Home Blog Page 1426

R/wasaare ku xiggeenka XFS oo furay Mashruuc Gurmad ah oo Hay’adda Gargaarka  Qatar ay maalgalineyso “Sawirro”

0

Muqdisho (SONNA) Ra’iisul wasaare ku xiggeenka Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Mahdi Maxamed Guuleed oo ay wehliyaan Wasiirka Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka, Marwo Maryan Qaasim Maxamed, ayaa daah furay Mashruuc Seddex bil socon doonna oo lagu caawinayo Dadkii waxyeelada ay kasoo gaartay qaraxii Zoobe.

Mashruuca uu daah furay Ra’iisul wasaare ku xigeenka XFS, ayaa waxaa fulinaya Hay’adda Gargaarka Qatar, waxaana uu ka kooban yahay Mashuuracan oo inta uu socda dadka bukaanka ah ay heli doonaan Daawo, Raashin, Lacag iyo Gaadiidka Gurmadka deg dega ah.

Wasiirka Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka, Marwo Maryan Qaasim Maxamed, ayaa sheegtay in qaraxii ka dhacday KM5 ay tahay Musiibo qaran, iyaddoo Ummadda Soomaaliyeed ugu baaqday in loo soo wado gurmado Walaalaha Soomaaliyeed ee Dhibaneyaasha ah.

Ra’iisul wasaare ku xiggeenka Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Mahdi Maxamed Guuleed, ayaa si rasmi ah u daah furay Mashuuracan, waxaana isna uu ku baaqay in si wada jir ah looga wada qeyb qaato Gurmadka Qaran.

Guddoomiyaha maxkamada sare ee Dalka oo lacag ugu deeqay dadkii ku waxyeeloobay qaraxii muqdisho

0

Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee Dalka, Mudane Ibraahim Iidle Suleymaan oo ay la wehliyeen Guddoomiyaha Maxkamadda Racfaanka, Saalax Sheekh Ibraahim Dhiblaawe, iyo Qaar kamid ah Garsooreyaasha dalka, ayaa maanta booqday Xarunta Gurmad qaran ee Magaaladda Muqdisho, halkaasi oo kormeer ay ugu guur galayeen sida ay Howlaha gargaar u socdaa ku tagey.

Guddoomiyaha Maxkmadda sare ee Dalka, Mudane Ibraahim Iidle Suleymaan oo la kulmay Guddiga Qaran ee qaraxii Zoobe, ayaa sheegay in guddigaasi ay ku warreejinayaan Deeq lacageed oo gaareysa 20.000$, si loogu dardar galiyo Howlaha gargaar ee Guddiga uu wado.

Ibraahim Iidle Suleymaan, Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee Dalka , ayaa boggaadiyey Howsha qaran ee ay Ummadda Soommaaliyeed u hayaan Guddiga, isagoo tilmaamay in Lacagtii guddiga gurmadka ay ku warreejiyeen ay iska arruuriyeen Guddoonka Maxkamadda iyo garsooreyaasha Dalka.

Ugu dambeyntii Wafdiga uu hoggaaminayey Guddoomiyaha Maxkmadda sare ee dalka, ayaa kormeeray qeybaha kala duwan ee dhismaha uu ku shaqeeyo guddiga, iyagoo xog wareystay qaar kamid ah dhalinyaradda Soomaaliyeed ee sida mutadawacnimada ah ugu addeegaya Bulshadooda.

Dibadbaxyo waaweeyn oo maanta ka dhacay Dhuusamareeb iyo Guriceel

0

Dibadbaxyadii ugu ballaarnaa oo looga soo horjeedo falalka guracan ee maleeshiyaadka Shabaab iyo xasuuqii ka dhacay isgoyska Soobe ayaa maanta lagu qabtay magaalooyinka Dhuusamareen iyo Guriceel.

Wariyaha nooga soo warama deegaannadaasi Maxamed Deeq Cabdi Maxamed ayaa soo sheegaya in dibadbaxani ay ka qeybqaateen kumannaan dadweyne ah oo aad uga careysnaa xasuuqii lagu laayay boqolaal shacb Soomaaliyeed ah oo aan waxba galabsan.

Banaanbaxayaasha oo badankood madaxa ku soo xirtay weer gaduudan ayaa ku qeylinayay ereyo ka dhan ah maleeshiyaadka Shabaab, waxeyna socod ku soo mareen wadooyinka magaalooyinkaasi.

Mas’uuliyiin la hadashay dibadbaxayaashaasi ayaa dalbaday in meel looga soo wada jeesto maleeshiyaadka Shabaab, iyagoo sheegay in la gaaray xilligii midnimada ummadda iyo baaba’ maleeshiyaadka Shabaab.

Dibadbax looga soo horjeedo argagixisada Shabaab oo maanta ka dhacay Baydhabo

0

Dibadbax aad u ballaaran oo looga soo horjeedo qaraxi Soobe iyo falalka arxan darrada ah ee maleeshiyaadka Shabaab ayaa maanta ka dhacay magaalada Baydhabo.

Wariyaheena nooga soo warama Baydhabo Siraaji Sheekh Isxaaq ayaa soo sheegaya in dibadbaxan ay ka qeybqaateen Kumanan dadweyne ah kuwaasoo socod kusoo maray wadooyinka waaweyn ee magaaladaasi, waxeyna ku qeylinayeen ereyo ka dhan ah maleeshiyaadka Shabaab    .

Dibad Baxayaasha ayaa sheegay in xiligan la joogo wakhtigii loo midoobi lahaa la dagaalanka Al shabaab . waxaana Dhaliyarada Boroordiiqaysay ay wacad ay ku mareen  in ay u dhimandoonaan Difaaca dalkooda.

Ficillada waxuushnimada ah ee Al shabaab ay sameeyaan ayaa ah kuwo Marwalba Bulshada Soomaaliyeed ku abuura . Murugo . Balse Xasuuqan ka dhacey Soobe ayaa u muuqada mid mideynaya dareenka Ummadda Soomaaliyeed . madaama Shabaab ay u soo jeesteen daadinta dhiigga shacabka Soomaaliyeed ee abriyada ah.

Dowladda Soomaaliya oo soo bandhigeysa baaris hordhac ah oo lagu sameeyey qaraxii Zoobe

0

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, ayaa sheegtay in caawa ay shaacin doonto Xogta rasmiga ah ee ku saabsan qaraxii Kooxda Argagixisada ah ee Alshabaab ay ka geeysteen KM5 ee Magaaladda Muqdisho.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane C/raxmaan Cumar Yariisoow oo Warbaahinta Qaranka la hadlay, ayaa sheegay in Hay’addaha amaanka caawa ay soo bandhigi doonaan Xogta rasmiga ah ee Qaraxii Zoobe.

Diyaarad sidday Dawo uu soo dhiibay Maamulka Puntland oo soo gaartay Muqdisho

0

Iyadoo weli ay soconayaan howlaha loogu gurmanayo dadkii ku waxyeeloobay qarixii ka dhacay Isgoyska Soobe ayaa Dowlad Goboleedka Puntland waxaa uu ka qeyb qaadanayaa howlahaasi samafalka ah.

Diyaarad sidda daawo uu soo dhiibay maamulka Puntland ayaa ka soo degtay Garoonka Diyaaradaha ee magaalada Muqdisho,waxaana loogu talagalay daawadaasi in lagu baxnaaniyo dadka ay mashaqadu saameysay.

Waxaa garoonka ku soo dhaweeyey wefdi dhaqaatiir ah oo dawooyinkasi la socday,Guddoomiye ku xigeenka 2-aad ee Golaha Shacabka Mahad Cabdalla Cawad,iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Dowladda Soomaaliya.

Mas’uuliyiinta Dowladda Federaalak Soomaaliya ayaa uga mahad naqay Dowlad Goboleedka Puntland sida ay uga qeyb qaadanayso ka maamul ahaan howlaha gurmadka ah iyo sidoo kale maamulada kale ee Dalka kajira.

Ra’iisul Wasaare Khayre oo la kulmay Guddiga Gurmad Qaran ee dhacdadii 14-kii October

0

Muqdisho, 18, October 2017—–Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa kormeer ku tagey xarunta gurmad qaran, wuxuna halkaasi warbixino uga dhageystay qaar kamid ah xubnaha guddiga iyo dhalinyaro Soomaaliyeed ee is xil-qaantay una istaagay iney caawiyaan dadkii ay saameysay dhibaatadu.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa uga mahadceliyey dhalinyarada Soomaaliyeed ee doorka fir-fircoon ka qaatay sidii gurmad loogu fidin lahaa dadkii ay dhibaatadu ka soo gaartay qaraxii ka dhacay isgoyska Zoobe 14-kii bishan October. Isagoo ugu baaqay iney sii wadaan dadaalka ay ku caawinayaan shacabka dhibaateysan.

Mudane Xasan Cali Khayre ayaa sheegay in doorka ay maanta qaateen ee gurmadka ay sii wadaan. Wuxuuna cadeeyey in haddii la helo midnimo iyo wadajir laga guuleysan karo cadow walba oo dhibaatu ku ah shacabka Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa xarunta gurmadka kula kulmay haweeney Soomaaliyeed oo wadata labo caruur ah seygeediina ku weydey qaraxii isgoyska Zoobe . Ra’iisul Wasaaraha ayaa uga tacsiyeyey dhibaatada soo gaartay, isla markaana ay dawladdu xil iska saari doonto wax u qabashada dhibanayaasha ay dadkoodii xasuuqeen Argagixisadu.

—DHAMMAAD—- 

Muqdisho oo guud ahaan maanta laga banaan baxay iyo Shabaab oo la wada nacay

0

Kumanaan shacabka reer Muqdisho ayaa maanta waxaa ay dhigeen banaan baxyo ballaaran oo ka dhan ah maleeshiyada Shabaab iyo qarixii ISgoyska Soobe oo dad badan ay ku waxyeeloobeen.

Waddooyinka magaalada Muqdisho ayaa maanta xiran waxaana la arkayay dadweyne aad u farabadan kuwaasi oo careysan fililada guracan ee Shabaab.

Dadkani oo wejiyohoodi laga dheehan karay sida ay uga soo horjeedaan dhibaatada Shabaab ayaa ku dhawaaqayay hal ku dhigyo ku qotoma Shabaab dooni mayno iyo ereyo kale.

Guddoomiyaha maamulka Gobolka Banaadir iyo mas’uuliyiin kale ayaa ka qeyb qaatay dibad baxaasi,waxayna shacabka ku dhiiro geliyeen in ay u midoobaan sidii looga hortagi lahaa khataraha Shabaab.

Ra’iisul wasaare Kheyre iyo ku Xiggeenkiisa oo soo booqday Xarunta Gurmad qaran ee Magaaladda Muqdisho “Sawirro”

0

Muqdisho (SONNA) Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Kheyre oo uu wehliyo R/wasaare ku xiggeenka Xukuumadda, ayaa hadda soo booqday Xarunta Gurmad qaran ee Magalaadda Muqdisho, halkaasi oo ay ka socdaan Howlo loogu gargaarayo dadkii ku waxyeeloobay Qaraxii Zoobe ka dhacay 14kii Bishaan.

sidoo kale R/wasaare Kheyre iyo Ku xiggeenkiisa, ayaa Xarunta gudaheeda kulan kula qaadan doonno Guddigii loo xil saaray u gurmashada dhibaneyaashii waxyeelada ay kasoo gaarta Qaraxii Magaaladda Muqdisho ka dhacay.

Mudane Xasan Cali Khayre ayaa sheegay in doorka ay maanta qaateen ee gurmadka ay sii wadaan. Wuxuuna cadeeyey in haddii la helo midnimo iyo wadajir laga guuleysan karo cadow walba oo dhibaatu ku ah shacabka Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa xarunta gurmadka kula kulmay haweeney Soomaaliyeed oo wadata labo caruur ah seygeediina ku weydey qaraxii isgoyska Zoobe . Ra’iisul Wasaaraha ayaa uga tacsiyeyey dhibaatada soo gaartay, isla markaana ay dawladdu xil iska saari doonto wax u qabashada dhibanayaasha ay dadkoodii xasuuqeen Argagixisadu.

Gobolada Dalka oo ka socoda banaan baxyo ka dhan ah Shabaab

0

Dibadbax aad u ballaaran oo looga soo horjeedo qaraxi Soobe iyo falalka arxan darrada ah ee maleeshiyaadka Shabaab ayaa maanta ka dhacay magaalada Baydhabo.

Wariyaheena nooga soo warama Baydhabo Siraaji Sheekh Isxaaq ayaa soo sheegaya in dibadbaxan ay ka qeybqaateen Kumanan dadweyne ah kuwaasoo socod kusoo maray wadooyinka waaweyn ee magaaladaasi, waxeyna ku qeylinayeen ereyo ka dhan ah maleeshiyaadka Shabaab    .

Dibad Baxayaasha ayaa sheegay in xiligan la joogo wakhtigii loo midoobi lahaa la dagaalanka Al shabaab,waxaana Dhaliyarada Boroordiiqaysay ay wacad ay ku mareen  in ay u dhimandoonaan Difaaca dalkooda.

Ficillada waxuushnimada ah ee Al shabaab ay sameeyaan ayaa ah kuwo Marwalba Bulshada Soomaaliyeed ku abuura . Murugo . Balse Xasuuqan ka dhacey Soobe ayaa u muuqada mid mideynaya dareenka Ummadda Soomaaliyeed . madaama Shabaab ay u soo jeesteen daadinta dhiigga shacabka Soomaaliyeed ee abriyada ah.

Dhanka kale Dibadbaxyadii ugu ballaarnaa oo looga soo horjeedo falalka guracan ee maleeshiyaadka Shabaab iyo xasuuqii ka dhacay isgoyska Soobe ayaa maanta lagu qabtay magaalooyinka Dhuusamareen iyo Guriceel.