Home Blog Page 1413

Wasiirka Maaliyadda XFS oo kormeeray xarunta Canshuuraha Garoonka Muqdisho

0

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya  C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa kormeer ku tagay Xarunta Canshuuraha ee Garoonka Diyaaradaha Muqdisho,isgaoo u kuur galiyay howlaha shaqo ee halkaas ka socdo.

Mudane Cabdiraxmaan  Ducaale  Beyle ayaa  u jeedka socdaalkiisu ahaa si loo xaqiiyo in shaqada Canshuuraha Garoonka  ay u socoto habkii lagu balamay.

Wasiir Beyle ayaa mid mid u dul istaagay Goobaha ay shaqadu ka socoto iyo Diyaaradaha Xamuulka keeno oo ay ku jiraan kuwa Khaadka (Jaadka) soo dajiya,si loo hubiyo Agabka laga soo dajiyo Garoonka iyo kuwa  ladhoofinayo.

Wasaaradda Maaliyadda Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa dadaal ugu jirto sidii hanaanka maaliyadeed ee dalka loo hormarin lahaa,iyadoo bilihii u danbeysay ku talaabsatay sara u qaadista dhaqaalaha wadanka.

Madaxweynaha JFS iyo RW Itoobiya oo ka wada hadlay dabargoynta argagixisada Al Shabaab

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo socdaal ku maraya qaar ka mid ah dalalka ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya ayaa gaaray magaalaa Addis Ababa.

Madaxweynuhu ayaa halkaas kula kulmay Raiisul Wasaaraha dalka Itoobiya Mudane Haile Mariam Desaglen oo ay ka wada hadleen iskaashiga dhinacyada amniga ee wadamada gobolka iyo la dagaalanka kooxda argagixisada ah ee Al Shabaab.

Madaxweyne Farmaajo ayaa uga mahadceliyay Ra’iisul Wasaare Desaglen dadaalka ay dowladdiisu ku bixineyso nabadeynta Soomaaliya oo ciidamada Itoobiya ay qeyb ka yihiin hawlgalka nabad ilaalinta ee AMISOM.

“Mudane Raiisul Wasaare, waxaan si wayn u wada ogsoonahy in uu sii xoogeysanayo iskaashiga dhinaca amniga ee ka dhaxeeya labada dal. Waxaana rajeynayaa inaan sii xoojinno dadaallada aan ku bixineyno xasilloonida gobolka iyo horumarkiisa.”

Ra’iisul Wasaare Itoobiya ayaa uga tacsiyeeyo Madaxweyne Farmaajo dadkii shacabka ahaa ee lagu laayay Qaraxii Soobe, waxa uuna ballan qaaday in uu garab istaagayo Dowladda Soomaaliya oo dhawaan bilaabeyso hawlgallo military oo dalka looga sifeynayo Al Shabaab.

Ra’iisul Wasaare Desaglen ayaa ugu baaqay dalalka kale ee ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya in ay sii labo-laabaan dadaallada lagu dabargoynayo argagixisada.

Ra’iisul Wasaaraha Ethiopia, Haile Mariam Desalegn, ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay horumarka Soomaaliya, dalkiisuna uu doonayo inuu arko Soomaaliya oo ka guulaystay argagixisada, xasilooni darrada siyaasadeed iyo tan amni.

-DHAMMAAD-

Madaxweynaha Jubbaland oo ku baaqay in loo midoobo dagaalka Al-Shabaab

0

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland ee Soomaaliya Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa sheegay in musiibadii dhawaan ka dhacday Isgooyska Zoobe ee magaalada Muqdisho ay maalin walba soo noq-noqon doonto hadaan la cirib tirin Al-Shabaab.

Mudane Axmed Madoobe wuxuu xusay in ay jirto hal wado oo maanta u furan hogaanka Soomaaliya oo ah in loo midoobo sidii Al-Shabaab loola dagaalami lahaa.

Madaxweynaha Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa sheegay in hadii Siyaasada lagu kala aragti duwanaado aysan marnaba macquul ahayn in mustaqbalka laga quusto oo meel la iska dhigo dagaalka cadawgu uu umada ku hayo.

Dhamaan shacabka Soomaalida ayuu Madaxweynaha Jubbaland ku booriyay in ay iska kaashadaan sidii Al-Shabaab dalka looga saari lahaa oo bulshada ay ku baraarujiyaan khatarta Al-Shabaab ay dalkan la damacsan yihiin.

“Maalin walba ma dhaafi doono in aan maydka u tacsiyayno dhaawacana aan dawaysano oo aan xaaqno halkii shacabkeena lagu dhameeyay hadaynaan Argagixisada dagaal dhab ah ku qaadin” ayuu yiri Axmed Madoobe.

Bulshada ayuu ku booriyay in ay ogaadan in cadawgu uu iyaga beegsanayo oo aysan rabin Dowlad iyo dadka u shaqeeya oo kaliyah, taas badalkeedana looga baahan yahay in shacabku ay ciidamada garab istaagan.

R/Wasaaraha XFS oo ka tacsiyadeeyey geerida Marxuum Maxamed Jaamac oo ku geeriyooday Caabud-Waaq

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre, Wasiirka Warfaafinta Mudane Eng Cabdirixmaan Cumar Cismaan, Xoogahayaha Joogtada Xafiiska Ra’iisul Mudane Maxamed Keynaan iyo dhamaan Shaqaalaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, waxay tacsi u dirayaan Axmed Nuur Maxamed Jaamac oo Aabihiis Allaha u naxariistee Marxuum Maxamed Jaamac ku geeriyootay degmada Caabudwaaq.

waxayna alle uga baryayaan in uu qabriga u waasiciyo una fududeeyo su’aasha maalinta qiyaame. “Geeridu waa xaq, qof kastana waa dhimanayaa, waxaan la qaybsanaynaa murugada qoyska reer Maxamed Jaamac, waxaana Eebe uga baryaynaa in Marxuumka uu jannaadiisa ka waraabiyo, Qoyskii, Qaraabadii, Ehelkii iyo Asxaabtii ay ka geeriyootay uu samir iyo iimaan ka siiyo” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Khayre.
Sidoo kale, waxaa tacsi taa lamid ah u diraya Ra’iisul Wasarihii hore ee Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke iyo Ra’iisul Wasaarihii hore Mudane Cabdi Faarax Shirdoon Saacid oo dhammantood marxuumka Allah uga baryay inuu jannadiisa fardowso ka waraabiyo ehelkiisa samir iyo iimaan ka siiyo.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo Guddoomiyaha Aqalka Sare oo gaaray Garowe

0

Waxaa magaalada Garowe ee xarunta Punland gaaray Guddoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Soomaaliya iyo Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Sidoo kale waxaa wehlinaya Labada Guddoomiye Xildhibaano ka tirsan labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya.

masuuliyiintaan ayaa waxay ka qaybgali doonaan kulanka 40-aad ee kalfadhiga Baarlamaanka Puntland oo berri ka dhacaya magaalada Garowe ee Caasimadda Puntland.

Wafdi uu hugaaminaayo G/Aqalka sare oo maanta ku wajahan Garoowe

0

Muqdisho (SONNA) Wafdigaan uu hugaaminayo Guddoomiyaha Aqalka sare ee baarlamaanka Soomaaliya Mudane Cabdi Xaashi C/laahi ayaa lagu wadaa in ay Saacadaha Soo socda gaaraan Magaalada Garooowe ee Caaasimada Maaamulka Puntland ahna Xaruunta Gobolka Nugaal Soomaaliya.

Mudane Cabdi Xaashi C/laahi Guddoomiyaha Aqalka sare ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa Socdaalkiisa waxaa ku wehlinaaya xubno ka tirsan labada aqal ee baarlamaanka Soomaaliya kuwaasoo kulamo kala duwan la qaadan doona Madaxda Puntland ayna kala hadlaan arrimo ku saabsan Dastuurka Qaranka iyo hanaanka doorasho ee Soomaaliya marka la gaaro 2020.

Waxaana Magaalada Garoowe ka socota qaban qaabada lagu soo dhaweynaayo Ma,suuliyiinta ka socota Dowladda Fderaalka Soomaaliya ee maanta ku wajahan magaalada Garoowe ee Xaruunta Puntland waxaana si weyn loo adkeeyay Amaanka Magaaladaasi.

R/Wasaaraha XFS oo ka tacsiyadeeyey geerida Marxuum Maxamed Jaamac oo ku geeriyooday Caabd-Waaq

0

Muqdisho(SONNA) Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre, Wasiirka Warfaafinta Mudane Eng Cabdirixmaan Cumar Cismaan, Xoogahayaha Joogtada Xafiiska Ra’iisul Mudane Maxamed Keynaan iyo dhamaan Shaqaalaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, waxay tacsi u dirayaan Axmed nuur Maxamed Jaamac oo Aabihiis Allaha u naxariistee Marxuum Maxamed Jaamac ku geeriyootay degmada Caabudwaaq.

waxayna alle uga baryayaan in uu qabriga u waasiciyo una fududeeyo su’aasha maalinta qiyaame. “Geeridu waa xaq, qof kastana waa dhimanayaa, waxaan la qaybsanaynaa murugada qoyska reer Maxamed Jaamac, waxaana Eebe uga baryaynaa in Marxuumka uu jannaadiisa ka waraabiyo, Qoyskii, Qaraabadii, Ehelkii iyo Asxaabtii ay ka geeriyootay uu samir iyo iimaan ka siiyo” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Khayre.
Sidoo kale, waxaa tacsi taa lamid ah u diraya Ra’iisul Wasarihii hore ee Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke iyo Ra’iisul Wasaarihii hore Mudane Cabdi Faarax Shirdoon Saacid oo dhammantood marxuumka Allah uga baryay inuu jannadiisa fardowso ka waraabiyo ehelkiisa samir iyo iimaan ka siiyo.

Madaxweyne Kenyatta Doorashada Khamiista ma dhaafayso”

0

Nairobi(SONNA)Iyadoo weli mucaaradka ay ka soo horjeedaan hanaanka doorashada ayaa Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta wuxuu  sheegay in aysan baaqan doonin doorashada madaxtinimada ee lagu wado in dalkaasi ay ka dhacdo Khamiista soo socota.

Mr Kenyaata ayaa wuxuu xusay in hadii kooxaha mucaaradka ah ay diidan ama aqabalaanba ay dhacayso doorashada madaxtinimo ee dalka Kenya,taasi oo dhowr jeer u baaqatay sababo la xiriira dhanka siyaasadda oo la isku mari waayay.

Isaga oo magaalada Nairobi kula hadlayay qaar ka mid ah taageerayaashiisa, ayuu Uhuru sheegay in doorashadu u qabsoomi doonto sidi loogu tala galay, waxuu ka codsaday taageerayaashiisa in ay si xoog leh ugu codeeyaan.

Balse Hoggaamiyaha mucaaradka Dalkasi Kenya Mr Raila Odinga ayaa ka laabtay musharaxnimadiisa, kadib marki uu sheegay inuusan ku qanacsaneyn hannaanka doorashada,taasi oo dhalisay shaki iyo walwal ku aadan suuro galnimada in doorashadu ay u dhacdo hanaankii loogu talagalay iyo waqtigii loo qorsheeyey intuba.

Dadka odorosa arrimaha siyaasadda ee Dalkaasi Kenya ayaa ka digaya cawaaqib xumo ka dhalan karta doorashadani haddii aysan ka qeybgalin mucaaradka iyo haddii aysan u dhicin si xalaal ah intuba.

Maxakamadda sare ee dalkaasi Kenya ayaa horey u laashey guushii uu doorashada ka gaaray madaxweyne Uhuru Kenyatta,taasi oo keentay in markale dib loogu celiyo welina ma muuqdo xal siyaasadeed.

Hoos u dhac ku yimid ganacsigii ay lahaayeen Soomaalida K/Afrika+Sawirro

0

K/Afriak(SONNA) Kulankan oo ay soo qaban qaabisay Safaaradda Soomaaliya ee K/Afrika laguna qabtay Xarunta Safaaradda ayaa waxaa ka qeybgalay Safiiirka Soomaaliya ee dalkaasi,Madaxda Safaaradda,ganacsato Soomaaliyeed oo ka kala yimid Gobolada ay Soomaalida u badantahay ee dalka South Africa waxaana kulanka looga hadlayay arrimo badan oo quseeya ganacsiga Soomaalida.

 

Waxaa lagu falanqeeyay intii uu socday kulanka sidii looga hortagi lahaa dhibaatooyinka ganacsatada Soomaalida ka heysta dhanka ganacsiga, Suuqyada Dalka K/Afrika, sidii dabagal loogu sameyn lahaa weerarada loo geysto Soomaalida, iyo waliba arrimo la xiriira sharciyada iyo qodobo kale oo muhim ah .

Ganacsatada kulanka ka qeybgalay ayaa sheegay in uu jiro hoos u dhac ku yimid ganacsiga Soomaalida ay ku lahaayeen deegaanada tuulooyinka ah, sidoo kale waxaa ay xuseen in  barakicin xoogan  lagu haayo goobaha ganacsiga Soomaalida taa oo timid markii inta badan goobaha ganacsiga Soomaalida laga iibiyay ganacsato Ajaanib ah,taana ay keeni karto in Soomaalida laga saaro suuqyada ganacsiga ee dalkaan Koofur Afrika oo hore ay si weyn uga dhax muuqdeen.

Ka soo qeybgalayaasha shirka qaar ka mid ah oo hadlay waxaa ay sheegeen in dhibaatooyinka soo cusboonaday qaarkood ay sababeen caqabado heysta milkiilayaasha goobaha ganacsiga Soomaalida ee ku yaala deegaanada tuulooyinka ah,waxaana caqabadahaasi ay isugu jiraan kuwa la xariira arrimo amni iyo qaar kale oo ka timid shaqaalo la’aan ku dhacday goobaha ganacsi oo ay dhalinyaradii ka shaqeyn laheyd qaarna ay sharciyadii ku dhiban yihiin kadibna dalkii isaga laabtay ama u tahriibay dalal kale ee caalamka.

Safiirka Dowlada Soomaaliya u fadhiya dalka K/Afrika Danjire Jamaal Maxamed Barrow oo kulanka soo gaba gabeeeyay ayaa u balan qaaday Soomaalida Dalkaaskunool in ay dowr weyn ka cayaari doonaan isla markaana ay safaaradda diyaarisay qorshe sanadka 2018 isbdal weyn loogu sameeynayo.

“Safaarada waxaa ay diyaarisay qorshe cusub oo lagu howlgalayo sanadka 2018 ka haduu Alle na gaarsiiyo, waxaan noo diyaar ah in wado walba aan u marno sidii aan ku badbaadin laheyn hantida iyo nafta ganacsatada Soomaalida isla markaana aan helno xaquuqda ay leeyihiin ganacsatada Soomaalida, lakiin la’aantiin ma shaqeyn karno waxaa loo baahan yahay in aad nala shaqeysaan”Ayuu yiri Danjire Jamaal Barrow.

Ka soo qeybgalayaasha shirka waxaa ay xuseen in loo baahan yahay in qeyb walba oo bulshada ka mid ah ay doorkeeda ka cayaarto sidii loo joojin lahaa arrimahaan safaaradana ay ka caawiso dhanka sharciyada iyo sidii looga heli lahaa dowladda K Afrika in wax laga qabto dhibaatooyinka loo geysto ee isugu jira dilalka iyo boobka goobaha ganacsiga waxaana lagu balamay in kulamadaan ay sii socdaan isla markaana  laga soo saaro arrimo dhaxalgal u ah bulshada Soomaaliyeed ee ku nool dalka K/Afrika.

 

R/wasaare Khayre”Dowladda Soomaaliya waxay diyaar u tahay in Dowlad Goboleedyada ay kala shaqeysa dowrkoodi ku aadan dhismaha Dowladnimo

0

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa hambalyo u diray shacabka iyo Madaxwaynaha Hirshabeele , waxuuna balan qaaday in uu kala shaqayn doono dib-u-heshiisiinta, Is-cafiska, Kalsooni abuurista iyo dib-udhiska dhamaan shacabka ku dhaqan Hirshabeele iyo guud ahaan bulshada Soomaaliyeed.

“Munaasabadani waxay ku soo aaday iyadoo dalkeenu uu ku jiro tacsi tiiraanyo leh, dhacdadii 14-kii bishan waxay noo sheegaysaa in ay ahayd tusaale aan ka baranayno dhibkii na soo maray, waxayna isku soo dhawaynaysa quluubteena, sidoo kalena hadii uu jiray waxyar oo khilaaf ah waan in aan ilownaa ” Ayuu yiri R/W Khayre.

Hadalkan ayuu jeediayay xili uu ka qeybgalayay munaasabadda caleema saarka madaxweynaha Hirshabeele,waxaana Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya uu cadeeyay in madaxda dawladda dhaxe ee Soomaaliya ay diyaar u yihiin in mar walba ay Maamul Goboleedyada dalka kala shaqeynayaan soo dhisada hay’adaha dawladda, sugida amniga iyo horumarinta deegaaanadooda, si nidaamka federaaliga ah hoos loogu daadajiyo.

R/W Khayre ayaa sidoo kale tilmaamay in nidaamka federaalisimka uu yahay go’aan ay qaateen shacabka Soomaaliyeed. “Waxaan ka shaqeynaynaa in aan xoojino federaalisimka dalka, si loo sameeyo maamul baahin, dadkuna ay uga faa’idaystaan adeegyada dawladnimo.

Hadalka Ra’iisul Wasaatraha ayaa ku soo beegmaya xili ay jiraan aragti kaladuwanaansho siyaasadeed oo u dhexeysa Dowladda Dhexe iyo Dowlada Goboleedyada,waxaana hadalka raiisul wasaaraha uu u muuqda mid muujinaya isku soo dhawaansho iyo wadatashi.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa dhawaan ugu baaqay madaxda maamul goboleedyada in 28ka bishan ay shir isugu yimaadaan magaalada Muqdisho,si ay uga wadatashadaan arrimaha masiiriga ah ee Dalka,si loo gaaro yoolka uy hiigsanayaan bulshada Soomaaliyeed.