Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug oo ka hadlay Wada hadalada Galmudug iyo Ahlu suna uga bilowday Jabuuti

Date:

Muqdisho(SONNA) Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Cali Gacal Casir oo wareysi siiyay Warbaahinta Qaranka ayaa ka hadlay dadaalada lagu nabadeynayo deegaanada Galmudug,wuxuuna dhanka kale ka hadlay hadal maalmahaan la isla dhexmarayay oo ku aadan inuu khilaaf ka dhex taagan yahay madaxda Galmudug,balse wuxuu carabka ku adkeeyay iney heshiis yihiin madaxda Galmudug.

Dhinace kale, Cali Gacal Casir Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug oo ka hadlayay Wada hadalada Maamulka Galmudug iyo Ahlu suna uga furmay dalka Jabuuti ayaa sheegay in rajo wanaagsan laga qabo mira dhalka shirkaasi,islamarkaana muhiimadda ay tahay in la isku soo dhawaado.

Waxaa magaalada Djabuuti ee caasimada dalka Jabuuti wada hadalo uga bilowday Maamulka Galmudug iyo Ahlu suna oo ku kala aragti duwan hanaan wadaagida maamulka Galmudug,waxaana shirkaasi dadka siyaasadda falanqeeya ay sheegayaan iney ka soo baxaan natiijo lagu farxi karo.

Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Ducaalle Geele Xaaf iyo ku-xigeenkiisa Maxamed Xaashi Carabey ayaa ku sugan magaalada Jabuuti halkaasi oo ay wada hadal kula leeyihiin mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Ahlu suna oo ugu horeeyo Hoggaamiyaha maamulka Ahlusanada Gobolada dhexe Sheikh Maxamed Shaakir Cali Xasan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiiru Dowlaha Gaashaandhigga oo Muqdisho ku soo dhaweeyay Wasiirka Gaashaandhigga Komoros

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cumar...

Shirka dib-u-eegista wadashaqeynta Soomaaliya iyo Itoobiya oo ka furmay Addis Ababa

Shirka dib-u-eegista dhexe ee Guddiga Farsamo ee wasaaradaha Soomaaliya...

Wasiir Fiqi oo ka qeyb-galay  munaasabadda xil-wareejinta Taliyaha cusub ee EUTM    

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Masuuliyiin bogaadiyeen Ololaha Is-diiwaangalinta doorashooyinka oo ka socda Muqdisho 

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Amniga ee Xukuumadda Federaalka, Maxamed Cali...