Home Blog Page 1426

Madaxweynaha Masar oo wacad ku marey in laga jawaabi doono weerarki dhacay

0

Masar(SONNA) Wararka ka imaanay adalka Masar ayaa sheegaya in Ciidamada Masar ay weerar dhanka cirka ah ku qaadeen kooxaha argagixisada ah oo la ruymaysan yahay in ay yihiin kuwii fuliyay weerar lagu qaaday Misaajid ku yaalla Gacanka Siinaay ee Dalka Masar,Weerarkaasi oo ay  ayaa waxa ku dhinteen 235 qof oo Misaajidkaasi ku cibaadaysanayay.

Ciidamadda Ammaanka Dalkaasi Masar ayaa waxa ay sheegeen in ay duqaynta la bartilmaameedsadeen gaarigii loo isticmaalay weerarka.

Madaxwaynaha Dowladda Masar Janaraal Cabdul Fatax al-Sisi ayaa wacad ku maray in weerarkaasi looga jawaabi doono gacan bir ah.

Dad ka ag dhawaa goobta qaraxaasi uu ka dhacay ayaa warbaahinta Masar u sheegay in ay arrintani ka dhacday magaalada Bir al-Abed ee u dhaw al-Arish ayna dhacday intii lagu gudo jiray Salaadda Jimcaha.

Booliiska deegaanka ayaa sheegay in ay rag rasaas ku fureen dad cibaadaysanaya, sida ay sheegtay wakaaladda wararka Mareykanka ee Associated Press.

Masar ayaa dagaal kula jirta kooxo argagixisada oo gobolkaas ku sugan, kuwaas oo weerarradooda sare u sii qaaday tan iyo 2013kii.

Inta badan wadanka Masar ayaa waxaa kajira weeraroa y geysanayaan kooxaha argagixisada,waxana u badan qaraxyo iyo weeraro fool ka fool ah.

Xildhibaano katirsan Golaha Shacabka oo la kulmay qaar kamid ah dadka baahiyaha gaarka ah qaba

0

Muqdisho(SONNA) Qaar ka mid ah Xildhibaanada Golaha shacabkaJamhuuriyadda  Federaalka Soomaaliya ayaa Magaalada Muqdisho kulan kula qaatay qaar ka mid ah dadka naafada ah oo ay dhageysanayeen baahiyaha gaarka ay qabaan, caqabadaha heysta,  iyo talooyinka ay ku biirinayaan sharciga Dadka baahiyaha gaarka qaba oo la doonayo in Baarlamaanka Dalka uu Ansixiyo dhowaan.

Kulankani oo ay ka soo qeyb galeen dadka baahiyaha gaarka qaba sida kuwa naafada, indhoolayaasha ayaa Xildhibaanadu waxa ay dhageysanayeen baahiyaha ay qabaan oo u baahan dowladda Soomaaliya ay wax ka qabato, waxaana dadkaasi ay soo bandhigeen caqabada ka heysta dhinaca nolosha sida in aan lagu saleynin marka la dhisayo guryaha iyo meelaha la isugu yimaado baahida dadka naafada ah sida in aysan kori karin Hoteelada, musqulaha aynan isticmaali karin iyo waxyaaba kale oo halkaasi ay ku soo bandhigeen.

Kulanka intii uu socday ayaa dadkii ka hadlay ee baahiyaha gaarka qaba ama Naafada  waxa ay codsadeen in loo sameeyo Wasaarad gaar ah oo quseysa naafada islamarkaana ka jawaabta baahiyahooda waxna u qabata iyaga, waxaana sidoo kale ay codsadeen in fursado dhinaca shaqada ah ay ka helaan hey’adaha dowladda sida dadka caadiga ahba ay u helaan.

Guddoomiyaha Guddiga Arrimaha Bulshada Golaha SHacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Xildhibaan Cali Jowhar oo isna halkaasi ka hadlay ayaa muujiyay sida muhiimka ay u tahay in ka garab istaago dadka naafada ah ayna helaan Xuquuqda ay u baahanyihiin, waxaana uu sheegay baahiyaha dadkaasi ay qabaan in ay u gudbin doonaan Xukuumadda ayna ku soo dari doonaan Talooyinka iyo cabashada ay muujiyeen Sharciga Dadka Baahiyaha gaarka ah qaba oo la doonayo in Baarlamaanka Soomaaliya la horkeeno si loo ansixiyo.

Sidoo Kale Xildhibaan Sadiiq Warfaa oo Kulankaasi soo qaban qaabiyay ayaa sheegay in  mar walbo ay u taaganyihiin ka warqabka bulshada ay matalaan iyo raadinta Xuquuqda ka maqan, waxaana uu xusay in dadkaasi naafada ah sababta ay isugu yeereyn ay tahay in ay ogaadaan caqabadaha heysta, iyo xuquuqda ka maqan si ay u raadiyaan ka Xildhibaanna ahaan maadaama ay qeyb ka yihiin dadka ay matalaan, isagoo intaa ku daray talooyinka iyo fikradaha ay soo jeediyeen in ay ku biirin doonaan sharciga dadka Baahiyaha Gaarka qaba, waxaana carabka uu ku adkeeyay  in ay joogteyn doonaan kulamada noocaan oo kale ah  bulshada qeybaheeda kale duwan ay la qaadanayaan.

Madaxweyne Farmaajo oo cambaareeyey qaraxii maanta ka dhacay Masjidul Rowdah ee dalka Masar

0

Muqdisho (SONNA), Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa si adag u cambaareeyey qaraxii maanta argagixisada ay ka geeysteen dalka masar, gaar ahaa masaajidul Rowdah oo ku yaalla waqooyiga magaalada Siinaay  ee dalkaasi, kaasi oo ay ku dhinteen 235 ruux, ayna ku dhaawacmeen 109 qof, kuwaasi oo dhammaan dad shacab ah oo aan waxba galabsan ahaa.                                                           .

Madaxweyne Farmaajo, ayaa sheegay in xanuunka uu la qeybsanayo dowladda masar iyo ehelada dadkii qaraxaasi ku waxyeeloobay, waxuuna dadka dhintay uu alle uga baryey in Janadiisa uu ugu Bishaareeyo, kuwa dhaawaca ahna uu deg deg ku bogsiiyo.                                     .

“Aniggoo ku hadlaya magaceyga iyo kan Shacabka Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya waxaan xanuunka la qeybsanayaa  dowladda Masar iyo shacabkeeda xanuunka iyo murugada ka dhalatay dadka sida arxan darrada ah loogu xasuuqay Masjidul Rowdah ee dalka masar ku yaalla, waxaan garab taaagan nahay  masar, waxaana ku garab siineynaa siddii argagixisada qeybo kamid aduunka dhibaatada ka wado uga adkaan laheyd, qaraxa maanta salaadda khudbada kadib ka dhacay Masjidul Rowdah waxay muujineysaa ficilada xun ee kooxaha Argaggixisada waana wax ka hor imaanayo diinta Islaamka ” ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo

Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta oo soo xiray Shirweynaha Hawl-wadeennada Shabakadaha Isgaarsiinta

0

Muqdisho(SONNA) Wasiirka Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyada, Mudane Cabdi Cashuur Xasan, ayaa soo xiray shirweynaha Madasha Hawl-wadeennada Shabakadaha Isgaarsiinta (Somali Network Operators Group – SOMNOG) oo lagu qabtay magaalada Muqdisho.

Shirweynahan oo socday 2 maalmood, waxaa ka soo qeyb galay in ku dhow 100 qof oo ka kala socda shirkadaha isgaarsiinta iyo internet-ka, jaamacadaha, xirfadleyda isgaarsiinta iyo internet-ka, ardeyda iyo Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyada. Shirweynahan wuxuu ku soo billowday tababar socday muddo 3 maalmood oo dhinaca farsamada ah, kaasoo oo lagu qabtay Jaamacadda City bartamihii bishii Okoobar ee la soo dhaafay.

Guddoomiyaha SOMNOG, Eng. C/laahi Biixi Xuseen, ayaa sheegay in shir-weynahan uu ahaa kii labaad ee la qabto, iyadoo ujeeddada shir-weynahan ay tahay sidii maamulayaasha iyo shaqaalaha farsamada ay isku weydaarsan lahaayeen aqoonta iyo waaya-aragnimada si loo horumariyo adeegyada teknoolojiyada ee dalka.

Wasiirka oo ka hadlayay xiritaanka shirka ayaa u mahad celiyay dhallinyaradii soo qabanqaabisay shirweynahan oo isku keenay bahweynta ka shaqeysa isgaarsiinta iyo internet-ka. Wasiiru wuxuu intaasi ku daray in sharciga isgaarsiinta ee dhowaan la ansixiyay uu nidaamin doono suuqa isgaarsiinta Soomaaliya, hirgelinta sharcigana kaalin weyn laga siiyo xirfadleyda.

“Dalka Soomaaliya wuxuu horumar degdeg ah ku gaari karaa haddii farsamada casriga ah looga faa’iideysto ganacsiga iyo nolosha inteeda kale. Sidaasi darteed, waxaan ku baaqeynaa in ganacsatada iyo waxbarashada ay ka wada shaqeeyaan sidii ay isugu xirmi lahaayeen waxbarashada iyo xirfadaha looga baahan yahay suuqa,” ayuu hadalkiisa ku soo gabagabeeyay wasiirku.

Wasiirka ayaa ugu dambeyntii u mahad celiyay shirkadaha SomTel, Somali Optical Network, Premier Bank iyo Jaamacadda City oo suurtogeliyay qabsoomidda shirweynahan, isagoo guddoonsiiyay shahaado-sharaf.

Dalka Zimbabwe oo maanta yeeshey madaxweyne cusub

0

Zimbabawe(SONNA) Dalka Zimbabawe ayaa maanta waxaa uu yeeshey Hogan cusub kadib markii xilka madaxweynaha loo dhaariyay Emmirson Mnangagwe oo badalaya madaxweynihii hore e e Dalkaasi Robert Mogabe.

Munaasabada dhaarinta ayaa waxaa ay ka dhacday garoonka ciyaaraha magaalada Harare ee xarunta Dalkaasi Zimababwe,waxaana uu qaada markiiba dad gaaraya 60,000 qof.

Xoogaga mucaaradka Dalka Zimbabwe ayaa waxaa ay ka dalbadeen hoggaamiyahan cusub in uu soo afjaro arrimaha musuq maasuqa oo dalkaasi hareeyey.

Waxaa uu horey u ahaa Mr Mnangagwa  madaxweyne ku xigeen, wuxuuna muddo aad u dheer lasoo shaqayanayay Mugabe oo xilka hayay muddo 37 sanadood ah,Xil ka qaadistiisii bishii hore ayaa ku kaliftay in xisbiga ZANU-PF iyo ciidammada ay awooda la wareegaan, Mugabe-na ku qasbaan in uu xilka ka dego.

Waxaa soconaya qorshe ku aadan sidii Mogabe oo u yeelan lahaa Xasaanada uu kaga badbaadayo in wax dembi ah lagu so ooogo.

Mnangagwa ayaa balanqaaday shaqo abuur xili heerka shaqo la’aanta Zimbabwe ay gaarayso boqolkiiba 90%.

Sanduuqa lacagta adduunka ayaa Zimbabwe ugu baaqday in ay la timaado isbadal degdeg ah, islamarkaasna hesho deymo.

Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka” Tirada Maxaabiista Soomaaliya ee ku xiran Xabsiyada caalamka hoos ayay u dhacday”

0

Muqdisho(SONNA) Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka Dr. Axmed Cali Daahir oo maanta marti ku ahaa Barnaamijka kulanka Todobaadka jimcaha ee ka baxa TV-ga Qaranka iyo Radio Muqdisho (Codka Jamhuuriyadda Soomaaliya) ayaa ka hadlay Arimo badan oo ka mid ah howsha xafiiska Xeer ilaaliyaha Qaranka iyo horumarada laga gaaray waajibaadka loo igmaday.

Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka Dr. Axmed Cali Daahir oo ka hadlayay Muwaadiniin Soomaaliyeed ee ku xiran xabsiyada caalamka ee lagu eedeeyay iney xiriir la yihiin falal burcad badeednimo ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliya ay ka war heyso xaalada muwaadiniintaasi,islamarkaana ay socdaan hanaan qaarkood lagula soo wareegayo.

Wuxuu sheegay Dr Axmed Cali Daahir in ku dhawaad 1024-ruux oo  muwaadiniin Soomaaliyeed ay ku xiran yihiin xabsiyada 22-dal oo ka ka mid ah caalamka,kuwaasi oo dhibaatooyin kala duwan la kulmaya.

Sidoo kale,Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa sheegay in si caadi ah hoos uga sii dhacayaan tirada maxaabiista ee ku xiran xabsiyada caalamka sida Siishalis,India,Kenya,Tanzaaniya,Cuman iyo waliba Wadamada Khaliijka.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu Dr. Axmed Cali Daahir wuxuu carabka ku adkeeyay iney socdaan dadaalo hadda la doonayo in lagula soo wareego   12-Qof oo muwaadiniin Soomaaliya oo  ku xiran dalka Siishalis,kuwaasi oo lagu eedeynayo falal burcad badeednimo.

Sidoo kale,dalka India ayuu sheegay iney u socdaan wada hadalo,islamarkaana ay kala saxiixdeen heshiisyo ay ka mid tahay isweydaarsi maxaabiis,islamarkaana hadda Dowladda ay qorsheyneyso sidii maxaabiis dhowr ah India ugala soo wareegi lahayd,sida uu Xeer ilaaliyaha hadalka u dhigay.

Dalka Cumaan,waxaana ku xiran ku dhawaad 34-ruux oo lagu eedeynayo falal burcad badeednimo,wuxuuna Dr. Axmed Cali Daahir farta ku goday iney ku daba jiraan sidii loo soo sii deyn lahaa Maxaabiistaasi.

Ugu danbeyntii,Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka Dr. Axmed Cali Daahir ayaa xaqiijiyay iney jiraan Dalal badan oo ay kula jiraan wada hadalo lagu soo sii deynayo maxaabiista muwaadiniinta Soomaaliyeed si ay haddii ay jirto danbiga lagu eedeynayo loogu qaado wadankooda Hooyo.

Dhalinyaro badan oo Soomaaliyeed ayaa ku dhibaateysan xabsiyada dalalka caalamka kuwaasi oo lagu eedeynayo danbiyo kala duwan,waxayna Dowladda Soomaaliya dadaal ku bixineysaa sidii dhalintaasi dib loogu soo celin lahaa dalkooda Hooyo.

Guddoomiyaasha Golaha Shacabka JFS iyo kan baarlamaanka Jabuuti oo gor dhow gaaray Baladweyne

0

Baladweyne(SONNA)Wafdi Ballaaran oo uu  hoggaaminayo guddoomiyaha Golaha SHacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa goor dhow gaaray magaalada Baladweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan.

Waxaa kamid ah wafdigaasi Guddoomiyaha Baarlamaanka Dalka Jamhuuriyadda Walaalaha nahay ee Jabuuti Maxamed Cali Xaamud oo booqasho ku jooga Soomaaliya,Taliyaha guud ee Ciidanka AMISOM, xubno ka tirsan Golayaasha ka la duwan ee Dowladda.

Garoonka diyaaradaha magaalada Baladweyne ayaa waxaa ku soo dhaweeyey mas’uuliyiinta maamulka Hirshabeele oo uu ugu horeeyo Madaxweyne Maxamed Cabdi Waare iyo maamulka gobolka Hiiraan,waxaana loo gudbiyay gudaha magaalada Baladweyne.

Ujeedada socdaalka wafdigan ayaa ah sidii guddoomiyaha baarlamanka Jabuuti iyo wafdigiisa ay u soo booqan lahaayeen Ciidamada Jabuuti ee ku sugan Gobolka Hiiraan,halkaasi oo ay kula kulmi doonaan madaxweynaha Hirshabeelle,saraakiisha AMISOM iyo kuwa Ciidanka Xoogga Dalka oo halkaasi Jooga.

Wafdiga guddoomiyaha Baarlamanaka Jabuuti inta uu joogo Soomaaliya waxaa uu ka qeybgalaya shirka xildhibaanada Golaha shacabka halkaasi oo uu khudbad u kaga hadlayo xiriirka walaaltinimo ee labada dal ka jeedin doona.

Shir looga hadlayay la dagaalanka Al-Shabaab oo ka dhacay Gaarisa+(Sawiro)

0

Muqdisho( SONNA) Shir looga hadlayay iskaashi laga sameeyo dagaalka Al-Shabaab,xoojinta Ganacsiga iyo iskaashi dhanka maamulka oo u dhaxeeya maamulada Jubbaland iyo ismaamulka Gaarisa ayaa xalay lagu soo gabagabeeyay magaalada Gaarisa ee Waqooyi bari dalka Kenya.

Shirkaan oo mudo labo cisho ah ka socday magaalada Gaarisa ayaa waxaa soo qaban qaabiyay Urur Goboleedka IGAD iyo Hay’ado Nabad ka shaqeeya,waxaana dhanka Maamulka Jubbaland uga soo qeyb galay Mas’uuliyiin ka socotay degmooyinka Badhaadhe iyo Dhoobley halka maamulka Gaarisa ay u matalayeen Ergooyin ka socotay degmooyinka Dadab iyo Faafi oo oo dhaca Xuduuda kala qeybiya Kenya iyo Soomaaliya.

Inta uu socday shirka ayaa Labada dhinac waxay si xooggan iskula jeex jeexeen sidii iskaashi buux Labada maamul uga sameyn lahaayeen xagga amniga,islamarkaana meel looga soo wada jeesto Ururada Argagixisada sida Al-Shabaab loona sii laba jibaari lahaa dagaalka lagula jiro.

Mas’uuliyiin ka socotay Ururada IGAD iyo kuwa Nabada ka shaqeeya ee shirka soo qaban qaabiyay,islamarkaana hadalo kooban ka jeediyay shirka ayaa sheegay iney muhiim tahay in Labada maamul ee Jubbaland iyo Gaarisa ka shaqeeyaan amniga iyo iskaashiga xaga ganacsiga iyo dhanka maamulka.

Waxuuna shirka socday mudada labo cisho ah waxaana soo xiray Guddoomiye ku-xigeenka ismaamulka Gaarisa Cabdi Dhaqane Maxamed oo kula dardaarmay ka qeyb galayaasha, shirka waxii looga hadlay in ay la wadaagaan maamuladii ay ka kala yimaadeen,islamarkaana qodobada lagu heshiiyay la dhaqan geliyo.

Deegaanada Maamulka Gaarisa waxaa marar badan falal amniga lidi ku ah ka geystay Kooxda Nabad diidka Al-Shabaab,kuwaasi oo dilay dad isugu jira askar iyo Dad rayid ah.

Zimbabawe: Emmirson Mnangagwe oo maanta loo dhaarinayo xilka madaxweynaha

0

Zimbabwe(SONNA) Qaban qaabo ku aadan sidii xilka madaxtinimo ee Dalka Zimbabwe loogu dharin lahaa Emmirson Mnangagwe ayaaa ka soconaysa magaalada Haraare ee xarunta Dalka Zimbaabwe.

Waxaa lagu wadaa in maanta oo ah maalin Jimco ah waqtiyada soo socda loo dhaariyo si KMG ah xilka madaxweynaha wadankaasi kadib markii dhawaan uu xilkii ka degay madaxweynihii hore ee dalkaasi Robert Mogabe.

Hoggaamiyaha lagu wado in uu qabto xilka madaxwaynanimada Zimbabwe Emmerson Mnangagwa ayaa dhawaan waxaa uu sheegay in uu xoogga saari doono dhiirogelinta hanaanka dimoqraadiyada dalkaasi ka curtay.

Mr Mnangagwa ayaa markii uu dib ugu soo laabtay dalka Zimbabweuu xusay in qorshihiisu uu yahay si uu u badalo Robert Mugabe oo xilka ka dagay,Waxana uu wacad ku maray in uu shaqooyiin ka abuuri doono dalkaasi oo dadka ku nool 90% ay yihiin shaqo la’aan,iyo sidii loo horumarin lahaa dhaqaalaha wadankaasi.

Emmerson Mnangagwa ayaa ku ammaanay militariga sida nabadda ah ee ay xilka ugala wareegeen Mugabe oo 37 sano xukumayay awadankaasi Zimbabwe.

Waxaa lafilayaa in dabayaaqada sanadka 2018 ay dalkaasi ka dhicidoonto doorasho guud oo loo qabto shacabka reer Zimbabwe waqtigaasi oo ay go’aansan doonaan mustaqbalkooda

Jubblanad oo xooga saareysa waxbarashada caruurta ka soo laabatay Qoxootiga Kenya

0

Kismaayo(SONNA) Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Waxabarshada Jubbaland Axmed Handal Madax hay’ada  Qaxootiga Jubbaland Maryan Ow Cali Iyo Maamulayaasha Iskulaadka Magaalada Kismaayo Ayaa Kulanka Kasoo Qayab Galay,waxaana lagu falanqeeyey arrmaha waxbarashada dadka danyerta ah.

Ujeedada ugu weyn ee kulankaasi ayaa ahaa sidii loo dhiiro gelin lahaa fursadaha waxbarasho oo ay helaan ardayda ka soo laabatay xeryaha qoxotiga ee Dalka Kenya,Maamulaha Iskuulka Guulwade Ayaa sheegay in qayb ka yihiin ardayda wax ka barta iskuulada ku yaal magaalda kismaayo  ardaydii qaxootiga dib uga soo laabtay.

Madax  hay’adda  Qaxootiga iyo barakacayaasha  Jubbalaand Maryan OW  Cali Ayaa sheegtay in muhiim ay tahay in xoogga la saaro sidii ardaydaasi u heli lahayeen si aysan uga kala go’in waxbarashadoodi hore.

Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Waxabarshada Jubbaland Axmed Hanadal Ayaa sheegay Wasaaraddu dadaal ku bixisay xoojinta waxbarashada ardyada ka soo noqday qaxootiga.

Wasiir kuxigeenka ayaa sidoo kale sheegay in xarumaha waxbarashada ay ka jiraan ciriiri oo fasalad iyo ardayda ay kala badan yihiin.