Xildhibaano katirsan Golaha Shacabka oo la kulmay qaar kamid ah dadka baahiyaha gaarka ah qaba

Date:

Muqdisho(SONNA) Qaar ka mid ah Xildhibaanada Golaha shacabkaJamhuuriyadda  Federaalka Soomaaliya ayaa Magaalada Muqdisho kulan kula qaatay qaar ka mid ah dadka naafada ah oo ay dhageysanayeen baahiyaha gaarka ay qabaan, caqabadaha heysta,  iyo talooyinka ay ku biirinayaan sharciga Dadka baahiyaha gaarka qaba oo la doonayo in Baarlamaanka Dalka uu Ansixiyo dhowaan.

Kulankani oo ay ka soo qeyb galeen dadka baahiyaha gaarka qaba sida kuwa naafada, indhoolayaasha ayaa Xildhibaanadu waxa ay dhageysanayeen baahiyaha ay qabaan oo u baahan dowladda Soomaaliya ay wax ka qabato, waxaana dadkaasi ay soo bandhigeen caqabada ka heysta dhinaca nolosha sida in aan lagu saleynin marka la dhisayo guryaha iyo meelaha la isugu yimaado baahida dadka naafada ah sida in aysan kori karin Hoteelada, musqulaha aynan isticmaali karin iyo waxyaaba kale oo halkaasi ay ku soo bandhigeen.

Kulanka intii uu socday ayaa dadkii ka hadlay ee baahiyaha gaarka qaba ama Naafada  waxa ay codsadeen in loo sameeyo Wasaarad gaar ah oo quseysa naafada islamarkaana ka jawaabta baahiyahooda waxna u qabata iyaga, waxaana sidoo kale ay codsadeen in fursado dhinaca shaqada ah ay ka helaan hey’adaha dowladda sida dadka caadiga ahba ay u helaan.

Guddoomiyaha Guddiga Arrimaha Bulshada Golaha SHacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Xildhibaan Cali Jowhar oo isna halkaasi ka hadlay ayaa muujiyay sida muhiimka ay u tahay in ka garab istaago dadka naafada ah ayna helaan Xuquuqda ay u baahanyihiin, waxaana uu sheegay baahiyaha dadkaasi ay qabaan in ay u gudbin doonaan Xukuumadda ayna ku soo dari doonaan Talooyinka iyo cabashada ay muujiyeen Sharciga Dadka Baahiyaha gaarka ah qaba oo la doonayo in Baarlamaanka Soomaaliya la horkeeno si loo ansixiyo.

Sidoo Kale Xildhibaan Sadiiq Warfaa oo Kulankaasi soo qaban qaabiyay ayaa sheegay in  mar walbo ay u taaganyihiin ka warqabka bulshada ay matalaan iyo raadinta Xuquuqda ka maqan, waxaana uu xusay in dadkaasi naafada ah sababta ay isugu yeereyn ay tahay in ay ogaadaan caqabadaha heysta, iyo xuquuqda ka maqan si ay u raadiyaan ka Xildhibaanna ahaan maadaama ay qeyb ka yihiin dadka ay matalaan, isagoo intaa ku daray talooyinka iyo fikradaha ay soo jeediyeen in ay ku biirin doonaan sharciga dadka Baahiyaha Gaarka qaba, waxaana carabka uu ku adkeeyay  in ay joogteyn doonaan kulamada noocaan oo kale ah  bulshada qeybaheeda kale duwan ay la qaadanayaan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo shaaciyay Jadwalka Doorashooyinka D/Gobolleedyada

Guddiga Madaxa bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha (...

Wasiirka Warfaafinta oo hambalyo u diraybahda warbaahinta munaasabadda 3-da May

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...

Wasiirka Warfaafinta oo furay tababar ku saabsan Ka hortagga tabinta hadallada naceybka ee xilliyada doorashooyinka

Aqoon-isweydaarsigan oo soconaya muddo laba maalmood ah waxaa ka...

Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Koonfur Galbeed oo kulan la qaatay Agaasimiyaasha Guud ee Wasaaradaha

Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Dowladda Koonfur Galbeed, Mudane Cali...