Home Blog Page 1427

R/wasaare Khayre”Dhismaha Xabsiga Dhexe ee Baydhabo waa qeyb kamid ah qorshe horumarinta Cadaaladad iyo Amniga

0

Muqdisho(SONNA)Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre, oo ay weheliyaan Wasiirro ka tirsan Xukuumadda, Xildhibaano iyo Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Mudane Shariif Xasan Sheekh Aadam ayaa maalintii shalay waxaa uu  dhagax-dhigay xabsiga dhexe ee Baydhabo oo laga dhisayo duleedka magaalada.

Talaabadani ayuu ku tilmaamay raiisul Wasaraah Soomaaliya in ay tahay mid ay qeyb ka tahay qorshe Dowladda Soomaaliya ay ku horumarinayso Cadaaladda iyo guud ahaan sugidda amniga Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale booqasho ku soo maray goobta laga dhisayo Xabsigan oo noqon doona midka ugu weyn deegaanada Koonfur Galbeed.

Wasiirka Caddaaladda Soomaaliya ayaa ugu horrayntii ka war bixiyey ahmiyadda uu dhismahan cusub ee xabsigu u leeyahay bulshada koonfur galbeed,isagoo xusay in uu yahay mid u muhiimsan shacbka deegaanadaasi.

“Xabsigan cusub wuxuu meesha ka saarayaa baahidii loo qabay xabsi dhexe oo deegaanku yeesho. Waxaan rajeynayaa in marka uu dhamaado dhismaha xabsigan uu buuxin doono baahidii deegaanku u qabay. Iyadoo tani ay qeyb ka noqonayso qorshaha dawladda ee kor loogu qaadayo caddaaladda iyo amniga dalka.” Ayuu yiri R/Wasaare Khayre.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay inuu uga mahadcelinayo cid walba oo gacan ku siineysa sidii dalka oo dhan looga hirgelin lahaa mashaariic horumarineed oo lagama maarmaan u ah nolosha bulshada Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaaraha Khayre ayaa dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho, kadib, booqasho labo maalin ah oo ku joogay magaalada Baydhabo.

Wuxuuna intii uu halkaasi ku sugnaa kulamo kala duwan la yeeshay, Madaxda Koonfur galbeed, Odayaasha dhaqanka, Bulshada rayidka iyo Ciidamadda Xoogga dalka iyo AMISOM oo dhammaantood ay isla soo qaadeen horumarinta iyo xoreynta deegaanada Koonfur Galbeed.

Dowladda Ruwanda oo balanqaad muhiim ah sameysay

0

Ruwanda(SONNA) Xukuumadda Kigaali ee Rwanda ayaa waxaa ay sheegtay in ay  ku yaboohday in ay magangalyo siinayso 30,000 oo muhaajiriin Afrikaan ah oo ku go’doonsan dalka Liibiya, kuwaas oo badankood ku sugan xaalad adoonsi ah.

Talaabadan oo ay ku dhaqaaqday Dowladda Ruwanda ayaa ka dambeysay kadib markii TVGA CNN uu baahiyaya muqaalo muujinaya dad badan oo Afrikaan ah kuwaasi oo qaab aduunsi ahaan looga xaraashayay Dalka Liibiya si beeraha loogu fasho.

War ka so baxay Wasaaradda arrimaha dibadda ee Dalka Ruwanda ayaa lagu yiri “Taariikhdanada markaan fiirino, kama aamusi karno iyadoo bani’aadan si xun loola dhaqmayo, loona xaraashayo sida lo’da oo kale” ayaalagu yiri qoraalkaasi.

Boqolaal kun oo Afrikaan ah ayaa Liibiya u safra sanad walba, iyaga oo isku dayaya in ay qaaradda Yurub u tallaabaan,waxaana Badanaa qabsada dadka wax tahriibiya, waxaana lagu qasbaa in ay shaqeeyaan iyaga oo lacag yar la siiyo ama bilaash ku shaqeeya.

Dalka Ruwanda ayaa markii uu socday xasuuqii ba’naa ee 1994tii, dad lagu qiyaasay 800,000 oo ah qawmiyadda Tutsi-ga iyo Hutu-gii qunyar socodka ahaa  lagu xasuuqay 100 maalmood gudahood, markaas oo dalalka badankood aysan wax badan u qabanin.

Dowladda Ruwanda ayaa iyado oo fiirinaysaa taariikhdaasi waxaa ay damqasho u muujinaysaa dadkaasi afrikaanka ah oo lagu dhibaataynayo Dalka Liibiya.

Shirka Golaha Wasiirada oo lagu ansixiyey xubin ka mid ah Guddiga Madaxa-Bannaan ee Dastuurka, loogana hadlay Heshiiska Xaquuqda Carruurta iyo arrimo kale.

0

Muqdisho, Khamiis 23 November 2017 – Shirkii caadiga ahaa ee Golaha Wasiirada ee Xukuumadda Dawladda Federaalka ay maanta yeesheen oo uu bilowgii shir-guddoomiyey Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Xukuumada Mudane Mahdi Maxamed Guled (Khadar), halka uu qeybtii danbe uu shir-guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Mudane Xasan Cali Khayre ayaa lagu ansixiyey xubin ka mid ah Guddiga Madaxa Bannaan ee Dastuurka, loogana hadlay arrimaha amniga, maaliyada, heshiiska Xaquuqda Caruurta, shirweynaha amniga iyo horumarka dhaqaalaha iyo arrimo kale.

Ugu horreyn, Wasiir ku xigeenka Amniga Gudaha ayaa ka warbixiyey xaalada guud ee amniga, howlgallada militariga iyo kuwa xasilinta dalka. Sidoo kale waxuu golaha la wadaagay horumarka laga sameeyey hirgelinta qorshaha amniga oo uu sheegay in ay gacanta ku hayaan baaritaano dhab ah oo dad la tuhunsanyahay ah.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka ayaa Golaha Wasiirada uga warbixiyey ahmiyada shirarka waaweyn oo Muqdisho lagu qaban doono 4ta iyo 5ta December 2017. ,Axmed Caynte Madaxa Hay’ada Xiriirka iyo Deeqaha ayaa Golaha siiyey warbixin ku aadan shirka 5ta December ee ah Somali Partnership Forum oo looga hadli doono horumarka dhaqaalaha, mashaariicda la qorsheynayo iyo arrimaha gargaarka oo ay beesha caalamku ka soo qeybgalayaan. Axmed Caynte ayaa sharaxay ahmiyada kulankan iyo sida looga doonayo Dawladda Federaalka inay ku soo bandhigto waxqabadkeeda si caalamka uu u qiimeeyo una dardargeliyo taageeradooda muhiimka ah. Sidoo kale Cabdi Diirshe oo ah Xoghayaha Joogtada ee Wasaarada Qorsheynta ayaa ka warbixiyey sida ay Wasaarada Qorsheynta u diyaarisey mashaariicda dalka oo dhammaantood la waafajiyey baahiyaha dowlada Federaalka iyo Qorshaha Horumarinta Dalka.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka ayaa isna ka warbixiyey shirka guddiga wasiirada ee arrimaha Siyaasada oo uu sheegay in kulankoodii u danbeeyey la isla meel dhigay arrimo badan, waxuuna ka codsaday Omar Dhagey oo ah La Taliyaha Ra’iisul Wasaaraha inuu warbixin dheeraad ah siiyo golaha wasiirada. Omar ayaa sheegay in shaxdii iyo nidaamkii Federaaleynta dalka, dib-u-eegista dastuurka iyo hirgelinta doorashooyinka la diyaariyey oo ay meel fiican marayaan. Ra’iisul Wasaare ku xigeenka ayaa hoosta ka xariiqay ahmiyada dejinta qorshaha siyaasada dalka ee shacabka loogu horseedayo qabsoomida doorashooyin hal cod iyo hal shaqsi ah 2020ka.

Wasiirka Haweenka & Xaquuqul Insaanka, Marwo Deqa Yasin Haji Yusuf ayaa golaha siiyey warbixin dhameystiran oo ku aadan wadatashi iyo daraasad ay ka soo sameynayeen Dowlad Goboleedyada iyo G/Benadir oo carruurta Soomaaliyeed lagu xog-wareysanayey xaaladooda dhabta ah, caqabadaha jira iyo fursadaha si kor loogu qaado adeegyada aasaasiga ah ee carruurta iyo kor u qaadista xaquuqda carruurta. Wasiir Deeqa ayaa sheegtay in heshiiskii Xaquuqda Carruurta ee Soomaaliya ay saxiixday 2015kii na-looga baahnaa inaan warbixin dhameystiran gudbino labo sano gudahood, tanoo ah sababta daraasada, wadatashiga iyo xog-ururinta loo sameeyey.

Wasiir ku xigeenka Dastuurka Hussein Abdi Elmi ayaa golaha wasiirada u soo gudbiyey talo soo jeedin ku aadan buuxinta xubin ka mid ah Guddiga Dastuurka ee Madaxa Bannaan oo horey u bannaanaatay. Wasiir ku xigeenka ayaa golaha ka codsaday inay ansixiyaan in Marwo Mumina Sheikh Omar oo horey u noqotay Wasiir ku xigeen iyo xildhibaan, lehna aqoon, waayo aragnimo, karti iyo hufnaan si ay u buuxiso booska bannaan oo ay xubin uga noqoto Guddiga Madaxa Bannaan ee Dastuurka. Golaha Wasiirada ayaa dood dheer ka dib si wadar-oggol ah u ansixiyey in Mumina Sheikh Omar ay xubin ka noqoto Guddiga Madaxa bannaan ee Dastuurka. Wasiirka Dastuurka iyo Wasiir ku xigeenka ayaa dadaal dheer ku bixiyey sidii booska bannaanaaday ay u buuxin laheyd shaqsi dumar ah oo leh waayo aragnimo, karti, hufnaan, aqoon iyo iyadoo horey dalka mas’uul uga soo noqotay. Golaha Wasiiradda ayaa Wasiirka iyo Wasiir ku xigeenka Dastuurka ku ammaanay dadaalkooda iyo soo xulitaanka shaqsi ku habboon xilkan culus, tanoo ah tallaabo horey loo qaaday.

Wasiirka Maaliyada ayaa ka warbixiyey horumarka laga sameeyey maamulka iyo maareynta Maaliyada oo mashruuca heshiiska geedi-socodka ee Deyn Cafiska (SMP) lagu guuleystay in dhammaan shuruudihii caalamka intooda badan la fuliyey, inta dhimana la rajeynayo in dhamaadka sanadka la dhameystiro, tanoo albaabada u furi doonta Soomaaliya in deymaha laga cafiyo, isla markaasna laga hirgeliyo mashaariic waaweyn sida wadooyinka, warshadaha, kaabayaasha dhaqaalaha si loo kobciyo dhaqaalaha dalka, loona abuuro shaqooyin horseeda nabad waarta. Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa hoosta ka xariiqay ahmiyada siyaasad ahaan iyo ajenda ahaan ee Dowlada Federaalka ay tahay in caalamka ay ku kalsoonaadaan nidaamka maamulka iyo maareynta maaliyada si dalka looga hirgeliyo mashaariic horumarineed.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre oo safar shaqo ku tagey shalay Baydhabo ayaa ku soo biirey golaha wasiirada ugana warbixiyey safarkiisa, oo uu sheegay in si heer sare ah loo soo dhoweeyey, isla markaasna uu wadatashiyo ballaaran la soo sameeyey Madaxweynaha Koofur Galbeed, maamulka, Madax dhaqameedka, dhalinyarada, haweenka, culumada iyo dhammaan qeybaha bulshada oo dhammaantood diyaar u ahaa xoojinta nidaamka dowliga ah. Ra’iisul Wasaraha ayaa sheegay in safarka uu baydhabo ku tagey ay qeyb ka tahay dardargelinta xoojinta xiriirka Dawlada Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada, isagoo ballanqaaday in mashaariic horumarineed laga fulin doono deegaanada Koofur-Galbeed oo ay ugu horeyso dhismaha waddada isku xirta Muqdisho iyo Baydhabo si shaqo abuur ay ugu noqoto dhalinyarada isla markaasna loo kordhiyo ganacsida iyo koboca dhaqaalaha dalka.

Ugu danbeyntii Wasiirka Arrimaha Dibedda Yusuf Garaad ayaa ka warbixiyey booqasho uu ku tagey dalka Mareykanka oo uu casuumaad ka helay Wasiirka Arrimaha Dibedda Mareykanka oo laga wada hadlay xiriirka Africa iyo US oo ay 37 Wasiir Arrimo dibadeed ee dalalka Africa ay halkaas ku sugnaayeen. Wasiir Yusuf ayaa sheegey inuu la kulmay Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Rwanda oo ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka labada dal, iyadoo Rwanda ay dhowaan Soomaaliya soo gaarsiisey daawooyin caafimaad oo 2 Milyan oo dollar lagu qiyaasay si bukaanka Isbitaalada ku jira loogu daaweeyo. Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa sheegey ahmiyada dalka Rwanda oo Soomaaliya ay wax badan ka baran karto bacdamaa ay duruufo adag ka soo gudubtay, maantana kor u qaaday dhaqaalaheeda.

R/W Khayre oo dhagax dhigay Xabsiga dhexe ee Baydhabo

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre, oo ay weheliyaan Wasiirro ka tirsan Xukuumadda, Xildhibaano iyo Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Mudane Shariif Xasan Sheekh Aadam ayaa maanta dhagax-dhigay xabsiga dhexe ee degmada Baydhabo oo laga dhisayo duleedka magaalada.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale booqasho ku soo maray goobta laga dhisayo Xabsigan oo noqon doona midka ugu weyn deegaanada Koonfur Galbeed. Wasiirka Caddaaladda Soomaaliya ayaa ugu horrayntii ka war bixiyey ahmiyadda uu dhismahan cusub ee xabsigu u leeyahay bulshada koonfur galbeed.

“Xabsigan cusub wuxuu meesha ka saarayaa baahidii loo qabay xabsi dhexe oo deegaanku yeesho. Waxaan rajeynayaa in marka uu dhamaado dhismaha xabsigan uu buuxin doono baahidii deegaanku u qabay. Iyadoo tani ay qeyb ka noqonayso qorshaha dawladda ee kor loogu qaadayo caddaaladda iyo amniga dalka.” Ayuu yiri R/Wasaare Khayre.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay inuu uga mahadcelinayo cid walba oo gacan ku siineysa sidii dalka oo dhan looga hirgelin lahaa mashaariic horumarineed oo lagama maarmaan u ah nolosha bulshada Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaaraha Khayre ayaa dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho, kadib, booqasho labo maalin ah oo ku joogay magaalada Baydhabo. Wuxuuna intii uu halkaasi ku sugnaa kulamo kala duwan la yeeshay, Madaxda Koonfur galbeed, Odayaasha dhaqanka, Bulshada rayidka iyo Ciidamadda Xoogga dalka iyo AMISOM oo dhammaantood ay isla soo qaadeen horumarinta iyo xoreynta deegaanada Koonfur Galbeed.

 

Guddoomiyaha G/SHabeelada Hoose oo digniin u diray burcadda dhaca geysata

0

Afgooye(SONNA)Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Shabeelada Hoose Ibraahim Aadan Cali (Najax) oo lahadlayay Wakaaladda wararka Qaranka Soomaaliyeed ee SONNA ayaa ka hadlay dhibaatooyin ka jira inta au dhexeysa degmooyinka Walaweyn iyo Afgooye ee Gobolkaasi.

Waxaa uu sheegay guddoomiyuhu in ay jiraan kooxo burcad ah oo dhibaatooyin isugu jira dhac iyo kufsi kula kacaya dadka ku safraya wadadaasi,isagoo digniin adag u diray kooxahaasi.

Guddomiye Najax ayaa ugu baaqey ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed ee ka howlgala deegaanadaasi in ay ka hortagaan falalka burcadnimo ee ku soo laalaabtay wadada isku xirtay Afgooye iyo Walaweyn ee Shabeelada Hoose.

Hadalka guddoomiyaha ayaa imaanaya iyadoo ay jiraan dad shacab ah oo ka cabanaya dhibaatooyin ay kooxaha qowlaysatada ah kala kulmaan inta ay ku safrayaan wadadaasi.

Taliyaha C.X.D oo tababar u soo xirey cutubyo katirsan ururka 60-aad+Sawiro

0

Muqdisho(SONNA) Cutubyo ka tirsan Ururka 60-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya ayaa maanta tababar u socday labo biloood loogu soo gabagabeeyay magaalada Muqdisho.

Taliyaha Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed Sarreeye gaas  C/weli Jaamac Xuseen (Gorod) ayaa xarunta Madaxtooyada Villa Somalia, tababarkan ugu soo xirey cutubyo katirsan Ciidanka Xoogga Dalka gaar ahaan Ururka 60-aad ee ilaalada madaxtooyada Soomaaliya.

Waxaa xiritaanka tababarkani goobjoog ka ahaa Taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed  S/gaas  Cabdiweli Jaamac Xuseen (Gorod) Abaanduulaha ciidanka Xoogga iyo Saraakiisha Madaxtooyada.

Difaaca, Asluubta, la macaamilka madaxda iyo shacabka ayaa qayb ka ahaa tababarka ciidankan la siiyay, Taliyaha Ururka 60-aad ee ciidanka Madaxtooyadda G/S,Axmed Maxamed Cali (,Afcaddey) ayaa sheegay iney dhowaan bilaabi doonaan Dufcadii saddexaad ayna mar kasta saraakiisha ciidanku u diyaarsan yihiin ciidanka dalka in laga dhiso dhan walba.

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Dhalinyarada Adeega dhiig bixiyaasha ee ka howlgala Gobolka Banaadir+Sawiro

0

Muqdisho(SONNA) Kulankaan oo Wasiirka Waarfaafinta,Dhaqanka iyo Dalxiiska  Xukumada Soomaaliya Eng, C/raxmaan Cumar Cusmaan Yariisow  kula kula qaatay xafiiskiisa dhalinyarada adeega dhiig bixiyaasha ee Gobolka Banaadir ayaa waxaa ku wehlinayay agaasimaha telefeshinka qaranka, iyadoo laagu hadlayay wacyigalinta muuhimada uu leeyahay in la ogaado qofka dhiigiisa nuuca uu yahay ,sido kale  hiigsiaga dhalinayaradaan ayaa ahaa in la helo Bangiga dhiiga ee Soomaaliya oo anan shaqeyna ka dib bur burkii dalka

Axmed Cabduqadir Maxamed oo ah Gudomiyaha Gudiga dhalinayarada adeegaha dhiig bixiyaasha ee Gobolka Banadir iyo Asmo C/casiis Xasan oo ah madaxa arrimaha bulshada ayaa waxay ka hadleen muhimada adeega dhiiga iyo waxa ku dhaliyay in ay ururkaan aas aasaan.

‘’’Waxaayabaha aan dar dargelineyno waxaa ka mid qof walbo oo maanta usameysan ID oo ku qoran magaciisa nuuca dhiiigiisa iyo nambarkiisa sii loo ogaado hadii si deg deg ah loogu baahdo”Ayuu yiri Axmed Cabdiqaadir oo ah Guddoomiyaha Guddiga dhalinyarada Adeega dhiig bixiyaasha Gobolka Banaadir.

Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukumada Sooomaaliya Eng: C/raxmaan Cumar Cismaan Yariisoow ayaa u mahad celiyay dhalinyaradaan waxaa uuna amaanay fikirkaan adeega dhiiga iyo sidii loo heli lahaa Bangiga dhiiga oo ay laheyd soomaaliya.

‘’’Waxaan aad ula dhacay sida ay ku bilaaben ama daraasaad ugu sameenyeen jaamacadaha iyo meelaha muhiimka ah iyadoo in la ogaado qofka nuuca dhiigiisa uu yahay iyo in la ogaado in lo baahanayahy bangiga dhiiga” ayuu yiri Eng: Yariisow.

Emmerson Mnangagwe”Zimbabwe waxaa u dhalatay Dimoqraadiyad cusub”

0

Zimbabwe(SONNA) Ninka bedeli doona madaxweynihii hore ee Zimbabwe Emmerson Mnangagwa ayaa bogaadiyay dimuqraadiyadda cusub ee ka dhalatay dalkaasi Zimbabwe isagoo amaanay Militariga.

Hadalkan ayaa ka dambeeyey kadib markii Mr Mnangagwa uu dib ugu soo laabtay dalka Zimbabwe si uu u badalo Robert Mugabe oo xilka ka dagay.

Waxa uu wacad ku maray in uu shaqooyin ka abuuri doono dalkaasi oo dadka ku nool 90% ay yihiin shaqo la’aan.

Waxaa uu sheegay hoggaamiyahan bedeli doona Mr Mogabe in uu doonaynayo in la kobciyo dhaqaalahah iyo Hormarinta Dalka.

Mr Mnangagwa, oo laba toddobaad ka hor u cararay dalka Koonfur Afrika ayaa lagu wadaa in loo dhaariyo xilka madaxwaynanimada maalinta jimcaha ,sida uu baahiyay TV-ga qaranka Dalkaasi Zimbabwe.

Shaqo ka cayrintii Mr Mnangagwe ayaa horseeday in ay xaaladda soo faragaliyaan militariga iyo xisbiga talada haya taasi oo ugu dambeyntii soo afjartay 37 oo uu dalkaasi ka talinayay Mugabe.

Emmerson Mnangagwe ayaa ku ammaanay militariga sida nabadda ah oo ay xilka ugala wareegeen Mugabe.

Wasaaradda Amniga oo soo bandhigtay macluumaad hor leh oo ku saabsan Weerarkii Soobe+Sawiro

0

Muqdisho(SONNA) Wasaaaradda Amniga Xukuumadda Soomaaliya ayaa soo bandhigtay macluumaad hor leh oo ku saabsan shabakadii fulisay weerarkii dadka badan ay ku dhinteen ee 14-kii October ka dhacay Isgoyska Soobe ee magaalada Muqdisho.

Macluumaadka ka soo baxay Wasaaradda Amniga ayaa sidan u Qoran:-

Hey’adaha ammaanka Soomaaliya ayaa weli sii wada baaritaannada ku aaddan dadkii loo qabtay qaarkood weerarkii 14-kii October lagu xasuuqa  boqollaal dad masaakiin ah.

Shaqsiyaadka la soo bandhigay ayaa qaarkood laga heyn sawiro,iyadoo Hay’adaha amaanka Dowladda ay sheegeen iney ku daba jiraan walina baaris ay socoto.

(Sawir malahan)- Mukhtaar Gar-dhuub oo loo yaqaanno Ceynaan ama Fanax waa madaxa Amniyaadka Al-shabaab waa ninkii dajiyey qorshaha xasuuqii Soobe, waxa uu ku sugnaa deegaanka Mubaarak ee gobolka Shabeellada Hoose waa lagu daba jiraa.

(Sawir malahan)- Cabdiweli  Cabdi-qani waa madaxa Qaraxyada gobolka Benaadir ee Al-shabaab, waxa uu amarka ugu dambeeya ka qaataa Mukhtaar Gar-dhuub waa lagu daba jiraa.

 

Xasan Aadan Isaaq waxaa loo diyaariyey markii hore in gaariga NOAH-da ah uu isku qarxiyo, waana isku xirihii weerarkii Soobe, waxaa gacanta ku haya hey’adaha amniga ka hor inta uusan qarxin gaariga NAOH oo uu watay.

 

Ali Yusuf Wa’eys (Duale) waxa ay ciidanka Amniga ku qabteen isaga oo weli uusan soo gaarin dhagar-qabihii gaariga  NOAH-da waday ee la qabtay.

 

gaarigii TM-ka ee SOOBE lagu qarxiyey waxaa waday naftii halige Xuseen Aadan Maadeey (Cusmaan Xaaji) ayuu ku magac dheeraa, Hooyadiis waxaa la yiraahdaa Faaduma Cismaan Cali deggan Mareerey.

“Gaariga TM-ka waxaa la gaday 18-08-2017-ka waxaa laga gaday (Sawir malahan)- Cabdullaahi Ibraahim Xasan, wuxuu ka iibiyey Xasan Aadan Cabdullaahi “Afrax” iyadoo lagu wareejiyey Nootaayo ku yaalla gobolka Benaadir”.

ninka Milkaalaha ah Cabdullaahi Ibraahim Xasan weli hey’adaha amniga gacanta kuma dhigin laakiin waxaa la shaacin doonnaa sawirradiisa, ciddiisa soo sheegtana waxaa la siin doonaa abaalmarin ay ku faraxdo.

“gaariga TM-ka ka hor inta uusan qarxin waxaa la saaray wadada Afgooye iyo Muqdisho si aanan looga shakin, safarkiisii ugu horreeyey waxa uu billaabay 13/09/2017-ka waxa uu qaadi jiray Galleyda darawalkii ku shaqeyn jiray waxa uu ahaa Xuseen Aadan Maadeey naftii “halige” ee SOOBE isku Qarxiyey.

 

Cabdiweli Axmed Diiriye ayaa dammiintay gaariga, TM-ka laakiin ciidanka amniga ayaa diidey oo ku qanci waayey.

 

Mukhtaar Maxamuud Xasan oo ah nin si weyn looga garanayey oo deegaanka Ceelasha Biyaha ayaa  ugu dambeyn gaariga TM-a dammiintay kaddib markii ciidanku ay ku qanceynna sidaa ayaa lagu sii daayey gaarigii.

 

Canshuur bixiyihii gaariga TM-ka waxaa lagu magcaabaa Cabdullaahi Cabdi Warsame oo hadda ku jira gacanta hey’adaha Amniga Soomaaliya.

Hey’adaha amniga Soomaaliya ayaa wada dhammeystirka xogta ama macluumaadkii ugu dambeeyey ee baaritaannada ay hadda ku howlan yihiin, si jawaabbo looga bixiyo gummaadkii Muqdisho ka dhacay 14-kii October ee 2017-ka, xogta oo dhanna dhowaan ayaad ka heli doontaan hey’adaha amniga Soomaaliya.

Wasiiro ka tirsan X.F.S oo Muqdisho ku soo dhoweeyay Ugaas Cumar Geele Maxamed+Sawiro

0

Muqdisho(SONNA) Ugaas Cumar Geelle Maxamed oo ka mid ah Duubabka dhaqanka ee ka soo jeeda deegaanada Maamulka Puntland oo ay wehliyaan Odayaal dhaqameedyo ayaa waxay ka soo degeen Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Ugaaska oo mudo 20-sano ah ku noolaa dalka Ingiriiska ayaa waxaa soo dhoweeyay Ra,iisul Wasaarhii hore ee soomaaliya Cali Maxamed Geedi Wasiirka Warfaafinta,dhaqanka iyo iyo Dalxiiska Xukuumadda Soomaaliya ,Wasiirka Qorsheynta,Xildhibaano ka kala tirsan Labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya iyo qaar ka mid ah duubabka dhaqanka.

Soo dhaweynta Ugaaska kadib,Ugu horeyn waxaa warfidiyeenada  la hadlay Xildhibaan Cumar Ismaaciil Waabari oo tilmaamay iney aad ugu faraxsan yihiin soo dhaweynta Ugaas Cumar haddii ay yihiin Xildhibaanada Labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya,islamarkana inta uu joogo Muqdisho wax badan ka faa’ideysan doonaan.

Wasiirka Warfaafinta,dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Soomaaliya Eng, C/raxmaan Cumar Cusmaan Yariisow ayaa sheegay iney ku faraxsan yihiin soo dhaweynta Ugaaska oo mudo 20-sano ka dib dalka dib ugu soo laabtay.

Sidoo kale,Waxaa madasha soo dhaweynta Ugaas Cumar Geelle Maxamed ka hadlay Ra’iisal wasaarihii hore ee Soomaaliya Mudane Cali Maxamed Geedi ayaa carabka ku adkeeyay in Dowladda Soomaaliya ay diyaar u tahay iney ka faa’ideysto hanaanka hogaanka uu qibrad fog u leeyahay Ugaaska maalmaha uu ku sii sugnaan doono magaalada Muqdisho.

Ugu danbeyntii,Ugaas Cumar Geelle Maxamed oo Garoonka kula hadlayay Wariyaasha ayaa marka hore u mahad celiyay dhamaan madaxda Qaranka iyo Duubabka dhaqanka sida wanaagsan ay ugu soo dhoweeyeen magaalada Muqdisho.