Home Blog Page 1414

Hoos u dhac ku yimid ganacsigii ay lahaayeen Soomaalida K/Afrika+Sawirro

0

K/Afriak(SONNA) Kulankan oo ay soo qaban qaabisay Safaaradda Soomaaliya ee K/Afrika laguna qabtay Xarunta Safaaradda ayaa waxaa ka qeybgalay Safiiirka Soomaaliya ee dalkaasi,Madaxda Safaaradda,ganacsato Soomaaliyeed oo ka kala yimid Gobolada ay Soomaalida u badantahay ee dalka South Africa waxaana kulanka looga hadlayay arrimo badan oo quseeya ganacsiga Soomaalida.

 

Waxaa lagu falanqeeyay intii uu socday kulanka sidii looga hortagi lahaa dhibaatooyinka ganacsatada Soomaalida ka heysta dhanka ganacsiga, Suuqyada Dalka K/Afrika, sidii dabagal loogu sameyn lahaa weerarada loo geysto Soomaalida, iyo waliba arrimo la xiriira sharciyada iyo qodobo kale oo muhim ah .

Ganacsatada kulanka ka qeybgalay ayaa sheegay in uu jiro hoos u dhac ku yimid ganacsiga Soomaalida ay ku lahaayeen deegaanada tuulooyinka ah, sidoo kale waxaa ay xuseen in  barakicin xoogan  lagu haayo goobaha ganacsiga Soomaalida taa oo timid markii inta badan goobaha ganacsiga Soomaalida laga iibiyay ganacsato Ajaanib ah,taana ay keeni karto in Soomaalida laga saaro suuqyada ganacsiga ee dalkaan Koofur Afrika oo hore ay si weyn uga dhax muuqdeen.

Ka soo qeybgalayaasha shirka qaar ka mid ah oo hadlay waxaa ay sheegeen in dhibaatooyinka soo cusboonaday qaarkood ay sababeen caqabado heysta milkiilayaasha goobaha ganacsiga Soomaalida ee ku yaala deegaanada tuulooyinka ah,waxaana caqabadahaasi ay isugu jiraan kuwa la xariira arrimo amni iyo qaar kale oo ka timid shaqaalo la’aan ku dhacday goobaha ganacsi oo ay dhalinyaradii ka shaqeyn laheyd qaarna ay sharciyadii ku dhiban yihiin kadibna dalkii isaga laabtay ama u tahriibay dalal kale ee caalamka.

Safiirka Dowlada Soomaaliya u fadhiya dalka K/Afrika Danjire Jamaal Maxamed Barrow oo kulanka soo gaba gabeeeyay ayaa u balan qaaday Soomaalida Dalkaaskunool in ay dowr weyn ka cayaari doonaan isla markaana ay safaaradda diyaarisay qorshe sanadka 2018 isbdal weyn loogu sameeynayo.

“Safaarada waxaa ay diyaarisay qorshe cusub oo lagu howlgalayo sanadka 2018 ka haduu Alle na gaarsiiyo, waxaan noo diyaar ah in wado walba aan u marno sidii aan ku badbaadin laheyn hantida iyo nafta ganacsatada Soomaalida isla markaana aan helno xaquuqda ay leeyihiin ganacsatada Soomaalida, lakiin la’aantiin ma shaqeyn karno waxaa loo baahan yahay in aad nala shaqeysaan”Ayuu yiri Danjire Jamaal Barrow.

Ka soo qeybgalayaasha shirka waxaa ay xuseen in loo baahan yahay in qeyb walba oo bulshada ka mid ah ay doorkeeda ka cayaarto sidii loo joojin lahaa arrimahaan safaaradana ay ka caawiso dhanka sharciyada iyo sidii looga heli lahaa dowladda K Afrika in wax laga qabto dhibaatooyinka loo geysto ee isugu jira dilalka iyo boobka goobaha ganacsiga waxaana lagu balamay in kulamadaan ay sii socdaan isla markaana  laga soo saaro arrimo dhaxalgal u ah bulshada Soomaaliyeed ee ku nool dalka K/Afrika.

 

R/wasaare Khayre”Dowladda Soomaaliya waxay diyaar u tahay in Dowlad Goboleedyada ay kala shaqeysa dowrkoodi ku aadan dhismaha Dowladnimo

0

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa hambalyo u diray shacabka iyo Madaxwaynaha Hirshabeele , waxuuna balan qaaday in uu kala shaqayn doono dib-u-heshiisiinta, Is-cafiska, Kalsooni abuurista iyo dib-udhiska dhamaan shacabka ku dhaqan Hirshabeele iyo guud ahaan bulshada Soomaaliyeed.

“Munaasabadani waxay ku soo aaday iyadoo dalkeenu uu ku jiro tacsi tiiraanyo leh, dhacdadii 14-kii bishan waxay noo sheegaysaa in ay ahayd tusaale aan ka baranayno dhibkii na soo maray, waxayna isku soo dhawaynaysa quluubteena, sidoo kalena hadii uu jiray waxyar oo khilaaf ah waan in aan ilownaa ” Ayuu yiri R/W Khayre.

Hadalkan ayuu jeediayay xili uu ka qeybgalayay munaasabadda caleema saarka madaxweynaha Hirshabeele,waxaana Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya uu cadeeyay in madaxda dawladda dhaxe ee Soomaaliya ay diyaar u yihiin in mar walba ay Maamul Goboleedyada dalka kala shaqeynayaan soo dhisada hay’adaha dawladda, sugida amniga iyo horumarinta deegaaanadooda, si nidaamka federaaliga ah hoos loogu daadajiyo.

R/W Khayre ayaa sidoo kale tilmaamay in nidaamka federaalisimka uu yahay go’aan ay qaateen shacabka Soomaaliyeed. “Waxaan ka shaqeynaynaa in aan xoojino federaalisimka dalka, si loo sameeyo maamul baahin, dadkuna ay uga faa’idaystaan adeegyada dawladnimo.

Hadalka Ra’iisul Wasaatraha ayaa ku soo beegmaya xili ay jiraan aragti kaladuwanaansho siyaasadeed oo u dhexeysa Dowladda Dhexe iyo Dowlada Goboleedyada,waxaana hadalka raiisul wasaaraha uu u muuqda mid muujinaya isku soo dhawaansho iyo wadatashi.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa dhawaan ugu baaqay madaxda maamul goboleedyada in 28ka bishan ay shir isugu yimaadaan magaalada Muqdisho,si ay uga wadatashadaan arrimaha masiiriga ah ee Dalka,si loo gaaro yoolka uy hiigsanayaan bulshada Soomaaliyeed.

Wasaaradda Caafimaadka oo deeq dawo ah gaarsiiyay qaar ka mid ah Isbitaalada Muqdisho

0

Muqdisho (SONNA) Wasaaradda Caafimaadka ee Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta Isbitaalada Muqdisho qaarkood gaarsiiyay deeq dawo ah, taasi oo ka qeyb  qaadaneysa habsami u socodka howlaha caafimaadka ee Isbitaalada.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka Dr Cabdullaahi Xaashi ayaa sheegay Afar kun saddex boqol iyo shan kartoon ay tahay dawooyinka dowladda la soo gaarsiiyay, kuwaasi oo qeyb ka mid ah maanta lagu wareejiyay maamulada Isbitaalada Keysaney, Deyniile, Benaadir iyo kuwa kale, si loogu adeego bukaanada isbitaaladaasi jiifa.

“Guud ahaan waxaa noo timid 4,305 (afar kun saddex boqol iyo shan ) kartoon oo daawo ah kuwaas oo ka kala yimid Kenya, Jabuuti, Ethiopia, Qatar, US Aid, UN SOS, Puntland, Save the children, WHO iyo Zam Zam foundation” ayuu yiri Agaasimaha Guud.

Wasaaradda Caafimaadka ayaa dadaal ugu jirta sidii looga jawaabi lahaa baahiyaha ay qabaan Isbitaalada magaalada Muqdisho, kaddib markii howlo wadeenno ka tirsan Wasaaraddu ay qiimeeyn ku soo sameeyeen qaar ka mid ah Isbitaalada magaalada.

 

 

Akhriso:-Mid kamid ah Dhacdooyinka Xanuunka Badan ee ka dhashay Xasuuqii Zoobe!

0

Muqdisho(SONNA);-Catar Sheekh Ibraahim Gaabow  waxaa uu ahaa will yar oo caseeye ah, waxaa uuna  xirfadaas kaga shaqeenayay Hotelka Safaari ee magaalada Muqdisho, waxaa intaas u dheereed waxaa uu ahaa qofka kaliya ee Gogla Saliyada Salaada lagu tukado ee Majidka Hotel Safari, Saliyadaas oo ay ku tukan jireyn dhammaan macaamiisha Hotelka degan ama timaada.

Allaha unaxariistee waxaa uu ka mid ahaa dadkii ku dhintay Qaraxii Soobe ka dhacay, xilliga uu dhimanayay waxa uu ku mashquulsanaa dhigidda Saliyada Masjidka Maadaama la gali rabay Salaadii Casir.

Waxaana uu ifka kaga tegay Labo carruur ah iyo Hooyadood oo hadda Xaamilo ah kuwaas oo ku noolaa masruufka uu ka heli jiray shaqadiisa xirfada caseeyenimada ah, waxaa intaas dheer in sidoo kale Gurigiisa ay ku noolaayeen Sodohdiis iyo caruur ay dhashay iyaga oo daganaa xero barakac oo ku taala xaafada Weydow ee duleedka Muqdisho.

Khadiijo Aadan oo ah Xaaska Catar waxa ay inoo sheegtay in Catar uu ahaa qof dabeecad wanaagsan oo aysan si aad ah uga walwali jirin carruurteeda laakiin hadda waxa ay inoo sheegtay in aysan aqoon meel ay wax ka bilowdo.

Allaha u naxariistee Catar iyo qoyskiisa ayaa sidoo kale ka mid ahaa dadkii ay abaartu ka soo barakicisay deegaanadoodii oo hadda ma haystaan meel ay u laabtaan waxaana xaalad nolol xumo ku haysataa xaafadda weydow.

“Waxa uu kasoo helo shaqadiisa ayaan iimaansan jirnay, inta ay noo noqoto suurtagal ma ahayn in aan saddaxda waqti wax cunno, laakiin kama fakari jirin cabsi ah in aan baahi u dhimano, laakiin hadda sidii uu u dhintay dab lagama shidin gurigeena” ayay tiri Khadiijo Aadan oo ilmeyneysa.

Hooyada dhashay Khadiijo oo ah Catar Sodohdiisa ayaa sidoo kale noo sheegtay in Catar uu xanuunsanaa Maalintii uu geeriyoonayay, waxa ayna intaas raacisay in subixii ay ka codsatay in uu shaqada ka joogo inta xaalkiisu uu is badalayo laakiin Catar oo shaqadiisa aad u jeclaa dareemayana mas’uuliyadda saran ayaa diiday in uu seexdo.

Qoyskan oo hadda ku sugan xaalad adag ma jiro gurmad gaaray laakiin wali ma aysan rajo dhigin in ay bulshada Soomaaliyeed iyo cidkasta oo beni’aadanimada tixgelisaba caawimaad u fidiso, qofkii raba in uu caawiyo waxa uu la xiriiri karaa 00252612024287 oo laga helo Qadiiji Aadan oo ah Xaaskii Catar uu ka dhintay.

W/Q: Cabdifataax Arizona

Madaxweynaha Jubbaland oo ku baaqay in loo midoobo dagaalka Al-Shabaab “SAWIRRO”

0

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland ee Soomaaliya Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa sheegay in musiibadii dhawaan ka dhacday Isgooyska Zoobe ee magaalada Muqdisho ay maalin walba soo noq-noqon doonto hadaan la cirib tirin Al-Shabaab.

Mudane Axmed Madoobe wuxuu xusay in ay jirto hal wado oo maanta u furan hogaanka Soomaaliya oo ah in loo midoobo sidii Al-Shabaab loola dagaalami lahaa.

Madaxweynaha Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa sheegay in hadii Siyaasada lagu kala aragti duwanaado aysan marnaba macquul ahayn in mustaqbalka laga quusto oo meel la iska dhigo dagaalka cadawgu uu umada ku hayo.

Dhamaan shacabka Soomaalida ayuu Madaxweynaha Jubbaland ku booriyay in ay iska kaashadaan sidii Al-Shabaab dalka looga saari lahaa oo bulshada ay ku baraarujiyaan khatarta Al-Shabaab ay dalkan la damacsan yihiin.

“Maalin walba ma dhaafi doono in aan maydka u tacsiyayno dhaawacana aan dawaysano oo aan xaaqno halkii shacabkeena lagu dhameeyay hadaynaan Argagixisada dagaal dhab ah ku qaadin” ayuu yiri Axmed Madoobe.

Bulshada ayuu ku booriyay in ay ogaadan in cadawgu uu iyaga beegsanayo oo aysan rabin Dowlad iyo dadka u shaqeeya oo kaliyah, taas badalkeedana looga baahan yahay in shacabku ay ciidamada garab istaagan.

Madaxweynaha JFS iyo RW Itoobiya oo ka wada hadlay dabargoynta argagixisada Al Shabaab(sawirro)

0

 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo socdaal ku maraya qaar ka mid ah dalalka ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya ayaa gaaray magaalaa Addis Ababa.

Madaxweynuhu ayaa halkaas kula kulmay Raiisul Wasaaraha dalka Itoobiya Mudane Haile Mariam Desaglen oo ay ka wada hadleen iskaashiga dhinacyada amniga ee wadamada gobolka iyo la dagaalanka kooxda argagixisada ah ee Al Shabaab.

Madaxweyne Farmaajo ayaa uga mahadceliyay Ra’iisul Wasaare Desaglen dadaalka ay dowladdiisu ku bixineyso nabadeynta Soomaaliya oo ciidamada Itoobiya ay qeyb ka yihiin hawlgalka nabad ilaalinta ee AMISOM.

“Mudane Raiisul Wasaare, waxaan si wayn u wada ogsoonahy in uu sii xoogeysanayo iskaashiga dhinaca amniga ee ka dhaxeeya labada dal. Waxaana rajeynayaa inaan sii xoojinno dadaallada aan ku bixineyno xasilloonida gobolka iyo horumarkiisa.”

Ra’iisul Wasaare Itoobiya ayaa uga tacsiyeeyo Madaxweyne Farmaajo dadkii shacabka ahaa ee lagu laayay Qaraxii Soobe, waxa uuna ballan qaaday in uu garab istaagayo Dowladda Soomaaliya oo dhawaan bilaabeyso hawlgallo military oo dalka looga sifeynayo Al Shabaab.

Ra’iisul Wasaare Desaglen ayaa ugu baaqay dalalka kale ee ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya in ay sii labo-laabaan dadaallada lagu dabargoynayo argagixisada.

Ra’iisul Wasaaraha Ethiopia, Haile Mariam Desalegn, ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay horumarka Soomaaliya, dalkiisuna uu doonayo inuu arko Soomaaliya oo ka guulaystay argagixisada, xasilooni darrada siyaasadeed iyo tan amni.

Michael Keating oo Amaanay Midnimada Shacabka Soomaaliyeed

0

Muqdisho (SONNA) Ergayga gaarka ah ee Xoghayaha guud ee Qaramda Midoobay u qaabilsan arimaha Soomaaliya Michael Keating ayaa si weyn ugu amaanay Shacabka Soomaaliyeed, Madaxda dalka iyo Beesha Caalamka Gurmadka ay u sameeyeeyn dadkii waxyeelada ay ka soo gaartay qaraxii 14-kii bishan ka dhacay magaalada Muqdisho.

Michael Keating ayaa ku baaqay in Midnimadaas loo adeegsado Hormarinta dalka iyo Nolosha dadka Soomaaliyeed, isagoo sheegay in Soomaaliya ay hormar badan sameyneyso, wuxuuna isbarbar dhigay sanad ka hor sida ay aheyd Soomaaliya iyo hada isagoo sheegay Hormar iyo dhismo badan uu ka socdo Muqdisho, Jowhar iyo Magaalooyinka kale ee dalka.

Danjiraha ayaa sheegay in Beesha Caalamka ay labo jibaareyso Taageerada ay siiso Soomaaliya balse wuxuu xusay in Hormarka Soomaaliya looga baahan yahay Shacabka Soomaaliyeed markaas ka dibna ay taageero dhinac kasta ah la garab istaagi doonaan Beesha Caalamka, wuxuuna ku baaqay in Khilaafka lagu dhameeyo wada hadal.

Munaasabada Caleemasaarka Madaxweynaha Hirshabeelle ayaa masuuliyiintii khudbadaha ka jeediyay waxay ku baaqeen in laga shaqeeyo Midnimada iyo si wadajir ah loola dagaalamo Aragagaxisada Al shabaab oo cadow ku ah hormarka dalka.

Wasiirka Maaliyadda XFS oo kormeeray xarunta Canshuuraha Garoonka Muqdisho”Sawirro”

0

Muqdisho(SONNA)-Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya  C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa kormeer ku tagay Xarunta Canshuuraha ee Garoonka Diyaaradaha Muqdisho,isgaoo u kuur galiyay howlaha shaqo ee halkaas ka socdo.

Mudane Cabdiraxmaan  Ducaale  Beyle ayaa  u jeedka socdaalkiisu ahaa si loo xaqiiyo in shaqada Canshuuraha Garoonka  ay u socoto habkii lagu balamay.

Wasiir Beyle ayaa mid mid u dul istaagay Goobaha ay shaqadu ka socoto iyo Diyaaradaha Xamuulka keeno oo ay ku jiraan kuwa Khaadka (Jaadka) soo dajiya,si loo hubiyo Agabka laga soo dajiyo Garoonka iyo kuwa  ladhoofinayo.

Wasaaradda Maaliyadda Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa dadaal ugu jirto sidii hanaanka maaliyadeed ee dalka loo hormarin lahaa,iyadoo bilihii u danbeysay ku talaabsatay sara u qaadista dhaqaalaha wadanka.

R/wasaare Kheyre oo Khudbad ka jeediyay Caleemasaarka Madaxweynaha Hirshabeelle”Sawirro”

0

Muqdisho (SONNA) Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa khudbad ka jeediyay Munaasabadii lagu Caleemasaaray Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare.

Ra’iisul wasaaraha ayaa u hambalyeeyay Madaxweynaha Hirshabeelle iyo Shacabka ku nool deegaanada maamulkaasi, isagoo u rajeeyay Hormar balaaran iyo inay ka shaqeeyaan Amniga iyo hormarinta dalka, isagoo sheegay inuu Salaan kaga wado Madaxweynaha Dalka Maxamed Cabdulaahi Farmaajo.

Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa sheegay in Dowlada Soomaaliya ay ka shaqeyneyso sidii loo hirgalin lahaa Nidaamka Federaalka, iyo in laga shaqeeyo Sugida amniga iyo Hormarka dalka.

Sidoo kale wuxuu ku baaqay Ra’iisul wasaaraha in laga shaqeeyo Midnimada lagana tago Khilaaf iyo wax kasta oo dib u dhigi kara hormarka ay ku socoto Soomaaliya, wuxuuna xusay in hadafka uu yahay in la daboolo baahida shacabka Soomaaliyeed uu sheegay inay u baahan yihiin Amni, Dhaqaale iyo in shaqo loo abuuro Dhalinyarada.

Ra’iisul wasaaraha ayaa ka hadlay khilaaf la isla dhex marayay inuu u dhaxeeyo Madaxda Dowlada Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada dalka, wuxuuna sheegay in meel kasta oo maamul uu ka jiro uu imaanayo Khilaaf laakiin wuxuu sheegay in Maamul Goboleedyada ay yihiin Garbaha Dowlada Federaalka isla markaana ay si wadajir kaga shaqeynayaan Hormarka Dalka, lagana wada hadli doono waxkasta oo lakala tabanayo.

Ugu dambeyn Ra’iisul wasaare Xasan Cali ayaa ka hadlay Gogosha uu Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ku casuumay Madaxweyneyaasha Dowlad Goboleedyada isagoo sheegay in Madashaasi looga hadli doono Tabashooyin ay kala qabaan Dowlada Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada iyo in Madaxda Qaranka ay ka tashadaan sidii dalka looga xureyn lahaa Cadowga umadda Soomaaliyeed ee Al shabaab.

Dhinaca kale Madaxda Dowlad Goboleedyada oo Khudbado ka jeediyay Madasha ayaa dhamaantood ku baaqay in laga shaqeeyo wadajirka umadda Soomaaliyeeed oo ah wadada kaliya ee guul lagu gaari karo.

Madaxweynha JFS oo si diirran loogu soo dhaweeyey Addis-ababa

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo socdaal ku marayaa qaar ka mid ah wadamada dariska ah ayaa gaaray magaalada Addis-ababa ee Xarunta dalka Itoobiya.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa waxaa si diirran ugu soo dhaweeyey garoonka diyaaradaha ee magaalada Addis, musiiliyiin uu horkacaayo Wasiirka Arrimaha Dibadda dalka Itoobiya Mudane Workneh Gebeyehu.

Madaxweyne Farmaajo oo la hadlay Saxaafadda ayaa sheegay in safarkiisa uu salka ku hayo sidii loo dar-dar gelin lahaa dagaalka ka dhanka argagixisada isla markaasna loo midayn lahaa qorshayaasha wadamada geeska Afrika ee ay ku wajahaayaan ka hor-tagga khatarta argagixisada.

Saacadaha soo socda  waxaa kulan gaar ah yeelandoona Madaxweynaha Soomaaliya iyo Raiisul Wasaaraha Itoobiya Hailemariam Desalegn iyadoona ay si qoto dheer uga hadli doonaan xiriirka iskaashiga ee labada dal gaar ahaan dhinacayda la xiriira dagaalka ka dhanka ah Alshabaab.

Sidoo kale, Madaxweynuhu waxa uu xaqiijiyey in uu gaaridoono dalka Jabuuti si madaxda dalkaas ay isaga waraystaan amniga Gobolka, isaga oo hordhigidoona muhiimadda ay leedahay in la dar dargeliyo dagaalka ka dhanka ah argagixisada Alshabaab.