka hadlay kulanka, ayaa tacsi u diray dhamaan Shacabka Soomaaliyedd, isagoo ku dhaawacyada culus uu soo gaaray Alle uga baryey in Caafimaad deg deg ah uu siiyo.

Guddoomiyaha Xiriirka guud ee Shaqaalaha Dowladda C/risaaq Macaallin Cilmi, ayaa waxaa uu faahfaahin ka bixiyey kaalintii ay ka qaateen gurmadka loo fidinaayey Shacabkii ku waxyeeloobay Musiibaddii ka dhacay Zoobe.

Madaxweynaha Suudaan oo Amray in Addeeg caafimaad oo tayo leh loo fidiyo Bukaanada Soomaaliyeed ee Wadankaasi gaaray

0

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Bukaanaddii Maanta ay ka qaaday Magaaladda Muqdisho ee ku wajahnaa Dalka Suudaan, ayaa hadda ka degay Magaaladda Khartoum ee Xarunta dalkaasi, halkaas oo ay kusoo dhoweeyeen Masuuliyiin Safaaradda Soomaaliyeed ee Suudaan iyo Jaaliyadda Dalkaasi ku nool.

Madaxweynaha Dowladda Sudan, Cumar Albashiir, ayaa kahadlay qaraxii Zoobe ee Dadka badan ay ku dhinteen, isagoo sheegay in Bukaanadda Wadaankaasi gaaray oo gaaraya 23 Qof ay Dowladdiisa u balan qaadeyso in addeeg Caafimaad ay siin doonto, islamarkaana Suudaan ay diyaar u tahay Caawinaada iyo Garab istaaga Soomaaliya, ayna la qeyb saneyso Dhibaatada.

Cumar Albashiir, Madaxweynaha Wadanka Suudaan, ayaa Amray Wasaaradda Caafimaadka ee Wadankaasi in il gaar ah lagu hayo bukaanada Soomaalida ah, loona fidiyo Gargaar caafimaad oo tayo leh, waxaana uu intaas ku daray in xil gaar ah la iska saaro.

Wasiirka arrimaha dibada Kenya oo Nairobi kusoo dhoweysay Bukaanadii saaka Muqdisho ka dhoofay

0

Wararka naga soo gaaraya Magaaladda Nairobi ee Xaruna Dalka Kenya, ayaa sheegay in magaaladaasi ay gaartay diyaaraddii waday Bukaanadda Soomaaliyeed ee ku dhaawacmay Qaraxii ka dhacay KM5, kuwaasi oo maanta ka dhooftay Magaaladda Muqdisho.

Waxaa garoonka diyaaradaha ee Magaaladda Nairobi kusoo dhoweeyey Bukaanada Soomaaliyeed, Masuuliyiin ay ugu Horreeyso Wasiirka arrimaha Dibadda Kenya, Marwo Aamina Jawaahir Maxamed, Madaxda Safaaradda Soomaaliyeed ee Kenya iyo masuuliyiin kale.

Wasiirka arrimaha Dibadda kenya oo Warbaahinta la hadashay soo dhoweynta ka dib, ayaa sheegtay in addeeg caafimaad oo heer sare ah loo fidin doonno Bukaanadda Soomaaliyeed ee ku dhaawacmay Qaraxii Zoobe ka dhacay, waxaana ay sheegtay in ay garab taagan yihiin Dowladda Soomaaliya, ayna kala shaqeynayaan arrimaha nabad gelyada iyo la dagaalanka Argagixisada Alshabaab.

 

Baaxadda Qasaare Iyo Qeybaha Ay Kala Ahaayeen Dadkii Ku Shahiiday Qaraxii Zoobe

0

Akhristayaasheenna sharafta leh waxaan halkaan idiinkugu soo gudbineynaa Warbixin muuqaal ah oo ka hadleysa baaxada qasaaraha qaraxii 14kii bishan ka dhacay isgoyska Zoobe ee magaalada Muqdisho ayadoo warbixinta oo muuqaallo kala duwan ah aad kaga daalacan doontaan qeybaha ay dadku sida aadka ah ugu geeriyoodeen.

 

Warbixintan Waxaa diyaariyey Agaasimaha SNTV Liibaan Cabdi Cali

Wasiirka arrimaha dibada Kenya oo Nairobi kusoo dhoweysay Bukaanadii saaka Muqdisho ka dhoofay “Sawirro”

0

Nairobi (SONNA) Wararka naga soo gaaraya Magaaladda Nairobi ee Xaruna Dalka Kenya, ayaa sheegay in magaaladaasi ay gaartay diyaaraddii waday Bukaanadda Soomaaliyeed ee ku dhaawacmay Qaraxii ka dhacay KM5, kuwaasi oo maanta ka dhooftay Magaaladda Muqdisho.

 
Waxaa garoonka diyaaradaha ee Magaaladda Nairobi kusoo dhoweeyey Bukaanada Soomaaliyeed, Masuuliyiin ay ugu Horreeyso Wasiirka arrimaha Dibadda Kenya, Marwo Aamina Jawaahir Maxamed, Madaxda Safaaradda Soomaaliyeed ee Kenya iyo masuuliyiin kale.

 
Wasiirka arrimaha Dibadda kenya oo Warbaahinta la hadashay soo dhoweynta ka dib, ayaa sheegtay in addeeg caafimaad oo heer sare ah loo fidin doonno Bukaanadda Soomaaliyeed ee ku dhaawacmay Qaraxii Zoobe ka dhacay, waxaana ay sheegtay in ay garab taagan yihiin Dowladda Soomaaliya, ayna kala shaqeynayaan arrimaha Nabad gelyada iyo la dagaalanka Argagixisada Alshabaab.

Madaxweynaha Suudaan oo Amray in Addeeg caafimaad oo tayo leh loo fidiyo Bukaanada Soomaaliyeed ee Wadankaasi gaaray

0

Muqdisho (SONNA) Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Bukaanaddii Maanta ay ka qaaday Magaaladda Muqdisho ee ku wajahnaa Dalka Suudaan, ayaa hadda ka degay Magaaladda Khartoum ee Xarunta dalkaasi, halkaas oo ay kusoo dhoweeyeen Masuuliyiin Safaaradda Soomaaliyeed ee Suudaan iyo Jaaliyadda Dalkaasi ku nool.

 
Madaxweynaha Dowladda Sudan, Cumar Albashiir, ayaa kahadlay qaraxii Zoobe ee Dadka badan ay ku dhinteen, isagoo sheegay in Bukaanadda Wadaankaasi gaaray oo gaaraya 23 Qof ay Dowladdiisa u balan qaadeyso in addeeg Caafimaad ay siin doonto, islamarkaana Suudaan ay diyaar u tahay Caawinaada iyo Garab istaaga Soomaaliya, ayna la qeyb saneyso Dhibaatada.

 
Cumar Albashiir, Madaxweynaha Wadanka Suudaan, ayaa Amray Wasaaradda Caafimaadka ee Wadankaasi in il gaar ah lagu hayo bukaanada Soomaalida ah, loona fidiyo Gargaar caafimaad oo tayo leh, waxaana uu intaas ku daray in xil gaar ah la iska saaro.